|
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
Noolaleyda ku tukubaya dhulka oogadiisa, waxay ka
mideysan yihiin in dhamaantood ay yihiin kuwo taag daran. Heerka
tabar-darridooda wuxuu gaarsiisan yahay in ayan lahayn difaac ay
kaga hor-tagaan falalka qallafsan ee ku lidka ah noloshooda.
Falalkaas ayaa waxay isugu jiraan kuwo kaga imanaya cimilada iyo
kuwo uga imanaya noolaleyda kale ee dhulka kula dhaqan. Kuwaas oo
ama la hayb ah ama ka hayb ah. Markii fiiro guud lagu eego
noolaleyda, awoodda ay isaga caabiyayaan abuurka ku hareereysan ee
cadowga ku ah, waa mid gaarsiisan eber. Taa macnaheedu waxay tahay,
in ay nolosha la wadaagaan cadow ka xoog badan oo colaaddiisu joogto
tahay.
Aadamiga oo ah abuurka yeeshay mudnaanta nolosha ayaa wuxuu yahay
bahda noolaleyda ah ee isu haysta in uu awood uga nabad-geli karo
weerarka cadowga nolosha. Taasina waxay ku beenowday tijaabooyin
badan ee la xiriirta waayaha. Guddoon xagga Eebe ahaadey ayaa waxaa
lagu diyaariyay xeer aadamiga uga hiiliya colaadahaas mugga wayn.
Weerarkaas oo ah mid aanan arxan lahayn ayaa wuxuu kaga socdaa lixda
jaho iyo gudihiisa. Gaajada dunida ku soo food leh iyo raashin
yarida dowladihii caalamka ay u caal-waayeen ayaa tusaale inoogaga
filan qallafsanaanta colaadda cimilada iyo tabar-darrida aadamiga.
Kitaabka Quraanka oo ah mid xambaarsan badbaadada aadamiga ayaa
wuxuu wax badan inoo sheegayaa sidii looga gaashaaman lahaa
shiddooyinka nolosha. Isagu wuxuu ku soo koobay difaaca aadamiga,
labo xeer oo qura. Midka hore wuxuu yahay in bulshadu ay is ururiso.
Islamarkaa wax kasta oo urursanaanteeda xoog u yeelaya waa uu faray
oo waajib ayuu ka dhigay. Wax kasta oo kala eryayana waa uu ka
fogeeyay oo xaaraan ayuu ka dhigay. Xeerka labaad ee difaaca
aadamiga, wuxuu yahay in bulshadu raacdo hannaan toosan.
Toosnaantuna waa khad laba dhibic xiriirisa, taas oo aanan lahayn
qallooc (xagal) iyo teed (taag ama god). Toosnaan middeeda ugu hilan
culus waa toosnaanta caqiidada. Markaas ayaa bulshada waxaa u
toosaya hannaanka siyaasadeed iyo hannaanka dhaqaale.
Badbaadada xeerarkan labada ah, maahan aragti ugub ku ah nolosha
aadamiga. Bal waxaa jiray tijaabooyin badan oo la xiriira legdanka
ka dhexeeya ummadaha iyo waayaha nololeed. Waxaa halkaas laga
dhaxlay natiijooyin isugu jira guul iyo guul-darro. Quraanku wuxuu
si qayaxan inoogu tilmaamayaa meelaha ay ku kala weecatay
bulshooyinka aadamiga ah ee nolosha ku guuleystay iyo kuwa
guul-dareystay. Taasi waxay ahayd caqiidada hagaagsan iyo midda
khariban. Suuradda aanu caawa martida u nahay ee magaceeda la
yiraahdo Al-Xaj, waxay xambaarsan tahay aayado dul-mar ku sameynaya
ummadihii ay cimiladu cuntey kaddib markii ay beeniyeen xeerarkii
Eebe uu u dejiyay nolosha iyo badbaadadeeda. Iyada oo la inoo
tilmaamayo taag-darrida iyo liidashada heshey ummadihii ay cimiladu
legeddey, ayaa qaar kamid ah aayadaha waxay sheegayaan sidan:
" (42) Haddey ku beeniyaan, waxaa hortood
beeniyay reer Nuux, iyo Caad iyo Thamuud.
(43) Iyo reer Ibraahim iyo reer Luud.
(44) Iyo Madyan saaxiibadeed, Muusena waa la
beeniyay, dabadeed cabaar baan u kaadiyay gaaladii, markaas ayaan
qabtay ee bal sidee buu noqday ganaaxii.
(45) Badanaa degmo aanu halaagnay iyada oo
gardaran, markaasaa derbiyadeedii isku dhaceen, ceelashiina
hallaabeen iyo weliba daarihii waawaynaa.
(46) War miyayan ku socon dhulka oogadiisa, si
ay ugu ahaato qalbiyo ay wax ku gartaan, ama dhego ay wax ku maqlaan,
waxaa jira in ayan indhaha la'ayn, bal indha-beelka dhabta ah waa
indha-beelka qalbiyada ku sugan laabta.
Aayadahaas oo si toos ah ula hadlayay suubanihii Maxamad ahaa (shacni
iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), ayaa waxay yihiin kuwo
xilli kasta taagan, goob kastana ka hadlaya. Waxay tilmaamayaan
xeerarka caalamiga ah oo lagu xiriirshey badbaadada aadamiga. Isla
suuraddu waxay leedahay aayado sii xoojinaya aragtidaas tilmaamaya
tijaabooyinka nololeed ee dadkii nolosha inooga horeeyey. Waxaa
kaloo suuraddu ay inoo sheegeysaa maahmaah tusaale wacan oo layaab
badan. Aayadda 73-aad oo ah midda inoo maah-maaheysa, ayaa waxay
leedahay hadal micnihiisu yahay sidan:
" War dadow, waa leydiin maahmaahayaa ee
dhegeysta, kuwa aad baryaysaan Eebe sokadiisa, awood uma lahan in ay
uumaan Dukhsi, xataa haddii ay isugu tagaan. Haddii uu Dukhsigu wax
ka dafona, kama dhigan karaan xaggiisa. Waxaa taag-darraadey mid wax
doonaya iyo mid laga doonayo ". (Aayadda
73-aad. Suuradda Al-Xaj).
Waxaa laynoo tilmaamayaa liidashada aadamiga in ay tahay mid la
xiriirta aragtida ah in Eebe sokadiisa la sameysto manhaj cibaado
iyo xeer lagu dhaqmo. Maahmaahdan cajiibka badan, waa mid u baahan
fiirsasho lagu fogaado.Bulsho ay aadamigu sameysteen oo maahmaahdan
ayan taabanayn ma jirto. Bal qof kasta ayay si gaar ah ula hadleysaa.
Marka Eebe ku dhawaaqayo magaca guud ee aadamigu leeyahay (dad),
taasi waxay xambaarsan tahay xushmadda nafleydan yar u taal xagga
Eebihiisa uumay. Waayo noolaleyda kale lalama hadlin oo iyagu waa
biddood dhab ah. Lama siin madax-bannaani. Waajibaad loo uumay ayay
u taagan yihiin in ay gutaan. Dadku waxay la hadlaan ruux ama ay wax
uga baahan yihiin, ama ayan u baahnayn laakiin martabaddiisa ay
qiimeynayaan. Eebe aadami uma baahna oo isaga ayaa uunka curiyay,
isaga ayaa hagaya, isla isaga ayaa loo abyoonayaa si uu u kala
garsooro. Sidaa darteed dhawaaqa uu aadamiga kula hadlayo, waa
xushmad agtiisa u taal aadamiga iyo mudnaan uu isagu u gartay.
Dhawaaqa loo yeerayo aadamiga, maahan mid macna la'aan ah, ee waxaa
la hoga-tusaaleynayaa midab kamid ah midabyada nolosha ka dahsoon.
Waxaa loo tilmaamayaa in ay jiraan waddooyin nololeed oo lagu hoobto.
Aadamiguna uusan u lahayn tabar uu markaa isku bad-baadiyo. Kuwa ku
qanacsan aragtida khaldan ee laga dhaxlo caqiidada khariban, ayuu
Eebe ku tilmaamayaa kuwo taag-daran oo aanan awood u lahayn in ay
unkaan noole cayayaan gibin ah. Kaas oo dukhsiga lamid ah.
Sida la og-yahay noolaleydu waxay ka kooban yihiin unugyo nool oo
mid waliba iskiis u shaqeynaya. Unugyadaas ayaa si joogto ah u
dhimanaya, islamarkaa kuwo cusub u dhalaya. Hal il-biriqsi kasta
korka noolaleyda waxaa dhimanaya malaayiin unugyo ah, kuwo kalena
waa ay dhismayaan. Muddadaas gaaban ayaa unug waliba gudihiisa waxaa
ka dhaca 50 fal-gal oo ay ka sameysmaan walxo kiimiko ah.
Haddaba sidaas ayaa aayaddu waxay ku soo bandhigtay xujo aqooneed oo
qof ka jawaaba uusan jirin, jirina doonin. Kuwa la baryayo Eebe
sokadiisa oo ama dhagax ah, ama qof ah, ama aragti ah, ayaa aayaddu
waxay ku sheegtey in ayan awood u lahayn falka lagu socodsiinayo
nolosha unugyada. Gaar ahaan unugyada dhisa jirka dukhsiga. Muddada
gaaban oo shaqadu ku dhacayso waa il-biriqsi loo jejebiyay melyam
goor. Walxaha howsha wada oo aad u yar-yar. Walaxda ugu yar oo
hagaajinaya farsamada howshu ku socoto, cabbirka looga qiyaas-qaato
waxaa la yiraahdaa Nanometer (1/ 0000000 cm). Meesha ay
shaqadu ka socot oo aad u ciriiryoon iyo tiro badnida walxaha isla
fal-gelaya ayaa iyaguna ah xujo sii cuslinaya kuwii hore. Afartaas
qodob ayaa waxay yihiin arimo la ogaaday sanooyinkaan danbe. Aqoonta
la gaarey iyo qalabka la heley ayaa lagu gaaray in la garto caajiska
intaa le'eg ee aadamiga ku weheliya nolosha.
Markaan u soo laabano dukhsiga naf-ahaantiisa, waa xayawaan gibin ah
oo liita aanan wax qiimo ah ku lahayn aadamiga agtiisa. Shiddo badan
ayuu ku hayaa nolosha aadamiga. Sidaa darteed meeshii lagu arko waa
la eryaa. Wuxuu kamid yahay dabaqadda xasharaadka ah ee yar-yar (insects).
Wuxuu la ab-saxan yahay kuwooda baalasha leh (neoptera).
Heybta baalaleyda ayuu wuxuu ka yahay laba baalaley (deoptera).
Waxaa la og-yahay tiro 100.000 oo qolo, kuwaas oo dhamaantood ku
abtirsada reerka uu dukhsigu yahay. Si xooggan ayay ugu baahsan
yihiin dunida guudkeeda iyo cimilooyinkeeda kala duwan. Xasharaadku,
guud ahaan waa qeybta I-aad oo ugu laan-dheereysan bahaha noolaleyda.
Dukhsiguna bahda xasharaadka ah ayuu ka yahay qolada saddexaad ee
ugu laan-dheereysan. Quraanyada iyo Kaneecada oo keliya ayaa ka
laan-dheereysan.
Dukhsigu wuxuu leeyahay jir saddex qeybood isu heysta. Waa madax,
feero iyo calool. Korkiisuna wuxuu ka kooban yahay dabaqado is dul
saaran. Wuxuu sitaa saddex joog oo lugo ah. Labo horaaddo ah, labo
dambeedyo ah iyo labo dhexaad ah. Luguhu waxay sitaan walax kabo oo
kale ah, kuwaas oo ku qalabeysan maaddo xabag ah. Wuxuu u kaashadaa
in uu cuskado meel kasta oo uu lugaha saaro. Markuu u baahdo dhacaan
ayaa xabagta ka soo qubata, taas oo dukhsiga ka yeela mid aanan
dheelliyin marka uu ku joogsado meelaha saqafka ah ee hoos u jeedda.
Erey cajiib leh ayay aayaddu adeegsatay marka ay tilmaameysey boobka
uu dukhsigu ku hayo aadamiga. Ereyga wuxuu yahay (salb) oo la macne
ah dafid. Waa erey munaasib ku ah falka uu ku kacayo cayayaankaa
yari. Macnaha ereyga dafid, waa iyada oo qofka wax leh si dhakhso ah
looga qaato wixiisii, weliba isaga oo aanan raali ahayn. Falka
Dukhsiguna waa caynkaas oo qofkii oo arkaya ayuu ka dafayaa qeyb
kamid ah cuntadii uu cunayay ama sharaabkii uu cabayay. Qofkaas uu
dukhsigu dhacayo raali kama uusan aha in hantidiisa la qaato.
Laakiin taag-darri ayaa u geysey in uusan la garramin noolahan
boobka ugu yimid.
Aqoonta lagu gartay bililiqada dukhsigu waxay qayb ka noqotay
fahamka aayadda quraanka ah ee tilmaantay in dukhsigu uu wax dafo.
Buubista uu dukhsigu ku dhex duul-duulo aqallada dhexdooda ayaa
iyana waxay tahay fal qallafsan oo fiiro u baahan. Duulimaadka
dukhsigu waxay ka bilaabaneysaa in uu digniin siiyo murqihii uu
howl-gelin lahaa. Dabadeed wuxuu isu diyaarinayaa duulimaadkii.
Xubnihiisa ayuu isu dheelli-tirayaa, isaga oo jahada hortiisa ah ka
qaadanaya xagashii uu ku duuli lahaa. Markstana duulimaadkiisa hore
wuxuu ku jaheeyaa hadba halka ay dabeysha u socoto. Arintaasina
wuxuu u kaashadaa unugyo gaar ah oo dareen-side ah, kuwaas oo ku
tallaalan anteenooyinka ku rakiban madaxiisa. Howlahaas qallafsan
muddada ay ku dhacaan waxaa lagu qiyaasaa 1/ 100 il-biriqsi.
Waxaa iyana yaab leh, awoodda buubis ee dukhsigu iyo
miriq-shaaleyntiisa in ay tahay mid sareysa. Isagu wuxuu u duuli
karaa qaab qumaati-kac ku ah meesha uu taagan yahay. Sidoo kale
wuxuu awoodaa duulimaad miriq-shaaleyn ah ee afarta jaho iyo
xaglahooda. Isaga oo islamarkaa awood u leh in uu si deg-deg badan u
beddelo xagasha duulimaadka. Xowliga socodkiisu waa mid dheereeya.
Waxaa lagu qiyaasaa 10 km saacaddii. Isaga oo xawaareynaya, mar qura
ayuu socodkiisa hakin karaa. Cimilad kasta oo ay tahay iyo taag ama
god kasta oo uu marayo, ayuu wuxuu markaas awoodaa in uu ku dego
meel kasta oo uu doono. Miriq-shaaleyntaas xooggan waxaa dukhsiga ku
saacidaya joogga baalasha ah ee ugu rakiban feeraha. Dabool khafiif
ah ayaa isku haya baalasha iyo jirka dukhsiga. Wuxuu u saamaxaa in
labada baal ay xagal kasta si sahlan u qaataan. Hadduu u baahdona ay
kala xagal qaataan.
Cayayaankaas tabarta daran waxaa la ogaaday in ay ku shixnadan tahay
wax ka badan 100 melyan oo unug dareen-side ah. Xubnaha ay
dhaqaajiyaan waxaa ka mid ah joog murqo ah, kuwaas oo tiradoodu ay
tahay 38 muruq. 17 joog oo kamid ah waxay qaabilsan yihiin
duulimaadka iyo xaglaha ay baalashu sameeyaan. 21 joog oo kamid ah
waxay qaabilsan yihiin rog-rogga madaxa. Waxaa arintaa ka yaab badan
in dukhsigu leeyahay joog indho ah, kuwaas oo mid waliba ay leedahay
6000 oo indhayaal yar-yar ah. Mid waliba waxaa gadaal kaga rakiban
lix xarig dareen-sidayaal ah. Taasi macnaheedu waxay tahay il kasta
oo labada indhood ee Dukhsiga, waxaa ku rakiban 48.000 oo dareen-side.
Arintaasi waxay dukhsiga dhaxal-siisay, muddo hal il-biriqsi ah in
uu fasiran karo wax ka badan 100 muuqaal oo uu la kulmo.
Haddii ayan jiri lahayn jaangooyada Eebe ee xisaabinta ku haysa
taranka xasharaadka, waxaa dhici lahayd in bahda dukhsigu ay dunida
ku buuxin lahayd muddo gaaban. Sababtu waxay tahay, qeybo kamid ah
dukhsiga ayaa dheddiggiisu mar keliya waxay dhigaan 400 oo ugxan ah.
Isla dheddiggaas ayaa muddo gaaban dabadeed misana wuxuu qaadaa
bacrimin cusub. Qeybo kale oo dukhsi ah, halkii qoys waxay awoodaan
muddo hal xilli ah (90 maalmood) in ay tarmaan 10 la raaciyay 60
eber. Sidaa darteed taranka Dukhsigu waa mid aad u deg-deg badan una
tira badan. Haddii ugxanta dukhsigu ay wada kici lahaayeen, waxaa
dhici lahayd in gaasas iyo guutooyin dukhsi ah ay weeraraan meel
kasta oo dunida ah. Halkaasna waxaa ku joogsan lahaa nolosha
noolaley badan oo aadamigu uu ugu horeeyo.
Xikmadda Eebe iyo xeerarka adag ee lagu ilaashay isu dheelli-tirka
nolosha ayaa waxay ugaxantaasi ku xukuntay in badankoodu ay
baaba'aan. Dheelli-tirka taranka dukhsiga waxaa ka qeyb qaata
xasharaad badan iyo shimbiro, kuwaas oo ugxanta dukhsigu ay u yihiin
quud ay ku noolaadaan.
Dukhsigu isaga wuxuu quutaa wasakhda kala duwan ee haraaga ah.
Wallow raashinka aadamiga iyo sharaabka uu cabayo ayan ka
nabad-gelin weerarkiisa. Dukhsiga ku nool aqallada aadamiga, wuxuu
dhadhansadaa raashinka dadku cunayaan iyo biyaha ay cabayaan. Isagu
waxaa ku rakiban unugyadii dhadhanka. Wuxuu ku sitaa faruuryaha iyo
cagaha. Haddii uu ka helo macaanka raashinka uu dul istaagay ama
afka la galay, inta dafo qeyb kamid ah ayuu la cararaa. Sida tuug
wax xaday oo kale ayuu u baxsadaa. Waxa uu ku joogsadey haddii ay
yihiin biyo ama caano, si deg-deg badan ayuu u nuugaa. Tubo sanka
ugu rakiban ayuu markaas adeegsadaa. Dabadeed biyihii ama caanihii
markii ay caloosha gaaraan, muddo dhowr il-biriqsi ah ayaa
dheef-shiidkoodu dhamaadaa. Sababtu waxay tahay, caloosha dukhsiga
waxaa ku rakiban qanjirrada dheef-shiidka ah oo markiiba soo qubaya
dhacaankii loogu baahnaa hagaajinta walxaha caloosha ku soo dhacaya.
Sidaa darteed xoogaagii biyaha ama caanaha ahaa oo uu qaatey lagama
daba tegi karo oo dhakhso ayay dhiigga ugu gudbayaan.
Si taas lamid ah, raashinka uu dukhsigu dafo, inta uu afka ku jiro
ayaa waxaa ku bilaabanaya candhuuf adag (enzymes) ee la
shaqeysa dheef-shiidka. Waxaa xusid mudan in afka dukhsigu uu yahay
qaab isbuunyo oo kale. Taas oo u suurogelineysa in uu ku qaato inta
ugu badan oo ama raashin ah ama sharaab ah. Dabadeedna uu la baxsado.
Sidoo kale ayaa raashinkii uu deg-deg caloosha ku gaaraa. Markaas
ayaa dhacaankii calooshuna soo qubtaa. Dabadeed fal-gallo kiimiko ah
ayaa halkaas ka dhaca. Si dhakhso ah ayuu raashiinkii u libdhaa oo
jirka u galaa. Waxaa halkaa ka muuqata in wixii afkiisa gaara aanan
la soo celin karin. Wixii calooshiisa gaarana ay kaba sii adag tahay.
Haddaba cayayaankaas gibinka ah ee taagta daran ee liita ayaa
bililiqo ku haaya aadamiga. Islamarkaa wixii uu qaato, waxaa lagu
khasban yahay in aanan shirar loo dhigan lagaga dalbanayo soo celis
wixii uu qaatay, amaba heshiis si uusan wax kale u qaadan, amaba
leysku cafiyayo. Sidaas ayaa waxaa ku rumoobay macnihii ay aayaddu
tilmaantay ee ahaa taag-darrida kan la dhacay oo aadamiga ah iyo kan
wax dhacay oo dukhsiga ah.
" War dadow, waa leydiin maahmaahayaa ee
dhegeysta maahmaahda, kuwa aad baryaysaan Eebe sokadiisa, awood uma
lahan in ay uumaan Dukhsi, xataa haddii ay isugu tagaan, haddii uu
Dukhsigu wax ka dafona, kama ay dhigan karaan xaggiisa, waxaa
taag-darraadey mid wax laga qaatey iyo mid wax qaatey "
Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega
Allawshahakan baas iyo ka taga amar ku dheeraadka
Ninba ururka dhow buu la iman eed wuxuu falaye
Ajashiin intii aanay iman towbadda ogaada (Xaaji Cali Cabdiraxmaan).
Qore: Dr. Saadiq Enow.
Gagaal ugu noqon page-ka hore ee Mudugonline.com |