|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharka
VI-aad
Adeerow beelaha Harti ayaa iyaguna ka qayb qaatay hayaankii
ay xoolo-dhaqatadeenii ku dhul fidsanayeen. Abaaro iyo colaado
ka dhacay degaanka ay beelahan ku nool yihiin, qaybtii hore
ee qarnigii 19-aad, ayaa loo aanaynayaa qaxa ay qaybo kamid
ah la aadeen galbeedka iyo koonfurta Soomaaliya. Dagaalada waawayn
oo xilliyadaas ay Hartigu isku laayeen waxaa kamid ah mid dhex
maray Majeerteen iy Dhulbahante. Waxaa xigay mid dhexmaray Warsangeli
iyo Majeerteen. Labada dagaalba waxay ku xusan yihiin gabaygii
guubaabada ahaa ee uu xilligaas beeshiisa u tiriyay Aw-Muuse
Ismaaciil. Tixihii gabaygaas waxaa kamid ahaa :
Dadow
heehe caaqibo miyaa xarigi loo duulshay
Ma
waxaan diidayaa uumiyuhu dan uga rayn waayay
Dacartaan
hortii xiray miyaa la igu soo daayay
Ciil
iyo hammi aan dumin miyaa la igu daardaaray
Inaynu
diir kharaarrahay miyaa uunki laga daahay
Dagaal
inaynu hoog dhigi miyaa dad ina moodaynin
Ma
waa xukun Ilaah deyay waxeer nalaga doonaayo !
Dagaaladan waxaa ka horeeyay kuwo in muddo ah ka dhex aloosnaa
beelaha Majeerteen dhexdooda, kuwaas oo ay sababeen dil loo
gaystay Boqor Yuusuf Cismaan iyo wiilkiisii Boqor Maxamuud Yuusuf
Maxamuudkii III-aad. Labada
boqor waa Boqor Cismaan aabihiis iyo awoowihiis.
Hayaanka
ay colaadahan iyo abaaruhu sababeen ayaa hayaamadii ay beelaha
kale ku soo qaxeen wuxuu kala mid ahaa isaga oo sidii hir oo
kale dhowr xilli oo kala duwan soo kacay. Isla markaasna wuxuu
ku khilaafsanaa waddooyinka uu soo maray oo isugu jiray bad
iyo berri. Adeerow sida ku xusan sheekooyinka da´waynta
reeraha, dadkii Hartiga ahaa oo ka qayb galay hayaankii ugu
horeeyay waxay qaxeen wakhti ku aaddan 20-kii sano ee u horeeyay
qarnigii 19-aad. Dadkaasi waxay ka qayb qaateen dagaallada lagu
magacaabo Dagaalkii Ajida
ee lagu kiciyay dadyowgii Oromada ahaa ee ku noolaa degaanka
Juba. Degaanka degmada Jilib ayaa saldhig u ahayd beelaha soomaaliyeed
ee hayaanka ahaa. Beelahaasi waxay isugu jireen Biyamaal, Harti,
Ogaadeen iyo Tunni.
Bartamihii
qarnigaas ayaa hirkii labaad ee reeraha Hartiga uu soo kacay.
Arrintaasi waxay ka dambaysay markii doon laga lahaa degmada
Xaafuun ay ku xumaatay meel kamid ah xeebta gobolka Jubada Hoose.
Dadyow meesha degganaa oo Baantuu ahaa ayaa ku soo duulay doontii
iyo dadkeedii, kuwaas oo dadkiina laayay hantidiina dhacay.
Rag dilkaas ka baxsaday ayaa qaylo-dhaan gaarsiiyay degaankii
ay ka yimaadeen dadka la laayay. Dabayaaqadii sanadihii 1860-aadkii
ayaa 14 doonyood oo ciidan saaran yahay waxay duulaan ku yimaadeen
degaamada xeebaha ah ee Juba. Adeerow waxaa xusid mudan in xilligaas
uu degaanka ka talinayay suldaankii reeraha Wiitu ee la oran
jiray suldaan Axmad Bin Fumoluuti Nabahani.
Suldaankaas oo ku magac dheeraa Siimba
ayaa sanadkii 1862-kii wuxuu isku dayay in uu saldanaddiisa
ku ballaariyo koonfurta Soomaaliya. Xilligaas waxaa maamulka
suldaanka hoos imanayay dhowr qowmiyadood oo kamid! ! ah qowmiyadaha
Sawaaxiliga ah, waxaa kamid ahaa Booni iyo Watoro oo labaduba
ay ahaayeen Baantuuga Soomaaliya. Watoro waxay ahaayeen dad
isu tegey oo addoomo ahaa, kuwaas oo meelo kala duwan ka soo
baxsaday, kaddib markii ay u adkeysan waayeen noloshii addoonsiga.
Dadkaasi waxay ku noolaayeen tuulooyin ku yiil dhulka howdka
ah ee u dhexeeya koonfurta Soomaaliya iyo waqooyi-bari Keenya.
Reeraha kale ee Booniga ahaa waxaa xilligaas hoggaaminayay nin
la oran jiray Bin Bahero
ee u dhashey reeraha Avatulla. Waxaa la yiraahdaa, ninkaasi
wuxuu ahaa Soomaali (Baajuunta Soomaaliya). Avatulla waxay kamid
yihiin 8-da jifi oo ay Baajuunta Soomaalida u qaybsan yihiin,
waana reerka ugu weyn. Sidaa darteed baa Bin
Bahero wuxuu damcay in uu mideeyo dadyowgii Wiitu
iyo Booni oo ay nadaam qura iyo magaalo-madax mid ah ay yeeshaan.
Waxay magaalo-madax u doorteen mid kamid ah tuulooyinkii Wiitu
ee ku yiil dhulka howdka ah, taas oo magaceeda l! ! a oran jiray
Balawa.
Adeer ! duulimaad is-daba joog ah ayaa Baantuugii kaga yimid
dhanka badda, kaas oo ay horseedayaal ka ahaayeen raggii aano-doonka
ahaa. Dhul daaqsinka ku wanaagsan iyo xoolo badan ayay Hartigu
ku qabsadeen dagaaladaas. Waana xilligaas goorta uu reebay nin
waayeel ahaa oo la socday ciidamada, ooraahdii oranaysay :
Waamo
iyo waayeelnimo ayaa ii kulmay.
Dagaalladaasi waxay sababeen hayaan baaxad wayn oo beelaha Harti
ay horseedayaal ka noqdeen, kaas oo xoolo-dhaqatadii soomaaliyeed
ay la beegsanayeen koonfurta dhulka u dhexeeya labada webi ee
Juba iyo Taana. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad hayaankii reerahan
ayaa wuxuu gaaray degaanka ay ku taal buurta la yiraahdo
Mount Kenya oo 180 km. u jirta Nayroobi, halkaas
oo illaa maanta ay ka muuqdaan waababkii ay xoolaha ku xeraysan
jireen iyo meelihii ay ciidamadooda fadhiyi jireen. Waxaa xusid
mudan in aasaaska degmada Siyelow Isiolo
ay kamid tahay degmooyinka ku aasaasmay dhaqdhaqaaqii hayaamadii
xoolo-dhaqatadeena, gaar ahaan kuwii Hartiga.
Adeer !
degaanka Juba waa dhimbisha ay ka dami wayday dagaalada sokeeye
ee dalkeena ka aloosan sanooyinkan danbe. Sida la filayona waa
degaanka ugu dambeeya oo ay nabadi ka unkami doonto, haddiiba
la helo caqli qiimeeya macnaha nabaddu leedahay. Sidaa darteed
waa ay haboon tahay in aanu fiiro gaar ah ku eegno taariikhda
dhulkan. Magaca Hinter-land ayaa wuxuu yahay midka ay taariikhyahanadu
u yiqiineen dhulka u dhexeeya webiga Juba iyo webiga Taana.
Wuxuuna kamid yahay degaamada qiimaha gaarka ah leh marka laga
hadlayo taariikhda geeska Afrika. Ninka la yiraahdo J.
de V. Allen oo macallin ka ah jaamacadda Nayroobi
ayaa wuxuu xusay, natiijooyinkii laga helay diraasaadkii lagu
sameeyay degaankan, in ay noqdeen kuwo iska hor imaanaya. Macluumaadkaas
iskhilaafsan xal baa loo heli lahaa hadii saddex arrimood ay
cadaan lahayd :
1. Taariikhdii
boqortooyadii Shunguwaaya,
oo ahayd saldanad ay Baantuugu lahaayeen qarniyadii dhexe.
2. Dadka
ku hadla afka Baantuuga Bantu-speakers,
goorta ay yimaadeen degaanka, iyo haday jiraan dadyoow kale
oo deganaan jiray agagaarka webiga Taana.
3. In Soomaalida
iyo Oromada ay yihiin dadyowga xoolo-dhaqatada ah ee geeska
Afrika dega kuwii ugu horeeyay.
J. de V. Allen wuxuu tilmaamay
in ay jireen dadyow xoolo-dhaqato ahaa ee ku noolaa koonfurta
Soomaaliya, kuwaas oo sida la malaynayo aanan ahayn Soomaali.
Dadyowgaas oo ku hadli jiray af-soomaaliga iyo kan Oromada,
waxay degaanka ku noolaayeen markay taariikhdu ahayd 1300 -
1700 c. d. In ay muddadaas ka hor deganaayeena waa suurogal,
waxaase adag in la helo raadkoodii iyo halkii ay ku dambeeyeen.
Balse hadii aanu wax iska weydiino in ay jiraan dad haraa ah
oo ka soo farcamay nimankaas, si raad noocaas ah loo helo waxaa
khasab ah in marka horeba la´eego qaabka dhismaha dhaqan-dhaqaale
oo ay leeyihiin dadyowgii geeska Afrika ku noolaan jiray. Adeerow
hadii aanu siguud u eegno dadka Baantuuga ah ee ku nool dalalka
bariga Afrika (Soomaaliya, Keenya iyo Tanzaaniya), waxaanu helaynaa
in ay yihiin dad luqadooda iyo dhaqankoodu uu mid yahay. Muddo
badanna waxay deganaayeen bariga Afrika. Waxaa jira arrimo ay
taariikhyahanadu si guud isugu waafaqsan! ! yihiin oo ku saabsan
dadyowga Baantuuga ah ee ku nool xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.
Waxaa arrimahaas guud hoos yaalla waxyaabo furuuc ah oo laysku
khilaafsan yahay, waxaana kamid ah :
Yay yihiin
dadkan afka Baantuuga ku hadla ?.
Xaggee bay
ku noolaayeen ?.
Imisay soo
jireen ?.
Aragtida ay Soomaalidu ka qabaan dadka baantuuga ku hadla waxaa
weeye in ay yihiin dad qarnigii 19-aad yimid dalka Soomaaliya,
waxaana keeney carabtii adoonsiga ka ganacsan jirtay, asalkooduna
waxay ka yimaadeen Keenya iyo Tanzaniya. Mar danbe baa waxay
noqdeen dad beeralay ah oo waxay degeen dhulka u dhexeeya labada
webi ee Juba iyo Shabeele. Dalaga ay soo saaraan waxaa iibsan
jiray ganacsatadii deganayd magaalooyinka xeebaha ku yaal sida
Xamar, Marka iyo Baraawe. Dadka Baantuuga ah ee Keenya ku nool
ee sheegta in asalkoodu uu Soomaaliya yahay waa kuwan hoos ku
xusan :
1. Majikeendha: waxay degaan
bartamaha iyo xeebaha Keenya.
2. Pokomo:
waxay degaan waqooyi-bari Keenya iyo daamanka webiga Taana.
3. Qeybo Sawaaxiliga kamid
ah sida: Baajuun oo degaankoodu
yahay xeebaha waqooyi bari ee Keenya iyo Mambuuri
oo iyaguna dega waqooyiga magaalada Mambaasa.
Dadkaasi waxay sheeganayaan xilligii boqortooyadii Shunguwaaya
in ay deganaayeen koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan dhanka
webiyadu maraan iyo magaalooyinka ku yaal xeebaha bad-weynta
Hindiya. Dadkaasi waxay u arkaan sharaf wayn in ay ku abtirsadaan
boqortooyadii Shunguwaaya.
Waxyaabaha laga helay meelaha la faagay ee dhulkaas kamid ah
waxay muujinayaan wax ka duwan waxa ay sheeganayaan Baantuuga
Keenya. Waxaa la qiyaasayaa in Oromadu ay dhulka ka qaaday dadyowgii
Shunguwaaya qarnigii 16-aad.
Waxaa la ogsoon yahay in ay Shunguwaaya degaankaas ku noolaayeen
illaa iyo intii ka horeysay sanadkii 1600, balse ay ka hareen
haraa ku noolaa koonfurta iyo dhulka xeebaha ah.
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|