Wejiyada laga daawan karo dhaqankii
hufnaa oo ay dadkayagii reer guuraaga ahaa lahaayeen, intuusan
hooshku ina haleelin, waa ay ka badan yihiin dhowrkan aanu tusaalaha
u soo qaadanay. Waxaanse casharradan dhaqanka ah kaga gaabsanaynaa
xoogaagan aanu uga dan lahayn in ay muuqato in dadku ahaa kuwo
ku joogay abuur wanaagsan oo caafimaad qabay. Kuwo ka dheer dhaqan-mooryaaneedkan
maanta laynoo aqoonsaday ee adduun iyo aakhiro ina seejiyay.
Haddii aanu u soo noqono sheekooyinka
laga hayo bilowgii hooshka, waxay ahaayeen kuwo u muuqaal eg cudurka kaankarada kiisa faafa Metastesis,
kaas oo unugyadiisa khariban ay raacaan waddooyinka dhiig-wareega,
dabadeedna ay hadba meel ku tallaalaan cudurka ay xambaarsan yihiin.
Markaas baa hadba degaan kamid ah jirka wuxuu noqdaa xarun laga
haleeyo howlihii habsamida ku socday oo ay hayeen unugyada degaankaas.
Markasta oo uu qarnigu sii ururayay,
waxaa degaankayaga ku soo foofayay gumaystayaashii damaca kharibn
lahaa. Inkasta oo ay waddooyinka ay soo raaceen uu mid ahaa (bad
& birri), misana qaababka uu tallaalkaasi ula fal-galay bulshadii
Soomaaliyeed ayaa waxay ahaayeen kuwo kala duwan. Dhul-boobkii
xeebaha Banaadir iyo Juba-land, waxaa loo soo maray suldaankii
Sensibaar, kaas oo sheeganayay in uu ka taliyo degaankaas. Degmooyinka
Hobyo, Baargaal, Saylac, Berbera iyo Tajuura, waxaa loo soo maray
heshiisyo, duqaydii iyo salaadiintii ka talinayay degmooyinkaas
ay la dhigteen xoogaggii dhul-boobka u socday. Beelaha ku nool
galbeedka Soomaaliya oo xoolo-dhaqatada ah, ciidamadii Menelik ayaa
iyagu xoog iyo maquunis bilowgiiba ku qabsaday.
Ahmiyadda istraateejiga ah ee
uu dhulkayagu leeyahay darteed, ayaa heshiiskii lagu gaaray magaalada
Berliin (1884-1985), uu si dhakhso ah u saameeyay degaanka geeska
Afrika. Sanadkii 1886-kii, heshiis ay dhigteen Ingiriiska iyo
Jarmalka, kaddib markii ay aqoonsadeen madax-bannaanida suldaanka
Sensibaar, ayaa waxay qaybsadeen degaanka bariga Afrika. Heshiiskaasi
oo lagu magacaabo Anglo-German Agreement ayaa labada maamul waxay ku heshiiyeen in
ay qaybsadaan degaan kamid ah bariga Afrika. Waxay xariiqeen khad
ka bilaabata halk webiga Wanga ee mara
Tansaaniya uu biyaha kaga shubo bad-waynta Hindiya, kuna dhamaata
bartamaha xadka bari ee harada Lake Victoria. Ingiriisku wuxuu qaatay dhulka waqooyiga
ka xiga khadda, Jarmalkuna koonfur. Sanadkii 1890-kii, heshiiskaaas
ay labada dowladood gaareen dartiis ayaa Jarmalku wuxuu ka kacay
degaanka Wiitu ee u dhexeeya labada degmo Kipini (Kenya) iyo Kiyambuuni (Soomaaliya) oo uu horay u fadhiyay. Sababtuna
waxay ahayd degaankaas oo waqooyiga kaga yaal xariiqda ay ku heshiiyeen
Jarmalka iyo Ingiriiska.
Waxaa jiray heshiis khasab ahaa oo Talyaaniga
uu la dhigtay suldaankii Sensibaar sanadkii 1985-kii (Ku
noqo Casharkii XVIII-aad, Goortii ..........).
Waxaa xigay in qunsulkii Talyaaniga Vincezo Filonardo uu suldaanka ka codsaday in uu Talyaaniga
uga kaco degmada Kismaayo oo ahmiyad gaar ah u leh doonyaha
ganacsiga ee jasiiradda Sensibaar ku sii qulqulaya. Waxaa kale
oo qunsulku uu codsaday in dhulka gudaha ah laga siiyo 60 mail oo ku hareeraysan
Kismaayo. Dhulkaasi waxaa kamid ah degmada Goob-wayn ee ku
taal meesha uu webiga Juba biyaha kaga qubo bad-waynta Hindiya.
Suldaankii Sensibaar ayaa la daahay in uu jawaab ka bixiyo codsigii
Talyaaniga. Markii la waydiiyayna wuxuu sheegay in uu jawaab
bixin doonno goortii ay u suurogasho. Vincezo Filonardo
ayaa dabadeed waraaq u diray dowladdiisii uu ugu sheegayo sida
uu suldaanku u dhayalsaday codsigiisii. Waraaqdaas oo qunsulku
uu diray 28/ 5- 1888, wuxuu dowladdiisii kula taliyay in ay
fursadda ka faaŽiidaysato oo suldaanka si rasmi ah loo waydiisto
degmada Kismaayo, si looga saamaxo ihaanada uu gaystay. Inkasta
oo magaalada Kismaayo ay xilligaas daŽdeedu ahayd qarni ku dhowaad,
misana waxay ka hor u marsanayd degmooyin ka daŽwayn ee degaanka
ku yaal. Sababtuna waa xiriika tooska ah oo ay la yeelatay dhaq-dhaqaaqii
ganacsiga.
4/ 6- 1888, wasiirkii dibadda
ee Talyaaniga wuxuu soo saaray bayaan uu ku muujinayo in suldaanka
Sensibaar uu ihaanaystay dowladdii Talyaaniga iyo qunsulkeedii
fadhiyay jasiiradda. Waxaa kale oo bayaankaas uu xusayay in dowladda
Talyaaniga ay si rasmi ah suldaanka uga codsanayso in uu uga kaco
magaalada Kismaayo. Dhacdadan ayay ahayd fursaddii ugu horaysay
ee uu Talyaaniga ku damco in uu gacanta la soo gaaro dhulka ay
Soomaalidu degaan. Bayaankii wasiirka waxaa xigay in Talyaaniga
uu Sensibaar u soo diro markab ciidan oo lagu magacaabo Andreo
Provana. Markabkaas oo
ujeeddadiisu ahayd in la cabsi geliyo suldaanka ayaa ka soo baxay
Itaalya 6/ 7- 1888-kii. (Barkhat. 1972. p. 231).
Ingiriiskii oo horay u guddoonsaday in Talyaaniga
la siiyo degaanka Banaadir, ayaa bishii agosto 1888-kii, wuxuu
Talyaanigii la dhigtay heshiis dhigaya in Talyaaniga lagu wareejiyo
degaan kamid ah bariga Afrika, gaar ahaan dhulkii uu Ingiriisku
qayb ahaan u helay ee u dhexeeyay webiyada Juba iyo Taana. Heshiiskan
dhulka uu khuseeyo waa dhulka ay Soomaalidu degaan oo degmada
Kismaayo ay xudun u tahay. (Somali Nationalism. S. Touval. 1963. p. 42).
Dadka Soomaalida ahi waxay mar-walba
ku baraarug-sanaayeen damaca shisheeyuhu ka lahaa dhulkooda. Dagaaladii
Axmad Guray oo ay Xabashida la galeen, kii Baraawe oo ay
Burtuqiiska ku caabiyeen, kii Xamar oo ay maamulkii qoyskii reer
Mudafar ku bur-buriyeen,
intuba waxay muujinayeen dareenka ay dadku ku baraarug sanaayeen
oo ay ka qabeen xoogagga shisheeyaha ah ee damaca inoogu yimid.
Sanadkii 1895-kii, suldaan u dhashay beesha Gelledi, ayaa sarkaal
Talyaani ah oo degaanka soo booqday wuxuu u sheegay in dadkiisu
ay ka cabsi qabaan dadkan Yurubta ah in ay ka dhaxal-wareejiyaan
dhulka qiimaha leh oo beeraha ku wanaagsan. (Finazzo.
LŽitalia nol Benadir. pp 456 - 460).
Beelihii Soomaaliyeed oo xilligaas
ku dhaqnaa degaanka Juba ayaanan horay wax wayn ugu arag in suldaanka
Sensibaar uu sheegto dul-maaulka degaamadooda. Sababtu waxay ahayd
isaga oo u sheegtay in dhalashadiisu tahay asharaaf oo uu farac
ku leeyahay duriyaddii suubanaha Maxamad ah c.s.w. Waxayse ka
xumaadeen markii uu soo gaaray khabar sheegaya in suldaanku uu
degaankii ku wareejiyay xoogaggii gumaysatada ahaa. Soomaalidii
waxay markiiba bilaabeen in ay wafdi heer duqay ah u diraan Sensibaar
si ay suldaanka u gaarsiiyaan in ay maamulkiisa ka hoos-baxayaan,
aqoonsigana ay kala noqonayaan haddii uu dhulka uga tanaasulo
dadyowga shisheeyaha ah. Waxaa kale oo ay suldaanka u sheegeen
in ay dhisanayaan dowlad madax-bannaan.
Waxaa arintaas xigay kacdoon
ka bilowday degaanka Juba oo ay Soomaalidu kaga gil-gilanayeen
hooshka ku soo food-leh dhulkooda. Arimahaas, muddo ayay hakad
geliyeen mashruucii Talyaaniga uu ka fulin lahaa Juba. Ingiriiska
oo kaga khibrad roonaa degaanka ayaa wasiirkiisii dibadda Sir.
Salsberg wuxuu Talyaanigii
u soo qoray waraaq sir ah, taas oo uu ugu sheegayay in uu ku kaalmayn
doono mashruuca ay ku doonayaan in ay ku hantaan gobolka Juba,
balse uu u kaadiyo muddo saddex sano ah inta xiisaddu qaboobayso
oo kacdoonka dad-wayuhu uu istaagayo. ( Barkhat. 1972. p. 231).
Shirkaddii ahayd Imperial British East Africa Company oo uu asaasay Sir W. Mackinnon
oo ganacsade Scottish (Ingiriis)
ah, ayaa sanad kaddib waxay isu rogtay hayŽad gumaysi. Taasi waxay
ka dambaysay markii ay aqoonsi ka heshay dowladdii Ingiriiska.
Shirkaddu waxay la wareegtay maamulkii degaanka. Ujeeddadu waxay
ahayd in degaanka lagula tartamo Jarmalka iyo Faransiiska.
Markii uu Jarmalkii ka baxay
Wiitu, shirkaddii ayaa suldaankii Sensibaar waxay ka heshay heshiis
ah in ay iyada si toos ah u maamusho dhulka u dhexeeya Taana iyo
Juba. Ingiriiska ayaa mashruuciisa wuxuu ku hoos waday in Talyaaniga
uu si tartiib ah ula wareego gobolka Juba. Arintaasi waxay dib
u soo noolaysay xiisaddii dad-waynaha iyo dareenkii ay ka qabeen
dadka shisheeyaha ah.
Inteeyan shirkaddu caga-dhigan
degmada Kismaayo, dad-waynihii magaalada oo ay hor-kacayaan odeyaashii
degaanka ayaa ku kacay falal gadood ah oo ay kaga hor tegayaan
boobka lala damacsan yahay dhulkooda. Waxyaabaha ay sameeyeen
waxaa kamid ahaa iyaga oo ganacsato Hindi ah ka iibiyay dhul kamid
ah degaanka Kismaayo si ay u muujiyaan in ay iyaga oo keliya yihiin
dadka xaqa u leh dhulkaan. Qoraaladii heshiiskana waxay u gudbiyeen
suldaankii Sensibaar. Waxaase jirtay in xilligan suldaanku uusan
lahayn wax awood ah.
Shirkadda waxaa ka oday ahaa
nin Ingiriis ah oo lagu magacaabo Todd, kaas oo
fadhi ku lahaa Sensibaar. Wuxuu markiiba soo saaray qoraal uu
ku muujinayo in shirkaddu ay leedahay maamulka dhamaan dhulka
Jubaland, marka laga reebo dhulalka Hindida laga iibiyay iyo kuwa
ay dadku leeyihiin. Wuxuu uga dan-lahaa in uu Soomaalida u muujiyo
in ay shirkaddu tahay hayŽad si sharci ah u maamusha degaanka,
taas oo ka sareysa suldaanka. Taasi waxay sii kordhisay caradii
Soomaalidii reer Jubaland ahayd, gaar ahaan kuwii degmada Kismaayo
ku noolaa. Todd, isaga
oo dareensan carada Soomaalida ayuu ninkii shirkadda u fadhiyay
Mombaasa oo laŽoran jiray Pigott ka dalbaday
in uu wada-hadal la yeesho Soomaalida. Todd wuxuu dareensanaa khatarta ay leedahay wada-xaajoodka
Soomaalida lagala yeelanayo ergeynta mashruuca lagu dhaxal-wareejinayo
maamulka dhulkooda. Sidaa darteed ayuu ergeygiisii wuxuu u sheegay
in uu u wehel yeelayo marka uu dhacayo wada-xaajoodka arintan.
Waxaa kale oo Todd uu codsaday in la diyaariyo ciidamo ilaaliya
amaanka madasha uu shirku ka dhacayo.
Wafdi heer sare ah oo ka socday shirkaddii
ayaa waxay soo gaareen magaaladii Kismaayo, bartamihii sanadkii
1895-kii. Waxaa wafdiga weheliyay ganacsade Talyaani ah oo ka
soo raacay Sensibaar. Ninkaas oo la yiraahdo Count Locatelli ayaa ujeeddadiisu ahayd in uu soo booqdo degmadan
oo ah meesha ugu horeysa oo Talyaanigu uu isha ku hayay. Todd oo ahaa
ninka fadhiga dalbaday ayaa wuxuu codsaday in ay Soomaalida ku
wada-hadlaan gole furan public meeting. Fadhigaasi oo ka dhacay meel xeebta u dhow
ayaa wuxuu ku bilowday in hadallo qabow lays dhaafsado. Wanaagii
uu hadalku ku bilowday ma noqon mid raaga. Sababtu waxay ahayd,
markii la guda galay in laga hadlo arrimo xasaasi ah oo la xiriira
dhulka, ayaa Soomaalidii xiisad kiciyeen oo ay bilaabeen in ay
muujiyaan gadood. Buuqii dhexdiisii ayuu Todd ka istaagay kursigii uu ku fadhiyay, isaga
oo doonayay in uu qaboojiyo bulaanka iyo sawaxanka ka yeerayay
dad-waynihii fagaarahaas isugu yimid. Dadkii ayaa wada kacay.
Dabadeed Count
Locatelli oo mooday in
Soomaalidu ay doonayaan in ay wax laayaan ayaa bastoolad uu sitay
inta la soo baxay, rasaas kor u riday. Buuqii iyo caradii ayaa
sii korortay, dabadeed nin Soomaali ah ayaa tooray la baxay oo
qoorta kaga dhaawacay Todd. Dabadeed,
ciidamadii shirkadda oo horay loo diyaariyay ayaa dadweynihii
madaafiic la dhacay. (The Somali Peninsula, Government
of the Somalia 1962. p. 7).
Taariikhdu ma xusin dhaawacii halkaas ay gumaystayaashu
ku gaysteen. Laakiin waxaanan shaki ku jirin in mindida ku dhacday
Todd, ay kamid
ahayd ishaarooyinkii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu ku muujinayeen
in eeyan dhulkooda la doonayn maamul gumaysi. Waxay ahayd bilow
halgan daba-dheeraaday oo naf iyo hanti badan galaaftay, kaas
oo ololinta dabkiisa ay ka qayb qaateen faco badan. Gobollo kala
duwan iyo xilliyo kala duwanna shidmayay.
Markii ay madaafiicdii maquunin
waayeen dad-waynihii gadooday ayaa ciidamo isugu jira Ingiriis,
Hindi, Carab iyo Sawaaxili ay magaaladii ka soo weerareen dhanka
koonfureed. Dagaalkii wuxuu ku faafay tuulooyinkii iyo baadiyihii
gobolka. Inkasta oo kacdoonku uu ahaa mid aanan habaysneen, misana
shirkaddii waa ay ku guul-daraysatay in ay qaboojiso xiisaddii
halkaas ka bilaabatay. Ugu danbayntii maamulkii shirkadda, iyaga
oo ka baqaya in kacdoonkan uu ku faafo degaanka bariga Afrika,
ayaa wuxuu Sensibaar ka codsaday ciidamo xoog leh oo lagu caburiyo
kacdoonka Soomaalida. Ciidamada la soo diray oo ahaa kuwo tayadoodu
sareyso ayaa waxay kamid ahaayeen kuwii boqortooyada ee fadhiyay
Sensibaar. Kuwaas oo lagu magacaabo Haider-Abad
Troops. Ciidamadaasi ayaa
markii ay si arxan-darri ah ula dhaqmeen dadkii degaanka, waxay
ku guulaysteen in ay caburiyaan dhaqdhaqaaqan oo ahaa kii ugu
horeeyay oo ay Soomaalidu ku diidayeen gumaysigan cusub. Halkaas
ayuu dhaqdhaqaaqii ganacsiga ahaa ee shirkaddu, wuxuu markiiba
isu beddelay tallaal cusub oo maamul gumaysi ah.
Shirkaddii waxay markiiba bilawday
in ay isku fidiso dhulka gudaha ah ee gobolka, iyada oo si is-dabajoog
ah u dirsanaysa arahyo. Inkasta oo dadkii degaanka uu si rasmi
ah ugu bilowday xilligii gumaysiga, misana raggii shisheeyaha
ahaa, waxaa mashruucooda caqabad wayn ku noqday dhaqanka isla-waynida
ah oo astaan u ahaa Soomaalidii hore. Dhaqankaasi oo ahaa mid
shakhsiyadda Soomaaliga ah ku tallaalan ayaa wuxuu yahay mid aanan
marna oggolaaneyn in uu qaabilo nolol gumaysi iyo liidasho toona.
Sir Charles
Eliot oo kamid ahaa maamulkii
shirkadda oo arintan wax ka qoray ayaa wuxuu yiri sidatan :
" Soomaalidu ma doonayaan
in ay aqbalaan qorshaha ugu fudud oo lagu joojinayo dagaalka
".
Ninkaasi ayaa wuxuu ku cel-celin
jiray in uu yiraahdo :
" Iyagu (waa Soomaalida) waxay
isu maleynayaan in ay nala-mid yihiin ama ay nagaba sareeyaan
". (The Somali Peninsula, Government
of the Somalia 1962. p.7. Laga xigtay Eliot : C. East Africa Protectorate.
1905. Chap. 7).
Sir Charles Eliot
wuxuu ahaa ninka ka dambeeyay aragti oranaysay in Soomaalida la
niyad jebiyo oo isla-waynidooda la dhaawaco, si ay shirkadda uga
hesho wada-shaqayn daacad ah. Waxaase dhacday in siyaasaddii qallafsanayd
ee uu Charles
Eliot ku taliyay ay ka
socon wayday degaanka, sidaa darteed ayaa qudhiisii uu mar kale
ku taliyay in si qunyar-socod ah loola dhaqmo Soomaalida. Waxaa
tusaale ah, sanadkii 1900, waxaa magaalada Kismaayo lagu dilay
sarkaal Ingiriis ah. Sir
Charles Eliot oo ka fogaanaya
in uu arintan siyaasadeeyo ayaa wuxuu doortay in uu u arko denbi
uu qof sameeyay ee aanan la caam yeelin. Isaga oo jeclaystay in
denbigan uu ku koobo ninkii falka gaystay iyo beesha uu ka dhashay
ayaa wuxuu reebay qoraal uu ku leeyahay :
" Waxaan
caddaynayaa reerka Ogaadeen in dagaal naga dhexeeyo. Dhanka xeebaha,
waxaanu u dirnay sahan. Inkasta oo sahanku uu xoogganaa, misana
wax guul ah kama aanu gaarin. Sababtuna waa iyada oo ciidanka
ay ku adag-tahay in ay helaan xoolo-dhaqato duurka galay oo socodka
u sahlan yahay ". (The Somali Peninsula, Government
of the Somalia 1962. p.8. Laga xigtay : Eliot C. East Africa Protectorate.
1905. Chap. 7).
Talyaaniga, ayaa soo-dhoweyntii
uu Ingiriiska ka helay waxay ku beertay kalsooni wayn ee damac
xambaarsan. Wuxuu bilaabay in uu ka hoos shaqeeyo shirkaddii Ingiriiska.
Taas oo qorshaha ka dambeeyay uu ahaa in si tartiib ah uu kula
wareegayo degaanka Juba. Damaca Talyaanigu uu markaas lahaa maahayn
mid ku eg Juba ee wuxuu higsanayay in uu dhanna isku xiro labada
dekad ee kala ah Kismaayo iyo Casab, dhanka kalena uu hanto xeebta
dheer ee ku eg degmada Raas-Gardafoy.
.Casharadii hore