Inkasta oo dadkayagii
reer miyiga ahaa ay xilligaas lahaayeen maamullo heer beeleed
ah oo kala qoqoban, misana kala oodnaantu maahayn mid xayiraad
u gaysatay noloshoodii xoolo-dhaqatada ahayd. Waxaa jiray arrimo
ka xoog badan hannaanka maamul beeleedyada ah, kuwaas oo si
xooggan u xiriirinayay xubnaha beelaha. Waxaa ugu waynaa diinta
ay aaminsanaayeen (Islaam) iyo afka ay ku hadlyeen (af-soomaali).
Waxaa kale oo jiray xeerar ay degsadeen beelaha duddo-wadaagta
ah oo ay ku kala nabad galaan.
Dagaalada iyo gacan ka-hadalku
wuxuu ahaa mid saameyn wayn ku lahaa noloshoodii xoolo-dhaqatada
ahayd. Dhaqanka isla-waynida ku salaysan ka sokow, kheyraadka
dabiiciga oo ay biyaha ugu horeeyaan oo ku yaraa awgeed ayaa
sababi jiray colaadaha. Dagaalada badan oo xoolo-dhaqatada dhex
mari jiray ayaa qaarkood inta hana-qaad noqdaan waxay beelaha
ku reebi jireen eel iyo aafo. Si looga hor-tago dhibaalka iyo
shiddada uu maan-dhaafku ku reebo bulshada, waxay abuureen xeerar
qurux badan oo ay ku hakinayaan colaadaha. Xeerarkaas oo ay
Soomaalidu ka midaysnaayeen waxaa ugu milgo cuslaa xeerka ay
u dejiyeen dadka ay ku magacaabeen Biri ma-geydo.
Xeerkan wuxuu khuseeyaa
dabaqado kamid ah bulshada, kuwaas oo xilli colaadeed iyo xilli
nabadeedba laga ilaalin jiray in wax dhibaato ah la gaarsiiyo.
Dadka keliya maahayn kuwa uu xeerkan ilaalin jiray, balse waxaa
jiray in dhirta iyo xoolaha qudhoodu uu wax ka ilaalin jiray.
Geedka la harsado iyo kan miraha laga gurto waxaa laga ilaalin
jirey in la gooyo ama la gubo. Sidoo kale awrka gur-gur oo ah
midka hayinka ah oo reerku ku guuro, neefka irmaan iyo neefka
riman waxaa laga ilaalin jiray in la gowroco. Nin gabayaa
ah ee ka mid ahaa maqaawiirtii isu tirisay gabeyadii silsiladaha
ahaa ee Guba, magiciisana la oran
jirey Maxammad Fiin, wuxuu yiri ereyo
aad qaali u ah, wax badanna ka tilmaamaya dhaqanka xaalufay
ee ku beegan Magaydada dadka, xoolaha
iyo dhirta. Fiin, tix dhowr beyt
ah ayuu ku soo koobey siyaasadda dhaqaale, midda dhaqan iyo
tan cimilo ee ku xusan xeerkan. Fiin
wuxuu yiri :
Guhaad laguma falo ruux
hadday gogoshu kuu taalle
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
Gur-gur lama shilaysto iyo hashii geela ka irmaane
Gunta lagama jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye.
Dadkayagii hore waxay garanayeen, heer kasta
oo ay colaaddu gaarto, in nabaddu ay tahay midda laysugu imanayo.
Waxay ogaayeen in beeluhu eeyan is huraynin, sidaa darteed baa
waxaa ku xoogganaa dareenka ay ku ilaalinayeen Mageydada.
Raadka caynkan ah waxaa inoo tilmaamaya maahmaahdii ahayd :
Gobi geed ma goyso, hadday goysona gunta kama jarto.
Maxamad Cabdulle Xasan
ayaa isaguna si wacan u tilmaamay arintan markii uu lahaa
:
Maandhow ixsaan lagama
tago eed haddaad faliye.
Dadka xubnaha ka ah dabaqadda Biri
ma-geydada ah, ayaa waxay lahaayeen
magacyo badan, kuwaas oo inoo waxyoonaya muunadda ay dadkani
ku lahaayeen bulshad xoolo-dhaqatada dhexdeeda. Magacyadaas
oo dhamaantood inoo tilmaamaya maamuuska loo hayo, ayaa waxaa
kamdi ah :
Xushmadley, Xumo Ka-reeban,
Lama-taabtaan iyo Lama-dilaan. (Guddiga
Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas. Biri Ma-eydo. 1998. p. 27).
Xubnaha dabaqadda Biri
ma-geydada ah waxaa kamid ahaa odeyaasha
dhaqanka, wadaaddada iyo daŽwaynta. Raggaasi dhamaantood waxay
ahaayeen kuwa laga fisho talada wanaagsan oo ay nabaddu ka soo
fusho. Waa kuwa ka ergeeya godob-ihaaneedka reerka u taal ama
la taal. Waa arrin la garan karo haddii xubnahaas la laayo,
meesha bulshada ka bannaanaaneysa. Waxaa kale oo Biri ma-geydada kamid ah
dumarka oo ah ishii taranka. Caruurta oo ah kuwii soo buuxinayey
meesha ay banneeyaan dhallinyarada dagaalka ku dhamaada, ayaa
iyaguna kamid ahaa dabaqaddan. Waxaa iyaguna tabar-darro awgeed
looga tegi jiray maganta, socotada, bukaanka, ninka aanan dagaalka
ku jirin iyo maxbuuska. Ninkii wax-yeelo u geysta dadka caynkaas
ah, reerka uu ka dhashay dhexdiisa ayaa lagu liidi jiray oo
ceeb mahadho ah ayaa raaci jirtay. Hadraawi oo inoo tilmaamaya
dhaqankan ayaa yiri :
Ninka inan maggaydada
Gol-qaniin ku maalee
Gurrac kaga danaystoow
Gafka aad samayn iyo
Xumahaad galaysiyo
Waxaad geysaneysaa
Ruuxa ey ka go'an tahay
Gabadhaada weeyaan
Xilliga xaaladdaas oo
kale lagu jiro, Soomaalidu waxay isugu maahmaahi jireen :
War hooy, waa la doogiye,
yaan la dacaroobin.
Falalka foosha xun oo lagula kaco Bir
Ma-geydada, Soomaalidu waxay aaminsanaayeen
in ay cuqubo iyo caro Eebe ka imaneyso, cawaaqib xumadeeduna
ay ku habsaneyso cid kasta oo falkaas wax ka gaysatay. Nin la
yiraahdo Cabdi Gaheyr ayaa wuxuu tiriyey tix uu ku leeyahay :
Caaqillo halkii lagu
galey caw ku hurudaaye
Caruurtey ka leysaa ninkii
caano baas dhamaŽe.
Marka la duulaan tegayo, odeyaasha beelaha iyo abaanduuluhuba
waxay ciidamada kula dardaarmi jireen in la ilaaliyo dadka Biri
ma-geydada ah. Nin la yiraahdo Dallaayad ayaa isna arrintan
ka gabyey oo yiri :
Cirkanoo gobshoobiyo
dhulkoo goosi laga waayey
Godintiyo hangoollada
markii guuyo lagu doojo
Dhirtaba geed malka ah
baa jiriyo lama guhaadshaane
Gardarriyo ninkaan lagu
ogeyn gacan fudeed toona
Ee gana tukubihiisa waa
lagu gargaaraaye
Gudo baas mid laga keeney
oo garac ah mooyaane
Ma gilgilo duqeytida
ninkii Aw ka soo goŽaye .
Dhaqanka reer miyigu wuxuu ahaa mid ku qotoma
soo-jireen daacad loo yahay ee aan marna lagu sidkin dan shaqsiyad.
Bulshada reer miyigu waxay ahayd mid ka hufan dabamaryada iyo
dhagarta uu reer magaalku ku magacaabo Siyaaasad.
Waxay ku maahmaaheen :
Wiil soori qaadday mid
ay seefi qaadday baa ka roon.
Maahmaahdan waxay inoo tilmaamaysaa sida ay
Soomaalidu ugu fara-adkaayeen haybadda "Qofnimo"
iyo sida looga yaqyaqsan jiray in qofka uu dadnimadiisa ku jaangooyo
nolol maalmeedka iyo hadba meeshii uu dheef ka helayo. Sabatu
waxay ahayd, ninka reer miyiga ah oo ahaa xoolo-dhaqato, ayaa
baahidiisa eeyan ahaan jirin ka madax-bannaanayd qof ama koox.
Sidaas awgeed wuxuu ahaa mid mar walba qanaaca buuxda ka qaba
wax weydiin aadane.
Xushmadda dhaqanka oo ay Biri
ma-geydada ku lahaayeen beelaha reer guuraaga ah wuxuu
kamid ahaa dhaqanka asaliga ah oo ku xusan xeerarkii reer miyigayaga.
Dhacdooyinkii bahalnimada ahaa iyo falalkii foosha xumaa ee
loo geystey dabaqadihii Biri ma-geydada
Soomaaliyeed, xilligii uu dagaalka sokeeye bilow ahaa, waa arrin
muujineysa caadooyinka ugubka ah oo reer beledka iyo kuwii aqoonta
sheeganayay ay ku soo kordhiyeen sooyaalkii hufnaa oo ay reer
guuraagu lahaayeen.
Xeerka Biri ma-geydada,
xushmadda ay ku lahaayeen dadka maganta
ah ayaa waxay tahay tusaale nool ee inoo bidhaaminaya bilicdii
uu lahaan jiray dhaqankayaga.
Sababo kala duwan ayay Soomaalida isugu magan noqon jireen, markaas oo uu qofku ku noolaan
jiray degaan looga badan yahay beesha uu ka dhashay. Sababahaas
waxaa ugu weynaa in uu ninku reer uu la xididay la dego iyo
in uu reer abtigiis la dego. Ninkaas oo ay Soomaalidu ku magacaabaan
inan la-yaal, ayaa wuxuu bulshada ku lahaan jiray xushmad siyaado
ah si aanan loo dareensiin in uu dad shisheeye ah la nool yahay.
Xushmadda qaraabonimo ka sokow xoolo-dhaqatadu waxay si wanaagsan
u garanayeen beel kasta oo meel ku badan, in ay jirto degaamo
looga badan yahay. Sidaas bey u xushmeyn jireen xeerka maganta.
Maganta keliga
ah wuxuu maamuus iyo xushmad ku lahaa dhamaan xubnaha beesha
uu la degey, gaar ahaan sida ey qaraabonimada ugu kala sokeeyaan.
Waxyeellada la gaarsiiyo ninka maganta ah (naftiisa, hantidiisa
iyo sharaftiisa), waxay ceeb mug ah iyo mahadho ku reebi jirta
reerka uu maganta u yahay. Waxaa
kale oo dhici jiray in iyada oo dagaal lagu jiro, nin colkiisii
la jebiyey amaba maxbuus ahaan loo qabsaday uu magan galo qolo
saddexaad oo ka baxsan qoladii uu dagaalku ka dhexeeyay amaba
shakhsi kamid ah beesha ey dagaalamayeen. Waxaa iyana maganta kamid ah nin marti ah oo gogol reereed
fadhiya. Qofka maganta ah haddii
waxyeelo loo geysto, waxay ahaan jirtay xad-gudub loo geystay
kii maganta loo ahaa iyo guud ahaan beesha uu ka
dhashey.
Taariikhda Soomaalida waxaa ku sugan oo la
wariyaa labo beelood oo deris aheyd in uu ka dhex aloosmay dagaal
muddo socday, rag badanna ay isaga laayeen. Labadaas beelood
oo kamid ahaa Soomaalida xoolo-dhaqatada ah ee degaankoodu yahay
agagaarka magaalada Dirir-dhabe, waxaa colaaddooda sababay sac
dibi dhalay oo ninkii saca lahaa uu damcay in uu ka sidko. Markaasaa
dibigii yaraa wuxuu galay aqal nin aroos ahi leeyahay. Ninkii
dibiga u dhashay oo mindi wata ayaa aqalkii arooska soo galay.
Ninkii arooska ahaa ayaa weydiiyey sababta uu ninka mindida
u wato. Wuxuu u sheegey in uu doonayo in uu gowraco dibiga.
Ninkii arooska ahaa ayaa ka diidey oo ugu jawaabay inaanan dibi
u magan ah mindi la saareyn. Labadii
nin halkii bey isku maan-dhaafeen oo isdileen. Dabadeed midkood
ayaa goobtii ku dhintay. Sidaas baa labadii beelood isugu baabeŽeen.
Soomaalida waxaa u dhaqan ahaa in uu dhiig u daato waxyeelada
maganta la gaarsiiyo.
Nin la yiraahdo Cabdullaahi
Hinnig ayaa tix gabey ah ku tilmaamay dhaqankan, wuxuuna
yiri :
In kasta oo walaalkaa
la miro waad mag-dhabataaye
Manno kaleba waa loo
samraa wey ku soo mariye
Ninkii maganta kaa diley
sidii mowdka kuu yimiye
Haddii seedigood oo mucsira
maalki laga qaadey
Maryo dhiig leh iyo bow
ekaa magac ey reebaane
.Casharadii hore