Shirkii
ka dhacay dalka Baljan Belgium
Conference muddadii u dhaxaysay 1887-kii
iyo 1879-kii ayaa wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen
dowladihii la dagaalamayay iibka addoomada, gaar ahaan
dabaqadihii ahaa ganacsatada,saamileyda shirkadaha,
dhulmareenada, culimada iyo wadaaddada. Dadkaasi ayaa
waxay ahaayeen kuwo isku magacaaba in ay Afrika gaarsiinayaan
ilbaxnimo iyo in ay abuurayaan waddooyinkii qaaradda
loo sii marin lahaa ganacsiga. Waxaa shirkan abaabulay
ururka layiraahdo The
International Association, kaas oo kulminayay
raggii ku howlanaa arahyadii Afrika loo dirayay. Shirka
iyo ururkaba waxaa madax ka ahaa Boqorkii dalka Beljam Leopold II. Ujeeddada shirka ayaa waxay ahayd, dowladaha
Yurub, iyadoo aanan dagaal dhex-marin sidii ay afrika
u wada qabsan lahayd. Waana meeshii ay ka soo askuntay
fikraddii qabysigii Berlin 1884-85. Dadka shirayna
maahayn xubno ka socday dowladaha ee waxay ahaayeen
xubno ka socday dabaqadaha aanu xusnay. (Cumar Cabdi Barre. PhD holder for Somali Pre-Colonial
History).
Waxaa
xusid mudan in boqortooyada Abasiinya ay ahayd maamulka
keliya ee qaaradda Afrikada madow ka jiray ee horay
xiriir ula lahaa dowladaha gumaysiga. Sidaa darteed
ayaa maamulkaasi wuxuu ka nabad-galay in dalkiisa
lagu daro waddamada boobka lagu qaybsanayay ee qaaradda
ku yaal. Waxaa arintan u weheliyay in aanan lagu hadal
celin jirin marka ay fadhiyada ka sheegtaan
dhul ay dadyow kale leeyihiin, intuu doono ha leŽekaadee,
marka laga reebo damaca gaarka ah oo uu Talyaanigu
ka lahaa geeska Afrika. Maamulkii boqortooyada Abasiinya
oo xilligaas aqoonsi ka raadinayay dowladaha Yurub
ayaa wuxuu kamid noqday xubnihii lagu casumay Belgium Conference. Ka qayb-galkaasi
wuxuu ahaa mid aanan rasmi ahayn, balse kuŽeg xushmad
diineed iyo maamuus martiyeed. Teer iyo xilligaas
hore ayaa Xabashidu waxay isha ku hayeen degmada Harar,
oo loo arkayay qalcad hor-taagan in maamulka Abasiiniyiintu
u fido dhanka bari iyo dhulka xeebaha leh ee Soomaaliya.
Xoogaggii gumaysiga ee reer Yurub, qudhoodu kama eeyan
marnayn damaca Harar.
Bishii
may, sanadkii 1885-kii waxaa iridaha loo xiray
maamulkii Masar oo ay Khadawiyiintu ka dhiseen degmada.
Waxaa arintan ka horeeyay in bishii oktoober 1884-kii,
ciidamadii Harar fadhiyay la siiyay mushaharkoodii
oo eeyan shan bilood qaadan. Bishii nofember isla
sanadkaas waxaa bilaabatay daad-gureeyntii ciidamada
iyo qoysaskoodii. Major
Hanter oo ka socday dhanka Ingiriiska iyo
Ridwaan Baasha oo ka socday Masar ayaa waxay
ka masuul ahaayeen daad-guraynta ciidamada. Inteeyan
labadaas masuul soo gaba-gabayn howlahoodaas, waxay
fadhi u qabteen 56 nin oo reer Harar ah, kuwaas oo
isugu jiray duqay iyo culimo-diin. Waxay ka
codsadeen in ay soo xulaan ninkii degmada oday u noqon
lahaa. Fadhigaas oo dhacay 19/ 2- 1885-kii, duqaydii
iyo culimadii waxay amiir u doorteen Cabdullaahi bin Maxamad bin Cali oo ah wiil
uu dhalay amiirkoodii ay Masaaridu dileen. Degmada Harar oo xilligaas daŽdeedu ay ahayd
600 oo sano ayaa markeedii hore waxaa asaasay dadyow
isugu jira Carab iyo Beershiyaan, kuwaas oo qarnigii
13-aad ka soo qaxay dhibaatooyinkii ay maamulladii
Shiicada ahaa ku hayeen dadyowgii Sunniga ahaa.
Gumaystayaashu
waxay ka midaysnaayeen qorshaha fog oo ku salaysan
damaca ay mid waliba u qabtay in ay hanato magaalada
Harar. Waxaase kala duwanaa wadiiqada ay mid waliba
ku gaari lahayd hadafkaas istraateejiga ah. Hoggaamiyayaasha
Xabashida oo ay u muuqatay fursadaha hor-yaal in ay
ka faaŽiideystaan ayaa waxaa u tilmaanaa in hadday
Harar qabsato ay helayso furihii ay ku qabsan lahayd
dhulka ka xiga bariga ee ku eg badaha furan.
Wax ka hor-taagan oo aanan ahayn xoogagga Yurubna
ma eeyan jirin. Talyaaniga ayaa isaguna intuusan la
colloobin Xabashida wuxuu qaatay aragti ah, mar haddii
maamulka Menelik uu Talyaaniga u yahay maxmiyad, in
Harar eeyan meel ka jirin oo uu dusha ka maamulayo
Itoobiya oo Harar wadata. Faransiiska oo doortay in
uu si dadban ku qabsado Harar, ayaa wuxuu qaatay aragti
uu ku dhaxal-wareejiyo dekaddii Seylac oo looga adeegi
jiray Harar, isla markaasna ahayd albaab ay magaaladu
kala xiriirto dunida. Aragtidaas ayay waxay sal u
ahayd in Jabuuti ay noqoto dekadda looga adeego Harar,
sidaasna uu Faransiisku lug joogto ah uu ku yeesho
siyaasadda iyo dhaqaalaha degaanka Harar iyo inta
la caana-maasha. Ingiriisku oo weligiis lagu yiqiin
siyaasad aragti fog ayaa wuxuu qaatay in uu loolanka
ka fogaado, oo maadaama uu fadhiyo waqooyiga Soomaaliya,
uu dhacdooyinka dusha kala socdo inta wax kala miirmayaan.
Sanadkii
1886-kii, arah Talyaani ah oo ka kooban labo nin ayaa
waxay soo gaareen degmada Harar, waxay amiir Cabdullaahi
u sheegeen in ay u wadaan hadiyad qiimo wayn ku fadhida.
Amiirkii oo ka carooday booqashada nimankan ayaa wuxuu
faray in arahda dibadda looga saaro magaalada, dabadeedna
halkaa lagu dilo. Dilkii nimankan ayaa Menelik
wuxuu u arkay fursad qiimo ku fadhida oo uu ku qabsado
magaalada Harar iyo dhulka ku hareeraysan. Taasina
waxay u muuqatay in uu kaalmo kaga heli karo xoogagga
gumaysatada ah. Manelik, isaga oo sheeganaya in uu ka
xumaaday ragga masiixiga ah oo lagu laayay halkaas,
ayuu ciidamo xooggan u diray magaaladii Harar. Ciidamadaas
waxaa hoggaaminayay Ras
Waldo Gabriel oo kamid ahaa saddexda sarkaal
ee ugu waawaynaa saraakiisha ciidamadii Menelik.
Ciidamadaas ayaa soo jabay kaddib markii ay dagaal
la galeen ciidamadii Harar fadhiyay ee uu hoggaaminayay
amiirkii degmada ee cusbaa Amiir Cabdalla. Dabadeed, bilowgii sanadkii
1897-kii, mar labaad ayay ciidamadii Xabashida ku
soo duuleen Harar. Laakiin markan waxaa ciidanka hoggaaminayay
Menelik qudhiisii. Ciidankan oo ka tayo
wanaagsanaa kuwii hore ayaa tiradoodu ay gaaraysay
30.000 oo nin. Dagaalkii labada ciidan dhex
maray ayaa waxaa ku jabay ciidamadii Amiir Cabdalla. Halkaas baa, markii ugu
horaysay taariikhda, ay magaaladii Harar gacanta u
gashay maamulkii Xabashida iyo boqorkoodii ahaa Menelik. Boqorkan ayaa isaga oo dhadhansanaya
aarsiga aanada uu caloosha ku sitay ee awoowayaashiis
laga galay xilligii Axmad
Gurey, wuxuu waraaq u qoray maamulkii
Ingiriiska ee Cadan fadhiyay. Ereyadii uu qoray waxaa
kamid ahaa sidatan :
" Ka : Menelik boqorka
Shawa iyo Gaalla, kooda wanaagsan iyo kooda xun.
Sidee baad tihiin ?
Nicmada Eebe darteed, anigu waan ladnahay.
Amiir Cabdullaahi,
degaankiisa wuxuu ku dhibi jiray dadka Krishtaanka
ah. Isagu waa Gurey kale.
Laakiin, kaalmada Eebe ayaan kula dagaalamay, kuna
burburiyay, dabadeed wuxuu ku baxsaday faras dushiis.
Anigu calankaygii ayaa waxaan suray magaalo-madaxdiisii,
ciidamadaydiina waxay qabsadeen magaaladiisii. Guray
waa uu dhintay, Cabdalla
ayaa maanta wuxuu yahay kii dhaxlay. Dhulkan maahan
dhul muslim, sida qof waliba ogsoon yahay ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia
1962. p. 29).
Menelik, intaas kuma hakan, balse
wuxuu markiiba diray ciidan uu hoggaaminayay sarkaal
ciidamadiisa kamid ahaa oo laŽoran jiray Fitaurari
Manguseh. Ciidamadaas ayaa waxay
soo gaareen bartamaha gobolka Ogaadeenya, iyaga oo
gacanta ku dhigay dhulka ilaha biyaha leh oo ay Soomaalida
xoolo-dhaqatada ahi ka cabaan. Waxay gacanta ku dhigeen
meesha ay isaga soo dhacaan waddooyinka lagu socdaalo
ee ka kala yimaada Harar, Berbera iyo Ogaadeenya.
Qeybo kale oo ciidamadii Menelik
kamid ah waxay u kaceen dhanka koonfureed.
Waxay dhib badan u gaysteen reer miyigii Soomaaliyeed
ee halkaa degganaa. Duullaamada caynkan ah, ciidamadii
Menelik waxaa ay wadeen illaa iyo sanadkii 1901-dii,
markaa oo uu hakiyay dhaqdhaqaaqii ka bilowday Soomaaliya
ee la magac baxay Daraawiish.
Menelik oo aanan muddadaas
marna hakad gelin duulamadii uu ku damcayay fidinta
maamulkiisa ayaa muddo todoba sano dhexdeed ah (890-1897),
wuxuu Soomaalida ka dhacay xoolo lagu qiyaasay 100.000
oo loŽah, 200.000 oo geel ah iyo 600.000 oo isugu
jira ari iyo ido. Ciidamada gaystay dhacakan waxaa
oday u ahaa nin la yiraahdo Ras Makonnen oo Menelik ay ilma adeer ahaayeen, kaas
oo noqday guddoomiyaha degmada Harar, kaddib markii
uu Menelik qabsaday degaanka. Ninkani wuxuu
aabe u ahaa boqorka ay Soomaalidu sida wanaagsan isu
barteen ee la yiraahdo Haile
Selaesse. Boqorkan oo ku dhashay magaalada
Harar ayaa wuxuu astaan u noqday dhaxal-wareegii ku
yimid dhulkii ay Xabashidu ka boobeen Soomaalida.
Sheekooyin ku saabsan dhibaatooyinka ay ciidamada Xabashida
geysteen sanooyinkaas hore ayaa sanadkii 1981-kii
waxaa laga wariyay odeyaal Soomaaliyeed oo ay kamid
ahaayeen Maxamad Xaaji Xuseen
(Sheeko-xariir), kaas
oo xilligaas ay daŽdiisu aheyd 75 jir iyo Shiikh
Caaqil Cabdullaahi Jaamac oo isna 65 jir ahaa.
Labada odeyba waxay ku dhasheen degaanka Ogaadeenya.
Sheeko-xariir wuxuu ahaa odey reer Dhagax-buur
ah, wuxuu sheegay in uu aabihiis ka maqlay in tirada
xoolaha uu Ras Makonnen
ka dhacay Soomaalida ay intaa ka badnayd.
Ciidamadii Xabashida waxaa dhibaato ka qabsatay sidii ay yeeli
lahaayeen geelii badnaa oo ay Soomaalida ka dhaceen.
Xabashidu, hilibka geela macunaan caanahiisana macabaan.
Waxaa intaa u weheliya iyaga oo aanan aqoon u lahayn
sida loo dhaqdo geela. Xoolihii kale (LoŽdii, arigii
iyo idihii) waxna waa ay cuneen waxna degaankoodii
bey u safarsadeen. Geelii waxay ku soo celiyeen Soomaalidii
isaga oo iib ah, wixii ay Soomaalidu iibsan waayeena
waxay siiyeen Oromadii la socotay oo ciidamada u ahaa.
Aqoonyahannada
u kuur-gala taariikhdan, waxay tilmaamaan abaaro xoog
leh ee sanadahaas ka dhacay dalka Itoobiya,
taas oo kamid ahayd sababta uu Menelik u soo aaday dhulka Soomaalida.
Waxaa wehekiyay Menelik
oo xilligaas urursaday tiro badan oo ciidamo ah, kuwaas
oo uu awoodi waayay in uu raashin u helo. Markaas
buu wuxuu amar ku bixiyay in ciidamadu ay u bililiqo
u doontaan qbaaŽilka Soomaaliyeed ee deggan xuduudda
koonfur-bari. Xabashidu, xilligaas waxay lahaayeen
awood ciidan oo ay wax ku gumaadaan, taas oo xoolo-dhaqatadii
Soomaaliyeed eeyan u babac dhigi-kareynin. Soomaalida
ayaa waxay ahaayeen beelo kala fadhiya oo aanan wax
maslaxad ah oo ka dhexeysay eeyan jirin, sida maantaba
ka muuqata. Sidaa daraadeed baa waxaa xabashida u
fududayd in ay awood ku muquuniso qoys walba oo kamid
ahaa reer guuraagii Soomaaliyeed. Ninka la yiraahdo
Margery Perham oo arintan ka waramaya
ayaa wuxuu qoray sidan :
"
Sababta uu Menelik u furtay dhulka koonfureed waxay
tahay isaga oo u baahnaa in uu helo dhul cusub oo
uu dejiyo ciidamadiisa, kuwaas oo ay ku badnaayeen
ragga baahan, kuwaa oo culeys xoog leh ku hayay beeraha
gobolka Shawa. Xilligaas oo kuŽaaddan sanadihii 1890-aadkii
Menelik xoolo badan buu wuxuu ka dhacay
dadyoowgii Gaallada ahaa iyo kuwo Soomaali
ah
. Qaabka dadkaas loola dhaqmay ayaa wuxuu ahaa
in ciidamadu ay boobaan wax-kasta oo ay awoodeen si
ay saad taakuleeeya u helaan ". (The government of Ethiopia. Margery Perham. 1969.
P. 161).
Waxaa
kale oo isaguna abaarahan wax ka sheegay ninka la
yiraahdo Richard Pankhurst oo aqoontiisu tahay
Itoobiya-barad. Ninkaasi ayaa buugiisa Tha great Ethiopian famine of 1888-1892,
wuxuu ku sheegay in abaaraha Itoobiya helay sanadahaasi
ay sabab u ahaayeen in uu Menelik ku fekero in uu ciidamo u diro
degaanka ay ku noolyihiin Soomaalida xool-dhaqatada
ah.
Inkasta
oo dhibaatada ciidamadii Xabashidu ay gaysteen uu
taabtay dhamaan beelihii Soomaaliyeed ee ku noolaa
degaamada uu soo gaaray, misana waxaa jiray in ay
u kala baaxad wayneed. Beelaha ugu dhibaato badnaa
oo guryahood uu ku baŽay waxay ahaayeen beelaha saddexda
ah ee degaan ahaan u xigay dhankii ay ciidamada ka
imanayeen. Beelahaasi waa Geri, Bartire, Ciise iyo
Gadubiirse. Beesha Ciise waxaa dhibkan u weheliyay
degaankoodii oo saddex ciidamood oo shisheeye ah ay
ku habsadeen. Faransiiskii wuxuu degay dhulka ku jeeda
Jabuuti. Ingiriiska oo maxmiyad ka dhigtey waqooyiga
Soomaaliya, ayaa isna qayb ka degay dhulkii Ciisaha.
Xabashidiina qayb ayay ka degtay. Xilligaas degaanka
beesha Ciise waxaa xudun u ahayd meel la yiraahdo
Biya-qaboobe. Sarkaalka la yiraahdo Cap.
Swayne oo
ahaa nin sahan badan ku maray waqooyiga iyo galbeedka
Soomaaliya, ayaa sanadkii 1897-kii wuxuu la socday
oo la-taliye u ahaa ergay ay dowladda Ingiriisku u
soo dirsatay in uu Menelik kala soo xaajoodo wadahadallo
ku saabsan aayaha dhulka Soomaaliyeed ee maxmiyadda
Ingiriiska ah. Ergeygaasi oo laŽoran jiray Ronell
Rodd ayaa Biya-qaboobe wuxuu ku tilmaamay dhul
aanan wax qiima ah lahayn. (Rodd
R. Social and Deplomatic Memoris. 1923. P. 182).
Dhibaatooyinkii ay ciidamada Xabashidu u geysteen xoolo-dhaqatadii
Soomaaliyeed, waxaa laga garan-karaa waraaq dacwo
ah oo ay duqaydii beesha Ciise u qoreen Capt.
Swayne, taas oo ay kaga cabanayeen falalka
ciidamada Xabashida ay kula dhaqmayeen beelaha Soomaaliyeed.
Qoraalkii duqaydaas Soomaaliyeed ayaa wuxuu u qornaa
sidatan :
" Waxaanu kaa codsaneynaa inaad inaga dhiciso Itoobiyaankan
inagu soo xad-gudbaya. Waxay doonayaan in ay nagula
dhaqmaan sidii ay ula dhaqmeen beesha Geri, in ay
dhacaan xoolahayaga, in ay dilaan dadkayaga iyo in
ay gubaan guryahayaga. Waxay doonayaan in ay degaan
dhulkayaga innaguna ay dibadda inoo saaraan, taasina
mid aanu yeeleyno maahan" . (Somali
Penessula. Ministry of Information. 1963. p. 37).
Gacan-galkii
Harar dabadeed, Xabashidu marna ma eeyan deyn in ay
ku soo sikadaan dhulka Soomaalidu degaan. Hantida
ay magaalada ka heleen ka sokow, Xabashidu waxay gacanta
ku dhigeen albaab ay ka soo galaan degaamadii
beelaha Soomaaliyeed. Dabadeed Menilik wuxuu xoogga saaray in uu
helo dhul bad leh oo uu dunida kala xiriiro, halka
ay uga dhowdahayna waa isaga oo aada xeebaha waqooyi.
Laakiin arrintaas waxaa u diiday gumeystayaashii Yurub
oo iyaga qudhooda xiisaynayay dhulkaas, si ay saldhigyo
uga sameystaan. Menelik markii uu arkay in degaamada
xeebta ku wajahan lagu heysto, xooggiisii wuxuu isugu
geeyey in uu qabsado dhulka howdka ah ee Ogaadeenya.
Markaas bey bilowdeen duulimaadyadii ciidamadii
Menelik ay
ku boobeen dhulkaas. Dadka Soomaalida ahi, kama eeyan
helin difaac dhanka xoogaggii gumaysiga ahaa. Hub
ay wax isaga celiyaanna lama siin. Sarkaal Ingiriis
ah oo la yiraahdo Captain Pearce ayaa wuxuu reebay raad timaan ka bixinaya
dulmigii halkaas yiil :
"
Dadku (Soomaalidu) waxay ku urursanaayeen ceelasha
iyo dhulka biyaha leh. Xoolaha badan oo ay kamid yihiin
geela, loŽda iyo ariga
.. waa in muddo kaddib la
waraabiyaa. Markii ceelasha la keeno, ciidamada Xabashida
ayaa waxay ka qaadi jireen cashuur. Waxaa kale oo
ay ku khasbi jireen shaqooyin kala duwan. Sababtuna
waxay ahayd in ay xoolahoodu si joogto ah uga cabbaan
ceelashii ay iyagu lahaayeen. Haddaba muxuu sameyn
karayaa geesi Soomaali ah laakiinse aanan wax hub
ah heysan ?
... Xabashida, ayaa heysashadooda ceelashan
eeyan ka duwaneyn, nin Fiiji ah oo ka yimid jasiiradda
Islaand oo gacanta ku dhigay shaqaalaha biyaha ee
degmada London ". (F.B.Rambles in Lion -Land, 1898. p.26).
Eebe naxariistiisii haka waraabiyo Xaaji
Aadan Axmad (Af-qallooc).
Isaga oo tilmaan gaaban ka bixinaya dhagarta taariikhiga
ah oo boqortooyadii Xabashida ay kula kaceen dadyowga
la deriska ah ayuu wuxuu yiri :
Sodcaalka uu Jermaaniya ku tegey saaxirkii
Menelik
Afriiqiya
sidii loo dhacaad sabab
ahaydeene
Madow oo dhan waxaad siisateen sooryo
maalin ehe
Sirtaa naga gasheen baa ka daran sun
iyo waabaayo
Sina uma qaddarin midabka iyo soohdintiyo
jaarka.
Casharadii
hore