|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii IX-aad
Xilligaas,
madaxbannaanida degaankayaga waxaa lagu xushmayn jiray boqortooyadii
Cismaaniyadda. Waxaase jirtay in bilowgii qarnigii 19-aad uu
xooggii boqortooyadaasi wax badan is-dhimay illaa lagu magacaabay
ninkii xanuunsanaa The Sick Man.
Inkasta oo gabood-falkii siyaasadeed loogu dow-galay, misana
waxay sababsatay dagaallo xooggan oo dibadda kaga yimid iyo
kacdoomo gudaheeda ka curtay oo ummadihii ay u talinaysay ay
ku doonayeen madax bannaani. Arrimahaas oo naafeeyay haybaddii
dowladdaas ayaa waxay wax wayn u dhintay urursanaantii ciidamadii
boqortooyada. Dabadeed waxaa dhaawac ku yimid is-haysashadii
degaamadii ay Cismaaniyiintu ka talinayeen. Sida u caadada ah
bulsho walba oo xanuunsata ayaa arintan waxay Turkidii ku furtay
dusdus ay dowladihii shisheeyaha ahaa ku damaaciyaan dhulkii
balaarnaa oo ay boqortooyadu ka talinaysay. Heshiiska uu Ingiriisku
la dhigtay beelihii soomaaliyeed, bilowgii qarnga, ayaa wuxuu
kamid yahay tilmaamaha muujinay! ! a is waydaarsiga taliska
xoogagga ku hardamayay degaanka.
Dagaalka
lagu magacaabo Kremean War ee boqortooyadii
Ruushka ay ku doonaysay in magaalada Istanbuul Constantinople
ay ku soo celiso gacanta dadka rumaysan diinta masiixiyadda
ayaa wuxuu kamid ahaa dagaalladii waawaynaa ee ka qarxay xududda
boqortooyada bilowgii qarnigaas. Boqortooyadii Ruushka, waxay
dagaalladaas kaga qabsadeen Turkida dowladaha ku yaal dhulka
ay maraan buuraha Kowkas (Armeeniya, Abkhaasiya, Jejniya, Gruusiiniya
iyo Aserbadjaan) iyo dowladaha Aasiyada Dhexe (Turkumaanistaan,
Kasakhistaan, Kirgistaan, Usbekstaan iyo Tadjikstaan). Boqortooyadii
Ruushka waxaa damac ka galay in ay ka faaŽiidaysato tabar darrida
ku timid Turkida, laakiin dowlado uu Ingiriisku kamid yahay
ayaa hor istaagay qorshahaas. Ingiriisku dagaalkaas wuxuu ka
qayb galay isaga oo u hiilinaya maamulkii boqortooyada Cismaaniyadda.
Halkaas waxaa ka abuurmay xiriir wanaagsan ee Turkida iyo Ingiriirska
dhex mara. Waxaa kale oo Ingriisku uu Ruu! ! shka ka ilaalinayay
badaha biyaha kulul. Kacdoomada ka curtay gudaha boqortooyada,
nuskii hore ee qarniga, waxaa ugu waynaa kacdoonkii ay wadeen
dadyowgii Giriiga ahaa sanadihii u dhexeeyay 1821-kii iyo 1829-kii.
Waxaa kale oo xooggii Turkida
Waxaa
kale oo xooggii Turkida wiiqay Maxamad
Cali Baashaa oo ahaa ninkii maamulka boqortooyada wakiilka
uga ahaa dalka Masar muddadii dhexaysay 1805-kii iyo 1848-kii.
Guddoomiyahaasi waxaa damac ka galay in uu Masar ka dhiso maamul
madax-bannaan isla markaasna uu qayb fiican ka helo dhulka sarrifmaya
oo ay u taliso boqortooyada gabowday. Maxamad
Cali oo ahaa nin u dhashay
dalka Makedooniya, xukunkii Turkida
ayaa Masar u soo beddelay sanadkii 1801-dii isaga oo hoggaaminayay
guuto ciidan ah. Waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha Masar sanadkii
1805-tii.Wuxuu ku guulaystay in uu baabiŽiyo haraadigii qoyskii
xukunkii Mamaaliik-ta ee muddada
ka talinayay Masar. Sanadkii 1816-kii, Maxamad
Cali, ciidan uu hoggaaminayo curadkiisii Ibraahim
Baasha ayuu wuxuu u diray Xijaas, kuwaas oo muquuniyay
dhaqdhaqaaqii diiniga ahaa ee xa! ! mbaarsanaa aragtdii Towxiidka
Eebe ee uu macallinka ka ahaa Shiikh Maxamad
bin Cabdi-wahaab (1730-1793). Sanadkii
1929-kii wuxuu ku duulay Suudaan. Sanadkii 1823-kii wuxuu ku
duulay jasiiradda Qubrus. 1824-kii wuxuu ku duulay jasiiradda
Kreeta ee ku taak Giriiga.
Kacdoonkii
Giriiga oo ay u taag waayeen darteed ayaa boqorkii Cismaaniyiinta,
bilowgii sanadihii 1830-aadkii, wuxuu kaalmo ciidan waydiistay
waaligii Masar. Maxamad Cali, halkaas
ayuu ku mujiyay damacii uu ka lahaa dowlad madax-bannaan. Halkii
laga sugayayna in uu dowladda taakuleeyo, wuxuu ku duulay degaanka
Shaam (Falastiin iyo Suriya) oo uu maamulkii Masar ku soo daray.
Dhaawacaas xooggan ee gudo iyo dibadba ka yimid ayaa wuxuu sabasbay
in xuduuddii boqortooyada ay cirifyada ka baabaŽdo.
Sanadkii
1839-kii, waxaa sugnaatey maamulkii Ingiriiska uu ka samaystay
degmada Cadan. Arintaasi waxay dhalisay in Ingiriiska uu dhaqdhaqaaq
siyaasadeed oo cusub ka bilaabo degaanka gacanka Cadan, taas
oo ku wajahan dhulka ay soomaalidu degaan. Sanadkaa aannu soo
sheegnay sanadkii xigay, sarkaal Ingiriis ah oo la yiraahdo
Captain Robert Moresby, isaga oo
matalaya shirkad laŽoran jiray East India
Company. Sanadkii 1843-kii, sarkaalkaasi wuxuu heshiis
la galay suldaankii Taajuura iyo guddoomiyihii degmada Seylac.
Degaankaasi wuxuu hoos imanayay oo uu ku magacawnaa maamulkii
Cismaaniyiinta eeTurkiga. Heshiiska Captain
Robert Moresby uu la dhigtay duqaydii Tajuura iyo Saylac
ayaa shirkaddii waxay ku heshay labo jasiiradood oo yaryar oo
xeebaha degaanka u dhow. Suldaankii Taajuura, jasiiradda la
yiraahdda Muuse, oo kamid ah jasiiradaha
waawayn ee gacanka Tajuura, ayuu wuxu! ! u ku iibsaday qiimo
ah toban jawaan oo bariis ah. Jasiiradda la yiraahdo Awbad
iyadu bilaash baa waxaa ku bixiyay duqii magaalada Seylac.
Fiiri
: Treaty with the sultan of Tajura, pp. 6-8;
with
the Governor of Zeila, pp. 8-9.
Inkasta
oo dhaqdhaqaaqa maraakiibta Faransiiska ee soo gaarayay degaankeena
ay ahaayeen kuwo garab socday kuwii Ingiriiska, misana markii
Ingiriisku ku sugnaaday Cadan ayaa Faransiiskii waxaa galay
damac ah in ay degaanka ka helaan meel Cadan lamid ah oo uu
u madax-bannaan yahay, halkaas oo maraakiibtiisa ay ku sii nastaan.
Ninka aragtidan calanka u siday waxaa la yiraahdaa Rochet
dŽ Hericourt, kaas oo bilaabay sahamadii Faransiiska
ay ku imanayeen degaanka. Ninkaasi bilowgii sanadihii 1830-aadkii,
dhowr jeer ayuu gudaha dalka soo galay isaga oo la socday koox
cilmi baaris u socotay. Sanadkii 1839-kii, meelaha uu soo booqday
waxaa kamid ahaa boqortooyadii Shawa.
Rochet
dŽ Hericourt wuxuu dowladdiisii u gdbiyay talooyin wax
ku ool ah. Waxaa kamid ahaa in ilbaxnimada Faransiiska la gaarsiiyo
bariga Afrika, boqortooyada Xabashiduna ay gacan ka gaysato
mashruca. Wuxuu xusay suuqyada dhulka Xabashida iyo hantida
dabiiciga ah oo ay Soomaaliya leedahay. Ilaha ay ka bilowdaan
biyaha webiga Niil oo ku yaal dhulka Xabashida ayaa kamid ahayd
waxyaabaha uu tilmaamay. Biyahaasina waxay raad ku yeelanayaan
mustaqbalka nolosha dadka Masar. Boqorka Shawa wuxuu leeyahay
ciidamo, kuwaas oo haddii aanu hub siino dushana ka ilaalino
ku glaysan kara in ay mideeyaan dadyowga degaanka. Si taas loo
gaaro, Rochet wuxuu ku taliyay
in dowladda Faransiiska ay xiriir wanaagsan la yeelato boqorka
Shawa. Faransiisku wuxuu is-tusiyay, degmooyinka soomaaliyeed
ee Saylac iyo Berbera in ay yihiin irdaha uu ka geli lahaa degaanka.
Fiiri
buuga Unknown Afrika. ee uu qoray Rochet.
Dowladdii
Faransiiska waa ay oggolaatay taladii Rochet
dŽ Hericourt, waxayna mashruucii u xilsaartay nin la
yiraahdo Combes. kaas oo qudhis
horay u caga-cageeyay degaanka
Ingiriiska
markii uu ogaaday damaca Faransiiska wuxuu dareemay khatarta
ay arrintani u keeni karto fariisimaha uu ku yeeshay Hindiya
iyo badda Cas. Guddoomiyihii u fadhiyay Cadan Cap.
Hens ayay waxay fartay in uu ku dhaqaaqo tallaabo kasta
oo uu ku carqaladaynayo mashruuca Faransiiska. Tallaabadii ugu
horaysay ee uu Guddoomiyuhu qaado waxay ahayd in uu ka mamnuuco
maraakiibta Faransiiska in ay ku soo xirtaan dekadda Cadan.
Waxaa bilaabatay loolan ay labada dowladood ku hardamaan dhulka
Soomaalidu degaan. Sida aanu xilligaas u war-moogayn ayaa maantana
loo war-laŽyahay.
Xaaladda
degaanku waxay ahayd mid xasilloon intii ka horaysay sanadkii
1859-kii. Markaas oo qunslkii Faransiiska u fadhiyay Cadan Henri
Lambert, isaga oo ka xumaaday xayiraadda uu Ingiriisku
ku soo rogay maraakiibta Faransiiska, uu u socdaalay degaan
kamid ah xeebaha Jabuti. Wuxuu la kulmay salaadiintii Danaakilada.
Waqooyiga gacanka Tajuura wuxuu kula kulmay suldaan Abiiker
Ibraahim, koonfurta gacankana wuxuu kula kulmay suldaan Maxamad
bin Maxamad. Labadaas oday iyo qunsulku waxay isla oggolaadeen
heshiis saamaxaya in shirkad Faransiis ahi ay degaanka ka shaqeyso.
4/
6- 1859-kii, H. Lambert isaga oo
ka soo noqday socdaalkii Tajuura ayaa markabkii uu saarnaa wuxuu
kula degay meel u dhow jasiiradda Muuse.
Waxaa xusd mudan, tan iyo 1843-ki, jasiiraddaasi waxay hoos
imanaysay maamulka Ingiriiska ee fadhiyay Cadan. Mr.
Cogland oo xilligaas Cadan u fadhiyay Ingiriiska ayaa
baaritaan ku sameeyay sababta shilka keentay, wuxuuna tilmaamay
in dhacdadu ay ahayd shil caadi ah. Dowladdii Faransiiska oo
natiijadii Mr. Cogland ku qanci
wayday ayaa sheegatay in qonsulkoodii lagu dilay shirqool ka
yimid duqayda soomaalida ah ee reer Saylac oo uu odayga ka yahay
Shiikh Cali Sharmaarke. Faransiisku
wuxuu bilaabay dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo uu ku doonayay
in uu dhacdadaan ugu faaŽiidaysto sidii uu degaanka uga heli
lahaa meel u cagaha dhigto. Howlaha ku saabsan baadigoobka sababta
uu H. Lambert la dhintay ayaa Faran!
! siisku waxay u soo magacaabeen nin la yiraahdo Comte
Stanislas Russel. Dacwad arrintan ku saabsan ayuu gaarsiiyay
Ibraahim Baasha oo ahaa guddoomiyihii
Cismaaniyiinta u fadhiyay degmada Xudayda ee Yaman. Waxaa kale
oo uu dacwad gaarsiiyay sarkaalkii Ingiriiska u fadhiyay Cadan.
Danjirihii Faransiiska u fadhiyay Istanbuul ayaa isagna ka codsaday
boqortooyada in Shiikh Cali Sharmaarke
la qabto hantidiisana lala wareego. Faransiiskii iyaga oo aanan
wax jawaab ah helin ayay ciidan u soo direen Saylac. Ciidamadaas
oo uu hoggaaminayay sarkaal la yiraahdo Fleuriot
de Langle ayaa degmadii cunaqabateeyay dabadeedna ku
khasbay in Shiikh Cali Sharmaarke iyo toddoba kale oo duqaydii
degaanka kamid ah ay is dhiibaan, magaaladiina waxaa lagu xukumay
in ay bixiso 20.000 oo rayaal. Waxaa kale oo uu faray in degmada
Saylac ay hoos timaaddo maamulka suldaanka Tajuura suldaan Abiibker
Ibra! ! ahim. Odeyaashii, iyaga oo maxaabiis ah ayaa
waxaa lala aaday Xudayda, halkaas oo Faransiisku uu codsaday
in maxkamad la saaro. Gddoomiyihii degmada Xashmat
Baasha wuxuu ka carooday falka Faransiiska, waana uu
diiday in raggaas maxkamad lagu saaro degmada. Sidoo kale ayaa
gddoomiyihii XijaasCali Baasha ee fadhigiisu ahaa Jidda uu u
diiday in raggaas maxkamad la saaro. Waase ay awoodi waayeen
in ay duqayda ka sii daayaan cadowga haysta, sababtuna waxay
ahayd taag darrida ay xilligaas ku sugnayd boqortooyadii Cismaaniyadda.
Taariikhdu ma xusin halkii ay ku dambeeyeen odeyaashaas (Barkhat.
1972. 476).
Fiiri
: Hantoux Martineau p. 581, G. Angoulvant and S. Vig
neras,
Djibuti, Mer Rouge. Abyssinie (Paris J. Andre 1902
Fleuriot
de Langle markale ayuu degaanka ku soo laabtay oo uu
wadahadallo la yeeshay Suldaan Abiiker iyo cuqaashii Danaakilo.
Isaga oo ka faaŽiideysanaya cabsida laga baqay hubka uu la yimid
buu F. de Langle waxaa uu dalbaday in Suldaanka iyo dadkiisa
ay uga tanaasulaan dekadda Tajuura. Wadahadalladaasi waxay ku
dhammaadeen is afgarasho. Cuqaashii Danaakilo, magaalo madaxdii
Fransiiska Paris ayay nin u dirsadeen. Ninka la diray wuxuu
kamid ahaa coqaashii ka socotay beesha uu suldaan Abiiker ka
dhashey. Ujeeddada safarkiisuna waxay ahayd in uu ka qayb galo
xaflad lagu maamuusayo degaankan cusub ee ku soo kordhay saldhigyadii
ay dowladda Fransiiska ku lahayd dunidii la boobayay. Ninakan
uu Langel u doortay in uu kaxeeyo wuxuu ahaa nin matali karay
beelaha Danaakilada ah ee ku noolaa Jabuuti. Ujeeddada socdaalku
wuxuu ahaa in uu ka qayb galo xafladda iyo in saxiix laga reebto.
Saxiix! ! aas oo dhacay 11/3-1862-kii wuxuu xambaarsanaa arrimo
ay kamid ahaayewen :
In
xiriir saaxiibtinimo ay dhex marto Faransiiska iyo beelaha Ayka
ee Danaakilada ah, iyo in Faransiiska looga haro dhulka xeebta
ah ee u dhexeeya Raas-demiira iyo Raas-obokh, sidaasna uu u
adeegsado dekadda Obokh. In dowladda Faransiiska ay sanad walba
bixiso qaraami dhan 50.000 oo Farank. Waxaa in la xuso mudan,
xilliga uu Faransiiska dhulkayaga ku iibsanayay qiimahaas jaban,
tirada dadka Faransiiska ah oo magaccooda qori karay waxay ahaayeen
2%, halka uu dhaqankayagu ahaa in caruurta la baro qorista yo
akhriska qraanka.
Langel
markii uu Jabuuti ku soo laabtay, wuxuu saxiix ka qaatay duqayda
beelaha Ayka iyo culimada diinta
oo ay ugu horeeyaan Suldaan Maxamad bin Maxamad, Suldaan, Karloon
Cismaan, Cali Ibraahim, Haadi Abuubakar iyo Ibraahiim Shahiim.
19/ 5- 1862-kii calankii Faransa ayaa degmada Obokh la suray,
halkaas oo Faransiisku uu u doortay in maraakiibtiisa u socota
Indo-shiina ay ku sii nastaan kana sahay iyo shidaal qaataan.
Waxaa kale oo ay degmadu noqotay xarun uu Faransiiska kala xariiro
boqortooyada Shawa, isla markaasna uu ka sahansado dhulka gudaha
ah ee Soomaaliya. Waxaa xusid mudan Faransiiska in uu degaanka
ku joogay qaab shirkad ganacsi illaa laga gaaray sanadkii 15/7
-1874-kii, markaas oo Turkidu ay degaankaas uga hareen maamulkii
ka jiray dalka Masar ee u ka talinayay Ismaaciil
Al-Khadawi. Masaaridu waxay dhulkaas kula wareegeen qaraami
dhan 16.000 oo geniga Masar ah in ay siiyaan Turkida sanad walba.
Degaanka! ! asi wuxuu ku hoos jiray maamulkii Al-Khadawi
11 sanadood Dowladdii Faransiiska iyo qoyskii Maxamad
Cali ee talada dalka Masar isaga-dambeeyay, nuskii dambe
ee qarnigii 18-aad, waxaa ka dhexeeyay xiriir wanaagsan. Taas
ayaa Faransiiska waxay fursad u siisay in muddada ay Masaaridu
ka talinayeen degaanka ay xiriir la yeeshaan dadyowgii ku noolaa
degaankaas.
Sarkaal
magiciisa la yiraahdo Brigadier General
Hogg oo saldhiggiisu uu ahaa magaalada Cadan ayaa tilmaan
ka qoray muuqaalkii ay xilligaas lahayd degmada Tajuura. Sarkaalkaas
oo booqday Jabuuti sanadkii 1889-kii, qoraal uu reebay ayaa
waxaa kamid ah :
"
Dhulka xeebta ah ee ku yaal waqooyiga waxaa deggan Danaakilada,
dhulka koonfurta ahse waxaa deggan Ciise Madoobe (Soomaali).
Tajuura waa degmo yar oo ka kooban120 muddul, gees walbana masaajid
baa ah,
.. . Waa dekadda Danaakilada. Qiyaastii waxaa magaalada
ku nool 6000 oo qof. Odeyga degmada magaciisa waxaa la yiraahdaa
Xaamud Maxamad ". Saadiq Enow.
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|