“ADAA DAD IS MOODAHAYEE
YAA KUU ARKA?”
Maahmaah
Soomaaliyeed ayaa leh “Dadna waa dadkii hore hadalna waa intuu
yiri!”. Weerta kor ku taal inan la yiraahdo Muxiddiin Xuseen
Ciid oo cabbey tahliil Carbeed ilaa xad uu cinwaankiisa Internetka
ka dhigto
ALCARABI1@YAHOO.CO.UK oo intuu qoray maqaal uu ku maagayo
niman aqoonyahanno ah aan u jawaabey misna iigu afceliyey wax
uu ugu magac daray “Aragtida
Dhimatay ee Prof: Fisiko iyo Carabnimada Soomaalida”.
Qoraalkaygii isagoo ka hadlaya ayuu ku daray weerta kor ku qoran
isagoo aniga ii saaraya in aan ku iri. Horta hadalkaasi afkayga
maba aha, haddaan u arko in usan dad ahaynna lamaba hadleen.
Ha ahaatee haddaan ku lee yahay tixdii Raage Ugaas ku yiri Ina
Jadeer “Baaluqo Is Mood Wiil Hadduu Buuryo Goys Yahaye/
Bisqanyaa Rag Kugu Dira oon Biidna Kuu Tarine …”.
Muxyiddiin
horta waa nin Reer Gaalkacyood ah. Taas waxaa laga garan afkuu
wax ku qoray waloow in ka badan 32 jeer uu qoray “KAZOO”.
Sida “uu kazoo jawaabo …” ama ‘uu kazoo jeedo …”. Oon u fasirtay
“ka soo jawaabo” iyo “ka soo jeedo”. Anna ka mid ahayn lahjadaha
ama af guriyada Soomaalida intaan ka aqaan.
Waxaan
kaloo ugu maahmaahi lahaa hadal uu yiri qoraa Ruush ahaa oo
la oran jirey Anton Gogol buuggiisii “Arwaaxdii Dhimatay” (Le
Anime Morte (Af Talyaaniga) ama Mortvie Dushi (Af Ruushka) uu
nin ku yiri war haddii sankaagu qaloocanyahay muraayadda ha
eedeyn! Aragtidaas ayaan u beddeley Af Soomaali oo geeraarkayga
“Xujo Maaha La Yaab Leh” (Ka eeg hoos waxaa ku jirta iyadoo
orasnaysa):
ninkii foosha xumaayoo
ku xanaaqey muraayad
calashaan xubnihiisa
may xariir ku dabooshoo
xaglihiisa qalloocan
laan xulkiiya ka yeesho.
“Xujo Maaha La Yaab
Leh” waa Geeraar ku jira maansooyinkayga Cabdulqaadir Nuur Salaad
Takar (Deri Gurey Jafle): “Maanyo-Olol Uur-La-Hadal” hadda dabacaadda
ku jira
Horta
waxaan ammaan ugu celin in uu caradii uu ka carooday maqaalkayga
buugaag badan uu sheegay in uu akhriyey, walow maqaalkiisa dambe
aan looga jeedin wax uu ka faa’idey.
Maahmaah
kaloo munaasab ah waa Muxiddiinow “Hadal badan haan ma buuxiyo”.
Halka aad ku adkaysanaysid Carabnimada Soomaalida oo weliba
lee dahay “Erayada Af Soomaaliga 65% waa Carabi” iyo “DNA ayaa
muujisay in Soomaalidu 75% Carab tahay oo kula tartamayso cidda
ugu Carabsan oo ah Yemen”. Waxaan walaalkay/wiilkayga u sheegi
lahaa ama ha yeelo ama ha diido ee Amxaaro iyo Tigree waa ka
xigaan Carab oo iyagaa isla ah Semiti. Waxa labo af wadaagaanna
laguma cabbiro erayada ka dhexeeya oo ama badan kara ama yaraan
kara ee waa dhismaha afka. Afafka semitiga sida Carabiga, falku
horay buu iska dooriyaa: sida Qaala, Yaquulu, Taquulu, Naquulu
iyo kd. Halka afafka Kushitiga ay gadaal iska beddelaan: Waan
baxa hayaa (ama Baxayaa), Wuu baxa hayaa (Ama Baxayaa), Wayn
baxay haysaa (Baxaysaa).
Waxaa
jira ilaa shan fal oo isu rogroga habka semitiga: waxaa ka mida
ah AHAANSHO: Waan ahay, Wuu yahay, Way Tahay, Waa nahay.
ORAAH:
Waan Iri, Wuu yiri, Way tiri, Waa niri.
Imaatin:
Waan imid, Wuu yimid, Way Timid kd
Saamaynta
Af Carabiga waxaaba la oran karaa waxaa ka badan tan Af Hindiga.
Saaxiibkay Prof. Nuuruddiin Faarax oo Hindiya wax ku soo bartay
wuxuu iiga sheekeeyey in ay jiraan erayo isa saar ah (Compound
Words) sida Garba-Saar (Garab + Saar) oon Af Hindiga la wadaagno.
MTan kale wuxuu maalin iiga sheekeyey wiil ay qol ku wada jireen
oo iyagoo wax akhrisanay mid kale soo galay oo goortuu cabbaar
taagnasa kii ku xanaaqey oo yiri “Fadhi ama Bax” oo “Inta aan
la yaabay aan iri ‘Maxaad tiri?” oo igu jawaabey “Waxaan
iri ‘Have a seat or get out’”.
Magacyada
qorayaasha uuba isku qaldayo oo tusaale ahaan Sir Richard Burton
uu mar ugu yeerayo Richardson. Halkaan ka iri Guguuni Waday
ayaan isu egnahayna Muxiddiin si’ cillad ugu helo hadalkaygaas
wuxuu yiri “Marka aan ku soo laabto isku ekaanshaha Profesor
Fisiko iyo Guguuyo Wadaay, ayaan hadaba xusuusin lahaa Profesorka,
in hadii Rabbi asaga iyo Guguuyo Wadaay muuqaal iskugu keenay,
in ayan taa macneheedu aheyn in Somaliyi wada Guguuyo Wadaay
tahay amase si kale hadaan u dhigo, dadka Chad iyo Somaliye
ay yar tahay shabahaadooda, qof sida Profesor Fisiko ahna la
heli karo.”
Dulucdii ahayd in
Chad u jiro qabiil sida Soomaaliya la yiraahdo Garre oo sida
Soomaliya u kala baxa “Tuf iyo Quraanyow” waa ka hoos baxday
Wuxuu
soo qaadtay Prof. B. W. Andrzejewski (Macallin Gush). Isagoo
ku duraya in uu ahaa Yuhuud sidaasna wuxuu taray af Soomaaliga
ku ceebinaya.
Horta
Macallin u Guush waxaan
bartay 1994 bishii July (Luglio) oon anigoo Mooska arday ka
ah fasax u tegey London.
Nin la oran jirey Cismaan Sugulle ayaa i kexeeyey oo Bush House
oo i geeyey BBC London. Saan waxaan la kulmay iyadoo la dhegeysanayo
cajalad Maxamed Abshir Waldo ka soo diray Xamar oo ay ku duuban
tahay khudbad Ra’iisul Wasaarihii waqtigaas la magacaabay Cabdirisaaq
Xaaji Xusseen uu Barlamaanka u jeedinayo oo kalsooni uga codsanayo.
Nin caddaan ah ayaan is dhinac fariisanay. Kolkii khudbadii
dhammaatay ayuu wuxuu Af Soomaali sax ah ku yiri “Nacallaa Waalidkaa
ku yaal. War ninku codkarsanaa oo Af Soomaali badiye”. Halkaas
ayaan isku baranay Macallin Guush. Ayaamo ka dibna waxaan iibsadey
buug ay wada qoreen isaga, I. M. Lewis iyo Muusa Galaal oo la
yiraahdo “Somali Poetry” oo gabayada oo muddo dheer iigu dambeysey
i soo xusuusiyey.
Guud
ahaanna ilaba qummana Aadanaha in wax looga sheego cidda ay
u dhasheen iyo Diinta ay haystaan oo midna iyagu ayan dooran
ee deegaanka ay ku dhasheen ama ku barbaareen uga yimid. Shisheeyaha
baara oo wax ka qora Af iyo Dhaqan Soomaaliga sida Prof. Anrzejewski
B. W., Prof. Georgi Kapjits iyo Prof. I. M. Lewis iyo
kuwo kale oo badan anigu ixtiraam weyn ayaan u hayaa waxaanna
u arkaa Insaan ila mid ah illoiwse I dheer dadaal ay afkayga
iyo dhaqanka dadkayga ku barteen.
Wuxuu
kaloo xusay nin la oran jirey Cabdiraxmaan Al-Jabarti oo Reer
Masar ahaa asal ahaanse ka tegey Zeylac. Qisadu waxay ahayd
awoowgii lixaad oo isna Cabdiraxmaan la oran jirey ayaa ka tegey
Zeylac. Wuxuu aadey Xajkii, wuxuuna ka aadey Al-Azhar. Kolkuu
ka baxay Jaamacadda ayay is barteen ninkii Turkiga oo Cuthmaaniyiinta
u xukumayey Masar kaas oy isku barteen gabar waalaashiis oo
uu guursan doono. Mandiqada Bur Siciid ayaa loogu magacaabaya
Guddoomiye (Waali). Wiilashii ka farcamay waxay noqdeen wada
Culumo xagga Diinta iyo Addunyadaba. Maadama ay wax ku dhigi
jireen Far Turki, Faarisi iyo Carabi ayaa ilaa haddeer lagu
muransan yahay cidda ay u dhasheen oo intuba sheegtaan. Waxay
ahaayeen Takhaatiir caan ah, Injenyeerro, Taarikhyahanno. Waxaa
u caansanaa Cabdiraxmaankii u dambeeyey oo ah ilaa maanta marjaca
loo raaco taariikhdii Faraacinadii Masar.
Nasiib
darro buugtooda intii badnayd Qaahira ayay ku gubatey intuu
noolaa Cabdiraxmaankii u dambeyey oo isaga laftigiisa waxaa
la sheegaa in uu murugo u dhintay.
Horta
dhowr jeer ayuu igu tilmaamayaa “Aqoonyahan”. Waxaan u sheegayaa
meelna in anan anigu ku sheegan aqoonyahan.
Gabogabada qoraalkiisa wuxuu ku leeyahay: “Mida ugu danbeysa
ee aan Prof. Fisiko xusuusin lahaana ayaa waxay tahay in xiliga
xun oo ay Carabnimo iyo dadnimoba u muuqdaan, taasna
waa tan aan kugu diidahayo marka aad leedahay “adaa dad ismoodahayee
yaa kuu arka”, ogsoonowna wax aanan anigu iska dhigin cida iga
dhigeysa majirto, waana ka xumahay in aan maqlo dad Soomaaliyeed
oo sidaas uu dareenkoodu u lumay”. Soomaaliyi ku jidho manta,
aysan aheyn micnaheedu, mid ka dhigaysa dadnimada Soomaaliyeed
wax aan jirin, xusuusnowna naf walba oo ibnu aadam oo manta
dunidan joogta qiime ayay ku fadhidaa, mana aaminsani aragti
dadka kala fadilaysa, mar walbana waa muhiim in aad qab leedahay,
xiliga xun ee inta xumaha wadaan calankoodu muuqdo, ma ahan
in aad daah ku wada saartid inta qiimaha iyo wanaaga Soomaalinimo,
Islaamnimo”
Tolow
yaa i fasira wuxuu qoraagu u jeedo iyo wuxuu igu dhaliilayo.
Ma khasab ku qaado Carabnimaa? Erayo macne samaynayaan waa ku
dhex jiraan! Guud ahaanse waa hadal dheer oo tiro badan aanse
duluc weyn ii samayn.
Waloow
uu iila muuqdo wiil yar, haddana wixii waano oo wanaag doon
ah waa kaa qaadtay. Waxaanse ku xusuusin in aan geeraarka soo
socda oon qoray 1994:
Meel kale wuxuu ku lee yahay buugta uu yiri ‘Waan akhriyey’
qaar ayaa qoraya in Soomaalidu u ekaansho dhowdahay dadka Reer
Yurub oo caddaanka ah.
Waxaan
ku lee yahay isagu meeshuu ka yimid ma aqaane anigu halkaan
Soomaliya ka imid iyo dadkaan u dhashay waxay qabaan in ay caddaanka
ka qurxoon yihiin!
XUJO MAAHA LA YAAB LEH!
Boosasso,
Nob. 1994
Waa geeraar qabyo
ah oo aan dhammaystiri waayey. Ujeeddadu waxay ahayd in ummadda
Soomaaliyeed ka faa'ideysato jabkii shucuubta kale soo martay.
Xaqiiqdiisa adduunka
kolkii Eebbe xadeeyey
xayndaabka u yeelay
koonkii xiddigeeyey
dhulka gaar u xilqaamay
u xayaato ku beeray
bad iyo xaaxi sameeyey
xaska geedo ku suubshey
xoolihiina abuuray
Xaawo Aadanna uumay
aqoonteenna xadaysan
ma xisaabin karaysoo
xeel rabbaaniya weeye.
Xogta aan hadda hayno
xilliyaal dambe weeyoo
nin xijaar ku hubaysan
xurquuntiisiyo oonta
xal ka doona ugaarsi
miriyo dhuunyada xayga
xaaxaaba dhulkiisa
god xurfaana u hooyda
xoogaayo ogaan ah
xigashaa la hayaa.
Xawaarkii socodkiisa
xaalba xaal beddelaayey
xigmaddii odaygii
xirfaddiisa aqoonta
xuurku uu ka dhaxlaayey
xigna uu ku daraayey
xogta uu gudbinaayey
xudduntii u dambeysey
xilligaan aynnu joogno
xiddigaa la tagaayiyo
taagta xoogga jareerta
makiinaad wax xisaaba
xeel dheer baa laga gaarey.
Yaa xisaabin karaaya
inta xoog is biddoo
adduun soo xukumaysey
xaalufkooda la waayey?
Baabiloon xukunkii iyo
Masartii Xabshadsuud iyo
xeryihii Boqor Ruun iyo
xikaayaadki Yunaan
waa xulkaas la yaqaanoo
xabaalo ay ka tageen iyo
xarar raadad qoraaloo
xusuustoodu ay joogto.
Xag kastoo laga eego
xigmaddii dersigoodu
waa xiriir ijtimaaci
in guntiisa xadkaa
xeeladdiisa runtaa
tahay aadmi xurmayn.
Ninkii xaaska haweenta
xilihii noloshiisa
xilkii aabbe ahaanta
xoolihiisa u diidoo