Qul-qulka
Talyaanigu la soo tiigsanayay gobollada koonfreed,
waxaa la xilli ahaa kuwo lamid ah oo Ingiriiska iyo
Xabashidu ka wadeen waqooyiga iyo galbeedka Soomaaliya.
Inkasta oo ay kala midab duwanaayeen, misana damaca
isticmaariga ahaa oo ay xoogaggaasi ka lahaayeen degaanka
ayaa wuxuu ahaa mid xambaarsan hadaf mid ah, taas
oo ah in layna gumeeyo. Ingiriisku wuxuu jebiyay heshiisyo
uu horay ula dhigtay odeyadii beelaha Soomaaliyeed
ee degaankoodu yahay xeebaha waqooyi. Heshiiskaasi
wuxuu ka dambeeyay markii ciidamadii Al-Khadawi
ay ka baxeen Harar iyo waqooyiga Soomaaliya. Markaas
oo Ingiriisku uu soo daba maray Masaaridii si uu u
buuxiyo meeshii banaanaatay. Hirgelinteedana waxaa
kaalmo ka gaystay ogaallo badan oo degaanka ku saabsan
oo ay ka heleen shaqaale la socday ciidamada Masar
ee ka talinayay Harar.
18/
6- 1884-kii, dowladdii Ingiriiska ayaa amar waxay
soo siisay Major Hunter in uu bilaabo howlo loogu gogol
xaarayo sidii waqooyiga Soomaaliya uu uga mid noqon
lahaa dhulalka u maganta ah Ingiriiska. Sarkaalkan
ayaa bilaabay in uu ciidamo la soo galo degmooyin
kamid ah waqooyiga Soomaaliya, dabadeedna uu heshiisyo
la dhigto duqeydii iyo ganacsatadii degaanka. Waxaa
is-garab socday handadaad iyo hadiyado uu adeegsanayay
si uu u helo oggolaanshaha odeyo-dhaqameedyadii degaanka.
Waxaa kale oo uu bixinayay ballan-qaadyo been ah.
Qoraalladii heshiisyadaas ma eeyan ahayn kuwo ka dhashay
doodo dhex maray labada dhinac oo ay khuseysey arintu
(Ingiriis & beelihii Soomaaliyeed), balse waxay
ahaayeen kuwo uu sarkaalka Ingiriiska ahi horay u
soo diyaarsday oo uu Cadan kala yimid. Inkasta oo
Berbera ay ahayd meeshii ugu horaysay oo ay odeyadeedu
saxiixeen heshiiskan, misana si xiriir ah oo taariikhdeedu
ay isu dhowdahay ayaa dhamaan beelihii Soomaaliyeed
ee ku noolaa xeebaha badda Cas iyo dhulka ka soo rogan
looga saxiixday. Heshiiskan oo nuqulkiisii uu isku
mid ahaa ayaa qodobadiisii waxay ahaayeen sidan :
"Qodobka
1-aad : Beesha (halkan lagu xusay), waxay muujinaysaa
ballan-qaad ah in eeyan tanaasul u samayn, iibinayn,
rahmanayn, u oggolaanayn gumaysi qeyb kamid ah dhulkeeda,
aanan ka ahayn dowladda Ingiriiska weyn oo keliya.
Qodobka
2-aad : Dhamaan, maraakiibta ay ka lulanayaan calamada
Ingiriiska, waxay si buuxda ugu madax-bannaan yihiin
in ay ka ganacsadaan degaanka beesha.
Qodobka
3-aad : Dhamaan dadka raciyadda ah ee Ingiriiska,
kuwooda degaanka ku dhaqan, kuwooda soo noq-noqonaya
iyo kuwooda dalxiiska ahba, waxay helayaan nabadgelyo
buuxda iyo damaana-qaad ay si madax-bannaan ugu dhex
mushaaxaan dhulka beeshu degan tahay, iyaga oo u magan
ah waayeelka beesha.
Qodobka
4-aad In degaanka beesha, si joogto ah looga reebo
ganacsiga addoomada, Ingiriiskana uu xaq u leeyahay
in uu adeegsado ciidamadiisa badda iyo kuwa dhulka
iyo shaqaalaha kale oo rayidka ah ee u adeega boqoradda
Ingiriiska, in ay ganaaxaan doonyaha ka shaqeeya ganacsiga
addoomada.
Qodobka
5-aad : Ingiriisku wuxuu xaq u leeyahay in uu soo
magacaabo dadka uga wakiilka noqonaya howlaha degaanka
beesha. Beeshuna waxay xaq u leedahay in ay soo xusho
ragga ilaalada ka noqon lahaa howlaha, iyada oo la
waafajinayo sida ay dowladda Ingiriiska wax u aragto.
Wakiilada Ingiriiska waxaa ku waajib ah in ay xushmeeyaan
dad-weynaha beesha iyo duqeydooda.
Heshiiskaas
la miin-guurshay, waa mid loogu dhaqmayo sida ugu
haboon, laga bilaabo maalinta uu soo baxay. Saxiixyayadan
hoos ku qoranna waxay tilmaamayaan tilmaanta sharciyeed
ee heshiiska.
Saxiixa
duqeyda beesha
Saxiixa
Major Hunter
Saxiixa markhaatiyada ". (Barkhat.
1874. p. 201-202).
Waxaa
xusid mudan in duqeyda reer Berbera ay saxiixa heshiiska
ku shardiyeen, in meesha uu saxiixa ka dhacayo ay
ahaato meel aanan dhulkooda ahayn. Sidaa darteed,
Ingiriiskii wuxuu ku khasbanaaday in uu odeyaashii
ku qaado doon, dabadeedna markab fadhiya meel xeebta
u jirta 70 mail, ay dushiisa ku soo kala saxiixdaan
waraaqihii heshiiska. Odeyaashu waxaa kale oo ay codsadeen
in Ingiriisku uusan ka gudbin, silig magaalada Berbera
ku hareereeysan oo ay kaga tageen maamulkii Masar
ee Al-Khadawi.
Ingiriiska
oo horeyba u lahaa damac uu ku gaaro dhlka gudaha
ah, isaga oo sabab ka dhiganaya kulaylka magaalada
oo uu u adkaysan waayay, ayuu u guuray meel duleed
ah oo ka baxsan siligii. Halkaas oo lagu magacaabo
Jambar-Daarood, ayaa waxay lahayd hawo wanaagsan
iyo biyo macaan. Dabadeed wuxuu u gudbay dhulalka
lagu magacaabo Far-dayro, Bixin, Xamur. Muddo saddex
sanadood ah ayuu degmooyinkaa ku sgnaa. Dabadeed wuxuu
u gudbey magaalada Shiikh. Masuulka Ingiriiska ah
ayaa wuxuu lahaa sariir ay ku qaadaan rag xoog waaweyn
oo la fuula buuraha. Dabadeed Bayr iyo Burco ayuu
u gudbey. Degaamada aanu magacawnay ayaa dhamaantood
xilligaas waxay ahaayeen ceelal xooluhu ka cabaan.
Masuulka Ingiriiska ah, wuxuu mar walba watay alaabo
hadiyado ah iyo lacag badan oo uu u qaybinayay duqayda
beelaha si uu kalsooni uga helo. Waxaa xusid mudan
in ay jireen rag badan oo Suudaan ahaa oo ka haray
ciidamadii Al-Khadawi in ay ku sgnaayeen Berbera iyo Seylac.
Ragga xamaalayay sariirta uu guddoomiyuhu fuulo waxay
ahaayeen raggaas Suudaanta ah. Sidoo kale calankii
Masar wuxuu dul surnaa magaalada, tan iyo 7/ 7- 1887-kii,
markaas oo Ingiriisku uu ku xoogeystay degaanka oo
uu dejiyay calankii, isaga oo saddex iyo toban cisho
dabadeed ku beddeley kiisii. Calankaas ayaa Berbera
la suray 20/ 7- 1897. Kaddib Ingiriiskii wuxu gaarsiiyay
dowladihii ku heshiiyay Barliin, si ay u xushmeeyaan
in degaankan yahay degaan Ingiriisku maamulo.
Ciidamada
Xabashida oo ka imanayay galbeedka ayaa dhankooda
ka hooshayay Soomaaliya. Iyagu ma eeyan ahayn bulsho
ka ilbaxsan Soomaalida ama ka garaad-sareeya marka
uu damacu galay. Balse sida aanu soo xusnay waxaa
damacooda kor u qaaday hubkii badnaa oo laga iibiyay,
halka heshiisyadii Berliin iyo Bruccel ay reebayeen ganacsiga hubka. Falalka
hooshka ah oo ciidamadii Imbraadoor Menelik II ay xilligaas ka wadeen dhulka
ay Soomaalidu ku noolaayeen, waxaa weheliyay dhul
inta la qabsado lagu biirsho dhulalka uu Imbradoorku
ka talinayay.
Siyaasadda
Ingiriiska uu ka waday waqooyiga Soomaaliya waxay
u muuqatay mid munaafaq-nimo ah oo uu dhanna isu muujinayay
nin saaxiib ah oo damac ka lahaa degaanka, dhan kalena
u xaglinayay in Xabashidu ay ka qeyb-qaataan hooshka
dhulkeena. Dhacdooyinka xusidda mudan waxaa kamid
ah aqal yar oo Xabashidu ay ka sameysteen Hargeysa
bartamihii sanadkii 1895-kii. Ferris
oo ahaa sarkaal Ingiriis ah, kuna howlanaa arrimaha
degaanka ayaa arintan ku tilmaamay tilmaan muujineysa
damac baaxad leh oo Xabashidu ay ka leedahay dhulka
Soomaaliyeed. Qoraal uu Ferris u diray dowladdiisii
ayuu ku sheegay sidan :
"Bishii
agosto, sanadkii hore Raas Makonnen,
wuxuu waraaq u qoray beesha Habar-Awal oo degaankoodu
yahay agagaarka Hargeysa. Isaga oo sheeganaya in ay
yihiin dad Xabashi ayuu wuxuu gaarsiiyay in uu bur-burinayo
aqallo yar-yar oo halkaas uu uga dhisay Lord Delamera, taas oo uu ku tilmaamay degaan
Xabashi. .......................
Ras Mokonnen, laba jeer ayaa la weydiiyay sababta
uu waraaqdan ugu soo diray meel uu Ingiriisku joogo,
isaga oo meel kaga dhacay xushmeyntii ka dhexeysay
labada maamul. Wax jawaab ah kama uusan soo celin
". (Somali Pennisula. 1963.
p. 45).
Sanadkii
1896-kii, Xabashidu waxay isku deydey in ay xeryo
ciidan ka dhisto Caluula oo ku taal koonfur-bari degmada
Biya-qaboobe. Bishii sebtember, Xabashidu waxay calankoodii
sureen Caluula. Waxaa xusid mudan beelaha degaankaasi
(Gadubiirse) in ay horay ula saxiixdeen Ingiriiska
heshiiskii maxmiyadda. Kaas oo qodobkoosa ugu horeeyay
uu dhigayay sidan :
"Qodobka
1-aad : Beesha (halkan lagu xusay), waxay muujinaysaa
ballan-qaad ah in eeyan tanaasul u samayn, iibinayn,
rahmanayn, u oggolaanayn gumaysi qeyb kamid ah dhulkeeda,
aanan ka ahayn dowladda Ingiriiska weyn oo keliya
".
Waraaq
uu Ferris u diray qunsulkii guud ee fadhiyay
Qaahira Sir. Rodd,
wuxuu ku xusay in Raas Mokonnen
uu is ilowsiinayo heshiiskii dhexmaray
Ingiriiska iyo Talyaaniga sanadkii 1894-kii, oo ku
saabsanaa xushmeynta dhulka maxmiyadda u ah Ingiriiska.
Maaheyn dhulka beesha Gadubiirse keliya dhulka uu
Raas Mokonnen isku fidinayay, ee wuxuu ahaa
dhul ballaaran oo gaarayay inta badan dhulka ay ku
noolyihiin beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada
waqooyi.
Calankii
Xabashida ee la suray Caluula ayaa waxaa ka soo jawaabey
wasiirkii dibadda ee Ingiriiska Sir Salisbury. Tellegaram
uu wasiirku soo diray ayuu ku sheegay inaan la codsan
in calanka hadda la qaado. Sababtuna wuxuu ku sheegay
Ingiriiska oo looga taag-roon yahay degaanka. Arrintaasi
waxay ahayd dhiiri-gelin loo muujinayo Xabashida si
ay wax uga boobto dhulka Soomaaliyeed.
Waraaq
uu Ferris u diray qunsulkii Qaahira fadhiyay ayaa
waxay inoo tilmaameysaa raadka ay dhiiri-gelintan
leedahay iyo sheegashada muddadeedu horaysay oo ay
Xabashidu ku damceen dhulka Soomaaliyeed :
"Dhacdadan
hadda ah waxay daba-joogtaa arrimo degaanka ka dhacay
sebtember 1891-kii, markaas oo Raas-Mokonnen
uu degaanka Biya-qaboobe ka dhisay meelo ay ciidamadu
fariistaan. ......... Taariikh taas ka dambeysay,
24/ 11- 1891-kii, isagu (Raas Mokonnen) wuxuu sheegtay dhulka Ciisaha
iyo Gadubiirsaha in uu yahay dhul ka tirsan maamulka
Xabashida. ........... Biya-qaboobe wuxuu kamid ahaa
xuduudda dhulka Ingiriiska. Heshiiskii dhacay 2/ 2-
1888-kii oo dhexmaray Ingiriiska iyo Faransiiska oo
ku saabsanaa xuduudda ". (Somali
Pennisula. 1963. p. 46).
Tanaasulaadkaas
iyo is-weydaarkaas ay gumeystayaashu isku dhaafsanayeen
dhulkeena ayaa waxay ku beegmeen xilli ay dadkayagu
ku fogaadeen hurdo dareen tirtay si ay wax uga ogaadaan
qorshaha madow oo lala damacsanaa aayaha facahooda
dambe.