|
Mudug
Online ayaa maanta waxay waraysi ku saabsan lacagta Been
Abuurka ah ee ku soo qulqulaysa Somaliya iyo sida loo
xakamayn karo dhaqaalaha Somaliya maanta la yeelatay Maxamad
Dalmar Cabdiraxmaan oo ah xeeldheere dhinaca Dhaqalaalaha,
xilal sar sarena ka soo qabtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya
iyo Wasaaradda Maaliyadda illa heer Agaasime Guud iyo
la-taliye Wasiirka Maaliyadda.
MOL:
Dalmar, sidaad la socoto in muddo ah lacagtii been
abuurka ahayd ee Somaliaya la keeni jiray way istaagtay,
maxaa sababay inay dib u soo bilaabanto mar kale? Maxayse
kula tahay inay u istaagtay markii hore?
Dalmar:
Horta marka hore waxaa loo baahan yahay in la fahmo laba
qodob: 1) Lacagta marka la sameeynayo, ama ha ahaato mid
beenabuur ah, ama mid sharciyeeysan, waa xaashi la daabacayo
oo madbacadi soo saarayso sida buugagga, jaraa'idka, manshuuraadka,
iwm, waxaana daabacaadeeda ku baxaya kharash aan yarayn.
2) xaashidaasi waxay lacag noqoneeysaa oo qiima yeelaneeysaa
markay suuqa gasho oo la oggolaado in wax lagu kala gato.
Haddaba farqiga u dhexeeya qiimaha xaashi-lacageedda markay
suuqa gasho iyo kharashka ku baxay daabacaadeeda ayaa
ah faa'iidada u soo hoyaneeysa ciddii lacagta sameeysay.
Waxaan
ognahay in waayahaan dambe ay lacagta been-abuuraan ganacsato
ama keligood keensada ama kula shirkooba hoggaamiye-kooxeedyo.
Ganacsatadaasi waa faa'iido doon, waxaana dhiirrigeliya
farqiga ama faa'iidada aan kor ku xusay.
Maxaa
sababaya in lacagta beenabuurka ahi marna suuqa ku soo
qulqusho, marna ka istaagto? Waxaa badi ugu wacan heerka
sarrifka shilinka oo isla lacagta beenabuurka ahi khalkhaliso.
Markii lacag badan oo beenabuur ah suuqa la soo geliyo
waxaa aad hoos ugu dhacaya heerka sarrifka shilinka ilaa
uu gaaro heer qiimahaxaashi-lacageeddu uusan dabooli karin
kharashka daabacaadeeda. Waxaa markaas istaagaya dabacaadda
lacagta. Ka dib markii muddo laga nasto lacagta beenabuurka
ah waxaa xogeeysanaya heerka sarrifka shilinka. Sarrifku,
sida la ogsoon yahay, wuxuu ku xiran yahay dalabka iyo
bandhigga (supply) lacagaha. Waxaa jirta in doollar badani
dalka ka soo galo jaaliyadaha dibedda, haddii aan markaas
shilin cusub la soo gelin suuqa, waxaa xoogeeysanaya sarrifka
shilinka. Markii taasi dhacdo, waxaa soo noqoneeysa faa'iidadii
laga helayey lacagta beenabuurka ah, waxaana bilaabmaya
tartan ah in lacaga cusub la soo waaarido ilaa uu sarrifku
mar kale dhulka galo oo mar kale lacagtii beenabuurka
ahayd istaagto.
MOL:
Mar aan fogayn ayaa C/raxman Darman ku dhawaaqay inuu
yahay Madaxwayne Somaliyeed isla markiina wuxuu soo daabacday
Lacag, yaad is leedahay way ka caawiyeen arrintaas maadaama
uu ahaa nin ku cusub Siyaasadda Somaliya?
Dalmar:
Iyadoo aan hadda cid gaar ah carrabka lagu dhufan,waxaa
la oran karaa, qof kasta wuu soo daabici karaa lacag beenabuur
ah hadduu heli karo kharashka daabacaadda, uuna awoodi
karo inuu sugo ammanka lacagtaas markii la keeno dalka.
MOL:
Faa’iido intee dhan ayaa laga helaa lacagaha been abuurkaa?
Dalmar:
Sidaan
horey u xusay, waxaa lacagta beenabuurka ah laga helaa
faa'iido, ka imaneeysa farqiga u dhexeeya qiimaha lacagta
iyo kharshka sameeynteeda. Farqigaas waxaa xadida saddex
arrimood:
- Qiimaha
xaashi-lacageedda (face value): Sidaan ognahay,
xaashi-lacageedda ugu qiimo badan oo la daabaci karo
waa tan 1000-ka shilin Soomaali oo ay Dawladdii hore
ka tagtay. Dadka lacagta beenabuura ma sameeyn karaan
xaashi-lacageed ka weyn 1000 shilin, taas ayaana ku
ah darbi aayan dhaafi karin, haddii kale suuqa waa qarqin
lahaayeen.
- kharashka
daabacaadda: Kharashka ku baxaya daabacaadda hal
xaashi-lacageed ee 1000-ka shilin ah waa qiyaas ahaan
tiro ku dhow US$0.03 ama 3 senti oo doollarka Maraykanka
ah.
- Heerka
sarrifka doollarka Maraykanka: Heerka sarrifka ayaa
ah kan ugu muhimsan oo saameeynta ugu weyn ku leh daabacaadda
lacagta la beenabuuro, isagaana sabab u ah in lacagta
beenabuurka ahi marna suuqa ku soo qulqusho, marna ka
istaagto. Waxaan soo qaadan karnaa saddex mitaal si
aan faahfaahinno mas'aladaan:
- Markii
heerka sarrifku joogo 10,000 shilin halkii doollar.
Halkii xaashi-lacageed ee 1000-ka shilin waxay ku kacaysaa
300 shilin, waxaana markaas laga helayey faa'iido dhan
700 shilin halkii xaashi. Waa faa'iido xad-dhaaf markii
la tixgaliyo in la keenay balaayiin xashi-lacageed .
Xilliyaddi hore dadkii lacagta beenabuurka ah keenay
waxay ka heleen faa'iido aan la qiyaasi karin oo u dhiganta
malaayiin doollarka Maraykanka ah.
- Markii
heerka sarifkuhoos ugu soo dhaco 20,000 shilin halkii
doollar. Halkii xaashi-lacageed waxay ku kacayasaa 600
shilin, waxaana laga helayaa faa'iido dhan 400 shilin.
Sida la arko faa'iidadii waa soo yaraatay.
-
Markii heerka sarrifku gaaro 24,000 shilin halkii doollar.
Halkii xaashi-lacageed ee 1000-ka shilin waxay ku kacaysaa
750 shilin, waxaana laga helayaa faa'iido dhan 250 shilin.
Waa fa'iido aad u yar, weliba markii la tixgeliyo khatarta
uu galayo qofka lacagta beenabuurka keenaya.
Haddii
heerka sarrifku halkaas ka sii hoos maro waxaa istaagaya
lacagta la daabacayo maadaama aayan faa'iido laga helayn,
khasaare mooyee.
MOL:
Puntland waxaa lacag ugu danbaysay tii Dawladdau la
wareegtay, haddana waxaa la sheegayaa inay Lacag kale
timid, ma la’ oran karaa lacagta la been abuuraa waxay
maraysaa heer cid walba intay lacag arursato soo daabacato
intay u goyso? yaase Dawladaha soo daabaca uga waasteeya?
Dalmar:
Sidaan horey u sheegay, lacagta waxaa daabici karta cid
allaale ciddii awood maaliyadeed u heli karta, bakhaar
iyo ciidan ay ku ilaashatana haysata. Hadda ka hor, waxaa
dhacday in lacag aad u fara badan lagu sameeyey dalkaan
Kanada. Waxaa jirtey in dawladda Kanada ay ka dalabtay
shirkaddii sameeyneeysey lacagtaas inay joojiso falkaas.
Haseyeeshee, shirkaddii waa diiday, waxna lagama qaban.
Waayo ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo keligeed dalkoo
idil ka talisa, adduunkoo idilna laga aqoonsan yahay oo
ka hortagi karta lacagaha beenabuurka ah.
MOL:
Boosaaso waxaa lagu xiray todobo
qof oo lagu soo eedeeyay inay lug ku leeyihiin lacagta
been abuurkaa, waxayna ka shaqeeyaan suuqa sarrifka lacagaha,
ma kula tahay sarrifle inuu awood dhaqaale iyo siyaasadeed
u leeyahay inuu soo sameeyo lacagt been abuur ah?
Dalmar:
Kama faalloon karo, waayo xog-ogaal uma ahi.
MOL:
Tan iyo intii Somaliya Dawladda noqotay hantida dalka
waxaa siduu rabo u maamuli jiray hadba qofka madaxwaynaha
ah, illaa ay gaartay in waraaqo cad cad lagu qoro lacag
cadadkeedu dhaafayo malaayiin Sh. Somali ah, see baa looga
bixi karaa dhibaatadaas tagri falka ah ee wiiqday awooddii
dhaqaalaha Somaliyeed?
Dalmar:
Waxaa looga bixi karaa iyadoo la dhiso Hay'adda Maamulka
Lacagta oo gebi ahaanba ka madaxbannaan dawladda, siyaasiyiintuna
aayan lug ku yeelan lacag soo saaridda. Hay'addaasi waxay
yeelaneysaa kayd lacag qalaad oo 100% daboolaya lacagta
suuqa ku jirta. Shilinka waxaa lagu xirayaa ama doollarka
Maraykanka ama Euro-ha Yurubka. Hay'addaas waxaa kor ka
ilaalinaya Bankiyo caalami ah.
waxaase
intaasoo dhan ka horreeysa, horta in Soomali heshiiso,
ooy ku heshiiso inay dhisato dawlad xeer iyo nidaam leh.
MOL:
Sida caadada u noqotay Madaxda Somaliyeed waa inay
dhacaan Dhaqaalaha wadanka xukunna way rabaan oo waad
u jeedaa shirka haatan loo fadhiyo Nairobi dadku waxay
sheegayaan in C/qasim iyo Xasan Abshir isku dirireen lacagtii
Sacuudiga, Puntland lafteedu qalalaase arrintaas oo kale
ah ayaa ka dhacay mar aan fogayn. See loo heli karaa Madax
aan tuug ahayn?
Dalmar:
Runtii
musuq-maasuq wuu ka jiraa dunidoo idil, xatooyo xoolo
dadweeynana waa ka dhacdaa meel kasta oo wax lala fajaco
ma aha. Waxaase Soomaalida u gaar ah dhaqan xun. Bal waxaa
la yaab leh, lahaanshaha gaarahaaneed waa la dhawraa oo
la xurmeeyaa. Hantida qaranka iyo wixii ummadda ka dhexeeyana
waa la burburiyaa, la xadaa, la dhacaa oo sidii la doono
loogu tagri falaa. Sababta ay madaxda Soomaaliyeed u caadeeysteen
inay ku tagri falaan maaliyadda dawladda waxay ka socotaa
xagga shacbiga. Shacbigu uma arko ku tagrifalka hantida
qaranka dambi iyo foolxumo. Waana taas tan u sahashay
madaxda inay tagrifal sameeyaan.
Haddaan
su'aasha u soo noqdo, arrintu waa ka weyn tahay Madaxweynuhu
waa tuug iyo ma aha. Su'aashu waxay tahay, sidee loo dhisaa
dawlad nidaam iyo sharci leh oo aan hal qof iyo labo ku
tiirsaneyn. Waayo qofku waa banii'aadam, waa xumaan karaa,
damac ayaa ka qaalib noqon kara, wuu khaldami karaa iwm.
Waxaa loo baahan yahay sharcigii iyo nidaamkii qofka mas'uulka
ah qaban lahaa. Waxaa loo baahan yahay in xoogga la saaro
dhismaha iyo xoojnta Hay'adaha Dawladda sida Hay'adda
Maamulka Lacagta, Hantidhawrka, Barlamaanka, Maxkamadaha
iwm.
MOL:
Dalmar waad mahadsan tahay.
Dhamaad
»»halkaan
ka gal aan ula yeelanay Maxamed Dalmat Waraysigii horey»»
Mudugonline.com
Dalmar
wuxuu dhawaan qoray Buug la Magac Baxay “MONETARY
AND EXCHANGE
RATE POLICIES 1960 - 2001 The
Experience Of Somalia"
Qiimihiisuna
waa $10 Canadian ah, Buugu wuxuu ka hadlayaa dhamaan Dhibaatooyinkii
soo Maray Dhaqaalaha Somaliya iyo Khasaaraha Lacagaha
Been Abuurka.
Fadlan
Dalabkaaga ku Hagaaji Cinwaanka Hoose:
Mohamed
abdurahman
mdalmar@sympatico.ca
|