Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXV-aad

S. Enow

Gogosha shirarku waxay ahaayeen meelaha laga daawado shacniga uu lahaa dhaqankii hagaagsanaa ee inoo astaanta ahaa. Hagaajinta shirka, tirada dadka isu soo banbaxa iyo gunaanadka cadaaladda ku dhisan ayaa waxay qurux ku kordhin jireen fadhi-goleedyada. Inkasta oo ay jirtay asluub lagu daadaheeynayo shirka, misana doodaha ka dhaca ayaa waxay ahaayeen kuwo aanan laysugu arxamin. Qof-kasta wuxuu xaq u lahaa in si buuxda oo uusan cidna uga heybeesan uu godobtiisa u sheegto, isaga oo ku kalsoon bulshada madasha isugu timid in uu hiilo kaga helayo. Doodaha kharaar ee halkaas ka dhici jiray ayaa waxaa inoo tilmaamaya maahmaahda oraneysa (Shir waa Saymo), iyaga oo ku mataalaya meel col isku helay oo rasaasta leysla dhacayo ay sidii roobka u daŽeyso.

Maah-maahda ah (Talo xume, tol ma badiyo) ayaa iyaduna inoo tilmaameysa talada yididiilada wanaagsan oo ey bulshada ka filaneyso cuqaasha beelaha isugu yimid fadhiga. Beeluhu maaheyn kuwo ka arradan rag in-dheer garad ah oo ka taliya arimaha istraateejiga ah ee la xiriira noloshooda. Talooyinka hufan oo ey goŽaanshaan raggaas ayaa waxey ahaayeen kuwa ilaaliya xiriirrada badan oo ey lahaayeen dadka reer miyiga ah intooda aanan kala maarmin.

Sheeko xiiso leh oo ku xusan dhaqanka Soomaalida ee ka dhacdey gobolka Mudug ayaa waxey tilmaameysaa, caaqil u dhashey beel madhibaan ah oo xumaan ka tirsadey beel ey duddo-wadaag ahaayeen. Caaqilkaas oo la oran jirey Ayax Dhowre ayaa gole leysugu yimid ka tiriyey gabey uu kaga cabanayo wixii loo geystey. Isla gabeygaas ayuu Ayax ku sheegey in uu toloobayo oo reerkiisa u raraayo degaan beel kale. Gabeygii uu Ayax ka tiriyey madasha, degaankii ayuu uga guurey, tixihiisiina waxaa kamid ahaa :

Qabkaad mudug la joogtaan rag ways ku qatalmaysaane

Qooraha waxaa rag looga simey qeyr in uu yahaye

Qayaad iyo Bah-ararsame horaad isugu qoonteene

Gabdhihiina nimankii qabaad kala qatowdeene

Waa qawrar lawga kaaga dhacay talada qaarkkeede

Qabbaanimo iyo haddaad iga rabtaan ii qasaal marada

Qabbiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye

Qaddartaa Ilaah iguma qaban qoodhey iyo xeere

Haddaan qoomka reer Diini la dego qaali baan noqone

Qalax iyo haddaan Are-cad ku furo ma adigaa i qooran

War yaan aniga xaajo aan i qaban la igu soo qaadin

Cigaal Ceymo oo kamid ahaa cuqaashii beesha xumaha laga tirsanayey, ayaa goobtii ka hadley oo yiri : Ayax teg eelna reeb. Hadalkaas oo kamid noqdey maahmaahyaha Soomaaliyeed, Cigaal wuxuu beeshiisa ugu sheegey in eeyan fududeyn dhibaatada uga iman karta reerka ka xiriir furtey, oo si kasta oo looga itaal roon yahey, eeyan jirin beel ka maaranta beel kale oo ey duddo wadaag yihiin. Sidaa darteed ayaa beeshii waxey cududdeedii isugu geysey in Ayax la soo celiyo, kharaj kasta ha kaga baxee. Beeshii odeyaal bey ka daba direen Ayax oo markaas reerihii ku furey degaanka Golgaduud. Inkasta oo uu codsadey shuruud culus, misana waa loo fuliyey, dabadeedna waa uu soo celiyey reerihii.

Waxaa in la xuso mudan, in odey-dhaqameedyada ka hadla geedka ey leeyihiin mudnaan kala duwan. Odey-dhaqameedyada ka qeyb qaata doodaha hore ee geedka waxaa lagu magacaabaa Nabaddoonno iyo Samadoonno. Marka ey dooddu soo gaba gabowdo waxaa hadalka la wareegaya caaqillada beesha, kuwaas oo fadhiyo u gaar ah ka qaata aragtiyaalka ka soo baxay doodihii badnaa ee geedka hoostiisa ka dhacay. Sida caadadu ahayd, cuqaasha, oo ah ku xigeennadii isimka weyn ee reerka, waxay galaan fadhi u gaar ah oo ey ku lafa guraan sidii xal caadil ah looga gaari lahaa godobta loo fadhiyo. Xalkoodu wuxuu markasta ahaa mid u hiilinaya qofka laga gardaran yahay, iyada oo aanan loo aaba yeelin ninka godobta galey iyo miisaanka uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.

Doodaha fadhiyada cuqaasha, waxay ka dhici jireen geed gaar ah oo aanan aheyn kii horey loo fadhiyey. Doodahan ayaa ka duwanaa doodihii fadhiyadii hore leysku dhaafsadey. Cuqaashu wax maslaxad ah ee aanan aheyn midda guud ma eeyan lahaan jirin. Sidaa darteed ayey dooddoodu u aheyd mid hufan, waxayna ku dadaali jireen iyaga oo wadajira in ey si qrux badan u jaangooyaan xaajada. Marka laga hadlayo gunaanadka godobata, waxaa jiray labo arrimood oo mudan in la tilmaamo, waxay kala yihiin :

1. GoŽaan : Waa aragtida caad-baxa ah oo ay isku af-gartaan caaqillada in ay ku soo gaba-gabeeyaan fadhigooda gaarka ah. Caaqillada inteeyan gaarin goŽaan-ka ay ku mideysan yihiin, waxay dooddooda la socodsiiyaan isimka weyn ee beesha, kaas oo sida dhaqanku yahay aanan ka qayb qaadan doodaha furan iyo kuwa xiran ee geedka ka dhaca. Talooyinka isimka loo keeno, wuxuu kala tashadaa khsuusidiisa. Talada ay isimka iyo cuqaashu isku waafaqaan ayaa fadhigii xirnaa la geeyaa si loo ansaxiyo. Halkaas baa goŽaan-ku ka dhacaa iyada oo weli ku eg heer caaqillo oo aanan loo gudbin xubnihii beesha ee geedka ku sugnaa.

2. Guddoon : Maalinta shirka lasoo af-jarayo, waxaa casumaad ballaaran dhigaya isimka weyn, taas oo lagu maamuusayo gaba-gabada fadhiga. Casumaaddaas waxaa ka muuqan jirey gobanimada iyo deeqda isimku leeyahay, taas oo guud ahaan calaamad u ah sharafta iyo karaamada beesha. Waxaa fadhigan leysku dhaafsan jirey hadallo la shaxney iyo murti qiima leh. Fadhigaasi oo ah midka uu guddoonka ka dhacayo, wuxuu ahaa mid loogu hiilinayey labada nin ee godobta kala galey. Ninna waxa uu xaq u lahaa ayaa la siinayey, kan kalena waxa uusan xaq u laheyn ayaa laga qaadayey. Fadhiyada guddoon-ka, waxay ahaayeen kuwa qura oo uu ka qeyb geli jirey isimka weyn ee beesha. Isimku wuxuu matalayey heyŽadda ugu sarreysa maamul-dowladeedka reer guraaga Soomaaliyeed. HeyŽaddaasi waa midda iska laheyd talo kasta gunaanadkeeda. Isimku ma uusan ahaan jirin nin laaluush qaata ama falal musuq-maasuq ah ey ka dhacdo, ma uusan ahaan jirin nin wax ku bartey dugsiyada eexda iyo nin jecleysiga oo ay isimada reer magaaloobey ku caan baxeen. HeyŽaddaas oo saldhiggeedu ahaa dhaqan qoto dhaadheer oo muddo qarniyo ah ay ilaalinayeen reer miyigeenii, waxay dowr la qiimeeyo ka qaadatay sugidda sharciga iyo xasilloonida (low and order) nolosha reer guuraaga. Fadhiga guddoonku maahan fadhi lagu doodo, mana ahan fadhi hadallo leys yiri dib loogu noqonayo, balse waa bayaan si gaar ah loogu tebinayo dadkii godobta isu heystey, si guudna dad-weynaha la ogeysiinayo gunaanadka ay odey-dhaqameedyadu isku raaceen, iyada oo ay xubnihii beeshu wada fadhiyaan, isimka reerkana uu goob-joog yahay. Gunaanadka guddoonka waa xubnaha godobtooda loo fadhiyay oo aqbal laga helo iyo isimka weyn oo duceeya. Gunaandka waxaa aalaaba la socda dardaaran waayeelku u dardaarmaan beelahooda si loo dhawro heshiiska.

Waxaa xusid mudan in Soomaalida reer magaalowdey ay hoosh ku qaadeen dhaqankaas talo-wadaagga ah oo ay awoowayaasha Soomaaliyeed waayo ku soo ceysheen. Dhaqankaas ayaa sidii weli uga jira miyaga Soomaaliya, laakiin waxaa mar kasta barxaya siyaasadda magaalooyinka yaal ee ku dhisan aragtidii laga dhaxley rijiimkii tegey iyo wiilashiisii.

Marka fadhiga la gunaanado oo uu xkunku dhaco waxa ka dambeeya waa duco iyo baryada Eebe. Soomaalida xoolo-dhaqatada ah belada ay ka duceysan jireen waxaa ugu weynaa fitno dhexdooda ka dhacda oo ay isku laayaan iyo abaar ay ku xoola waayaan. Ducooyinka caanka noqday oo reer guuraaga ku faafay waxaa kamid ah ducadan belaayo xijaabka ah :

Belaayada horteena ah Allaha roorsho

Belaayada gadaalkeena ah Allaha reebo

Belaayada dhinacyadeena ah Allaha riixo

Belaayada korkeena ah Allaha raaro

Belaayada hoosteena ah Allaha rabeebo.

Marka la duceeyo dabadeed, xubnaha fadhiga isugu yimid, iyaga oo qanaacad buuxda qaba ayay geedka ka dareeraan. Waxaa intaas weheliya, sheekooyinkii geedka ka dhacay iyo doodihii leys dhaafsaday kuwooda ugu qiimaha weyn waxay ku nagaadaan qaamusyada xusuusta ee xubnaha dhegeystayaasha ah. Dabadeed cashar ahaan bay ugu gudbiyaan dadkii ka maqnaa fadhigaas iyo facaha ka dambeeyaba si ey uga mid noqoto casharrada laga dhaxlo waayo-aragnimada nololoshooda.

Heshiisyadaasi ayaa waxay ahaayeen kuwo uu qof-kasta dhankiisa ka ilaaliyo. Maah-maahyo badan ayaa xusaya xushmadda ey reer-guuraagu u hayeen goŽaamada guddoonku ku dhoco. Waxaa kamid ah :

Talo walaal diide, turunturro ma huro.

Talo tol oo la diidaa, tagoog jabtay leedahay.

Waayeel warkiis haddii la maqli lahaa, waraabe wuxuu cuno ma heleen.

Xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, ma eeyan lahaan jirin dowlad dhexe, taas oo khasbeysa in si buuxda ey beeshu (beeluh) u qaadato (u qaataan) guddoonka beeshu gaartay. U hoggaansanaanta guddoonka dhacay waxaa kallifaya awoodaha qarsoon ee sharta xambaarsan oo ay reer miyigu aaminsanaayeen. Awoodahaasi oo amarka Eebe ku howl-gala, waxay abbaaraan qofka ciqaabta muteysta ee xad-gudubka la yimaada. Taasina waxay dheelli-tir u ahayd dhaqanka geel-jirnimada ah ee naxariistu ku yartahay ee ninka laga tabarta roon yahay laga duudsiyo wax badan oo xuquuq ah oo uu bulshada ku lahaa. Awooddani qarsoon waxay baajisay wax badan oo xad-gdub ah oo ka dhex-dhici lahaa reer miyiga. Aragtida noocaas ahna waxay ka soo jeeddaa caqiidada diintayada xanafiyada ah ee falalka dulmiga ah iyo dulmi falayaashaba si adag u fogeysey. Awooddaas belada xambaarsan, waxay mar walba ku imanaysaa dalab uu dirsanayo qofka gardarrada loo geystey. Iyada oo laga duulayo sida uu u kala weyn yahay dhaawaca ka xasilaya godobta la geystay, waxaa jira shan jaad oo dalab ah, waxayna kala yihiin :

1. Nacalad : Ereygan waa mid Soomaalidu ay quraanka ka barteen. Waxayse isdaba mariyeen labada xaraf ee kala ah Laam iyo Nuun. Asalaka ereyga waa Lacnad, macnihiisuna waa (ka fogaanshaha naxariista Eebe).

Nacaladda ay Soomaalidu isku ridaan waa erey caydana ka sarreeya inkaartana ka hooseeya. Sidaas darteed bay marna cay u adeegsadaan arna inkaar.

2. Inkaar : Inkaartu waxay jawaab u tahay dacwad ay gudbiyeen dadka laga tabarta roon yahay iyo xayawaanka lagu xad-gdbo. Waana awoodda difaacda dadka bulshada dhexdeeda ku taagta daran inaan la duudsiyin wax ay xaq u leeyihiin. Sidaas baa dacwadan qiimo gaar ah ugu yeelatay dhaqanka nolosha xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

3. Habaar : Waa nooca saddexaad ee dacwad ah. Ereygan wuxuu ka taagan yahay, dhaawac ku yimaada qofka la habaaro naftiisa, maalkiisa ama reerkiisa. Habaarku wuxu ka xasillaa waalidka oo lagu caasiyo, qof waayeel ah oo si xun loola dhaqmo ama odeyga beesha oo taladiisa la maqli waayo. Habaarka iyo inkaarta waa isku mid, waxayse ku kala dwan yihiin, sida badan inkaartu hoos bey ka timaaddaa oo kor bey aaddaa, habaarkuse kor buu ka yimaadaa oo hoos buu aadaa.

4. Asmo : Asmadu waa dacwad ay ridaan wadaaddada iyo ragga diinta xambaarsan. Sida ay reer miyigu aaminsanaayeen, khasab maaheyn in ay afka ka habaartamaan, balse waxaa qofka asmo ugu filan in uu wadaadku caloosha wax xun ugu qaado marka fal aan laaqi aheyn lagula kaco. Xilliyada colaadda, beelaha qaar baa dhaqan u lahaa in ay wadaaddo ururiyaan si ay asmo ugu gamaan beelo ay colaadi ka dhexeyso.

5. YuŽasho : Waxaa kale oo lagu magacaabaa Guhaan, taas oo macnaheedu tahay in beeluhu ay gabey isku habaaraan. Ninka gabeyga yuŽashada ah tiriya waxaa loo yaqaan Af ku-leeble. Inkasta oo dhamaan beelaha xoolo-dhaqatada ahi ay caado u leeyihiin guhaanka yuŽashada ah, misana waxaa dhaqankooda ku xusan laba beelood oo ku caan-baxay gabeyada yuŽashada ah, waxayna kala yihiin (Shiikhaal - Hawiye iyo Reer Kheyre - Dhulbahante).

Caqiidada diinta islaamka ka sokow, waxaa kale oo Soomaalida reer miyiga ah ku riixayey in ey arrimahan aaminaan waxay ahayd iyada oo mararka qaar ay kulmayeen erey qof yiri iyo qaddartii Eebe oo horey u xukmaneyd. Soomaaliduna waa dad fahmad wanaagsan oo waxaa ku badan dadka saadaasha saxda ah hela. Geeraar uu Hadraawi tiriyey bartamihii sanadihii 1980-aadkii ayuu ku saadaaliyey sida ay xilligaas ula muuqatey xaaladda ay dadka Soomaaliyeed ku dambeynayaan. Tix kamid ah geeraarkii Hadraawi ayaa wuxuu ahaa sidatan :

Barbaarta haddaan la layn

Billaawuhu dhiig matagin

Ninkii ku bud dhigi lahaa

Haddaan baqalyuhu ka lalin

Halyeyga badbaadadaada

Haddaan bahaluhu ku shirin

Haddaan bir ma geydadaada

rasaas loo beretensiin

Waraabuhu baan ka dhigan

Baroorta qofkii lahaa

Haddaanu u rogan bil-khayr

Belaayo xijaab ka dhigan

Wixii hadhay baylahdaada

Haddaan buntukh loogu talin

xanuun lagu baraq nuglayn

Nin bayr lihi salow ku gelin

Tixaha yuŽashada laga tiriyey, waxaanu tusaale u soo qaadan karnaa tix uu tiriyay nin la yiraahdo Xasan Maxamad Cawad. Ninkaasi wuxuu gabeygiisaas ku habaarey madaxweynihii hore Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuuna gabeyga tiriyey dhowr bilood intaanan madaxweynaha la dilin. Xasan wuxuu yiri :

Run Ilaah Rashiidow matihid kii Ilaah rabeye

Soomaali baad kala rartoo reerba meel degaye

Rafaad noqotey dunidii markii rey laguu suraye

Kol haddaan raŽiis sida Jamaal lagugu raaceynin

Rucbi kugu dhac iyo cdur xunoo raarta kula jiifa

Ruush iyo midaan laga bogsoon Rooma iyo Keenya

Kursigoo kula ruxdiyo ciidankoo talada kaa riixda

Rabbi baan baryaayaa inaadan raagin oo jirine.

.Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001