Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXII-aad

S. Enow

Xilligaas hore, dhaqanka qabiilka ee nolosha xoolo-dhaqatadeenu, wuxuu ahaa mid ka duwan midka nasakhan oo ay ina dhaxalsiiyeen raggii ceynaanka dowladnimo inoo qabtey. Wuxuu ahaa mid ka duwan kan maanta muuqda oo aragtidiisu tahay colaad loogu gol leeyahay raadin maslaxad shakhsiyadeed. Dhaqanka qabiilku wuxuu lahaa saldhig adag oo abtirsiinyo ku salaysan, taas oo uusan qofna ku danaysan karin. Waxaa kale oo uu lahaa xeerar lagu ilaaliyay aragti talo-wadaag ah oo ay beeluhu lahaayeen. Xoolo-dhaqatadu waxay ka midaysnaayeen ilaalada maslaxadda guud. Waxay si wanaagsan u garanayeen in beeluhu isu baahan yihiin, beel si gaar ah u danaysan kartana aysan jirin. Sidaa darteed ayay xoolaha baadida ah isu celin jireen. Qoyska saboolooba xooluhuna ka guran-yihiin waxaa loogu deeqi jiray irmaan ubadka abaarta lagaga gudbiyo. Socotada qariibka ah, reer kasta oo uu yahay, waa la soo dhoweyn jiray. Cadaawada iyo colaadaha waa laysaga digi jiray. Si guud iyo si gaar ahba waa loo kala wa! ! r qaadan jiray. Meesha ay raxmaddu qabato si nabad ah ayaa wadajir looga cabi jiray. Ceelasha ayaa la wadaagi jiray. Heshiisyada ay beeluhu dhigtaan, beel walba dhankeeda ayay ka ilaalin jirtay. Qoyskii ciidan darri hayso waa la taakuleyn jiray.

Degaamada duddadu, ayaa waxay ahaayeen meelaha sida wacan looga garan karay hannaankii siyaasadeed ee dhaqan-qabiilku lahaa oo ay awoowayaal lahaayeen. Duddada, sida badan, waxaa isugu iman jiray beelo abtirsi ku kala duwan. Colaadaha iyo nabadaynta beelaha duddo-wadaagta ah waxay ahaayeen kuwo ku dhaca fadhiyo talo-wadaag ah iyo guddoon-beeleedyo laysla og-yahay. Beelaha reer miyiga ah waxaa ka dhex dhici jiray heshiisyo u qaab eg kuwa dowliga ah oo ay ummaduhu ku guddoonsadaan dagaalka ama nabadda. Fadhiyadaasi waxaa lagu qaban jiray meel duddada u dhexaysa. Fadhiyada jaadkaas ah ayaa qabashadooda waxaa lala beegsan jiray xilliyada barwaaqada ah oo beelaha maan-dhaafku dhex-yaal ay is xaal marin karaan. Dhaqanka Soomaalida waxaa ku badan maahmaahyaha iyo oraahda tilmaamaya heshiisyada colaadda iyo nabadaynta beelaha. Waxaa kamid ah :

Goortay ceelalyo heshiiso ayaa xoolo cabaan

Col iyo nabad mid baa caynka lagu giijaa

Beel nabadeed baa baadiyi kala dhex martaa

Beelo colloobay, war-san iskama geeyaan

Hannaanka qabyaaladda ee reer miyigeenii, wuxuu ahaa mid ka duwan kan maanta ee noqday muŽasasad loo adeegsado riwaayadahakan aan dhamaadka lahayn ee halka nin buunka u yeerinayo dabadeedna beelo idil ay ku adduun iyo aakhiro seegeen. Waxaa iyana dhaqanka qabiilka ugub ku ah dagaaladan dhuumaalaysiga ah oo ay beeluhu isku soo boodayaan iyo xaaladdan aanan colaad iyo nabad midna lagu tilmaami karaynin oo ay dagaal-oogayaashu badeen dadkayagii. Arrimahaasi meelna kagama xusna noloshii dhaqan-qabiil oo ay gumaystayaashu ugu yimaadeen reer miyigeena. Talada beelaha reer miyiga ah, waxay ka cusleyd wax kolay lagu qaato. Haddii si dhab ah loo milicsado sheekooyinkii iyo suugaantii laga dhaxlay facaheenaas hore, waxaa inoo muuqanaya in noloshoodii dhaqan-qabiil aysan ka baxsanayn arrimahan hoos ku xusan :

1. Xigto isu dhega nugul

2. Xidid is xaq-dhowro (is xooleeya)

3. Xasaradda deriska (ood-wadaagta) oo layska ilaasho

Haddii aanu wax ka niraahno isu dhega-nuglaanta xigtada, waxaanu helaynaa in beelaha xigtada ahi, xataa haddii ay colaadi dhex-taal ay isu dhega-nuglaayeen. Sheekooyinka laga wariyay daŽwaynteenii, waxaa ku badan tusaalayaal inoo tilmaamaya dareenka noocaas ah. Waxaa tusaale noqon kara colaad dhex martay beelo absaxan-wadaag ah ee deganaa gobolka Mudug. Beel kamid ah beelihii colaaddu ka dhaxaysay ayaa degaankoodii waxaa ku habsatay abaar adag, beelihii kalena roob bay heleen. Oday kamid ah maqaawiirta beeshii abaartu heshay oo laŽoran jiray Takar ayaa yiri anaa u tegaya reeraha nala dagaalamay oo xoolo inooga keenaya. Arrintaas waxay ahayd mid caqliga ka wayn, waayo colaadda jirtay baa waxaa laga dhadhansanayay haddii nin kamid ah reerka waayeelkiisa uu qolada kale u gacan-galo sida ay natiijadu noqonayso. Takar wuxuu ahaa nin geesi ah oo xikmad badan. Wuxuu ahaa caaqilkii beesha. Markii uu dhex-tegay beelihii ay colaad! ! du ka dhexaysay ayuu wuxuu abbaaray aqalkii odaygii u waynaa beelihii ay colaaddu dhex-tiil. Odaygaas oo la oran jiray Dhoore Xasan ayaa xilligaas aqalka ka maqnaa. Dhoore wuxuu wakhtigaa ku sugnaa madal ay ku xaajoonayeen odeyadii beelaha. Takar wuxuu ahaa nin bar-yar oo gaaban, cagahiisuna aad bay u yaraayeen. Takar, xaaskii Dhoore Xasan ayuu wuxuu u soo dhiibay labadiisii kabood, isaga oo ka codsaday in ay kabahiisa dhinac dhigto kabaha Dhoore Xasan. Dhoore wuxuu ahaa nin aad u dheer oo xooggan oo caga waawayn. Xaaskii Dhoore inta soo kacday ayay kabahii Takar garab dhigtay kabihii ninkeeda. Dhoore markii uu arkay kabaha is garab yaal, wuxuu gartay in Takar uu aqalka u fadhiyo. Xaaj! ! adii geedka loo fadhiyay markii ay dhamaatay ayuu Dhoore, raggii madasha fadhiyay, wuxuu waydiiyay waxa ay sameen lahaayeen haddii ay Takar arkaan. Nin waliba meel ayuu hadalkii la maray, iyaga oo tilmaamay colaadda dhexdooda tiil iyo sida ay u fog tahay in Takar la bixiyo. Dhoore ayaa markaas u jawaabay oo ku yiri :

" Takar waa inala joogaa oo kabahiisii waa kuwan. Waxa keenayse wax yar maahan. Dad maata ah ayuu ka yimid oo hiil u baahan ee waa in aanu u hiilinaa ".

Halkaas bay ku joogsatay colaaddii sanooyinka badan ka dhex aloosnayd beelahaa ehelka ah.

Xilliga ay xaalufinta ku bilaabatay caadooyinkii caynkaas ahaa ayuu Cismaan Yuusuf wax ka tilmaamey dhaqan-wareegga ku yimid Soomaalida. Cismaan wuxuu yiri tixdan :

 

Cawaansiga tolnimo waa intii lays cisayn jiraye
Kol hadduu caloosha iska noco caafimaad ma lehe
Cisad li'du waa waxa dadkuba la caddilmaayaaye

Colba midaadan moodaynin baa kuu cadaawa ahe
Ciribtiyo boqnaha waxa ku goyn kii cad kuu xigaye
Cashiirada is wada xoortay soow kuma ciraab qaadan

Inteeyan raad nagu yeelan ilbaxnimada daciifka ah oo layna dhaxalsiiyay, beelahayaga reer miyiga ah waxaa u dhaqan ahaa in ay ka guursadaan beelo ay degaan iyo dhalashoba ku kala drugsan yihiin, iyaga oo isla-markaa gabdhahooda siin jiray beelo aanan la duddo ahayn. Marka gabdhaha la isa siiyona, waxaa halkaas ka abuurma xiriir xididnimo. Xiriirkaasi wuxuu ahaa xiriirradii dhex-mari jiray xubnaha bulshada reer miyiga ah kuwooda loogu xushmad iyo xishood badnaa.

Qiimiga uu xiriirkan agtooda ku lahaa waxaa laga garan karaa magaca au siiyeen. Sida aanu ognahay, xididka geedka ayaa wuxuu yahay midka isku haya laamaha iyo caleemaha geedka, kuwaas oo isugu jiro kuwo qalalan iyo kuwo qoyan, kuwo mira leh iyo kuwo aanan miro lahayn, kuwo qurxoon iyo kuwo fool-xun, kuwo nafac leh iyo kuwo aanan waxba tarin, kuwo waaweyn iyo kuwo yar-yar. Sidaas oo kale ayaa xiriirka xididkuna wuxuu isku hayaa dad laamaha geedka la wadaaga tilmaamahaas.

Waxaa miyiga Soomaaliya ku badan nin meel kula nool soddohdiis oo eeyan weligood wejigooda is arag. Xoolo-dhaqatadu, wax badan oo nolosha u sahla ayay ku heli jireen xiriirka xididnimo. Aw-Muuse Ismaaciil oo ina hoga-tusaalaynaya dhaqanka caynkaas ah ayaa wuxuu yiri :

Duuddii himile khaylida raggii duudin idin saaray

Dacaamkiina nimankii ka dhigay malab la soo diiqay

Nimankii deg-deg u keeni jiray xidid wuxuu doono.

Salaan Carrabey ayaa isna mar uu xaaskiisa kala hadlayay maamuuska uu xididku ku leeyahay aqalkiisa, wuxuu tixdiisii yiri :

Naagyahay hannaan xiditinnimo waa hantiyo soore

Laba la hinjiyaba waa hunguri kii horreyn jiraye

Aqalkaan hilbiyo soori ool haqab la' oo buuxa

Aan Haanta caanuhu ku jirin halab karuurkeedu

Guur uma hagaagine waxbaa loo hadoodilaye.

Taas bay ahayd sababta uu Eebe uga mahad celiyay abwaankii lahaa tixdan :

Xamdi mahad xigto iyo tol iyo xidid haddaan yeeshay.

 

Maamuuska xididku maahayn arrin xilliyo gaar ah ku jaangoŽan. Sida uu dhaqanku ahaa, dadka xididka ah mar kasta oo ay colaad jirto waa ay is bixin jireen. Tub-marka arahduna, xididku wuxuu kamid ahaa meelaha socdaalka lala beegsado oo ay reer miyigu higsadaan. Xushmadda iyo maamuuska xididku leeyahay iyo gudashadeeda, meelo badan ayay sheekooyinka Soomaalida kaga xusan tahay. Waxaa kamid ah markii Sayid Maxamad uu gabadha ka doonay Islaan Faarax oo ahaa isimka ugu magac waynaa gobolka Mudug. Islaanku gabadhii waa uu bixiyay. Dabadeed siduu dhaqanku ahaa Sayidku waa uu marin-gobeeyay, wuxuuna bixiyay xoolo badan oo isugu jira geel, fardo iyo qoryo. Sayid Maxamad waxaa loo sheegay in Islaan Faarax uusan ku qancaynin xoolo yarad ah oo uu ka maqan yahay faraska la yiraahdo Xiin-finiin. Inkasta oo Sayid-ku uu bixiyay faraskii misana waa ay ku cus! ! layd, qiimiga uu farasku lahaa awgiis. Waxaa jira gabay uu Sayid-ku ka tiriyay dhacdadaas oo uu kaga faaloonayo qiimaha wayn ee uu farasku lahaa. Gabaygaas oo lagu magacaabo Xiin-finiin, wuxuu tilmaamayaa sida ay ugu cuslayd Sayid-ka in uu faraska bixiyo. Waxaa kale oo uu tilmaamayaa in xushmadda xididku ay ka sareyso wax kasta oo la qiimeeyo. Tixihii gabaygaas waxaa kamid ahaa :

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto

Xayow iyo Qayuumey haddii, la igu xoodaansho

Xubbigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye

Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday bogane

Ha yeeshee xogtaydaan ka biqi inay xumeeyaane

Xaashaa-lillaahiye nin goba xamasho waw ceebe

Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane

Mar hadduu suldaan igu xil-lihi, igaga xaydaantay

Xadhigigiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene

Maahmaahda oranaysa : Xidid buka xubin kuktuu leeyahay, ayaa waxay tilmaan wacan ka bixisay xididka laga waayo xiriirka wanaagsan

 

Mataan lidiqa laas miilo leh yaa mitimis dhaama

Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta

Xididkii aan maamuus lahayn malihi baa dhaama.

Waxaa kale oo jiray naadaam kamid ah hannaanka dhaqan-siyaasadeed nolosha xoolo-dhaqatadeena. Nadaamkaasi oo lagu magacaabo Diyo, waxaa laga soo guuriyay shareecadda diinta islaamka. Diya-du waa nadaam isku tola xubno beeleed oo dhalasho wadaaga, waana meesha ay ka guntanto aragtida dhaqan-siyaasadeed ee beelaha reer miyiga ah. Hannaanka diyadu wuxuu ururiyaa tiro isku hayb ah oo rag ah, kuwaas oo tirsigoodu gaarayo 500-1000 nin. Tiradaas waxaa dhici karta in ay ka taagan tahay qabiil, waxaa kale oo dhici karta in ay ka taagan tahay jilib ama jifi. Dareenka nadaamkani waa mid uu qofku helo goor hore nolosha. Isir wadaagga ka sokow, dadka hanaankan ku bahoobay, waxaa isku haya diyada oo ay wadaagaan. Abtirsiguna, sidaan soo xusnay, meesha hore ee laga barto waa dugsiga hooyada. Hooyada reer miyiga ah, sida dhaqanku yahay, si dheelli-tiran ayay ilmaheeda u bartaa abtirs! ! iga aabe iyo midka hooyo. Waxaa kale oo ay wax uga sheegtaa beelaha ay duddo-wadaagta yihiin. Tacliinta hooyada, waxaa uu qofku ka helaa dhaqan wanaagsan iyo dareen masuuliyadeed oo sida Eebbe sheegay uu ku kala aqoodo sida ay isugu tolan yihiin dadka uu la nool yahay. Carays Ciise oo dugsiga hooyo tilmaamaya wuxuu yiri :

Afka aan ku hadalniyo

Hannaankeeniyo hub-qaad

Hagaag bay noo bartaye

Hooyadu waa lama huraan.

Aqoontaasi waa midda sababi jirtay xushmadda iyo xaq-dhowrka ay beelaha xoolo-dhaqatada ahi sida joogtada ah isu waydaarsan jireen.

Xiriirka dadka diyo-wadaagta ah wuxuu xambaarsan yahay dareen sare oo ku salaysan hiil, hoo iyo howl-wadaag (waa intooda meel ku wada nool). Diyo-wadaagtu waa dad is og isna shinsada, goortay isu baahdaanna waa ay isu ciidamiyaan, isu cududeeyaan isla markaasna waa dad calaf-wadaag ah. Xiriirka caynkaas ah ma ahayn mid uu nin af-miishaar ahi ku adeegan karay ama nin dagaal-ooge ahi uu beesha uga laayo wiilasha iyada oo dhiigooda uu ku raadsanayo kursiga wahmiga ah oo ay soomaalidu ku dugaagowday. Xiriirka ka dhexeeya xubnaha diyo-wadaagtu maahan mid ay reer miyigu isku wax-yeelleeyaan, bal wuxuu ka qayb qaataa heshiisiinta beelaha is-maandhaafku dhexmaro. Hannaanka dhaqan-siyaasadeed ee diyo-wadaagtu wuxuu ilaaliyaa xiriirka iyo xeerarka beelaha deriska ah wuxuuna kamid yahay meelaha laga garto garaadka sare iyo asluubta wanaagsan ee uu dhaqankayagu leeyahay. Xilliyada beelaha deriska ahi ay colloobaan, xoolo-dhaqatada s! ! oomaaliyeed waxay leeyihiin xeerar ay ku ilaalinayaan xaq-dhowrka deriska. Colaaddu waxay lahayd :

1. Xal.

2. Xad.

3. Xushmad.

Xal u helidda dhaqameed ee colaadaha beelaha reer miyiga ah waxaa inoo tilmaamaya xeerarka ay ku heshiiyaan beelaha duddo-wadaagta ah oo ay ku biyo iyo baad wadaagaan. Colaadu ma ahan xuduud ay qaar kamid ah beelaha duddada iyo xoolahoodu la cabi waayaan iyada oo qaarka kale ay barwaaqaysan yihiin. Xilli kasta oo lagu jiro, degaanka raxmaddu ku daŽdo waa loo soo guuraa, biyahana si wadajir ah ayaa loo cabaa. Waxaa baadiyaha Soomaaliya ka dhaca labo qoys oo beelahoodu colaad ka dhaxayso in mid kamid ah uu dhaan u yimaado, markaas oo qoyska kale biyo u soo doontaan dabadeedna halkaas lagu waraabiyo reerihii oomanaa.

Inkasta oo ay heestaan caqiidada islaamka, misana aqoonta diinta oo baadiyaha ku yar awgeed ayaa iyaga oo dadaal ay ka tahay baa waxaa dhacda in labo beelood ay ku heshiiyaan mag kabadan tii xeerk iyo dhaqanka ahayd (100 geel ah). Dilka foosha xun, haybadda ninka la dilay iyo xilliga dilka la geystay ayaa waxaa ka ratibma in diyo dheeraad ah iyo gabar godob tir ah la bixiyo. Waa arrin sida qaalibka ah la cuskado marka lagu jawr falo beelo (ood wadaag iyo mid durugsan labadaba) aan gacantoodu isu gudbijirin. Xoolaha dheeraadka ahi waa ganaax, godobtirkuna waa asaas qaraabanimo iyo xididtooyo lagu daaweynayo gabood falka dhacay. Ismaaciil Cigaal Bullaale wuxuu kamid ahaa abwaanadii wax ku lahaa gabayadii Guba ee uu Cali Dhuux bilaabay. Ismaaciil oo tilmaamay godobta Cali Dhuux ka dhex shidayo dadka deriska ah in eeyan haboonayn wuxuu yiri :

Sidee baad dawaar uga rogtaa dunida geestaada

Ma dugaaga cunayaad tihiyo haadka daba jooga

Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan deelqaafka.

Reer guraaga waa dad noloshoodu ku dhisan tahay socod iyo geeddi joogto ah, waxay si wanaagsan u garanayeen baahida ay u qabaan in ay dhulka nabad ku maraan. Nabadda ayaa agtooda uga qiimeysneed si eeyan facahan danbe u qiimeyn. Taasina waxaa laga garan karaa maahmaahyaha badan oo ay arintan ka yiraahdeen. Tusaale :

Nabad waa sahaydaada oo aad suxulka ku sidato

Nabad waa geel xeradi iyo rag gogoshi

Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu tirmaa

Nabad waa lagu hirtaa, colaadna waa laga haajiraa

Nabad waa dheef lagu naaxo, nin dhug leh baa og

Nabad waa geel xeradi iyo rag gogoshi

Nabad waa aan wax dhisano, colaadna waa aan kala dhaqaaqno

Nabad baa caano macaan.

Sidaa darteed waxay dadaal badan ku bixin jireen in ay colaaddu xad yeelato, heshiisyada beeluhuna ay hir-galaan. Waxaa dhacda meel boqol wiil laysaga dilay in laga heshiiyo oo dadkii dhibka isu gaystay ay maalmo dabadeed is dhex qaadaan, wixii laysu geystayna Xalay Dhalay laga yeelo. Mana jirin qof awood u lahaa in uu dhaawac u geysto heshiis beeshu qaadatay, sikasta uu qofku ula kharaaraado.

Xeerarkii ka yiil xushmadda dagaalka beelaha waxaa kamid ah inaan lagu dhaqmin silic dilka ay Soomaaliduu waayahan dambe ku dadnimo seegeen. Haddii qof col ah uu gacan-galo, dhaqanku wuxuu ahaa inta la ilbaadsado in lagu dilo meel cirif ah oo ka baxsan degaanka beesha falka geysatay. Danta arintaasi laga leeyahay waxay tahay in la helo qolo kale oo dhacdada tebisa si wixii xuquuq ah oo uu maydku lahaa (asayda iyo ciddada, dhaxalka iwl.) loo oofiyo. Dhaqanka Soomaalida kuma jirin musmaaradan maskaxda laysaga daloolinayo iyo xumaanta aanan hambada lahayn laga dhaxlay dhaqan-mooryaaneedka wy inoo reebeen wiilashii Kacaanka. Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysay :

Xeer waa negaadi

Xeer laŽaan, waa xukun iyo xoolo laŽaan.

.Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is enow2@hotmail.com)


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001