Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXVI

Inkasta oo dadkayagii reer miyiga ahaa ay xilligaas lahaayeen maamullo heer beeleed ah oo kala qoqoban, misana kala oodnaantu maahayn mid xayiraad u gaysatay noloshoodii xoolo-dhaqatada ahayd. Waxaa jiray arrimo ka xoog badan hannaanka maamul beeleedyada ah, kuwaas oo si xooggan u xiriirinayay xubnaha beelaha. Waxaa ugu waynaa diinta ay aaminsanaayeen (Islaam) iyo afka ay ku hadlyeen (af-soomaali). Waxaa kale oo jiray xeerar ay degsadeen beelaha duddo-wadaagta ah oo ay ku kala nabad galaan.

Dagaalada iyo gacan ka-hadalku wuxuu ahaa mid saameyn wayn ku lahaa noloshoodii xoolo-dhaqatada ahayd. Dhaqanka isla-waynida ku salaysan ka sokow, kheyraadka dabiiciga oo ay biyaha ugu horeeyaan oo ku yaraa awgeed ayaa sababi jiray colaadaha. Dagaalada badan oo xoolo-dhaqatada dhex mari jiray ayaa qaarkood inta hana-qaad noqdaan waxay beelaha ku reebi jireen eel iyo aafo. Si looga hor-tago dhibaalka iyo shiddada uu maan-dhaafku ku reebo bulshada, waxay abuureen xeerar qurux badan oo ay ku hakinayaan colaadaha. Xeerarkaas oo ay Soomaalidu ka midaysnaayeen waxaa ugu milgo cuslaa xeerka ay u dejiyeen dadka ay ku magacaabeen Biri ma-geydo.

Xeerkan wuxuu khuseeyaa dabaqado kamid ah bulshada, kuwaas oo xilli colaadeed iyo xilli nabadeedba laga ilaalin jiray in wax dhibaato ah la gaarsiiyo. Dadka keliya maahayn kuwa uu xeerkan ilaalin jiray, balse waxaa jiray in dhirta iyo xoolaha qudhoodu uu wax ka ilaalin jiray. Geedka la harsado iyo kan miraha laga gurto waxaa laga ilaalin jirey in la gooyo ama la gubo. Sidoo kale awrka gur-gur oo ah midka hayinka ah oo reerku ku guuro, neefka irmaan iyo neefka riman waxaa laga ilaalin jiray in la gowroco. Nin gabayaa ah ee ka mid ahaa maqaawiirtii isu tirisay gabeyadii silsiladaha ahaa ee Guba, magiciisana la oran jirey Maxammad Fiin, wuxuu yiri ereyo aad qaali u ah, wax badanna ka tilmaamaya dhaqanka xaalufay ee ku beegan Magaydada dadka, xoolaha iyo dhirta. Fiin, tix dhowr beyt ah ayuu ku soo koobey siyaasadda dhaqaale, midda dhaqan iyo tan cimilo ee ku xusan xeerkan. Fiin wuxuu yiri :

Guhaad laguma falo ruux hadday gogoshu kuu taalle
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
Gur-gur lama shilaysto iyo hashii geela ka irmaane
Gunta lagama jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye.

Dadkayagii hore waxay garanayeen, heer kasta oo ay colaaddu gaarto, in nabaddu ay tahay midda laysugu imanayo. Waxay ogaayeen in beeluhu eeyan is huraynin, sidaa darteed baa waxaa ku xoogganaa dareenka ay ku ilaalinayeen Mageydada. Raadka caynkan ah waxaa inoo tilmaamaya maahmaahdii ahayd :

Gobi geed ma goyso, hadday goysona gunta kama jarto.

Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isaguna si wacan u tilmaamay arintan markii uu lahaa :

Maandhow ixsaan lagama tago eed haddaad faliye.

Dadka xubnaha ka ah dabaqadda Biri ma-geydada ah, ayaa waxay lahaayeen magacyo badan, kuwaas oo inoo waxyoonaya muunadda ay dadkani ku lahaayeen bulshad xoolo-dhaqatada dhexdeeda. Magacyadaas oo dhamaantood inoo tilmaamaya maamuuska loo hayo, ayaa waxaa kamdi ah :

Xushmadley, Xumo Ka-reeban, Lama-taabtaan iyo Lama-dilaan. (Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas. Biri Ma-eydo. 1998. p. 27).

Xubnaha dabaqadda Biri ma-geydada ah waxaa kamid ahaa odeyaasha dhaqanka, wadaaddada iyo daŽwaynta. Raggaasi dhamaantood waxay ahaayeen kuwa laga fisho talada wanaagsan oo ay nabaddu ka soo fusho. Waa kuwa ka ergeeya godob-ihaaneedka reerka u taal ama la taal. Waa arrin la garan karo haddii xubnahaas la laayo, meesha bulshada ka bannaanaaneysa. Waxaa kale oo Biri ma-geydada kamid ah dumarka oo ah ishii taranka. Caruurta oo ah kuwii soo buuxinayey meesha ay banneeyaan dhallinyarada dagaalka ku dhamaada, ayaa iyaguna kamid ahaa dabaqaddan. Waxaa iyaguna tabar-darro awgeed looga tegi jiray maganta, socotada, bukaanka, ninka aanan dagaalka ku jirin iyo maxbuuska. Ninkii wax-yeelo u geysta dadka caynkaas ah, reerka uu ka dhashay dhexdiisa ayaa lagu liidi jiray oo ceeb mahadho ah ayaa raaci jirtay. Hadraawi oo inoo tilmaamaya dhaqankan ayaa yiri :

Ninka inan maggaydada

Gol-qaniin ku maalee

Gurrac kaga danaystoow

Gafka aad samayn iyo

Xumahaad galaysiyo

Waxaad geysaneysaa

Ruuxa ey ka go'an tahay

Gabadhaada weeyaan

Xilliga xaaladdaas oo kale lagu jiro, Soomaalidu waxay isugu maahmaahi jireen :

War hooy, waa la doogiye, yaan la dacaroobin.

Falalka foosha xun oo lagula kaco Bir Ma-geydada, Soomaalidu waxay aaminsanaayeen in ay cuqubo iyo caro Eebe ka imaneyso, cawaaqib xumadeeduna ay ku habsaneyso cid kasta oo falkaas wax ka gaysatay. Nin la yiraahdo Cabdi Gaheyr ayaa wuxuu tiriyey tix uu ku leeyahay :

Caaqillo halkii lagu galey caw ku hurudaaye

Caruurtey ka leysaa ninkii caano baas dhamaŽe.

Marka la duulaan tegayo, odeyaasha beelaha iyo abaanduuluhuba waxay ciidamada kula dardaarmi jireen in la ilaaliyo dadka Biri ma-geydada ah. Nin la yiraahdo Dallaayad ayaa isna arrintan ka gabyey oo yiri :

Cirkanoo gobshoobiyo dhulkoo goosi laga waayey

Godintiyo hangoollada markii guuyo lagu doojo

Dhirtaba geed malka ah baa jiriyo lama guhaadshaane

Gardarriyo ninkaan lagu ogeyn gacan fudeed toona

Ee gana tukubihiisa waa lagu gargaaraaye

Gudo baas mid laga keeney oo garac ah mooyaane

Ma gilgilo duqeytida ninkii Aw ka soo goŽaye .

Dhaqanka reer miyigu wuxuu ahaa mid ku qotoma soo-jireen daacad loo yahay ee aan marna lagu sidkin dan shaqsiyad. Bulshada reer miyigu waxay ahayd mid ka hufan dabamaryada iyo dhagarta uu reer magaalku ku magacaabo Siyaaasad. Waxay ku maahmaaheen :

Wiil soori qaadday mid ay seefi qaadday baa ka roon.

Maahmaahdan waxay inoo tilmaamaysaa sida ay Soomaalidu ugu fara-adkaayeen haybadda "Qofnimo" iyo sida looga yaqyaqsan jiray in qofka uu dadnimadiisa ku jaangooyo nolol maalmeedka iyo hadba meeshii uu dheef ka helayo. Sabatu waxay ahayd, ninka reer miyiga ah oo ahaa xoolo-dhaqato, ayaa baahidiisa eeyan ahaan jirin ka madax-bannaanayd qof ama koox. Sidaas awgeed wuxuu ahaa mid mar walba qanaaca buuxda ka qaba wax weydiin aadane.

Xushmadda dhaqanka oo ay Biri ma-geydada ku lahaayeen beelaha reer guuraaga ah wuxuu kamid ahaa dhaqanka asaliga ah oo ku xusan xeerarkii reer miyigayaga. Dhacdooyinkii bahalnimada ahaa iyo falalkii foosha xumaa ee loo geystey dabaqadihii Biri ma-geydada Soomaaliyeed, xilligii uu dagaalka sokeeye bilow ahaa, waa arrin muujineysa caadooyinka ugubka ah oo reer beledka iyo kuwii aqoonta sheeganayay ay ku soo kordhiyeen sooyaalkii hufnaa oo ay reer guuraagu lahaayeen.

Xeerka Biri ma-geydada, xushmadda ay ku lahaayeen dadka maganta ah ayaa waxay tahay tusaale nool ee inoo bidhaaminaya bilicdii uu lahaan jiray dhaqankayaga.

Sababo kala duwan ayay Soomaalida isugu magan noqon jireen, markaas oo uu qofku ku noolaan jiray degaan looga badan yahay beesha uu ka dhashay. Sababahaas waxaa ugu weynaa in uu ninku reer uu la xididay la dego iyo in uu reer abtigiis la dego. Ninkaas oo ay Soomaalidu ku magacaabaan inan la-yaal, ayaa wuxuu bulshada ku lahaan jiray xushmad siyaado ah si aanan loo dareensiin in uu dad shisheeye ah la nool yahay. Xushmadda qaraabonimo ka sokow xoolo-dhaqatadu waxay si wanaagsan u garanayeen beel kasta oo meel ku badan, in ay jirto degaamo looga badan yahay. Sidaas bey u xushmeyn jireen xeerka maganta.

Maganta keliga ah wuxuu maamuus iyo xushmad ku lahaa dhamaan xubnaha beesha uu la degey, gaar ahaan sida ey qaraabonimada ugu kala sokeeyaan. Waxyeellada la gaarsiiyo ninka maganta ah (naftiisa, hantidiisa iyo sharaftiisa), waxay ceeb mug ah iyo mahadho ku reebi jirta reerka uu maganta u yahay. Waxaa kale oo dhici jiray in iyada oo dagaal lagu jiro, nin colkiisii la jebiyey amaba maxbuus ahaan loo qabsaday uu magan galo qolo saddexaad oo ka baxsan qoladii uu dagaalku ka dhexeeyay amaba shakhsi kamid ah beesha ey dagaalamayeen. Waxaa iyana maganta kamid ah nin marti ah oo gogol reereed fadhiya. Qofka maganta ah haddii waxyeelo loo geysto, waxay ahaan jirtay xad-gudub loo geystay kii maganta loo ahaa iyo guud ahaan beesha uu ka dhashey.

Taariikhda Soomaalida waxaa ku sugan oo la wariyaa labo beelood oo deris aheyd in uu ka dhex aloosmay dagaal muddo socday, rag badanna ay isaga laayeen. Labadaas beelood oo kamid ahaa Soomaalida xoolo-dhaqatada ah ee degaankoodu yahay agagaarka magaalada Dirir-dhabe, waxaa colaaddooda sababay sac dibi dhalay oo ninkii saca lahaa uu damcay in uu ka sidko. Markaasaa dibigii yaraa wuxuu galay aqal nin aroos ahi leeyahay. Ninkii dibiga u dhashay oo mindi wata ayaa aqalkii arooska soo galay. Ninkii arooska ahaa ayaa weydiiyey sababta uu ninka mindida u wato. Wuxuu u sheegey in uu doonayo in uu gowraco dibiga. Ninkii arooska ahaa ayaa ka diidey oo ugu jawaabay inaanan dibi u magan ah mindi la saareyn. Labadii nin halkii bey isku maan-dhaafeen oo isdileen. Dabadeed midkood ayaa goobtii ku dhintay. Sidaas baa labadii beelood isugu baabeŽeen. Soomaalida waxaa u dhaqan ahaa in uu dhiig u daato waxyeelada maganta la gaarsiiyo.

Nin la yiraahdo Cabdullaahi Hinnig ayaa tix gabey ah ku tilmaamay dhaqankan, wuxuuna yiri :

In kasta oo walaalkaa la miro waad mag-dhabataaye

Manno kaleba waa loo samraa wey ku soo mariye

Ninkii maganta kaa diley sidii mowdka kuu yimiye

Haddii seedigood oo mucsira maalki laga qaadey

Maryo dhiig leh iyo bow ekaa magac ey reebaane

.Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

Mudugonline.com keeping you Informed.