Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!



Casharka VIII-aad

Suldaankii Cumaan Sayid Siciid wuxuu talada la wareegay iyada oo dowladihii embriyaaliyadda ahaa, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska uu ganacsigoodii soo gaaray degaanka. Faransiiska wuxuu xilligaas haystay jasiirado dhowr ah oo bad-waynta Hindiya ku yaal, kuwaas oo doonyaha ganacsiga ee saldanadda Cumaan ay ku hakan jireen. Jasiiradahaas waxaa kamid ahaa France Island, Bourbon, Seychelles iyo jasiiradda Rodriguez Island. Qaar kamid ah jasiiradahaas Faransiisku sokor ayuu ku beeran jiray, sidaa darteed buu ! ! wuxuu u baahday dad adoomo ah oo beeraha u fala. Faransiisku wuxuu suldaankii Cumaan ka codsaday in degmada Kilwa uu ka furto xafiis uga wakiil ah iibsashada dadka addoomada ah. Ujeeddadu waxay ahayd in ay iska eegaan tayada addoomada loo soo dhoofinayo jasiiradaha uu haystay. Suldaankii Cumaan waa uu oggolaaday codsigii Faransiiska, halkaas ayay ka bilaabatay issu soo dhowaanshaha dowladdii Faransiiska iyo suldaankii Cumaan Sayid Siciid.

Sanadkii 1815-kii, dagaal adag ayaa Yurub ku dhex maray ciidamadii Faransiiska oo dhan ah iyo ciidamo xulufo ah oo uu Ingiriisku hoggaaminayay oo dhanka kale ah. Dagaalkaas oo la magac baxay The Battle of Waterloo, waxaa guushii ay ku raacday ciidamadii xulufada. Khasaarihii Faransiiska halkaas ka soo gaaray, wuxuu kallifay in dowladdoodii iyo hoggaamiyahoodii Napoleon Bonaparte labaduba ay lumiyaan haybaddii ay dunida ku lahaayeen. Dhacdadaasi waxay Ingiriiskii u saamaxday in uu Faransiiska kala wareego jasiirado ku yaal bad-waynta Hindiya ee ku beegan bariga Afrika. Waxaa kamid ahaa jasiiradda France Island iyo Seychelles. Markaas kaddib ayuu suldaan Sayid Siciid heshiis iskaashi la dhigtay Ingiriiska oo ahayd dowladdii dagaalka ku adkaatay si uu kaalmo ugu helo damaciisii ku salaysnaa in uu isku ballaariyo xeebaha Afrikada bari. Heshiiskaasi ma noqon mid raaga oo durba khilaaf ayaa soo hareereeyay. Khilaafkaasi waxaa saldhig u ahaa go´aan ay dowladdii Ingiriisku qaadatay oo ahaa in la mamnuuco dadka laga ganacsanayo, kaas oo ahaa isha dhaqaale ee saldanadda Cumaan. Waxaa xusid mudan in saldanaddu ay xilligaas lahayd saylado waawayn oo xarumo u ahaa ganacsiga dadka addoomada ah eela kala iibsanayay. Sayladahaasi waxay ku yiileen degmooyin ay kamid ahaayeen Kilwa, Bagamayo iyo Sensibaar. Dadka addoomada ah ee xarumahaas laga qaado waxaa loo iib gayn jiray qaaradda Aasiya, gaar ahaan dalalka carabta iyo Hindiya. Ingiriiska oo ahaa awood ku soo korodhay degaanka, waxaa ujeeddadiisu ahayd in ! ! uu dhagax labo shimbir ku dilo. Waa mare in uu curyaamiyo ilaha dhaqaale ee saldanada. Waa mar kale´e in uu sumcad wanaagsan ku yeesho dadyowga degaanka.

Sanadkii 1822-kii, guddoomiyihii suldaanka u fadhiyay jasiiradda Mauritius, isaga oo aanan la tashan suldaankii ayuu wuxuu guddoonshay go´aan uu ku reebayo ganacsiga addoomada. Inkasta oo heshiiskaasi uu kiciyay dareen siyaasadeed, misana ma xayirin waddooyinkii badda oo ay ku gooshayeen doonyaha ganacsiga ee laga lahaa saldanada. Go´aankii uu gaaray guddoomihii Mauritius waxaa ku dayday degmooyin kamid ah kuwii uu ganacsigu mari jiray ee ku yaal dhul-xeebeedka bari ee bad-waynta Hindiya.

Sanadkii 1840-kii, suldaankii Cumaan Sayid Siciid wuxuu xaruntiisii u soo raray jasiiradda Sensibaar, halkaas oo uu u doortay in ay magaalo madax u noqoto maamulkiisii. Dhaqdhaqaaqii Ingiriiska oo degaanka ku soo korodhay iyo in uu badbaadiyo ganacsiga wayn ee uga socday bariga Afrika ayaa sababtay in suldaanku uu qaato tallaabadaas. Go´aankaasi wuxuu dhacay xilli ay degmooyinka ku yiil xeebaha bariga Afrika ay dhamaantood ku jireen gacanta suldaanka. Suldaanku wiil uu dhalay oo la yiraahdo Tuwayni bin Siciid ayuu ku reebay maamulkii Cumaan, kii Sensibaarna wuxuu wakiil uga dhigay wiil kale oo la yiraahdo Khaalid bin Siciid. Waraaq uu suldaanku u diray dowladdii Ingiriiska 23/ 7-1844-kii ayuu ku xusay arrintaas, qoraalkiisiina waxaa kamid ahaa :

" Markii aan geeryoodo dabadeed sidaas ayuu ahaanayaa maamulka aanu samaysanay ee aan u magacaabay labadayda wiil. Khaalid oo ka talinaya hantida aan ku leeyahay Afrika iyo Tuwayni oo isaguna ka talinaya hantida aan ku leeyahay Cumaan iyo Khaliijka. Eebena hadduu idmo sidaas ayuu ku ilaalinayaa kaddib markii ay la tashadaan dowladda Ingiriiska. Annaguna waxaanu ka rajeenaynaa in ay raali ka noqoto, kalsoonidana eeyan ka qaadan ".

Khaalid wuxuu dhintay 1854-kii, dabadeed waxaa dhaxalkiisii la wareegay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Maajid. Sanadkii 1856-kii, suldaan Sayid Siciid ayaa isaguna geeryooday. Wakhtigaas, Cumaan iyo Sensibaar weli waa ay midaysnaayeen. Geeridii suldaanka ayaa waxay sababtay in khilaaf xoog badan uu dhex maro labadii amiir. Sida u caadada ah khilaafka siyaasadeed ee ku yimaada hoggaanka shucuubta oo aanan yeelan cirib la mahadsho, khilaafkii labadii amiir ee wiilka iyo adeerka isu ahaa wuxuu ku dhowaaday in uu sababo dagaal sokeeye. Taasina waxay ka dambaysay markii Ingiriiska iyo Faransiiska ay la kala safteen labadii Amiir. Tuwayni oo gacan saar la lahaa Faransiiska ayaa wuxuu damcay in uu ku soo duul! ! o Sensibaar oo uu qabsado.

waxaa soo dhex galay dowladihii damaca ka lahaa degaanka. Kadib markii Ingiriiska iyo Faransiiska ay la kala safteen labadii amiir ayaa waxay ku sigteen in dagaal sokeeye uu ka dhex aloosmo qoyskii reer Sayid Siciid . 10/ 3- 1862-kii ayaa dowladihii Ingiriiska iyo Faransiisku waxay ku heshiiyeen talo uu soo jeediyay Lord Cannings oo ahaa barasaabkii Ingiriiska u fadhiyay dalka Hindiya. Talada barasaabku waxay ahayd in Cumaan iyo Sensibaar, mid walba loo ictiraafo in ay tahay dowlad. Waxaa halkaas ka abuurmay labo dowladood oo kala madax bannaan. Laakiin barasaabku wuxuu Sensibaar ku xukumay in ay Cumaan siiso qaraami gaaraya 90.000 oo Bawnd sanad walba maadaama ay ka dakhli wanaagsan tahay. Barqash oo isaguna adeer u ahaa suldaanka Sensibaar ayaa isku deyay in uu a! ! f-gembiyo. Markii uu fashilmay ayaa Ingiriiska soo dhexgalay si aanan loo dilin, dabadeed wuxuu u dhoofiyay magaalada Bombay ee Hindiya. Hor u kaca dhaqaale ee ka muuqday jasiiradda ayaa wuxuu soo jiitay xoogaggii reer Yurub ee ku soo socday degaanka. Waxaa in la xuso mudan in xilligaas aanan weli la helin fikraddii lagu jeexay kanaalka Suways.

Haddaanu dib ugu noqonno faragelintii uu Sayid Siciid ku sameeyay noloshii dadkeenii soomaalida ahaa ee ku noolaa degaanka Xamar qarniga bilowgiisii, waxay la mataan ahayd faragelintii Faransiiska iyo Ingiriiska ay ku sameeyeen xoolo-dhaqatadeenii deganayd waqooyiga Soomaaliya. 15 sano oo keliya ayaa u dhexaysay labada dhacdo. Waxaa in laxuso mudan, in qarnigii 17-aad, dowladaha Isbaanishka iyo Burtuqiisku ay ahaayeen labada dowladood ee sida ballaaran xoogoodii ugu baahiyay dhulalkii ay ka boobeen ummadihii ay ka itaalka roonaayeen. Kasokow sahamadii ay bad-mareenadoodii u soo baxeen waxaa arrintan ku kaalmeeyay horumarka ay ka gaareen aqoonta biraha metallurgy iyo hindisaha farsamada madaafiicd! ! a. Labadaas dowladood waxay ka madax adeegeen in ay qaybo dhul ah u oggolaadaan dowladihii goorta dambe ku soo biiray boobkii gumaysiga, kuwaas oo ahaa Hoolanda Ingiriiska iyo Faransiiska. Qarnigaas majirin dowlad reer Yurub ah oo damac gumaysi lahayd ee ka baxsan shantaas dowladood.

Wasiir Faransiis ah oo kamid ahaa dowladdii boqorkii la oran jiray Louise XIV ayaa isaga oo ka digaya madax adeega Isbanishka iyo Burtuqiiska wuxuu yiri :

“Ganacsigu, sida uu qaaradda Yurub ugu keeni karo nabadda ayuu dagaalna u keeni karaa“.

Sidaasna waxay ku qoran tahay buuga lagu magacaabo History of The World ee uu qoray J. M. Roberts.

Dowladaha Hooland, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa waxay bilaabeen in ay olole colaadeed ku qaadaan Isbaanishka iyo Burtuqiiska, taas oo ay kaga kacsanayeen qaybo kamid ah dhulkii looga hor maray. Ololahaasi wuxuu isugu jiray dagaal toos ah iyo kacdoomo ay ku kicinayeen dadyowgii dhulkooda ay gumaysanayeen. Sanadkii 1654-kii, Hoolanda ayaa ciidamo u dirtay bariga Hindiya, Baraasiil iyo jasiiradaha Caribbian-ka, si ay qaybo uga hesho dhul uu Burtuqiisku ku beeran jiray sokorta. Iyada oo wax dagaal ah uusan dhicin ayaa Hoolanda waxaa ay la wareegtay qaybo badan oo dhulkaas kamid ah. Ololaha noocaas ah ayaa Ingiriiska iyo Faransiiska wuxuu fursad u siiyay, qaybtii hore ee qarnigii 18-aad, in ay ku xoog roonaadaan bad-waynta Hindiya.

Qiimaha ay xeebahayagu leeyihiin ka sokow, dowladihii gumaysiga in ay dhulkayaga milicsadaan waxaa kallifayay isha naxariista leh oo ay ku eegayeen boqortooyadii Xabashida. Qarniyadii dhexe waxaa Yurub ka jiray aragti diineed oo u xaglinaysay hiillada boqortooyada Xabashida. Waxaa jiray abwaano iyo niman wax qora oo wax badan dadkooda uga sheekeeyay boqortooyadaas, kuwaas oo mar walba ku baaqayay in laga difaaco cadowga ku hareeraysan ee Islaamka ah. Arrimahaas waxaa dhinac socday, tan iyo intii ka dambaysay dagaalkii Axmad Guray, ergooyin boqortooyada Xabashida ay si joogto ah ugu diraysay dowladaha reer Yurub.

Casharadii hore


Saadiq Enow




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001