Dhibaatadii Cadowa
iyo dhacdadii ka dambeysay ee Lafoole, ayaa waxay
Talyaaniga ku reebtay murugo uu darteed ku sigtay,
in uu joojiyo mashruuciisii addoonsiga ee uu Soomaaliya
ka rabay. Waxaa hoos u dhacday heybaddii dowladnimo
ee Talyaaniga, halak ay dhacdada Cadowa, Menelik u furtay hungurigii uu ku dhunjimayay
qowmiyadaha uu ka taagta roon yahay ee kula noolaa
degaanka.
Emilio Dulio, oo ahaa saamile kamid
ah madaxdii shirkadda, ayaa dhambaal u diray dowladdii
Talyaaniga uu kaga waramayo shilka dhacay iyo dilka
lala beegsaday qnusul Antonio
Ceechi iyo saaxiibadiis. E.
Dulio, wuxuu dhambaalkiisaas ku caddeeyay
in ay jireen ciidamo Xabashi ah oo bishii nofember
soo gaaray degmada Luuq. Ciidamadaas ayaa dib u laabtay
kaddib markii ay jab kala kulmeen dagaalo ay la galeen
beelo kamid ah qabaaŽilka Raxan-weyn. Waxaa kale oo
uu sheegay, shilka Lafoole ka dhacay in uu ahaa mid
ay ka danbeeyeen dad Soomaali ah. Waxaa xusid mudan
colaadda xilligaas dhex tiil beesha Biyamaal iyo Talyaaniga
oo ay ku kala aar-goosanayeen in ay dad iska laayaan.
Khabaarkaas oo Rooma gaaray dabayaaqadii bishii
disember 1896-kii, ayaa wuxuu sababay goŽaan ay wasaaraddii
arimaha dibadda qaadatay oo ahaa in ergay hor leh loo
diro Xamar. Muhimaddaas ayaa waxaa loo doortay Commander
Giorgio Sorrentino oo laga soo ambabixiyay
aqalka boqortooyada Rooma, kaas oo Xamar soo gaaray
26/ 1- 1897-kii. Baaritaan muddo bil ah socday ayuu
G. Sorrentino ku caddeeyay in ay Soomaali
ahaayeen ragga ka dambeeyay dilkii loo geystay arahdii
uu hoggaaminayay qunsul Ceechi.
Baaritaankaas ayuu Sorrentino
ku ogaaday in Abuubakar bin
Cawad uu lug ku lahaa falkan. Abuubakar
wuxuu ahaa carab dallaal ah oo ka dhex faaŽiidaysta
Talyaaniga iyo Soomaalida. Filonardo
oo uu lataliye u ahaa, ayaa markii howshii lagala wareegay,
Abuubakar wuxuu kamid noqday rag shaqaale
ahaa oo la eryay. Sidaa darteed ayuu ku waayay dhaqaale
badan jeebkiisa ku quban jiray. Abuubakar
waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeeyay raggii fuliyay
howshii jid-gooyada ee Lafoole.
(Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 65).
Bishii maarso 1897-kii, waxaa xeebta Xamar ka
soo degay ciidamo saddex kooxood ah oo laga keenay Eriteeriya,
kwaas oo ku yimid codsi Giorgio Sorrentino uu dowladdiisii ka
dalbay. Ujeeddada ciidanka ayaa waxay ahayd in lagu
jebiyo heybadda uu leeyahay Soomaaliga badowga ahaa
ee ku noolaa baadiyaha Banaadir. Waxay ahayd in uu noqdo
fulay loo taliyo, si loola wareego hantidiisa mood iyo
nool hadba intii loo baahdo. In uu ka guuro hiddo-nololeedkii
Eebe ku abuuray ee uu ka dhaxlay faco daŽ weyn.
6/ 4- 1897, Giorgio Sorrentino, intuusan Xamar ka
bixin ayuu wuxuu reebay qoraal uu ku muujinayo ujeeddada
ciidanka. Waxaa kamid ahaa :
" Wax kasta waa in dib loo dhisaa. Waxaanu u baahanahay
wakhti iyo sabur si aanu uga tallaabno hadallada aanan
qiimaha lahayn si loo cuskado nolol aadamiga laga
qiimeeyo ". (Ibid
p. 65).
Waxaa halkaas ka muuqda aragtida dhiigyocab-nimada
ah oo ay gmaystayaashu ka sinnaayeen. Aadamiga uu
qiimaha la rabo waa Talyaaniga doolaaliska ah ee boobka
u socda. Dadkii dhulka lahaa ee nabadda ku noolaana
dab ayuu ku waday.
20/ 4- 1896-kii, ayuu Commander Giorgio Sorrentino Xamar ka
baxay, isaga oo hor kacaya ciidamadii Talyaaniga oo
horay ugu sugnaa Banaadir, kuwaas oo ay weheliyaan
cntubyadii dhowaan ka yimid Eriteeriya. Waxay olole
ku qaadeen dadkii Soomaaliyeed ee reer miyiga ahaa
oo ku noolaa baadiyaha Banaadir. Waxay gubeen, dhamaan
wixii tuulooyin ahaa oo ay dadku ku noolaayeen iyo
wixii beero ahaa oo ay gacantoodu gaartay. Dad badanna
waa ay laayeen. Beelaha ay arintani dhaawacday waxaa
kamid ah Biyamaal, Wacdaan iyo Gelledi. Dabadeed maamlkii
Talyaaniga wuxuu bilaabay qaabkii ay gumaysatada ku
caan baxeen ee ahaa in ay qaybiyaan ummadaha si xoogoodu
u wiiqmo, oo ay u fududaato in ay u gumeeyaan. Suldaankii
Beesha Gelledi ayuu la saxiixday heshiis dul-ilaalin
ah, si uu u dhowro masaalixda beesha. Halka beelaha
Biyamaal iyo Wacdaan uu fallaageeyay isaga oo ka aar-goosanayaan.
(Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess.
1966 p. 65).
Dhaawaca ku yimid Talyaaniga, waxaa ka faaŽiidaystay
Suldaan Yuusuf Cali Keynadiid, oo isla sanadkaas
ciidamadiisii ku baahiyay dhulka koonfurta ka xiga
degaankii uu maamulkiisu ku ekaa. Goirgio
Sorrentino oo xilligaas si toos ah u maamulayay
maxmiyadaha Talyaaniga ee ku yeeshay koonfrta Soomaaliya,
kadib markii uu sugay nabadgelyadii Banaadir ayuu
bishii oktoober 1897-kii kormeer ku tegay dhulka gudaha
ah ee ka koreeya degmada Warshiikh. G.
Sorrentino ayaa jeeddadiisu ahayd in uu
degaankaas sahmiyo, dabadeedna uu war-bixin siiyo
dowladdiisii si degaanka loo gaarsiiyo maamulka dul-ilaalada
ah ee Talyaaniga.
Sarkaalkaas
ayaa wuxuu la kulmay ciidamadii suldaan Keynadiid oo ku soo fidaya, dhulka
koonfurta ah, kuwaas oo xilligaas soo gaaray degaanka
beelo kamid ah beelaha Abgaal. Sida uu arahyahankan
xusay, Talyaanigu wuxuu isu diyaarinayay in duqeyda
beelahan ay kamid noqdaan maxmiyadda Talyaaniga. War-bixintii
uu dowladdiisa u soo jeediyay ayuu Goirgio
Sorrentino wuxuu ku muujiyay labada mowqif
ee dowladda Talyaaniga la gudboon. In ay Keynadiid u deyso dhulkaas uu isku fidinayo
iyo in ay kula dirirto. Tabar-darrida haysay darteed
ayuu Talyaanigii u daayey in Keynadiid
ku qabsado dhlkaas. Sorrentino qudhiisu
taladaas ayuu qaatay. (Italian
Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.127).
Heybaddii ay Xabashidu ka dhaxleen guushii Cadowa, waxay kordhisay
aqoonsigii dowladnimo oo ay ku lahaayeen barlamaanadii
dowladihii gumeysiga, kuwaas oo u soo deg-degey in
ay heshiisyo hor leh oo siyaasad iyo ganacsiba isugu
jira la dhigtaan boqortooyada Abasiinya. Dowladda
Faransiiska ayaa waxay kamid ahayd dowladaha safka
hore kaga jiray xiriirada cusub oo Imbraadoor Menelik uu xilligaas helay. Waxaa xusid mudan in xduudda Jabuuti
iyo Itoobiya la xariiqay sanadkii 1897-kii. Ciidamo
badan ayuu Faransiisku ka keenay dalka Sanigaal, kwaas
oo uu dejiyay Jabuuti. Taasina waxay ka dambeysay
markii uu degaanka ka waayay Soomaali askar u noqota.
Soomaalidu waxay ka xumaayeen howlaha uu Faransiisku
ka waday halkaas.
Waxaa
kale oo jiray in sanadkaas, Faransiiska iyo Xabashida,
ay kala saxiixdeen heshiis
ganacsi
oo xoogan oo ay labada dowladood dhigteen. Heshiiskaas
oo ay kala saxiixdeen 20/
3- 1887-kii. Bishii julay isla sanadkaas waxay kala
saxiixdeen heshiis kale oo ku saabsan
dhismo waddo tariin ee ka bilaabanaysa dekadda Jabuuti. Menelik waxaa heshiiskan u saxiixay la taliyihiisii Alfred Ilich, oo u dhashay
dalka Swiss. Qodobadii heshiiska waxay u qornaayeen
sidan :
1. Mr. Alfred Ilich, waxaa
ruqsad loo siiyay in uu habeeyo dhismo waddo tariin
oo isku xireysa Jabuuti, Harar, Andodo iyo webiga
Niilka Cad.
2. Heshiiskan hore wuxuu ku egyahay dhismaha waddada
tariinka ee Jabuuti iyo Harar oo keliya.
3. Shirkaddu waxaa la siiyay in ay maamusho waddada
muddo 99 sanadood ah, mana bannaana in shirkad kale
ay la wareegto sii socodsiinta waddada tariinka ee
gaaraysa webiga Niilka Cad.
4. Oggolaanshaha waa lagala noqonayaa hadii eeyan
shirkaddu muddo labo sanadood ah eeyan ku bilaabin
howsha.
5. Shirkadda waxaa ku waajib ah in ay dhowrto hagaajinta
waddada iyo socodsiinta howlaha la xiriira gaadiidka
waddada sidii hadba lagu raali noqonayo.
6. Shirkaddu waxay dhisaysaa, iyada oo waddada tariinka
ku dadban, tiirarkii lagu xiri lahaa siliga telegaraafyada.
Howshaasina waxay garab soconaysaa dhismaha waddada.
7. Waxaa reeban in waddada tariinka lagu daad-gureeyo
ciidamo shisheeye ah iyo hub lagu dagaalamo. Haddeyse
dhacdo waa in oggolaansho laga helaa dowladda Itoobiya.
Haddii ay arintaasi dhacdo ruqsad laŽaan, waxaa shirkadda
lagala noqonayaa oggolaanshaha. Waxaa kale oo shirkadda
ku waajib ah in ay bilaash ku daad-gurayso ciidamada
Xabashida, hubkooda iyo waxyaabaha kale oo ay
u baahan yihiin muddo 48 saacadood ah.
8. Qiimaha bagaashka uu tariinku qaadayo, waa in uusan
ka badnaan qiimaha hadda lagu qaado.
9. Shirkadda waxaa u bannaan in ay cashuur ka qaadato
bagaashka ay u kala qaadayso dhulka Xabashida iyo
Jabuuti, taas oo aanan ka badnayn 10 %. Taasi waxay
soconaysaa inta ay hantida shirkaddu gaarayso 2.500.000
faranka Faransa. Dabadeed qiimaha cashuurta xamuulka
hoos buu u soo dhacayaa oo wuxuu gaarayaa 5 %. Kaddib
markii ay hantida shirkaddu gaarto saddex melyan oo
faran, waxaa la baabiŽinayaa in wax cashuur ah laga
qaado xamuulka.
10. Bagaash kasta oo la qaadayo waxaa laga bixinayaa
qiimaha xamuulka.
11. Shirkadda waxay ruqsad u haysataa in ay waddada
mariso dhulkii ay doonto, iyada oo aanan loo aaba
yeelin meel macdan leh, meel biyo leh iyo meel beero
leh. Dhulka ay waddada martona waxaa uu kamid noqonayaa
hantida shirkadda.
12. Dowladda Xabashida ayaa waxay ballan-qaadaysaa
in ay ilaaliso dhamaan dhulka ay waddadu marto.
13. Shirkadda waxaa loo sahlayaa dhamaan waxyaabaha
ay u baahan tahay ee socodsiinaya howlaheeda oo ay
ugu horeeyaan dhuxusha uu tariinka ku socon doono.
14. Markii ay dhamaato muddada heshiiska, waddada
iyo wixii qalab ah oo la socda waxay noqonayaan hanti
ay leedahay boqortooyada Xabashida.
15. Oggolaanshaha heshiiska darteed ayaa boqor Menelik waxaa la siinayaa 100.000 oo ah faranka Faransiiska.
Dekaddu waa dekad Soomaaliyeed, dhulka tariinku marayo intiisa
badan waa dhul Soomaaliyeed, ninka lagula heshiinayo
oo hadiyadda ka qaadanayana waa Menelik.
Abwaan
Soomaaliyeed baa yiri :
Cibaaralay addunyooy maxaan cayn-walba
u joogay.
Haddaba waxaa is-weydiin leh, ma ilbaxnimo uu Soomaalidu dheer
yahay ayuu Menelik ku helay arintan ?
Jawaabta dhabta ah waa maya. Laakiin waxaa jiray arin mar
walba u hiilinayay Menelik, Soomaalidana
illaa iyo maanta ka maqan. Taasina waxay ahayd isaga
oo ahaa nin garanayay waxa uu doonayo. Oraah baa jirta
oraneysa, haddii meesha loo hayaamayo ay caddahay,
waddadii loo mari lahaana waa ay caddaan lahayd.
Saadiq
Enow