Shirkaddii laga asaasay
Sensibaar ee la oran jiray IBEAC (Imperial British East Africa Company)
ayaa rool weyn ka cayaartay in Talyaanigu uu ku fido
koonfurta Soomaaliya. Shirkaddan oo horay kula heshiisay
suldaankii Sensibaar in ay la wareegto maamulka degmooyinka
bariga Afrika, ayaa waxay V. Filonardi ku wareejisay
gebi ahaan qorshihii ay ka lahayd gobolka Banaadir.
Talyaaniga oo xilliyadaas hore
aanan fir-fircooni ka muujin xiriirka uu la yeeshay
maamulladii ka jiray gobollada bariga iyo bartamaha
Soomaaliya, ayaa shirkaddu waxay u suurogelisay in
ay caga-dhigtaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.
Waxaa intaa weheliyay
Ingiriiska oo mar-kasta suldaanka Sensibaar u shaxaadayay
in ay oggolaadaan in uu ka kireeyo Talyaaniga dekadaha
Banaadir oo uu maamulkooda ku wareejiyo. Wxaa jirtay
waraaq uu suldaankii Sensibaar Xaamid bin Tuwayn u qoray dowladdii
Ingiriiska. Waraaqdaas oo uu ku xusay in qsulkii Ingiriiska
uu ka codsaday in degaanka Banaadir iyo dekadeheedaba
lagu wareejiyo gacanta Talyaaniga, ayuu wuxuu
u qoray sidan :
"
Zenzibar, may 14 - 1893
(Ammaan dabadeed)
Sida ay saaxiibadaya rajeynayeen, Talyaanigii ayaa la wareegay
dekadihii Banaadir. Halkan waxaan idiinku muujinayaa,
aniga oo awood buuxda idiin siiyay arintaas in aad
ku kacdaan tallaabo kasta oo aad u aragtaan in ay
hagaagsan tahay, hadba sida sharaftiina waafaqsan.
Waxaan aaminsanahay,
wax aanan wanaag ahayn in aydnaadan inoo sameyneen.
Waxaa amarka suldaanka ku qoray biddihiisii oo ah
Saalem bin Maxamad
". (Ex-Italian Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1969.
p. 18).
Talyaaniga dhankiisa ayuu wuxuu ka waday heshiisyo qarsoodi
ah oo uu la gelayay qaar
kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee gobollada koonfureed.
Isla markaas wuxuu feer waday wada-hadallo uu Soomaalida
ka qariayay oo uu la yeelanayay suldaankii Sensibaar.
Shaxaadkii Ingiriiska ee suldaankii Sensibaar iyo
wada-hadalladii uu suldaanku la yeeshay Talyaaniga
ayaa waxay ku dhamaadeen in sanadkii 1893-kii dekadaha
Banaadir lagu kireeyo lacag dhan 50. 000 oo £ oo uu
suldaanku qaatay. Waxaa xusid mudan, sanadkii 1905-tii,
in isla dhulkaas Talyaanigii uu ska kaga iibsaday
oo kula lahaansho-wareegay lacag dhan 144. 000 oo £. (Italian Somaliland. London. 1920.
p. 810).
Talyaaniga, ituusan wax tallaabo
ah qaadin, wuxuu ishaa-falataysi kaga dhur-sugayay
natiijada cadaadiskii uu Ingiriisku saaray kacdoonkii
ay wadeen Soomaalidii ku noolayd gobolka Juba-land.
Talyaanigu waxay ka baqayeen in kacdoonku ku soo faafo
Soomaalida ku nool Banaadir. Ingiriiska oo gacan aanan
arxan lahayn ku muquuniyay kacdoonkaas ayaa qudhiisu
ka cabsi qabay in kacdoonku u gudbo gobolka Taana,
oo xilligaas uu ka waday olole uu ku cadaadinayay
xoolo-dhaqatadii Soomaaliyeed si eeyan degaanka ugu
fidin.
Maamulkii Ingiriisku ka dhisay
gobolka Juba wuxuu bilaabay in uu si tartiib ah xilkii
ugu wareejiyo Talyaanigii. Arintaasi waxay ku fulaysay
calanka suldaanka hoostiisa iyo saxiix mar-walba laga
soo qaadanayay isaga, iyada oo ay dusha kala socotay
dowladda Talyaaniga. Kaddib Talyaanigii oo loo xasiliyay
dhulkii ayaa la wareegay maamulkii gobolka Juba. Wuxuu
bilaabay howlihii lagu ogaa gumaysiga. Wuxuu
la wareegay dhamaan dhulkii banaanaa ee aanan la deganayn.
Wuxuu dhisay maxkamado iyo xarumo cashuurta lagu ururiyo.
Wuxuu qortay rag ciidamo ah iyo howl-wadeeno
rayid ah. Waxay hagaajiyeen ganacsigii, iyaga oo habeeyay
bangiyo iyo cumlado loo adeegsado lacag ahaan.
Bartamihii
sanadkii 1893-kii, wasiirkii dibadda ee Talyaaniga
Benedetto Brin ayaa
wuxuu la soo xiriiray V. Filonardi. Wasiirku wuxuu soo diray
dhambaal uu ku amrayo in la bilaabo sidii xiriiro
wanaagsan loola sameysan lahaa odeyada dhaqanka iyo
hantoolayaasha ganacsatada ah ee koonfurt Soomaaliya,
si ganacsiga Talyaaniga uu u gaaro dekadaha ku yaal
gobolka Banaadir. Dowladda Talyaaniga, xilligaas weli
diyaar uma ahayn in kharaj iyo ciidan badan
ay ku gumaysato dadka Soomaaliyeed. Waxay is-tusiyeen
in ay dalka ku qabsadaan qaab ah la wareeg maamul
iyo heshiisyo maxmiyadeed.
Filonardi ayaa xilligaas wuxuu ahaa isha keliya oo dowladda Talyaaniga
ay ka hesho ogaallada ku saabsan xaaladda nololeed
ee ka jirtay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Banaadir.
Si ay u helaan il kale ayaa dowladdu
waxay soo dirtay sarkaal dhallinyaro ah oo la yiraahdo
Leuit. Count Giovanni Lovatelli,
kaas oo ka tirsanaa ciidamadii badda ee Talyaaniga.
Waxaa xusid mudan in ninkani hadda ka hor loo magacaabay
in uu la shaqeeyo arahyo Ingiriis ah oo loo diri jiray
Kismaayo iyo gobolka Juba. Arrintaas oo uu guul ka
keenay darteed ayaa boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria uu kaga
helay billad-sharaf. Count G. Lovatelli qoraalladii
uu Banaadir ka soo diyaariyay ayuu wuxuu ku sheegay
in eeyan u baahnayn kharaj badan si Talyaanigu u maamulo
gobolkan. Sababta wuxuu ku sheegay in dadku yahay
kuwo u diyaar ah soo dhoweynta Talyaaniga, gaar ahaan
kuwa ku nool xeebaha. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 40 - 41).
Filonardi wuxuu xiriir toos ah la lahaa wasiirkii dibadda ee Talyaaniga
B. Brin. Wakhti badan ma qaadan in uu soo gaarsiiyo hor u marka
uu ka gaaray xiriiro uu la yeeshay qaar kamid ah duqeydii
Soomaaliyeed iyo ganacsatadii ku nooleyd xeebaha Banaadir.
Waxaa jirtay arrin Talyaanigu dhayalsaday oo ku xusnaa
qoraalladii Filonardi uu u diray wasaaraddii dibadda ee Talyaaniga. Waxay ahayd
talo uu soo jeediyay odey kamid ah duqeyda beesha
Biyamaal. Ninkaas oo la yiraahdo Fiqi Caddow,
ayaa Filonardi uga digay in uu shaqo siiyo Abuubakar bin Cawad
oo ahaa ganacsade kamid ah carabtii ku noolayd gobolka
Banaadir. Ninkan ayaa wuxuu xiriir la lahaa ganacsadayaal
badan oo ahaa carabtii Banaadir ku nooleyd. Laakiin
Soomaalida dareen ayay ka qabeen oo waxay diidanaayeen
in uu odey ka noqdo degaanka laga talo-geliyo. Filonardi ayaa wuxuu ninkan ka doonayay in uu kala shaqeeyo geedi-socodka
uu ku doonayo in uu ku hanto Banaadir, sidaa darteed
buusan dheg u raaricin dareenkii Soomaalida iyo digniintii
Fiqi Caddow.
Filonardi oo tan iyo markaas aanan marna hakad gelin howlaha la
xiriira mashruuciisa gumaysi-doonka ah, ayaa wuxuu
la xiriiray ninka la yiraado Edoardo Incoronato. Ninkani wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay markab weyn
oo kuwa dagaalka ah ee uu Talyaanigu lahaa. Markabkaas
oo la oran jiray Staffetta ayaa wuxuu ku sugnaa Sensibaar.
Filonardi wuxuu ninkan ka doonayay in uu la dejiyo qorshaha ay ku
baxayaan.
Filonardi, intuusan u soo ambabixin Banaadir, wuxuu diyaariyay qoraallo
uu ugu talo-galay in uu ku maamulo degaanka. Sidii
gobolka Juba ayuu Filonardi ku caddeeyay qoraaladiisaas in maamulkiisu xaq u leeyahay
in uu la wareego dhamaan dhulka bannaan oo aanan cidna
lahayn. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay dhulka hantida
dabiiciga ah leh sida dhulka beeraha ku wanaagsan
iyo dhulka dhirta waaweyn ee dhuxusha laga shito.
Waxaa kale oo uu tilmaamay dhulka
macdanta iyo cusbada leh. Dhulalkaas ayaa si looga
shaqeysto, sida uu Filonardi qoray, wuxuu ku xiray ruqsad laga haysto maamulka.
Si uu Soomaalida
u raali-geliyo, caadifaddoodana u soo jiito ayuu Filonardi qodobka VI-aad ee qoraalkiisa
ku xusay in uu degaanka ku dhaqayo shareecadda diinta
Islaamka.
Isaga oo ilaalinaya
heshiiskii lagu gaaray Baljam ayuu wuxuu reebay ganacsiga
addoomada iyo hubka (qoryaha iyo rasaasta). Sidaa
darteed wuxuu xusay in dhamaan doonyaha ku soo xiranaya
dekadaha Banaadir ay oggolaansho ka heystaan maamulka.
Waxaa kale oo qoraalkiisaas ku xusnaa inta ay le´egtahay
cashuurta laga qaadayo waxyaabaha laga dhoofinayo
dekadaha iyo waxa laga soo dejinayo. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 39 - 43).
5/ 10- 1893-kii
waxay ahayd taariikhda uu Filonardi u doortay socdaalkiisii rasmiga ahaa ee uu ku iman lahaa
Banaadir. Isaga oo la socda Staffetta ayuu taariikhdaas aanu soo xusnay ka soo degay degmada Baraawe
oo uu horay si dadban maamulkeedii ula wareegay. Degmadan
ayaa dadka ku nool waxay ahaayeen kuwo aanan culays
u arag imaatinka Talyaaniga.
7/ 10- 1893-kii,
hoggaamiyihii ciidamadii markabka Edoardo Incoronato ayaa arah u diray dhulka baadiyaha ah ee ka tirsan degmada,
iyada oo ujeeddadu tahay in la soo indha-indheeyo.
Arahda waxaa kamid ahaa Cap. Ugo Ferrandi
oo ganacsade dal-mareen ah iyo Leuit. Maurizzio Talmone oo ahaa takhtarkii
markabka. Waxaa weheliyay ciidan dhan 30 askari
oo kamid ahaa ciidamadii waaligii Baraawe iyo 10 nin
oo lababa ay ka socotay beel kamid ah shan beelood
oo reer Baraawe ah. Arahdan oo ku socdaashay
waddada magaalada ka baxda ee aadda Baardheere ayaa
muddo toban saacadood ah lugeynayay. Ogaallada ay
heleen ayaa waxay isugu jireen kuwo soo dhoweyn
iyo khatarba lahaa. Arrinta dareenka gelisay, madaxdii
arahda, oo si gaar ah qiimo ugu lahayd mashruucoodii
gumeysi ayaa waxay ahayd raggii Soomaaliyeed oo ay
baadiyaha kula kulmeen oo dhamaantood ku hubeysnaa
qalab dagaal. Taas oo kamid ah hiddo-nololeedka ay
leeyihiin xoolo-dhaqatadeena ayaa waxay ahayd arrin
ku cusbayd raggii gumeysi-doonka ah ahaa. Waxay halkaas
ka akhristeen arrin ka duwan fudeydkii ay sugayeen
in ay dalka ku maamulaan. Waxaa kale oo ay soo arkeen
dhulka beeraha ku wanaagsan oo goofafka ah, kuwaas
oo lagu waraabinayay biyaha kanallada ku socda oo
laga soo leexiyay webiga Shabeelle.
Soo dhoweyn ka muuqatay wejiyadii dadkii ay la kulmeen
ayaa waxaa wax ka tilmaamay Leuit. M. Talmone. Qoraal
uu socdaalkan ka diyaariyay ayuu wuxuu ku qoray sidan
:
" Xasilloonida maamulkayaga
Banaadir, xataa haddii hodantooyada aan aamin sanahay
awooddeeda uusan helin natiijo si deg-deg ah looga
miro dhaliyo, ................ Taasi noqon meyso arrin
aanan inoo soo jiidin in aanu ahaano horseedayaal
meel haboon u diyaarinaya facaha danbe ee Talyaaniga
iyo aayahooda. Halkaas oo noqon doonta meel ay ku
soo qul-qulaan dadkayaga iyo wax soo saarkayaga
". (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 45. Laga soo xigtay Brave to Commander of
Staffetta. October 9. 1892. Libro Verde. Doc. 81. anex.
Pp. 178-80 ).
Rajadii wanaagsanayd
oo xiddigle Talmone ka qaaday booqashadii Baraawe
ma noqon mid hesha cimri dheer oo ay ku raagto. Sarkaalkan
ayaa markii uu qoraalkiisii dhameeyay, muddo 48 saacadood
ah dabadeed waxaa loo geystay dhaawacii uu la dhintay.
10/ 10- 1893-kii, isaga oo ka soo degay doon yar ayaa
meel xeebta magaalada Marka ah waxaa waran geliyay
nin dhallin-yar oo u dhashay beesha Biyamaal.
Ninkii wax dilay isla goobtii ayaa waxaa ku toogtay
askari carab ah. Dhacdadan oo aanan lahayn wax hor-dhac
u ahaa, ayaa waxay ahayd casharkii ugu horeeyay oo
uu Filonardi ku ogaaday in Soomaalidu ay iskala weyn-yihiin Talyaaniga.
Dabadeed wuxuu qaaday tallaabooyin cadaadis ah oo
uu bulshada ciqaab uga dhigayo. Wuxuu gacanta ka jaray
ninkii wax dilay isaga oo meyd ah, magaaladiina waa
uu xabadeeyay. Wuxuu waafaqay in ay magaalada ka howl-galaan
280 askari iyo 8 sarkaal oo calooshooda u shaqeystayaal
ah, kuwaas oo dhamaantood carab ahaa. Askartaas ayaa
waxay hoos imanayeen xarun uu lahaa waali cusub oo
uu degmada u magacaabay oo la oran jiray Suleymaan bin Xaamid.
Ma jirin cid u yeeratay iyo
cid xataa u baahnayd nimankan doolaaliska ah ee inoo
yimid. Iyagu maaheyn dad habow ah oo soo lumay, bal
waxay lahaayeen ujeeddo dheer oo ay ku ballameen in
ay facahooda danbe u gudbiyaan. Qorshahooda dhabta
ah ayaa waxaa inoo turjumay falalkii ay nagula kaceen
markii ay inaga itaalka roonaadeen. Soomaalidu maahayn
dad garasho ka arradnaa oo kasi waayey ujeeddada gumeysiga.
Inkasta oo laysugu tegay oo xoogag badan ay isu kaashadeen
hooshka dhulkooda, misana ayaan-darrada keliya oo
haysatay baa waxay ahayd maqnaanshaha maamul-dhexe
oo mideeya, sida maantaba inoo muuqata.
Sayid Maxamad Cabdaulle Xasan ayaa goor
danbe tilmaan wacan ka bixiyay, guud ahaan,
heerarka uu marayo geedi-socodka gumeysiga. Isaga
oo Soomaalida baraya ayuu gabeygiisii Dar-daaran wuxuu
ku tiriyay tixdan :
Marka hore dekaduhuu ku iman daawashiyo beene
Dalxiis in uu yahay idin latahay weydin
dagayaaye
Marka xiga dabkuu idin ka dhigi dumar
sidiisiiye
Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo
dhaafsada´e
Marka xiga dabaaqad
ayuu idin dareensiine
Marka xiga dushuu idin ka raran sida
dameeraaye