Adeer !
dhacdadaas dabadeed, maamulkii boqortooyada Cumaan muddo ayuu
ku sugnaa xasillooni siyaasadeed. Sanadkii 1804-tii ayaa khilaafkii
ku soo cusboonaaday. Sababtu waxay ahayd amiir la oran jiray
Sayid Siciid ayaa wuxuu dilay
walaalkiis oo suldaan ahaa. Dabadeed wuxuu isu caleema saaray
taajkii saldanadda. Suldaankan cusubi wuxuu dhisay dowlad
adag. Tirada ciidanka saldanadda ayaa xilligiisii waxay gaareen
6.500 oo nin. Waxaa kale oo uu dhisay 15 doonyood oo kuwa
dagaalka ah. Markaas buu wuxuu ku fekeray in uu maamulkiisa
ku baahiyo dhulkii uu xiriirka ganacsi la lahaa. Sanadkii
1806-dii, suldaanku wuxuu la wareegay jasiiradda Sensibaar
iyo magaalooyin ku yaal bariga Afrika, kuwaas oo ahaa degmooyinka
Laamo, Kilwa iyo inta u dhexaysa. Waxyaabaha saaciday waxaa
kamid ahaa iyada oo dadka reer Cumaan ay raad xoog badan ku
lahaayeen degaanka bariga Afrika iyo jasiiradaha u dhow. Guud
ahaan bad-waynta Hindiya ayaa xilligaas lagu magacaabi jiray
Arabian Lake (balligii Carabta). Adeerow ogow in Cumaaniyiintu
ay goor hore bilaabeen in ay xiriir ganacsi la yeeshaan dadyowga
degaankeena. Waxaa jirta in bad-mareenada reer Cumaan ay goor
hore ogaadeen adeegsiga dabaylaha dul mara badwaynta Hindiya
ee lagu magacaabo Monsoon. Doonyaha
shiraaca leh ee xamuulka qaada ee u kala goosha Cumaan iyo
bariga Afrika ayaa waxay badda ku maaxi jireen dabaylahaas.
Ganacsiga saldanaddu waxaa uu ka iman jiray bariga Afrika,
kaas oo ganacsatada reer Cumaan ay u gudbin jireen qaaradaha
Aasiya iyo Yurub. Adeerow waxyaabaha ay ka ganacsan jireen
waxaa ugu waynaa dadka nool Addoomada
oo laga keeni jiray illaa iyo bartamaha qaaradda Afrika. Waxaa
jiray dallaalay afrikaan ahaa oo la shaqayn jiray ganacsatada
carbeed, kuwaas oo dadka ka keeni jiray dhulka gudaha ah ee
qaaradda. Dallaalaydu, dadka qaarna waa ay soo iibin jireen
qaar kalena waa ay soo qa! ! faalan jireen. Waxaa kale oo
Carabtu ay ka ganacsan jireen xubnaha duur-joogta sida haraga
Shabeelka, foolasha Maroodiga, miciyaha iyo ciddiyaha Libaaxa,
baalasha Gorayada, geesaha Biciidka, qolfaha Diinka iyo Qubada
iwl.
Xilliga
dhaqdhaqaaqa noocaas ahi uu ka socday xeebaha Soomaaliya,
waxaa gudaha dalka ka jiray geedi-hayaan saameyn ku yeeshay
deegaankii dadkeenii xoolo-dhaqatada ahaa. Aqoonyahanada u
kuur gala culuumta taariikhda, waxay hayaankan ku magacaabaan
The Great Waves of Somali Expansion
Hirarkii waawaynaa oo ay Soomaalidu ku Dhul Ballaarsanayeen.
Adeerow inkasta oo hayaankan ay soomaalidu goor hore bilaabeen
misana si muuqata ayuu u kordhay dabayaaqadii qarnigii 18-aad
iyo nuskii hore ee qarnigii 19-aad. Waxaa xusid mudan in soomaalidu
eeyan xilligaas lahayn maamul urursan oo ka dhexeeyay. Sidaa
darteed ayuu hayaankan ka turjumayay masaalixdii kala duwanaa
oo ay beelaheenii reer-guuraaga ahaa lahaayeen iyo cimilooyinkii
kala duwanaa ee la soo dersay noloshoodii. Cimiladaha sababay
in soomaalidu qaxaan waxay isugu jireen kuwan hoos ku xusan
:
1. Colaado
iyo ismaan-dhaaf ka aloosmay beelihii xoolo-dhaqatada ahayd,
kuwaas oo sababay dagaalo lagu kala guuro. Waxaa kamid ahaa
qixii Biyamaal iyo qaar kamid ah beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen.
2. Abaaro
adag oo iska daba yimid, kuwaas oo dad iyo duunyoba ku le´deen.
Waxaa kamid ah qixii qaar kamid ah beelaha Harti.
3. Kacdoon
siyaasadeed oo ay ku fogeynayeen maamullo ku gabood falay
beelihii la deriska ahaa. Sida kacdoonkii beelaha Bartire
iyo kii Abgaal.
Adeer
! waxaad ogaataa in hayaankani uu wax wayn ka beddelay deegaan-siyaasadeedkii
dadkeenii reer guuraaga ahaa. Wuxuu sababay isbeddel ah demographic
changes, kaas oo ku yimid degaankii iyo tarankii bulshooyinkii
ka qayb qaatay qaxan. Hayaankan ayaa sababay muuqaalka uu
maanta leeyahay dhulka loo yaqaan Soomaaliya ee leynoo ogsoon
yahay iyo dhulka inaga maqan oo ay dadkeenu degaan.
Beelaha
Dir waxaa hayaankan uga qayb qaatay reerka Biyamaal oo sida
sheekooyinka lagu hayo ka soo guuray gobollada waqooyi bartamihii
qarnigii 18-aad. Waxaa la tilmaamaa in ay sababtu ahayd gar-colaadeed
oo lagu heshiisiinayay iyaga iyo beesha Gadubiirsay oo uu
dagaal xumi dhex maray. Gartaas oo ay galeen odeyaal u dhashay
beelaha Isaaq iyo Ciise ayaa Biyamaalku waxay ka tirsadeen
in laga eexday. Markaas baa reerihii Biyamaal waxay guddoonsadeen
talo uu xargihii reerku u dhamaa oo ahayd in ay degaanka isaga
guuraan. Adeerow inkasta oo waddadii ay Biyamaalku soo raaceen
aanan sheekooyinka lagu xusin, misana waxaa la hubaa in hayaankoodii
ay ku soo fureen koonfurta webiga Shabeele, halkaas oo illaa
maanta ay degan yihiin. Xilligaas waxaa ay degaanka ugu yimaadeen
beesha Gelledi oo lahayd maamul siyaasadeed oo hanaqaad ahaa.
Labada Beelood (Gelledi iyo Biyamaal) dagaalo badan ayaa dhex
maray, kuwaas oo ay Biyamaalku ku dileen saddex suldaan oo
Gelledi ahaa oo is dhalay (suldaa! ! n Maxamuud, suldaan Yuusuf
iyo suldaan Axmad). Socdaalkii Biyamaal intaas kuma hakan
ee qaybo beesha kamid ah ayaa koonfur u sii kacay oo gobolka
Jubada-Hoose ku hakaday. Qolyihii koonfurta aaday ayaa dhexdoodii
colaadi ka aloosantay. Dabadeed jifi kamid ahayd baa waxay
u tallaabeen bulshooyinka Baantuuga ah ee ku dhaqan gobolka
waqooyi-bari iyo bariga dalka Keenya halkaas oo ay ku milmeen
dadyowgii ay u tageen. Adeerow xus oo beelo kamid ah reeraha
la yiraahdo Reendiille ee ku nool yuulada Mkunuumbi
oo ka tirsan degmada Laamo waxaa la rumaysan yahay
in ay yihiin dadyowgii kuushiitiga ahaa ee ku noolaa koonfurta
Banaadir. Sheeko-dhaqameedyada reeraha Biyamaal waxaa ku xusan
in qayb kamid ah reeraha Reendiille ay yihiin dad iyaga ka
tegey oo absaxankooda la garanayo. Dadkaasi waxay ku tageen
dagaal ay jifiyadii Biyamaal isugu tageen. Magaca reerka tegey
waa Kalafoow, absaxankooduna wuxuu gelayaa Sacad oo ah jifi
Biyamaal kamid ah.
Dhaqdhaqaaqii
ganacsatada reer Cumaan wuxuu raad ku yeeshay qaybo kamid
ah gobollada Soomaaliya. Saldanaddii beesha Gelledi ayaa xilligii
ay is-beddelayeen labadii qarni, kii 18-aad iyo kii 19-aad,
waxay yeelatay maamul hanaqaaday. Saldanaddaas oo xarunteedu
ahayd degmada Afgooye ayaa waxay xiriir la lahayd maamulkii
ka jiray magaalada Xamar. Xilligii suldaan Yuusuf oo qiyaastii
ku beegan 1812-kii - 1845-kii ayaa saldanaddu xoogowday. Waxaa
ballaartay dhulka uu ku baahay ganacsigii saldanadda. Dekadda
Xamar ayaa waxaa laga dhoofin jiray dalayga ka soo go´a
beeraha reerka Gelledi iyo xubnaha dugaagga. Reerku waxay
dekadda kala soo degi jireen waxyaabaha ay dibadda uga baahnaayeen
oo dharku uu kamid ahaa. Waxaa kale oo ay soo dhoofsan jireen
dadka addoomada ah, kuwaas oo beeraha ka shaqayn jiray. Adeerow
waxaa xusan, sanadihii u dhexeeyay 1820-kii iyo 1840-kii,
dekadaha Xamar iyo Marka in sanad walba lagala soo degi jiray
dad gaaraya 10.000 oo addoomo ah.
Adeer
! wakhti ku dhow xilliga ay Biyamaalku hayaameen ayaa galbeedka
Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo kacay beelo kamid ah reeraha
Kablalax (Ogaadeen). Beelahaas waxaa kamid ahaa , Maqaabil,
Cawlyahan, jifiyo kamid ah reerka Maxamd Subayr iyo Caabud-waaq
oo kamid ah jifiyada Talamuge. Geediga reerkan wuxuu soo maray
gobolka Bay. Sida ay isku raaceen da´wayntii sheekooyinkan
laga wariyay, muddo sanado ah ayay halkaas ku sugnaayeen.
Dabadeed waxay u soo tallaabeen degaanka Jilib, halkaas oo
ay ka samaysteen saldhig ay ka sahan sadaan degaanka.
Waxaa
jira sheekooyin tilmaamaya in beelaha soomaaliyeed ay si wadajir
ah ula dirireen dadkii Baantuuga ahaa ee ku noolaa degaanka
Juba, arrintaasi waxay xoojinaysaa aragtida oranaysa in beelaha
soo hayaamay ay isugu yimaadeen degaanka Jilib oo markaas
ahayd degaan Tunni. Oday la yiraahdo Xasan Ribadle oo Ogaadeen
ah, kana mid ah facihii dambe ee ka qayb qaatay hayaankii
ay beeshu ku degtay dhulka Juba ayaa wuxuu tilmaamay sababta
uu u qaxay in ay ahayd colaadaha reerka dhexdiisa ka socday.
Xasna ayaa muddo laga joogo 150 sano wuxuu tiriyay tix gabay
oo uu ku tilmaamayo sababta uu u qaxay, wuxuuna yiri :
Jiilaalkan
ruuga ah waxaan Raari uga guuray
Oon
ramashe doogoobay iyo roob la sugi waayay
Reer
Caraale uun baan ka tegi ruun colowgiisa
Warankay
ridahayaan ayuu ruuxda iga goyne
Ama
towbaday iga raddiyi oo raq baan dhigiye
Bilowgii qarnigii 19-aad, Garaad Wiil-waal ayaa isaguna wuxuu
ku guulaystay in uu ururiyo beelo kala duwan oo ku maamulo
xeer-dhaqameedyo uu isagu dejiyay. Taasina waxaa ay ka dambaysay
markii uu helay kalsoonidii beeshiisa (Bartire) oo ay caleemo
saarteen, markaas oo adeerow uu u caddaalad falay. Garaad
Wiil-waal wuxuu ahaa nin geesinimo iyo af-tahannimo loo hibeeyay.
Xeerarka uu ku dhaqmo wuxuu dadka ku bari jiray qaab suugaaneed.
Tilmaamahaas uu Wiil-waal lahaa ayaa waxay kallifeen in degaankiisii
ay ku soo qaxaan beelo dhowr ah oo ku qancay maamulkii uu
dhisay. Waxaa kamid ahaa Abasguul, Geri iyo Ogaadeen. Wiil-waal
wuxuu dhisay xulufo ciidameed iyo mid siyaasadeed oo ay ku
bahoobeen beelahaas. Adeerow kalsoonidii dhex martay Wiil-waal
iyo odeyadii beelahaas ayaa waxay adkaysay maamulkii ay isku
xulufaysteen. Tix uu Wiil-waal u tiriyay garaadkii beesha
Geri oo la oran jiray Garaad Aadan, mar uu uga soo dacwooday
beeshii oo ku gadoodday ayuu Wiil-waal ku tilmaamay xiriir!
! ka ka dhexeeya isaga iyo Garaad Aadan. Wiil-waal wuxuu yiri
:
Haddaad
dowladda waydo anna teydu weydowdey.
Haddii
lowgu ku wiiqmo anna waan wakkinaayaa.
Haddaad
weer isku jiiddo anna waan isku waabi.
Ciidamadii beelihii is-xulufaystay oo uu hor kacayo Wiil-waal
ayaa waxay duulaan ku qaadeen ceelashii reerka Akishe (Dir),
halkaas oo lagu dhibi jirey xoolaha ay lahaayeen beelaha aanu
soo xusnay. Gulufyadii colaadeed ee uu Wiil-waal dumay waxay
sabab u noqdeen in ay guud ahaan beelihii soomaaliyeed ay
ku faafaan dhulka biyaha badan ee ku beegan agagaarka degmada
Jigjiga, halkaas oo ay ka kacsadeen beelo Oromo ah.
Beelo
kamid ah reerka Mareexaan ayaa iyaguna ku soo hayaamay degaanka
Gedo, iyo koonfurta gobollada Baali iyo Siidaamo. Xilligaas,
qiyaastii 50 sano ayuu ka dambeeyay markii uu bilowday hirarkii
hayaanka. Waxaa jiray beelo Mareexaan ah oo safka hore kaga
jiray qaxan, waxaana kamid ahaa Howraarsame, Habar-Yaaquub,
reer Xasan iyo Talxe. Sheekooyinkii laga dhaxlay da´wayntii
hore waxaa ku xusan in beelahaasi ay geel badan wateen. Beelahan
waxay ka soo qaxeen meelo kamid ah bartamaha Soomaaliya, waxayna
soo mareen gobollada Hiiraan iyo Bakool. Sababta ay la qaxeen
waxay ahayd colaado isugu jira kuwo ka aloosmay beesha gudaheeda
iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo beelihii ay la deriska ahaayeen.
Adeerow inkasta oo eeyan isku degaan ka soo kicin misana waxaa
la malaynayaa in hayaankii beesha Dagoodiye uu dhinac socday
kaa beelaha Mareexaan, sidaasna ay dagaaladii lagu kiciyay
reerka Booran ay ka wada qayb qaateen. Dagaaladaasi waxay
ahaayeen kuwo lagu hilboobay, waana kuwa sababay in s! ! oomaalidu
degaan ku yeelato halkaas. Mar ay Boorantu fadhi ku lahaayeen
buurta u wayn degaanka ee la yiraahdo Humbaale
ayay soomaalidii u soo tiriyeen tix iyaga oo leh :
Humbaale
Humbaale
Humbaale
af-wayne
Shuun
oday waaye
Haddaad
ood ka goyso
Aabaa
iga dhaartay.
Soomaalidii
waa ay ka soo jawaabeen iyaga oo leh :
Humbaale
Humbaale
Humbaale
af-wayne
Shuun
oday waaye
Haddaad
oon ku guurin
Aabaa
iga dhaartay.
Adeerow
waxaa kale oo xusid mudan Shiikha la yiraahdo Ibraahim Xasan
Yabarow oo dhalashadiisu ahayd Wanla-wayn, kaas dalka ku soo
laabtay sanadkii ugu dambeeyay qarnigii 18-aad. Shiikh Yabarow
oo ahaa nin ka tirsan dariiqada Axmadiyada ayaa bilowgii qarnigii
19-aad wuxuu aasaasay xarumihii xertii Baardheere ee magaceedu
ahaa Jamaacada. Sanadkii 1797-kii
ayuu Shiikhu magaalada xurmaysan ee Maka wuxuu kula kulmey
Shiikh Axmad Bin Idiriis oo ahaa
ninkii aasaasey dariiqada lagu magacaabo Axmadiya.
Adeer ! goor dambe ayuu shiikhu wuxuu noqday nin asal raac
ah. Wuxuu hoggaamiye ka noqday dhaqdhaqaaq lagu nooleynayo
saldhigyada diinta Islaamka. Shiikhu wuxuu qaatay aragti lamid
ah tii uu Shiikh Maxamad Cabdi-Wahaab ku baaqay oo ahayd diin
aanan barax lahayn dariiqona aanan ku xirreyn. Shiikh Yabarow
wuxuu dadka kala diriri jiray tubaakada, heesaha, cayaaraha
iyo is-dhex galka ragga iyo dumarka.! ! Wuxuu ka reebi jiray
macsida. Wuxuu dadka fari jiray in laga reebtoomo ganacsiga
xubnaha duur-joogta. Dumarka wuxuu fari jiray in oogadooda
ay asturaan. Guud ahaanna wuxuu dadka u sheegi jiray in ay
ku dhaqmaan shareecada Islaamka, cibaadadana ay ku dadaalaan.
Shiikhu wuxuu yeeshay xarun u saldhig ah oo uu dadka wax ku
baro. Waxaa halkaas ka abuurmay dugsiyo lagu barto noocyada
culuumta diinta Islaamka. Sanadkii 1819-kii, tirada ragga
ardayda halkaas wax ku baranaysay waxay dhaafsiisnaayeen 100
nin. Sanadkii 1840-kii, tirada xertii Shiikhu waxay kor u
dhaaftay 20.000 oo nin, kuwaas oo badankoodu ahaa qolyihii
Daaroodka ahaa ee degaanka ku soo hayaamay.