Haddii aanu milicsi gaaban siino dariiqooyinka
kala geeyay culimadii Soomaaliyeed, waa culimadii
Berbera iyo SayidkaŽe, waxaanu helaynaa nimanka iska leh
magacyada ay dariiqooyinkani sitaan in ay ahaayeen
rag taariikhda diinta Islaamka magac ku leh. Shiikh
Cabdulqaadir Al-Jeylaani oo ah shiikha
ay ku tawasulaan wadaaddada Qaadiriyadu, wuxuu
ku dhintay degmada Baqdaad bartamihii qarnigii
X-aad. Kitaabka la yiraahdo Masaalik
Al-absaar oo wax ka qoray taariikhda
dhaqdhaqaaqyada dariiqooyinka suufiyada ee Geeska
Afrika, wuxuu xusayaa in bilowgii qarniyadii dhexe,
maamullo toddoba ah oo Islaam ahaa ay ka jireen
Geeska Afrika. Inkasta oo suufiyadu ay ahayd hannaanka
keliya oo diineed, misana ma eeyan reebin wax
dugsiyo ah oo lagu barto aqoonta diinta. Qaadiriyada
oo xilliyadaas soo gaartay Geeska Afrika, ayaa
waxay ahayd dariiqada keliya oo fursad u heshay
in ay ku baahdo degaanka. Waxaase jirtay in ay
sidatay khuraafi badan. Ninka la yiraahdo Shariif
Caydaruus oo ah culimada caanka ah oo raacay
dariiqan ayaa wuxuu yiri :
" Shiikh Cabdulqaadir
Jeylaani, isaga oo daŽdiisu tahay 14 jir
ayaa xagga Eebe laga tusiyay qoraallada Looxa
la Xafiday ". (Xamdi
Al-Sayid Saalim. 1965. p. 414).
Inkasta oo khuraafiga intaas leŽeg ay xambaarsanayd,
misana dariiqadan waxay si xoogan oo xamaasad
la socoto uga qayb qaadatay faafinta Islaamka
ee dhulka Soomaalidu degaan, iyada oo adeegsanaysa
wejiyada nolosha sida ganacsiga iyo wax-barashada.
Waxaa in la xuso mudan Culimada dariiqadan u kacay,
bilowgii iyo bartamihii qarnigii XX-aad, oo ay
kamid yihiin Shiikh Cismaan
Nuur iyo Shiikh Cabdullaahi
Aadan oo gobollada waqooyi ku akhriyi jiray
kutubta diiniga ah, dadkuna aad u qadarin jireen.
Shiikh Idiris Maxamad Muxiyadiin
oo degaanka waqooyiga Juba ka ahaa nin diinta
faafiya, kaas oo dhisay masaajidka Biyoolay. Shiikh Maxamad Ibraahim Garow, wuxuu fadhigiisu
ahaa degmada Baardheere. Shiikh
Cabdullaahi Yuusuf Qalan-qoole oo isna
ku noolaa gobollada waqooyi-bari. Shiikh
Suufi Cabdullaahi Al-Shaasi iyo Shariif
Calawi ayaa iyaguna fadhigoodu ahaa gobolka
Banaadir. Shiikh Awees Al-Waali
Cabdiraxmaan isna wuxuu ahaa nin suufi
ah oo ku caan baxay nolosha ku dhisan ka fogaanshaha
ku raaxeysiga dunida (saahid), gaar ahaan 15-kii
sano oo noloshiisa ugu dambeysay. Wuxuu taakulayn
jiray masaakiinta. Waxaa shiikhan laga dhaxlay
qasiidooyin badan oo diini ah, kuwaas oo isgu
jira Carabi, Soomaali iyo Sawaaxili. Waxna wuxuu
ka qoray taariikhda Islaamka.
Dariiqada Saalixiyada, iyadu waa laan ka farcantay
dariiqada Axmadiyada oo ku abtirsata Shiikh
Axmad binu Idriis Al-Faasi oo isagu ku
dhintay degmada Casiir ee dalka Sacudiga sanadkii
1838-kii. Shiikha ay Saalixiyada ku tawasulaan
waxaa la yiraahdaa Shiikh
Maxamad binu Saalax. Wadaaddada Soomaaliyeed
ee raacday dariiqadan ayaa waxay yihiin kuwo ka
fir-fircoon kana aragti dheer kuwa dariiqada Qaadiriyada.
Culimada dariiqadan waxaa kamid ah Sayid Maxamd Cabdulle Xasan, oo isagu, kasokow
halganka madaxbannaani oo uu horseeday, waalid
u ahaa halgankii ay ku faaftay dariiqadan. Waxaa
kale oo kamid ah Shiikh Cismaan Cumar iyo Xaaji Maxamuud Cismaan oo labaduba muriidiyadoodu
ay aad u qadarin jireen. Shiikh
Xasan Cabdiwaaxid Maxamad ayaa isna wuxuu
ahaa ninka dariiqadan gaarsiiyay Baardheere. Waxaa
kale oo jira wadaad la yiraahdo Shiikh
Maxamad Yoon oo hoggaaminayay dhaqdhaqaaq
la dagaalamay Xabashida sanadkii 1917-kii, kaas
oo isna kamid ahaa culimadii Saalixiyada.
Khilaafkaas dariiqo waa mid lagu tilmaami
karo in uusan dhaafsiisnayn shiikh-jeclaysi, waana
mid ay diinta Islaamku ka hufan tahay. Diintayada
xanafiga ah, saldhigyadeeda midka ugu hilan clus,
oo in la ilaaliyo mudan, waa midnimada ummadeed
ee dadka raacsan. Waxaanse shaki ku jirin, haddii
labada asal (kitaabka iyo xadiiska) loo noqdo,
in uu yaraanayo khilaaf kasta oo dad Islaam ah
ku yimaada, xilli kasta iyo meel kasta oo ay joogaan.
Bartamihii sanadkii 1899-kii, qoysaskii racsanaa
xertii Saalixiyada oo uu hoggaaminayay Sayid
Maxamad waxay tiradoodu gaartay 5.000 oo
qof, kuwaas oo ay weheliyeen xaasaskii iyo caruurtii
raggii xerta ahaa. Waxay ku noolaayeen baadiyaha,
waxayna wateen xoolo baadiye oo badan oo isugu
jira geel, ari, ido, loŽ, fardo iyo dameero. Isla
sanadkaas, hub aanan tiradiisa la xusin oo isugu
jira qoryo iyo rasaas ayaa Daraawiishi ay kala
soo degatay dekadda degmada Boosaaso ee uu ka
taliyay Boqor Cismaan.
(Aw-Jaamac. 1976. p. 24). Waxaa xusid mudan
in dhaqdhaqaaqa uu Sayidku
bilaabay, uu bilowgii soo dhoweyn ka helay
maamulkii boqortooyadii Majeertiinya.
Markii ay Daraawiishi soo gaartay degaanka
Caynaba, ayaa beelihii degaanka badankoodu ay
dariiqadii raaceen. Waxaa culays ku yimid maamul-beeleedkii
uu odeyga ka ahaa Garaad Cali
Garaad Maxamad oo xilligaas kamid ahaa
waayeelka beelaha Harti, gaar ahaan reeraha Dhulbahante.
Haddii Sayidka iyo reer Berbera ay ku kala guureen khilaaf
ka dhashay aragti diineed, Sayidka
iyo Garaad Cali
waxay isku af-garan waayeen maamul-dhaqameedkii
beelaha. Sayidku waxaa si buuxda ugu muuqatay culayska
is hor-taagay barnaamijkii uu watay. Sidoo kale,
Garaadka waxaa u muuqday fara-gelinta shisheeye
ee maamulkiisii ku yimid. Waxaa jiray wada-xaajood
uu Sayidku isku deyay in uu Garaadka ku qanciyo, laakiin waa uu ku fashilmay.
Waxaa arintan weheliyay waraaq uu Garaad Cali u diray
Boqor
Cismaan, bishii
oktober 1899-kii. Waraaqdaas oo uu Sayidku helay ayaa
waxaa ku qornaa sidan :
" Wadaad Ogaadeen
ah oo dariiqo aanan dhulkan laga aqoon wata ayaa
dunidii walaaqay, dadkiina ka xaystay ".
Waxaa kale oo jiray waraaq labaad oo isla xilligaas
uu Garaadku
u diray maamulkii
Ingiriiska ee fadhigiisu ahaa Berbera. (Aw-Jaamac Cumar Ciise. Taariikhdii Daraawiishta. 1976-kii. p. 25. Laga soo xigtay The Modern History of Somaliland.
I. M. Lewis. London. 1965. p. 70).
Dabadeed waxaa dhadcay in Garaadkii
la xujeeyo oo la dilo. Dilkaas dabadeed,
cabsi uu ka baqay gadood ka yimaada beelaha Harti
darteed, ayuu Sayidkii u
raray xertii raacsanayd galbeed iyo carri Ogaadeen.
Halkaas oo uu gacan waydiistay beelihii Ogaadeenka
ee uu u tegay. Sayidku wuxuu saldhig
ka dhigtay meesha la yiraahdo Hara-digeed oo xudun
u ah beelaha Maxamad Subeyr. Halkaas ayaa waxaa
ku wada-hadlay Sayidka
iyo odeyadii
reeraha. Maxamad
Cabdi Waal
oo kamid ahaa odeyaashii beelaha ayaa soo dhoweeyay
Sayidka, tolkiisna
ku qanciyay taageerada Daraawiishta. Sayidka waxaa kale oo uu beelahaas ka helay dhamaan
codsiyadii uu weydiistay oo ay kamid ahayd hub
isugu jira qoryo iyo rasaas oo ay beeluhu ka furteen
ciidamadii Menelik oo degaanka ku hayay duulaamo faduul ah. Beeluhu
waxay keeneen 72 qori iyo rasaas, isla markaas
waxay ka codsadeen Daraawiishta ay ka difaacaan
ciidamada Xabashida.
Daraawiishta oo aanan weli si wanaagsan u degin
dhulka, ayaa waxaa dhacay iska hor-imaad dagaal
ah oo dhex maray iyaga iyo ciidamo Xabashi ah
oo intay soo raaceen webiga Shabeelle soo gaaray
koonfurta dhulka uu webigaas maro. Ciidamadaas
oo tiradoodu lagu qiyaasay 1000 nin ayaa markii
ay dib u soo noqdeen ku soo leexday dhulka howdka
ah si ay u bililiqeystaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed
ee halkaas ku nool. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay
ceelka Jigjiga markay taariikhdu ahayd 5/ 5- 1900-kii.
Xabashidii waxaa halkaas lagaga dilay 230 oo nin,
hub badanna waa lagaga reebtay. (Ibid.
p. 28).
Is af-garadkii
Daraawiish iyo Ogaadeen, ma noqon mid raaga. Taasina
waxay ka dambeysay markii ay is dareensadeen reerihii
martida loo ahaa iyo Sayidka. Waxaa halkaas
ka unkamay shir-qoolkii la magac-baxay Gurdumi
oo ahaa isku day lagu doonayay in la dilo Sayidka. Fashilaaddii
shirqoolkaas ayaa wuxuu dhaliyay in Ogaadeen iyo
Daraawiish ay kala dillaacaan, dabadeedna bir
iyo rasaas layska adeejo.
Sayid Maxamad oo
bar-tilmaameed ahaa in dagaalka lagu dilo, waa
uu ka badbaaday.
Dagaalkii dhacay
wuxuu sababay in labadii dhinac ay rag badan kaga
hoobtaan. Dabadeed niman odeyaal ah oo u dhashay
Ogaadeen ayaa Daraawiishtii u soo ergoodaan, iyaga
oo doonaya in ay furaan wada-xaajood ay uga gol-lahaayeen
heshiis dhex-mara iyaga iyo Daraawiish. Waxaase
dhacday in dhamaantood la laayo. Markii laysku
xumaaday ayaa Daraawiishi waxay u guurtay meel
la yiraahdo Caado. Xabashidii oo ka faaŽiideysanaysa
shilka dhacay ayaa waxay markiiba soo dumtay ciidan
ugaarsada Daraawiishta. Xabashida ayaa xilligaas
waxaa u muuqday in dhaqdhaqaaqani u khatar ku
yahay barnaamijkeeda istraateejiga ah oo ay ka
damacsan tahay dhulka ay Soomaalidu degaan. Inkasta
oo marakan, Xabashidii, ay hub iyo tiro wanaagsan
ku yimaadeen, misana jab kale ayaa ka raacay halkaas.
Dagaalladaas ay Daraawiishtu la gashay Xabashida,
waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo ay isaga
hor yimaadaan ciidamo shisheeye ah. (Ibid. p. 36).
Sidaas ayuu qrnigii XIX-aad inoogu dhamaaday,
iyada oo badahayagu ay soo buuxiyeen dhaqdhaqaaqii
ciidamada gumaysiga. Qarnigii wuxuu dhamaaday
iyada oo dhukayagii baadiyaha ahaa, intiisa badan
uu noqday, wax ay Xabashidu ku habsadaan iyo wax
ay caga-cageeyaan. Qarnigii wuxuu dhamaaday iyada
oo Soomaalidu uu ka maqan yahay garaad ay la dareemaan
dhibaatadan ku soo food leh aayaha facahooda.
Qarnigii wuxuu dhamaaday iyada oo 70-ka heshiis
oo lagu qaybsaday dalkayaga, kuwoodii ugu hilan
cuslaa ay saxiixyadoodii dhaceen. Kuwaas oo uu
ugu danbeeyay heshiis dhacay bartamihii 1896-kii,
kaas oo dhex-maray Talyaani iyo Amxaaro. Heshiiskaas
oo ay ku kala saxiixdeen xuduudda u dhexaysa gobollada
koonfureed ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaas
oo ahaa kii ugu horeeyay ee xadkaas lagaga heshiiyo
ayaa wuxuu dhacay dagaalkii Cadawa dabadeed. Waxaa
halkaas ka muuqata, colaad kasta oo ay isku qabaan,
in dowladaahsi ay ka goŽnayd in ay qaybsadaan
dhlkayaga.
Waxaanu ku soo gunaanadeynaa casharradii taxanaha
ahaa, janno iyo raxmad Eebe ha siiyee, jiifto
kamid ah suugaantii macaaneyd ee uu ka tegay Cismaan
Yuusuf Keenadiid. Isaga oo xusaya qoqobka
iyo tacaddiga uu gumeysigu u geystay qaar kamid
ah beelaha Soomaaliyeed, isla markaasna talo iyo
waano inoo soo gudbinaya, ayuu wuxuu Cismaan
yiri :
War Soomaali tala xumo,
taag looga waayayoo
Dhaaxaan la taliyaye,
teedii uun weeyoo
Tadbiir kale ma haysoŽe,
iyadaysku taaganoo
Iyadaysu tumanaysa,
tiir iyo bilaawoo
Istaageerid laga waa,
isu turinamaysoo
Istolaysi gacaltooyo,
tusi waa Ilaahoo
Tabaalaha aduunkiyo,
taariikhaha moogoo
Waxay tacadi soo aragtay,
waa ku toosi waydoo
Cadaawaha u tashanaya,
tiisa eegi maysoo
Tiiraanyo kama hayso,
tafarruqa la geliyoo
Dalkoodii rag baa tebaya,
iyageys ku tuunsanoo
Ingiriiska tahankiyo,
taagtiiba ka helyoo
Faransana tabkaca iyo,
tiisii ku gaaryayoo
Inta haray waxaa taabay
Talyaani iyo Xabashoo
Amxaarkana tix-gelin
iyo, turaa lagama eegoo
Tol-waynaha Ogaadeen,
tuu ku falay la maqalyoo
Bar waa toogtay qaarkoodna,
xabsi buu ku tuuroo
Nimankii u talin jiray,
Tafarraa dhameeyoo
Tawil iyo wixii haray,
taawi baa dilaayoo
Isaaqna loogu tabar
sheegay, tagsiguu ku noolaa
Tiriyo maal wuxuu qabay,
kor u tiigsan waayoo
Tooxa-weyn dalkiisii,
ku tallaabsan waayoo
Haddii ay tigaad tahay,
tulud daaqi maysoo
Toban meyl ma dhaafsiisna,
taagii Hargeysoo
Majeerteena laga teed,
halkuu toga ku dhaqayoo
Kobtii lagu tamadin
jiray, waa laga takooroo
Taxkuumadi ma seejine,
tun jileecsi weeyoo
Toomihii Murqaan iyo,
tegi waayey, Ceel-cadoo
Tiiriga agtiisiyio,
waakan tuunsan Beyroo
Gobanimo tukubo iyo,
tuugsi laguma gaaroo
Haddaan rag isku tacadiyin,
tiginkeed ma aasmoo
Horaa loo tijaabshaye,
baryo kuma timaadoo
Taawi iyo baaruud iyo,
tabcaar wax u ah dhiigoo
Cadow soo tartamayoo,
tariin iyo dayuuro leh
Tusbax iyo nin laan
haysta, waxba kama taraayoo
Madfaca laysku tuurona,
tooreey gaari maysoo
Hadeynaan is-tabareysan,
rag waa tii is-dilaŽoo
Oon qalabka lagu taagsan,
tumasho iyo ganacsiba
Oon tabaabulyada seegno,
waxba taransan meynoo
Tawakalidda Eebena,
tiir la cuskan weeyoo
Taliyuhu isaga weeye,
tadbiirshaha aduunkoo
TaaŽib iyo cibaadiyo,
towbad baa danteenoo
Tukashaduna waa faral,
taarik waa la caayoo
Hadeynaan ka tegin diinka,
Rabaa inagu toosane
Tuu fali lahaa iyo,
tiisii la laabaneeee
Dhamaad