Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii IX-aad

Xilligaas, madaxbannaanida degaankayaga waxaa lagu xushmayn jiray boqortooyadii Cismaaniyadda. Waxaase jirtay in bilowgii qarnigii 19-aad uu xooggii boqortooyadaasi wax badan is-dhimay illaa lagu magacaabay ninkii xanuunsanaa The Sick Man. Inkasta oo gabood-falkii siyaasadeed loogu dow-galay, misana waxay sababsatay dagaallo xooggan oo dibadda kaga yimid iyo kacdoomo gudaheeda ka curtay oo ummadihii ay u talinaysay ay ku doonayeen madax bannaani. Arrimahaas oo naafeeyay haybaddii dowladdaas ayaa waxay wax wayn u dhintay urursanaantii ciidamadii boqortooyada. Dabadeed waxaa dhaawac ku yimid is-haysashadii degaamadii ay Cismaaniyiintu ka talinayeen. Sida u caadada ah bulsho walba oo xanuunsata ayaa arintan waxay Turkidii ku furtay dusdus ay dowladihii shisheeyaha ahaa ku damaaciyaan dhulkii balaarnaa oo ay boqortooyadu ka talinaysay. Heshiiska uu Ingiriisku la dhigtay beelihii soomaaliyeed, bilowgii qarnga, ayaa wuxuu kamid yahay tilmaamaha muujinay! ! a is waydaarsiga taliska xoogagga ku hardamayay degaanka.

Dagaalka lagu magacaabo Kremean War ee boqortooyadii Ruushka ay ku doonaysay in magaalada Istanbuul Constantinople ay ku soo celiso gacanta dadka rumaysan diinta masiixiyadda ayaa wuxuu kamid ahaa dagaalladii waawaynaa ee ka qarxay xududda boqortooyada bilowgii qarnigaas. Boqortooyadii Ruushka, waxay dagaalladaas kaga qabsadeen Turkida dowladaha ku yaal dhulka ay maraan buuraha Kowkas (Armeeniya, Abkhaasiya, Jejniya, Gruusiiniya iyo Aserbadjaan) iyo dowladaha Aasiyada Dhexe (Turkumaanistaan, Kasakhistaan, Kirgistaan, Usbekstaan iyo Tadjikstaan). Boqortooyadii Ruushka waxaa damac ka galay in ay ka faaŽiidaysato tabar darrida ku timid Turkida, laakiin dowlado uu Ingiriisku kamid yahay ayaa hor istaagay qorshahaas. Ingiriisku dagaalkaas wuxuu ka qayb galay isaga oo u hiilinaya maamulkii boqortooyada Cismaaniyadda. Halkaas waxaa ka abuurmay xiriir wanaagsan ee Turkida iyo Ingiriirska dhex mara. Waxaa kale oo Ingriisku uu Ruu! ! shka ka ilaalinayay badaha biyaha kulul. Kacdoomada ka curtay gudaha boqortooyada, nuskii hore ee qarniga, waxaa ugu waynaa kacdoonkii ay wadeen dadyowgii Giriiga ahaa sanadihii u dhexeeyay 1821-kii iyo 1829-kii. Waxaa kale oo xooggii Turkida

Waxaa kale oo xooggii Turkida wiiqay Maxamad Cali Baashaa oo ahaa ninkii maamulka boqortooyada wakiilka uga ahaa dalka Masar muddadii dhexaysay 1805-kii iyo 1848-kii. Guddoomiyahaasi waxaa damac ka galay in uu Masar ka dhiso maamul madax-bannaan isla markaasna uu qayb fiican ka helo dhulka sarrifmaya oo ay u taliso boqortooyada gabowday. Maxamad Cali oo ahaa nin u dhashay dalka Makedooniya, xukunkii Turkida ayaa Masar u soo beddelay sanadkii 1801-dii isaga oo hoggaaminayay guuto ciidan ah. Waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha Masar sanadkii 1805-tii.Wuxuu ku guulaystay in uu baabiŽiyo haraadigii qoyskii xukunkii Mamaaliik-ta ee muddada ka talinayay Masar. Sanadkii 1816-kii, Maxamad Cali, ciidan uu hoggaaminayo curadkiisii Ibraahim Baasha ayuu wuxuu u diray Xijaas, kuwaas oo muquuniyay dhaqdhaqaaqii diiniga ahaa ee xa! ! mbaarsanaa aragtdii Towxiidka Eebe ee uu macallinka ka ahaa Shiikh Maxamad bin Cabdi-wahaab (1730-1793). Sanadkii 1929-kii wuxuu ku duulay Suudaan. Sanadkii 1823-kii wuxuu ku duulay jasiiradda Qubrus. 1824-kii wuxuu ku duulay jasiiradda Kreeta ee ku taak Giriiga.

Kacdoonkii Giriiga oo ay u taag waayeen darteed ayaa boqorkii Cismaaniyiinta, bilowgii sanadihii 1830-aadkii, wuxuu kaalmo ciidan waydiistay waaligii Masar. Maxamad Cali, halkaas ayuu ku mujiyay damacii uu ka lahaa dowlad madax-bannaan. Halkii laga sugayayna in uu dowladda taakuleeyo, wuxuu ku duulay degaanka Shaam (Falastiin iyo Suriya) oo uu maamulkii Masar ku soo daray. Dhaawacaas xooggan ee gudo iyo dibadba ka yimid ayaa wuxuu sabasbay in xuduuddii boqortooyada ay cirifyada ka baabaŽdo.

Sanadkii 1839-kii, waxaa sugnaatey maamulkii Ingiriiska uu ka samaystay degmada Cadan. Arintaasi waxay dhalisay in Ingiriiska uu dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo cusub ka bilaabo degaanka gacanka Cadan, taas oo ku wajahan dhulka ay soomaalidu degaan. Sanadkaa aannu soo sheegnay sanadkii xigay, sarkaal Ingiriis ah oo la yiraahdo Captain Robert Moresby, isaga oo matalaya shirkad laŽoran jiray East India Company. Sanadkii 1843-kii, sarkaalkaasi wuxuu heshiis la galay suldaankii Taajuura iyo guddoomiyihii degmada Seylac. Degaankaasi wuxuu hoos imanayay oo uu ku magacawnaa maamulkii Cismaaniyiinta eeTurkiga. Heshiiska Captain Robert Moresby uu la dhigtay duqaydii Tajuura iyo Saylac ayaa shirkaddii waxay ku heshay labo jasiiradood oo yaryar oo xeebaha degaanka u dhow. Suldaankii Taajuura, jasiiradda la yiraahdda Muuse, oo kamid ah jasiiradaha waawayn ee gacanka Tajuura, ayuu wuxu! ! u ku iibsaday qiimo ah toban jawaan oo bariis ah. Jasiiradda la yiraahdo Awbad iyadu bilaash baa waxaa ku bixiyay duqii magaalada Seylac.

Fiiri : Treaty with the sultan of Tajura, pp. 6-8;

with the Governor of Zeila, pp. 8-9.

Inkasta oo dhaqdhaqaaqa maraakiibta Faransiiska ee soo gaarayay degaankeena ay ahaayeen kuwo garab socday kuwii Ingiriiska, misana markii Ingiriisku ku sugnaaday Cadan ayaa Faransiiskii waxaa galay damac ah in ay degaanka ka helaan meel Cadan lamid ah oo uu u madax-bannaan yahay, halkaas oo maraakiibtiisa ay ku sii nastaan. Ninka aragtidan calanka u siday waxaa la yiraahdaa Rochet dŽ Hericourt, kaas oo bilaabay sahamadii Faransiiska ay ku imanayeen degaanka. Ninkaasi bilowgii sanadihii 1830-aadkii, dhowr jeer ayuu gudaha dalka soo galay isaga oo la socday koox cilmi baaris u socotay. Sanadkii 1839-kii, meelaha uu soo booqday waxaa kamid ahaa boqortooyadii Shawa.

Rochet dŽ Hericourt wuxuu dowladdiisii u gdbiyay talooyin wax ku ool ah. Waxaa kamid ahaa in ilbaxnimada Faransiiska la gaarsiiyo bariga Afrika, boqortooyada Xabashiduna ay gacan ka gaysato mashruca. Wuxuu xusay suuqyada dhulka Xabashida iyo hantida dabiiciga ah oo ay Soomaaliya leedahay. Ilaha ay ka bilowdaan biyaha webiga Niil oo ku yaal dhulka Xabashida ayaa kamid ahayd waxyaabaha uu tilmaamay. Biyahaasina waxay raad ku yeelanayaan mustaqbalka nolosha dadka Masar. Boqorka Shawa wuxuu leeyahay ciidamo, kuwaas oo haddii aanu hub siino dushana ka ilaalino ku glaysan kara in ay mideeyaan dadyowga degaanka. Si taas loo gaaro, Rochet wuxuu ku taliyay in dowladda Faransiiska ay xiriir wanaagsan la yeelato boqorka Shawa. Faransiisku wuxuu is-tusiyay, degmooyinka soomaaliyeed ee Saylac iyo Berbera in ay yihiin irdaha uu ka geli lahaa degaanka.

Fiiri buuga Unknown Afrika. ee uu qoray Rochet.

Dowladdii Faransiiska waa ay oggolaatay taladii Rochet dŽ Hericourt, waxayna mashruucii u xilsaartay nin la yiraahdo Combes. kaas oo qudhis horay u caga-cageeyay degaanka

Ingiriiska markii uu ogaaday damaca Faransiiska wuxuu dareemay khatarta ay arrintani u keeni karto fariisimaha uu ku yeeshay Hindiya iyo badda Cas. Guddoomiyihii u fadhiyay Cadan Cap. Hens ayay waxay fartay in uu ku dhaqaaqo tallaabo kasta oo uu ku carqaladaynayo mashruuca Faransiiska. Tallaabadii ugu horaysay ee uu Guddoomiyuhu qaado waxay ahayd in uu ka mamnuuco maraakiibta Faransiiska in ay ku soo xirtaan dekadda Cadan. Waxaa bilaabatay loolan ay labada dowladood ku hardamaan dhulka Soomaalidu degaan. Sida aanu xilligaas u war-moogayn ayaa maantana loo war-laŽyahay.

Xaaladda degaanku waxay ahayd mid xasilloon intii ka horaysay sanadkii 1859-kii. Markaas oo qunslkii Faransiiska u fadhiyay Cadan Henri Lambert, isaga oo ka xumaaday xayiraadda uu Ingiriisku ku soo rogay maraakiibta Faransiiska, uu u socdaalay degaan kamid ah xeebaha Jabuti. Wuxuu la kulmay salaadiintii Danaakilada. Waqooyiga gacanka Tajuura wuxuu kula kulmay suldaan Abiiker Ibraahim, koonfurta gacankana wuxuu kula kulmay suldaan Maxamad bin Maxamad. Labadaas oday iyo qunsulku waxay isla oggolaadeen heshiis saamaxaya in shirkad Faransiis ahi ay degaanka ka shaqeyso.

4/ 6- 1859-kii, H. Lambert isaga oo ka soo noqday socdaalkii Tajuura ayaa markabkii uu saarnaa wuxuu kula degay meel u dhow jasiiradda Muuse. Waxaa xusd mudan, tan iyo 1843-ki, jasiiraddaasi waxay hoos imanaysay maamulka Ingiriiska ee fadhiyay Cadan. Mr. Cogland oo xilligaas Cadan u fadhiyay Ingiriiska ayaa baaritaan ku sameeyay sababta shilka keentay, wuxuuna tilmaamay in dhacdadu ay ahayd shil caadi ah. Dowladdii Faransiiska oo natiijadii Mr. Cogland ku qanci wayday ayaa sheegatay in qonsulkoodii lagu dilay shirqool ka yimid duqayda soomaalida ah ee reer Saylac oo uu odayga ka yahay Shiikh Cali Sharmaarke. Faransiisku wuxuu bilaabay dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo uu ku doonayay in uu dhacdadaan ugu faaŽiidaysto sidii uu degaanka uga heli lahaa meel u cagaha dhigto. Howlaha ku saabsan baadigoobka sababta uu H. Lambert la dhintay ayaa Faran! ! siisku waxay u soo magacaabeen nin la yiraahdo Comte Stanislas Russel. Dacwad arrintan ku saabsan ayuu gaarsiiyay Ibraahim Baasha oo ahaa guddoomiyihii Cismaaniyiinta u fadhiyay degmada Xudayda ee Yaman. Waxaa kale oo uu dacwad gaarsiiyay sarkaalkii Ingiriiska u fadhiyay Cadan. Danjirihii Faransiiska u fadhiyay Istanbuul ayaa isagna ka codsaday boqortooyada in Shiikh Cali Sharmaarke la qabto hantidiisana lala wareego. Faransiiskii iyaga oo aanan wax jawaab ah helin ayay ciidan u soo direen Saylac. Ciidamadaas oo uu hoggaaminayay sarkaal la yiraahdo Fleuriot de Langle ayaa degmadii cunaqabateeyay dabadeedna ku khasbay in Shiikh Cali Sharmaarke iyo toddoba kale oo duqaydii degaanka kamid ah ay is dhiibaan, magaaladiina waxaa lagu xukumay in ay bixiso 20.000 oo rayaal. Waxaa kale oo uu faray in degmada Saylac ay hoos timaaddo maamulka suldaanka Tajuura suldaan Abiibker Ibra! ! ahim. Odeyaashii, iyaga oo maxaabiis ah ayaa waxaa lala aaday Xudayda, halkaas oo Faransiisku uu codsaday in maxkamad la saaro. Gddoomiyihii degmada Xashmat Baasha wuxuu ka carooday falka Faransiiska, waana uu diiday in raggaas maxkamad lagu saaro degmada. Sidoo kale ayaa gddoomiyihii XijaasCali Baasha ee fadhigiisu ahaa Jidda uu u diiday in raggaas maxkamad la saaro. Waase ay awoodi waayeen in ay duqayda ka sii daayaan cadowga haysta, sababtuna waxay ahayd taag darrida ay xilligaas ku sugnayd boqortooyadii Cismaaniyadda. Taariikhdu ma xusin halkii ay ku dambeeyeen odeyaashaas (Barkhat. 1972. 476).

Fiiri : Hantoux Martineau p. 581, G. Angoulvant and S. Vig

neras, Djibuti, Mer Rouge. Abyssinie (Paris J. Andre 1902

Fleuriot de Langle markale ayuu degaanka ku soo laabtay oo uu wadahadallo la yeeshay Suldaan Abiiker iyo cuqaashii Danaakilo. Isaga oo ka faaŽiideysanaya cabsida laga baqay hubka uu la yimid buu F. de Langle waxaa uu dalbaday in Suldaanka iyo dadkiisa ay uga tanaasulaan dekadda Tajuura. Wadahadalladaasi waxay ku dhammaadeen is afgarasho. Cuqaashii Danaakilo, magaalo madaxdii Fransiiska Paris ayay nin u dirsadeen. Ninka la diray wuxuu kamid ahaa coqaashii ka socotay beesha uu suldaan Abiiker ka dhashey. Ujeeddada safarkiisuna waxay ahayd in uu ka qayb galo xaflad lagu maamuusayo degaankan cusub ee ku soo kordhay saldhigyadii ay dowladda Fransiiska ku lahayd dunidii la boobayay. Ninakan uu Langel u doortay in uu kaxeeyo wuxuu ahaa nin matali karay beelaha Danaakilada ah ee ku noolaa Jabuuti. Ujeeddada socdaalku wuxuu ahaa in uu ka qayb galo xafladda iyo in saxiix laga reebto. Saxiix! ! aas oo dhacay 11/3-1862-kii wuxuu xambaarsanaa arrimo ay kamid ahaayewen :

In xiriir saaxiibtinimo ay dhex marto Faransiiska iyo beelaha Ayka ee Danaakilada ah, iyo in Faransiiska looga haro dhulka xeebta ah ee u dhexeeya Raas-demiira iyo Raas-obokh, sidaasna uu u adeegsado dekadda Obokh. In dowladda Faransiiska ay sanad walba bixiso qaraami dhan 50.000 oo Farank. Waxaa in la xuso mudan, xilliga uu Faransiiska dhulkayaga ku iibsanayay qiimahaas jaban, tirada dadka Faransiiska ah oo magaccooda qori karay waxay ahaayeen 2%, halka uu dhaqankayagu ahaa in caruurta la baro qorista yo akhriska qraanka.

Langel markii uu Jabuuti ku soo laabtay, wuxuu saxiix ka qaatay duqayda beelaha Ayka iyo culimada diinta oo ay ugu horeeyaan Suldaan Maxamad bin Maxamad, Suldaan, Karloon Cismaan, Cali Ibraahim, Haadi Abuubakar iyo Ibraahiim Shahiim. 19/ 5- 1862-kii calankii Faransa ayaa degmada Obokh la suray, halkaas oo Faransiisku uu u doortay in maraakiibtiisa u socota Indo-shiina ay ku sii nastaan kana sahay iyo shidaal qaataan. Waxaa kale oo ay degmadu noqotay xarun uu Faransiiska kala xariiro boqortooyada Shawa, isla markaasna uu ka sahansado dhulka gudaha ah ee Soomaaliya. Waxaa xusid mudan Faransiiska in uu degaanka ku joogay qaab shirkad ganacsi illaa laga gaaray sanadkii 15/7 -1874-kii, markaas oo Turkidu ay degaankaas uga hareen maamulkii ka jiray dalka Masar ee u ka talinayay Ismaaciil Al-Khadawi. Masaaridu waxay dhulkaas kula wareegeen qaraami dhan 16.000 oo geniga Masar ah in ay siiyaan Turkida sanad walba. Degaanka! ! asi wuxuu ku hoos jiray maamulkii Al-Khadawi 11 sanadood Dowladdii Faransiiska iyo qoyskii Maxamad Cali ee talada dalka Masar isaga-dambeeyay, nuskii dambe ee qarnigii 18-aad, waxaa ka dhexeeyay xiriir wanaagsan. Taas ayaa Faransiiska waxay fursad u siisay in muddada ay Masaaridu ka talinayeen degaanka ay xiriir la yeeshaan dadyowgii ku noolaa degaankaas.

Sarkaal magiciisa la yiraahdo Brigadier General Hogg oo saldhiggiisu uu ahaa magaalada Cadan ayaa tilmaan ka qoray muuqaalkii ay xilligaas lahayd degmada Tajuura. Sarkaalkaas oo booqday Jabuuti sanadkii 1889-kii, qoraal uu reebay ayaa waxaa kamid ah :

" Dhulka xeebta ah ee ku yaal waqooyiga waxaa deggan Danaakilada, dhulka koonfurta ahse waxaa deggan Ciise Madoobe (Soomaali). Tajuura waa degmo yar oo ka kooban120 muddul, gees walbana masaajid baa ah, …….. . Waa dekadda Danaakilada. Qiyaastii waxaa magaalada ku nool 6000 oo qof. Odeyga degmada magaciisa waxaa la yiraahdaa Xaamud Maxamad ". Saadiq Enow.

.Casharadii hore

Saadiq Enow


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001