|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QAYBSADAY!
Casharka VII-aad
Qarnigii
17-aad, dagaalladii ay beelaha Hawiye ku jebiyeen boqortooyadii
Ajuuraan, waxaa xigay dagaal taariikhda ku xusan oo wax ka beddelay
degaankii qayb kamid ah beelahaas. Dagaalkaasi waa midkii reerka
Abgaal ay magaalada Xamar kaga kiciyeen qoyskii lagu magacaabi
jiray Al-Mansuuri oo muddo dhowr
boqol oo sano ah ka talinayay degmada Xamar. Kacdoonka ay Abgaalku
xilligaas sameeyeen wuxuu ahaa mid ay kaga cabanayeen maamul
xumadii reerkii talada hayay. Sida ku xusan buuga lagu magacaabo
First Congress for International Somali Studys, kacdoonkaasi
wuxuu dhacay sanadihii ugu horeeyay ee qarnigii 19-aad. Nin
la yiraahdo Yacquub Abgaal ayaa hoggaamiye ka haa. Yacquub wuxuu
ku guulaystay in uu magaaladii gacanta ku dhigo. Qoyskii reer
Al-Mansuuri waxay noqdeen wax carara
iyo wax la dilo. Inkasta oo Yacquub uu maamul ka sameeyay Xamar,
misana ma raagin oo labo meelood ayaa dhibaato kaga timid. Mid!
! da hore waxay ahayd reerka Gelledi oo xilligaas gacanta ku
hayay dhamaan waddooyinka ganacsigu maro ee ka baxa Xamar ayaa
ka hor yimid kacdoonkii Yacquub. Sidaa darteed ayay xayiraad
ku soo rogeen dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee Xamar ka baxayay, una
socday gudaha dalka. Waxaa kale oo jiray damac suldaankii Cumaan
Sayid Siciid ka galay in uu Xamar
qabsado. Suldaanka waxaa arrintan ku dhaliyay xiisaha uu u qabay
in uu xoojiyo ganacsiga uu ku lahaa Afrikada bari. Sanadkii
1824-kii ayaa ciidamadii Cumaan ay badda ka soo weerareen magaaladii
Xamar, halkaas oo ay madaafiic la dhaceen magaalada. Dagaalkaas
oo magaaladii lagu burburiyay natiijadii uu reebay baa waxay
ahayd in degmadii ay hoos timaaddo maamulkii Cumaan, maamulkii
Yacquubna halkaas ayuu ku joogsaday.
Qaar kamid
ah maamul-dowladeedyadii ka hanaqaaday qaaradda Yurub ayaa xilligaas
ku tartamayay sidii ay u ballaarin lahaayeen maamulladooda siyaasadeed
iyo kuwooda dhaqaale. Dowladihii Ingiriiska iyo Faransiiska
oo safka hore kaga jiray loolankan ayaa ku guulaystay in ay
ganacsigoodii gaarsiiyaan dhulka Hindiya iyo bariga fog. Taasina
waxay ka dambaysay markii Burtuqiiska laga eryay Cumaan iyo
Hindiya oo uu saldhigyo ku yeeshay qarnigii 16-aad iyo kii 17-aad.
Cayrinta Burtuqiiska waxaa dowr adag ka cayaaray boqortooyadii
Cismaaniyadda oo ay cara gelisay markii uu Burtuqiisku isku
dayay in uu gacanta ku dhigo magaalada xurmaysan ee Maka sanadkii
1517-kii, isaga oo ay ujeeddadiisu ahayd in uu kacbada burburiyo.
Duulaankaas uu Burtuqiisku soo qaaday waxaa hoggaaminayay
Loper Souris, wuxuuna ka koobnaa 40 doonyood, kuwaas
oo ciidamada la socday ay dhamaayeen 2000 oo nin. Inkasta oo
duulaankii uu gaaray magaalad Jidda, misana fashil ayuu ku dhamaaday
oo! ! waxaa caabiyay doonyihii dagaalka ee badda Cas u fadhiyay
boqortooyadii xilligaas ka jirtay dalka Masar ee lagu magacaabi
jiray Mamaaliik. Maamulkii Cismaaniyiinta
ayaa dabadeed ilaalo adag u sameeyay badda Cas iyo degaamada
ay ku dhacaan xeebaha waqooyi-galbeed ee bad-waynta Hindiya
si ay uga fogeeyaan khatar kasta oo la malayn karo in ay ku
timaaddo dhulka xurmaysan ee muslimku leeyahay (Xijaas). Sanadkii
1541-kii ayaa doonyihii Turkigu soo gaareen xeebaha waqooyi
ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka xirtay doonyihii Burtuqiiska
in ay badda Cas u soo gudbaan. Taasi waxay ahayd markii ugu
horaysay oo ay Turkidu xiiseeyaan xeebaheena.
Bilowgii
qarnigii 19 aad, baddeheenu waxaay yeesheen qiimo muuqda oo
ay la daneeyaan xooggagii reer Yurub. Qiimayntan oo ah mid da´
wayn waxay la curatay taariikhda uu aadamigu ku bilaabay dhaqdhaqaaqyadii
isbarasho iyo kuwii wax kala beddelasho. Taasi waxay kalliftay
in markasta ay degaanka ku loollamaan dalalka markaas dunida
ugu xoogga weyn, welina waa sideedii. Dagaalada waawayn ee aadamiga
dhex maray, mid kamid ah kuwoodii ugu horeeyay ayaa wuxuu dhexmaray
dadyowgii reer Puntland iyo ciidamadii boqortooyadii Faraaciinta.
Dagaalkaas oo ay taariikhdu xustay wuxuu ka dhacay gobolka waqooyi-bari
ee Soomaaliya.
Haddaba
dhaqdhaqaaqa ka socday xeebaheena, taariikhda wuxuu ku ahaa
mid joogto ah, balse waxaa isbeddelayay tirada, tayada iyo dadka
halkaas marayay. Taasina waxay ku xirayd hanaanka nololeed ee
uu Eebe ugu tala galay in xilliga uu ahaado mid ummadaha u qaybsan.
Sidaa darteed ayaa bilowgii qarnigii 19-aad ay ku soo bateen
badaheena socdaalladii maraakiibtii ay lahaayeen Cumaaniyiinta,
Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa xusid mudan, maraakiibta xilligaas
socotay in ay ahaayeen kuwo farsamadoodu hoosayso. Arrintaasi
waxay sababtay, qaar badan oo maraakiibtaas kamid ah in ay ku
degaan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan gobollada waqooyi-bari
iyo waqooyi-galbeed. Dabadeedna hantidii saarnayd ayaa soo gaari
jirtay soomaalidii ku noolayd dhulka xeebaha ah.
Koox Ingiriis
ah oo daba taagnayd markab la dhacay dadna lagu laayay ayaa
waxay ka soo degeen xeebta magaalada Berbera sanadkii 1925-kii.
Kooxdaasi oo uu hor kacayay nin la yiraahdo Berner,
waxay ka socdeen dowladdii Ingiriiska. Waxay wadahadallo kula
yeesheen magaalada Berbera cuqaashii beesha Habar-Awal. Beeshaasi
waxaa u dhashay dhallinyaro loo aanaynayay markab lagu dhacay
meel u dhow xeebta degmada Berbera. Markabkaas oo la oran jiray
Marianne, waxaa lagu laayay raggii
ka shaqaynayay. Arrintaasi waxay dhacday markay taariikhdu ahayd
1825-kii. Heshiiskii Berner iyo
raggiisii ay la galeen beesha Habar-Awal wuxuu ahaa kii ugu
horeeyay oo ay gumaystayaashu ku soo fara geliyeen noloshii
dadkeenii reer miyiga ahaa. Inkasta oo imaatinka Ingiriisku
uu ugub ahaa, misana dhacdadu wax lala yaabo kuma ahayn soo-jireenkii
nolosha dadkeenii ku noolaa geeska Afrika. Taariikhyahannadii
gumaysiga, dhacdada! ! n aad ayay u cayiliyaan iyaga oo u aanaynaya
sababaha laynoo gumaystay. Waxaase sababahaas ay si wanaagsan
u muuqanayaan markii aad eegto falalka ka dambeeyay heshiisyadii
ay ay la dhigteen dadkii ay u yimaadeen. Heshiiskii dhexmaray
Berner iyo cuqaashii soomaaliyeed
waxaa kamid ahaa sidatan :
" Laga bilaabo hadda, beeshu waxay guddoomisay nabadgelyo
iyo saaxiibtinimo dhexmarta boqorka weyn ee ah boqorka Ingiriiska
iyo cuqaasha qabaa´ilka Habar -Awal iyo raggooda
..
Ganacsigu waa in uu amaan helaa, markabkii
Marianne xoolihiisii la dhacay iyo raggii lagu dilay
waa in magdhow laga bixiyaa ".
Sanadkii
1839-kii, Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow iyo jamaacadiisii ayaa
waxay bilaabeen olole ay ku faafinayeen culuumta diinta Islaamka.
Ololahaas oo ay ka qayb galeen dhamaan xertii shiikha ayaa wuxuu
ka soo bilowmay dhulka doyda ah ee daaqa ku wanaagsan ee magaalada
Beydhabo ka xiga dhanka koonfureed. Ololahakan ayaa wuxuu ku
bilowday in Jamaacadu ay kooxo isu raacaan, dabadeed sidii xertii
ay hadba meel reer deggan yahay ka samaystaan degaan. Sida ay
taariikhdu xustay, ujeeddada Jamaacadu maahayn in ay reerayowga
xoolo iyo dumar waydiistaan balse waxay gudbinayeen risaalad
ay ku baahinayeen waajibaadka diiniga ah ee qofka iyo bulshadaba
saaran. Ololihii ay Jamaacadu bilowday wuxuu lahaa muuqaal kacdoon-bulshadeed,
kaas oo saddexdii sano ee hore guulo waawayn ka soo hoyay howlihii
ay isu xil saareen. Kadib waxaa ku bilowday mucaarado xoog badan
oo lagu diidan yahay dhaqdhaqaaqa Jamaacada. Mucaaradadaas,
oo ka timid dad-waynihii beeralayda u badnaa ee ku noolaa labada
web! ! i dhexdooda, ayaa waxay lahayd labo qodob oo ay ku diidanaayeen
aragtida Jamaacada. Ninka la yiraahdo Lee
V. Cassanette ayaa buugiisa uu ku magacaabay The
Banadir Post, wuxuu ku caddeeyay labadaas qodob oo midkiisa
hore uu ahaa sabab dhaqaale. Jamaacadu waxay reebi jirtay ganacsiga
addoomada iyo xubnaha duur-joogta. Xilligaas ganacsiga degaanka
waxaa hor-mood ka ahaa saldanadda reerka Gelledi oo magaalada
Xamar kala xiriiri jirtay ganacsigii caalamiga ahaa oo Cumaaniyiintu
ay wax ka hoggaaminayeen. Waxaa kale oo suldaanka Gelledi uu
ka talinayay waddooyinka isku xira degmooyinka dekadaha leh
(Xamar, Marka, Baraawe) iyo dhulka gudaha ah. Dhaqaalihii badnaa
oo ka imanayay ganacsiga noocaas ah ayay Jamaacdu xayirtay.
Qodobka labaad oo uu Lee V. Cassanette
sheegay ayaa wuxuu ahaa, iayada oo ciidamada Shiikhu ay ku badnaayeen
dadka dhalashadoodu ahayd beelaha Daaroodka ah. Xilligaasna
waxaa degaanka ka! ! muuqday raad xoog badan oo ay reebeen beelihii
hayaanka ahaa. Waxaa baahday sheekooyin dicaayad ah oo lagula
dirirayay Jamaacada, kuwaas oo tilmaamayay in dadkan qaxaya
iyo nimankan xerta ah ay doonayaan in ay dhulka la wareegaan.
Mucaaradadii
xoogga weyneed oo ka hor timid darteed ayaa Jamaacadii waxay
la qaadatay aragti ay ku magacaabeen Jihaadkii Jamaacada. Shiikhii
wuxuu guddoonshay in la weeraro ciddii hor istaagta aragtida
Jamaacada. Waxaa halkaas ka bilowday dagaalo dhex mara xertii
shiikh Xasan I. Yabarow iyo dadkii degaanka, kuwaas oo saddex
sanadood ka dhex socday dhulka u dhexeeya labada webi ee Juba
iyo Shabeelle. Dagaaladaas oo markii hore ay Jamaacadu ku gacan
saraysay ayaa waxay sababaeen in gacanta Jamaacadu ay soo galaan
degmooyinka ay kamidka yihiin Luuq, Diinsoor, Beydhabo iyo Buur-hakabo.
Dhanka Juba, jamaacadu ciidan bay u direen. Dadyow ahaa Warday
oo halkaas ku noolaa Jamaacadii ayay isu dhiibeen. Koonfur iyo
xeebta badweynta Hindiya, ciidamada Jamaacadu waxay ku guuleysteen
in ay qabsadaan degmada Baraawe. Dabayaaqadii sanadkii 1943-kii,
dagaaladii ayaa waxay gaareen agagaarka degmada Afgooye iyo
dhulkii ay ka talinayeen reerka Gelledi. Suldaan Yuusuf Maxamuud
oo xilligaas oda! ! y ka ahaa degaanka ayaa dagaalkii soo galay.
Waxaa xusid mudan xilliga uu Suldaan Yuususf ka talinayay degaankaas,
waxay ahayd xilligii ay boqortooyadq Gelledi ugu xoog badnayd.
Suldaan Yuususf isaga oo ku jeeda dagaal rogaal celis ah oo
uu ku qaadayo Jamaacadii Shiikh Ibraahim Xasan I. Yabarow ayuu
magaaladii Afgooye wuxuu kala soo baxay ciidan gaaraya 40.000
oo nin. Suldaanku wuxuu ku guuleystay in ciidankii Jamaacada
uu ka saaro degmooyinkii waaweynaa oo ay qabsadeen. Dabadeedna
waxay hareereeyeen degmada Baardheere oo ahayd xaruntii Jamaacada.
Dhowr maalmood bay qaadatay in ciidankii Suldaan Yuusuf ay qabsadaan
Baardheere. Taariikhdu waxay warisay in magaaladii iyo wixii
yiilba la gubay. Dadkii degganaa waxay noqdeen wax baxsada iyo
wax la laayo. Halkaas baana lagu dilay shiikhii Jamaacada. Dilkii
shiikh Xasan I. Yabarow ayaa dhaqdhaqaaqii Jamaacadana ku af-jarmay.
Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|