Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXXIV-aad

Dhibaatadii Cadowa iyo dhacdadii ka dambeysay ee Lafoole, ayaa waxay Talyaaniga ku reebtay murugo uu darteed ku sigtay, in uu joojiyo mashruuciisii addoonsiga ee uu Soomaaliya ka rabay. Waxaa hoos u dhacday heybaddii dowladnimo ee Talyaaniga, halak ay dhacdada Cadowa, Menelik u furtay hungurigii uu ku dhunjimayay qowmiyadaha uu ka taagta roon yahay ee kula noolaa degaanka.

Emilio Dulio, oo ahaa saamile kamid ah madaxdii shirkadda, ayaa dhambaal u diray dowladdii Talyaaniga uu kaga waramayo shilka dhacay iyo dilka lala beegsaday qnusul Antonio Ceechi iyo saaxiibadiis. E. Dulio, wuxuu dhambaalkiisaas ku caddeeyay in ay jireen ciidamo Xabashi ah oo bishii  nofember soo gaaray degmada Luuq. Ciidamadaas ayaa dib u laabtay kaddib markii ay jab kala kulmeen dagaalo ay la galeen beelo kamid ah qabaaŽilka Raxan-weyn. Waxaa kale oo uu sheegay, shilka Lafoole ka dhacay in uu ahaa mid  ay ka danbeeyeen dad Soomaali ah. Waxaa xusid mudan colaadda xilligaas dhex tiil beesha Biyamaal iyo Talyaaniga oo ay ku kala aar-goosanayeen in ay dad iska laayaan.

Khabaarkaas oo Rooma gaaray dabayaaqadii bishii disember 1896-kii, ayaa wuxuu sababay goŽaan ay wasaaraddii arimaha dibadda qaadatay oo ahaa in ergay hor leh loo diro Xamar. Muhimaddaas ayaa waxaa loo doortay Commander Giorgio Sorrentino oo laga soo ambabixiyay aqalka boqortooyada Rooma, kaas oo Xamar soo gaaray 26/ 1- 1897-kii. Baaritaan muddo bil ah socday ayuu G. Sorrentino ku caddeeyay in ay Soomaali ahaayeen ragga ka dambeeyay dilkii loo geystay arahdii uu hoggaaminayay qunsul  Ceechi. Baaritaankaas ayuu Sorrentino ku ogaaday in Abuubakar bin Cawad uu lug ku lahaa falkan. Abuubakar wuxuu ahaa carab dallaal ah oo ka dhex faaŽiidaysta Talyaaniga iyo Soomaalida. Filonardo oo uu lataliye u ahaa, ayaa markii howshii lagala wareegay, Abuubakar wuxuu kamid noqday rag shaqaale ahaa oo la eryay. Sidaa darteed ayuu ku waayay dhaqaale badan jeebkiisa ku quban jiray. Abuubakar waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeeyay raggii fuliyay howshii jid-gooyada ee Lafoole.

(Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 65).

Bishii maarso 1897-kii, waxaa xeebta Xamar ka soo degay ciidamo saddex kooxood ah oo laga keenay Eriteeriya, kwaas oo ku yimid codsi Giorgio Sorrentino uu dowladdiisii ka dalbay. Ujeeddada ciidanka ayaa waxay ahayd in lagu jebiyo heybadda uu leeyahay Soomaaliga badowga ahaa ee ku noolaa baadiyaha Banaadir. Waxay ahayd in uu noqdo fulay loo taliyo, si loola wareego hantidiisa mood iyo nool hadba intii loo baahdo. In uu ka guuro hiddo-nololeedkii Eebe ku abuuray ee uu  ka dhaxlay faco daŽ weyn.

6/ 4- 1897, Giorgio Sorrentino, intuusan Xamar ka bixin ayuu wuxuu reebay qoraal uu ku muujinayo ujeeddada ciidanka. Waxaa kamid ahaa :

" Wax kasta waa in dib loo dhisaa. Waxaanu u baahanahay wakhti iyo sabur si aanu uga tallaabno hadallada aanan qiimaha lahayn si loo cuskado nolol aadamiga laga qiimeeyo ". (Ibid p. 65).

Waxaa halkaas ka muuqda aragtida dhiigyocab-nimada ah oo ay gmaystayaashu ka sinnaayeen. Aadamiga uu qiimaha la rabo waa Talyaaniga doolaaliska ah ee boobka u socda. Dadkii dhulka lahaa ee nabadda ku noolaana dab ayuu ku waday.

20/ 4- 1896-kii, ayuu Commander Giorgio Sorrentino Xamar ka baxay, isaga oo hor kacaya ciidamadii Talyaaniga oo horay ugu sugnaa Banaadir, kuwaas oo ay weheliyaan cntubyadii dhowaan ka yimid Eriteeriya. Waxay olole ku qaadeen dadkii Soomaaliyeed ee reer miyiga ahaa oo ku noolaa baadiyaha Banaadir. Waxay gubeen, dhamaan wixii tuulooyin ahaa oo ay dadku ku noolaayeen iyo wixii beero ahaa oo ay gacantoodu gaartay. Dad badanna waa ay laayeen. Beelaha ay arintani dhaawacday waxaa kamid ah Biyamaal, Wacdaan iyo Gelledi. Dabadeed maamlkii Talyaaniga wuxuu bilaabay qaabkii ay gumaysatada ku caan baxeen ee ahaa in ay qaybiyaan ummadaha si xoogoodu u wiiqmo, oo ay u fududaato in ay u gumeeyaan. Suldaankii Beesha Gelledi ayuu la saxiixday heshiis dul-ilaalin ah, si uu u dhowro masaalixda beesha. Halka beelaha Biyamaal iyo Wacdaan uu fallaageeyay isaga oo ka aar-goosanayaan.

(Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p. 65).

Dhaawaca ku yimid Talyaaniga, waxaa ka faaŽiidaystay Suldaan Yuusuf Cali Keynadiid, oo isla sanadkaas ciidamadiisii ku baahiyay dhulka koonfurta ka xiga degaankii uu maamulkiisu ku ekaa. Goirgio Sorrentino oo xilligaas si toos ah u maamulayay maxmiyadaha Talyaaniga ee ku yeeshay koonfrta Soomaaliya, kadib markii uu sugay nabadgelyadii Banaadir ayuu bishii oktoober 1897-kii kormeer ku tegay dhulka gudaha ah ee ka koreeya degmada Warshiikh. G. Sorrentino ayaa jeeddadiisu ahayd in uu degaankaas sahmiyo, dabadeedna uu war-bixin siiyo dowladdiisii si degaanka loo gaarsiiyo maamulka dul-ilaalada ah ee Talyaaniga.

Sarkaalkaas ayaa wuxuu la kulmay ciidamadii suldaan Keynadiid oo ku soo fidaya,  dhulka koonfurta ah, kuwaas oo xilligaas soo gaaray degaanka beelo kamid ah beelaha Abgaal. Sida uu arahyahankan xusay, Talyaanigu wuxuu isu diyaarinayay in duqeyda beelahan ay kamid noqdaan maxmiyadda Talyaaniga. War-bixintii uu dowladdiisa u  soo jeediyay ayuu Goirgio Sorrentino wuxuu ku muujiyay labada mowqif ee dowladda Talyaaniga la gudboon. In ay Keynadiid u deyso dhulkaas uu isku fidinayo iyo in ay kula dirirto. Tabar-darrida haysay darteed ayuu Talyaanigii u daayey in Keynadiid ku qabsado dhlkaas. Sorrentino qudhiisu taladaas ayuu qaatay. (Italian Colonialism in Somalia. Robert L. Hess. 1966 p.127).

Heybaddii ay Xabashidu ka dhaxleen guushii Cadowa, waxay kordhisay aqoonsigii dowladnimo oo ay ku lahaayeen barlamaanadii dowladihii gumeysiga, kuwaas oo u soo deg-degey in ay heshiisyo hor leh oo siyaasad iyo ganacsiba isugu jira la dhigtaan boqortooyada Abasiinya. Dowladda Faransiiska ayaa waxay kamid ahayd dowladaha safka hore kaga jiray xiriirada cusub oo Imbraadoor Menelik uu xilligaas helay. Waxaa xusid mudan in xduudda Jabuuti iyo Itoobiya la xariiqay sanadkii 1897-kii. Ciidamo badan ayuu Faransiisku ka keenay dalka Sanigaal, kwaas oo uu dejiyay Jabuuti. Taasina waxay ka dambeysay markii uu degaanka ka waayay Soomaali askar u noqota. Soomaalidu waxay ka xumaayeen howlaha uu Faransiisku ka waday halkaas.

Waxaa kale oo jiray in sanadkaas, Faransiiska iyo Xabashida, ay kala saxiixdeen heshiis

ganacsi oo xoogan oo ay labada dowladood dhigteen. Heshiiskaas oo ay kala saxiixdeen     20/ 3- 1887-kii. Bishii julay isla sanadkaas waxay kala saxiixdeen heshiis kale oo ku saabsan

dhismo waddo tariin ee ka bilaabanaysa dekadda Jabuuti. Menelik waxaa heshiiskan u saxiixay la taliyihiisii Alfred Ilich, oo u dhashay dalka Swiss. Qodobadii heshiiska waxay u qornaayeen sidan :

1. Mr. Alfred Ilich, waxaa ruqsad loo siiyay in uu habeeyo dhismo waddo tariin oo isku xireysa Jabuuti, Harar, Andodo iyo webiga Niilka Cad.

2. Heshiiskan hore wuxuu ku egyahay dhismaha waddada tariinka ee Jabuuti iyo Harar oo keliya.

3. Shirkaddu waxaa la siiyay in ay maamusho waddada muddo 99 sanadood ah, mana bannaana in shirkad kale ay la wareegto sii socodsiinta waddada tariinka ee gaaraysa webiga Niilka Cad.

4. Oggolaanshaha waa lagala noqonayaa hadii eeyan shirkaddu muddo labo sanadood ah eeyan ku bilaabin howsha.

5. Shirkadda waxaa ku waajib ah in ay dhowrto hagaajinta waddada iyo socodsiinta howlaha la xiriira gaadiidka waddada sidii hadba lagu raali noqonayo.

6. Shirkaddu waxay dhisaysaa, iyada oo waddada tariinka ku dadban, tiirarkii lagu xiri lahaa siliga telegaraafyada. Howshaasina waxay garab soconaysaa dhismaha waddada.

7. Waxaa reeban in waddada tariinka lagu daad-gureeyo ciidamo shisheeye ah iyo hub lagu dagaalamo. Haddeyse dhacdo waa in oggolaansho laga helaa dowladda Itoobiya. Haddii ay arintaasi dhacdo ruqsad laŽaan, waxaa shirkadda lagala noqonayaa oggolaanshaha. Waxaa kale oo shirkadda ku waajib ah in ay bilaash ku daad-gurayso ciidamada Xabashida,  hubkooda iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin muddo 48 saacadood ah.

8. Qiimaha bagaashka uu tariinku qaadayo, waa in uusan ka badnaan qiimaha hadda lagu qaado.

9. Shirkadda waxaa u bannaan in ay cashuur ka qaadato bagaashka ay u kala qaadayso dhulka Xabashida iyo Jabuuti, taas oo aanan ka badnayn 10 %. Taasi waxay soconaysaa inta ay hantida shirkaddu gaarayso 2.500.000 faranka Faransa. Dabadeed qiimaha cashuurta xamuulka hoos buu u soo dhacayaa oo wuxuu gaarayaa 5 %. Kaddib markii ay hantida shirkaddu gaarto saddex melyan oo faran, waxaa la baabiŽinayaa in wax cashuur ah laga qaado xamuulka.

10. Bagaash kasta oo la qaadayo waxaa laga bixinayaa qiimaha xamuulka.

11. Shirkadda waxay ruqsad u haysataa in ay waddada mariso dhulkii ay doonto, iyada oo aanan loo aaba yeelin meel macdan leh, meel biyo leh iyo meel beero leh. Dhulka ay waddada martona waxaa uu kamid noqonayaa hantida shirkadda.

12. Dowladda Xabashida ayaa waxay ballan-qaadaysaa in ay ilaaliso dhamaan dhulka ay waddadu marto.

13. Shirkadda waxaa loo sahlayaa dhamaan waxyaabaha ay u baahan tahay ee socodsiinaya howlaheeda oo ay ugu horeeyaan dhuxusha uu tariinka ku socon doono.

14. Markii ay dhamaato muddada heshiiska, waddada iyo wixii qalab ah oo la socda waxay noqonayaan hanti ay leedahay boqortooyada Xabashida.

15. Oggolaanshaha heshiiska darteed ayaa boqor Menelik waxaa la siinayaa  100.000 oo ah faranka Faransiiska.

Dekaddu waa dekad Soomaaliyeed, dhulka tariinku marayo intiisa badan waa dhul Soomaaliyeed, ninka lagula heshiinayo oo hadiyadda ka qaadanayana waa Menelik.

Abwaan Soomaaliyeed baa yiri :

Cibaaralay addunyooy maxaan cayn-walba u joogay.

Haddaba waxaa is-weydiin leh, ma ilbaxnimo uu Soomaalidu dheer yahay ayuu Menelik ku helay arintan ?

Jawaabta dhabta ah waa maya. Laakiin waxaa jiray arin mar walba u hiilinayay Menelik, Soomaalidana illaa iyo maanta ka maqan. Taasina waxay ahayd isaga oo ahaa nin garanayay waxa uu doonayo. Oraah baa jirta oraneysa, haddii meesha loo hayaamayo ay caddahay, waddadii loo mari lahaana waa ay caddaan lahayd.

Saadiq  Enow

Waa Socotaa...

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001

Mudugonline.com keeping you Informed.