Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXXI-aad

Shirkaddii laga asaasay Sensibaar ee la oran jiray IBEAC (Imperial British East Africa Company) ayaa rool weyn ka cayaartay in Talyaanigu uu ku fido koonfurta Soomaaliya. Shirkaddan oo horay kula heshiisay suldaankii Sensibaar in ay la wareegto maamulka degmooyinka bariga Afrika, ayaa waxay V. Filonardi ku wareejisay gebi ahaan qorshihii ay ka lahayd gobolka Banaadir. Talyaaniga oo xilliyadaas hore aanan fir-fircooni ka muujin xiriirka uu la yeeshay maamulladii ka jiray gobollada bariga iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa shirkaddu waxay u suurogelisay in ay caga-dhigtaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.  

Waxaa intaa weheliyay Ingiriiska oo mar-kasta suldaanka Sensibaar u shaxaadayay in ay oggolaadaan in uu ka kireeyo Talyaaniga dekadaha Banaadir oo uu maamulkooda ku wareejiyo. Wxaa jirtay waraaq uu suldaankii Sensibaar Xaamid bin Tuwayn u qoray dowladdii Ingiriiska. Waraaqdaas oo uu ku xusay in qsulkii Ingiriiska uu ka codsaday in degaanka Banaadir iyo dekadeheedaba lagu wareejiyo gacanta  Talyaaniga, ayuu wuxuu u qoray sidan :

" Zenzibar, may 14 - 1893

(Ammaan dabadeed)

Sida ay saaxiibadaya rajeynayeen, Talyaanigii ayaa la wareegay dekadihii Banaadir. Halkan waxaan idiinku muujinayaa, aniga oo awood buuxda idiin siiyay arintaas in aad ku kacdaan tallaabo kasta oo aad u aragtaan in ay hagaagsan tahay, hadba sida sharaftiina waafaqsan. Waxaan aaminsanahay, wax aanan wanaag ahayn in aydnaadan inoo sameyneen. Waxaa amarka suldaanka ku qoray biddihiisii oo ah Saalem bin Maxamad ".  (Ex-Italian Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1969. p. 18).

Talyaaniga dhankiisa ayuu wuxuu ka waday heshiisyo qarsoodi ah oo uu la gelayay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee gobollada koonfureed. Isla markaas wuxuu feer waday wada-hadallo uu Soomaalida ka qariayay oo uu la yeelanayay suldaankii Sensibaar. Shaxaadkii Ingiriiska ee suldaankii Sensibaar iyo wada-hadalladii uu suldaanku la yeeshay Talyaaniga ayaa waxay ku dhamaadeen in sanadkii 1893-kii dekadaha Banaadir lagu kireeyo lacag dhan 50. 000 oo £ oo uu suldaanku qaatay. Waxaa xusid mudan, sanadkii 1905-tii, in isla dhulkaas Talyaanigii uu ska kaga iibsaday oo kula lahaansho-wareegay lacag dhan 144. 000 oo £.  (Italian Somaliland. London. 1920. p. 810).

Talyaaniga, ituusan wax tallaabo ah qaadin, wuxuu ishaa-falataysi kaga dhur-sugayay natiijada cadaadiskii uu Ingiriisku saaray kacdoonkii ay wadeen Soomaalidii ku noolayd gobolka Juba-land.  Talyaanigu waxay ka baqayeen in kacdoonku ku soo faafo Soomaalida ku nool Banaadir. Ingiriiska oo gacan aanan arxan lahayn ku muquuniyay kacdoonkaas ayaa qudhiisu ka cabsi qabay in kacdoonku u gudbo gobolka Taana, oo xilligaas uu ka waday olole uu ku  cadaadinayay xoolo-dhaqatadii Soomaaliyeed si eeyan degaanka ugu fidin.

Maamulkii Ingiriisku ka dhisay gobolka Juba wuxuu bilaabay in uu si tartiib ah xilkii ugu wareejiyo Talyaanigii. Arintaasi waxay ku fulaysay calanka suldaanka hoostiisa iyo saxiix mar-walba laga soo qaadanayay isaga, iyada oo ay dusha kala socotay dowladda Talyaaniga. Kaddib Talyaanigii oo loo xasiliyay dhulkii ayaa la wareegay maamulkii gobolka Juba. Wuxuu bilaabay  howlihii lagu ogaa gumaysiga. Wuxuu la wareegay dhamaan dhulkii banaanaa ee aanan la deganayn. Wuxuu dhisay maxkamado iyo xarumo cashuurta lagu ururiyo. Wuxuu qortay  rag ciidamo ah iyo howl-wadeeno rayid ah. Waxay hagaajiyeen ganacsigii, iyaga oo habeeyay bangiyo iyo cumlado loo adeegsado lacag ahaan.

Bartamihii sanadkii 1893-kii, wasiirkii dibadda ee Talyaaniga Benedetto Brin ayaa wuxuu la soo xiriiray V. Filonardi. Wasiirku wuxuu soo diray dhambaal uu ku amrayo in la bilaabo sidii xiriiro wanaagsan loola sameysan lahaa odeyada dhaqanka iyo hantoolayaasha ganacsatada ah ee koonfurt Soomaaliya, si ganacsiga Talyaaniga uu u gaaro dekadaha ku yaal gobolka Banaadir. Dowladda Talyaaniga, xilligaas weli diyaar uma  ahayn in kharaj iyo ciidan badan ay ku gumaysato dadka Soomaaliyeed. Waxay is-tusiyeen in ay dalka ku qabsadaan qaab ah la wareeg maamul iyo heshiisyo maxmiyadeed.

Filonardi ayaa xilligaas wuxuu ahaa isha keliya oo dowladda Talyaaniga ay ka hesho ogaallada ku saabsan xaaladda nololeed ee ka jirtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Banaadir. Si ay u helaan il kale ayaa dowladdu waxay soo dirtay sarkaal dhallinyaro ah oo la yiraahdo Leuit. Count Giovanni Lovatelli, kaas oo ka tirsanaa ciidamadii badda ee Talyaaniga. Waxaa xusid mudan in ninkani hadda ka hor loo magacaabay in uu la shaqeeyo arahyo Ingiriis ah oo loo diri jiray Kismaayo iyo gobolka Juba. Arrintaas oo uu guul ka keenay darteed ayaa boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria uu kaga helay billad-sharaf. Count G. Lovatelli  qoraalladii uu Banaadir ka soo diyaariyay ayuu wuxuu ku sheegay in eeyan u baahnayn kharaj badan si Talyaanigu u maamulo gobolkan. Sababta wuxuu ku sheegay in dadku yahay kuwo u diyaar ah soo dhoweynta Talyaaniga, gaar ahaan kuwa ku nool xeebaha. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 40 - 41).

Filonardi wuxuu xiriir toos ah la lahaa wasiirkii dibadda ee Talyaaniga B. Brin. Wakhti badan ma qaadan in uu soo gaarsiiyo hor u marka uu ka gaaray xiriiro uu la yeeshay qaar kamid ah duqeydii Soomaaliyeed iyo ganacsatadii ku nooleyd xeebaha Banaadir. Waxaa jirtay arrin Talyaanigu dhayalsaday oo ku xusnaa qoraalladii Filonardi uu u diray wasaaraddii dibadda ee Talyaaniga. Waxay ahayd talo uu soo jeediyay odey kamid ah duqeyda beesha Biyamaal. Ninkaas oo la yiraahdo Fiqi Caddow, ayaa Filonardi uga digay in uu shaqo siiyo Abuubakar bin Cawad oo ahaa ganacsade kamid ah carabtii ku noolayd gobolka Banaadir. Ninkan ayaa wuxuu xiriir la lahaa ganacsadayaal badan oo ahaa carabtii Banaadir ku nooleyd. Laakiin Soomaalida dareen ayay ka qabeen oo waxay diidanaayeen in uu odey ka noqdo degaanka laga talo-geliyo. Filonardi ayaa wuxuu ninkan ka doonayay in uu kala shaqeeyo geedi-socodka uu ku doonayo in uu ku hanto Banaadir, sidaa darteed buusan dheg u raaricin dareenkii Soomaalida iyo digniintii Fiqi Caddow.

Filonardi oo tan iyo markaas aanan marna hakad gelin howlaha la xiriira mashruuciisa gumaysi-doonka ah, ayaa wuxuu la xiriiray ninka la yiraado Edoardo Incoronato. Ninkani wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay markab weyn oo kuwa dagaalka ah ee uu Talyaanigu lahaa. Markabkaas oo la oran jiray Staffetta ayaa wuxuu ku sugnaa Sensibaar.

Filonardi wuxuu ninkan ka doonayay in uu la dejiyo qorshaha ay ku baxayaan.

Filonardi, intuusan u soo ambabixin Banaadir, wuxuu diyaariyay qoraallo uu ugu talo-galay in uu ku maamulo degaanka. Sidii gobolka Juba ayuu Filonardi ku caddeeyay qoraaladiisaas in maamulkiisu xaq u leeyahay in uu la wareego dhamaan dhulka bannaan oo aanan cidna lahayn. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay dhulka hantida dabiiciga ah leh sida dhulka beeraha ku wanaagsan iyo dhulka dhirta waaweyn ee dhuxusha laga shito. Waxaa kale oo uu tilmaamay dhulka macdanta iyo cusbada leh. Dhulalkaas ayaa si looga shaqeysto, sida uu Filonardi qoray, wuxuu ku xiray ruqsad laga haysto maamulka.

Si uu Soomaalida u raali-geliyo, caadifaddoodana u soo jiito ayuu Filonardi qodobka VI-aad ee qoraalkiisa ku xusay in uu degaanka ku dhaqayo shareecadda diinta Islaamka. 

Isaga oo ilaalinaya heshiiskii lagu gaaray Baljam ayuu wuxuu reebay ganacsiga addoomada iyo hubka (qoryaha iyo rasaasta). Sidaa darteed wuxuu xusay in dhamaan doonyaha ku soo xiranaya dekadaha Banaadir ay oggolaansho ka heystaan maamulka. Waxaa kale oo qoraalkiisaas ku xusnaa inta ay le´egtahay cashuurta laga qaadayo waxyaabaha laga dhoofinayo dekadaha iyo waxa laga soo dejinayo. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 39 - 43).

5/ 10- 1893-kii waxay ahayd taariikhda uu Filonardi u doortay socdaalkiisii rasmiga ahaa ee uu ku iman lahaa Banaadir. Isaga oo la socda Staffetta ayuu taariikhdaas aanu soo xusnay ka soo degay degmada Baraawe oo uu horay si dadban maamulkeedii ula wareegay. Degmadan ayaa dadka ku nool waxay ahaayeen kuwo aanan culays u arag imaatinka  Talyaaniga. 

7/ 10- 1893-kii, hoggaamiyihii ciidamadii markabka Edoardo Incoronato ayaa arah u diray dhulka baadiyaha ah ee ka tirsan degmada, iyada oo ujeeddadu tahay in la soo indha-indheeyo. Arahda waxaa kamid ahaa Cap. Ugo Ferrandi oo ganacsade dal-mareen ah iyo Leuit. Maurizzio Talmone oo ahaa takhtarkii markabka. Waxaa weheliyay ciidan dhan 30  askari oo kamid ahaa ciidamadii waaligii Baraawe iyo 10 nin oo lababa ay ka socotay beel kamid ah shan beelood oo reer Baraawe ah. Arahdan  oo ku socdaashay waddada magaalada ka baxda ee aadda Baardheere ayaa muddo toban saacadood ah lugeynayay. Ogaallada ay heleen ayaa waxay isugu jireen kuwo soo dhoweyn  iyo khatarba lahaa. Arrinta dareenka gelisay, madaxdii arahda, oo si gaar ah qiimo ugu lahayd mashruucoodii gumeysi ayaa waxay ahayd raggii Soomaaliyeed oo ay baadiyaha kula kulmeen oo dhamaantood ku hubeysnaa qalab dagaal. Taas oo kamid ah hiddo-nololeedka ay leeyihiin xoolo-dhaqatadeena ayaa waxay ahayd arrin ku cusbayd raggii gumeysi-doonka ah ahaa. Waxay halkaas ka akhristeen arrin ka duwan fudeydkii ay sugayeen in ay dalka ku maamulaan. Waxaa kale oo ay soo arkeen dhulka beeraha ku wanaagsan oo goofafka ah, kuwaas oo lagu waraabinayay biyaha kanallada ku socda oo laga soo leexiyay webiga Shabeelle. Soo dhoweyn ka muuqatay wejiyadii dadkii ay la kulmeen ayaa waxaa wax ka tilmaamay Leuit. M. Talmone. Qoraal uu socdaalkan ka diyaariyay ayuu wuxuu ku qoray sidan :

" Xasilloonida maamulkayaga Banaadir, xataa haddii hodantooyada aan aamin sanahay awooddeeda uusan helin natiijo si deg-deg ah looga miro dhaliyo, ................ Taasi noqon meyso arrin aanan inoo soo jiidin in aanu ahaano horseedayaal meel haboon u diyaarinaya facaha danbe ee Talyaaniga  iyo aayahooda. Halkaas oo noqon doonta meel ay ku soo qul-qulaan dadkayaga iyo wax soo saarkayaga ".  (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 45. Laga soo xigtay Brave to Commander of Staffetta. October 9. 1892. Libro Verde. Doc. 81. anex. Pp. 178-80 ).

Rajadii wanaagsanayd oo xiddigle Talmone ka qaaday booqashadii Baraawe ma noqon mid hesha cimri dheer oo ay ku raagto. Sarkaalkan ayaa markii uu qoraalkiisii dhameeyay, muddo 48 saacadood ah dabadeed waxaa loo geystay dhaawacii uu la dhintay. 10/ 10- 1893-kii, isaga oo ka soo degay doon yar ayaa meel xeebta magaalada Marka ah waxaa waran geliyay nin dhallin-yar oo u dhashay beesha  Biyamaal. Ninkii wax dilay isla goobtii ayaa waxaa ku toogtay askari carab ah. Dhacdadan oo aanan lahayn wax hor-dhac u ahaa, ayaa waxay ahayd casharkii ugu horeeyay oo uu Filonardi ku ogaaday in Soomaalidu ay iskala weyn-yihiin Talyaaniga. Dabadeed wuxuu qaaday tallaabooyin cadaadis ah oo uu bulshada ciqaab uga dhigayo. Wuxuu gacanta ka jaray ninkii wax dilay isaga oo meyd ah, magaaladiina waa uu xabadeeyay. Wuxuu waafaqay in ay magaalada ka howl-galaan 280 askari iyo 8 sarkaal oo calooshooda u shaqeystayaal ah, kuwaas oo dhamaantood carab ahaa. Askartaas ayaa waxay hoos imanayeen xarun uu lahaa waali cusub oo uu degmada u magacaabay oo la oran jiray Suleymaan bin Xaamid.

Ma jirin cid u yeeratay iyo cid xataa u baahnayd nimankan doolaaliska ah ee inoo yimid. Iyagu maaheyn dad habow ah oo soo lumay, bal waxay lahaayeen ujeeddo dheer oo ay ku ballameen in ay facahooda danbe u gudbiyaan. Qorshahooda dhabta ah ayaa waxaa inoo turjumay falalkii ay nagula kaceen markii ay inaga itaalka roonaadeen. Soomaalidu maahayn dad garasho ka arradnaa oo kasi waayey ujeeddada gumeysiga. Inkasta oo laysugu tegay oo xoogag badan ay isu kaashadeen hooshka dhulkooda, misana ayaan-darrada keliya oo haysatay baa waxay ahayd maqnaanshaha maamul-dhexe oo mideeya, sida maantaba inoo muuqata.  

Sayid Maxamad Cabdaulle Xasan ayaa goor danbe tilmaan wacan ka bixiyay, guud ahaan,   heerarka uu marayo geedi-socodka gumeysiga. Isaga oo Soomaalida baraya ayuu gabeygiisii Dar-daaran wuxuu ku tiriyay tixdan :

Marka  hore dekaduhuu ku iman daawashiyo beene

Dalxiis in uu yahay idin  latahay  weydin  dagayaaye

Marka  xiga  dabkuu  idin ka dhigi dumar  sidiisiiye 

Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada´e

Marka   xiga   dabaaqad   ayuu    idin   dareensiine

Marka xiga dushuu idin ka raran sida dameeraaye

Waa Socotaa...

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)


Ogaysiis: Waxaan akhristayaasha u ogaysiinaynaa in Casharadii "goortii Dhulkayagii la qeybsaday" ay wali noo socdaan oo aysan wali dhamaan. qalad farsamo ayaa dhacay. Waad Mahad san tihiin.

Halkaan uga bogo Casharadii hore


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.