Gogosha shirarku waxay ahaayeen meelaha
laga daawado shacniga uu lahaa dhaqankii hagaagsanaa ee inoo
astaanta ahaa. Hagaajinta shirka, tirada dadka
isu soo banbaxa iyo gunaanadka cadaaladda ku dhisan ayaa waxay
qurux ku kordhin jireen fadhi-goleedyada. Inkasta oo ay jirtay
asluub lagu daadaheeynayo shirka, misana doodaha ka dhaca
ayaa waxay ahaayeen kuwo aanan laysugu arxamin. Qof-kasta
wuxuu xaq u lahaa in si buuxda oo uusan cidna uga heybeesan
uu godobtiisa u sheegto, isaga oo ku kalsoon bulshada madasha
isugu timid in uu hiilo kaga helayo. Doodaha kharaar ee halkaas ka dhici jiray ayaa waxaa inoo tilmaamaya
maahmaahda oraneysa (Shir waa Saymo),
iyaga oo ku mataalaya meel col isku helay oo rasaasta leysla
dhacayo ay sidii roobka u daŽeyso.
Maah-maahda ah (Talo
xume, tol ma badiyo) ayaa iyaduna inoo tilmaameysa
talada yididiilada wanaagsan oo ey bulshada ka filaneyso cuqaasha
beelaha isugu yimid fadhiga. Beeluhu
maaheyn kuwo ka arradan rag in-dheer garad ah oo ka taliya
arimaha istraateejiga ah ee la xiriira noloshooda.
Talooyinka hufan oo ey goŽaanshaan raggaas ayaa waxey ahaayeen kuwa
ilaaliya xiriirrada badan oo ey lahaayeen dadka reer miyiga
ah intooda aanan kala maarmin.
Sheeko xiiso leh oo ku xusan dhaqanka
Soomaalida ee ka dhacdey gobolka Mudug ayaa waxey tilmaameysaa,
caaqil u dhashey beel madhibaan ah oo xumaan ka tirsadey beel
ey duddo-wadaag ahaayeen. Caaqilkaas oo la oran
jirey Ayax Dhowre ayaa
gole leysugu yimid ka tiriyey gabey uu kaga cabanayo wixii
loo geystey. Isla gabeygaas ayuu Ayax
ku sheegey in uu toloobayo oo reerkiisa u raraayo degaan beel
kale. Gabeygii uu Ayax ka tiriyey madasha, degaankii ayuu uga guurey, tixihiisiina
waxaa kamid ahaa :
Qabkaad mudug la joogtaan rag
ways ku qatalmaysaane
Qooraha waxaa rag looga simey
qeyr in uu yahaye
Qayaad iyo Bah-ararsame horaad
isugu qoonteene
Gabdhihiina nimankii qabaad kala
qatowdeene
Waa qawrar lawga kaaga dhacay
talada qaarkkeede
Qabbaanimo iyo haddaad iga rabtaan
ii qasaal marada
Qabbiltiyo nikaax naagahaa qaata
meherkiiye
Qaddartaa Ilaah iguma qaban qoodhey
iyo xeere
Haddaan qoomka reer Diini la dego
qaali baan noqone
Qalax iyo haddaan Are-cad ku furo
ma adigaa i qooran
War yaan aniga xaajo aan i qaban
la igu soo qaadin
Cigaal Ceymo oo kamid ahaa
cuqaashii beesha xumaha laga tirsanayey, ayaa goobtii ka hadley
oo yiri : Ayax teg eelna reeb.
Hadalkaas oo kamid noqdey maahmaahyaha Soomaaliyeed, Cigaal
wuxuu beeshiisa ugu sheegey in eeyan fududeyn dhibaatada uga
iman karta reerka ka xiriir furtey, oo si kasta oo looga itaal
roon yahey, eeyan jirin beel ka maaranta beel kale oo ey duddo
wadaag yihiin. Sidaa darteed ayaa beeshii
waxey cududdeedii isugu geysey in Ayax
la soo celiyo, kharaj kasta ha kaga baxee. Beeshii
odeyaal bey ka daba direen Ayax
oo markaas reerihii ku furey degaanka Golgaduud. Inkasta
oo uu codsadey shuruud culus, misana waa loo fuliyey, dabadeedna
waa uu soo celiyey reerihii.
Waxaa in la xuso mudan, in odey-dhaqameedyada ka hadla
geedka ey leeyihiin mudnaan kala duwan. Odey-dhaqameedyada
ka qeyb qaata doodaha hore ee geedka waxaa lagu magacaabaa
Nabaddoonno iyo Samadoonno.
Marka ey dooddu soo gaba gabowdo
waxaa hadalka la wareegaya caaqillada beesha, kuwaas oo fadhiyo
u gaar ah ka qaata aragtiyaalka ka soo baxay doodihii badnaa
ee geedka hoostiisa ka dhacay. Sida caadadu
ahayd, cuqaasha, oo ah ku xigeennadii isimka weyn ee reerka,
waxay galaan fadhi u gaar ah oo ey ku lafa guraan sidii xal
caadil ah looga gaari lahaa godobta loo fadhiyo. Xalkoodu
wuxuu markasta ahaa mid u hiilinaya qofka laga gardaran yahay,
iyada oo aanan loo aaba yeelin ninka godobta galey iyo miisaanka
uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
Doodaha fadhiyada cuqaasha, waxay ka dhici jireen geed
gaar ah oo aanan aheyn kii horey loo fadhiyey. Doodahan
ayaa ka duwanaa doodihii fadhiyadii hore leysku dhaafsadey.
Cuqaashu wax maslaxad ah ee aanan aheyn midda guud ma eeyan
lahaan jirin. Sidaa darteed ayey dooddoodu u aheyd mid hufan,
waxayna ku dadaali jireen iyaga oo wadajira in ey si qrux
badan u jaangooyaan xaajada. Marka laga hadlayo gunaanadka
godobata, waxaa jiray labo arrimood oo mudan in la tilmaamo,
waxay kala yihiin :
1. GoŽaan : Waa aragtida caad-baxa ah oo ay isku
af-gartaan caaqillada in ay ku soo gaba-gabeeyaan fadhigooda
gaarka ah. Caaqillada inteeyan gaarin goŽaan-ka
ay ku mideysan yihiin, waxay dooddooda la socodsiiyaan isimka
weyn ee beesha, kaas oo sida dhaqanku yahay aanan ka qayb
qaadan doodaha furan iyo kuwa xiran ee geedka ka dhaca.
Talooyinka isimka loo keeno, wuxuu kala tashadaa khsuusidiisa.
Talada ay isimka iyo cuqaashu isku waafaqaan
ayaa fadhigii xirnaa la geeyaa si loo ansaxiyo. Halkaas
baa goŽaan-ku ka dhacaa iyada oo weli ku eg heer caaqillo
oo aanan loo gudbin xubnihii beesha ee geedka ku sugnaa.
2. Guddoon : Maalinta shirka lasoo af-jarayo, waxaa
casumaad ballaaran dhigaya isimka weyn, taas oo lagu maamuusayo
gaba-gabada fadhiga. Casumaaddaas waxaa
ka muuqan jirey gobanimada iyo deeqda isimku leeyahay, taas
oo guud ahaan calaamad u ah sharafta iyo karaamada beesha.
Waxaa fadhigan leysku dhaafsan jirey hadallo
la shaxney iyo murti qiima leh. Fadhigaasi oo ah midka
uu guddoonka ka dhacayo, wuxuu ahaa mid loogu hiilinayey labada
nin ee godobta kala galey. Ninna waxa uu xaq u lahaa ayaa la
siinayey, kan
kalena waxa uusan xaq u laheyn ayaa laga qaadayey. Fadhiyada
guddoon-ka, waxay ahaayeen kuwa qura oo uu ka qeyb geli
jirey isimka weyn ee beesha. Isimku
wuxuu matalayey heyŽadda ugu sarreysa maamul-dowladeedka reer
guraaga Soomaaliyeed. HeyŽaddaasi
waa midda iska laheyd talo kasta gunaanadkeeda. Isimku
ma uusan ahaan jirin nin laaluush
qaata ama falal musuq-maasuq ah ey ka dhacdo, ma uusan ahaan
jirin nin wax ku bartey dugsiyada eexda iyo nin jecleysiga
oo ay isimada reer magaaloobey ku caan baxeen. HeyŽaddaas
oo saldhiggeedu ahaa dhaqan qoto dhaadheer oo muddo qarniyo
ah ay ilaalinayeen reer miyigeenii, waxay dowr la qiimeeyo
ka qaadatay sugidda sharciga iyo xasilloonida (low and
order) nolosha reer guuraaga. Fadhiga guddoonku maahan
fadhi lagu doodo, mana ahan fadhi hadallo leys yiri dib loogu
noqonayo, balse waa bayaan si gaar ah loogu tebinayo dadkii
godobta isu heystey, si guudna dad-weynaha la ogeysiinayo
gunaanadka ay odey-dhaqameedyadu isku raaceen, iyada oo ay
xubnihii beeshu wada fadhiyaan, isimka reerkana uu goob-joog
yahay. Gunaanadka guddoonka waa xubnaha
godobtooda loo fadhiyay oo aqbal laga helo iyo isimka weyn
oo duceeya. Gunaandka waxaa aalaaba la socda dardaaran waayeelku u dardaarmaan
beelahooda si loo dhawro heshiiska.
Waxaa xusid mudan in Soomaalida reer
magaalowdey ay hoosh ku qaadeen dhaqankaas talo-wadaagga ah
oo ay awoowayaasha Soomaaliyeed waayo ku soo ceysheen.
Dhaqankaas ayaa sidii weli uga jira miyaga Soomaaliya, laakiin
waxaa mar kasta barxaya siyaasadda magaalooyinka yaal ee ku
dhisan aragtidii laga dhaxley rijiimkii tegey iyo wiilashiisii.
Marka fadhiga la gunaanado oo uu xkunku
dhaco waxa ka dambeeya waa duco iyo baryada Eebe.
Soomaalida xoolo-dhaqatada ah belada ay
ka duceysan jireen waxaa ugu weynaa fitno dhexdooda ka dhacda
oo ay isku laayaan iyo abaar ay ku xoola waayaan. Ducooyinka
caanka noqday oo reer guuraaga ku faafay waxaa kamid ah ducadan
belaayo xijaabka ah :
Belaayada horteena ah Allaha roorsho
Belaayada gadaalkeena ah Allaha
reebo
Belaayada dhinacyadeena ah Allaha
riixo
Belaayada korkeena ah Allaha raaro
Belaayada hoosteena
ah Allaha rabeebo.
Marka la duceeyo dabadeed, xubnaha fadhiga isugu yimid,
iyaga oo qanaacad buuxda qaba ayay geedka ka dareeraan. Waxaa
intaas weheliya, sheekooyinkii geedka ka dhacay iyo doodihii
leys dhaafsaday kuwooda ugu qiimaha weyn waxay ku nagaadaan
qaamusyada xusuusta ee xubnaha dhegeystayaasha ah.
Dabadeed cashar ahaan bay ugu gudbiyaan dadkii ka maqnaa fadhigaas
iyo facaha ka dambeeyaba si ey uga mid noqoto casharrada laga
dhaxlo waayo-aragnimada nololoshooda.
Heshiisyadaasi ayaa waxay ahaayeen kuwo
uu qof-kasta dhankiisa ka ilaaliyo. Maah-maahyo
badan ayaa xusaya xushmadda ey reer-guuraagu u hayeen goŽaamada
guddoonku ku dhoco. Waxaa kamid ah
:
Talo walaal diide, turunturro
ma huro.
Talo tol oo la diidaa, tagoog
jabtay leedahay.
Waayeel warkiis haddii la maqli
lahaa, waraabe wuxuu cuno ma heleen.
Xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, ma eeyan
lahaan jirin dowlad dhexe, taas oo khasbeysa in si buuxda
ey beeshu (beeluh) u qaadato (u qaataan) guddoonka beeshu
gaartay. U hoggaansanaanta
guddoonka dhacay waxaa kallifaya awoodaha qarsoon ee sharta
xambaarsan oo ay reer miyigu aaminsanaayeen. Awoodahaasi
oo amarka Eebe ku howl-gala, waxay abbaaraan qofka ciqaabta
muteysta ee xad-gudubka la yimaada. Taasina waxay dheelli-tir
u ahayd dhaqanka geel-jirnimada ah ee naxariistu ku yartahay
ee ninka laga tabarta roon yahay laga duudsiyo wax badan oo
xuquuq ah oo uu bulshada ku lahaa. Awooddani qarsoon waxay
baajisay wax badan oo xad-gdub ah oo ka dhex-dhici lahaa reer
miyiga. Aragtida noocaas ahna waxay ka soo jeeddaa caqiidada diintayada xanafiyada
ah ee falalka dulmiga ah iyo dulmi falayaashaba si adag u
fogeysey. Awooddaas belada xambaarsan, waxay mar walba
ku imanaysaa dalab uu dirsanayo qofka gardarrada loo geystey.
Iyada oo laga duulayo sida uu u kala weyn yahay dhaawaca ka
xasilaya godobta la geystay, waxaa jira shan jaad oo dalab
ah, waxayna kala yihiin :
1. Nacalad
: Ereygan waa mid Soomaalidu ay quraanka ka
barteen. Waxayse isdaba mariyeen labada
xaraf ee kala ah Laam
iyo Nuun. Asalaka
ereyga waa Lacnad, macnihiisuna waa (ka fogaanshaha naxariista
Eebe).
Nacaladda ay Soomaalidu isku ridaan
waa erey caydana ka sarreeya inkaartana ka hooseeya.
Sidaas darteed bay marna cay u adeegsadaan arna inkaar.
2. Inkaar
: Inkaartu waxay jawaab u tahay dacwad ay gudbiyeen
dadka laga tabarta roon yahay iyo xayawaanka lagu xad-gdbo.
Waana awoodda difaacda dadka bulshada dhexdeeda ku taagta
daran inaan la duudsiyin wax ay xaq u leeyihiin. Sidaas baa
dacwadan qiimo gaar ah ugu yeelatay dhaqanka nolosha xoolo-dhaqatada
Soomaaliyeed.
3. Habaar
: Waa nooca saddexaad ee dacwad ah. Ereygan
wuxuu ka taagan yahay, dhaawac ku yimaada qofka la habaaro
naftiisa, maalkiisa ama reerkiisa. Habaarku
wuxu ka xasillaa waalidka oo lagu caasiyo, qof waayeel ah
oo si xun loola dhaqmo ama odeyga beesha oo taladiisa la maqli
waayo. Habaarka iyo inkaarta waa isku mid, waxayse
ku kala dwan yihiin, sida badan inkaartu hoos bey ka timaaddaa
oo kor bey aaddaa, habaarkuse kor buu ka yimaadaa oo hoos
buu aadaa.
4. Asmo
: Asmadu waa dacwad ay ridaan wadaaddada iyo
ragga diinta xambaarsan. Sida ay reer miyigu aaminsanaayeen,
khasab maaheyn in ay afka ka habaartamaan, balse waxaa qofka
asmo ugu filan in uu wadaadku caloosha wax xun ugu qaado marka
fal aan laaqi aheyn lagula kaco. Xilliyada colaadda, beelaha
qaar baa dhaqan u lahaa in ay wadaaddo ururiyaan si ay asmo
ugu gamaan beelo ay colaadi ka dhexeyso.
5. YuŽasho : Waxaa kale oo lagu magacaabaa Guhaan, taas oo macnaheedu tahay in beeluhu ay gabey
isku habaaraan. Ninka gabeyga yuŽashada ah tiriya waxaa loo
yaqaan Af ku-leeble. Inkasta oo dhamaan
beelaha xoolo-dhaqatada ahi ay caado u leeyihiin guhaanka
yuŽashada ah, misana waxaa dhaqankooda ku xusan laba beelood
oo ku caan-baxay gabeyada yuŽashada ah, waxayna kala yihiin
(Shiikhaal - Hawiye iyo Reer Kheyre - Dhulbahante).
Caqiidada diinta islaamka ka sokow,
waxaa kale oo Soomaalida reer miyiga ah ku riixayey in ey
arrimahan aaminaan waxay ahayd iyada oo mararka qaar ay kulmayeen
erey qof yiri iyo qaddartii Eebe oo horey u xukmaneyd.
Soomaaliduna waa dad fahmad wanaagsan oo
waxaa ku badan dadka saadaasha saxda ah hela. Geeraar uu Hadraawi tiriyey bartamihii
sanadihii 1980-aadkii ayuu ku saadaaliyey sida ay xilligaas
ula muuqatey xaaladda ay dadka Soomaaliyeed ku dambeynayaan.
Tix kamid ah geeraarkii Hadraawi
ayaa wuxuu ahaa sidatan :
Barbaarta haddaan la layn
Billaawuhu dhiig matagin
Ninkii ku bud dhigi lahaa
Haddaan baqalyuhu ka lalin
Halyeyga badbaadadaada
Haddaan bahaluhu ku shirin
Haddaan bir ma geydadaada
rasaas loo beretensiin
Waraabuhu baan ka dhigan
Baroorta qofkii lahaa
Haddaanu u rogan bil-khayr
Belaayo xijaab ka dhigan
Wixii hadhay baylahdaada
Haddaan buntukh loogu talin
xanuun lagu baraq nuglayn
Nin bayr lihi salow ku gelin
Tixaha yuŽashada laga tiriyey, waxaanu tusaale u soo qaadan
karnaa tix uu tiriyay nin la yiraahdo
Xasan Maxamad Cawad. Ninkaasi wuxuu gabeygiisaas ku habaarey madaxweynihii
hore Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
wuxuuna gabeyga tiriyey dhowr bilood intaanan madaxweynaha
la dilin. Xasan wuxuu yiri :
Run Ilaah Rashiidow matihid kii
Ilaah rabeye
Soomaali baad kala rartoo reerba
meel degaye
Rafaad noqotey dunidii markii
rey laguu suraye
Kol haddaan raŽiis sida Jamaal
lagugu raaceynin
Rucbi kugu dhac iyo cdur xunoo
raarta kula jiifa
Ruush iyo midaan laga bogsoon
Rooma iyo Keenya
Kursigoo kula ruxdiyo ciidankoo
talada kaa riixda
Rabbi baan
baryaayaa inaadan raagin oo jirine.
.Casharadii hore