Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  

AQALKII  LIITEY
Dr. Saadiq Enow

 Aqal waa meel uusan nooluhu uga maarmin noloshiisa. Waa meel lagu nasto oo lagu nagaado. Waa lagu hoydaa oo lagu har-galaa. Aadamiga, goor hore ayuu ogaadey baahida uu u qabo in uu helo aqal uu ku hoydo. Baahidaas hoy-doonka ah, waxaa la wadaaga noolaley badan. Laakiin aadamigu wuxuu kaga duwan yahay isaga oo intaas dadaal ugu jira sidii uu hoygiisa u hagaagsan lahaa. Siduu u heli lahaa hoy baahi-tira jirka iyo ruuxda. Si uu arintaas ugu guuleysto, wuxuu la kaashadaa awoodda garashada ee uu dheer yahay noolaleyda kale. Iyagu awood uma lahan in ay wax ka beddelaan meelaha hoyga u ah. Tusaale, Libaaxa waa bahal mudnaan ka leh dugaagga uu la nool yahay. Xataa aadamiga agtiisa ayuu qaddarin ku leeyahay. Mudnaantaas oo uu ku heley xoogga iyo boobka uu duur-joogta ku hayo, uma suuragelin in uu wax kaga beddelo hoygii uu ku noolaa kumanyaal sano horteed. Tan iyo waagii la uumey, Libaaxu kuma uusan guuleysan in uu hoy dhisto. Bal dhirta hooskeeda ayuu ku ururaa iyaga oo qoys ah. Waxaa halkaas ka muuqata nuqsaanta wehelisa bahalnimadiisa oo uusan marna ku haweysan karin in uu isku dhereriyo aadamiga. Taasina waa darajada aadamiga lagaga maneystey xagga Eebe.  

Aqallada waxaa lagaga nabad-galaa aafooyinka cimilada. Waxay yihiin meelo naftu ku nasato. Isla goobahaas ayaa jaad walba oo noole ah wuxuu ku ababiyaa dhallaankiisa. Wuxuu ka soo saaraa faco danbe ee ka badbaadiya in jaadkiisu ku yimaado dabargo'  ay la tir-tirmaan. Aqallada ay noolaleydu ku hoydaan waa ay kala duwan yihiin. Kuwo godad ayay qotaan, qaar kale qararka dhexdooda ayay galaan. Kuwo dhirta dushooda ayay harsadaan, qaar kale laamaha geedaga ayay cush ka dhistaan. Kuwo dundumo ayay dhistaan, qaar kale keyn ayay ku hoydaan. Inbadan oo noolaha kamid ah, bannaan furan ama geedo hoostood ayay ku hoydaan.

Haddaba haddii uu aqalku hoy u yahay qoys qura, waxaa jira aqal wayn oo ay bulshadu ku har-gasho kuna hoyato. Aqalka wayn ee ka dhexeeya qoysaska bulshada dhamaantood, waxaa weeye dalka. Sida ay bulshooyinku u kala garaad sareeyaan, ayaa aqalkooda wayni uu u kala hagaagsan yahay. Aqalka wayn, maahan aqal ay dad tira yar hagaajin karaan. Bal waa aqal hagaajintiisa u baahan in ay ka qeyb-qaataan dhamaan bulshada uu ka dhexeeyo. Hagaajinta aqalkuna, waxaa loo maraa xeerar noloshu leedahay. Kitaabka dahiran ee Quraanka ah, waa kitaab mucjisadiisu ayan dhamaad lahayn. Waa kitaab u jooga in uu ummadaha u hagaajiyo aqallada yar iyo midka wayn. Goor kasta, meel kasta iyo dabaqad kasta oo bulsho ah, ayuu u tilmaamayaa xeerarka ay aqallada ku hagaagsan lahaayeen. Kuwaas oo haddii laga weecdo, ayan suuragal ahayn in aqalku hagaago. Waxaan filayaa qof Soomaali ah in uusan u baahnayn in looga sheekeeyo muuqaalka ay yeelanayaan bulsho aqalkii ka kharaabey.

Kitaabka dahiran ee Quraanka ah, wuxuu goor hore inoo reebey tusaale wanaagsan oo uu inoogu bidhaaminayo aqalka liita iyo siduusan nafac u lahayn. Bulshadii aqalka isaga cayaarta, wuxuu ku mataalay bulsho dooratey aqal caaro-caaro. Xayawaankaas ayuu Quraanku ku sheegey in uu yahay midka ugu aqal liita nolosha. Boqorka Carshiga, Eebaha sareeya ee keliga ah, aayad Quraan ah ayuu inoogu sheegey aqalkaas liita. Suuradda Al-Cankabuut, aayaddeeda 41-aad, waxaa lagu xusey ereyo micnahoodu yahay sidan :

" Kuwii yeeshey Eebe sokadiis gar-gaarayaal, waxay lamid yihiin Caaro-caaro yeelatey aqal, waxaa aqal ugu liita, Caaro-caaro aqalkeed, haddey yihiin kuwo wax garanaya ". (Suuradda Al-cankabuut. Aayadda 41-aad).

Caaro-caaradu waa cayayaan liita oo sumad u ah tabar-darrida. Sheekooyinka ka dhexeeya Soomaalida iyo Caaro-caarada, waxay tilmaamayaan in xayawaankani yahay mid taag-daran. Ooraah Soomaaliyeed baa jirta oo oo arintaas tilmaamaysa, waxay tahay : Taag-daranaa, ma xuub Caaraa. Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isaguna gabey ku tilmaamey tabar-darrida lagu quursadey Caarada. Isaga oo xusaya bulshada Carabta ah iyo doorka ay ka qaadan karaan dhaqdhaqaaqii ay Soomaalidu kula dirirayeen gumeysiga, Sayid Maxamad wuxuu yiri :

Cudud ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge
Inkastoy cid kuu soo diraan waa cidloo kale'e 
Waa ceeryaamo soo curatey iyo xuubka caarada'e        
Madax iyo calooshey sidii dumar cantuugaane                                                      
Maandhow calaalka iga daa Carabi waa naage

(Maxamad Cabdulle Xasan)  

Caaro-caaro (Spider) waxay kamid tahay cayayaanka tabarta daran ee dhulka ku kor tukuba, kuwooda ishu qabato. Waxay la absaxan tahay bah-wayn cayayaan ah oo la yiraahdo Arthropoda. Aqoonyahannada u kuur-gala barashada aqoonta xasharaadka, waxay koobeen illaa 30.000 oo jaad, kuwaas oo ay ku ururiyeen qeybaha Caaro-caarada. Jurmiga Caaro-caarada, wuxuu u dhexeeyaa mid ka yar 1 mm. iyo kuwo waawayn oo jurmiga jirkoodu uu gaarayo illaa 90 mm. Waxaa kaloo caaro-caaradu ay ku kala duwan tahay midabka iyo qaabka. Badankeedu waxay ku nooshahay nolol keli ah, marka laga reebo xaalado gaar ah oo la soo dersa. Sida xilliga guurka iyo xilliga ay dhallaanku dibadda uga soo baxayaan ugxanta.   

Caaro-caaradu waxay leedahay jir laba qeybood ah, horaad iyo dambeed.  Qeybta hore ee jirku waxaa ah madaxa iyo feeraha. Qeybta danbe waxaa ah caloosha iyo dabada. Qeyb waliba waxaa ku xiriira afar lugood oo middiiba ay tahay saddex lafood oo xubno leh. Madaxa waxaa horey kaga yaal laba anteeno oo ay u adeegsato dareenka walxaha horteeda yaal.

Caaro-caaradu waxay leedahay siddeed indhood oo yar-yar. Iyadu waa xayawaan ku nool ugaarsasho. Waxay cuntaa cayayaanka ka yar-yar. Waxay leedahay harag adag oo 7 – 8 jeer xuub-siibta illaa ay ka qaan-gaarto. Waxaa jira saddex fuur oo ay ku leedahay dhanka caloosha, kuwaas oo dhaqdhaqaaq sameeya. Fuur waliba, afka hore waxaa kaga yaal duleelo aad u yar-yar. Waxaa halkaas ka soo qubta dhacaanka ay Caaradu ka sameysato dunta ay aqalka ku dhisato. Wuxuu ka soo qubtaa qanjirro jirka gudihiisa ku jira. Dhacaankaas ayaa markuu dibadda u soo baxo oo hawada ay ku dhacdo wuxuu noqdaa qalleyl. Dabadeed waxaa halkaas ka sameysma dun noocyo badan, kuwaas oo ku kala duwan dhererka iyo xoogga. Jaadka dunta wuxuu ku xiran yahay qanjirka uu dhacaanku ka yimaado. Mararka qaar, gudaha shabakadda aqalka, ayay  Caaradu ku dhaqantaa, nolosheeda oo idil. Mararna shabakadda aqalka ayay ku ugaarataa, oo xasharaadka ku dhaca ayay cuntaa.

Ereyada ay aayaddu sheegtey ee ah (Kuwii yeeshey Eebe sokadiis gar-gaarayaal), waxay tilmaamayaa bulsho yeelatey hannaan siyaasadeed ee guracan. Ereyada xiga waxay yihiin sidan (waxay lamid yihiin Caaro-caaro yeelatey aqal, waxaa aqal ugu liita aqal Caaro-caaro). Waxa ugu horeeya oo aayaddan laga milicsanayo wuxuu yahay in Caaro-caarada, middeeda aqalka dhistaa ay tahay midda dheddigga ah. Sidaas darteed ayaa ereyga ah (yeelatey) waxaa laga fahmayaa in midka wax dhisayaa uusan ahayn kan labka ah. Ereyada xiga waxay yihiin (waxaa aqal ugu liita, Caaro-caaro aqalkeed). Waxaa la hubaa in aqalka Caaro-caaradu uu yahay midka ugu liita aqallada. Dhanka dhismaha, wuxuu ka kooban yahay shabakad laga dhisey dun xariir ah oo aad u khafiif ah. Tabar-darrida duntaas waxaa u weheliya, iyada oo aanan xiriirin. Bal waxaa u dhexeeya masaafooyin ah daaqado furan. Sidaa darteed, aqalku maahan mid celiya qorax iyo qabowo. Mugdo lagu seexdo malahan. Gabbaad uma ahan biyaha roobka iyo xanfarka dabeylaha. Maahan meel lagaga dhuuman karo cadow weerar ah. Malahan asaas adag oo uu ku taagan yahay.

Iyada oo ay taasi jidho ayaa waxaa mucjiso ah, dunta uu aqalku ka sameysan yahay, waa xariir aad u khafiif ah. Gumuca xabaddii kamid ah duntaas, wuxuu dhan yahay 1 / 4000 marka lagu qiyaaso xabadda tinta ah ee madaxa dadka saaran. Iyada oo duntaasi ay sidaas u taag-daran tahay, ayaa misana ay shan jeer ka xoog wayn tahay birta, markii loo khafiifsho sideedaas oo kale. Xariirtaas ay Caaro-caaradu aqalka ka dhisato, waa midda ugu xoogga wayn xariirta oo idil. Waxaa lagu magacaabaa Nephila.  Saddex jeer ayay ka xoog badan tahay xariirta batroolka laga sameeyo oo la yiraahdo Kevlar.  Xariirtan danbe ayaa waxaa loo adeegsadaa in lagu dhafo maaddooyinka laga sameeyo biarah lagu lebisto oo rasaasta celiya. Sidaa darteed xariirta ay caaro-caaradu ku dhisato aqalka, waa midda ugu xoogga badan waxa xariir jira dunida. Xoogga ay leedahay waxaa lagu qiyaasaa, in uu celin karo 42.000 Kg. / cm. walba oo afar-geesood ah. Iyada oo duntu ay xooggaas leedahay, ayaa misana aqalkii laga dhisey uusan lahayn wax nafac ah. Bal waa aqalkii ugu liitey aqallada.  

Intaas waxaa u weheliya, aqalka Caarada, waa aqal lagu hoogey oo lagu ba'ay. Waa aqal laga fogeeyay raxmaddii qoyska iyo hilowgii reerka ee isu soo jiidayay xubnaha is-qaba iyo kuwa is-dhalay ee ku dhaqan aqalka. Aqalkaas gudihiisa waxaa ka dhaca gumaad ay xubnaha qoyska isku dhigaan. Majiro aqal ay leeyihiin qoys aanan Caaro-caaro ahayn, oo uu ka dhaco gumaad kaas lamid ah. Caaro-caarada dheddigga ah, qaar baa raggooda laaya markii ay ilmo ku abuurmaan calooshooda. Maadaama ay ka xoog wayn tahay, kana dagaal-yahansan tahay, waa ay weerartaa, markaas ayay dishaa. Mararka qaar, Caarada hooyada ah, ilmaheeda ayay cuntaa. Iyada oo ka maran naxariistii hooyonimo ayay arxan-darri u leysaa. Qaar kale oo Caaro-caaro ah, waxay jejebiyaan ugxantii ilmaha ahaa. Marar, ilmaha walaalaha ah, ayaa aqalka ciriiri ku noqdaa. Markaas ayay is-laayaan. Qaar badan ayaa ku dhinta gacamaha walaalahood. Marar kale, colaad ka dhex aloosanta walaalaha, ayaa waxaa sabab u ah raashinka oo yaraada. Xasuuq ayay is-badaan walaalihii waalidka qura uu dhalay. Waxaa halkaas ka muuqda, aqalka Caaro-caarada in uu yahay aqal godob wayn taal oo mar walba uu dhiig badan ku daato. Godobtaasi maahan mid shisheeye, ee waa godob qoyseed. Taas ayaa kamid ah sababaha aqalka loo yiri waa aqalka ugu liita oo noole uu ku hoydo. 

" Kuwii yeeshey Eebe sokadiis gar-gaarayaal, waxay lamid yihiin Caaro-caaro yeelatey aqal, waxaa aqal ugu liita, Caaro-caaro aqalkeed, haddey  yihiin kuwo wax garanaya ".

Ereyga ay aayaddu ku soo gaba-gabeysey hadalka, waxaa weeye (haddey yihiin kuwo wax garanaya). Aadamigu ma uusan ogeyn cimilada aqalka Caaro-caarada. Ma uusan ogeyn in liidashada aqalkaasi uu gaarsiisan yahay heer dhaqan-xumi iyo xasad. Xaqiiqadaas ayay aayaddu xambaarsan tahay. Waxay ina hor dhigeysaa  sawir yaab badan oo ka run sheegaya xaqiiqada ku qarsoon uunka. Moogganaanta xaqiiqadan, dadka intooda badan, waxay ku keentaa in ay lumiyaan beegga quman ee nolosha. Waxay la habaabaan awoodda saldanadeed, midda hantiyeed, midda caafimaad oo ay markaa helaan. Iyagu waxay maleeyaan in ay yihiin, awoodda dunida ka jirta ee wax qaharta. Markaas bay aqalkii halleeyaan. Waxay la habaabaan awooddaas dhalanteedka ah. Markaas bey wax ku qahraan shakhsiyaad, kooxo beeleed, jabhado budh-cad ah,  ama hannaan dowladeed. Waxay la meereystaan awoodahaas aadamigu leeyahay farsamadeeda iyo daaxuurta ku hana-qaadey dulmiga. Markaasaa sida Baalkaa-biyoodka, uu ugu meereysto hareeraha dabka, ayay ugu meereystaan halkii ay aqalka ka bur-burin lahaayeen.

Aragtiyaalka ceynkaas ah waa kuwa khariba aqallada qoysaska iyo aqalka wayn ee bulshada. Aqalku markii uu kharaabo wuxuu yeeshaa sawir lamid ah aqalkii liitey oo ay caara-caaradu lahayd. Markaasuu wuxuu noqdaa mid aanan looga gabban aafooyinkii nolosha iyo lurkeeda. Bulshada degaankeedu noqdo aqalkaa liita, waa bulsho garashadii ka luntey. Waxay la muuqaal noqotey qoyskii Caaro-caarada ahaa ee Quraanku ina tusaaleeyay. Waa bulsho illaawdey awoodda dhabta ah ee abuurtey awoodaha yar-yar. Waxay illaawaan, awooddaan ku jidha gacmaha shakhsiyaadka ama kooxaha, in ay lamid tahay guri caaro-caaro. Bahalkaas yar ee tabarta yar ee xaqiran, kaas oo aanan lahayn awood difaacda. Gurigiisa gibinka ah waa mid liita oo uusan ku badbaadi karin. Axadka keliya ee aqalka liita gudihiisa ku ilaalinaya waa Eebaha awoodda leh. Xaqiiqadaas ayuu Quraanku inoo bidhaaminayaa. Xaqiiqadaas ayuu ku tallaalayaa quluubta kuwa Eebe rumeysan. Aayaddu waxay sheegeysaa in kuwaasi aqalladoodu ay yihiin kuwa ugu nabadda badan, xataa haddii ay ku sugan yihiin aqal liita. Waayo waxaa dhowraya Eebaha la magan-galo. Kuwa aanan Eebe rumeyn, aqalladooda kama duwana aqalka caaro-caarada, xataa haddii uu aqalku u muuqdo mid hagaagsan. Waayo ma haystaan gabbaad ay kaga gabadaan awoodda Eebe.    

Aayaddu waxaa kaloo ay tilmaamaysaa cashar qiimi badan oo ah xeerarkaas uu Eebe ku ilaaliyay nolosha. Waxay si qayaxan u sheegeysaa, qoyskii ku heshiin waayay aqallada ay ilmuhu ugu hoydaan, in ay lamid noqonayaa wax taag-daran oo la qiimi ah Caarada. Aqalkooduna uu lamid noqonayao aqalkii liitey. Aayaddu waxay nagu dhiiri-gelineysaa in aqalka lagu heshiiyo, oo kuwa taagta-daran la bad-baadiyo si loo ahaado bulsho urursan, aqalkuna u hagaagsan yahay.

Waxaanu gacmaha u hoorsaneynaa Eebe, annaga oo ka baryeyna in aqalka uu inoo hagaajiyo. In uu naga saaro liidashada ay Soomaali ku hoobatey. In uu inoo soo celiyo sharafkii iyo karaamadii ummadeed. Aamiin, Aamiin, Aamiin.   

Saadiq  Enow

Mudugonline.com


DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA

Dagaal ugu noqon page hore eeMudugonline.com
contact: webmaster@mudugonline.com