Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XXXVII-aad

Haddii aanu milicsi gaaban siino dariiqooyinka kala geeyay culimadii Soomaaliyeed, waa culimadii Berbera iyo SayidkaŽe, waxaanu helaynaa nimanka iska leh magacyada ay dariiqooyinkani sitaan in ay ahaayeen rag taariikhda diinta Islaamka magac ku leh. Shiikh Cabdulqaadir Al-Jeylaani oo ah shiikha ay ku tawasulaan wadaaddada Qaadiriyadu, wuxuu ku dhintay degmada Baqdaad bartamihii qarnigii X-aad. Kitaabka la yiraahdo Masaalik Al-absaar oo wax ka qoray taariikhda dhaqdhaqaaqyada dariiqooyinka suufiyada ee Geeska Afrika, wuxuu xusayaa in bilowgii qarniyadii dhexe, maamullo toddoba ah oo Islaam ahaa ay ka jireen Geeska Afrika. Inkasta oo suufiyadu ay ahayd hannaanka keliya oo diineed, misana ma eeyan reebin wax dugsiyo ah oo lagu barto aqoonta diinta. Qaadiriyada oo xilliyadaas soo gaartay Geeska Afrika, ayaa waxay ahayd dariiqada keliya oo fursad u heshay in ay ku baahdo degaanka. Waxaase jirtay in ay sidatay khuraafi badan. Ninka la yiraahdo Shariif Caydaruus oo ah culimada caanka ah oo raacay dariiqan ayaa wuxuu yiri :

" Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, isaga oo daŽdiisu tahay 14 jir ayaa xagga Eebe laga tusiyay qoraallada Looxa la Xafiday ". (Xamdi Al-Sayid Saalim. 1965. p. 414).

Inkasta oo khuraafiga intaas leŽeg ay xambaarsanayd, misana dariiqadan waxay si xoogan oo xamaasad la socoto uga qayb qaadatay faafinta Islaamka ee dhulka Soomaalidu degaan, iyada oo adeegsanaysa wejiyada nolosha sida ganacsiga iyo wax-barashada. Waxaa in la xuso mudan Culimada dariiqadan u kacay, bilowgii iyo bartamihii qarnigii XX-aad, oo ay kamid yihiin Shiikh Cismaan Nuur iyo Shiikh Cabdullaahi Aadan oo gobollada waqooyi ku akhriyi jiray kutubta diiniga ah, dadkuna aad u qadarin jireen. Shiikh Idiris Maxamad Muxiyadiin oo degaanka waqooyiga Juba ka ahaa nin diinta faafiya, kaas oo dhisay masaajidka Biyoolay. Shiikh Maxamad Ibraahim Garow, wuxuu fadhigiisu ahaa degmada Baardheere. Shiikh Cabdullaahi Yuusuf Qalan-qoole oo isna ku noolaa gobollada waqooyi-bari. Shiikh Suufi Cabdullaahi Al-Shaasi iyo Shariif Calawi ayaa iyaguna fadhigoodu ahaa gobolka Banaadir. Shiikh Awees Al-Waali Cabdiraxmaan isna wuxuu ahaa nin suufi ah oo ku caan baxay nolosha ku dhisan ka fogaanshaha ku raaxeysiga dunida (saahid), gaar ahaan 15-kii sano oo noloshiisa ugu dambeysay. Wuxuu taakulayn jiray masaakiinta. Waxaa shiikhan laga dhaxlay qasiidooyin badan oo diini ah, kuwaas oo isgu jira Carabi, Soomaali iyo Sawaaxili. Waxna wuxuu ka qoray taariikhda Islaamka.

Dariiqada Saalixiyada, iyadu waa laan ka farcantay dariiqada Axmadiyada oo ku abtirsata Shiikh Axmad binu Idriis Al-Faasi oo isagu ku dhintay degmada Casiir ee dalka Sacudiga sanadkii 1838-kii. Shiikha ay Saalixiyada ku tawasulaan waxaa la yiraahdaa Shiikh Maxamad binu Saalax. Wadaaddada Soomaaliyeed ee raacday dariiqadan ayaa waxay yihiin kuwo ka fir-fircoon kana aragti dheer kuwa dariiqada Qaadiriyada. Culimada dariiqadan waxaa kamid ah Sayid Maxamd Cabdulle Xasan, oo isagu, kasokow halganka madaxbannaani oo uu horseeday, waalid u ahaa halgankii ay ku faaftay dariiqadan. Waxaa kale oo kamid ah Shiikh Cismaan Cumar iyo Xaaji Maxamuud Cismaan oo labaduba muriidiyadoodu ay aad u qadarin jireen. Shiikh Xasan Cabdiwaaxid Maxamad ayaa isna wuxuu ahaa ninka dariiqadan gaarsiiyay Baardheere. Waxaa kale oo jira wadaad la yiraahdo Shiikh Maxamad Yoon oo hoggaaminayay dhaqdhaqaaq la dagaalamay Xabashida sanadkii 1917-kii, kaas oo isna kamid ahaa culimadii Saalixiyada.

Khilaafkaas dariiqo waa mid lagu tilmaami karo in uusan dhaafsiisnayn shiikh-jeclaysi, waana mid ay diinta Islaamku ka hufan tahay. Diintayada xanafiga ah, saldhigyadeeda midka ugu hilan clus, oo in la ilaaliyo mudan, waa midnimada ummadeed ee dadka raacsan. Waxaanse shaki ku jirin, haddii labada asal (kitaabka iyo xadiiska) loo noqdo, in uu yaraanayo khilaaf kasta oo dad Islaam ah ku yimaada, xilli kasta iyo meel kasta oo ay joogaan.

Bartamihii sanadkii 1899-kii, qoysaskii racsanaa xertii Saalixiyada oo uu hoggaaminayay Sayid Maxamad waxay tiradoodu gaartay 5.000 oo qof, kuwaas oo ay weheliyeen xaasaskii iyo caruurtii raggii xerta ahaa. Waxay ku noolaayeen baadiyaha, waxayna wateen xoolo baadiye oo badan oo isugu jira geel, ari, ido, loŽ, fardo iyo dameero. Isla sanadkaas, hub aanan tiradiisa la xusin oo isugu jira qoryo iyo rasaas ayaa Daraawiishi ay kala soo degatay dekadda degmada Boosaaso ee uu ka taliyay Boqor Cismaan. (Aw-Jaamac. 1976. p. 24). Waxaa xusid mudan in dhaqdhaqaaqa uu Sayidku bilaabay, uu bilowgii soo dhoweyn ka helay maamulkii boqortooyadii Majeertiinya.

Markii ay Daraawiishi soo gaartay degaanka Caynaba, ayaa beelihii degaanka badankoodu ay dariiqadii raaceen. Waxaa culays ku yimid maamul-beeleedkii uu odeyga ka ahaa Garaad Cali Garaad Maxamad oo xilligaas kamid ahaa waayeelka beelaha Harti, gaar ahaan reeraha Dhulbahante. Haddii Sayidka iyo reer Berbera ay ku kala guureen khilaaf ka dhashay aragti diineed, Sayidka iyo Garaad Cali waxay isku af-garan waayeen maamul-dhaqameedkii beelaha. Sayidku waxaa si buuxda ugu muuqatay culayska is hor-taagay barnaamijkii uu watay. Sidoo kale, Garaadka waxaa u muuqday fara-gelinta shisheeye ee maamulkiisii ku yimid. Waxaa jiray wada-xaajood uu Sayidku isku deyay in uu Garaadka ku qanciyo, laakiin waa uu ku fashilmay. Waxaa arintan weheliyay waraaq uu Garaad Cali u diray Boqor Cismaan, bishii oktober 1899-kii. Waraaqdaas oo uu Sayidku helay ayaa waxaa ku qornaa sidan :

" Wadaad Ogaadeen ah oo dariiqo aanan dhulkan laga aqoon wata ayaa dunidii walaaqay, dadkiina ka xaystay ".

Waxaa kale oo jiray waraaq labaad oo isla xilligaas uu Garaadku u diray maamulkii Ingiriiska ee fadhigiisu ahaa Berbera. (Aw-Jaamac Cumar Ciise. Taariikhdii Daraawiishta. 1976-kii. p. 25. Laga soo xigtay The Modern History of Somaliland. I. M. Lewis. London. 1965. p. 70).

Dabadeed waxaa dhadcay in Garaadkii la xujeeyo oo la dilo. Dilkaas dabadeed, cabsi uu ka baqay gadood ka yimaada beelaha Harti darteed, ayuu Sayidkii u raray xertii raacsanayd galbeed iyo carri Ogaadeen. Halkaas oo uu gacan waydiistay beelihii Ogaadeenka ee uu u tegay. Sayidku wuxuu saldhig ka dhigtay meesha la yiraahdo Hara-digeed oo xudun u ah beelaha Maxamad Subeyr. Halkaas ayaa waxaa ku wada-hadlay Sayidka iyo odeyadii reeraha. Maxamad Cabdi Waal oo kamid ahaa odeyaashii beelaha ayaa soo dhoweeyay Sayidka, tolkiisna ku qanciyay taageerada Daraawiishta. Sayidka waxaa kale oo uu beelahaas ka helay dhamaan codsiyadii uu weydiistay oo ay kamid ahayd hub isugu jira qoryo iyo rasaas oo ay beeluhu ka furteen ciidamadii Menelik oo degaanka ku hayay duulaamo faduul ah. Beeluhu waxay keeneen 72 qori iyo rasaas, isla markaas waxay ka codsadeen Daraawiishta ay ka difaacaan ciidamada Xabashida.

Daraawiishta oo aanan weli si wanaagsan u degin dhulka, ayaa waxaa dhacay iska hor-imaad dagaal ah oo dhex maray iyaga iyo ciidamo Xabashi ah oo intay soo raaceen webiga Shabeelle soo gaaray koonfurta dhulka uu webigaas maro. Ciidamadaas oo tiradoodu lagu qiyaasay 1000 nin ayaa markii ay dib u soo noqdeen ku soo leexday dhulka howdka ah si ay u bililiqeystaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay ceelka Jigjiga markay taariikhdu ahayd 5/ 5- 1900-kii. Xabashidii waxaa halkaas lagaga dilay 230 oo nin, hub badanna waa lagaga reebtay. (Ibid. p. 28).

Is af-garadkii Daraawiish iyo Ogaadeen, ma noqon mid raaga. Taasina waxay ka dambeysay markii ay is dareensadeen reerihii martida loo ahaa iyo Sayidka. Waxaa halkaas ka unkamay shir-qoolkii la magac-baxay Gurdumi oo ahaa isku day lagu doonayay in la dilo Sayidka. Fashilaaddii shirqoolkaas ayaa wuxuu dhaliyay in Ogaadeen iyo Daraawiish ay kala dillaacaan, dabadeedna bir iyo rasaas layska adeejo. Sayid Maxamad oo bar-tilmaameed ahaa in dagaalka lagu dilo, waa uu ka badbaaday.

Dagaalkii dhacay wuxuu sababay in labadii dhinac ay rag badan kaga hoobtaan. Dabadeed niman odeyaal ah oo u dhashay Ogaadeen ayaa Daraawiishtii u soo ergoodaan, iyaga oo doonaya in ay furaan wada-xaajood ay uga gol-lahaayeen heshiis dhex-mara iyaga iyo Daraawiish. Waxaase dhacday in dhamaantood la laayo. Markii laysku xumaaday ayaa Daraawiishi waxay u guurtay meel la yiraahdo Caado. Xabashidii oo ka faaŽiideysanaysa shilka dhacay ayaa waxay markiiba soo dumtay ciidan ugaarsada Daraawiishta. Xabashida ayaa xilligaas waxaa u muuqday in dhaqdhaqaaqani u khatar ku yahay barnaamijkeeda istraateejiga ah oo ay ka damacsan tahay dhulka ay Soomaalidu degaan. Inkasta oo marakan, Xabashidii, ay hub iyo tiro wanaagsan ku yimaadeen, misana jab kale ayaa ka raacay halkaas. Dagaalladaas ay Daraawiishtu la gashay Xabashida, waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo ay isaga hor yimaadaan ciidamo shisheeye ah. (Ibid. p. 36).

Sidaas ayuu qrnigii XIX-aad inoogu dhamaaday, iyada oo badahayagu ay soo buuxiyeen dhaqdhaqaaqii ciidamada gumaysiga. Qarnigii wuxuu dhamaaday iyada oo dhukayagii baadiyaha ahaa, intiisa badan uu noqday, wax ay Xabashidu ku habsadaan iyo wax ay caga-cageeyaan. Qarnigii wuxuu dhamaaday iyada oo Soomaalidu uu ka maqan yahay garaad ay la dareemaan dhibaatadan ku soo food leh aayaha facahooda. Qarnigii wuxuu dhamaaday iyada oo 70-ka heshiis oo lagu qaybsaday dalkayaga, kuwoodii ugu hilan cuslaa ay saxiixyadoodii dhaceen. Kuwaas oo uu ugu danbeeyay heshiis dhacay bartamihii 1896-kii, kaas oo dhex-maray Talyaani iyo Amxaaro. Heshiiskaas oo ay ku kala saxiixdeen xuduudda u dhexaysa gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee xadkaas lagaga heshiiyo ayaa wuxuu dhacay dagaalkii Cadawa dabadeed. Waxaa halkaas ka muuqata, colaad kasta oo ay isku qabaan, in dowladaahsi ay ka goŽnayd in ay qaybsadaan dhlkayaga.

Waxaanu ku soo gunaanadeynaa casharradii taxanaha ahaa, janno iyo raxmad Eebe ha siiyee, jiifto kamid ah suugaantii macaaneyd ee uu ka tegay Cismaan Yuusuf Keenadiid. Isaga oo xusaya qoqobka iyo tacaddiga uu gumeysigu u geystay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed, isla markaasna talo iyo waano inoo soo gudbinaya, ayuu wuxuu Cismaan yiri :

War Soomaali tala xumo, taag looga waayayoo

Dhaaxaan la taliyaye, teedii uun weeyoo

Tadbiir kale ma haysoŽe, iyadaysku taaganoo

Iyadaysu tumanaysa, tiir iyo bilaawoo

Istaageerid laga waa, isu turinamaysoo

Istolaysi gacaltooyo, tusi waa Ilaahoo

Tabaalaha aduunkiyo, taariikhaha moogoo

Waxay tacadi soo aragtay, waa ku toosi waydoo

Cadaawaha u tashanaya, tiisa eegi maysoo

Tiiraanyo kama hayso, tafarruqa la geliyoo

Dalkoodii rag baa tebaya, iyageys ku tuunsanoo

Ingiriiska tahankiyo, taagtiiba ka helyoo

Faransana tabkaca iyo, tiisii ku gaaryayoo

Inta haray waxaa taabay Talyaani iyo Xabashoo

Amxaarkana tix-gelin iyo, turaa lagama eegoo

Tol-waynaha Ogaadeen, tuu ku falay la maqalyoo

Bar waa toogtay qaarkoodna, xabsi buu ku tuuroo

Nimankii u talin jiray, Tafarraa dhameeyoo

Tawil iyo wixii haray, taawi baa dilaayoo

Isaaqna loogu tabar sheegay, tagsiguu ku noolaa

Tiriyo maal wuxuu qabay, kor u tiigsan waayoo

Tooxa-weyn dalkiisii, ku tallaabsan waayoo

Haddii ay tigaad tahay, tulud daaqi maysoo

Toban meyl ma dhaafsiisna, taagii Hargeysoo

Majeerteena laga teed, halkuu toga ku dhaqayoo

Kobtii lagu tamadin jiray, waa laga takooroo

Taxkuumadi ma seejine, tun jileecsi weeyoo

Toomihii Murqaan iyo, tegi waayey, Ceel-cadoo

Tiiriga agtiisiyio, waakan tuunsan Beyroo

Gobanimo tukubo iyo, tuugsi laguma gaaroo

Haddaan rag isku tacadiyin, tiginkeed ma aasmoo

Horaa loo tijaabshaye, baryo kuma timaadoo

Taawi iyo baaruud iyo, tabcaar wax u ah dhiigoo

Cadow soo tartamayoo, tariin iyo dayuuro leh

Tusbax iyo nin laan haysta, waxba kama taraayoo

Madfaca laysku tuurona, tooreey gaari maysoo

Hadeynaan is-tabareysan, rag waa tii is-dilaŽoo

Oon qalabka lagu taagsan, tumasho iyo ganacsiba

Oon tabaabulyada seegno, waxba taransan meynoo

Tawakalidda Eebena, tiir la cuskan weeyoo

Taliyuhu isaga weeye, tadbiirshaha aduunkoo

TaaŽib iyo cibaadiyo, towbad baa danteenoo

Tukashaduna waa faral, taarik waa la caayoo

Hadeynaan ka tegin diinka, Rabaa inagu toosane

Tuu fali lahaa iyo, tiisii la laabaneeee

Dhamaad

Saadiq Enow (New Email is dr_saadiq@hotmail.com) ;


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.