Dadkeenii hore iyaga oo ka duulaya maah-maahdoodii ahayd
: Rag gogoshi waa godob laŽaan, ayaa waxay dhiseen
xeerar iyo caadooyin sal-dhig u ahaa fadhi-goleedyada rasmiga
ah oo ay ku xakameynayeen godob-ihaaneedka. Madasha fadhiyadooda
waxaa ka dhex-muuqan jiray labo sarkaal oo ka masuul ahaa
ilaalada xeerarka shirka iyo farsamada lagu socodsiinayo.
Waxay kala ahaayeen :
1. Shir-guddoomiye (Presedent) : Waa nin kamid ah ragga lagu
manneystay kalsoonida beelahayagii reer miyiga ahaa. Ninkani
wuxuu ka masuul yahay furitaanka iyo xiritaanka shirka. Waxaa
kale oo waajibaadkiisa kamid ah in uu xubnaha u qeybiyo hadalka.
Ninkani oo kamid ah nabadoonada beelaha fadhiga leh, guud
ahaan wuxuu ka masuul yahay habsamida uu shirku ku socdo,
dadkuna waa ay u dhega nuglaayeen.
2. Dood-qaade (Secretery) : Ninkani waa xogheyntii shirka.
Maadaama bulshada Soomaaliyeed eeyan ahayn bulsho wax qorta
ama akhrisa, dood-qaadaha ayaa
u ilaalin jiray wixii hadal ah oo golaha laga yiraahdo. Ninkani
wuxuu ahaa nin xasuus iyo fahmad wanaagsan oo dusha ka qayba
hadal kasta oo shirka laga yiraahdo iyo sida hadallada la
yiri loo kala leeyahay. Tusaale, haddii uu fadhigu toddoba
cisho socday, dood-qaaduhu wuxuu hayn jiray nin kasta oo hadlay
ereyadii uu ka yiri fadhiga, maalintii uu yiri iyo gelinkii
ay ahayd, ninkii kaga horeeyay hadalka iyo kii kaga dambeeyay.
Waxaana dhacda in uu fadhigu socdo bil iyo dheeri. I. M. Lewis iyo B. W. Andrzejeski oo taariikh-dhaqameedkan
diraasaad ku sameeyay waxay qoraalladooda ku sheegeen in uusan
arrinkan wax la yaab leh ku ahayn bulshada soomaaliyeed ee
xoolo-dhaqatada ah. Waxay xuseen in soomaalida dhexdeeda uu
shey caadi ah ka yahay in lala kulmo nin 100-150 beyd oo gabey
ah, dusha kaga qeyba hal mar oo uu maqlo. Dood-qaadaha, waxaa xafidaadda u weheliya, isaga
oo nin caadil ah isla markaasna run-sheeg badan. Sidaa
darteed wuxuu kamid ahaa xubnaha ey beeluhu ku kalsoonaan
jireen.
Shirarka ay beelaha reer guuraaga
ahi dhigan jireen, waxaa ka reebanaa in ay kooxi horay u soo
faqdo oo ay madasha la timaaddo goŽaan u qarsoon oo ay ku
cududeyanayaan qof ama aragti gaar ah oo iyaga la qurxoon.
Haddiiba ay dhacdona, sida maanta ka muuqata golayaasha laysugu
keeno qab-qablayaasha Soomaaliyeed, waxaa jiray asluub uu
shirku lahaa oo reebayay aragtida caynkaas ah. Iska daa in
ay qadaf iyo ereyo gurracan is-yiraahdaane, ama ey idaacadaha
caalamiga ah ay iska fadeexeeyaane, geed-jooguhu wuxuu ka
xishoon madasha dhexdeeda in uu ka yiraahdo erey deel-qaaf
ku ah af-soomaaliga uu ku hadlayo. Salaan
Carrabey oo ina tusaaleynaya sida looga xishoon jiray
ereyada khaladka ah xilliga geedka la joogo wuxuu yiri :
Shir la dedey dabbaaldegiyo naash
daawashada geedka
Deel-qaaf fagaaruu ibleys kugu dukhuulaaye.
Shirarka geedka, waxay ahaayeen kuwo u furan dhamaan xubnaha
beesha ee labka ah. Taasi waxay fursad wanaagsan siisay dhallinta
daŽda yar oo iyagu goor hore noloshooda fursad u heli jiray
in ay wax ka dhegeystaan doodaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan
oo beelohooda ay qaban jireen. Mararka qaar waxaa dhici jirtay
in duqayda beeshu ay qaataan talo wanaagsan oo uu sheegey
nin daŽyarta kamid ah. Xirsi Faarax ayaa inoo reebey sheeko inoo muujineysa
dhaqanka caynkan ah. Xirsi, isaga
oo kuray ah, geed beeshu shir ku laheyd dushiisa saaran, ayaa
waxaa dhegihiisa soo ku dhacay hadal uu yiri odey kamid ah
akhyaartii geedka fadhiday. Xaajadii oo adkaatay darteed ayuu
odeyga la yiri :
" War waayeel talada gorfeeya inoo sooca ".
Xirsi baa geedka dushiisii ka dhawaaqey oo yiri
:
" Waayeel ha soocinaŽe, wax-garad sooca ".
Markaasaa odey meesha fadhiyay wuxuu yiri :
" Soo deg, wax-garadka adigaa kamid ahe ".
Asluubka loo daadahayn jiray howlaha fadhiga waxaa kamid
ahaa, qaabka uu shirku u bilaaban jiray. Markii geedka hoostiisa
laysugu yimaado oo ay dadku soo ururaan. Markii la gaaro xilligii
la ballamay, shir-guddoomiyaha ayaa
shirka furaya, wuxuuna ku bilaabi jiray dhawaaq uu leeyahay
(Shirguddoon-san). Markaas baa nin magaca
beesha ku hadlaya wuxuu yiraahdaa (Toloow
hallaŽimaqlo). Ereygaas ayuu ku soo celceliyaa
illaa dadka madasha isugu yimid ay sheeko-dhinaceedka joojiyaan
oo ay wada aamusaan iyaga oo dareenkooda u soo jeedinaya qofka
hadalka qaadan-doona. Aamusku waa ishaaro muujinaysa in uu
shirku furmay. Dabadeed nin ku hadlaya magaca shirka baa markaas
oranaya (Yaa dan leh ?). Kii danta lahaa baa oranaya:
(anigaa dan leh). SuŽaal
buu ku celinayaa (yaad dan u leedahay).
Wuxuu oranayaa : (waxaan dan u leeyahay ninka la yiraahdo hebel ina hebel
ina hebel). Sida caadadu tahay, dadka golaha fadhiya
kuma cusba xubnaha godobta isku heysta. Ujeeddada suŽaashuse,
waa in madasha laga qeexo wax kasta oo laga wada hadlayo si
guddoon caddaalad ah oo lagu wada qanco loo gaaro.
Dabadeed suŽaal baa waxaa lagu celinayaa ninkii godobta
sheeganayay (maŽadigaa doodaya mase
nin baad idman). Sida caadadu tahay, qofka isaga
ayaa godobtiisa sheegan jiray, wuxuuse diyaarsadaa qof ka
cod-karsan (qareen) oo hadalkii dhaafa u buuxiya.
Intaasi dabadeed waxaa la guda gelayaa in la qaadaa-dhigo
godobtii iyo tilmaamaheedii, waxaana laga bilaabayaa in la
sheego magaca godobtu leedahay iyo nooca ay tahay. Si uu fadhigu
u furmo cadaaladdana aan looga tegin baa ninka dacwoonaya
waxaa la weydiiyaa in uu ka jawaabo suŽaalahan soo socda :
" Godobtaadu ma magan baa mase
waa mooro ? ".
Maganta waa wax kuu marti ah oo dadkaaga iyo hantidaada
ka baxsan, wax yeelisteeduna waxay ka ciqaab culus tahay tan
moorada loo geysto. Dabadeed waxaa la wediiyaa suŽaal kale
oo ah :
" Godobtaadu ma xilaa, ma xoolaa,
ma xinjirbaa ? ".
Xinjirtu waa dhiig qubtay oo ama dhaawac reeba ama geeri
sababa. Xooluhuna inta badan waa geel ay reer miyigu kala
qaadaan, waxayse noqon karaan wax kasta oo ay soomaalidu xoolo
u yaqaaniin. Xiluhu, waa wax la xiriira dumarka iyo xaasaska.
Markii ninka dacwada qabay uu jawaabo, waxaa la suŽaalayaa
saddex suŽaalood oo hor leh, waxayna kala yihiin:
" In uu godobta xasuusto, in uu
godobta yaqaan iyo in uu qancin karo dadka fadhiga isugu yimid
".
Jawaabta uu bixiyo markii ay (haa) noqoto, waxaa laŽidmayaa ninkii dacwada
qabay in uu hadlo. Markii la dhegeysto ayaa waxaa la wareystaa
in uu markhaati heysto, kuwaas oo ugu yaraan labo qofood ah.
Markii ay hadalka ka dhacaan ninka godobta sheeganaya
iyo markhaatiyadiisa, waxaa bilaabanaya doodihii ay is dhaafsanayeen
duqeyda khusuusiga ah ee fadhiga isgu yimid.
Aw-Muuse mooyee Af-gabay haatan
agab beelye.
Sidoo kale ayuu Aw-Muuse gabaygiisa
wuxuu tilmaamay nin isaga ka mudan, oo uu hor-marin lahaa.
Aw-Muuse wuxuu ninkaas ku tilmaamay in uu kaga
haboon yahay in isaga (waa ninka uu tilmaameye) uu gabyo,
balse uu ka fursan waayay markuu isagu (waa Aw-Muuse) gabeyga tirinayey. Aw-Muse Ismaaciil wuxuu yiri :
Darbane Maxamadow gabey aduu kuu
daliil yahaye
Aduu kula degoo kula dersoo daacad
kuu yahaye
Dur-durkiisi adigaa ahiyo daristii
weyneyde
Adigaa murtida soo dellela ebidka
diimoone
Duca-qabe adaan waxan lahaa xaal
walba u daaye
DaŽdaadaan lahaa waxay fur-furi
daharradii baase
Duq baad tahaye joog baan lahaa
waa la soo didine
Duullaanka hore waxaan lahaa wiilasha
u daaye
Haddii laga dan-baxay xaajadaan
idin la doonaayay
Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan
anigu dooxaaye.
Sida ku xusan xeerarka beelaha reer guuraaga ah, marka
la adeejinayo ninka geed joogaha ah, wuxuu huwan jiray 100
% kalsoonidii beeshiisa, taas oo maanta ka maqan bulshadeena
reer magaalowday. Sababta kalsoonida intaa leŽeg uu geed jooguhu
u helay waxay ahayd, iyada oo uusan lahaan jirin maslaxad
ka duwan tan beesha ay ka leedahay geedka. Intuusan xaalufinta
dhaqanku ina taaban, dadkeenii xoolo-dhaqatada ahaa ma eeyan
lahaan jirin caadooyinkan uu reer magaalku isugu manni sheegto
ama ay isugu gooddiyaan. Taas oo ah garaaddo, lacag iyo dallacaad
la isasiiyo, ama shaqo wiilasha leysugu gufeeyo. Aasaaska
noloshoodu waxaa u saldhig ahaa baad dhulka ka soo baxa iyo
raxmad rabbi dusha ka soo dejiyo. Waxaa markaas u suuro-gashay
madax-bannaani dhaqaale oo ku jaan-goŽan heer qoys iyo qof.
Ninka ay 100-ka halaad u soo hoydaan iyo kan hasha keliya
ay u soo hoyato waxay u sinaayeen biyaha iyo baadka oo isku
si ayay u calfan jireen. Sidaa darteed majirin dhaqaale meel
ku urursan oo ay isku gumaystaan. Xoriyaddaas buuxda ayay
ahayd arinta gunta u ah gobannimada dhaqankii awoowayaal.
Sidaas baa xubnaha beeluhu ay geedka ku fariisan jireen, iyada
oo ninna uusan kan kale wax u guntin.
Waxaa dhaqanka Soomaalida ku cusub ah, fadhiyadan xalqadda
ah oo inta beeluhu qaataan la leeyahay, nin kasta ha hadlo
oo ha sheego sidii ay taladu ula muuqato. Arrinta ah nin kasta
ha hadlo, waxay fursad siisay tuugii iyo daneystihii, waxay
fursad siisay kuwii caqliga yaraa, waxay fursad siisay mid
kasta oo aanan bulshada miisaan ku lahaan jirin in uu doodo-beeledkii
quruxda badnaa ka qayb-qaato, iyadoo mararka qaar uu guddoonka
yeesho shakhsi aanan sinaba ehel u ahayn. Waxaa xusid mudan,
markii aanu reer-magaalownay oo aanu luminay saldhigyadii
uu lahaan jiray gole dhaqameedka oo ey awoowayaal dejiyeen,
markaas baanu garan waynay hareer aanu u dhaqaajino xaajadeenii
ummadeed iyo meel aanu cuskiyno toona.
Ragga geedka ka hadli jiray waxay ahaayeen labeenta maqaawiirta
beelaha. Guddoon caam ah oo ay beeluhu ku qaboobaan mooyee,
wax kale lagama sugi jirin. Ragga qiimigaas leh, ayaa geed-kahadalka
loo xulan jiray. Mar ay Daraawiishtu rag maqaawiir ah ka leysey
beel reer bari ah ayuu Maxamad Cabdulle
Xasan ka tiriyay gabey digasho ah oo uu ku tilmaamayo
in rag qiimi leh uu ka laayay beelihii ka soo hor-jeeday.
Tixdii uu Darwiishku dhacdadaas ka tiriyay waxaa kamid ahaa
:
Geed joogahoodii haddaan guduriga
u loogey
Gaaleyska waataan la dhacay gucurradoodiiye.
Dadka geedka isugu yimaada waxay u qeybsanaayeen dad yar
oo xil-kasnimo loo xushay oo madasha ka hadla iyo inta kale
oo dhegeysata. Waxaa kale oo jiray in hadalka la kala lahaa
ee uusan geedka hoostiisa ka dhalan sidii loo qeybsan lahaa.
Iyada oo laga duulayo ujeeddada fadhiga ayaa beeluhu waxay
lahaayeen rag khusuusi ah, kuwaas oo loo xusho in ay ka hadlaan
jaadadka godobta kala duwan ee geedka la geeyo. Raggaasi waxaa
lagu tilmaami karaa wasiirradii beesha. Tusaale, haddii goluhu
yahay mid looga hadlayo godob raagtay oo wakhti badan ka soo
wareegay, waxaa jiray nin odey ah oo dusha ka xasuusta wixii
godob ah oo beesha u yaal, sidaa darteed isaga ayaa hadalka
ku hor-mari jiray. Haddii golaha looga hadlayo dagaal, waxaa
jiray nin abaanduule ah oo hadalka hor-qaata. Haddii godobtu
tahay dhaqan, waxaa jiray nin howlaha dhaqanka ah looga dambeeyay
oo hadalka la siiyo. Raggaas dhamaantood waa rag hadal-yaqaan
ah, sida muuqatana, waxaa nin kasta u weheliya aqoon dheeri
ah oo uu la gaar yahay. Raggaasi oo kamid ah duqeyda beesha
(beelaha), sida dhaqanku ahaan jiray, waxay ahaayeen dad wax-garad
ah oo daadaheeya doodaha bilowga ah ee godobtu leedahay.
Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa
wuxuu tilmaamay, hadal aqoonta in eeyan ahayn wax ay soomaalidu
iska dhaxlaan ama garaaddo leysa siiyo, balse ay tahay caqli
iyo garaad korran oo leys dheer yahay, taasaana keeni jirtay
hor-marinta xubinta beesha uga hadasha golayaasha ay reer
miyigu isugu iman jireen. Cismaan Yusuf wuxuu yiri :
Gabaygu waa ciraab ragannimiyo cimilad
waayeele
Caqlaa lagu dhisaa iyo fahmado loo cawaansadaye
Inaad caarif ku ahaatid iyo inaadan caadaysan
Horta labada cayn waxan ahayn kagama ciil beeshid.
Hadallada geedka laga oran jiray waxay ahaayeen kuwo xikmad
ku fadhiya oo lagu dheehey suugaanta macaam ee uu afkeenu
leeyahay, isla markaana ka hofan af-lagaaddada iyo ceyda.
Waxaa dhici jirtay in nin geed ka hadley, erey uu yiri dartiis,
inta gar loogu dhigto haddana xaal laga qaato. Hadalku wuxuu
lahaa anshax iyo hanaan loo yiraahdo. Oraahyo badan oo geed
laga yiri ayay facaha Soomaalidu isu tebin jireen. Hufnaanta
hadalka waxaa ka qayb-qaadan jiray sida uu qof waliba ula
jiray in guddoonka shirku ku dhamaado cadaalad loogu hiilinayo
ninka laga gardaran yahay. Hadalka golaha laga yiraahdo wuxuu
u qeybsanaan jiray sidatan :
1. Furasho : Qofka hadlaya
wuxuu ku bilaaban jiray bisinka Eebe iyo mahad-naqiisa. Taasina
waa dhaqan ka soo jeeda diinta islaamka. Soomaalideenii hore,
xaalad walba oo ay ku sugan yihiin, waxaa u caado ahayd cuskashada
bisinka Eebe, taas oo ay kaga magan gelayeen xoogagga qarsoon
ee shar-wadayaasha ah, kuwaas oo sheydaanku uu u weyn yahay.
Waxaa kale oo furashada magaca Eebe iyo mahadnaqiisa ay ka
dhignayd tawasul ay ku doonayeen in Eebe ku duwo talada teeda
wanaagsan oo ay beeshu (beeluhu) ku qaboobayaan. Cismaan
Sharmaarke ayaa gabey dheer oo wacdi ah ku tilmaamay
arintan oo yiri :
Bisinka Eebe ereygeygu waan ku abdaŽayaaye
Alxamdu lillaahina waan ku akidaayaaye
Abtar weeye sheygaan midkood laga abuureyne.
2. Arar : Waa hadalka hor-dhaca
ah, kaas oo hadalka la leeyahay ku kordhiya shacni iyo miisaan,
waxayna u gogol xaartaa oo ay buuxisaa hadalka biyo-dhaca
ah ee uu oranyo ninka hadlaya. Arartu waxay ka kooban tahay
maahmaahyo iyo hal ku-dhegyo lagala soo baxay gabeyo horey
rag u tiriyeen oo u saansaan eg kan loo fadhiyo. Waa meesha
ay Soomaalidu ka maahmaaheen markay oranayeen :
Hadal aan murti lahayni waa hilib
aan mindi lahayn.
Arartu waxay qurux u yeeshaa meelaha uu hadalku ka fool-xumaan
karo. Salaan Carrabey ayaa yiri
:
Fulaa arar la gaagaabsadee waan gagabiyaaye
2. Biya-dhac : Waa qeexidda ujeeddada iyo halbowlaha murtida looga
golleeyahay ararta hore. Waa meesha ay ku aroorto ujeeddada
ninka hadlaya, isla markaasna bar-tilmaameed u ah godobta
ay beeshu (beeluhu) u fadhodo (u fadhiyaan).
3. Afeef
: Waa hadalka ka dambeeya biyo-dhaca. Afeefta waxaa looga
hor tegayaa hadal la doonayo in lagu gudbo mala-awaal kasta
oo la filayo in uu gadaal ka yimaado, kaas oo lid ku noqon
kara hadalladii horay looga yiri godobta loo fadhiyo. Sidaa
darteed ayaa afeeftu waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay
midda buuxisa meelaha uu ka liidan karo hadalka la yiri.
4. Baaniso
: Waa sheekooyin horay u dhacay oo taariikhda galay, kuwaas
oo u raad eg godobta loo fadhiyo. Sheekooyinkaasi waxay difaacayaan
ninka godobta sheeganaya. Qodobka baanisada ah wuxuu fursad
siinayaa ninka hadlaya in uu hadalka dhankii uu doono u kexeeyo,
waana qodob sida ararta oo kale, intii la doono laga hadli
karo. Baanisadu waa qodobka ay Soomaalidu ka maahmaahday markay
oranayeen :
" Nin kaa hadal badiya haddii uu hortaa
hadlona wax kuuma hambeeyo, haddii uu dabadaa hadlona waa
uu ku ceebeyaa ".
Axmad Ismaaciil Diiriye
(Qaasim), gabeygiisii naqdiga
ahaa wuxuu ku yiri tix uu ku tilmaamayo muunadda uu beesha
ku leeyahay ninka baaniso-aqoodka
ah. Qaasim
wuxuu gabeygaas ku yiri :
Mar baan ahay murtiyo baanisaba
madaxda reerahaye
Oo ay weliba muniyo dulqaad igu
majeertaane
26/ 2-1977-kii, waxaa magaalada Xamar lagu wareystay odey
soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Sheeko-xariir. Odeygaasi
wuxuu ka sheekeeyay nin kamid ahaa odeyadii Soomaaliyeed oo
hadal-yaqaannada ahaa oo laŽoran jiray Gaajow
Cadde (Ogaadeen). Waxaa jiray mar uu Gaajow aadey geed ay fadhi ku lahaayeen beesha
(Jid-waaq) si uu kala soo xaajoodo godob-ihaaneed oo ka dhexeysay
labada beelood. Gaajow Cadde geedkii
ayuu ka hadlay. Arartii uu Gaajow
geedkaas ka sheegay waxay ka koobneyd 114 qodob. Tiradaas
wuxuu uga dan-lahaa in uu la simo tirada suuradaha quraanka
oo 114 suuradood. Gaajow wuxuu intaa raaciyay baaniso ka kooban
114 qodob oo sheekooyin dhacay ah taas oo uu wada xasuusnaa.
Ujeeddada Gaajow waxay aheyd, beesha
Jidwaaq oo uu dagaal xumi ka dhexeeyay in ay rumeystaan wada
hadallada nabadgelyo ee uu Gaajow
wado. Xaqiiqaduse waxay ahayd, Gaajow
in uu sheekooyinkiisaa ku maaweelinayay dadka madasha fadhiyay
ee reerka Jidwaaq ahaa. Gaajow
oo ay talo ka dhexeysay reer tolkiis, wuxuu fadhiga ku sugayay
ciidan Ogaadeen ah oo soo socday. Gaajow
wuxuu ku guuleystay in uu ragga hub-qaadka ah ee beesha Jidwaaq
uu hadal xiiso badan ku madaddaaliyo oo ay isdhigtaan.Toban
maalmood buu Gaajow sheekada waday. Maalintii dambe, odeyadii
Jidwaaq oo intuu fadhigii ku dheeraaday, qaarna hurdaan qaarka
kalena ay daal la il daran yihiin ayaa nin beesha u dhashay
ku baraarugay xaaladda, markaas buu dhawaaqay isaga oo leh
:
" War geedkan ma mid loogu adeegayo Ogaadeenbaa
".
Dadkii madasha fadhiyay ayaa baraarugay, iyada oo kuwii
hurdeyna ay tooseen. Laakiin baraaruggii wax-tar uma yeelan
oo ciidamadii Ogaadeen ayaa markiiba kor yimid. Halkaasna
waxaa lagu jebiyay reerkii Jidwaaq.
4. Mahadnaq : Fadhiga waxaa
lagu gabagabeeyaa mahad celin loo mahadcelinayo xeerbeegtida
fadhiga abaabulay iyo xubnaha beesha (ama beelaha) ka soo
qayb-galey. Halkaas baa guddoonkii waxaa kula wareegaya xeerbeegtida,
kuwaas oo xaalad kasta oo ay gelayaan ka dhex-dhexaad ah,
kalsoonidii dad-weynahana sita. Waxaa dhacda in marar badan
ay xeerbeegtidu iyagu bixiyaan qiimihii godobta leysku heystey
si ay nabad u xasiliyaan beesha (ama beelaha) dhexdeeda.
Shirka caynkaas u dhaca, sida badan wuxuu ahaa mid guul
iyo wanaag laga dhaxlo. Waxaa arrin maanka ka waeyn ahan jirtay
in ay natiijo darro ka timaaddo gogosha beeluhu dhigtaan.
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal ayaa tix uu lahaa
wuxuu ku cabbiray shirka sidaas u dhaca in uu noqdo mid laysku
af-garan waayo :
Saddex weyga marin dedan
Ninka marashi door ah leh
Meel kale u marac tegey
Ninka maal adduunyo leh
Marti nebi ka dhaban dhigey
Garta leys macooriyey
Ee muddac iyo mudaaca
leh (muddaci caleyhi)
Laba markhaati gooyeen
Mooyi mooyi lagu naqay.
.Casharadii hore