Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXI-aad

S. Enow

Marka ay xoogagga gumaystayaasha ah inooga imanayee dhulka xeebaha ah, dadkayagii Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha, badankood waxay ahaayeen reer-guuraa xoolo-dhaqato ah. Halgankii ay kula tacaalayeen xaaladihii qallafsanaa ee noloshooda iyo colaadihii badnaa ee dhexdooda yiil ka sokow, waxaa jira weji qurux badan oo buuxinaya dadnimadii iyo garaadkii korranaa oo ay dadkayagu lahaayeen. Wejigaasi waa dhaqamadii ay haysteen iyo caadooyinkii uu gumaystaha ugu yimid, kuwaas oo ay kaga tallaabi jireen caqabadaha la soo dersa. Dhaqamadaas oo la oran karo waa kuwo salka ku haya caqiidada ay aamin-sanaayeen ee Islaamka ah, ayaa waxaa amaanay raggii u adeegayay gumaystayaasha ee Soomaalida wax ka qoray. Haddaba intaynaan u gudbin bilowgii hooshka ku dhacay dadkeenii, waxaanu yara milicsaneynaa muuqaallo kamid ah dhaqamadii wanaagsanaa ee aanu ka soo gaarnay facihii uu gumaysiga hooshay. Dhinacyada aanu tusaalaha u soo qaadanayno waxay yihiin :

1. Qabiilka iyo Qabyaaladda

2. Golaha Lagu Garramo

3. Xeerka Mageydada

Qabiilka wuxuu ahaa saldhigga nolosha siyaasadeed ee baadiyaha. Reer miyigu waxay hanaankan qabyaaladda u kaashan jireen in ay timaaddadooda ku mala awaalaan, tagtadoodana ay ku xafidaan tay joogaanna ay ku maamushaan. Dhibaatooyinka siyaasadeed ee la soo gudboonaada, hadday tahay mid beesha gudaheeda ah, mid beelo kale kaga timid, iyo hadday tahay mid kaga timaadda qowmiyadaha la deriska ah (Carab, Xabashi, Oromo, Cafar, Baantuu), intuba maareyntooda waxay ku jaan goŽnaayeen hannaanka is-bahaysi ee uu qabiilku lahaa. Waxaa qabiilka ku ururusanaa xubnaha beelaha, isla markaasna wuxuu wanaag ku xiriirin jiray qofka iyo bulshada uu la nool yahay. Wuxuu hor taagnaa in uu qof qalaad ku milmo beel uusan u dhalan, qofka aanan Soomaaliga ahayna waa uu kasii xag jiray.

Qabiilka Soomaalida waxaa u saldhig ah silsiladaha abtirsiinyo geneology oo ay facaha reer guraagu u yeerin jireen caruurtooda, taasina waxay dowr wayn ka cayaari jirtay ilaalinta sharafka, maalka iyo nafta qofka reer guraaga ah. Waxaa xusid mudan, gulufyadii colaadeed oo soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd ay ku dhul fidsanayeen, qabiilku wuxuu ahaa muŽasasadda keliya oo ay geel-jirtu ka helayeen taakulaynta. Soomaalida reer miyiga ah wax ay dusha ka xafidaan waxaa agtooda ugu qiima waynaa quraanka iyo abtirsiga uu qofku leeyahay. Dugsiyada barashada abtirsiga waxaa macallin ka ahaa hooyada oo goor hore ilmaha u bilowda casharrada dhaqanka ee lagu xafidsiinayo abtirsigooda, kaas oo garab socday barista ilmaha la barayo afkooda hooyo. Sidaa darteed baa abtirsiga beelaha Soomaaliyeed wuxuu ka nabad galay in dibadda laga fara geliyo. Arrintaasi Soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd waxaa ay siisay xiriir adag oo aanan la dhex geli karin oo ay isku ! ! gartaan isuguna hiiliyaan.

Sheekooyinka xiisaha leh oo inoo tilmaamaya urursanaanta qabiilka, waxaa kamid ah tii dhexmartay Ugaas Maxamuud Dhoore oo u dhashey beesha Mareexaan iyo sarkaal talyaani ah oo masuul looga dhigay degaanka waqooyiga Juba. Sarkaalku mar uu damcay in uu tiriyo geela beelaha Mareexaan ee ku dhaqan gobolka Gedo, ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri :

" Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga xusulkaaga oo aad leeftaa ".

Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri :

" Haddii aan cududda jebiyo, markaas xusulka carrabka waan la gaarayaa ".

Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow maahan in dhibaato faraha lala galo ".

Sarkaalkii : " Haa ".

Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo aad tirisaa ".

Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq, halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo ay isu ururiyeen iyo degdegta ay goŽaanka ku fuliyeen.

Sir. Kirk oo ahaa qunsul u fadhiyay dowladda Ingiriiska jasiiradda Sensibaar xilligii uu gumeysiga inoo imanayay, ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku qoray sidan :

" Soomaalida ku nool koonfrta Soomaaliya waxay la dhaqan yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa howl adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka sarreeya ". (Kirk to Granville. dispatch No. 18. January 17. 1885).

Sida uu qunsulku sheegay, qabiilku waa urur-bulshadeed xoog leh oo ay beeluhu isaga war-qabaan. Waxaa kale oo nadaamka qabiilku uu xambaarsanaa aragti isla weyni ah, taas oo qofku uu ku ilaalinayo sharafta beesha, isaguna uu iska ilaalinayo in uu ceeb iyo magac xumi ku kordhiyo dadka uu abtirsiinyaha la wadaago. Arrintaasi waxay ku reebtay reer miyigii Soomaaliyeed islaweyni guud oo ay beelaha Soomaaliyeed qabeen.

Isla-weynida shakhsiyadda soomaaliyeed ee reer miyiga ah, inbadan waxaa xusay ciidamadii gmeystayaashii reer Yurub qeybahoodii hore ee Soomaaliya yimid, kwaas oo la kulmay dhaqankii caafimaadka qabay iyo caadooyinkii ay haysteen xubnihii beelaha xoolo-dhaqatada ahayd. Jeneral Douglas Jordin oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Made Mullah of Somali-land wuxuu ku qoray sheeko dhex-martay sarkaal Ingiriis ah iyo nin reer miyi ah oo ku kulmay magaalada Berbera. Sheekadu waxay u dhacday sidan :

Sarkaalkii : Dadka dunida yaa ugu sareeya ? .

Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.

Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.

Geel-jirkii : Carabta.

Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay, sidee bay u suragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.

Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn annaga ayaa idiin iman lahaa oo maamul idiin samayn kahaa.

Waxaa kale oo iyaduna dhacday dood dhex-martay sarkaal Talyaani ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo maxbuus ahaan loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku guulaystay dagaalladii uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari. Sarkaalkii ayaa waxaa la hor-keenay ninkii maxbuuska ahaa, dabadeed wuxuu ku yiri :

" Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaaga degaankiinii qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala heshiisaan oo aad na oggolaataan ".

Maxbuuskii baa jawaabay oo yiri :

" Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa muuqda oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof aragto ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku bakhtidaa. Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa, markaasaa anigoo lay ilaalinayo lay geeyaa. Haddaba waxaan kugula talinayaa in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto. Sagaaradii ayaa u jawaabtay oo tiri : Intii meel kasta oo wanaagsan lay sahmin lahaa, iyada oo lay ilaalinayona laygeeyo, dabadeedna anigoo qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa, waxaan door bidayaa in aan baahi iyo oon aan duurka la joogo ".

Haddii aanu milicsano abtirsiga ay soomaalidu ka dhaxleen dadkooda reer miyiga ahaa, waxaan helaynaa dallad sare oo ay inta badan soomaalidu (92 %) ku abtirsadaan. Waxaa dusha sare kaga sugan magac wahmi ah oo ay Soomaalidu aaminsan yihiin in ay ka yimaadeen. Magacaasi waa odeyga la yiraahdo Hiil, kaas oo aanan la haynin wax magaciisa dhaafsiisan, markii laga reebo laba wiil ee uu dhalay oo lakala yiraahdo Sab iyo Samaale, kuwaas oo waalid u noqday dadka soomaalida ah intooda badan. Waxaa la sheegaa in Hiil uu yahay nin ka soo farcamay Cuqayl binu Abii Taalib oo ahaa suubanihii Maxamad ahaa (s. c. w.) ina adeerkiis. Xiriirka abtirsiinyo ee ka dhaxeeya Hiil iyo Cuqayl lama hayo, markiise sawir laga bixiyo silsiladda faceed oo ay leeyihiin durriyaddii Hiil waa sidatan :

Hiil wuxu dhalay Sab iyo Samaale

Sab wuxuu dhalay

1. Digil : (Jiiddo, Tunni, Gelledi, Dabarre Garre)

2. Mirifle : Siyeed (Elaay. Leysaan, Eemid, Diisow, Maallan, Wiin) iyo Sagaal (Luwey, Gellidle, Yantaar, Jilible, Hbeer).

Samaale wuxuu dhaley Irir

Irir wuxuu dhalay :

1. Hawiye.

2. Aji.

3. Mayle (Xawaadle).

4. Yaabur (Gaaljecel iyo Dagoodiye).

5. Maqaarre.

6. Gariire.

7. Xamarre.

8. Xariire.

Hawiye wuxuu dhalay : Karanle (Murursade), Gorgaate (hiraab), Gugundhabe (Baadi-cadde). Jambeelle (Ajuraan).

Aji wuxuu dhalay :Dir, Dangolo.

Dir wuxuu dhalay : Madaxweyne (Akishe), Mandaluug (Gadabiirsay), Madoobe (Ciise), Mahe (Isaaq, Biyamaal iyo Surre).

Dangolo wuxuu dhalay gabadha la yiraahdo Doombiro.

Doombiro waxaa guursadey Daarood, waxay u dhashay : Maxamed(Kablalax), Axmed(Sade), Xuseen(Tanade),Yuusuf(Awrtable) iyo Ciise.

Kulminta uu qabiilku isu geeyo beelaha reer miyiga ah ayaa waxay sabab u noqon jirtay in ay ogaadaan qofka socotada ah la soo dersa. Maadaama dhulkeena uu ku yaal meel u furan aduun waynaha oo uu xeeb dheer leeyahay, waxaa dhici jirtay in dadka badaha maraya ay ku soo leexan jireen. Qabiilku wuxuu ahaa hnaaanka bulshadeed ee diiddanaa in inta leyna dhex-qaado leynagu milmo.

Magacyada guud oo uu qabiilku lahaa ka sokow waxaa jiray magacyo beel-hoosaad lineage segments oo ku jaangoŽan abtirsiga dhow ee qofku leeyahay. Arintaasi waxay beelaha isugu xiraysay qaab ciidan oo kale (Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug). Qabiilkuna wuxuu lahaa Tol, Qabiil, Reer, Jilib, Jifi iyo Qoys. Taasi waxay dhalisay in xubnaha bulshadu ay si xoog leh isaga war-qabaan, iyaga oo ku dadaali jiray in si wadajir oo heer beeleed ah ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka nolosha.

Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan abwaano tilmaamaya arrintaas oo weliba muujinaya sida uu qofka Soomaaliga ahi ugu qanacsanaa abtirsiga uu leeyahay. Xaaji Cali Cabdiraxmaan ayaa dareenka noocaas ah tilmaamay mar uu abtirsigiisa ka warramayay isaga oo leh :

Baha baha hadday noqoto bahda Haajiraan ahay

Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay

Daarood bartiis iyo beerkiyo laftaan ahay

Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay

Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay

Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.

Cumarkaa burhaantiis bogga loo geshaan ahay

Sidoo kale ayaa waxaa tilmaamay oo abtirsiinyahiisa ku faanay Jaamac Axmad Jaamac (Gacma-dheere). Jaamac wuxuu yiri :


Abtirsiinyo guudnimo haddii la isu geed xaadho
Gobta reer isaaaq baan ahiyo gaanka xoogga lehe
Haday qoloba gooni u baxdo oon gaar u kala qaado
Muusaha garkaa bari degee guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela lehe gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee lagu gartaan sheegtay
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag wax u galaan sheegtay

Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isaguna ka tegay raad suugaaneed oo uu ku muujinayo ku faanka abtirsiga qofku leeyahay. Sayidku wuxuu yiri :

Ogaadeen haddaan ahay dad wow amar sareeyaaye

Abtirsiinyaday waxay gashaa odeyo waaweyne

Halkaan uga arooraana waa ubixi Daaroode

Udgoonow Rasuulkiina waa ina adeerkeeye

Asaxaabihii dhamaan ayaan ehel wadaagnaaye

Proff. Hirschi, oo ah aqoonyahan raad xoog badan ku leh aqoonta bulsho-baradka social science , ayaa sanadkii 1974-kii wuxuu soo bandhigay aragti uu ku magacaabay Ilaalada Xiriirka Bulshada Control of Social Relation. Aragtidaas oo qiimayn ku yeelatay dadka ku howlan culuumtan, waxay tilmaameysaa in bulshada is-haysata oo is taqaan ay ku yartahay dhaqanka aan wanaagsanayn iyo akhlaaqda xun. Sanadkii 1990-kii waxaa aragtidaas ku raacay aqoonyahan kale oo Mareekan ah oo la yiraahdo Proff. Gottfrydson. Beelaha reer miyiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin bulshooyinka dunida ku yar oo sida xooggan uu beelaheedu qabiilku u xiriirsho. Taasi waxay dhaxalsiisay in ay si guud iyo si gaar ahba ugu faanaan dhaqanka wanaagsan oo ay ka heleen xiriirka adag ee dhexdooda yiil.

.Casharadii hore

Saadiq Enow


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001