Qarnigii 19-aad wuxuu dhamaaday iyada oo
beelihii Soomaaliyeed ee xoolo-dhaqatada ahayd ay
la il-daran yihiin boobkii foosha xumaa oo ay gumeystayaashu
la yimaadeen. Iyada oo ay la il-daran yihiin xaqiraadda, dhaca,
dilka, iyo fara-xumeynta ay ciidamadii xoogaggaasi
kula kacayeen reer miyigii Soomaaliyeed. Waxaase xusid
mudan in sida ay u il-darraayeen eeyan u ayaan darreyn. Halgankii
hanaqaadka noqday ee Daraawiishta ayaa intuusan qarnigu
dhamaan ka curtay ciidda Soomaaliyeed, gaar ahaan
gobollada waqooyi. Halgankaas oo lagu tilmaami karo
diirad ifisay noloshii dadyowgii xoolo-dhaqatada ahaa,
ayaa wuxuu la kowsaday soo noqoshadii
Sayid Maxamad Cabdulle Xasan uu
ku soo laabtay dalka.
Halgankan oo Soomaalidii
daaha uga qaaday wax badan oo ka dahsoonaa ayaa
waxaa Sayid Maxamad ku weheliyay raggii xerta ahaa oo la magac baxay
Daraawiish. Raggaasi oo ku guulaystay in ay si buuxda
isu hortaagaan damacii xoogagga shisheeyuhu ay
ka lahaayeen dhulkayaga, ayaa waxay dib u dhigeen
qorshihii gumeysiga muddo ku dhow rubuc qarni. Taasi
waxay sababtay in wax badan oo dhaqan iyo diin ah
ay inoo bad-baadaan. Haddii xoogaggaas shisheeyaha ah ay u suurogeli
lahayd in ay goor hore dalka caga-dhigtaan, waxaan
shaki ku jirin in dib u dhac weyn oo soo degdega ay
Soomaalidu la kulmi lahaayeen. Sababtuna waa tirada
dadkeena oo yar iyo xoogagga kala duwan oo heshiiska
ku ahaa boobkayaga.
Waxaa
kale oo halgankaasi uu
sababay in Soomaalidii reer miyiga ahayd ay ku sigtaan
in ay dowlad dhexe ku midoobaan oo xoogooda isu geeyaan.
Soomaalidu meel ay joogaanba waa ay la hinqadeen dhaq-dhaqaaqaas
markii uu curdanka ahaa. Waxaase markasta jallaafayay
dhagarta filka weyn ee gumeysatada u dhaqanka ah,
oo ay ku fur-furaan xarig kasta oo u guntama
ummadaha ka filka yar.
Dhaqdhaqaaqaasi wuxuu ku bilowday
doodo masaajiddadii Berbera ku dhex-maray Sayid Maxamad Cabdulle Xasan iyo culimadii
degmada. Doodaha culimadaas dhex-maray
ayaa waxay isugu jireen mid diineed iyo mid aragtiyeed.
Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa xilligaas ku baahsanaa
dariiqada Qaadiriyada ee aaminsan tawasulka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani. Shiikh Maxamd Cabdulle Xasan, isagu wuxuu
la yimid dariiqo aanan horay looga aqoon dalka
oo ah dariiqada Saalixiyada. Halkaas waxaa ka yimid biya-diid
ay culimadii Qaadiriyadu ee Berbera fadhiday ku inkirayaan
dariiqadan cusub. Culimada la dooday Sayidka waxaa kamid ahaa Shiikh Cabdullaahi Caruus, Shiikh Ibraahim Xirsi Guuleed, Shiikh Kabiir Aw-Cumar, Aw-Gaas Axmad …. .
Khilaafkaasi oo aanan ahayn mid loo baahnaa ayaa
wuxuu kala fogeeyay culimadii Soomaaliyeed. Waxaa
xusid mudan in hannaanka dariiqo ee diiniga ah in
uu yahay mid bidca ah oo aanan ku xusnayn culuumtii
laga dhaxlay suubanihii Maxamad ahaa (c.s.w.). Hannaankan
ayaa wuxuu yahay mid si xoog badan u khilaafaya saldhigyada
ay leedahay diintayada xaniifka ah. Islaamku wuxuu
addoomada dhamaan ugu yeerayaa in ay Eebe keliya caabudaan
iyaga oo u siman. Mana jirto meel ay ku xusan tahay
in cibaadada Eebe loo maro qof isaguba addoon ah oo aanan
garanayn darajo uu Eebe ka haysto. Hadduu dhintayna
waa uu ka sii xag jiraa.
Inkasta oo Sayidku uu doodihii dariiqada ku
waayay garab iyo gar-gaar, misana wuxuu ku guulaystay
in uu baahiyo doodihiisii siyaasadeed oo xambaarsanaa
dhiillada colaadeed iyo cadaaweysiga gaalada
iyo ragga u adeega. Xilligaas waxaa jiray olole ay
degaanka ka wadeen arah wadaaddo ahaa oo uu hoggaaminayay
nin la yiraahdo Father
Gypriana oo u dhashay dalka Baljiika. Kaniisadda uu u shaqeynayay Baadarigaas
oo ahayd Franch Roman
Chatholic, ayaa waxay xarun ku lahayd degmooyin
ay kamid ahayd Berbera. Ujeeddada wadaaddadan waxay
ahayd in ay Soomaalida ku dhex faafiyaan diinta
krishtaanka. Waxay ka fureen dugsiyo caruurta lagu
gaaleysiiyo degmooyinka ay kamid yihiin Jabuuti, Berbera,
Dheymato iyo Maja-caseeye.
Guddoomiyihii degmada Berbera
H. B. M. mar
uu dhambaal uu u diray wasiirkii dibadda ee Ingiriiska,
ayuu wuxuu ka faalooday howlihii kaniisaddaas. Qoraalkii
dhambaalkiisaas waxaa kamid ahaa sidatan :
" Kaniisaddani waxay ka dhisnayd
Berbera sanooyin badan. Inkasta oo markeedii hore
aad looga tuhun qabay, haatan waxaad mooddaa dadku
in uusan wax dan ah ka lahayn habkooda wax-barasho.
Cunugna looma oggola in maamulka Kaniisadda uu qabto
iyadoo uusan la socon wixii markaas ehel ahaan ugu
dhowaa. Iyadoo weliba markaas qunsul ku xigeenka hortiisa
lagaga saxiixayo waraaq uu ku caddeynayo in uusan
ilmahaas ka saari doonin Mishinka illaa uu gaaro sideed
iyo toban jir.
Waxaa caado ahayd in
waalidka ay wiilashooda keeni jireen Mishinka, si
ay uga kaaftoomaan kharashka koritaankooda iyo wax-barashadooda.
Baadariyadu dhibaato xoog leh ayay kala kulmeen wxbaridda
caruurtaas. Laakiin nasiib-darradu waxay ahayd xoogaaga
ay gaarsiiyaan, marka ay reerahoodii dib ugu laabtaan
ayay waxay ku noqdaan diintoodii Islaamka ".
(Taariikhdii Daraawiishta. Aw-Jaamac Cumar Ciise.1976.
.p. 19-20).
Waxaa kale oo guddoomiyuhu uu
dhambaalkiisaas ku xusay sida ay kaniisaddaasi iyo
dadka u shaqeynayay ay u doonayeen in ay u tallaabaan
dhulka baadiyaha ah, si ay reer miyiga Soomaaliyeed
ugu faafiyaan tacaaliimta diinta Krishtaanka. Da`waynta
Soomaaliyeed waxay ka sheekeeyaan afartan qoys oo
dhallinyaro ah oo ka tirsanaa kaniisaddan in ay degeen
baadiyaha Soomaaliya, iyaga oo inta ari badan iibsaday
u noolaa sidii qoys reer miyi ah oo kale. Ujeeddadooduna
waxay ahayd in xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ay gaarsiiyaan
diinta masiixiyadda.
Jeneral Douglas
Jordine ayaa tilmaamay in ololihii gaaleynta
oo ay kaniisaddan ka waday dhulka Soomaaliyeed ay
ahayd mid uu taageero xoogan Sayidku kaga helay dad=weynihii Soomaaliyeed,
bilowgii dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed. Qoraal uu jananku
reebay ayuu ku xusay sidan :
" Inta badan, fidinta iidhehda
(wadaadka) waxaa xayeysiis u sameynayay oo si weyn
u caawiyay howlihii baadariyada kaatooligga Faransiiska
ee fadhiyay Berbera. Kuwaas oo cunno iyo tacliinba
siinayay caruurtii dalka ee bakhtiyay oo aanan hoyga
lahayn, si loogu abaabiyo diinta Krishtaanka ".
(Ibid. P. 13. Laga soo xigtay : The Made Mullah
of Somaliland. Douglas Jordine. 1923. p 48).
Waxaa jiray masaalix dhaqaale
oo xoogan oo ay ilaashanayeen odeyadii reer Berbera,
taas oo ay ka dhaxleen xiriirka xoogan oo xilligaas
ay magaaladu la lahad dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga.
Inkasta oo la rumeysan yahay in arintaasi ay kamid
ahayd sababihii ay isku khilaafeen duqeydii reer Berbera
iyo Sayid Maxamad,
misana waxaa jirtay khilaaf dariiqo oo aanan
la dhayalsan karin. Waxaa arintaas tilmaamay Shiikh
Madar. Mar uu guddoomiyihii degmada ka
wareystay shiikha arimaha uu Sayidka ku andacoonayo oo ah in maamulka
Ingiriiska ee degaanka uu baabi`inayo diinta Islaamka,
Shiikh Madar wuxuu ku jawaabay sidan :
" Maxaa dhacay, ninkan ayaaba
duminaya diintayada`e ". (Ibid
: p. 20).
Sida uu Aw-Jaamac
C. Ciise xusay buugiisa, Sayid
Maxamad kuma uusan raagin degmada Berbera
oo wuxuu ka baxay dabayaaqadii sanadkii 1897-kii.
Wuxuu markiiba degay ceelka la yiraahdo Qrya-weyn
ee degmada Ceynaba 29 mayl ka xiga dhanka galbeed.
Wuxuu halkaas ka dhigtay xarun dariiqo. Wuxuu bilaabay
in uu reer miyigii diinka baro iyo qasiidooyinka Saalixiyada.
Isaga oo isla markaas urursanaya sakada. Waxaa u weheliyay
wacdiga uu reer miyiga ku baraarujinayay in gaalada
boobka ah layska celiyo. Inkasta oo Ingiriisku uu
dareensaday ololaha uu wadaadku bilaabay, misana cabsidii
uu ka qabay ayaa is-dhintay kaddib markii ay xertii
u guurtay degaanka Buuhoodle bishii abriil 1899-kii.
Saadiq Enow