Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXVIII-aad

Wejiyada laga daawan karo dhaqankii hufnaa oo ay dadkayagii reer guuraaga ahaa lahaayeen, intuusan hooshku ina haleelin, waa ay ka badan yihiin dhowrkan aanu tusaalaha u soo qaadanay. Waxaanse casharradan dhaqanka ah kaga gaabsanaynaa xoogaagan aanu uga dan lahayn in ay muuqato in dadku ahaa kuwo ku joogay abuur wanaagsan oo caafimaad qabay. Kuwo ka dheer dhaqan-mooryaaneedkan maanta laynoo aqoonsaday ee adduun iyo aakhiro ina seejiyay.

Haddii aanu u soo noqono sheekooyinka laga hayo bilowgii hooshka, waxay ahaayeen kuwo u muuqaal eg cudurka kaankarada kiisa faafa Metastesis, kaas oo unugyadiisa khariban ay raacaan waddooyinka dhiig-wareega, dabadeedna ay hadba meel ku tallaalaan cudurka ay xambaarsan yihiin. Markaas baa hadba degaan kamid ah jirka wuxuu noqdaa xarun laga haleeyo howlihii habsamida ku socday oo ay hayeen unugyada degaankaas.

Markasta oo uu qarnigu sii ururayay, waxaa degaankayaga ku soo foofayay gumaystayaashii damaca kharibn lahaa. Inkasta oo ay waddooyinka ay soo raaceen uu mid ahaa (bad & birri), misana qaababka uu tallaalkaasi ula fal-galay bulshadii Soomaaliyeed ayaa waxay ahaayeen kuwo kala duwan. Dhul-boobkii xeebaha Banaadir iyo Juba-land, waxaa loo soo maray suldaankii Sensibaar, kaas oo sheeganayay in uu ka taliyo degaankaas. Degmooyinka Hobyo, Baargaal, Saylac, Berbera iyo Tajuura, waxaa loo soo maray heshiisyo, duqaydii iyo salaadiintii ka talinayay degmooyinkaas ay la dhigteen xoogaggii dhul-boobka u socday. Beelaha ku nool galbeedka Soomaaliya oo xoolo-dhaqatada ah, ciidamadii Menelik ayaa iyagu xoog iyo maquunis bilowgiiba ku qabsaday.

Ahmiyadda istraateejiga ah ee uu dhulkayagu leeyahay darteed, ayaa heshiiskii lagu gaaray magaalada Berliin (1884-1985), uu si dhakhso ah u saameeyay degaanka geeska Afrika. Sanadkii 1886-kii, heshiis ay dhigteen Ingiriiska iyo Jarmalka, kaddib markii ay aqoonsadeen madax-bannaanida suldaanka Sensibaar, ayaa waxay qaybsadeen degaanka bariga Afrika. Heshiiskaasi oo lagu magacaabo Anglo-German Agreement ayaa labada maamul waxay ku heshiiyeen in ay qaybsadaan degaan kamid ah bariga Afrika. Waxay xariiqeen khad ka bilaabata halk webiga Wanga ee mara Tansaaniya uu biyaha kaga shubo bad-waynta Hindiya, kuna dhamaata bartamaha xadka bari ee harada Lake Victoria. Ingiriisku wuxuu qaatay dhulka waqooyiga ka xiga khadda, Jarmalkuna koonfur. Sanadkii 1890-kii, heshiiskaaas ay labada dowladood gaareen dartiis ayaa Jarmalku wuxuu ka kacay degaanka Wiitu ee u dhexeeya labada degmo Kipini (Kenya) iyo Kiyambuuni (Soomaaliya) oo uu horay u fadhiyay. Sababtuna waxay ahayd degaankaas oo waqooyiga kaga yaal xariiqda ay ku heshiiyeen Jarmalka iyo Ingiriiska.

Waxaa jiray heshiis khasab ahaa oo Talyaaniga uu la dhigtay suldaankii Sensibaar sanadkii 1985-kii (Ku noqo Casharkii XVIII-aad, Goortii ..........). Waxaa xigay in qunsulkii Talyaaniga Vincezo Filonardo uu suldaanka ka codsaday in uu Talyaaniga uga kaco degmada Kismaayo oo ahmiyad gaar ah u leh doonyaha ganacsiga ee jasiiradda Sensibaar ku sii qulqulaya. Waxaa kale oo qunsulku uu codsaday in dhulka gudaha ah laga siiyo 60 mail oo ku hareeraysan Kismaayo. Dhulkaasi waxaa kamid ah degmada Goob-wayn ee ku taal meesha uu webiga Juba biyaha kaga qubo bad-waynta Hindiya. Suldaankii Sensibaar ayaa la daahay in uu jawaab ka bixiyo codsigii Talyaaniga. Markii la waydiiyayna wuxuu sheegay in uu jawaab bixin doonno goortii ay u suurogasho. Vincezo Filonardo ayaa dabadeed waraaq u diray dowladdiisii uu ugu sheegayo sida uu suldaanku u dhayalsaday codsigiisii. Waraaqdaas oo qunsulku uu diray 28/ 5- 1888, wuxuu dowladdiisii kula taliyay in ay fursadda ka faaŽiidaysato oo suldaanka si rasmi ah loo waydiisto degmada Kismaayo, si looga saamaxo ihaanada uu gaystay. Inkasta oo magaalada Kismaayo ay xilligaas daŽdeedu ahayd qarni ku dhowaad, misana waxay ka hor u marsanayd degmooyin ka daŽwayn ee degaanka ku yaal. Sababtuna waa xiriika tooska ah oo ay la yeelatay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga.

4/ 6- 1888, wasiirkii dibadda ee Talyaaniga wuxuu soo saaray bayaan uu ku muujinayo in suldaanka Sensibaar uu ihaanaystay dowladdii Talyaaniga iyo qunsulkeedii fadhiyay jasiiradda. Waxaa kale oo bayaankaas uu xusayay in dowladda Talyaaniga ay si rasmi ah suldaanka uga codsanayso in uu uga kaco magaalada Kismaayo. Dhacdadan ayay ahayd fursaddii ugu horaysay ee uu Talyaaniga ku damco in uu gacanta la soo gaaro dhulka ay Soomaalidu degaan. Bayaankii wasiirka waxaa xigay in Talyaaniga uu Sensibaar u soo diro markab ciidan oo lagu magacaabo Andreo Provana. Markabkaas oo ujeeddadiisu ahayd in la cabsi geliyo suldaanka ayaa ka soo baxay Itaalya 6/ 7- 1888-kii. (Barkhat. 1972. p. 231).

Ingiriiskii oo horay u guddoonsaday in Talyaaniga la siiyo degaanka Banaadir, ayaa bishii agosto 1888-kii, wuxuu Talyaanigii la dhigtay heshiis dhigaya in Talyaaniga lagu wareejiyo degaan kamid ah bariga Afrika, gaar ahaan dhulkii uu Ingiriisku qayb ahaan u helay ee u dhexeeyay webiyada Juba iyo Taana. Heshiiskan dhulka uu khuseeyo waa dhulka ay Soomaalidu degaan oo degmada Kismaayo ay xudun u tahay. (Somali Nationalism. S. Touval. 1963. p. 42).

Dadka Soomaalida ahi waxay mar-walba ku baraarug-sanaayeen damaca shisheeyuhu ka lahaa dhulkooda. Dagaaladii Axmad Guray oo ay Xabashida la galeen, kii Baraawe oo ay Burtuqiiska ku caabiyeen, kii Xamar oo ay maamulkii qoyskii reer Mudafar ku bur-buriyeen, intuba waxay muujinayeen dareenka ay dadku ku baraarug sanaayeen oo ay ka qabeen xoogagga shisheeyaha ah ee damaca inoogu yimid. Sanadkii 1895-kii, suldaan u dhashay beesha Gelledi, ayaa sarkaal Talyaani ah oo degaanka soo booqday wuxuu u sheegay in dadkiisu ay ka cabsi qabaan dadkan Yurubta ah in ay ka dhaxal-wareejiyaan dhulka qiimaha leh oo beeraha ku wanaagsan. (Finazzo. LŽitalia nol Benadir. pp 456 - 460).

Beelihii Soomaaliyeed oo xilligaas ku dhaqnaa degaanka Juba ayaanan horay wax wayn ugu arag in suldaanka Sensibaar uu sheegto dul-maaulka degaamadooda. Sababtu waxay ahayd isaga oo u sheegtay in dhalashadiisu tahay asharaaf oo uu farac ku leeyahay duriyaddii suubanaha Maxamad ah c.s.w. Waxayse ka xumaadeen markii uu soo gaaray khabar sheegaya in suldaanku uu degaankii ku wareejiyay xoogaggii gumaysatada ahaa. Soomaalidii waxay markiiba bilaabeen in ay wafdi heer duqay ah u diraan Sensibaar si ay suldaanka u gaarsiiyaan in ay maamulkiisa ka hoos-baxayaan, aqoonsigana ay kala noqonayaan haddii uu dhulka uga tanaasulo dadyowga shisheeyaha ah. Waxaa kale oo ay suldaanka u sheegeen in ay dhisanayaan dowlad madax-bannaan.

Waxaa arintaas xigay kacdoon ka bilowday degaanka Juba oo ay Soomaalidu kaga gil-gilanayeen hooshka ku soo food-leh dhulkooda. Arimahaas, muddo ayay hakad geliyeen mashruucii Talyaaniga uu ka fulin lahaa Juba. Ingiriiska oo kaga khibrad roonaa degaanka ayaa wasiirkiisii dibadda Sir. Salsberg wuxuu Talyaanigii u soo qoray waraaq sir ah, taas oo uu ugu sheegayay in uu ku kaalmayn doono mashruuca ay ku doonayaan in ay ku hantaan gobolka Juba, balse uu u kaadiyo muddo saddex sano ah inta xiisaddu qaboobayso oo kacdoonka dad-wayuhu uu istaagayo. ( Barkhat. 1972. p. 231).

Shirkaddii ahayd Imperial British East Africa Company oo uu asaasay Sir W. Mackinnon oo ganacsade Scottish (Ingiriis) ah, ayaa sanad kaddib waxay isu rogtay hayŽad gumaysi. Taasi waxay ka dambaysay markii ay aqoonsi ka heshay dowladdii Ingiriiska. Shirkaddu waxay la wareegtay maamulkii degaanka. Ujeeddadu waxay ahayd in degaanka lagula tartamo Jarmalka iyo Faransiiska.

Markii uu Jarmalkii ka baxay Wiitu, shirkaddii ayaa suldaankii Sensibaar waxay ka heshay heshiis ah in ay iyada si toos ah u maamusho dhulka u dhexeeya Taana iyo Juba. Ingiriiska ayaa mashruuciisa wuxuu ku hoos waday in Talyaaniga uu si tartiib ah ula wareego gobolka Juba. Arintaasi waxay dib u soo noolaysay xiisaddii dad-waynaha iyo dareenkii ay ka qabeen dadka shisheeyaha ah.

Inteeyan shirkaddu caga-dhigan degmada Kismaayo, dad-waynihii magaalada oo ay hor-kacayaan odeyaashii degaanka ayaa ku kacay falal gadood ah oo ay kaga hor tegayaan boobka lala damacsan yahay dhulkooda. Waxyaabaha ay sameeyeen waxaa kamid ahaa iyaga oo ganacsato Hindi ah ka iibiyay dhul kamid ah degaanka Kismaayo si ay u muujiyaan in ay iyaga oo keliya yihiin dadka xaqa u leh dhulkaan. Qoraaladii heshiiskana waxay u gudbiyeen suldaankii Sensibaar. Waxaase jirtay in xilligan suldaanku uusan lahayn wax awood ah.

Shirkadda waxaa ka oday ahaa nin Ingiriis ah oo lagu magacaabo Todd, kaas oo fadhi ku lahaa Sensibaar. Wuxuu markiiba soo saaray qoraal uu ku muujinayo in shirkaddu ay leedahay maamulka dhamaan dhulka Jubaland, marka laga reebo dhulalka Hindida laga iibiyay iyo kuwa ay dadku leeyihiin. Wuxuu uga dan-lahaa in uu Soomaalida u muujiyo in ay shirkaddu tahay hayŽad si sharci ah u maamusha degaanka, taas oo ka sareysa suldaanka. Taasi waxay sii kordhisay caradii Soomaalidii reer Jubaland ahayd, gaar ahaan kuwii degmada Kismaayo ku noolaa. Todd, isaga oo dareensan carada Soomaalida ayuu ninkii shirkadda u fadhiyay Mombaasa oo laŽoran jiray Pigott ka dalbaday in uu wada-hadal la yeesho Soomaalida. Todd wuxuu dareensanaa khatarta ay leedahay wada-xaajoodka Soomaalida lagala yeelanayo ergeynta mashruuca lagu dhaxal-wareejinayo maamulka dhulkooda. Sidaa darteed ayuu ergeygiisii wuxuu u sheegay in uu u wehel yeelayo marka uu dhacayo wada-xaajoodka arintan. Waxaa kale oo Todd uu codsaday in la diyaariyo ciidamo ilaaliya amaanka madasha uu shirku ka dhacayo.

Wafdi heer sare ah oo ka socday shirkaddii ayaa waxay soo gaareen magaaladii Kismaayo, bartamihii sanadkii 1895-kii. Waxaa wafdiga weheliyay ganacsade Talyaani ah oo ka soo raacay Sensibaar. Ninkaas oo la yiraahdo Count Locatelli ayaa ujeeddadiisu ahayd in uu soo booqdo degmadan oo ah meesha ugu horeysa oo Talyaanigu uu isha ku hayay. Todd oo ahaa ninka fadhiga dalbaday ayaa wuxuu codsaday in ay Soomaalida ku wada-hadlaan gole furan public meeting. Fadhigaasi oo ka dhacay meel xeebta u dhow ayaa wuxuu ku bilowday in hadallo qabow lays dhaafsado. Wanaagii uu hadalku ku bilowday ma noqon mid raaga. Sababtu waxay ahayd, markii la guda galay in laga hadlo arrimo xasaasi ah oo la xiriira dhulka, ayaa Soomaalidii xiisad kiciyeen oo ay bilaabeen in ay muujiyaan gadood. Buuqii dhexdiisii ayuu Todd ka istaagay kursigii uu ku fadhiyay, isaga oo doonayay in uu qaboojiyo bulaanka iyo sawaxanka ka yeerayay dad-waynihii fagaarahaas isugu yimid. Dadkii ayaa wada kacay. Dabadeed Count Locatelli oo mooday in Soomaalidu ay doonayaan in ay wax laayaan ayaa bastoolad uu sitay inta la soo baxay, rasaas kor u riday. Buuqii iyo caradii ayaa sii korortay, dabadeed nin Soomaali ah ayaa tooray la baxay oo qoorta kaga dhaawacay Todd. Dabadeed, ciidamadii shirkadda oo horay loo diyaariyay ayaa dadweynihii madaafiic la dhacay. (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 7).

Taariikhdu ma xusin dhaawacii halkaas ay gumaystayaashu ku gaysteen. Laakiin waxaanan shaki ku jirin in mindida ku dhacday Todd, ay kamid ahayd ishaarooyinkii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu ku muujinayeen in eeyan dhulkooda la doonayn maamul gumaysi. Waxay ahayd bilow halgan daba-dheeraaday oo naf iyo hanti badan galaaftay, kaas oo ololinta dabkiisa ay ka qayb qaateen faco badan. Gobollo kala duwan iyo xilliyo kala duwanna shidmayay.

Markii ay madaafiicdii maquunin waayeen dad-waynihii gadooday ayaa ciidamo isugu jira Ingiriis, Hindi, Carab iyo Sawaaxili ay magaaladii ka soo weerareen dhanka koonfureed. Dagaalkii wuxuu ku faafay tuulooyinkii iyo baadiyihii gobolka. Inkasta oo kacdoonku uu ahaa mid aanan habaysneen, misana shirkaddii waa ay ku guul-daraysatay in ay qaboojiso xiisaddii halkaas ka bilaabatay. Ugu danbayntii maamulkii shirkadda, iyaga oo ka baqaya in kacdoonkan uu ku faafo degaanka bariga Afrika, ayaa wuxuu Sensibaar ka codsaday ciidamo xoog leh oo lagu caburiyo kacdoonka Soomaalida. Ciidamada la soo diray oo ahaa kuwo tayadoodu sareyso ayaa waxay kamid ahaayeen kuwii boqortooyada ee fadhiyay Sensibaar. Kuwaas oo lagu magacaabo Haider-Abad Troops. Ciidamadaasi ayaa markii ay si arxan-darri ah ula dhaqmeen dadkii degaanka, waxay ku guulaysteen in ay caburiyaan dhaqdhaqaaqan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu ku diidayeen gumaysigan cusub. Halkaas ayuu dhaqdhaqaaqii ganacsiga ahaa ee shirkaddu, wuxuu markiiba isu beddelay tallaal cusub oo maamul gumaysi ah.

Shirkaddii waxay markiiba bilawday in ay isku fidiso dhulka gudaha ah ee gobolka, iyada oo si is-dabajoog ah u dirsanaysa arahyo. Inkasta oo dadkii degaanka uu si rasmi ah ugu bilowday xilligii gumaysiga, misana raggii shisheeyaha ahaa, waxaa mashruucooda caqabad wayn ku noqday dhaqanka isla-waynida ah oo astaan u ahaa Soomaalidii hore. Dhaqankaasi oo ahaa mid shakhsiyadda Soomaaliga ah ku tallaalan ayaa wuxuu yahay mid aanan marna oggolaaneyn in uu qaabilo nolol gumaysi iyo liidasho toona. Sir Charles Eliot oo kamid ahaa maamulkii shirkadda oo arintan wax ka qoray ayaa wuxuu yiri sidatan :

" Soomaalidu ma doonayaan in ay aqbalaan qorshaha ugu fudud oo lagu joojinayo dagaalka ".

Ninkaasi ayaa wuxuu ku cel-celin jiray in uu yiraahdo :

" Iyagu (waa Soomaalida) waxay isu maleynayaan in ay nala-mid yihiin ama ay nagaba sareeyaan ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p.7. Laga xigtay Eliot : C. East Africa Protectorate. 1905. Chap. 7).

Sir Charles Eliot wuxuu ahaa ninka ka dambeeyay aragti oranaysay in Soomaalida la niyad jebiyo oo isla-waynidooda la dhaawaco, si ay shirkadda uga hesho wada-shaqayn daacad ah. Waxaase dhacday in siyaasaddii qallafsanayd ee uu Charles Eliot ku taliyay ay ka socon wayday degaanka, sidaa darteed ayaa qudhiisii uu mar kale ku taliyay in si qunyar-socod ah loola dhaqmo Soomaalida. Waxaa tusaale ah, sanadkii 1900, waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay sarkaal Ingiriis ah. Sir Charles Eliot oo ka fogaanaya in uu arintan siyaasadeeyo ayaa wuxuu doortay in uu u arko denbi uu qof sameeyay ee aanan la caam yeelin. Isaga oo jeclaystay in denbigan uu ku koobo ninkii falka gaystay iyo beesha uu ka dhashay ayaa wuxuu reebay qoraal uu ku leeyahay :

" Waxaan caddaynayaa reerka Ogaadeen in dagaal naga dhexeeyo. Dhanka xeebaha, waxaanu u dirnay sahan. Inkasta oo sahanku uu xoogganaa, misana wax guul ah kama aanu gaarin. Sababtuna waa iyada oo ciidanka ay ku adag-tahay in ay helaan xoolo-dhaqato duurka galay oo socodka u sahlan yahay ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p.8. Laga xigtay : Eliot C. East Africa Protectorate. 1905. Chap. 7).

Talyaaniga, ayaa soo-dhoweyntii uu Ingiriiska ka helay waxay ku beertay kalsooni wayn ee damac xambaarsan. Wuxuu bilaabay in uu ka hoos shaqeeyo shirkaddii Ingiriiska. Taas oo qorshaha ka dambeeyay uu ahaa in si tartiib ah uu kula wareegayo degaanka Juba. Damaca Talyaanigu uu markaas lahaa maahayn mid ku eg Juba ee wuxuu higsanayay in uu dhanna isku xiro labada dekad ee kala ah Kismaayo iyo Casab, dhanka kalena uu hanto xeebta dheer ee ku eg degmada Raas-Gardafoy.

.Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


Mudugonline.com keeping you Informed.