Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXXII-aad

Maantii xigtay maalintii magaalada Marka lagu dilay Leuit. M. Talmone ayaa ahayd markii ugu horaysay ee calan Talyaani la suray dhul Soomaaliyeed. Taariikhdaas madow ee u bilaabatay dadkayagii reer miyiga ahaa, waxay ku beegnayd 11/ 10- 1893-kii. Magaalada Marka ayaa waxay ahayd degmada nasiibka u yeelatay ayaan-darridaas. Waxaase dhacday ninkii calanka surayay oo askari Talyaani ahaa in lagu dilay goobtii uu calanka ka taagayay. Ninka wax dilay oo ahaa nin Soomaaliyeed, una dhashay beesha Biyamaal ayaa isla halkii isna lagu dilay. Vicenezo Filonardi, oo aanan horay u qorshaysan in uu qaab dagaal ku qabsado degmooyinka Soomaaliyeed ayaa wuxuu qaaday tallaabooyinkii ugu horeeyey ee  ciidameed. Odeyaal kamid ah duqeydii beesha ayuu inta xir-xiray dabadeedna u dhoofiyay Eriteeriya. Waxaa kale oo uu magaaladii la dhacay madaafiic laga soo ridayay markabkii ahaa Staffetta dushiisa. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.   48 & The Collapse of the Somali State. A. M. I. Salwe, 1994. p. 18).

V. Filonardi, isaga oo guddoomiye ka ah shirkad uu ku magacaabay SocietaŽ Filonardi, ayuu isla bishii oktoober   1893-kii soo gaaray Xamar. Waxaa xusid mudan, qaabka shirkaduhu in ay ahaayeen hannaan ay gumaystayaashu ka bilaabi jireen tallaabooyinka ay ku hooshayeen ummadaha. Hantida shirkadduhu lahaayeena waxay ahayd hantida  dadka ay ku socodaan in ay soo bililiqaystaan. Qof kasta oo saamiyada shirkadda wax ku darsada (shakhsi ama dowlad), wuxuu qayb ka heli jiray hantida ma-guurtada ah ee laga boobayo dadkaasi loo socdo hadba kuwooda ayaan darrido haleesho. Filonardi wuxuu haysatay heshiis ku eg saddex sano oo uu shirkadda oday ka ahaanayo, taas oo laga soo ansaxiyay Sensibaar. Magaalada Xamar ayaa waxay ahayd degmada ugu hilan cuslayd degaanka, sidaas darteed ayuu Filonardi u doortay in ay magaalo-madax u noqoto maamulka degmooyinka Soomaaliyeed ee uu gunnimada la damacsan yahay. Xilka uu shirkadda u hayay waxaa u dheeraa isaga oo suldaankii Sensibaar wakiil uga ahaa degaanka, isla markaasna wuxuu ahaa nin ganacsade ah. Si fir-fircooni leh ayuu u guda galay in uu habeeyo howlihii maamulka iyo kuwii ganacsiga ee degaanka. Waxaase jiray caqabado saddex ah oo V. Filonardi u muuqdey, kuwaas oo xal u heliddooda ey ku xirneyd guusha shirkadda. Waxey ahaayeen :

1.  Ganacsatada Carabta ah oo dekadaha Banaadir u arkayay in ay yihiin isha dhaqaale  ee keliya oo ey heystaan.

2.      Xoolo-dhaqatad Soomaaliyeed ee degaankoodu yahay baadiyaha Banaadir iyo Juba, kuwaas oo arkayay in suldaanka Sensibaar iyo Talyaani midkoodna uusan xaq u  lahayn in ay dhulkooda ku heshiiyaan.

3.      Damaca boqorkii Xabashida, kaas oo degaanka ka  waday olole ciidameed oo uu ku dhul fidsanayo. Dhulka Soomaaliduna guud ahaan wuxuu kamid ahaa meelaha u tilmaanaa oo uu Menelik damaca ka lahaa.

Commander Incoronato, oo la socday socdaalkii Filonardi, ayaa markuu Xamar gaaray, dowladdii Talyaaniga u soo gudbiyay talooyin wax kuŽool ah oo ku saabsan sidii ay u hooshi lahaayeen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Juba iyo Banaadir. Wuxuu kula taliyey in eeyan ku deg-degin in degmooyinka Soomaaliyeed ay ka bilaabaan hab-maamul  u muuqan kara qaab gumeysi, isaga oo ku tilmaamay Soomaalidu dad jeceylka ay nolosha u qabaan uu ka weyn yahay jaceylka ay dagaalka u qabaan . Haddii uu dagaal bilowdona waxaa xayiraad ku imaneysaa dhaqdhaqaaqa ganacsi oo Talyaanigu ka bilaabay degaanka. Wuxuu tilmaamay laba arimood oo dib u dhac ku keenaya howlaha Talyaanigu doonayo in uu ka bilaabo degaanka. Waxay kala yihiin xiriir laŽaanta Talyaaniga iyo Soomaalida reer miyiga ah, iyo colaadaha ka dhex aloosan beelaha Soomaaliyeed dhexdooda. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Soomaalidu ay ku mashquulsan yihiin colaad-beeleedyo dhexdooda ah, taasina ay tahay mid hiilo u ah mashruuca gumaysi-doonka ah ee Talyaanig. Ogaallada uu dhiibay ninkani oo ku saabsan ganacsiga wuxuu ka xusay in dhulka Soomaalidu uu yahay mid hodan ku ah xoolaha nool iyo khudaarta ka baxda beeraha ku tallaalan daamanka webiyada, sidaa darteed walxaha dalkan laga dhoofin karo ay noqon karaan hilibka, xoolaha nool iyo khudaarta. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 48-49).

 

Reer miyigii Soomaaliyeed ee ku noolaa baadiyaha Banaadir ayaa markiiba dareensaday dhaqdhaqaaqan shisheeye ee ku soo kordhay noloshii degaanka. Waxaa bilawday kacaamo heer beeleed ah oo aanan isku xilli iyo isku meel ka dhicin. Inkasta oo kacdoonkii beesha Biyamaal uu ahaa midka uguna horeeyay uguna milgaha cuslaa, misana kacdoomada teel-teelka ahaa oo reer miyigii Soomaaliyeed ay kala hor yimaadeen maamulkii gumaysiga iyo raggiisii waxaa laga xusi karaa kacdoonkii beesha Gaaljecel ee uu hoggaaminayay Shiikh Xasan Barsane, kacdoonkii beesha Wacdaan iyo kacdoonkii beesha Abgaal. Kacaamadaas oo midba la xilli ahaa marka Talyaanigu gaaro degaanka beeshu degan tahay, ayaa dhamaantood waxaa hoggaaminayay rag culimo ah oo aqoon wanaagsan u lahaa culuumta islaam-baradka. Reerka Biyamaal oo degaankoodu yahay dhulka u dhexeeya Marka iyo Jamaame ayaa markiiba bilaabay dhaqdhaqaaq mucaarad ku ah maamulkan cusub ee ka abuurmay degaanka, gaar ahaan degmada Marka oo Beeshu ey ku xoogan tahay. Dhallinyaradii beesha ayaa waxay bilaabeen in ay xayiraad ku soo rogaan dhamaan waddooyinka isku xira degmada iyo baadiyaha. Taasi waxay joojisay  raashinkii ay degmada ka heli jirtay beeraha iyo xoolaha ay Soomaalidu baadiyaha ku haysteen. Dabadeed Filonardi wuxuu bilaabay in uu magaalada ka quudiyo dhanka badda oo maraakiib ayuu raashin ugu keeni jiray. (The Collapse of the Somali State. A. M. I. Salwe, 1994. p. 18).

 

Kacdoonkaas hore ee reerka Biyamaal ayaa wuxuu ahaa mid aanan si wanaagsan loo agaasimin, sidaa darteed ma noqon mid dhaawac muuqda gaarsiiyay Talyaaniga.  V. Filonardi, qudhiisu maahayn nin diyaar u ahaa in uu dagaal culus la galo beelaha Soomaaliyeed. Wuxuu sitay xoogaa hub fudud ah oo uu Eriteeriya kala yimid, kuwaas oo muddo ugu kaydsanaa bakhaarrada Sensibaar. Hubka culus oo uu isku halaynayay wuxuu ahaa madaafiicda culus ee saarnaa markabka Staffetta, kaas oo heshiisku ahaa in uu muddo afar bilood ah uu soo joogo xeebaha Banaadir(sebtember 1893 - janaweri 1894). Haddii loo baahdona uu ka howl-galo. Howlihii uu  Filonardi ka qabay Banaadir waxaa kamid ahaa maamul uu ka dhisay degmooyinkii Soomaaliyeed, kuwaas oo uu madax uga dhigay niman Talyaani ah. Wuxuu dhisay maxkamado uu masuul uga dhigay niman carab ah. Howlaha uu qabtay waxaa ugu cuslaa dhismo gidaar oo uu magaalada Xamar ku soo wareejiyay, cabsi uu ka qabay awgeed, kacdoon kaga yimaada bulshooyinka beeralayda iyo kuwa xoolo-dhaqatada ah ee Soomaaliyeed.

 

Maamul xumo dhaqaale darteed ayaa Filonardi iyo shirkaddiisii waxaa helay caqabado culus oo eeyan  ku tala gelin. Gadoodka beesha Biyamaal ayaa iyana culaab kale ahayd oo hor is-taagtay mashruucii shirkadda. Sidaa darteed wuxuu taageero uga baahday dowladdiisii. Wuxuu u diray farriin uu kaga codsanayo in mar kale wada-hadal lala yeesho suldaankii Sensibaar oo laga codsado in heshiiskii lala dhigtay wax laga beddelo si dhaqaalaha kirada ah oo suldaanka lagula heshiiyay uu wax u dhimo. Heshiiskaa hore ayaa wuxuu dhigayay in suldaanka sanad walba la siiyo dul-saar gaaraya 60 % faaŽiidada laga helo dekadaha Soomaaliyeed. RaŽiisul-wasaarihii Talyaaniga ayaa, howlaha ka socda Banaadir, u arkay talo qardajeex ah oo Filonardi uu horseede ka yahay, taas oo aanan natiijo wanaagsan laga filayn. Taasi waxay ka dambaysay war-bixin uu raŽiisul wasaaruhu helay ee ku saabsan maamul-xumida Filonardi. Sidaa darteed waa uu diiday in uu yeelo codsigii Filonardi. Wuxuuna tilmaamay in heshiiska lala galay suldaanka Sensibaar uu yahay mid mudan in la xaq-dhowro. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 49. Laga soo xigtay Filonardi Report nr. 221. Zenzibar. December 31. 1893).

Dowladda Talyaaniga, markeedii hore waxay ugu deeqdey shirkaddii Filonardi 300.000 oo liiraha Talyaaniga ah. Heshiiska ay la dhigatay shirkadda waxaa kamid ahaa in ay  dowladda u soo celiso kharaj lix biloodle ah oo dhan 160.000 oo liiro. Taasina shirkaddii waa ay awoodi weyday. Filonardi wuxuu filayay in uu taageero ka helo hantiilayaasha Talyaaniga ah oo ay saamiyada shirkadda qeyb xoog leh ka qaataan, iyaduna daah baa helay. Waxaase dhacday in cimrigii shirkadda uusan noqon mid raaga. Sababtu waxay ahayd eedeyn madaxdii shirkadda kaga timid dhanka dowladda Talyaaniga. Maamul-xumida lagu eedeeyay Filonardi waxaa kamid ahaa kharajka badan ee uu geliyay gidaarka uu Xamar ka dhisay. Arrimaha musuq-maasuqa ahna waxaa ugu waynaa laaluush uu hantidii shirkadda ka bixiyay, kuwaas oo uu sii yay qaar amid ah madaxdii dowladda Talyaaniga. Ujeeddada uu ka lahaa ayaa waxay ahayd in madaxdaasi ay gacan ka geystaan socodsiinta  howlaha la xiriira shirkadda. Sidaa darteed ayaa shirkaddii waxay awood u weyday in ay bixiso dhaqaalihii lagu lahaa. Waxaa xusid mudan qunsulkii markaas Talyaaniga u fadhiyay Sensibaar Antonio Ceechi, in qudhiisu uu raad ku lahaa kalsooni-xumida ka dhex abuurantay madixii shirkadda iyo dowladdii Talyaaniga.

 

Shirkaddii waxaa loo diiday qoryo dhowr boqol ahaa oo Sensibaar yiilay, kuwaas oo horay loogu ballan qaaday. Markabkii Staffetta ayaa isna markii ay u dhamaatay muddadiisii, ka baxay xeebaha Banaadir. Bishii abriil, 1894-kii, inteeyan bilowmin bad-xiranka, xafiisyadii shirkadda irridaha ayaa loo xiray. Shaqaalihii Talyaaniga ahaa, Sensibaar ayay u wareegeen. Askartii carabta ahayd ee u shaqaynayay shirkadda, xataa waxaa loo waayay qoryo ay isku difaacaan. Dabadeed Filonardi, wuxuu ku dadaalay in dowladdiisa uu qanciyo si ay u taakulayso shirkadda. Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid dadka iyo dowladda Talyaaniga u keeni karta magac-xumi. Qoraal cabasho ah oo uu u diray dowladdiisii ayuu sidan u qoray:

" U faaŽiidaynta dhulka aabe darteed, shirkad ka howl-gashay dhul aad u ballaaran, maahan mid noolaan karta, haddii eeyan gacan ka helin dowladda. Fudeydka (qormada) iyo hadafka laga leeyahay heshiiska oo ah mid ballaaran oo qallafsan ayaa si aad ah u muujinaya in shirkaddu ay sheegto in ay ku khasban tahay i dowladdu ay la shaqayso. Wadda kale ma jirto. Heshiiska dhex-maray shirkadda iyo dowladda, haddaanan loo garan sidaas oo ifaysa, taasi waxay horseedaysaa in dowladdu ay ka aragti qaadato sabool taag-daran oo aanan lahayn maskax caafimaad qabta ". (Ex-Italian Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1969. p. 54).

 

Dowladdii Talyaaniga, dheg uma raaricin cabashadii Filonardi. Dowladdii Ingiriiska oo arintan la socotay ayaa qoraal u dirtay Talyaaniga ay ku waydiinayso in ay ku tala jiraan in ay isaga baxaan Banaadir. Qoraalkaas dabadiis, muddo laba toddobaad ah ayaa Talyaanigii waxay u magacaabeen degaanka Banaadir qunsulkoodii fadhiyay Sensibaar Antonio Ceechi. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 50).

 

Antonio Ceechi oo horay u ahaa ninka ay dowladdu u dirtay in uu daba-gal ku sameeyo howlaha shirkadda ayaa markii uu la wareegay masuuliyaddii shirkadda ka beddelay magacii oo ku magacaabay Sociata Anonima Commerciale Italiana del Benadir. Isla markaas Filonardi waxaa la gaarsiiyay in uu maamulka shirkadda madax ka ahaado si looga faaŽiidaysto khibraddiisa. Mushaharka loo ballan qaaday ayaa wuxuu ahaa 30.000 oo liiro sananadkii. Waxaa kale oo jiray  ganacsade Talyaani ah oo xagga dowladda laga soo magacaabay in uu kamid noqdo howl-wadeennada shirkadda. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo ayaa Giacoma Trevis ayaa wuxuu degaan u doortay magaalada Baraawe.

 

Dhan kale dowladda Talyaanigu, waxay xilligaas isu diyaariaysay duulaankii ay ku qaaday Xabashida ee la magac baxay Cadawa. Dowladda ayaa u baahnayd dhaqaale badan oo ay ku bixiso mashruucii dagaalkaas. Xilligaas Talyaanigu ma uusan haysan dhaqaale ku filan howlaha dowladeed ee dalka gudihiisa. Sidaa darteed ayaa Barlamaanka waxaa ka dhici jiray doodo culus oo ay siyaasiyiintu isku dhaafsanayeen aragtidooda. Qoraallada ii soo diro General General Oreste Baratieri, oo ahaa hoggaamiyihii maamulkii Ereteeriya, ayaa waxay ahaayeen kuwo barlamaanka laga akhriyo. Ugu danbayntii, jananka waxaa loo ansixiyay in la siiyo taakulaynta uu u baahan yahay idaylkeed.

Ogow oo waa raggaas iyo jaalkood kuwa ina gumeeyay fac hore iyo fac danbe. Waa kuwaas kuwa aasay magaca iyo maamuuskii ummadeed ee lagu yiqiin awoowayaashii hore ee Soomaaliyeed. Waa kuwaas kuwa tallaalay ragaadka taariikheed ee umaddayadu la kici laŽdahay. Waa kuwaas ..... 

 

Waa Socotaa...

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)



Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.