Bishii nofember 1895-kii, dowladdii Talyaaniga waxay
u yeertay qunsulkeedii Sensibaar Antonio Ceechi, si ay ugala xaajooto
arimaha ku saabsan maamulka gumeysi ee Banaadir. Qunslkan
ayaa markuu gaaray Talyaaniga, wuxuu socdaalkiisii
ka bilaabay degmada Milaano si uu u dhiiri-geliyo
hantiilayaasha diyaarka u ah in ay ka qayb-qaataan
saamiyada hore ee lagu khamaarayo, kuwaas oo
ay shirkadda ku fulinayso qaybaha hore ee mashruuca
ay ku hooshayeen dhulkii Soomaaliyeed. Shirarkii badnaa
ee uu ku qabtay magaalada Milaano ayaa waxaa ka dhashay
in A. Ceechi
la raaciyo siddeed nin oo kamid ah xubnihii saamilayda
ahaa. Ujeeddadu waxay ahayd in ay wax ka maamulaan
mashaariicda hooshka Banaadir. Hantiilayaasha degmada
Rooma ayaa ka gaabsaday arintan. Iyagu waxay doonayeen
in marka hore ay arkaan in dowladdu ay si xoog leh
faraha ula gasho howlaha ay ku gumeynayeen dadkayagii
ku noolaa gobolladaas. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 55-56).
15/ 4- 1896-kii, A. Ceechi wuxuu dhisay
shirkaddii la magac-baxday Sosieta Anonima Commerciale Italiana del
Benadir. Inkasta oo dowladdu ay qunsulka
ka codsatay in si nabadgelyo leh uu ku dabaalo dhismaha
maamulka Banaadir, misana dowladdu waxay ka gaabsatay
in ay dusha ka ilaaliso gabood-falka ay kula kacayaan
dadka ay gumaysanayaan. Sidaa darteed buusan maamulkan
ka arxan roonaan kuwa kale ee goballadeena wax ka
hooshayay ee isugu jiray Xabashi, Ingiriis iyo Faransiis.
Francesco Crispi oo
ahaa raŽiisul wasaarihii Talyaaniga muddadii u dhexeysay
1893- kii iyo 1896-kii ayaa wuxuu kamid ahaa
sababaha uu qunsul A. Ceechi ugu soo guuleystay socdaalkiisii. F. Crispi wuxuu ahaa nin qabay in uu siyaasadda Talyaaniga
ku soo kordhiyo is-beddel xagga dhaqaqalaha ah. Wuxuu
doonayay in uu wax weyn u qabto beeraleyda Talyaaniga
oo sababtooda ay la dhacday dowladdii isaga ka horeysay.
Sidaa darteed, meelaha istraateejiga ah oo uu Crispi isha ku hayay waxaa kamid ahaa dhulka ay
doonayeen in ay Soomaalida ka boobaan. Waxaa kale
oo iyana jiray laba markab oo kuwa wax bambeeya ah
oo ay dowladdu u ogolaatay in qunsulka la raaciyo
si ay uga howl-galaan xeebaha Soomaaliyeed. Maraakiibtaas
mid wuxuu ahaa Staffetta, kan kalena waxaa la oran jiray Volturno.
Waxaa xusid mudan, sanadkii
ka horeeyay sanadka aanu ka sheekeenayno (1895-kii),
in uu ku beegan yahay xilligii uu xajka u kacay halyeygii
weynaa, aabihihii qowmiyadda Soomaaliyeed, sidihii
calanak jihaadka, Sayid Maxamad Cabdulle Xasan. Isaga oo daŽdiisu tahay 30 jir ayaa
waxay xajka isu raaceen 13 nin oo ay kamid yihiin
laba abtiyaashiis ah oo lakala yiraahdo Xaaji
Aadan Seed iyo Obsiiye Seed.
Xilligaas waxaa toban sano ay ka soo wareegatay
fadhigii boobka ee Barliin. In badan oo goŽaamadii
fadhiga kamid ahna waa ay hirgaleen. Nadaamkii embriyaaliga
ahaa ee gumeysiga ayaa wuxuu taabtay ummadihii ku
noolaa qaaradaha Aasiya iyo Afrika, gaar ahaan dhulalkii
ay deganaayeen qowmiyadaha Islaamka ah. Sidaa darteed
ayaa xujayda iyo ardayda isugu yimaada xaramka, waxay
is-dhaafsan jireen wararka murugada leh oo tilmaamayay
xaaladaha ay ku sugan yihiin ummadahaas ayaan-darridu
heshay. Waxaa kale oo ay is-dhaafsan jireen sheekooyinka
xiisaha leh ee ku saabsan kacdoomadii lagu diidanaa
qorshayaasha gumeysiga oo ay hoggaaminayeen culimadii
dadyowgaas la boobayay. Waxaa kamid ahaa kacaamadii
ka socday aasiyada dhexe, kacdoonkii Bakistaan iyo
kacdoonkii Suudaan ee uu hoggaaminayay Mahdiga.
Waxaa kaloo jiray wadaad xaramka joogay oo la oran jiray
Shiikh Maxamad Saalax.
Wadaadkan oo ahaa ninka asaasey
dariiqada Saalixiyada, ayaa odey u ahaa dariiqada.
Sayid Maxamad
oo xaramka ku sugnaa muddo laba sanadood ah, ayaa
culimo uu kamid yahay Shiikh M. Saalax wuxuu
ka bartay jaadadka kala duwan ee culuumta Islaamka
iyo nadaamka dariiqada Saalixiyada. Waxaa kale oo
uu sheekooyin badan ka soo dhegeystay dhaqdhaqaaqii
caalamiga ahaa oo embriyaaliyaddu ay wax ku hooshayeen
iyo xoogaggii ka soo hor-jeeday. Kaddib shiikhu wuxuu
ku soo laabtay dalka, isaga oo aqoonta diiniga ah
ka sokow, xambaarsan aragti lagu diidan yahay gumeysiga.
Bilowgii bishii mey 1896-kii, qunsul A. Ceechi ayaa ku soo laabtay Xamar,
isaga oo guul siyaasadeed iyo mid dhaqaale sita. Wuxuu
waraaq u waday guddoomiyihii shirkadda V. Filonardo, ay ku
xusan tahay goorta uu xilka wareejin doono. Waraaqdaas
oo Ceechi uu gaarsiiyay guddoomiyaha 11/ 5- 1895-kii, waxaa ku qornaa
in Filonardo ay shaqada
kaga egtahay 15/ 7- 1895-ka.
Sanadkii 1896-kii, dhacdada ugu milgaha culus ee Talyaaniga
uu kala kulmay geeska Afrika ayaa waxay ahayd jabkii
ka qabsaday dagaalkii Cadowa. Dagaalkaas oo dhex maray ciidamadii
Talyaaniga ee fadhiyay Eriteeriya iyo kuwii
Xabashida ayaa wuxuu
ahaa natiijo ka dhalatay is maan-dhaaf ka yimid heshiiskii Uccialli oo ay labada maamul kala saxiixdeen 2/ 5- 1889.
Heshiiskaas
oo sida aanu soo xusnay qodobkiisa VII-aad ay labada
maamul midba si u fasirtay ayaa waxay dhalisay in
lakala gar qaadan waayo. Talyaanigu wuxuu doonayay
in uu qodobkaas ku khiyaano Xabashida oo uu oggoleysiiyo
in ay maxmiyad u noqdaan. Menelik, oo damaciisa gumeysi ka sokow ahaa nin waddani, ayaa
ka madax adaygay qorshihii Talyaanigu ka rabay. Boqorkan
ayaa xilligaas isu diyaarinayay in uu hanto talada
dhamaan dadyowga masiixiga ah ee Tigray iyo Amxaaro,
dabadeedna uu u tallaabo in uu wax ka hoosho qowmiyadaha
la deriska. Wuxuu diiday wax kasta oo hadiyad ah oo
uu Talyaanigu damcay in uu ku qanciyo. Ruushka iyo
Faransiiska oo iyagu kaalmo hagar laŽaan ah la garab
taagnaa boqortooyada Xabashida, ayaa hor is-taagay
fasirka uu Talyaanigu ka qaatay heshiiska. Dowladihii
Yurub intoodii kale waxay la aragti noqdeen Talyaaniga.
Taasi waxay hoos u dhigtay kalsoonidii dhex-tiil boqorkii
Xabashida Menelik II iyo boqorkii
Talyaaniga Umberto I, taas oo
jiitamaysay tan iyo sanadkii 1890-kii.
Waxaa dhacdadan ka horeeyay in sanadkii 1894, uu is-beddel
xoog leh ku yimid cimiladii siyaasadeed ee maamulkii
Menelik. Taasi waxay ka dambaysay
markii hoggaamiyayaal Xabashi iyo Tigray ah ay oggolaadeen
in ay si buuxda u hoos yimaadaan taliska boqor Menelik II. Waxaa
raggaas ugu weynaa Ras Mangashe oo ahaa
curadkii boqorkii Tigrayga ee la oran jiray Yohannes IV. Markaas ayuu Menelik qaatay naaneysta ah Negusa Nagast (boqorkii
boqorrada). Halkaas ayuu Menelik wuxuu ku helay awood uu ku soo ururin karo ciidamo gaaraya
200.000, kuwaas oo kala-bar in ka badan ay sitaan
hub casri ah.
Talyaaniga oo horey saaxiib
wanaagsan ay ahaayeen Xabashida, isla markaasna u fidiyay
tageero xoog leh oo hub ah ayaa wuxuu malaysan waayay
in Xabashidu diidaan dul-maamulkiisa. Sidaa
darteed dowladdii Talyaaniga, iyada oo iska indha
tiraysa xooga halkaas fadhiya, ayaa waxay guddoonsatay
in ay ku duusho Xabashida oo ay xoog ku qabsato. Amar
dowladda ka yimid ayuu General Oreste Baratieri
ku dhaqaaqay, isaga oo hoggaaminaya 25.000 oo isugu
jira Talyaani iyo Eriteeriyaan. Waxay qabsadeen saddex
degmo ee ku yaal waqooyiga Itoobiya Adigrat, Cadowa iyo Maqdalla. Dabadeed Menelik oo u habar-wacday qowmiyadihii uu u talinayay ayaa wuxuu
la soo baxay ciidan dhan 196.000. General O. Baratieri
ayaa dib u gurtay si uu u helo xoog uu dowladda ka
sugayay. Inkasta oo jananka uu helay taakulayn siyaado,
misana taasi ma-noqon mid ay kaga guulaystaan ciidamadii
Xabashida.
Dagaal weyn oo labada ciidan dhex-maray ayaa ka dhacay
agagaarka degmada Cadowa, 1/ 3-1896-kii, wuxuu
socday maalintaas labadeedii gelin. Natiijadii dagaalkaas
waxay noqotay in Talyaanigii la jebiyo. Waxaa laga
dilay ciidamo isugu jira 286 sarkaal iyo tiro
ku dhow 5.000 oo askari, kuwaas oo kala-bar
ay Talyaani ahaayeen. Tiro intaa ka
badan ayaa waxay ahaayeen wax la dhaawacay, wax la
waayey iyo wax maxaabiis ahaan loo qabsaday. Dhaawacaas
oo ah midkii ugu weynaa oo gumeysatadii reer Yurub
ay Afrika kala kulmaan ayaa Talyaanigii wuxuu ku reebay
khasaaro dhaqaale oo gaaraya 13.000.000 oo liiro.
Dagaalkaasi
siyaabo kala duwan ayuu raad ugu yeeshay geedi-socodkii
gumeysigii ku soo qul-qulayay geeska Afrika, gaar
ahaan Soomaaliya. Dhaawaca ciidamadoodii gaaray darteed
ayaa dagaalkii wuxuu caajis badan ku reebay mashruucii
gumeysi-doonka ahaa ee dowladda Talyaaniga ay ka wadday
geeska Afrika. Halka uu dar-dar iyo xowli-orod ku
kordhiyay barnaamijkii Xabashida.
Waxaa kale oo xusid mudan, in
Talyaaniga uu markiisii hore oo xiiso u hayay codsigii
ka yimid boqor Cismaan iyo suldaan Keynadiid ee ku saabsanaa in ay ka hor-tagaan dhaqdhaqaaqa
ciidameed ee uu Menelik ka waday dhulka Soomaalidu degaan,
isla markaasna ay ka kiciyaan degmada Harar, haddii
uu siiyo hub ay ku diriraan 50.000 oo nin. Dalabkii
codsigaas ayaa wuxuu la fashilmay qorshayaal gumeysi-doon
ahaa oo Talyaaniga kaga gubtay dagaalkii Cadowa. (Italian Colonialism in Somalia. Robert
L. Hess. 1966 p.126).
13/ 11- 1896-kii, ciidamo
Xabashi ah oo gaaraya 1000 ayaa waxay soo gaareen
degmada Luuq. Ciidamadan oo uu hoggaaminayay Dadjazmatch Wolde Gabre waxay degmada ugu yimaadeen ciidamo Talyaani
ah oo uu taliye u ahaa nin la yiraahdo Cap. Ugo Ferandi. Ciidankii Talyaaniga
ayaa ku sgnaaday xeryahoodii oo aanan muujin wax dhaqdhaqaaq
ah muddadii ay Xabashidu joogeen degaanka, sidaa darteed
ayaanay labada ciidan eeyan wax isu yeelin. Ciidamadii
Xabashida oo socodkoodii sii wata waxay u kaceen dhanka
bari iyo gobolka Bay. Faduul badan oo ay kula kaceen
dadkii Soomaaliyeed ee degaanka ku noolaa
ayaa waxay sababtay in beelihii Digil iyo Mirifle
ay sutida u qabtaan ciidamadan ku soo xad-gudbay.
Kaddib markii la naafeeyay Xabashidii ayay halkoodii
ku noqdeen. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p.63).
Dowladddii Talyaaniga oo ku qanacday jabka ka soo gaaray
Cadowa ayaa waxay ku deg-degtay wada-hadal
heshiis nabadeed oo ay la yeelato Xabashida. Talyaamigu
wuxuu u baqay in Eriteeriya ay gacantiisa ka
baxdo oo ay Xabashidu la wareegaan. Arintaas ayaa
sababtay heshiis nabadeed oo ay labada dal kala saxiixdeen
dabayaaqadii sandka.
Bishii nofember 1895-kii waxaa soo cusboonaaday colaaddii
Talyaaniga iyo beesha Biyamaal. Taasi waxay ka dambeysay
dil loo geystay qaar kamid ah shaqaalihii Talyaaniga.
Ragga la dilay waxaa u weynaa Giacoma Trevis oo ahaa ganacsade kamid ah masuuliinta
shirkadda. Talyaanigii, oo sida u caado ahayd, bilaabay
in uu ka aarsado dadkii rayidka ahaa, ayaa sababtay
in magaaladii Marka ay markale noqoto gol colaadeed.
Is ugaarsi iyo aarsi ka dhex-bilowmay shaqaalihii
Talyaaniga iyo beesha Biyamaal ayaa muddo sanad ah
socotay, taas oo ku danbeysay in dilo qonsulkii Talyaaniga
Antonio Ceechi.
Talyaanigu
wuxuu in muddo ah ku haminayay in maamulkiisa uu gaarsiiyo
dhulka gudaha ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaan tuulooyinka
ay ka taliyeen beesha Gelledi oo ahaa seyladaha u
dhexeeya ganacsiga dhulka gudaha ah iyo degmooyinka
xeebaha ku yaal ee Banaadir. Iyada oo la baadi-goobayo
arintan, ayaa arah ballaaran oo laga soo ansixiyay
xagga dowladda Talyaaniga waxay bilawday in ay ka
baxdo Xamar 25-kii bishii nofember 1896-kii. Arahda
oo uu hoggaaminayay qunsul A. Ceechi, waxaa weheliyay Commander Ferdinando Maffei oo ahaa hoggaamiyihii Staffetta iyo Commander Francesco Mangiardin oo isna ahaa hoggaamiyihii Volturno. Waxaa kale oo la socday 14
nin oo badankoodu ahaayeen saraakiishii labada markab.
Raggaas oo si xoogan u hubysnaa, waxaa weheliyay 70
askari oo ilaaladooda ahayd.
Kaddib markii uu gabalkii dhacay, arahdii
waxay ku furteen meel Xamar u jirta 12 mail. Goor ay fiidkii tahay waxaa
helay weerar ay garan-waayeen cidda ka dambeysay.
Inkasta oo ay iska caabiyeen, misana habeenkaas waxaa
ay seexdeen iyaga oo ka shaki ka qaba colka soo weeraray,
Xabashi iyo Soomaali cidda ay yihiin. Shakiga ay arahdu
habeenkaas la seexdeen ma noqon mid raaga. Subaxnimadii
ay bishu ahayd 26/ 11- 1896-kii, iyaga oo isu diyaariyay
in ay dhaqaaqaan, ayaa si kedis ah lagu soo weeraray.
Marakanse
weerarku waa uu ka habeysnaa kii hore. Muddo daqiiqado
ah ayaa waxaa lagu laayay 14 kamid ah xubnihii arahda,
kuwaas oo ay kamid ahaayeen qunslkii A. Ceechi iyo madaxdii labada markab. Askartiina
waxay noqdeen wax la laayo iyo wax carara. Lafihii
dadkaa la laayey oo muddo warnaa dhulka ayaa sababay
in degaankii loogu magac-daro Lafoole. Waana meesha
ay inooga dhisnayd, waageynu aadamiga u ekeyn,
kuliyaddii ay macallimiinta inooga soo qalin-jebin
jireen.
Saadiq
Enow