Iyaga oo
isla jaan-qaadaya ayaa ciidamadii gumaysiga ay mar
qura bilaabeen in ciidda Soomaaliyeed ay gudaha u
soo galaan. Ciidamadaas oo horay u fadhiyay dacallada
degaanka ayaa waxaa laga hagayay xarumihii afartii
dowladood oo muddada damaca ka lahaa in ay nasiib
ku yeeshaan hooshka bulshooyinkii kala qoqobnaa ee
beelaha Soomaaliyeed. Arintaasi waxay Soomaaliya ka
yeeshay labo qaybood oo midiba ay weji gaar ah leedahay.
Qayb waxay ahayd dhul uu ka jiray maamullo iska lahaa
hoggaamo siyaasadeed oo urursan, kuwaas oo ka
danaysanayay xiriirada kala duwan oo ay la lahaayeen
beelihii kula noolaa Soomaaliya iyo xoogaggii shisheeyaha
ahaa ee ku soo kordhey noloshii degaanka. Qeybta kale
waa meelihii uu ka maqnaa maamul dhexe oo dhaafsiisan
kuwii ku jaanta goŽnaa heer-beeleedka. Taasi waxay
sababtay in gumaystayaashu ay ku degdegaan degaamadii
beelahaas iyaga oo doonayay in ay ka danaystaan.
Labadii
maamul ee xilligaas ka jiray Mudug iyo Majeertiinya
ayaa waxay ahaayeen kuwa keliya ee degaanka ka dhex-muuqday
ee lahaa masaalix siyaasadeed oo dowli ah. Maamulkii
boqor Cismaan Maxamuud wuxuu
ahaa mid si buuxda ugu howlanaa xirirradii ganacsi
ee uu la lahaa ummadaha inala deriska ah. Arintaasi
waxay shiiqisay in xiisado siyaasadeed ay ka curtaan
degaamadii maamulkan. Taasaa waxay sababtay xasillooni
cimrigeedu dheeryahay oo ay heleen dadyowgii ku noolaa
degaamadii maamulkaas. Waxaa in la xuso mudan in boqor
Cismaan uusan lahayn damac siyaasadeed ee
dhaafsiisnaa isu urursanaanta degmaamada maamulkiisa.
Ingiriiska oo xilligaas eeyan qorshaha ugu jirin,
in uu xoog iyo xeelad ku qabsado degaankan, ayaa sanad
walba lacago laaluush ah siin jiray maamulkan. Sababtu
waxay ahayd in uu amaan u helo doonyihiisa ukala tallaabayay
bad-weynta Hindiya iyo badda Cas ee ku soo dhowaanaya
dhulka geeska ah ee uu boqorku ka taliyo.
Suldaan
Yuusuf Keynadiid,
inkasta oo maamulkiisu uu ahaa mid curdan ah, misana
si muuqata ayuu uga cimilo duwanaa noloshii siyaasadeed
ee maamulkii ka jiray Majeertiinya. Suldaanku wuxuu
ahaa nin han weyn oo xambaarsan damac siyaasadeed
ee ballaaran. Wuxuu doonayay in uu maamulka Sensibaar
kala wareego dhamaan degmooyinka Soomaaliyeed oo ay
Cammaaniyiintu ka taliyaanayeen. Sayid
Barqash bin Siciid oo horay u sheegan jiray
dhamaan xeebaha Soomaaliyeed ee ku sii jeeda bad-weynta
Hindiya ayaa xilligaas wuxuu ku jiray olole siyaasadeed
oo uu ku doonayay in loo aqoonsado dhulka gudaha ah
ee ka dambeeya degmooyinka xeebaha ku yaal.
Suldaanku wuxuu doonayay in uu arrinkan kaga kabto
dhaawaca kaga yimid hantidii badnayd oo ay gumaystayaashu
kala wareegeen. Keynadiid
ayaa isaguna dhankiisa dadaal kaga jiray uu
doonayay in uu ku fashilinayo qorshaha Barqash. Isla markaasna wuxuu kaloo doonayay
in uu la wareego degmooyinka koonfureed ee uu Barqash sida tooska ah uga taliyo.
Suldaanku
wuxuu qaaday tallaabooyin dhaxal-gal ah oo ay kamid
ahayd qoraallo uu u diray qunsulladii Sensibaar ka
fadhiyay dowladihii reer Yurub. Waxaa
kamid ahaa qoraal taariikhdiisu ahayd 1885-kii oo
uu sidan ku yiri :
" Aniga ayaa qabsaday Hobyo, waxaana aan ku sikanayaa meelaha
uu ka taliyo Sayid Barqash bin
Siciid. Cashuuraha iyo dakhliga kale oo halkaas
ka soo baxa waa hanti aanu annagu leenahay ".
(The Somali Peninsula,
Government of the Somalia 1962. p. 3-4).
Keynadiid intaas kuma hakan ee weeraro joogto ah ayaa ciidamadiisu
ay ku qaadi jireen meelo kamid ah goobihii ay fadhiyeen
ciidamada Barqash, gaar ahaan waqooyiga degmada Warshiikh.
12/
12- 1888-kii, Keynadiid wuxuu Sensibaar u diray ergo ka kooban saddex nin. Ujeeddada
ergada waxay ahayd in ay wada-xaajood la soo yeeshaan
qunsulkii Talyaaniga ee jasiiradda fadhiyay Vincenzo Filonardi.
Ergadaasi waxaa kale oo ay sideen goŽaan ah
in suldaanku uusan waxba ka qabin in degaankiisa uu
noqdo mid hoos yimaada dul-maamulka dowladda Talyaaniga.
Suldaanka ayaa arintan wuxuu ka lahaa dano siyaasadeed
oo uu doonayay in uu fushado kaddib markuu xiriir
la yeesho Talyaaniga. Taas oo ahayd in uu ciidamadiisa
u dheelli-tiro ciidamada labada maamul ee uu xuduudda
la lahaa ee xilligaas ka xoog weynaa. Waxay kala ahaayeen
Barqash iyo boqor
Cismaan. Suldaan
Yuusuf Keynadiid, waxaa kale oo uu doonayay
in uu Talyaaniga ka dhigto il uu hubka kahelo marka
uu bilaabo in uu Barqash kala wareego dhulka. Waxaa xusid
mudan in Barqash uu
xiriir la lahaa Ingiriiska oo uu ka heli jiray taageero
ciidan.
Talyaaniga
horay ayuu ugu tala jiray in uu nabad ama colaad ku
helo dul-maamulka gobollada bariga iyo bartamaha Soomaaliya.
Isaga oo ka faaŽiideysanaya fursaddan uga timid dhanka
Keynadiid, ayuu wuxuu
markiiba bilaabay in ay Ingiriiska ku heshiiyaan halka
ay marayso khad-xuduudeedka u dhaxayn doonta dhulka
Soomaaliyeed oo ay maamulayaan. Markaasna weli wax
heshiis ah oo dhex maray Talyaaniga iyo suldaan Keynadiid
ama boqor Cismaan
ma jirin. Gumaystayaashu marka ay xuduud samaynayeen
waxay adeegsan jireen kaarta joqraafi ah, taas oo
dusheeda ay xariiqi jireen. Dabadeed
dhulka ayaa waxaa loo soo diri jiray arah kaartadii
sidata, kuwaas oo sawirkii xarriiqda ahaa dhulka ka
calaamadeeya iyaga oo adeegsanaya dhirta, buuraha,
togagga iwl. Marxaladda saddexad ayaa waxay ahayd
in la sameeyo calaamado dhismo ah oo muujinaya halka
ay xuduuddu marayso.
14/
1- 1889-kii ayuu dhacay heshiiska xuduudda Talyaaniga
iyo Ingiriiska ay ku xariiqdeen khadda ay dhex-dhigeen
labada dul-maamul ee waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed.
Khaddaas ayaa waxay ka bilaabanaysaa tuulada Bender
Seyda oo Boosaaso ka xigta 20 km dhanka galbeed. Tuuladaas
oo ku beegan bartamaha afar-geesoodka ay dhisaan labada
khad ee taaga ah longtitude 48 iyo 50, iyo
labada khad ee legdan latitude 10 iyo 12. Koonfur
ayay u xariiqeen illaa iyo bartamaha afar-geesoodka
koonfur kaga beegan, dabadeed waxay u weeciyeen xagasha
kaga beegan koonfur-galbeed. Waxay halkaas ka qabsanaysaa
xuduudda ay Xabashidu wax kala xariiqatay dowladahan
gumaystayaasha ahaa.
Markay
taariikhdu ahayd 7/ 2- 1889-kii ayuu Vincenzo Filonardi wuxuu
soo gaaray Hobyo. Saddex toddobaad kaddib, 28/ 2-
1889-kii ayaa isaga iyo suldaankii ay kala saxiixdeen
heshiis qoraalkiisu u dhacay sidan :
"
Aniga oo ah Yuusuf Cali Yuusuf, suldaankii
Hobyo iyo dhulka la xiriira, laga bilaabo Mareeg illaa
iyo Raas-Cawad, waxaan gacantayda ku saxiixay waraaqdan.
Aniga oo caddaynaya in aan saldanadaydii Hobyo (ka
dhisneed) iyo degaanka la xiriira ee aan soo xusay,
Mareeg illaa iyo Raas-Cawad, waxaan oggolaaday in
ay hoos timaado maamulka dowladda Talyaaniga ee weyn
iyo boqorkooda Umberto I, isaga oo uu
ka wakiil yahay qunsulkiisa fadhiya Sensibaar
Vincenzo Filonardi ..........
". (Barkhat.1974. p. 234).
Xiriirkii
uu V. Filonardi
la yeeshay madaxdii maamulkii Hobyo ayuu wuxuu ka
ogaaday in boqor Cismaan, gabadha uu ugu jeclaa xaasaskiisa ay tahay gabar uu dhalay
suldaan Keynadiid. Talyaaniga ayaa markaas wuxuu bilaabay in uu xiriirka
Hobyood kaga faaŽiideysto si uu xiriir ula yeesho
maamulka Majeertiinya. Si toos ahna madaxdii Hobyo
fadhiday ayuu uga codsaday in lala xiriirsho boqor
Cismaan. Taasi waxay irridaha u furtay xiriirkii uu Talyaaniga
la yeeshay reer bariga, taas oo ku dhamaatay heshiiskii
dhacay 1/ 4- 1889-kii oo lagu caddaynayay in Majeertiinya
ay kamid noqotay degaanka uu Talyaaniga dusha ka maamulo.
Nuqulka heshiiskan ayaa wuxuu lamid ahaa kii suldaan
Keynadiid lala saxiixday. Waxaa la xusaa in boqor Cismaan uusan damac siyaasadeed ka lahayn heshiiskan, balse uu
u galay si uusan u lumin isu dheeli-tirka xoogga maamulkiisa
iyo kan Hobyo. (Italian Colonialism in Somalia. Robert
L. Hess. 1966 p.124).
Heshiisyadii
dabadeed, Talyaanigu wuxuu degaanka soo booqday sanad
kaddib, taas oo ku beegnayd socdaallada joogtada ah
oo uu qunsulku ku mari jiray dhulka maxmiyadda u ahaa
shirkadda, markaas oo V. Filonardi uu hadiyad
u waday suldaan Keynadiid ay kamid ahayd 25 qori iyo 5000 oo rasaas ah. Sanadkii
1993-kii, dowladdii Talyaaniga ayaa waxay qunsulkeeda
soo fartay in uu labada maamul gaarsiiyo in ay oggolaadaan
qodobo kamid ah heshiisyadii lagu gaaray fadhigii
Baljam iyo kii Barliin. Qodobadaasi waxay ahaayeen
in la reebo ganacsiga adoomada iyo in la xadeeyo hubka
iibka ah oo Afrika la geynayo. Filonardi waxaa
xilligaas ka haystay gobolka Banaadir caqabado la
xiriira xagga maamulka. Sidaa darteed waxaa adkaa
in uu dhambaalkan hor dhigo maamulladii ka jiray bariga
iyo bartamaha oo uu ogaa in ay diidayaan. Sanadkii
xigay waxaa gobolka loo soo diray ergey hor leh oo
la yiraahdo Cecchi. Ganacsiga adoomada oo aanan ku xooganayn degaanka, waxay
sababtay in reebitaankeeda uusan ergeygan kala kulmin
wax dhib ah. Waxaase ay boqorkii iyo suldaankii ka
diideen arrinta ku saabsan in ay joojiyaan soo iibsiga
hubka. Taasi waxay abuurtay khilaaf sababay in muddo
sanooyin ah uusan degaanka iman markab Talyaani leeyahay.
Mar danbe oo Talyaanigii uu bixiyay hadiyado badan
oo uu hub kamid ahaa ayay ka heshiiyeen arrintii.
(Ibid. p.124-125).
Dhulkii
ay Soomaalidu ku noolaayeen, wixii ka baxsanaa xuduuddii
labadaas maamul, ayaa waxay ahaayeen meelaha judhii
horeba uu saameyn ku yeeshay hooshkii ay dowladaha
shisheeyaha ah la damacsanaayeen degaanka. Faransiiska
oo soo degay xeebaha waqooyi-galbeed (Jabuuti) ayaa
damaciisa wuxuu ku ekaa dhul kooban oo leh ahmiyad
istraateejiyadeed. Sidaas darteed ayaa qarniga dabayaaqadiisii
wuxuu dhamaystiray mashruuca uu ku qeexayay dhulkii
uu ku habsaday. Degmada Jabuuto ayaa dekad iyo magaalo-madaxba
u noqotay maxmiyaddii uu ka dhisay halkaas. Waxaa
u weheliyay dhul kooban oo ku hareereysan oo uu kaga
kaaftoomay in uu kharaj badan ku bixiyo hoosh dhul
ballaaran oo gudaha ah.
Ingiriiska
oo ku habsaday gobollada waqooyi ayaa markii uu hubsaday
in uu ku guulaystay hannaankii dul-maamulka ahaa ee
uu halkaas ka dhisay, wuxuu u tallaabay in uu si tartiib
ah ugu fido dhulka gudaha ah oo ay Soomaalidu xoolaha
daaqsadaan, gaar ahaan dhulka ay degaan beelaha Gadubiirse,
Isaaq, qayb kamid ah Ciisaha iyo qaybo beelaha Harti
(Dhulbahante iyo Warsangeli). Waxaa kale oo uu ku
sikanayay dhulka gudaha ah oo ay degaan beelaha Absame.
Ingiriiska,bilowgii hore wuxuu lahaa qorshe uu ku
damacsanaa in nadaamka dul-maamul ee uu waqooyiga
ka dhisay uu xuduud uga dhigo illaa iyo 100 km. oo
gudaha ah, dhul ku bar-bar ah xeebta. Waxaa markaas
maamulkiisa hoos imanaya magaalada Biya-qaboobe oo
ahayd degmada ugu milgaha adag waddada ay ku socdaali
jireen awrta ganacsiga ee ka dhex shaqeeya Harar iyo
Seylac. Waxaa kale oo 100-ka km. hoos imanaya degmada
Jigjiga oo ku taal dhul biyo badan isla markaasna
ah albaabka loo maro dhulka lama-degaanka ah ee glbeedka
Soomaaliya.
Talyaaniga
ayaa isaguna markii uu cagaha la helay Kismaayo, intuusan
Banaadir u tallaabin wuxuu markiiba bilaabay in uu
ku sikado dhulka uu maro webiga Juba. Cap. Bottego oo ahaa jaajuus Talyaani
ah ayaa wuxuu gaaray degmada Luuq bilowgii sanadkii
1893-kii. Magaaladan ayaa xilligaas waxay ahayd mid
uu camiray xiriirkii ganacsi oo ay la lahayd gobollada
Banaadir iyo Shawa. Waxaa kale oo magaalada ay ku
caan ahayd beeraha waawayn. Biyaha badan oo ay webiga
ka heli jirtay ayaa waxay sabab u ahaayeen in
dadku ay tabcadaan beeraha. Bishii
disember isla sanadkaas ayuu Cap. Bottego ku soo
laabtay Luuq isaga oo ciidamo wata. Markuu laabanayay,
wuxuu magaaladii kaga tegay ciidan dhan 42 nin iyo
bakhaar rasaas ah. Waxaa jirtay in Luuq ay kamid ahayd
meelaha uu Menelik isha ku hayay, dood badan oo degmada ku saabsanna waa
ay dhex martay isaga iyo Talyaaniga.
Damaca
Xabashida oo ka duwanaa damaca gumaystayaasha kale
ayaa wuxuu ahaa mid kana xoog weynaa inoogana khatarsanaa.
Xabashida oo markaas hoggaan u ahayd qawmiyado badan
ayaa waxay sheeganayeen dhamaan dhulka Soomaalidu
degaan in uu yahay mid ay iyagu leeyihiin. Waraaqda
wareegta oo uu Menelik ku xusey arintan ayuu
hoggaamiyayaashii reer Yurub uu kaga helay gacan buuxda.
Madaxda ay waraaqdu gaadhay waxaa kamid ahaa qaysarkii
Ruushka, embradoorkii Jarmalka, boqorkii Talyaaniga,
boqoraddii Ingiriiska iyo madaxweynihii Faransiiska.
(The Somali Peninsula, Government of the Somalia
1962. p. 36).
Menelik, wuxuu qorsheystay in uu hoosho dhulka Soomaalidu degaan,
hadba inta ay awooddiisa gaarsiiso. Ololihii ciidameed
ee uu qaaday bartamihii sanadihii 1890-aadkii, ayaa
waxay ku soo gaareen dhulka uu maro webiga Shabeelle,
illaa iyo degmada Balcad. Waxay ku soo dhowaadeen
Xamar. Beelihii ay sida xun u dhaawaceen waxaa kamid
ah beesha Karanle. Soomaalidii, kaddib markii ay dagaallo
kharaar la galeen ayay ku guulaysteen in ay iska soo
eryaan ciidamadii Xabashida. Beelaha dagaalladaas
ka qayb-qaatay waxaa kamid ahaa Jiidle, Jajeello,
Moobleen iyo Gabroon. (The Shaping of Somali Society. Lee V. Cassanetti. 1982. p. 199-200).
Beelaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya, qudhooda
kama eeyan badbaadin dabkii ciidamada Menelik. Bishii may 1891-kii Cap. Swayne oo ahaa nin wax-badan
dhulka Soomaalida maray, wuxuu ku war bixiyay in Xabashidu
ay soo direen ergey ka yimid Jigjiga, kaas oo farriin
soo gaarsiiyay reerka la yiraahdo Yoonis Jibriil (Gadubiirse).
Farriintu waxay ahayd in ay xoolo cashuur ah bixiyaan
oo ay siiyaan maamulka boqortooyada Xabashida. Haddii
ay oggolaadaan waxaa abaal looga dhigayaa in ciidamada
Xabashida eeyan hooshin beesha sida ay ku hayaan beelaha
kale ee Soomaaliyeed. Fadhi ay duqeydii reeraha
ku qaateen meel u dhexeysa labada tuulo ee Meydir
iyo Suurel ayaa waxay ku guddoonsadeen in ey diidaan
cashuuraha ay Xabashidu dalbayaan. (The Somali Peninsula, Government of the Somalia
1962. p. 36-37).
Reerka
la yiraahdo Nuux Ismaaciil (Habar-Awal) ayaa waxay
kamid ahaayeen beelaha Soomaaliyeed oo ay beeshan
duddo wadaagta ahaayeen, isla markaasna la qabay dhibaatada
ay ciidamada Xabashidu geysanayeen. Shiikh
Madar oo kamid ahaa culimadii Soomaaliyeed ee wax
ku bartay Harar una dhashay reerka ayaa Ingiriiskii
wuxuu ka codsaday in ay hub ka iibiyaan si ay Soomaalidu
isaga caabiyaan daandaansiga Xabashida.
Maamulkii
Ingiriiska waa uu ka diiday, iyaga oo tilmaamay in
degaanku uu yahay mid hoos yimaada dul-maamulka Ingiriiska.
Sidaa darteed ay tahay waajib saaran Ingiriiska in
uu diyaariyo ciidamo ilaaliya beelaha Soomaaliyeed.
(Ibid. p. 36).
Waxaase
la hubaa in dowladihii reer Yurub ay ku ballan fureen
dadkii Soomaaliyeed oo ay heshiisyada la galeen. Waxay
uga dhaqaaqeen meel cidla ah iyaga oo aanan u hurin
taageero la bixiyo midda ugu yar ee ah damiir xanuunsada.
Soomaalida oo aanan aqoon u lahayn hannaanka cashuurta
ayaa waxay arkeen ciidamo dhulkoodii marti ku ah oo
misana dadkoodii boob iyo dhac ku haya in ay xaaraan
tahay in loogu daro xoolo la siiyo. Arrinkaas Soomaalidu
geeri ayay ka xigeen. Xabashiduna wax arxan ah uma
eeyan gelin. Falka ay kaga jawaabi jireen diidmada
Soomaalida wuxuu ahaa gumaad aanan cidna loo
aaba yeelin.
Sandkii
1896, boqor Cismaan Maxamuud
iyo suldaan Yuusuf Keynadiid waxay Talyaanigii
u soo jeediyeen qorshe ay difaacayaan beelaha Soomaaliyeed
kaga daan-daansiga iyo duulaamada kaga imanayay Xabashida.
Waxay soo bandhigeen in ay wadajir u soo agaasimaan
ciidan tiradiisu dhanyahay 50.000 oo dagaalyahan.
Waxay Talyaaniga u sheegeen haddii uu ciidankaasi
siiyo qoryo iyo rasaas, in ay Harar ka kicinayaan
ciidamada Menelik, oo weliba dadka Soomaaliyeed ee degaanka ku nool ay gacan
kaga helayaan arintan. (Italian Colonialism in Somalia. Robert
L. Hess. 1966 p.126).
Abwaan
Soomaaliyeed ayaa suugaan taariikhda gashay ku tilmaamay
goobashada laysugu tegay Soomaalida xilli eeyan diyaar
ahayn in ay is difaacaan. Eebe naxariistii janno haka
waraabiyo abwaan Faarax Nuur wuxuu tix
gabay ah ku yiri :
Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiro Sabaan iligyadiisiiye
Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye
Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiy
Afka
iyo adduunkaa hadloo oodna sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye