Sida uu dhaqan kasta u tilmaamo weji kamid ah quruxda
ay ummadi leedahay, ayaa dhaqankii awoowayaal wuxuu astaan
u yahay garaadka korran iyo caqliyadda caafimaadka leh ee
loo hibeeyay. Intuusan gumeysiga inoo iman, reer miyiga Soomaaliyeed
waxay ahaayeen dad ku abtirsada sooyaal daŽwayn iyo hiddo
wanaagsan oo ay ka dhaxleen dadkoodii hore, kaas oo rogankiisa
laga akhrisan karay noloshoodii badawga ahayd. Waxay ahaayeen
dad damiir sare leh, runta sheega, isu naxariista, amaanada
ku wanaagsan, nadaafadda gaar iyo midda guud ilaaliya, dal
iyo diin jecel, ballamada ku adag, aadamiga xushmeeya oo shaqo
badan.
Meelaha sida wacan looga tusaale qaato ayaa waxaa kamid
ah fadhiyada ay ku kala gar-naqsan jiree ee ka dhici jirey
geedka hoostiisa. Fadhiyadaas ayaa reer miyigu waxay la beegsan
jireen xilliyada barwaaqada ah oo dheregta iyo ladnaantu ay
ku badan tahay noloshooda. Sababtuna waxay ahayd si loo awoodo
in la bixiyo wixii xukun ah oo xaajeysigu ku dhaco. Waxaa
la wada ogaa meesha fadhiga lagu qabanayo iyo golalyada looga
garramayo. Fadhiga oo ahaa mid rasmi ah ayaa waxaa lagu magacaabi
jirey Shir. Waxaa xusid mudan in
ay jireen fadhiyo aanan rasmi ahayn oo geedka hoostiisa ka
dhici jiray, kuwaas ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheeko.
Fadhigan danbe ayaa wuxuu kaga duwanaa kan hore, isaga oo
qabashadiisu aanay lahayn wakhti iyo meel cayiman.
Fadhiyada Sheekada waxaa sababa, waayeelka beelaha oo
wakhtigooda dallaalka ah ugu deeqa dhallinyarada. Geed har-weyn
bey inta hoos fariistaan, ayaa loogu yimaadaa. Dabadeed halkaas
ayay ku sheekeeyaan. Halkaas baa dhallinyaradu waxay ku qaataan
casharro qiimi badan oo isugu jira taariikh, dhaqan iyo suugaan.
Qabashada fadhiyada rasmiga ah waxaa u saldhig ahaa golalyo
ay ku magacaabaan Godob, taas oo
ah dhaawac loo geystey qof ama qoys kamid ah bulshada. Golalyadan
ayaa waxay ahayd dhacadada ugu milgaha culus oo ay reer miyiga
Soomaaliyeed u qaban jireen fadhi-goleedyada. Waxayna u kala
baxdaa, xagga culayska, saddex jaad oo kala ah :
1. Gaf : Waa godob fudud. Soomaalida
reer guuraaga ahi, sida u caadada ahayd, gafku waa ay iska
cafiyi jireen, mana eeyan noqon jirin godob dhibaato reebta.
2. Qadaf : Godobtan oo ah mid
ka miisaan culus tii hore, Soomaalidu xaal bey ku kala qaadan
jireen. Si loo dhayo boogta ay godobtu reebtay, xaalku wuxuu
ahaa xoolo (geel) la siiyo qofka ama reerka qadafka loo geystey,
ama waxaa laysa siin jirey dumar, halkaasna waxaa ka unkami
jiray xidid iyo xiriir xigtanimo ah, ama labada waa laysugu
dari jiray.
3. Ihaano : Waa godob ay reer
miyigu kala galaan midda ugu culus. Waxay leedahay xumaan
uur ku-heyn ah oo leys gaarsiiyo iyo dakano aanan si fudud
ku harin. Badanaaba godobtan dhiig ayaa ku daata. Qolada godobta
laga galay, sida caadadu ahayd, markiiba ma eeyan aarsan jirin.
Aanadooda waxay la sugtaan xilli iyo xaalad munaasib ah. Arrin
weli ka muuqata dhaqankeena ayaa waxay tahay in laga gar-naqsado
ama leysu laayo godob-ihaaneed uu cimrigeedu yahay 50-100
sano, iyadoo kuwa aanada doonanaya iyo kuwa ay wax-yeellada
u geysanayaan eeyan ahayn dadkii godobta kala galay. Markaas
oo dadka isleynaya ay wax badan ka daŽyar yihiin godobta leysku
leynayo. Waxaa kale oo Ihaanadu ay sababtaa utun lagaga aar-guto
dad aanan dembi lahay oo ay u dhintaan ama u dhaawacmaan.
Dhaqanka muujinaya godob-ihaaneedka aanan harin, meelo badan
ayuu kaga xusan yahay suugaanta Soomaalida. Khaliif
Shiikh Maxamud oo tilmaamay dhaqanka caynkan ah aya!
! a yiri :
Godobtaada maqan waa inaad goobataa
ebide
Gashigaaga waa loo dhintaa yaanad
gawaad noqone
Faarx Nuur ayaa isaguna tilmaamey
dareenka godobta weheliya ee ah naceybka iyo colaadda. Faarax wuxuu yiri :
Haddii godobtayada
uumiyuhu geedo loo mariyay
Anna maan
gufaacada ridoon gaadanka u reebo
Girligaanka
maan liifaddiyo geliyo baaruudda
Wixii naga
gardaran jeedal maan gawda kaga saaro.
Waxaa kale oo dhacda in degaanka ay godob-tu ka dhacday meel aanan ahayn uu
ku daato dhiigii aanada. Ihaanadu waa godob-ta ugu badan uguna qallafsan ee la
keeno golayaasha lagu gar-naqsanayo, waana belaayada ay Soomaalidu
ka maahmaahday markay oranayeen :
" Belaayo, dabo la qabto malahaŽe af la qabto ayay
leedahay ".
Haddii ay dhacdo in beeluhu ay ku heshiin waayaan godobta
ay geedka geeyeen, xalka kama dambeysta ah wuxuu ahaa dagaal
leysku muquuniyo oo qolo inta laga adkaado ay is-dhiibaan.
Sababtuna waa iyada oo eeyan jirin xoog dhexe (dowlad) oo
ka baxsan labada qolo oo maan-dhaafku dhex yaal, kaas oo awood
ku muquuniya. Ogow oo dhibaatada maanta ina heystaa waa tii
oo la reer magaaleeyey, aanse lahayn waddadii loo garrami
jiray.
Haddii aanu wax yar milicsanno, kalfadhiyada rasmiga ah
Shirka oo ay reer guuraagu isugu
iman jireen, jaheyntiisa waxaa awood weyn ku lahaa labo nin.
Waxayna kala yihiin :
1. Xeerbeegtida : Waa dadka
madasha fadhiya kuwooda ugu badiya taariikhda iyo abtirsiinyaha
ay beeshu leedahay. Xeerbeegti waa hoggaamiye dhaqameed soo-jireen
ah, kuwaas oo ku yimaada doorasho ay beeshu ku mideysan tahay.
Ninka xeerbeegtida ahi marka la dooranayo waxaa lagaŽeegaa
akhlaaqdiisa, waxgarad-nimadiisa iyo abtirsiga uu beesha ku
leeyahay. Waa nin samaha ka taliya, diintana si wanaagsan
u yaqaan. Reer miyigu waxay aaminsanaayeen in isimadu yihiin
kuwo amarka Eebe ku haya talada beesha, sidaa darteed waxay
iska ilaalin jireen habaarkooda. Ninka odey-dhaqameedka ah,
waxaa ka reebanaa in uu fitno ka taliyo, in uu hub qaato,
in uu xoolo booli ah saami ku yeesho, in uu u cududeeyo nin
gar-daran. Haddii ay taasi dhacdona dadka kama eeyan aamusi
jirin ee waa ay ka hadli jireen. Nin isim ahaa oo colaad uu
isagu abaabuley dhibaato ka raacday ayaa gabey digasho ah
loo tiriyey, waxaa kamid ahaa tixahan :
Boqorkii islaam ihi hadduu belo
hor meermeero
Waagii bilkaadaba hadduu biro hor
soofeeyo
Sidii dibi badraanoo mid kale baasha
ka haleeley
In uu barida ceelka ku dhuftaa bagihi
weeyaane.
2. Nin hadal yaqaan ah (codkar) : Xoolo-dhaqatada soomaaliyeed
oo aanan waxna qorin waxna akhriyin, hadalka, dhexdooda wuxuu
ku lahaa qiimo weyn. Hadal la yiraahdana waxaa ugu qiimo weynaa
kii maanso lagu yiraahdo. Waayo xagga dareenkana waa uu ku
macna weynaa, xagga xasuustana waa uu ku dambeyn jirey. Taasi
waxay sabab u noqotay xushmadda uu bulshada ku lahaa ninka
hadal-yaqaanka ah. Marka golayaasha leysugu yimaado, hadal-yaqaanku
wuxuu ahaa ninka daadihiya farsamada shirka, isaga oo mar
walba buuxinaya nuqsaanta ka dhex muuqata socodsiinta shirk.
Fadhigu hadduu yahay mid beeleed, ninka hadal-yaqaanka ah
ayaa loo dhiibaa golalyada laga wada-hadlayo. Haddii beelo
kale lala fariisanayona isaga ayaa magaca beeshiisa ku hadla.
Iyada oo laga eegayo sida loo kala codkarsan yahay baa
ragga fadhiyada ka hadla waxaa loo qeybiyaa saddex qeybood
:
Afmaal : Waa nin afka ku
wata hanti xoog leh, dadka noocaas ahna beelaha waa uu ku
yar-yahay. Af-maalku, xushmadda la siiyo darteed ayaa u
saamaxda in uu bulshada dhexdeeda ku yeesho awood. Af-maalku
hadal gaf ah kama dhaco, wuxuuna awoodaa in wax walba oo
uu la kulmo uu markiiba ka gabyo.
Aftahan : Kaa hore ayuu
xoogay ka tayo hooseeyaa. Wuxuuna kaga duwan yahay iyada
oo uu marar ka dhaco wax khalad ah iyo isaga oo aanan markiiba
heli-karin hal-abuur ee u baahan muddo gaaban oo uu wax
isku dubba-rito.
Afgoroc : Waa midka aanan
hadli karin. Soomaalidu kaas oo kale waxay yiraahdaan (hashiisa
madhacsade). Waa nin aanan waxa uu qabo cabiri karin.
Waxaa saddexdaas nin weheliya nin afraad oo ku soo biirey
hadal-yaqaanada soomaaliyeed muddadii reer magaalka la noqdey.
Ninkaasi waa nin af-tahan ah, wuxuuse kuwa hore kaga duwan
yahay af-kiisa ayuu maalaa si uu u gaaro maslaxad shakhsiyadeed.
Falalka af-miinshaarka waxaa kamid ah in uu beesha dhexdeeda
ka abuuro wax dareen keena taas oo uu uga dan-leeyahay ujeeddo
gaar ah oo uu markaas leeyahay si uu beesha uga fushado.
Cali Jaamac Haabiil oo la
baroor-diiqaya geeri ku timid nin ay saaxiib ahaayeen ayaa
wuxuu maanso ka tiriyay tilmaamaha wacan oo uu ninkaasi la
god-galay. Cali Jaamac ayaa tixdiisaas wuxuu ku tilmaamey
gar-aqoodnimada iyo guddoonka wacan oo uu ninka dhintey lahaa.
Cali wuxuu yiri :
Gar adkaatay
xaajada gurracan, guurti kala maagtey
Haddii geedka laysugu yimaad, golaha waayeelka
Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu, geeshi hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey, gocanayaa mooyi
Geedka la fariisto waa geed har weyn leh oo aan qorrax,
qodax iyo qaniinyo toonna laheyn. Geedaha qaar bey xooluhu
ku harsadaan. Halkaas waxaa ka abuurma cayayaan ka dhasha
digada xoolaha oo uu kudkuduhu kamid yahay. Geedka noocaas
ahi, wuxuu kamid yahay kuwa aanan la harsan. Haddii geedka
la fariisanayo uu yahay geed harkiisu yaryahay oo looga baqo
in uu kaafiyi waayo xbnaha fariisanaya, dhallinyarada ayaa
loo diraa si ay u waabaan oo uu har weyn u yeesho. Inta uusan
fadhigu bilaaban, geedka hoostiisa waa la hagaajiyaa. Geedka
uu fadhigu ka dhacayo waa mid ku tallaalan meel u dhexeysa
duddada kulmeysa. Sida caadadu tahay, geedka noocaas ahi waxaa
si joogto ah uga lusha dhiilo ay ku jiraan caano sadaqa ah
oo ay reer miyigu bixiyaan. Caanahaas oo loogu tala galey
qof-kasta oo baahan, waxaa lagu magacaabaa Dhowrto. Dadka golaha isugu yimid,
dhowrtada waxaa u weheliya caano ay keenaan dhallinyarada
geel-jirta ah, arrintaasina waxay la xiriirta! ! a howlaha
loogu adeegayo xubnaha fadhiga ka soo qeyb galey shirka si
eeyan u baahan. Wixii intaas dhaafsiisan duqeyda beesha martida
loo yahay ayaa lagu leeyahay.
Saadiq Enow
.Casharadii hore