Adeer
! Inkasta oo ciidamadii Burtuqiisku ay ku hungoobeen in ay
caga-dhigtaan inbadan oo kamid ah degaamadii ay soo weerareen,
misana waxaa jiray meelo kamid ah qaaradda Aasiya oo ay ku
guulaysteen in ay ku yeeshaan degaamo. Waxaa kamid ahayd koonfurta
Hindiya oo bartamihii qarnigii 16-aad ay ka samaysteen saldhigyo
ciidameed. 100 sano dabadeed waxaa degaankii soo gaaray ganacsato
kale oo reer Yurub ah, kuwaas oo Burtuqiiska kula loolantamayay
degaanka. Waxaa kamid ahaa Ingiriiska iyo Beljemka. Faransiiska
ayaa iyaguna goor dambe ku soo biiray loolankii.
Adeer
! waxaa kale oo qarniyadaas hanaqaad noqoday maamulkii boqortooyadii
Cismaaniyadda ee la aasaasay sanadkii 1259-kii saldhiggeeduna
ahaa Turkiya. Muddadii u dhaxaysay sanadihii 1429 - 1481,
boqortooyadu waxay noqotay maamulkii dunida ugu dhul ballaarnaa.
Taasina waxay ka dambaysay markii uu hoggaamiyihii la oran
jiray Maxamadkii II-aad ee ku magac dheeraa Maxamad
Al-Faatix uu ku guulaysatay in uu qabsado magaalo-madaxdii
boqortooyadii Biisandiga ee magaceedu ahaa Constantinople,
halkaas oo goor dambe noqotay magaalo-madaxdii boqortooyadii
Cismaaniyadda. Magaciina waa laga beddelay oo waxay noqotay
Istanbuul. Adeerow ogow oo in Saylac iyo Berbera ay kamid
ahaayeen degmooyinka ku yiil badda Cas ee uu goor hore ku
baahay maamulkii saldanadaasi.
Haddaanu
milicsano xilligaas xaaladda uu ku sugnaa degaanka ay ku dhaqnaayeen
soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd, waxaanu helaynaa in uu
jiray kacdoonkii waynaa ee diiniga ahaa ee uu hoggaaminayay
Axmad Ibraahim Al-qasaali (Axmad Guray). Dhab ahaantii adeerow
kacdoonkaasi oo bilowday sanadkii 1520-kii waxaa sababay gardarrooyin
ka imanayay dhanka boqortooyadii Abasiiniya ee fadhigeedu
ahaa degmada Aksum, taas oo manhajkeeda siyaasadeed ay ku
xusan tahay in ay kordhiyaan aabiga iyo faduusha dadyowga
la deriska ah goor kasta oo ay arkaan in uu degaanku ku soo
kordhay dhaqdhaqaaqa sahamada ganacsi iyo kuwa ciidameed ee
ka imanaya dowladaha reer Yurub. Taasina waxay uga gollahaayeen,
sida aanu ku arki doono qaybaha dambe ee casharradan iyo sida
maanta muuqataba, in ay ballaariyaan baaxadda degaanka maamulkooda.
Ciidamada boqortooyada Abasiiniya oo ka iman jiray dhulka
buuralayda ah ee Shawa iyo Tigray ayaa waxay boob ku qaada!
! n jireen xoolaha soomaalida, dadkana waa ay layn jireen.
Taas ayaa sababtay in Imaamku uu qaado calankii jihaadka isaga
oo soomaalidii u horseeday dagaal baaxad weyn oo ay uga hor
tegayeen gardarrooyinkii ciidamad Abasiiniya. Xilligaas soomaalidu
waxaa ay ahaayeen qabiilooyin xoolo-dhaqato ah oo aanan mideysneen.
Sidaa darteed iskama eeyan celin karin gardarrooyinka ciidamada
boqortooyada Abasiiniya. Imaam Axmad, wacdi iyo baraarujin
ayuu dadkii kula dhex wareegay, wuxuu tusiyay dowgii ku habboonaa
in ay maraan, haddiiba ay doonayaan in ay heeryada iska ridaan.
Risaaladii Imaamka waxaa wax ka qaaday culimadii diinta. Degaankii
soomaaliyeed ideylkiis waxaa gaaray codsi ah in ay ka qayb
qaataan ololaha diyaargarowga colaadeed ee uu Imaamku ka bilaabay
gobolka Awdal. Adeerow xus beelaha Digil iyo Mirifle oo ahaa
kuwa uu degaankoodu u xigay koonfurta, in ay ka qayb qaateen
dagaalladii Imaamku horseedaha ka ahaa. Muddo gaaban baa waxaa
ku midoobay qabiilooyinkii! ! soomaaliyeed, xoogoodii kala
baahsanaana waa uu isu yimid.
Axmad
Gurey wuxuu ahaa nin diinta islaamka aqoon wanaagsan u leh.
Dadka wuxuu ku wacdinayay oo uu barayay casharro diini ah,
taas oo ay ku xusan tahay, ninkii dulli oggolaada in uu cadaab
mudanayo. Jihaadka ayuu ku dhiirrinayay, wuxuu ku wacdiyay
darajada uu Alle xaggiisa ka helayo ninka jihaada. Dadkii
xoolo-dhaqatada ahaa ee soomaaliyeed, oggolaansho buuxda ayay
kaga jawaabeen dalabkii Imaamka, hiil iyo hoona waxay isla
garab taageen jihaadkii diiniga ahaa ee uu Axmad Gurey u ololaynayay.
Ninkasta wixii uu xoolo lahaa iyo wixii wiil uu hayay wuxuu
ku wareejiyey culimadii kacdoonka wadey. Waxaa la yiraahdaa,
dagaal midkaas la xamaasad ah oo ay soomaalidu galeen, taariilkda
kuma xusna. Xamaasaddaasina waxay kamid ahayd sababihii uu
Ilaahay ku guuleeyay ciidamadii Imaamka.
Adeer
! taariikhyahan u dhashey dalka Fraansiiska oo la yiraahdo
Rinee Basie´, wuxuu
sheegey in Axmad Gurey iyo ciidamadiisii ay ku sigteen in
ay tirtiraan boqortooyada masiixiga ah ee ka jirta geeska
Afrika, degaankoodiina uu ka dhigo dhul ka tirsan dunida islaamka.
Sanadkii
1527-kii, Axmad Gurey, waxaa u suuro gashay in uu hor istaago
duullaan xoog weyn oo maamulkii boqortooyada Abasiiniya ay
ku doonayeen in ay magaalada Harar ku qabsadaan. Dagaalkaas
oo ciidamadii xabashida lagu jebiyay wuxuu ahaa kii ugu horreeyay
oo dhex mara ciidamadii uu Axmad Gurey ka ururiyey qabiilooyinkii
soomaaliyeed iyo ciidankii Abasiiniyiinta.
Adeerow
ogow oo Axmad Gurey ciidamada uma uusan kaxaysan hadaf qowmiyadeed
iyo mid qabiil, bal hadfkiisa iyo halhayska ciidamadiisuba
caqiido ayay ahayd. Sidaa darteed buu markii uu Xabashidii
jebiyay yuu guddoomiyay in ciidamada eeyan dib u laaban, balse
lagu duulo degmooyinka laga maamulayay boqortooyada Aksum,
halkaas oo ahayd xarumaha laga soo abaabulayay dagaalada lagu
faduulinayay soomaalida. Boqorkii Xabashida oo qaadan waayay
jabkii ciidamadiisa ka soo raacay dagaalkii Harar ayaa waxaa
walaac ku riday ciidamadan uu Axmad Gurey soo wato. Boqorku
wuxuu soo ururiyay ciidamo ka badan kuwii hore oo soomaalida
ka hor taga. Dagaal baa labadii ciidan dhexmaray sanadkii
1529-kii. Waxaa la jebiyay xabashidii oo halkaas khasaaro
xoog leh lagu gaarsiiyay. Sanadkii 1531-kii ciidamadii Axmad
Gurey waxay galeen gobolladii dowladdii Abasiiniya Shawa,
Amhara iyo Tigray. Sanadkii 1535-kii ciidamadii soomaalida
ahaa waxay ku guulaysteen in ay fardahoodii la galaan! ! dhammaan
degmooyinkii ay Abasiiniyiintu ka talinayeen. Waxay gacanta
ku dhigeen dhammaan wixii hanti ahaa oo ay lahaayeen reerahaasi.
Boqorkii Abasiiniya halkaas ayaa lagu diley.
Dagaaladaas
waxay socdeen labaatan sano ku dhowaad, waxaana jiray dagaallo
yaryar oo ay si joogto ah isaga hor imanayeen labada ciidan,
kuwaas oo mar kasta lagaga gacan sareeyay ciidamada Xabashida.
Adeerow haddii aanu isku dayno in aanu soo miin guurino muuqaalka
uu lahaa mid kamid ah dagaaladaas, sida uu Shihaabu
Al-Diin ku qoray buugiisa Futuux
Al-Xabasha :
"Habeen
arbaca ah ayaa ciidamadii waxay u hoydeen buur magaceeda la
yiraahdo Shimbira-kore. Habeenkaas oo dhan, muslimiintii duco
iyo quraan ayay akhrisanayeen. Imaamkuna hadal uu habeenkaas
ciidamadiisa u jeediyay ayuu wuxuu ku yiri :
"Waa
in aad dagaalka adkaysi u yeelataan, waana in aad Eebe tala
saarataan ".
Askartii
waxay Imaamka ka ballan qaadeen in eeyan waxba ka hagran doonin.
Niyadda ciidanka aad ayay u sareysay. Markii ay muslimiintii
ka soo degeen buurtii, waxay arkeen ciidamadii boqorka Abasiinya
oo dhanka waqooyi iyo dhanka bari kaga hareeraysan. Ciidamadaasi,
fara badni darteed ayaa waxay u muuqdeen sidii ayax la firdhiyay
oo kale. Boqorka Abasiiniya amar ayuu ciidamadiisa siiyay,
wuxuuna faray in ciidamada muslimiinta ay ka yeelaan wax la
laayo iyo wax ay soo qabtaan. Boqorku, fara badnida ciidamadiisa
ayaa waxay siisay kalsooni ah in ay guulaysanayaan. Muslimiintu,
wallow ay tiradoodu yarayd, misana waxay siteen niyad bir
ah. Labadii ciidan waa ay kala safteen, qolo walbana waa ay
is ratibtay. Tirada ciidamada fardoolayda ahaa ee uu boqorku
watay waxaa ay dhamaayeen 16.000 oo nin. Nin walbana waxaa
uu haystay gaashaan iyo fallaaro sumaysan. Waxaa u weheliyay
qalab dagaal oo ay kamid ahaayeen seefo iyo warmo. Ciidamada
lugta ee Abasiiniyanka waxay ka badnaayeen 200.000 oo nin.
Imaamkii iyo ciidankiisii si wanaagsan ayay u safteen. Imaamkii
waa uu duceeyay, wuxuuna yiri :
"
Eebow naga yeel kuwo sugnaada, diintaadana u hiiliya ".
Imaamku
wuxuu u yeeray rag ay kamid yihiin Maxamad Suldaan Cali oo
ay habro wadaag yihiin. Wuxuu faray in uu hoggaamiyo ciidanka
beeshiisa, sidaasna ay ku hor kacaan ciidamada. Dabadeed ciidamadii
qabaa´ilka ayuu is daba dhigay. Qabiil walbana waxaa
hor kacayay ninkii odayga u ahaa, kaas oo wakiil uga ahaa
Imaamka. Bartamaha goobtaasi waxaa ku sugnaa Imaamkii oo koox
fardoolay ah ay ku xeerayd. Tirada ciidamada muslimiinta waxay
ahayd 560 nin oo fardoolay ah iyo 12.000 oo lugaynayay. Labada
ciidan ee is hor taagnaa aad bay u kala tiro badnaayeen, una
kala xoog badnaayeen. Markii ay ciidamadii iska hor yimaadeen
ayaa nin la yiraahdo Shiikh Cabdullaahi uu jeediyay guubaabo
uu ku dhiiri gelinayo ciidanka. Ciidamadii Abasiiniyiinta
oo toddoba saf ahaa ayaa ku soo dhaqaaqay dhankii ciidamadii
muslimiinta. Boqorkoodii oo la oran jiray Wasne
Sajed, maalintaa lug ayuu ku socday. Ciidan dhan 400
oo nin ayaa dhanka midig ka socday! ! , 400 oo kalena dhanka
bidix. Wixii uu hub iyo qalab lahaana maantaa waa uu soo bandhigay.
Waxaa intaa dheeraa saf kasta oo ciidanka masiixiga ah wuxuu
u dhigmay shan saf oo muslimiinta ah. Marka xagga tirada la
eego, muslimiintu waxay u muuqdeen bar yar oo caddaan ah ee
ku taal dibi harag madow leh. Dagaalkii ayaa bilowday iyada
oo raggii wadaaddada ahaa ay guubaabo iyo wacdi la dhex taagan
yihiin ciidamadii muslimiinta. Sidoo kale boqorkii Wasne
Sajed guubaabo ayuu ku bilaabay ciidankiisii. Wallow
aad looga badnaa, misana muslimiintii sutida ayay qabteen.
Ragga maalintaa sida aadka ah u dagaalamay waxaa kamid ahaa
nin la oran jiray Mataan Cismaan oo Imaamka walaashiis qabay.
Waxaa kale oo si wanaagsan u dagaalamay Cali Garaad oo Mataan
walaakiis ah, Axmad Guray (oo aanan ahayn Imaamka), Farshaxan,
Kaar Cali, Macjero Xuseen, Muuse Cabdullaahi Maakhabe iyo
Yuusuf Latixiye. Dagaalkaasi wuxuu bilowday markay cadceeddu
soo bax! ! day illaa casar gaabkii ayuu socday. Waxaa ugu
dambaystii ku jabay ciidamadii masiixiga. Tirada khasaaruhu
kumanyaal ayuu kor u dhaafay. Guushaas ay muslimiintu heleen
maahayn mid si dhib yar ku timid. Nimankii waawaynaa ee xagga
Xabashida ka dhintay maalintaa waxaa kamid ahaa Aqa
Miikhaa´iil oo nin aad u adag ahaa. Imaamka ayaa
waran ku dilay. Waxaa kale oo dagaalkaa ku dhintay Abadaan
Darwishwaan oo khasnaji u ahaa boqorka, Midle
oo calanka boqorka siday iyo rag kale oo badan. Dhanka muslimiinta
ragga ka shahiiday waxaa kamid ahaa Kabiir
Ibraahim oo ahaa mu´adinkii Imaamka iyo Fiqi
Maxamad Daw. Inkasta oo tirada muslimiinta ka dhimatay
ay 5000 ahaayeen, misana waxaa u badbaaday raggii madaxda
ahaa ".