|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii XXI-aad
 |
| S. Enow |
Marka ay xoogagga gumaystayaasha ah inooga imanayee dhulka
xeebaha ah, dadkayagii Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha, badankood
waxay ahaayeen reer-guuraa xoolo-dhaqato ah. Halgankii ay kula
tacaalayeen xaaladihii qallafsanaa ee noloshooda iyo colaadihii
badnaa ee dhexdooda yiil ka sokow, waxaa jira weji qurux badan
oo buuxinaya dadnimadii iyo garaadkii korranaa oo ay dadkayagu
lahaayeen. Wejigaasi waa dhaqamadii ay haysteen iyo caadooyinkii
uu gumaystaha ugu yimid, kuwaas oo ay kaga tallaabi jireen caqabadaha
la soo dersa. Dhaqamadaas oo la oran karo waa kuwo salka ku
haya caqiidada ay aamin-sanaayeen ee Islaamka ah, ayaa waxaa
amaanay raggii u adeegayay gumaystayaasha ee Soomaalida wax
ka qoray. Haddaba intaynaan u gudbin bilowgii hooshka ku dhacay
dadkeenii, waxaanu yara milicsaneynaa muuqaallo kamid ah dhaqamadii
wanaagsanaa ee aanu ka soo gaarnay facihii uu gumaysiga hooshay.
Dhinacyada aanu tusaalaha u soo qaadanayno waxay yihiin :
1. Qabiilka iyo Qabyaaladda
2. Golaha Lagu Garramo
3. Xeerka Mageydada
Qabiilka wuxuu ahaa saldhigga nolosha siyaasadeed ee baadiyaha.
Reer miyigu waxay hanaankan qabyaaladda u kaashan jireen in
ay timaaddadooda ku mala awaalaan, tagtadoodana ay ku xafidaan
tay joogaanna ay ku maamushaan. Dhibaatooyinka siyaasadeed ee
la soo gudboonaada, hadday tahay mid beesha gudaheeda ah, mid
beelo kale kaga timid, iyo hadday tahay mid kaga timaadda qowmiyadaha
la deriska ah (Carab, Xabashi, Oromo, Cafar, Baantuu), intuba
maareyntooda waxay ku jaan goŽnaayeen hannaanka is-bahaysi ee
uu qabiilku lahaa. Waxaa qabiilka ku ururusanaa xubnaha beelaha,
isla markaasna wuxuu wanaag ku xiriirin jiray qofka iyo bulshada
uu la nool yahay. Wuxuu hor taagnaa in uu qof qalaad ku milmo
beel uusan u dhalan, qofka aanan Soomaaliga ahayna waa uu kasii
xag jiray.
Qabiilka Soomaalida waxaa u saldhig ah silsiladaha abtirsiinyo
geneology oo ay facaha reer
guraagu u yeerin jireen caruurtooda, taasina waxay dowr wayn
ka cayaari jirtay ilaalinta sharafka, maalka iyo nafta qofka
reer guraaga ah. Waxaa xusid mudan, gulufyadii colaadeed oo
soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd ay ku dhul fidsanayeen, qabiilku
wuxuu ahaa muŽasasadda keliya oo ay geel-jirtu ka helayeen taakulaynta.
Soomaalida reer miyiga ah wax ay dusha ka xafidaan waxaa agtooda
ugu qiima waynaa quraanka iyo abtirsiga uu qofku leeyahay. Dugsiyada
barashada abtirsiga waxaa macallin ka ahaa hooyada oo goor hore
ilmaha u bilowda casharrada dhaqanka ee lagu xafidsiinayo abtirsigooda,
kaas oo garab socday barista ilmaha la barayo afkooda hooyo.
Sidaa darteed baa abtirsiga beelaha Soomaaliyeed wuxuu ka nabad
galay in dibadda laga fara geliyo. Arrintaasi Soomaalidii xoolo-dhaqatada
ahayd waxaa ay siisay xiriir adag oo aanan la dhex geli karin
oo ay isku ! ! gartaan isuguna hiiliyaan.
Sheekooyinka xiisaha leh oo inoo tilmaamaya urursanaanta
qabiilka, waxaa kamid ah tii dhexmartay Ugaas Maxamuud Dhoore oo u dhashey beesha Mareexaan
iyo sarkaal talyaani ah oo masuul looga dhigay degaanka waqooyiga
Juba. Sarkaalku mar uu damcay in uu tiriyo geela beelaha Mareexaan
ee ku dhaqan gobolka Gedo, ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri
:
" Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga xusulkaaga
oo aad leeftaa ".
Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi
karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka
la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri :
" Haddii aan cududda jebiyo, markaas xusulka carrabka
waan la gaarayaa ".
Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow maahan in dhibaato faraha
lala galo ".
Sarkaalkii : " Haa ".
Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo
aad tirisaa ".
Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq,
halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay
geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan
Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo
ay isu ururiyeen iyo degdegta ay goŽaanka ku fuliyeen.
Sir. Kirk oo ahaa qunsul u fadhiyay dowladda
Ingiriiska jasiiradda Sensibaar xilligii uu gumeysiga inoo imanayay,
ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku qoray sidan
:
" Soomaalida ku nool koonfrta Soomaaliya waxay la dhaqan
yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno
ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa howl
adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka sarreeya ".
(Kirk to Granville. dispatch No. 18. January 17. 1885).
Sida uu qunsulku sheegay, qabiilku waa urur-bulshadeed xoog
leh oo ay beeluhu isaga war-qabaan. Waxaa kale oo nadaamka qabiilku
uu xambaarsanaa aragti isla weyni ah, taas oo qofku uu ku ilaalinayo
sharafta beesha, isaguna uu iska ilaalinayo in uu ceeb iyo magac
xumi ku kordhiyo dadka uu abtirsiinyaha la wadaago. Arrintaasi
waxay ku reebtay reer miyigii Soomaaliyeed islaweyni guud oo
ay beelaha Soomaaliyeed qabeen.
Isla-weynida shakhsiyadda soomaaliyeed ee reer miyiga ah,
inbadan waxaa xusay ciidamadii gmeystayaashii reer Yurub qeybahoodii
hore ee Soomaaliya yimid, kwaas oo la kulmay dhaqankii caafimaadka
qabay iyo caadooyinkii ay haysteen xubnihii beelaha xoolo-dhaqatada
ahayd. Jeneral Douglas Jordin
oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The
Made Mullah of Somali-land wuxuu ku qoray sheeko
dhex-martay sarkaal Ingiriis ah iyo nin reer miyi ah oo ku kulmay
magaalada Berbera. Sheekadu waxay u dhacday sidan :
Sarkaalkii : Dadka dunida yaa ugu sareeya ? .
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirkii : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay,
sidee bay u suragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin
samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan
annagu fursaddaa heli lahayn annaga ayaa idiin iman lahaa oo
maamul idiin samayn kahaa.
Waxaa kale oo iyaduna dhacday dood dhex-martay sarkaal Talyaani
ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo maxbuus ahaan
loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku guulaystay dagaalladii
uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari. Sarkaalkii ayaa waxaa
la hor-keenay ninkii maxbuuska ahaa, dabadeed wuxuu ku yiri
:
" Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaaga degaankiinii
qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala heshiisaan
oo aad na oggolaataan ".
Maxbuuskii baa jawaabay oo yiri :
" Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan
iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa muuqda
oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof aragto
ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku bakhtidaa.
Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa, markaasaa
anigoo lay ilaalinayo lay geeyaa. Haddaba waxaan kugula talinayaa
in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto. Sagaaradii ayaa
u jawaabtay oo tiri : Intii meel kasta oo wanaagsan lay sahmin
lahaa, iyada oo lay ilaalinayona laygeeyo, dabadeedna anigoo
qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa, waxaan door bidayaa
in aan baahi iyo oon aan duurka la joogo ".
Haddii aanu milicsano abtirsiga ay soomaalidu ka dhaxleen
dadkooda reer miyiga ahaa, waxaan helaynaa dallad sare oo ay
inta badan soomaalidu (92 %) ku abtirsadaan. Waxaa dusha sare
kaga sugan magac wahmi ah oo ay Soomaalidu aaminsan yihiin in
ay ka yimaadeen. Magacaasi waa odeyga la yiraahdo Hiil,
kaas oo aanan la haynin wax magaciisa dhaafsiisan, markii laga
reebo laba wiil ee uu dhalay oo lakala yiraahdo
Sab iyo Samaale, kuwaas oo
waalid u noqday dadka soomaalida ah intooda badan. Waxaa la
sheegaa in Hiil uu yahay nin ka soo farcamay Cuqayl binu Abii Taalib oo ahaa suubanihii Maxamad
ahaa (s. c. w.) ina adeerkiis. Xiriirka abtirsiinyo ee ka dhaxeeya
Hiil iyo Cuqayl
lama hayo, markiise sawir laga bixiyo silsiladda faceed oo ay
leeyihiin durriyaddii Hiil waa sidatan :
Hiil wuxu dhalay Sab
iyo Samaale
Sab wuxuu dhalay
1. Digil : (Jiiddo, Tunni, Gelledi,
Dabarre Garre)
2. Mirifle : Siyeed (Elaay. Leysaan, Eemid, Diisow, Maallan,
Wiin) iyo Sagaal (Luwey, Gellidle,
Yantaar, Jilible, Hbeer).
Samaale wuxuu dhaley Irir
Irir wuxuu dhalay :
1. Hawiye.
2. Aji.
3. Mayle (Xawaadle).
4. Yaabur (Gaaljecel iyo Dagoodiye).
5. Maqaarre.
6. Gariire.
7. Xamarre.
8. Xariire.
Hawiye wuxuu dhalay : Karanle
(Murursade), Gorgaate (hiraab), Gugundhabe (Baadi-cadde). Jambeelle
(Ajuraan).
Aji wuxuu dhalay :Dir, Dangolo.
Dir wuxuu dhalay : Madaxweyne
(Akishe), Mandaluug (Gadabiirsay), Madoobe (Ciise), Mahe (Isaaq,
Biyamaal iyo Surre).
Dangolo wuxuu dhalay gabadha
la yiraahdo Doombiro.
Doombiro waxaa guursadey Daarood, waxay u dhashay : Maxamed(Kablalax),
Axmed(Sade), Xuseen(Tanade),Yuusuf(Awrtable) iyo Ciise.
Kulminta uu qabiilku isu geeyo beelaha reer miyiga ah ayaa
waxay sabab u noqon jirtay in ay ogaadaan qofka socotada ah
la soo dersa. Maadaama dhulkeena uu ku yaal meel u furan aduun
waynaha oo uu xeeb dheer leeyahay, waxaa dhici jirtay in dadka
badaha maraya ay ku soo leexan jireen. Qabiilku wuxuu ahaa hnaaanka
bulshadeed ee diiddanaa in inta leyna dhex-qaado leynagu milmo.
Magacyada guud oo uu qabiilku lahaa ka sokow waxaa jiray
magacyo beel-hoosaad lineage segments
oo ku jaangoŽan abtirsiga dhow ee qofku leeyahay. Arintaasi
waxay beelaha isugu xiraysay qaab ciidan oo kale (Gaas, Guuto,
Urur, Horin, Koox iyo Unug). Qabiilkuna wuxuu lahaa Tol, Qabiil,
Reer, Jilib, Jifi iyo Qoys. Taasi waxay dhalisay in xubnaha
bulshadu ay si xoog leh isaga war-qabaan, iyaga oo ku dadaali
jiray in si wadajir oo heer beeleed ah ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka
nolosha.
Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan abwaano tilmaamaya arrintaas
oo weliba muujinaya sida uu qofka Soomaaliga ahi ugu qanacsanaa
abtirsiga uu leeyahay. Xaaji Cali Cabdiraxmaan
ayaa dareenka noocaas ah tilmaamay mar uu abtirsigiisa ka warramayay
isaga oo leh :
Baha baha hadday noqoto bahda Haajiraan
ahay
Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka
beermay baan ahay
Daarood bartiis iyo beerkiyo laftaan
ahay
Dadku baari kala roone baafane Hartaan
ahay
Majeerteenka sida buurta u ballaartay
baan ahay
Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan
ahay.
Cumarkaa burhaantiis bogga loo geshaan
ahay
Sidoo kale ayaa waxaa tilmaamay oo abtirsiinyahiisa ku faanay
Jaamac Axmad Jaamac (Gacma-dheere). Jaamac wuxuu yiri :
Abtirsiinyo guudnimo haddii la
isu geed xaadho
Gobta reer isaaaq baan ahiyo gaanka xoogga lehe
Haday qoloba gooni u baxdo oon gaar u kala qaado
Muusaha garkaa bari degee guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela lehe gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee lagu gartaan sheegtay
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag wax u galaan sheegtay
Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa
isaguna ka tegay raad suugaaneed oo uu ku muujinayo ku faanka
abtirsiga qofku leeyahay. Sayidku wuxuu yiri :
Ogaadeen haddaan ahay dad wow amar
sareeyaaye
Abtirsiinyaday waxay gashaa odeyo
waaweyne
Halkaan uga arooraana waa ubixi Daaroode
Udgoonow Rasuulkiina waa ina adeerkeeye
Asaxaabihii dhamaan ayaan ehel wadaagnaaye
Proff. Hirschi, oo ah aqoonyahan raad
xoog badan ku leh aqoonta bulsho-baradka social
science , ayaa sanadkii 1974-kii wuxuu soo bandhigay
aragti uu ku magacaabay Ilaalada Xiriirka Bulshada Control of Social Relation. Aragtidaas oo
qiimayn ku yeelatay dadka ku howlan culuumtan, waxay tilmaameysaa
in bulshada is-haysata oo is taqaan ay ku yartahay dhaqanka
aan wanaagsanayn iyo akhlaaqda xun. Sanadkii 1990-kii waxaa
aragtidaas ku raacay aqoonyahan kale oo Mareekan ah oo la yiraahdo
Proff. Gottfrydson. Beelaha reer miyiga Soomaaliyeed
waxay kamid yihiin bulshooyinka dunida ku yar oo sida xooggan
uu beelaheedu qabiilku u xiriirsho. Taasi waxay dhaxalsiisay
in ay si guud iyo si gaar ahba ugu faanaan dhaqanka wanaagsan
oo ay ka heleen xiriirka adag ee dhexdooda yiil.
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|