Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXVII

Wadaaddada ayaa iyaguna kamid ahaa dabaqadaha Bir ma-geydada ee karaamada ku lahaa bulshada Soomaaliyeed. Wadaadku wuxuu ahaa nin matalayey mabaaddiida u aasaaska ah caqiidada bulshada ee diinta Islaamka ah. Tiro ahaan, wadaaddadu kuma eeyan badneyn bulshada reer miyiga ah, qiyaastii 1000-kii qof baa waxaa laga heli karey shan wadaad. Inkasta oo ay yarayd aqoonta wadaaddadii la noolaan jirey xoolo-dhaqatada, misana reer miyigu waxay wadaaddadaas marti
uga ahaayeen xoogaaga axkaamta ah oo ay yiqiineen. Dadkeenii reer guuraaga ah waxay ka caagganaayeen qorista iyo akhriska, taasina waxay dhalisey in wadaadku u hayo xeerarkii diinta islaamka iyo shareecadda, taas oo ahayd manhajkii noloshooda. Xeerarkaas oo u ahaa raad-raac ay ku laabtaan marka guurku dhacayo, marka lays dhaxalayo iyo marka ay diyada kala qaadanayaan.

Bulshada reer miyaga ah waxay lahayd wadaad iyo waranle. Wadaadku waa ninka kitaabka garabka ku sita, wixii gar ah oo uu naqayona wuxuu ula noqdaa kitaabka. Waranluhu waa ninka dhallinyarada ah ee hubkiisa sita, kaas oo aanada laga galo ku doonta xoog iyo dagaal. Waranluhu wuxuu ka arradan yahay aqoon diinta, sidaa darteed dagaalka uu qaadayo waa mid guddoonkeedu leeyihiin wadaaddada iyo xeer-beegtida beesha.Wadaaddadu waxay ahaayeen kuwo ka reeban falal kasta oo addoomada Eebe lagu dulminayo, waxayna astaan u ahaayeen fal-kasta oo dugsada wanaaga iyo kheyrka. Waxay ahaayeen macallimiin bulshada xushmad ku leh, warkoodana la dhegeysto. Waxay si buuxda uga qayb qaadan jireen nabadaynta beelaha colaaddu dhexmarto. Wadaaddadu, iyaga oo adeegsanaya xushmaddaas ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda ayaa marka ay colaad dhacdo, inta ay go´yaal cad soo qaataan iyo kutubo quraan ah ayay labada col dhexdooda istaagi jireen. Markaas bay labada beelood ugu baaqi jireen nabad iyo heshiis, qoladii diiddana waxay ku bajin jireen in ay habaarayaan. Habaarka wadaaddadu wuxuu kamid ahaa awoodaha qarsoon ee sharta xambaarsan oo ay bulshada reer miyiga ahi aaminsanaayeen. Sidaas baa waxaa ku hakan jiray dagaalka. Tilmaamahaas wanaagsan oo uu kheyrka badan weheliyo oo ay
wadaaddadu lahaayeen baa waxay sabab u noqotay in ninka wadaadka ahi uu reer kasta oo Soomaali ah uu u hoydo, gogol wanaagsanna loo dhigo. Waxaa dhici jiray in nin wadaad ah oo safar ah intuu beel ku soo hoydo, halkaas la dego kaddib markii xilo iyo xooloba loo gooyo. Maxamad Cabdulle Xasan oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri :

Wadaadkii kitaabo leh inaan wan u qalaa weeye
Weylaalis inaan meel dugsoon ugu waraa weeye
Walanqihi iyo dhayada inuu walamsadaa weeye

Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa isaguna tilmaamay dhaqan-wareega ku dhacay bulshada kaddib markii ay lumiyeen xushmaddii iyo dhega-nuglaantii ay wadaaddadu lahaayeen. Cismaan wuxuu tix gabay ah ku yiri :

Wax camimay arlaa´iga denbiga cuqubadiisiiye
Sidii caanihii iyo biyaa loo cabahayaaye
Canaanta iyo wixii lays wacdiyay lagu cabsoon waaye

Codkii ay lahaayeen ardada, camalka ay sheegi
Cawa yoonba waxay meeriyaan waa cimri iyo yaabe
Caalimiinta hadalkooda sow kuma ciraab qaadan

Caadadaas qurxoon waxay kamid ahayd astaamaha ay ku caanka ahaayeen dhaqanka wanaagsan oo ay bulshada reer miyiga ahi lahaayeen. Meeshii la rabey in dhaqankaas la hor u mariyo ayaa reer beledkii iyo kuwii umadda matalayey waxay ku dadaaleen in ay aasaan, kuna tilmaamaan badownimo iyo wax laga tegey, iyaga oo u hanqal taagayay dhaqamo shisheeye oo la soo waaridey.
Dhaqamadaasina waxay na dhaxalsiiyeen in lagu dhiirado in goor barqa ah lagu toogto fagaaro ku yiil magaalo madaxdii Soomaaliya culimadii diinta. Taasina waxay dhacday 23/ 1- 1975-kii. Dabadeedna loogu heeso :

" Sama diidow debin baa kuu dhigan lagugu dili doono ........... ".

Ficil kasta oo khariban oo falkaas dabadiis dhacay wuxuu ahaa arrin ninkii caqli leh uu sugayey.

Ninku hadduu odeyoobo oo uu waayeel noqdo, da´da uu yahay awgeed ayuu wuxuu kaga mid noqon jiray dabaqadaha la xushmeeyo ee Biri ma-geydada ama Lama Taabtaan. Ninka waayeelka ah oo ka howl-gabey da´dii hub-qaadka ayaa sida dhaqanku yahay wuxuu ku urursadaa kheyr ka-talin iyo nabadeynta beelaha. Waxaa jirta ooraah Soomaaliyeed oo oranaysa:" Saddex ayaa lagu caana-maalaa. Waayeel taliya, wiil aqbala iyo wadaad duceeya ".Waayeelka reer miyiga ahi, sida uu ugu taliyo qoyskiisa ayuu ugu taliyaa jilibka, jifida iyo qabiilka uu ka dhashay. Waxaa kale oo dhici jirtay in duddada uu ku nool yahay qudheeda laga talo gelyeeyo. Wuxuu ahaa nin beelaha u dhexeeya. Bulshada xoolo dhaqatada ah, waxaa ceeb ku ahaa nin waayeel ah oo dagaal-ooge ah ama xaq darro wax ku xukmiya. Inkasta oo ay jireen odeyaal fitna-oogayaal ah, misana tiro iyo tayo muuqata kuma eeyan lahayn nolosha bulshadeenii reer miyiga ahayd. Dhaqanka reer miyiga ee wanaagsan, waayeelku maahayn xumaan ka-talis. Cali Aadan Gorayo (Cali Dhuux) ayaa tilmaamay ka caaganaanta xumaha waayeelkeenii hore. Cali Dhuux wuxuu yiri :

Haddaanse anigu odeyoobey oon anafadii daayey
Ashahaado mooyee haddaan eebo ridi waayey


Waxaa dhici jirtay xilliyo adag oo inta leysku gafo misana la kala gar qaadan waayo. Xilliyadaas qallafsan waa dhici jirtay in ninka waayeelka ah uu dagaal curiyo si uu xad-gudubka u haro, xaquna uu sadkiisa u helo. Aw-Muuse Ismaaciil oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri :

Duca qabe adaan waxaan laahaa xaal walba u daaye
Da´daadaan lahaa waxay furfuri daharradii baase
Duulaanka hore waxaan lahaa wiilasha u daaye
Duq baa tahaye joog baan lahaa waa la soo didiye
Haddiise laga dan baxay xaajadaan idin la doonaayey
Dirqi buu igu qabsadey hadalka inaan anigu dooxaaye


Dhaqanka caynkaas ah oo guud ahaan ay Soomaalidu ka sinaayeen, ayaa waayeelka reer miyiga ah waxay siisay xushmad iyo dhowris, bulshada xoolo-dhaqatada ah dhexdeeda loo ogsoonaa.

Sheeko taariikhda gashay oo la xiriirta dhaqankan ayaa waxay ka dhacday degaanka Ceel-buur. Sheekadu waxay tahay, iyada oo ay abaar ba´ni jirtay ayaa kooxo qawlaysato ah ka kaceen degaanka. Qowlaysatadii ayaa maalin waxay jidka ka heleen oday waayeel ah oo sibraarka ku sita caano sahay ah.

Jicsinkii bay odaygii ka dhaceen. Odeygii wuxuu ku jid maray miraha geedaha oo uu gurto. Markii uu soo gaaray meeshuu u socday ayuu ka sheekeeyay boobka lagu sameeyay. Arrintaas oo ahayd mid ka baxsan xeerka reer miyiga ayaa waxay dadkii ku noqotay mid ay qaadan waayaan. Dhallinyaradii u dhashay beeshii odayga ayaa markiiba isu diyaariyay dagaal, si ay falkan foosha xun ee lagula kacay odayga waayeelka ah, uga soo aargutaan. Nin la yiraahdo Ceynab Diirshe oo u dhashay beesha odeyga ayaa gabay ka tiriyay arrinkii,
kaas oo uu ku hakinayo dhallinyarada beeshiisa ah oo duulaanka u qalab qaatay, kuwii odayga u gafayna uu uga digayo natiijo xumida ka dhalan karta khaladkoodii. Ceynab wuxuu yiri :

Sabada Ceel-buur ragga fadhiya sowdka laga keeney
Ee aanan sifahooda garan waxan ku suureeyo
Dhaqankeenu waa sumad waxaan sinaba loo sheegin
Sideetan jir sunniyuhu murxeen socod ka soo daaley
Oo saan ku boorre ah nafluhu kala sawaad roone
Seymaha colaadeed ninkaan si xunba loo eegin
Sifa xumada ey kula keceen saariqiyo tuuga
Ee sibraarka uga furteen sahayda jiilaalka
Ee laga sukuudee haddana sababna loo yeelin
War yaa sababey geerida haddey beladu saan qaaddo.


Gabeygaas markii loo geeyey beeshii dhibaatada geysatay, markiiba odeyadoodii baa isu tegay. Waxay soo direen ergo. Odaygii gafka laga galay waxaa la siiyay xaal xuma-tir ah. Waxaa kale oo loo xukumay magtiisii in la bixiyo oo edeb-darrada lagula kacay baa waxaa loo xukumey sidii nin la dilay oo kale.

Odeyada dhaqanka ayaa iyaguna safka hore kaga jiray xubnaha xushmadaysan oo aanan la taaban jirin. Sida dhaqanku ahaa reer walba wuxuu lahaa nin u madax ah oo matalayay urursanaanta beesha. Tusaale Boqor, Suldaan, Islaan, Garaad, Ugaas, Imaam, Islow, Wabar, Malaaq iwm. Ninka oday-dhaqameedka ah waa nin ay beeshu dooratay, kaas oo mar walba qaab dhaxal ah ku yimaada. Taasi waxay
khasabtay, wiilasha ay dhaleen oday-dhaqameedyadu in goor hore loo furo koorasyo kala duwan oo ay aqoon iyo tababarro ku qaadnayaan si loogu diyaariyo masuuliyadda sugeysa in ay qaadaan. Inteeyan reer magaalku sicir-barar ku ridin qiimihii odey-dhaqameedku lahaa, isimku wuxuu ahaa nin xil-kas ah oo deeq iyo dulqaad leh. Wuxuu ka fogaa eexda iyo fitanka dunida yaal. Waxaa ka muuqatay heybad Alle ka-cabsi. Xukun kasta oo loo keeno wuxuu u fulin jiray si caddaalad ah. Sifaha caynkaas ah baa ninka isimka ah waxay siisay karaamo uu ku leeyahay, guud ahaan, bulshada reer miyiga ah dhexdeeda, gaar ahaan beeshiisa. Murti Soomaaliyeed ayaa oraneysa :

"Saddexda duubka leh lama dilo, gobta (odey-dhaqameedka), culimada iyo dumarka".

Waxaa in la xuso mudan, bulshada reer miyiga ah oo dhaqankoodu yahay hannaan talo-wadaag ah (democracy), haddii ay odaygii ka dareemaan qallooc iyo xad-gudub, waa ay tilmaami jireen oo kama eeyan aamusi jirin. Yuusuf Sharmaarke oo wax ka tirsanaya boqor Cismaan Maxamuud ayaa yiri:

Wanaag malaha meel ay midguhu kugu war dhaamaane
Ugaadhaba hal keliyaa ka wada meesha wagan kaahe
Wadana ogol waligii ma maro waabta loo galoe
Hadaan weyney waaliga iinuu ina walaaleeyo
Oon waan ku leenahaye sidii weled inoo dhowro
Miyaan weyney weeyada cid kale ula wareegeeda.

Bulshada reer miyiga ah, waxaa suuragal u ahaa in ay ka xayuubiyaan duubka oo ay kalsoonida kala noqdaan ninkii la yimaada khalad mug ah. Oday-dhaqameedyadii taariikhda galay oo ay beeluhu kala noqdeen kalsoonida waxaa laga xusi karaa Ugaas Xaashi oo kamid ahaa oday-dhaqameedyada beelaha Ogaadeen. Eex iyo qaraabo-kiil uu ku kacay darteed ayaa meel madal ah oo lagula gar-naqsaday looga xayuubiyay cimaamaddii saarayd. Saahid Qamaan wuxuu kamid ahaa raggii Ugaaska madasha kula hadlay, waxaa.ereyadiisii kamid ahaa :

Hadday muruqa geeduhu go´aan mileyga jiilaalka
Mahwiga ceel haddii loo kacoo maalku ku arooro
Mataan waa qaybsan jiray tolkii miro wadaagaaye

Magowsiin haddaan leyga siin maax la dhuranaayo
Oon meesha taagnahay anoon murudna leefeynin
Oon malab rag kale loo shushubi wax uga miileeyo

Inaan meyrax aan igu xirnayn meylimo u qaato
Oon weliba mood iyo salaan ula maleegnaado
Saddex magac Alle xaajadaan leyma marinsiiyo

Masow aabahay iyo halaan Magan ka soo gaaray
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Masa inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahaye

Aan weliba kaga miil caddahay miidhse diidaniye
Masallaha ninkaan ii dhigeyn midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho

Muska ina afey galo arlada kama miciin moodo
Sidii koran xiniinyaha la mudey uma mareeg qaato.

.Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

Mudugonline.com keeping you Informed.