Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXIV-aad

S. Enow

Dadkeenii hore iyaga oo ka duulaya maah-maahdoodii ahayd : Rag gogoshi waa godob laŽaan, ayaa waxay dhiseen xeerar iyo caadooyin sal-dhig u ahaa fadhi-goleedyada rasmiga ah oo ay ku xakameynayeen godob-ihaaneedka. Madasha fadhiyadooda waxaa ka dhex-muuqan jiray labo sarkaal oo ka masuul ahaa ilaalada xeerarka shirka iyo farsamada lagu socodsiinayo. Waxay kala ahaayeen :

1. Shir-guddoomiye (Presedent) : Waa nin kamid ah ragga lagu manneystay kalsoonida beelahayagii reer miyiga ahaa. Ninkani wuxuu ka masuul yahay furitaanka iyo xiritaanka shirka. Waxaa kale oo waajibaadkiisa kamid ah in uu xubnaha u qeybiyo hadalka. Ninkani oo kamid ah nabadoonada beelaha fadhiga leh, guud ahaan wuxuu ka masuul yahay habsamida uu shirku ku socdo, dadkuna waa ay u dhega nuglaayeen.

2. Dood-qaade (Secretery) : Ninkani waa xogheyntii shirka. Maadaama bulshada Soomaaliyeed eeyan ahayn bulsho wax qorta ama akhrisa, dood-qaadaha ayaa u ilaalin jiray wixii hadal ah oo golaha laga yiraahdo. Ninkani wuxuu ahaa nin xasuus iyo fahmad wanaagsan oo dusha ka qayba hadal kasta oo shirka laga yiraahdo iyo sida hadallada la yiri loo kala leeyahay. Tusaale, haddii uu fadhigu toddoba cisho socday, dood-qaaduhu wuxuu hayn jiray nin kasta oo hadlay ereyadii uu ka yiri fadhiga, maalintii uu yiri iyo gelinkii ay ahayd, ninkii kaga horeeyay hadalka iyo kii kaga dambeeyay. Waxaana dhacda in uu fadhigu socdo bil iyo dheeri. I. M. Lewis iyo B. W. Andrzejeski oo taariikh-dhaqameedkan diraasaad ku sameeyay waxay qoraalladooda ku sheegeen in uusan arrinkan wax la yaab leh ku ahayn bulshada soomaaliyeed ee xoolo-dhaqatada ah. Waxay xuseen in soomaalida dhexdeeda uu shey caadi ah ka yahay in lala kulmo nin 100-150 beyd oo gabey ah, dusha kaga qeyba hal mar oo uu maqlo. Dood-qaadaha, waxaa xafidaadda u weheliya, isaga oo nin caadil ah isla markaasna  run-sheeg badan. Sidaa darteed wuxuu kamid ahaa xubnaha ey beeluhu ku kalsoonaan jireen.

Shirarka ay beelaha reer guuraaga ahi dhigan jireen, waxaa ka reebanaa in ay kooxi horay u soo faqdo oo ay madasha la timaaddo goŽaan u qarsoon oo ay ku cududeyanayaan qof ama aragti gaar ah oo iyaga la qurxoon. Haddiiba ay dhacdona, sida maanta ka muuqata golayaasha laysugu keeno qab-qablayaasha Soomaaliyeed, waxaa jiray asluub uu shirku lahaa oo reebayay aragtida caynkaas ah. Iska daa in ay qadaf iyo ereyo gurracan is-yiraahdaane, ama ey idaacadaha caalamiga ah ay iska fadeexeeyaane, geed-jooguhu wuxuu ka xishoon madasha dhexdeeda in uu ka yiraahdo erey deel-qaaf ku ah af-soomaaliga uu ku hadlayo. Salaan Carrabey oo ina tusaaleynaya sida looga xishoon jiray ereyada khaladka ah xilliga geedka la joogo wuxuu yiri :

Shir la dedey dabbaaldegiyo naash daawashada geedka

Deel-qaaf fagaaruu ibleys kugu dukhuulaaye.

Shirarka geedka, waxay ahaayeen kuwo u furan dhamaan xubnaha beesha ee labka ah. Taasi waxay fursad wanaagsan siisay dhallinta daŽda yar oo iyagu goor hore noloshooda fursad u heli jiray in ay wax ka dhegeystaan doodaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan oo beelohooda ay qaban jireen. Mararka qaar waxaa dhici jirtay in duqayda beeshu ay qaataan talo wanaagsan oo uu sheegey nin daŽyarta kamid ah. Xirsi Faarax ayaa inoo reebey sheeko inoo muujineysa dhaqanka caynkan ah. Xirsi, isaga oo kuray ah, geed beeshu shir ku laheyd dushiisa saaran, ayaa waxaa dhegihiisa soo ku dhacay hadal uu yiri odey kamid ah akhyaartii geedka fadhiday. Xaajadii oo adkaatay darteed ayuu odeyga la yiri :

" War waayeel talada gorfeeya inoo sooca ".

Xirsi baa geedka dushiisii ka dhawaaqey oo yiri :

" Waayeel ha soocinaŽe, wax-garad sooca ".

Markaasaa odey meesha fadhiyay wuxuu yiri :

" Soo deg, wax-garadka adigaa kamid ahe ".

Asluubka loo daadahayn jiray howlaha fadhiga waxaa kamid ahaa, qaabka uu shirku u bilaaban jiray. Markii geedka hoostiisa laysugu yimaado oo ay dadku soo ururaan. Markii la gaaro xilligii la ballamay, shir-guddoomiyaha ayaa shirka furaya, wuxuuna ku bilaabi jiray dhawaaq uu leeyahay (Shirguddoon-san). Markaas baa nin magaca beesha ku hadlaya wuxuu yiraahdaa (Toloow hallaŽimaqlo). Ereygaas ayuu ku soo celceliyaa illaa dadka madasha isugu yimid ay sheeko-dhinaceedka joojiyaan oo ay wada aamusaan iyaga oo dareenkooda u soo jeedinaya qofka hadalka qaadan-doona. Aamusku waa ishaaro muujinaysa in uu shirku furmay. Dabadeed nin ku hadlaya magaca shirka baa markaas oranaya (Yaa dan leh ?). Kii danta lahaa baa oranaya: (anigaa dan leh). SuŽaal buu ku celinayaa (yaad dan u leedahay). Wuxuu oranayaa : (waxaan dan u leeyahay ninka la yiraahdo hebel ina hebel ina hebel). Sida caadadu tahay, dadka golaha fadhiya kuma cusba xubnaha godobta isku heysta. Ujeeddada suŽaashuse, waa in madasha laga qeexo wax kasta oo laga wada hadlayo si guddoon caddaalad ah oo lagu wada qanco loo gaaro.

Dabadeed suŽaal baa waxaa lagu celinayaa ninkii godobta sheeganayay (maŽadigaa doodaya mase nin baad idman). Sida caadadu tahay, qofka isaga ayaa godobtiisa sheegan jiray, wuxuuse diyaarsadaa qof ka cod-karsan (qareen) oo hadalkii dhaafa u buuxiya. Intaasi dabadeed waxaa la guda gelayaa in la qaadaa-dhigo godobtii iyo tilmaamaheedii, waxaana laga bilaabayaa in la sheego magaca godobtu leedahay iyo nooca ay tahay. Si uu fadhigu u furmo cadaaladdana aan looga tegin baa ninka dacwoonaya waxaa la weydiiyaa in uu ka jawaabo suŽaalahan soo socda :

" Godobtaadu ma magan baa mase waa mooro ? ".

Maganta waa wax kuu marti ah oo dadkaaga iyo hantidaada ka baxsan, wax yeelisteeduna waxay ka ciqaab culus tahay tan moorada loo geysto. Dabadeed waxaa la wediiyaa suŽaal kale oo ah :

" Godobtaadu ma xilaa, ma xoolaa, ma xinjirbaa ? ".

Xinjirtu waa dhiig qubtay oo ama dhaawac reeba ama geeri sababa. Xooluhuna inta badan waa geel ay reer miyigu kala qaadaan, waxayse noqon karaan wax kasta oo ay soomaalidu xoolo u yaqaaniin. Xiluhu, waa wax la xiriira dumarka iyo xaasaska.

Markii ninka dacwada qabay uu jawaabo, waxaa la suŽaalayaa saddex suŽaalood oo hor leh, waxayna kala yihiin:

" In uu godobta xasuusto, in uu godobta yaqaan iyo in uu qancin karo dadka fadhiga isugu yimid ".

Jawaabta uu bixiyo markii ay (haa) noqoto, waxaa laŽidmayaa ninkii dacwada qabay in uu hadlo. Markii la dhegeysto ayaa waxaa la wareystaa in uu markhaati heysto, kuwaas oo ugu yaraan labo qofood ah.

Markii ay hadalka ka dhacaan ninka godobta sheeganaya iyo markhaatiyadiisa, waxaa bilaabanaya doodihii ay is dhaafsanayeen duqeyda khusuusiga ah ee fadhiga isgu yimid.

Aw-Muuse mooyee Af-gabay haatan agab beelye.

Sidoo kale ayuu Aw-Muuse gabaygiisa wuxuu tilmaamay nin isaga ka mudan, oo uu hor-marin lahaa. Aw-Muuse wuxuu ninkaas ku tilmaamay in uu kaga haboon yahay in isaga (waa ninka uu tilmaameye) uu gabyo, balse uu ka fursan waayay markuu isagu (waa Aw-Muuse) gabeyga tirinayey. Aw-Muse Ismaaciil wuxuu yiri :

Darbane Maxamadow gabey aduu kuu daliil yahaye

Aduu kula degoo kula dersoo daacad kuu yahaye

Dur-durkiisi adigaa ahiyo daristii weyneyde

Adigaa murtida soo dellela ebidka diimoone

Duca-qabe adaan waxan lahaa xaal walba u daaye

DaŽdaadaan lahaa waxay fur-furi daharradii baase

Duq baad tahaye joog baan lahaa waa la soo didine

Duullaanka hore waxaan lahaa wiilasha u daaye

Haddii laga dan-baxay xaajadaan idin la doonaayay

Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan anigu dooxaaye.

Sida ku xusan xeerarka beelaha reer guuraaga ah, marka la adeejinayo ninka geed joogaha ah, wuxuu huwan jiray 100 % kalsoonidii beeshiisa, taas oo maanta ka maqan bulshadeena reer magaalowday. Sababta kalsoonida intaa leŽeg uu geed jooguhu u helay waxay ahayd, iyada oo uusan lahaan jirin maslaxad ka duwan tan beesha ay ka leedahay geedka. Intuusan xaalufinta dhaqanku ina taaban, dadkeenii xoolo-dhaqatada ahaa ma eeyan lahaan jirin caadooyinkan uu reer magaalku isugu manni sheegto ama ay isugu gooddiyaan. Taas oo ah garaaddo, lacag iyo dallacaad la isasiiyo, ama shaqo wiilasha leysugu gufeeyo. Aasaaska noloshoodu waxaa u saldhig ahaa baad dhulka ka soo baxa iyo raxmad rabbi dusha ka soo dejiyo. Waxaa markaas u suuro-gashay madax-bannaani dhaqaale oo ku jaan-goŽan heer qoys iyo qof. Ninka ay 100-ka halaad u soo hoydaan iyo kan hasha keliya ay u soo hoyato waxay u sinaayeen biyaha iyo baadka oo isku si ayay u calfan jireen. Sidaa darteed majirin dhaqaale meel ku urursan oo ay isku gumaystaan. Xoriyaddaas buuxda ayay ahayd arinta gunta u ah gobannimada dhaqankii awoowayaal. Sidaas baa xubnaha beeluhu ay geedka ku fariisan jireen, iyada oo ninna uusan kan kale wax u guntin.

Waxaa dhaqanka Soomaalida ku cusub ah, fadhiyadan xalqadda ah oo inta beeluhu qaataan la leeyahay, nin kasta ha hadlo oo ha sheego sidii ay taladu ula muuqato. Arrinta ah nin kasta ha hadlo, waxay fursad siisay tuugii iyo daneystihii, waxay fursad siisay kuwii caqliga yaraa, waxay fursad siisay mid kasta oo aanan bulshada miisaan ku lahaan jirin in uu doodo-beeledkii quruxda badnaa ka qayb-qaato, iyadoo mararka qaar uu guddoonka yeesho shakhsi aanan sinaba ehel u ahayn. Waxaa xusid mudan, markii aanu reer-magaalownay oo aanu luminay saldhigyadii uu lahaan jiray gole dhaqameedka oo ey awoowayaal dejiyeen, markaas baanu garan waynay hareer aanu u dhaqaajino xaajadeenii ummadeed iyo meel aanu cuskiyno toona.

Ragga geedka ka hadli jiray waxay ahaayeen labeenta maqaawiirta beelaha. Guddoon caam ah oo ay beeluhu ku qaboobaan mooyee, wax kale lagama sugi jirin. Ragga qiimigaas leh, ayaa geed-kahadalka loo xulan jiray. Mar ay Daraawiishtu rag maqaawiir ah ka leysey beel reer bari ah ayuu Maxamad Cabdulle Xasan ka tiriyay gabey digasho ah oo uu ku tilmaamayo in rag qiimi leh uu ka laayay beelihii ka soo hor-jeeday. Tixdii uu Darwiishku dhacdadaas ka tiriyay waxaa kamid ahaa :

Geed joogahoodii haddaan guduriga u loogey

Gaaleyska waataan la dhacay gucurradoodiiye.

Dadka geedka isugu yimaada waxay u qeybsanaayeen dad yar oo xil-kasnimo loo xushay oo madasha ka hadla iyo inta kale oo dhegeysata. Waxaa kale oo jiray in hadalka la kala lahaa ee uusan geedka hoostiisa ka dhalan sidii loo qeybsan lahaa. Iyada oo laga duulayo ujeeddada fadhiga ayaa beeluhu waxay lahaayeen rag khusuusi ah, kuwaas oo loo xusho in ay ka hadlaan jaadadka godobta kala duwan ee geedka la geeyo. Raggaasi waxaa lagu tilmaami karaa wasiirradii beesha. Tusaale, haddii goluhu yahay mid looga hadlayo godob raagtay oo wakhti badan ka soo wareegay, waxaa jiray nin odey ah oo dusha ka xasuusta wixii godob ah oo beesha u yaal, sidaa darteed isaga ayaa hadalka ku hor-mari jiray. Haddii golaha looga hadlayo dagaal, waxaa jiray nin abaanduule ah oo hadalka hor-qaata. Haddii godobtu tahay dhaqan, waxaa jiray nin howlaha dhaqanka ah looga dambeeyay oo hadalka la siiyo. Raggaas dhamaantood waa rag hadal-yaqaan ah, sida muuqatana, waxaa nin kasta u weheliya aqoon dheeri ah oo uu la gaar yahay. Raggaasi oo kamid ah duqeyda beesha (beelaha), sida dhaqanku ahaan jiray, waxay ahaayeen dad wax-garad ah oo daadaheeya doodaha bilowga ah ee godobtu leedahay.

Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa wuxuu tilmaamay, hadal aqoonta in eeyan ahayn wax ay soomaalidu iska dhaxlaan ama garaaddo leysa siiyo, balse ay tahay caqli iyo garaad korran oo leys dheer yahay, taasaana keeni jirtay hor-marinta xubinta beesha uga hadasha golayaasha ay reer miyigu isugu iman jireen. Cismaan Yusuf wuxuu yiri :

Gabaygu waa ciraab ragannimiyo cimilad waayeele
Caqlaa lagu dhisaa iyo fahmado loo cawaansadaye
Inaad caarif ku ahaatid iyo inaadan caadaysan
Horta labada cayn waxan ahayn kagama ciil beeshid.

Hadallada geedka laga oran jiray waxay ahaayeen kuwo xikmad ku fadhiya oo lagu dheehey suugaanta macaam ee uu afkeenu leeyahay, isla markaana ka hofan af-lagaaddada iyo ceyda. Waxaa dhici jirtay in nin geed ka hadley, erey uu yiri dartiis, inta gar loogu dhigto haddana xaal laga qaato. Hadalku wuxuu lahaa anshax iyo hanaan loo yiraahdo. Oraahyo badan oo geed laga yiri ayay facaha Soomaalidu isu tebin jireen. Hufnaanta hadalka waxaa ka qayb-qaadan jiray sida uu qof waliba ula jiray in guddoonka shirku ku dhamaado cadaalad loogu hiilinayo ninka laga gardaran yahay. Hadalka golaha laga yiraahdo wuxuu u qeybsanaan jiray sidatan :

1. Furasho : Qofka hadlaya wuxuu ku bilaaban jiray bisinka Eebe iyo mahad-naqiisa. Taasina waa dhaqan ka soo jeeda diinta islaamka. Soomaalideenii hore, xaalad walba oo ay ku sugan yihiin, waxaa u caado ahayd cuskashada bisinka Eebe, taas oo ay kaga magan gelayeen xoogagga qarsoon ee shar-wadayaasha ah, kuwaas oo sheydaanku uu u weyn yahay. Waxaa kale oo furashada magaca Eebe iyo mahadnaqiisa ay ka dhignayd tawasul ay ku doonayeen in Eebe ku duwo talada teeda wanaagsan oo ay beeshu (beeluhu) ku qaboobayaan. Cismaan Sharmaarke ayaa gabey dheer oo wacdi ah ku tilmaamay arintan oo yiri :

Bisinka Eebe ereygeygu waan ku abdaŽayaaye

Alxamdu lillaahina waan ku akidaayaaye

Abtar weeye sheygaan midkood laga abuureyne.

2. Arar : Waa hadalka hor-dhaca ah, kaas oo hadalka la leeyahay ku kordhiya shacni iyo miisaan, waxayna u gogol xaartaa oo ay buuxisaa hadalka biyo-dhaca ah ee uu oranyo ninka hadlaya. Arartu waxay ka kooban tahay maahmaahyo iyo hal ku-dhegyo lagala soo baxay gabeyo horey rag u tiriyeen oo u saansaan eg kan loo fadhiyo. Waa meesha ay Soomaalidu ka maahmaaheen markay oranayeen :

Hadal aan murti lahayni waa hilib aan mindi lahayn.

Arartu waxay qurux u yeeshaa meelaha uu hadalku ka fool-xumaan karo. Salaan Carrabey ayaa yiri :

Fulaa arar la gaagaabsadee waan gagabiyaaye

2. Biya-dhac : Waa qeexidda ujeeddada iyo halbowlaha murtida looga golleeyahay ararta hore. Waa meesha ay ku aroorto ujeeddada ninka hadlaya, isla markaasna bar-tilmaameed u ah godobta ay beeshu (beeluhu) u fadhodo (u fadhiyaan).

3. Afeef : Waa hadalka ka dambeeya biyo-dhaca. Afeefta waxaa looga hor tegayaa hadal la doonayo in lagu gudbo mala-awaal kasta oo la filayo in uu gadaal ka yimaado, kaas oo lid ku noqon kara hadalladii horay looga yiri godobta loo fadhiyo. Sidaa darteed ayaa afeeftu waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay midda buuxisa meelaha uu ka liidan karo hadalka la yiri.

4. Baaniso : Waa sheekooyin horay u dhacay oo taariikhda galay, kuwaas oo u raad eg godobta loo fadhiyo. Sheekooyinkaasi waxay difaacayaan ninka godobta sheeganaya. Qodobka baanisada ah wuxuu fursad siinayaa ninka hadlaya in uu hadalka dhankii uu doono u kexeeyo, waana qodob sida ararta oo kale, intii la doono laga hadli karo. Baanisadu waa qodobka ay Soomaalidu ka maahmaahday markay oranayeen :

" Nin kaa hadal badiya haddii uu hortaa hadlona wax kuuma hambeeyo, haddii uu dabadaa hadlona waa uu ku ceebeyaa ".

Axmad Ismaaciil Diiriye (Qaasim), gabeygiisii naqdiga ahaa wuxuu ku yiri tix uu ku tilmaamayo muunadda uu beesha ku leeyahay ninka baaniso-aqoodka ah. Qaasim wuxuu gabeygaas ku yiri :

Mar baan ahay murtiyo baanisaba madaxda reerahaye

Oo ay weliba muniyo dulqaad igu majeertaane

26/ 2-1977-kii, waxaa magaalada Xamar lagu wareystay odey soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Sheeko-xariir. Odeygaasi wuxuu ka sheekeeyay nin kamid ahaa odeyadii Soomaaliyeed oo hadal-yaqaannada ahaa oo laŽoran jiray Gaajow Cadde (Ogaadeen). Waxaa jiray mar uu Gaajow aadey geed ay fadhi ku lahaayeen beesha (Jid-waaq) si uu kala soo xaajoodo godob-ihaaneed oo ka dhexeysay labada beelood. Gaajow Cadde geedkii ayuu ka hadlay. Arartii uu Gaajow geedkaas ka sheegay waxay ka koobneyd 114 qodob. Tiradaas wuxuu uga dan-lahaa in uu la simo tirada suuradaha quraanka oo 114 suuradood. Gaajow wuxuu intaa raaciyay baaniso ka kooban 114 qodob oo sheekooyin dhacay ah taas oo uu wada xasuusnaa. Ujeeddada Gaajow waxay aheyd, beesha Jidwaaq oo uu dagaal xumi ka dhexeeyay in ay rumeystaan wada hadallada nabadgelyo ee uu Gaajow wado. Xaqiiqaduse waxay ahayd, Gaajow in uu sheekooyinkiisaa ku maaweelinayay dadka madasha fadhiyay ee reerka Jidwaaq ahaa. Gaajow oo ay talo ka dhexeysay reer tolkiis, wuxuu fadhiga ku sugayay ciidan Ogaadeen ah oo soo socday. Gaajow wuxuu ku guuleystay in uu ragga hub-qaadka ah ee beesha Jidwaaq uu hadal xiiso badan ku madaddaaliyo oo ay isdhigtaan.Toban maalmood buu Gaajow sheekada waday. Maalintii dambe, odeyadii Jidwaaq oo intuu fadhigii ku dheeraaday, qaarna hurdaan qaarka kalena ay daal la il daran yihiin ayaa nin beesha u dhashay ku baraarugay xaaladda, markaas buu dhawaaqay isaga oo leh :

" War geedkan ma mid loogu adeegayo Ogaadeenbaa ".

Dadkii madasha fadhiyay ayaa baraarugay, iyada oo kuwii hurdeyna ay tooseen. Laakiin baraaruggii wax-tar uma yeelan oo ciidamadii Ogaadeen ayaa markiiba kor yimid. Halkaasna waxaa lagu jebiyay reerkii Jidwaaq.

4. Mahadnaq : Fadhiga waxaa lagu gabagabeeyaa mahad celin loo mahadcelinayo xeerbeegtida fadhiga abaabulay iyo xubnaha beesha (ama beelaha) ka soo qayb-galey. Halkaas baa guddoonkii waxaa kula wareegaya xeerbeegtida, kuwaas oo xaalad kasta oo ay gelayaan ka dhex-dhexaad ah, kalsoonidii dad-weynahana sita. Waxaa dhacda in marar badan ay xeerbeegtidu iyagu bixiyaan qiimihii godobta leysku heystey si ay nabad u xasiliyaan beesha (ama beelaha) dhexdeeda.

Shirka caynkaas u dhaca, sida badan wuxuu ahaa mid guul iyo wanaag laga dhaxlo. Waxaa arrin maanka ka waeyn ahan jirtay in ay natiijo darro ka timaaddo gogosha beeluhu dhigtaan. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal ayaa tix uu lahaa wuxuu ku cabbiray shirka sidaas u dhaca in uu noqdo mid laysku af-garan waayo :

Saddex weyga marin dedan

Ninka marashi door ah leh

Meel kale u marac tegey

Ninka maal adduunyo leh

Marti nebi ka dhaban dhigey

Garta leys macooriyey

Ee muddac iyo mudaaca leh (muddaci caleyhi)

Laba markhaati gooyeen

Mooyi mooyi lagu naqay.

 

.Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001