Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

 Casharkii XXIX-aad

Shirkii ka dhacay dalka Baljan Belgium Conference muddadii u dhaxaysay  1887-kii iyo 1879-kii ayaa wuxuu ahaa mid ay ka dambeeyeen dowladihii la dagaalamayay iibka addoomada, gaar ahaan dabaqadihii ahaa ganacsatada,saamileyda shirkadaha, dhulmareenada, culimada iyo wadaaddada. Dadkaasi ayaa waxay ahaayeen kuwo isku magacaaba in ay Afrika gaarsiinayaan ilbaxnimo iyo in ay abuurayaan waddooyinkii qaaradda loo sii marin lahaa ganacsiga. Waxaa shirkan abaabulay ururka layiraahdo The International Association, kaas oo kulminayay raggii ku howlanaa arahyadii Afrika loo dirayay. Shirka iyo ururkaba waxaa madax ka ahaa Boqorkii dalka Beljam Leopold II. Ujeeddada shirka ayaa waxay ahayd, dowladaha Yurub, iyadoo aanan dagaal dhex-marin sidii ay afrika u wada qabsan lahayd. Waana meeshii ay ka soo askuntay fikraddii qabysigii Berlin 1884-85. Dadka shirayna maahayn xubno ka socday dowladaha ee waxay ahaayeen xubno ka socday dabaqadaha aanu xusnay. (Cumar Cabdi Barre. PhD holder for Somali Pre-Colonial History).

Waxaa xusid mudan in boqortooyada Abasiinya ay ahayd maamulka keliya ee qaaradda Afrikada madow ka jiray ee horay xiriir ula lahaa dowladaha gumaysiga. Sidaa darteed ayaa maamulkaasi wuxuu ka nabad-galay in dalkiisa lagu daro waddamada boobka lagu qaybsanayay ee qaaradda ku yaal. Waxaa arintan u weheliyay in aanan lagu hadal celin jirin marka ay fadhiyada ka  sheegtaan dhul ay dadyow kale leeyihiin, intuu doono ha leŽekaadee, marka laga reebo damaca gaarka ah oo uu Talyaanigu ka lahaa geeska Afrika. Maamulkii boqortooyada Abasiinya oo xilligaas aqoonsi ka raadinayay dowladaha Yurub ayaa wuxuu kamid noqday xubnihii lagu casumay Belgium Conference. Ka qayb-galkaasi wuxuu ahaa mid aanan rasmi ahayn, balse kuŽeg xushmad diineed iyo  maamuus martiyeed. Teer iyo xilligaas hore ayaa Xabashidu waxay isha ku hayeen degmada Harar, oo loo arkayay qalcad hor-taagan in maamulka Abasiiniyiintu u fido dhanka bari iyo dhulka xeebaha leh ee Soomaaliya. Xoogaggii gumaysiga ee reer Yurub, qudhoodu kama eeyan marnayn damaca Harar. 

Bishii may, sanadkii  1885-kii waxaa iridaha loo xiray maamulkii Masar oo ay Khadawiyiintu ka dhiseen degmada. Waxaa arintan ka horeeyay in bishii oktoober 1884-kii, ciidamadii Harar fadhiyay la siiyay mushaharkoodii oo eeyan shan bilood qaadan. Bishii nofember isla sanadkaas waxaa bilaabatay daad-gureeyntii ciidamada iyo qoysaskoodii. Major Hanter oo ka socday dhanka Ingiriiska iyo Ridwaan Baasha oo ka socday Masar ayaa waxay ka masuul ahaayeen daad-guraynta ciidamada. Inteeyan labadaas masuul soo gaba-gabayn howlahoodaas, waxay fadhi u qabteen 56 nin oo reer Harar ah, kuwaas oo isugu jiray duqay iyo culimo-diin.  Waxay ka codsadeen in ay soo xulaan ninkii degmada oday u noqon lahaa. Fadhigaas oo dhacay 19/ 2- 1885-kii, duqaydii iyo culimadii waxay amiir u doorteen Cabdullaahi bin Maxamad bin Cali oo ah wiil uu dhalay amiirkoodii ay Masaaridu dileen. Degmada Harar oo xilligaas daŽdeedu ay ahayd 600 oo sano ayaa markeedii hore waxaa asaasay dadyow isugu jira Carab iyo Beershiyaan, kuwaas oo qarnigii 13-aad ka soo qaxay dhibaatooyinkii ay maamulladii Shiicada ahaa ku hayeen dadyowgii Sunniga ahaa.

Gumaystayaashu waxay ka midaysnaayeen qorshaha fog oo ku salaysan damaca ay mid waliba u qabtay in ay hanato magaalada Harar. Waxaase kala duwanaa wadiiqada ay mid waliba ku gaari lahayd hadafkaas istraateejiga ah. Hoggaamiyayaasha Xabashida oo ay u muuqatay fursadaha hor-yaal in ay ka faaŽiideystaan ayaa waxaa u tilmaanaa in hadday Harar qabsato ay helayso furihii ay ku qabsan lahayd dhulka ka xiga bariga ee ku eg badaha furan.  Wax ka hor-taagan oo aanan ahayn xoogagga Yurubna ma eeyan jirin. Talyaaniga ayaa isaguna intuusan la colloobin Xabashida wuxuu qaatay aragti ah, mar haddii maamulka Menelik uu Talyaaniga u yahay maxmiyad, in Harar eeyan meel ka jirin oo uu dusha ka maamulayo Itoobiya oo Harar wadata. Faransiiska oo doortay in uu si dadban ku qabsado Harar, ayaa wuxuu qaatay aragti uu ku dhaxal-wareejiyo dekaddii Seylac oo looga adeegi jiray Harar, isla markaasna ahayd albaab ay magaaladu kala xiriirto dunida. Aragtidaas ayay waxay sal u ahayd in Jabuuti ay noqoto dekadda looga adeego Harar, sidaasna uu Faransiisku lug joogto ah uu ku yeesho siyaasadda iyo dhaqaalaha degaanka Harar iyo inta la caana-maasha. Ingiriisku oo weligiis lagu yiqiin siyaasad aragti fog ayaa wuxuu qaatay in uu loolanka ka fogaado, oo maadaama uu fadhiyo waqooyiga Soomaaliya, uu dhacdooyinka dusha kala socdo inta wax kala miirmayaan.

Sanadkii 1886-kii, arah Talyaani ah oo ka kooban labo nin ayaa waxay soo gaareen degmada Harar, waxay amiir Cabdullaahi u sheegeen in ay u wadaan hadiyad qiimo wayn ku fadhida. Amiirkii oo ka carooday booqashada nimankan ayaa wuxuu faray in arahda dibadda looga saaro magaalada, dabadeedna halkaa lagu dilo. Dilkii nimankan ayaa Menelik wuxuu u arkay fursad qiimo ku fadhida oo uu ku qabsado magaalada Harar iyo dhulka ku hareeraysan. Taasina waxay u muuqatay in uu kaalmo kaga heli karo xoogagga gumaysatada ah. Manelik, isaga oo sheeganaya in uu ka xumaaday ragga masiixiga ah oo lagu laayay halkaas, ayuu ciidamo xooggan u diray magaaladii Harar. Ciidamadaas waxaa hoggaaminayay Ras Waldo Gabriel oo kamid ahaa saddexda sarkaal ee ugu waawaynaa saraakiisha ciidamadii Menelik. Ciidamadaas ayaa soo jabay kaddib markii ay dagaal la galeen ciidamadii Harar fadhiyay ee uu hoggaaminayay amiirkii degmada ee cusbaa Amiir Cabdalla. Dabadeed, bilowgii sanadkii 1897-kii, mar labaad ayay ciidamadii Xabashida ku soo duuleen Harar. Laakiin markan waxaa ciidanka hoggaaminayay Menelik qudhiisii. Ciidankan oo ka tayo wanaagsanaa kuwii hore ayaa tiradoodu ay gaaraysay 30.000 oo nin. Dagaalkii labada ciidan  dhex maray ayaa waxaa ku jabay ciidamadii Amiir Cabdalla. Halkaas baa, markii ugu horaysay taariikhda, ay magaaladii Harar gacanta u gashay maamulkii Xabashida iyo boqorkoodii ahaa Menelik. Boqorkan ayaa isaga oo dhadhansanaya aarsiga aanada uu caloosha ku sitay ee awoowayaashiis laga galay xilligii Axmad Gurey, wuxuu waraaq u qoray  maamulkii Ingiriiska ee Cadan fadhiyay. Ereyadii uu qoray waxaa kamid ahaa sidatan :

" Ka : Menelik boqorka Shawa iyo Gaalla, kooda wanaagsan iyo kooda xun.

Sidee baad tihiin ?

Nicmada Eebe darteed, anigu waan ladnahay.

Amiir Cabdullaahi, degaankiisa wuxuu ku dhibi jiray dadka Krishtaanka ah. Isagu waa Gurey kale. Laakiin, kaalmada Eebe ayaan kula dagaalamay, kuna burburiyay, dabadeed wuxuu ku baxsaday faras dushiis. Anigu calankaygii ayaa waxaan suray magaalo-madaxdiisii, ciidamadaydiina waxay qabsadeen magaaladiisii. Guray waa uu dhintay, Cabdalla ayaa maanta wuxuu yahay kii dhaxlay. Dhulkan maahan dhul muslim, sida qof waliba ogsoon yahay ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962. p. 29).

Menelik, intaas kuma hakan, balse wuxuu markiiba diray ciidan uu hoggaaminayay sarkaal ciidamadiisa kamid ahaa oo laŽoran jiray Fitaurari Manguseh.  Ciidamadaas ayaa waxay soo gaareen bartamaha gobolka Ogaadeenya, iyaga oo gacanta ku dhigay dhulka ilaha biyaha leh oo ay Soomaalida xoolo-dhaqatada ahi ka cabaan. Waxay gacanta ku dhigeen meesha ay isaga soo dhacaan waddooyinka lagu socdaalo ee ka kala yimaada Harar, Berbera iyo Ogaadeenya. Qeybo kale oo ciidamadii Menelik kamid ah waxay u kaceen dhanka koonfureed. Waxay dhib badan u gaysteen reer miyigii Soomaaliyeed ee halkaa degganaa. Duullaamada caynkan ah, ciidamadii Menelik waxaa ay wadeen illaa iyo sanadkii 1901-dii, markaa oo uu hakiyay dhaqdhaqaaqii ka bilowday Soomaaliya ee la magac baxay Daraawiish.

Menelik oo aanan muddadaas marna hakad gelin duulamadii uu ku damcayay fidinta maamulkiisa ayaa muddo todoba sano dhexdeed ah (890-1897), wuxuu Soomaalida ka dhacay xoolo lagu qiyaasay 100.000 oo loŽah, 200.000 oo geel ah iyo 600.000 oo isugu jira ari iyo ido. Ciidamada gaystay dhacakan waxaa oday u ahaa nin la yiraahdo Ras Makonnen oo Menelik ay ilma adeer ahaayeen, kaas oo noqday guddoomiyaha degmada Harar, kaddib markii uu Menelik qabsaday degaanka. Ninkani wuxuu aabe u ahaa boqorka ay Soomaalidu sida wanaagsan isu barteen ee la yiraahdo Haile Selaesse. Boqorkan oo ku dhashay magaalada Harar ayaa wuxuu astaan u noqday dhaxal-wareegii ku yimid dhulkii ay Xabashidu ka boobeen Soomaalida.

Sheekooyin ku saabsan dhibaatooyinka ay ciidamada Xabashida geysteen sanooyinkaas hore ayaa sanadkii 1981-kii waxaa laga wariyay odeyaal Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Maxamad Xaaji Xuseen (Sheeko-xariir), kaas oo xilligaas ay daŽdiisu aheyd 75 jir iyo Shiikh Caaqil Cabdullaahi Jaamac oo isna 65 jir ahaa. Labada odeyba waxay ku dhasheen degaanka Ogaadeenya. Sheeko-xariir wuxuu ahaa odey reer Dhagax-buur ah, wuxuu sheegay in uu aabihiis ka maqlay in tirada xoolaha uu Ras Makonnen ka dhacay Soomaalida ay intaa ka badnayd.

Ciidamadii Xabashida waxaa dhibaato ka qabsatay sidii ay yeeli lahaayeen geelii badnaa oo ay Soomaalida ka dhaceen. Xabashidu, hilibka geela macunaan caanahiisana macabaan. Waxaa intaa u weheliya iyaga oo aanan aqoon u lahayn sida loo dhaqdo geela. Xoolihii kale (LoŽdii, arigii iyo idihii) waxna waa ay cuneen waxna degaankoodii bey u safarsadeen. Geelii waxay ku soo celiyeen Soomaalidii isaga oo iib ah, wixii ay Soomaalidu iibsan waayeena waxay siiyeen Oromadii la socotay oo ciidamada u ahaa.

Aqoonyahannada u kuur-gala taariikhdan, waxay tilmaamaan abaaro xoog leh ee sanadahaas ka dhacay dalka  Itoobiya, taas oo kamid ahayd sababta uu Menelik u soo aaday dhulka Soomaalida. Waxaa wehekiyay Menelik oo xilligaas urursaday tiro badan oo ciidamo ah, kuwaas oo uu awoodi waayay in uu raashin u helo. Markaas buu wuxuu amar ku bixiyay in ciidamadu ay u bililiqo u doontaan qbaaŽilka Soomaaliyeed ee deggan xuduudda koonfur-bari. Xabashidu, xilligaas waxay lahaayeen awood ciidan oo ay wax ku gumaadaan, taas oo xoolo-dhaqatadii Soomaaliyeed eeyan u babac dhigi-kareynin. Soomaalida ayaa waxay ahaayeen beelo kala fadhiya oo aanan wax maslaxad ah oo ka dhexeysay eeyan jirin, sida maantaba ka muuqata. Sidaa daraadeed baa waxaa xabashida u fududayd in ay awood ku muquuniso qoys walba oo kamid ahaa reer guuraagii Soomaaliyeed. Ninka la yiraahdo Margery Perham oo arintan ka waramaya ayaa wuxuu qoray sidan :

" Sababta uu Menelik u furtay dhulka koonfureed waxay tahay isaga oo u baahnaa in uu helo dhul cusub oo uu dejiyo ciidamadiisa, kuwaas oo ay ku badnaayeen ragga baahan, kuwaa oo culeys xoog leh ku hayay beeraha gobolka Shawa. Xilligaas oo kuŽaaddan sanadihii 1890-aadkii Menelik xoolo badan buu wuxuu ka dhacay dadyoowgii Gaallada ahaa iyo kuwo  Soomaali  ah ………. Qaabka dadkaas loola dhaqmay ayaa wuxuu ahaa in ciidamadu ay boobaan wax-kasta oo ay awoodeen si ay saad taakuleeeya u helaan ". (The government of Ethiopia. Margery Perham. 1969. P. 161).

Waxaa kale oo isaguna abaarahan wax ka sheegay ninka la yiraahdo Richard Pankhurst oo aqoontiisu tahay Itoobiya-barad. Ninkaasi ayaa buugiisa Tha great Ethiopian famine of 1888-1892, wuxuu ku sheegay in abaaraha Itoobiya helay sanadahaasi ay sabab u ahaayeen in uu Menelik ku fekero in uu ciidamo u diro degaanka ay ku noolyihiin Soomaalida xool-dhaqatada ah.  

Inkasta oo dhibaatada ciidamadii Xabashidu ay gaysteen uu taabtay dhamaan beelihii Soomaaliyeed ee ku noolaa degaamada uu soo gaaray, misana waxaa jiray in ay u kala baaxad wayneed. Beelaha ugu dhibaato badnaa oo guryahood uu ku baŽay waxay ahaayeen beelaha saddexda ah ee degaan ahaan u xigay dhankii ay ciidamada ka imanayeen. Beelahaasi waa Geri, Bartire, Ciise iyo Gadubiirse. Beesha Ciise waxaa dhibkan u weheliyay degaankoodii oo saddex ciidamood oo shisheeye ah ay ku habsadeen. Faransiiskii wuxuu degay dhulka ku jeeda Jabuuti. Ingiriiska oo maxmiyad ka dhigtey waqooyiga Soomaaliya, ayaa isna qayb ka degay dhulkii Ciisaha. Xabashidiina qayb ayay ka degtay. Xilligaas degaanka beesha Ciise waxaa xudun u ahayd meel la yiraahdo Biya-qaboobe. Sarkaalka la yiraahdo Cap. Swayne oo ahaa nin sahan badan ku maray waqooyiga iyo galbeedka Soomaaliya, ayaa sanadkii 1897-kii wuxuu la socday oo la-taliye u ahaa ergay ay dowladda Ingiriisku u soo dirsatay in uu Menelik kala soo xaajoodo wadahadallo ku saabsan aayaha dhulka Soomaaliyeed ee maxmiyadda Ingiriiska ah. Ergeygaasi oo laŽoran jiray Ronell  Rodd ayaa Biya-qaboobe wuxuu ku tilmaamay dhul aanan wax qiima ah lahayn.  (Rodd R. Social and Deplomatic Memoris. 1923. P. 182).         

Dhibaatooyinkii ay ciidamada Xabashidu u geysteen xoolo-dhaqatadii Soomaaliyeed, waxaa laga garan-karaa waraaq dacwo ah oo ay duqaydii beesha Ciise u qoreen Capt. Swayne, taas oo ay kaga cabanayeen falalka ciidamada Xabashida ay kula dhaqmayeen beelaha Soomaaliyeed. Qoraalkii duqaydaas Soomaaliyeed ayaa wuxuu u qornaa sidatan :

" Waxaanu kaa codsaneynaa inaad inaga dhiciso Itoobiyaankan inagu soo xad-gudbaya. Waxay doonayaan in ay nagula dhaqmaan sidii ay ula dhaqmeen beesha Geri, in ay dhacaan xoolahayaga, in ay dilaan dadkayaga iyo in ay gubaan guryahayaga. Waxay doonayaan in ay degaan dhulkayaga innaguna ay dibadda inoo saaraan, taasina mid aanu yeeleyno maahan" . (Somali Penessula. Ministry of Information. 1963. p. 37).

Gacan-galkii Harar dabadeed, Xabashidu marna ma eeyan deyn in ay ku soo sikadaan dhulka Soomaalidu degaan. Hantida ay magaalada ka heleen ka sokow, Xabashidu waxay gacanta ku dhigeen albaab ay ka soo galaan  degaamadii beelaha Soomaaliyeed. Dabadeed  Menilik wuxuu xoogga saaray in uu helo dhul bad leh oo uu dunida kala xiriiro, halka ay uga dhowdahayna waa isaga oo aada xeebaha waqooyi. Laakiin arrintaas waxaa u diiday gumeystayaashii Yurub oo iyaga qudhooda xiisaynayay dhulkaas, si ay saldhigyo uga sameystaan. Menelik markii uu arkay in degaamada xeebta ku wajahan lagu heysto, xooggiisii wuxuu isugu geeyey in uu qabsado dhulka howdka ah ee Ogaadeenya. Markaas bey  bilowdeen duulimaadyadii ciidamadii Menelik ay ku boobeen dhulkaas. Dadka Soomaalida ahi, kama eeyan helin difaac dhanka xoogaggii gumaysiga ahaa. Hub ay wax isaga celiyaanna lama siin. Sarkaal Ingiriis ah oo la  yiraahdo  Captain Pearce ayaa wuxuu reebay raad timaan ka bixinaya dulmigii halkaas yiil :

" Dadku (Soomaalidu) waxay ku urursanaayeen ceelasha iyo dhulka biyaha leh. Xoolaha badan oo ay kamid yihiin geela, loŽda iyo ariga ….. waa in muddo kaddib la waraabiyaa. Markii ceelasha la keeno, ciidamada Xabashida ayaa waxay ka qaadi jireen cashuur. Waxaa kale oo ay ku khasbi jireen shaqooyin kala duwan. Sababtuna  waxay ahayd in ay xoolahoodu si joogto ah uga cabbaan ceelashii ay iyagu lahaayeen. Haddaba muxuu sameyn karayaa geesi Soomaali ah laakiinse aanan wax hub ah heysan ? ……... Xabashida, ayaa heysashadooda ceelashan eeyan ka duwaneyn, nin Fiiji ah oo ka yimid jasiiradda Islaand oo gacanta ku dhigay shaqaalaha biyaha ee degmada London ". (F.B.Rambles in Lion -Land, 1898. p.26).

Eebe naxariistiisii haka waraabiyo Xaaji Aadan Axmad (Af-qallooc). Isaga oo tilmaan gaaban ka bixinaya dhagarta taariikhiga ah oo boqortooyadii Xabashida ay kula kaceen dadyowga la deriska ah ayuu wuxuu yiri :

Sodcaalka uu Jermaaniya ku tegey saaxirkii Menelik

Afriiqiya  sidii  loo  dhacaad    sabab  ahaydeene

Madow oo dhan waxaad siisateen sooryo maalin ehe

Sirtaa naga gasheen baa ka daran sun iyo waabaayo

Sina uma qaddarin midabka iyo soohdintiyo jaarka.

 

Casharadii hore

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)

 


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.