Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXXIII-aad

Bishii nofember 1895-kii, dowladdii Talyaaniga waxay u yeertay qunsulkeedii Sensibaar Antonio Ceechi, si ay ugala xaajooto arimaha ku saabsan maamulka gumeysi ee Banaadir. Qunslkan ayaa markuu gaaray Talyaaniga, wuxuu socdaalkiisii ka bilaabay degmada Milaano si uu u dhiiri-geliyo hantiilayaasha diyaarka u ah in ay ka qayb-qaataan saamiyada hore ee lagu khamaarayo,  kuwaas oo ay shirkadda ku fulinayso qaybaha hore ee mashruuca ay ku hooshayeen dhulkii Soomaaliyeed. Shirarkii badnaa ee uu ku qabtay magaalada Milaano ayaa waxaa ka dhashay in A. Ceechi la raaciyo siddeed nin oo kamid ah xubnihii saamilayda ahaa. Ujeeddadu waxay ahayd in ay wax ka maamulaan mashaariicda hooshka Banaadir. Hantiilayaasha degmada Rooma ayaa ka gaabsaday arintan. Iyagu waxay doonayeen in marka hore ay arkaan in dowladdu ay si xoog leh faraha ula gasho howlaha ay ku gumeynayeen dadkayagii ku noolaa gobolladaas. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 55-56).

15/ 4- 1896-kii, A. Ceechi wuxuu dhisay shirkaddii la magac-baxday Sosieta Anonima Commerciale Italiana del Benadir. Inkasta oo dowladdu ay qunsulka ka codsatay in si nabadgelyo leh uu ku dabaalo dhismaha maamulka Banaadir, misana dowladdu waxay ka gaabsatay in ay dusha ka ilaaliso gabood-falka ay kula kacayaan dadka ay gumaysanayaan. Sidaa darteed buusan maamulkan ka arxan roonaan kuwa kale ee goballadeena wax ka hooshayay ee isugu jiray Xabashi, Ingiriis iyo Faransiis. 

 

Francesco Crispi oo ahaa raŽiisul wasaarihii Talyaaniga muddadii u dhexeysay 1893- kii  iyo 1896-kii ayaa wuxuu kamid ahaa sababaha uu qunsul A. Ceechi ugu soo guuleystay socdaalkiisii. F. Crispi wuxuu ahaa nin qabay in uu siyaasadda Talyaaniga ku soo kordhiyo is-beddel xagga dhaqaqalaha ah. Wuxuu doonayay in uu wax weyn u qabto beeraleyda Talyaaniga oo sababtooda ay la dhacday dowladdii isaga ka horeysay. Sidaa darteed, meelaha istraateejiga ah oo uu Crispi isha ku hayay waxaa kamid ahaa dhulka ay doonayeen in ay Soomaalida ka boobaan. Waxaa kale oo iyana jiray laba markab oo kuwa wax bambeeya ah oo ay dowladdu u ogolaatay in qunsulka la raaciyo si ay uga howl-galaan xeebaha Soomaaliyeed. Maraakiibtaas mid wuxuu ahaa Staffetta, kan kalena waxaa la oran jiray Volturno.

 

Waxaa xusid mudan, sanadkii ka horeeyay sanadka aanu ka sheekeenayno (1895-kii), in uu ku beegan yahay xilligii uu xajka u kacay halyeygii weynaa, aabihihii qowmiyadda Soomaaliyeed, sidihii calanak jihaadka, Sayid Maxamad Cabdulle Xasan. Isaga oo daŽdiisu tahay 30 jir ayaa waxay xajka isu raaceen 13 nin oo ay kamid yihiin laba abtiyaashiis ah oo lakala yiraahdo  Xaaji Aadan Seed iyo Obsiiye Seed.

 

Xilligaas waxaa toban sano ay ka soo wareegatay fadhigii boobka ee Barliin. In badan oo goŽaamadii fadhiga kamid ahna waa ay hirgaleen. Nadaamkii embriyaaliga ahaa ee gumeysiga ayaa wuxuu taabtay ummadihii ku noolaa qaaradaha Aasiya iyo Afrika, gaar ahaan dhulalkii ay deganaayeen qowmiyadaha Islaamka ah. Sidaa darteed ayaa xujayda iyo ardayda isugu yimaada xaramka, waxay is-dhaafsan jireen wararka murugada leh oo tilmaamayay xaaladaha ay ku sugan yihiin ummadahaas ayaan-darridu heshay. Waxaa kale oo ay is-dhaafsan jireen sheekooyinka xiisaha leh ee ku saabsan kacdoomadii lagu diidanaa qorshayaasha gumeysiga oo ay hoggaaminayeen culimadii dadyowgaas la boobayay. Waxaa kamid ahaa kacaamadii ka socday aasiyada dhexe, kacdoonkii Bakistaan iyo kacdoonkii Suudaan ee uu hoggaaminayay Mahdiga.

Waxaa kaloo jiray wadaad xaramka joogay oo la oran jiray Shiikh Maxamad Saalax. Wadaadkan oo ahaa ninka asaasey dariiqada Saalixiyada, ayaa odey u ahaa dariiqada. Sayid Maxamad oo xaramka ku sugnaa muddo laba sanadood ah, ayaa culimo uu kamid yahay Shiikh M. Saalax  wuxuu ka bartay jaadadka kala duwan ee culuumta Islaamka iyo nadaamka dariiqada Saalixiyada. Waxaa kale oo uu sheekooyin badan ka soo dhegeystay dhaqdhaqaaqii caalamiga ahaa oo embriyaaliyaddu ay wax ku hooshayeen iyo xoogaggii ka soo hor-jeeday. Kaddib shiikhu wuxuu ku soo laabtay dalka, isaga oo aqoonta diiniga ah ka sokow, xambaarsan aragti lagu diidan yahay gumeysiga.

 

Bilowgii bishii mey 1896-kii, qunsul A. Ceechi ayaa ku soo laabtay Xamar, isaga oo guul siyaasadeed iyo mid dhaqaale sita. Wuxuu waraaq u waday guddoomiyihii shirkadda V. Filonardo, ay ku xusan tahay goorta uu xilka wareejin doono. Waraaqdaas oo Ceechi uu gaarsiiyay guddoomiyaha 11/ 5- 1895-kii, waxaa ku qornaa in Filonardo  ay shaqada kaga egtahay 15/ 7- 1895-ka.

Sanadkii 1896-kii, dhacdada ugu milgaha culus ee Talyaaniga uu kala kulmay geeska Afrika ayaa waxay ahayd jabkii ka qabsaday dagaalkii Cadowa. Dagaalkaas oo dhex maray ciidamadii Talyaaniga ee  fadhiyay Eriteeriya iyo kuwii Xabashida ayaa wuxuu ahaa natiijo ka dhalatay is maan-dhaaf ka yimid heshiiskii Uccialli oo ay labada maamul kala saxiixdeen 2/ 5- 1889.

 

Heshiiskaas oo sida aanu soo xusnay qodobkiisa VII-aad ay labada maamul midba si u fasirtay ayaa waxay dhalisay in  lakala gar qaadan waayo. Talyaanigu wuxuu doonayay in uu qodobkaas ku khiyaano Xabashida oo uu oggoleysiiyo in ay maxmiyad u noqdaan. Menelik, oo damaciisa gumeysi ka sokow ahaa nin waddani, ayaa ka madax adaygay qorshihii Talyaanigu ka rabay. Boqorkan ayaa xilligaas isu diyaarinayay in uu hanto talada dhamaan dadyowga masiixiga ah ee Tigray iyo Amxaaro, dabadeedna uu u tallaabo in uu wax ka hoosho qowmiyadaha la deriska. Wuxuu diiday wax kasta oo hadiyad ah oo uu Talyaanigu damcay in uu ku qanciyo. Ruushka iyo Faransiiska oo iyagu kaalmo hagar laŽaan ah la garab taagnaa boqortooyada Xabashida, ayaa hor is-taagay fasirka uu Talyaanigu ka qaatay heshiiska. Dowladihii Yurub intoodii kale waxay la aragti noqdeen Talyaaniga. Taasi waxay hoos u dhigtay kalsoonidii dhex-tiil boqorkii Xabashida Menelik II iyo boqorkii Talyaaniga Umberto I, taas oo jiitamaysay tan iyo sanadkii 1890-kii.

 

Waxaa dhacdadan ka horeeyay in sanadkii 1894, uu is-beddel xoog leh ku yimid cimiladii siyaasadeed ee maamulkii Menelik. Taasi waxay ka dambaysay markii hoggaamiyayaal Xabashi iyo Tigray ah ay oggolaadeen  in ay si buuxda u hoos yimaadaan taliska boqor Menelik II. Waxaa raggaas ugu weynaa Ras Mangashe oo ahaa curadkii boqorkii Tigrayga ee la oran jiray Yohannes IV. Markaas ayuu  Menelik qaatay naaneysta ah Negusa Nagast (boqorkii boqorrada). Halkaas ayuu Menelik wuxuu ku helay awood uu ku soo ururin karo ciidamo gaaraya 200.000, kuwaas oo kala-bar in ka badan ay sitaan hub casri ah.

Talyaaniga oo horey saaxiib wanaagsan ay ahaayeen Xabashida, isla markaasna u fidiyay tageero xoog leh oo hub ah ayaa wuxuu malaysan waayay in Xabashidu diidaan  dul-maamulkiisa. Sidaa darteed dowladdii Talyaaniga, iyada oo iska indha tiraysa xooga halkaas fadhiya, ayaa waxay guddoonsatay in ay ku duusho Xabashida oo ay xoog ku qabsato. Amar dowladda ka yimid ayuu General Oreste Baratieri ku dhaqaaqay, isaga oo hoggaaminaya 25.000 oo isugu jira Talyaani iyo Eriteeriyaan. Waxay qabsadeen saddex degmo ee ku yaal waqooyiga Itoobiya Adigrat, Cadowa iyo Maqdalla. Dabadeed Menelik oo u habar-wacday qowmiyadihii uu u talinayay ayaa wuxuu la soo baxay ciidan dhan 196.000. General O. Baratieri ayaa dib u gurtay si uu u helo xoog uu dowladda ka sugayay. Inkasta oo jananka uu helay taakulayn siyaado, misana taasi ma-noqon mid ay kaga guulaystaan ciidamadii Xabashida.

 

Dagaal weyn oo labada ciidan dhex-maray ayaa ka dhacay agagaarka degmada Cadowa,  1/ 3-1896-kii, wuxuu socday maalintaas labadeedii gelin. Natiijadii dagaalkaas waxay noqotay in Talyaanigii la jebiyo. Waxaa laga dilay ciidamo isugu jira 286 sarkaal iyo tiro  ku dhow  5.000 oo askari, kuwaas oo kala-bar ay Talyaani ahaayeen. Tiro intaa ka badan ayaa waxay ahaayeen wax la dhaawacay, wax la waayey iyo wax maxaabiis ahaan loo qabsaday. Dhaawacaas oo ah midkii ugu weynaa oo gumeysatadii reer Yurub ay Afrika kala kulmaan ayaa Talyaanigii wuxuu ku reebay khasaaro dhaqaale oo gaaraya 13.000.000 oo liiro.

 

Dagaalkaasi siyaabo kala duwan ayuu raad ugu yeeshay geedi-socodkii gumeysigii ku soo qul-qulayay geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Dhaawaca ciidamadoodii gaaray darteed ayaa dagaalkii wuxuu caajis badan ku reebay mashruucii gumeysi-doonka ahaa ee dowladda Talyaaniga ay ka wadday geeska Afrika. Halka uu dar-dar iyo xowli-orod ku kordhiyay barnaamijkii Xabashida.

Waxaa kale oo xusid mudan, in Talyaaniga uu markiisii hore oo xiiso u hayay codsigii ka yimid boqor Cismaan iyo suldaan Keynadiid ee ku saabsanaa in ay ka hor-tagaan dhaqdhaqaaqa ciidameed ee uu Menelik ka waday dhulka Soomaalidu degaan,  isla markaasna ay ka kiciyaan degmada Harar, haddii uu siiyo hub ay ku diriraan 50.000 oo nin. Dalabkii codsigaas ayaa wuxuu la fashilmay qorshayaal gumeysi-doon ahaa oo Talyaaniga kaga gubtay dagaalkii Cadowa. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.126).

13/ 11- 1896-kii, ciidamo Xabashi ah oo gaaraya 1000 ayaa waxay soo gaareen degmada Luuq. Ciidamadan oo uu hoggaaminayay Dadjazmatch Wolde Gabre waxay degmada ugu yimaadeen ciidamo Talyaani ah oo uu taliye u ahaa nin la yiraahdo Cap. Ugo Ferandi. Ciidankii Talyaaniga ayaa ku sgnaaday xeryahoodii oo aanan muujin wax dhaqdhaqaaq ah muddadii ay Xabashidu joogeen degaanka, sidaa darteed ayaanay labada ciidan eeyan wax isu yeelin. Ciidamadii Xabashida oo socodkoodii sii wata waxay u kaceen dhanka bari iyo gobolka Bay. Faduul badan oo ay kula kaceen dadkii  Soomaaliyeed ee degaanka  ku noolaa ayaa waxay sababtay in beelihii Digil iyo Mirifle ay sutida u qabtaan ciidamadan ku soo xad-gudbay. Kaddib markii la naafeeyay Xabashidii ayay halkoodii ku noqdeen. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.63).

 

Dowladddii Talyaaniga oo ku qanacday jabka ka soo gaaray Cadowa ayaa waxay ku deg-degtay wada-hadal heshiis nabadeed oo ay la yeelato Xabashida. Talyaamigu wuxuu u  baqay in Eriteeriya ay gacantiisa ka baxdo oo ay Xabashidu la wareegaan. Arintaas ayaa sababtay heshiis nabadeed oo ay labada dal kala saxiixdeen dabayaaqadii sandka.

Bishii nofember 1895-kii waxaa soo cusboonaaday colaaddii Talyaaniga iyo beesha Biyamaal. Taasi waxay ka dambeysay dil loo geystay qaar kamid ah shaqaalihii Talyaaniga. Ragga la dilay waxaa u weynaa  Giacoma Trevis oo ahaa ganacsade kamid ah masuuliinta shirkadda. Talyaanigii, oo sida u caado ahayd, bilaabay in uu ka aarsado dadkii rayidka ahaa, ayaa sababtay in magaaladii Marka ay markale noqoto gol colaadeed. Is ugaarsi iyo aarsi ka dhex-bilowmay shaqaalihii Talyaaniga iyo beesha Biyamaal ayaa muddo sanad ah socotay, taas oo ku danbeysay in dilo qonsulkii Talyaaniga Antonio Ceechi.

 

Talyaanigu wuxuu in muddo ah ku haminayay in maamulkiisa uu gaarsiiyo dhulka gudaha ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaan tuulooyinka ay ka taliyeen beesha Gelledi oo ahaa seyladaha u dhexeeya ganacsiga dhulka gudaha ah iyo degmooyinka xeebaha ku yaal ee Banaadir. Iyada oo la baadi-goobayo arintan, ayaa arah ballaaran oo laga soo ansixiyay xagga dowladda Talyaaniga waxay bilawday in ay ka baxdo Xamar 25-kii bishii nofember 1896-kii. Arahda oo uu hoggaaminayay qunsul A. Ceechi, waxaa weheliyay Commander Ferdinando Maffei oo ahaa hoggaamiyihii Staffetta iyo Commander Francesco Mangiardin oo isna ahaa hoggaamiyihii Volturno. Waxaa kale oo la socday 14 nin oo badankoodu ahaayeen saraakiishii labada markab. Raggaas oo si xoogan u hubysnaa, waxaa weheliyay 70 askari oo ilaaladooda ahayd.

 

Kaddib markii uu gabalkii dhacay, arahdii waxay ku furteen meel Xamar u jirta 12 mail. Goor ay fiidkii tahay waxaa helay weerar ay garan-waayeen cidda ka dambeysay. Inkasta oo ay iska caabiyeen, misana habeenkaas waxaa ay seexdeen iyaga oo ka shaki ka qaba colka soo weeraray, Xabashi iyo Soomaali cidda ay yihiin. Shakiga ay arahdu habeenkaas la seexdeen ma noqon mid raaga. Subaxnimadii ay bishu ahayd 26/ 11- 1896-kii, iyaga oo isu diyaariyay in ay dhaqaaqaan, ayaa si kedis ah lagu soo weeraray. Marakanse weerarku waa uu ka habeysnaa kii hore. Muddo daqiiqado ah ayaa waxaa lagu laayay 14 kamid ah xubnihii arahda, kuwaas oo ay kamid ahaayeen qunslkii A. Ceechi iyo madaxdii labada markab. Askartiina waxay noqdeen wax la laayo iyo wax carara. Lafihii dadkaa la laayey oo muddo warnaa dhulka ayaa sababay in degaankii loogu magac-daro Lafoole. Waana meesha ay inooga dhisnayd, waageynu aadamiga u ekeyn, kuliyaddii ay macallimiinta inooga soo qalin-jebin jireen.

Saadiq  Enow

Waa Socotaa...

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001

Mudugonline.com keeping you Informed.