Maantii xigtay maalintii magaalada Marka lagu dilay Leuit. M. Talmone ayaa
ahayd markii ugu horaysay ee calan Talyaani la suray
dhul Soomaaliyeed. Taariikhdaas madow ee u bilaabatay
dadkayagii reer miyiga ahaa, waxay ku beegnayd 11/
10- 1893-kii. Magaalada Marka ayaa waxay ahayd degmada
nasiibka u yeelatay ayaan-darridaas. Waxaase dhacday
ninkii calanka surayay oo askari Talyaani ahaa in
lagu dilay goobtii uu calanka ka taagayay. Ninka wax
dilay oo ahaa nin Soomaaliyeed, una dhashay beesha
Biyamaal ayaa isla halkii isna lagu dilay. Vicenezo Filonardi, oo aanan horay
u qorshaysan in uu qaab dagaal ku qabsado degmooyinka
Soomaaliyeed ayaa wuxuu qaaday tallaabooyinkii ugu
horeeyey ee ciidameed. Odeyaal kamid ah duqeydii
beesha ayuu inta xir-xiray dabadeedna u dhoofiyay
Eriteeriya. Waxaa kale oo uu magaaladii la dhacay
madaafiic laga soo ridayay markabkii ahaa Staffetta dushiisa. (Italian Colonialism
in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 48
& The Collapse of the Somali State. A. M. I. Salwe,
1994. p. 18).
V. Filonardi,
isaga oo guddoomiye ka ah shirkad uu ku magacaabay
SocietaŽ Filonardi, ayuu isla bishii
oktoober 1893-kii soo gaaray Xamar. Waxaa
xusid mudan, qaabka shirkaduhu in ay ahaayeen hannaan
ay gumaystayaashu ka bilaabi jireen tallaabooyinka
ay ku hooshayeen ummadaha. Hantida shirkadduhu lahaayeena
waxay ahayd hantida dadka ay ku socodaan in
ay soo bililiqaystaan. Qof kasta oo saamiyada shirkadda
wax ku darsada (shakhsi ama dowlad), wuxuu qayb ka
heli jiray hantida ma-guurtada ah ee laga boobayo
dadkaasi loo socdo hadba kuwooda ayaan darrido haleesho.
Filonardi wuxuu haysatay heshiis ku eg saddex sano oo uu shirkadda
oday ka ahaanayo, taas oo laga soo ansaxiyay Sensibaar.
Magaalada Xamar ayaa waxay ahayd degmada ugu hilan
cuslayd degaanka, sidaas darteed ayuu Filonardi u doortay in ay magaalo-madax u noqoto maamulka degmooyinka
Soomaaliyeed ee uu gunnimada la damacsan yahay. Xilka
uu shirkadda u hayay waxaa u dheeraa isaga oo suldaankii
Sensibaar wakiil uga ahaa degaanka, isla markaasna
wuxuu ahaa nin ganacsade ah. Si fir-fircooni leh ayuu
u guda galay in uu habeeyo howlihii maamulka iyo kuwii
ganacsiga ee degaanka. Waxaase jiray caqabado saddex
ah oo V. Filonardi
u muuqdey, kuwaas oo xal u heliddooda ey ku xirneyd
guusha shirkadda. Waxey ahaayeen :
1.
Ganacsatada Carabta ah oo dekadaha Banaadir u arkayay in
ay yihiin isha dhaqaale
ee keliya oo ey heystaan.
2.
Xoolo-dhaqatad
Soomaaliyeed ee degaankoodu yahay baadiyaha Banaadir
iyo Juba, kuwaas oo arkayay
in suldaanka Sensibaar iyo Talyaani midkoodna uusan
xaq u lahayn in ay dhulkooda
ku heshiiyaan.
3.
Damaca boqorkii
Xabashida, kaas oo degaanka ka waday
olole ciidameed oo uu ku dhul fidsanayo. Dhulka Soomaaliduna
guud ahaan wuxuu kamid ahaa meelaha u tilmaanaa oo
uu Menelik damaca ka lahaa.
Commander Incoronato, oo la socday socdaalkii Filonardi, ayaa markuu Xamar gaaray, dowladdii Talyaaniga
u soo gudbiyay talooyin wax kuŽool ah oo ku saabsan
sidii ay u hooshi lahaayeen Soomaaliya, gaar ahaan
gobollada Juba iyo Banaadir. Wuxuu kula taliyey in
eeyan ku deg-degin in degmooyinka Soomaaliyeed ay
ka bilaabaan hab-maamul u muuqan kara qaab gumeysi,
isaga oo ku tilmaamay Soomaalidu dad jeceylka ay nolosha
u qabaan uu ka weyn yahay jaceylka ay dagaalka u qabaan
. Haddii uu dagaal bilowdona waxaa xayiraad ku imaneysaa
dhaqdhaqaaqa ganacsi oo Talyaanigu ka bilaabay degaanka.
Wuxuu tilmaamay laba arimood oo dib u dhac ku keenaya
howlaha Talyaanigu doonayo in uu ka bilaabo degaanka.
Waxay kala yihiin xiriir laŽaanta Talyaaniga iyo Soomaalida
reer miyiga ah, iyo colaadaha ka dhex aloosan beelaha
Soomaaliyeed dhexdooda. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay
in Soomaalidu ay ku mashquulsan yihiin colaad-beeleedyo
dhexdooda ah, taasina ay tahay mid hiilo u ah mashruuca
gumaysi-doonka ah ee Talyaanig. Ogaallada uu dhiibay
ninkani oo ku saabsan ganacsiga wuxuu ka xusay in
dhulka Soomaalidu uu yahay mid hodan ku ah xoolaha
nool iyo khudaarta ka baxda beeraha ku tallaalan daamanka
webiyada, sidaa darteed walxaha dalkan laga dhoofin
karo ay noqon karaan hilibka, xoolaha nool iyo khudaarta.
(Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 48-49).
Reer miyigii Soomaaliyeed ee ku noolaa baadiyaha Banaadir
ayaa markiiba dareensaday dhaqdhaqaaqan shisheeye
ee ku soo kordhay noloshii degaanka. Waxaa bilawday
kacaamo heer beeleed ah oo aanan isku xilli iyo isku
meel ka dhicin. Inkasta oo kacdoonkii beesha Biyamaal
uu ahaa midka uguna horeeyay uguna milgaha cuslaa,
misana kacdoomada teel-teelka ahaa oo reer miyigii
Soomaaliyeed ay kala hor yimaadeen maamulkii gumaysiga
iyo raggiisii waxaa laga xusi karaa kacdoonkii beesha
Gaaljecel ee uu hoggaaminayay Shiikh Xasan Barsane, kacdoonkii beesha
Wacdaan iyo kacdoonkii beesha Abgaal. Kacaamadaas
oo midba la xilli ahaa marka Talyaanigu gaaro degaanka
beeshu degan tahay, ayaa dhamaantood waxaa hoggaaminayay
rag culimo ah oo aqoon wanaagsan u lahaa culuumta
islaam-baradka. Reerka Biyamaal oo degaankoodu yahay
dhulka u dhexeeya Marka iyo Jamaame ayaa markiiba
bilaabay dhaqdhaqaaq mucaarad ku ah maamulkan cusub
ee ka abuurmay degaanka, gaar ahaan degmada Marka
oo Beeshu ey ku xoogan tahay. Dhallinyaradii beesha
ayaa waxay bilaabeen in ay xayiraad ku soo rogaan
dhamaan waddooyinka isku xira degmada iyo baadiyaha.
Taasi waxay joojisay raashinkii ay degmada ka
heli jirtay beeraha iyo xoolaha ay Soomaalidu baadiyaha
ku haysteen. Dabadeed Filonardi wuxuu bilaabay in uu magaalada ka quudiyo dhanka badda
oo maraakiib ayuu raashin ugu keeni jiray. (The Collapse of the Somali State. A. M. I. Salwe,
1994. p. 18).
Kacdoonkaas
hore ee reerka Biyamaal ayaa wuxuu ahaa mid aanan
si wanaagsan loo agaasimin, sidaa darteed ma noqon
mid dhaawac muuqda gaarsiiyay Talyaaniga. V. Filonardi, qudhiisu
maahayn nin diyaar u ahaa in uu dagaal culus la galo
beelaha Soomaaliyeed. Wuxuu sitay xoogaa hub fudud
ah oo uu Eriteeriya kala yimid, kuwaas oo muddo ugu
kaydsanaa bakhaarrada Sensibaar. Hubka culus oo uu
isku halaynayay wuxuu ahaa madaafiicda culus ee saarnaa
markabka Staffetta, kaas oo heshiisku ahaa in uu muddo afar bilood ah uu
soo joogo xeebaha Banaadir(sebtember 1893 - janaweri
1894). Haddii loo baahdona uu ka howl-galo.
Howlihii uu Filonardi ka qabay Banaadir waxaa kamid ahaa maamul uu ka dhisay degmooyinkii
Soomaaliyeed, kuwaas oo uu madax uga dhigay niman
Talyaani ah. Wuxuu dhisay
maxkamado uu masuul uga dhigay niman carab ah. Howlaha
uu qabtay waxaa ugu cuslaa dhismo gidaar oo uu magaalada
Xamar ku soo wareejiyay, cabsi uu ka qabay awgeed,
kacdoon kaga yimaada bulshooyinka beeralayda iyo kuwa
xoolo-dhaqatada ah ee Soomaaliyeed.
Maamul xumo dhaqaale darteed ayaa Filonardi iyo shirkaddiisii waxaa helay caqabado culus oo eeyan
ku tala gelin. Gadoodka beesha Biyamaal ayaa iyana
culaab kale ahayd oo hor is-taagtay mashruucii shirkadda.
Sidaa darteed wuxuu taageero uga baahday dowladdiisii.
Wuxuu u diray farriin uu kaga codsanayo in mar kale
wada-hadal lala yeesho suldaankii Sensibaar oo laga
codsado in heshiiskii lala dhigtay wax laga beddelo
si dhaqaalaha kirada ah oo suldaanka lagula heshiiyay
uu wax u dhimo. Heshiiskaa hore ayaa wuxuu dhigayay
in suldaanka sanad walba la siiyo dul-saar gaaraya
60 % faaŽiidada laga helo dekadaha Soomaaliyeed. RaŽiisul-wasaarihii
Talyaaniga ayaa, howlaha ka socda Banaadir, u arkay
talo qardajeex ah oo Filonardi uu horseede ka yahay, taas oo aanan natiijo wanaagsan
laga filayn. Taasi waxay ka dambaysay war-bixin uu
raŽiisul wasaaruhu helay ee ku saabsan maamul-xumida
Filonardi. Sidaa darteed waa uu diiday in uu yeelo codsigii Filonardi. Wuxuuna tilmaamay in heshiiska lala galay suldaanka Sensibaar
uu yahay mid mudan in la xaq-dhowro. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 49. Laga soo xigtay Filonardi Report nr. 221.
Zenzibar. December 31. 1893).
Dowladda Talyaaniga, markeedii hore waxay ugu deeqdey shirkaddii
Filonardi 300.000 oo liiraha Talyaaniga
ah. Heshiiska ay la dhigatay shirkadda waxaa kamid
ahaa in ay dowladda u soo celiso kharaj lix
biloodle ah oo dhan 160.000 oo liiro. Taasina shirkaddii
waa ay awoodi weyday. Filonardi wuxuu filayay in uu taageero ka helo hantiilayaasha Talyaaniga
ah oo ay saamiyada shirkadda qeyb xoog leh ka qaataan,
iyaduna daah baa helay. Waxaase
dhacday in cimrigii shirkadda uusan noqon mid raaga.
Sababtu waxay ahayd eedeyn madaxdii shirkadda kaga
timid dhanka dowladda Talyaaniga. Maamul-xumida
lagu eedeeyay Filonardi waxaa kamid ahaa kharajka
badan ee uu geliyay gidaarka uu Xamar ka dhisay. Arrimaha
musuq-maasuqa ahna waxaa ugu waynaa laaluush uu hantidii
shirkadda ka bixiyay, kuwaas oo uu sii yay qaar amid
ah madaxdii dowladda Talyaaniga. Ujeeddada uu ka lahaa
ayaa waxay ahayd in madaxdaasi ay gacan ka geystaan
socodsiinta howlaha la xiriira shirkadda. Sidaa
darteed ayaa shirkaddii waxay awood u weyday in ay
bixiso dhaqaalihii lagu lahaa. Waxaa xusid mudan qunsulkii
markaas Talyaaniga u fadhiyay Sensibaar Antonio Ceechi, in qudhiisu
uu raad ku lahaa kalsooni-xumida ka dhex abuurantay
madixii shirkadda iyo dowladdii Talyaaniga.
Shirkaddii waxaa loo diiday qoryo dhowr boqol ahaa oo Sensibaar
yiilay, kuwaas oo horay loogu ballan qaaday. Markabkii
Staffetta ayaa isna markii ay u dhamaatay muddadiisii, ka baxay xeebaha
Banaadir. Bishii abriil, 1894-kii, inteeyan bilowmin
bad-xiranka, xafiisyadii shirkadda irridaha ayaa loo
xiray. Shaqaalihii Talyaaniga ahaa, Sensibaar ayay
u wareegeen. Askartii carabta
ahayd ee u shaqaynayay shirkadda, xataa waxaa loo
waayay qoryo ay isku difaacaan. Dabadeed Filonardi, wuxuu ku dadaalay in dowladdiisa uu
qanciyo si ay u taakulayso shirkadda. Wuxuu tallaabadan
ku tilmaamay mid dadka iyo dowladda Talyaaniga u keeni
karta magac-xumi. Qoraal cabasho ah oo uu u diray
dowladdiisii ayuu sidan u qoray:
" U faaŽiidaynta dhulka aabe darteed, shirkad ka howl-gashay
dhul aad u ballaaran, maahan mid noolaan karta, haddii
eeyan gacan ka helin dowladda. Fudeydka (qormada)
iyo hadafka laga leeyahay heshiiska oo ah mid ballaaran
oo qallafsan ayaa si aad ah u muujinaya in shirkaddu
ay sheegto in ay ku khasban tahay i dowladdu ay la
shaqayso. Wadda kale ma jirto. Heshiiska dhex-maray
shirkadda iyo dowladda, haddaanan loo garan sidaas
oo ifaysa, taasi waxay horseedaysaa in dowladdu ay
ka aragti qaadato sabool taag-daran oo aanan lahayn
maskax caafimaad qabta ". (Ex-Italian
Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1969. p. 54).
Dowladdii Talyaaniga, dheg uma raaricin cabashadii Filonardi. Dowladdii Ingiriiska oo arintan la socotay ayaa qoraal u
dirtay Talyaaniga ay ku waydiinayso in ay ku tala
jiraan in ay isaga baxaan Banaadir. Qoraalkaas dabadiis,
muddo laba toddobaad ah ayaa Talyaanigii waxay u magacaabeen
degaanka Banaadir qunsulkoodii fadhiyay Sensibaar
Antonio Ceechi. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 50).
Antonio Ceechi
oo horay u ahaa ninka ay dowladdu u dirtay in uu daba-gal
ku sameeyo howlaha shirkadda ayaa markii uu la wareegay
masuuliyaddii shirkadda ka beddelay magacii oo ku
magacaabay Sociata Anonima Commerciale Italiana del Benadir.
Isla markaas Filonardi waxaa la gaarsiiyay in uu
maamulka shirkadda madax ka ahaado si looga faaŽiidaysto
khibraddiisa. Mushaharka loo ballan qaaday ayaa wuxuu
ahaa 30.000 oo liiro sananadkii. Waxaa kale oo jiray
ganacsade Talyaani ah oo xagga dowladda laga soo magacaabay
in uu kamid noqdo howl-wadeennada shirkadda. Ninkaas
oo magaciisa la yiraahdo ayaa Giacoma Trevis
ayaa wuxuu degaan u doortay magaalada Baraawe.
Dhan
kale dowladda Talyaanigu, waxay xilligaas isu diyaariaysay
duulaankii ay ku qaaday Xabashida ee la magac baxay
Cadawa. Dowladda ayaa u baahnayd dhaqaale
badan oo ay ku bixiso mashruucii dagaalkaas. Xilligaas
Talyaanigu ma uusan haysan dhaqaale ku filan howlaha
dowladeed ee dalka gudihiisa. Sidaa darteed ayaa Barlamaanka
waxaa ka dhici jiray doodo culus oo ay siyaasiyiintu
isku dhaafsanayeen aragtidooda. Qoraallada ii soo
diro General General
Oreste Baratieri, oo
ahaa hoggaamiyihii maamulkii Ereteeriya, ayaa waxay
ahaayeen kuwo barlamaanka laga akhriyo. Ugu danbayntii,
jananka waxaa loo ansixiyay in la siiyo taakulaynta
uu u baahan yahay idaylkeed.
Ogow
oo waa raggaas iyo jaalkood kuwa ina gumeeyay fac
hore iyo fac danbe. Waa kuwaas kuwa aasay magaca iyo
maamuuskii ummadeed ee lagu yiqiin awoowayaashii hore
ee Soomaaliyeed. Waa kuwaas kuwa tallaalay ragaadka
taariikheed ee umaddayadu la kici laŽdahay. Waa kuwaas
.....