Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  

“BAALUQO IS MOOD”
W/Q: Cabdulqaadir Nuur Salaad Takar (Deri Gurey Jafle)
 

“ADAA DAD IS MOODAHAYEE YAA KUU ARKA?”

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa leh “Dadna waa dadkii hore hadalna waa intuu yiri!”. Weerta kor ku taal inan la yiraahdo Muxiddiin Xuseen Ciid oo cabbey tahliil Carbeed ilaa xad uu cinwaankiisa Internetka ka dhigto ALCARABI1@YAHOO.CO.UK oo intuu qoray maqaal uu ku maagayo niman aqoonyahanno ah aan u jawaabey misna iigu afceliyey wax uu ugu magac daray “Aragtida Dhimatay ee Prof: Fisiko iyo Carabnimada Soomaalida”. Qoraalkaygii isagoo ka hadlaya ayuu ku daray weerta kor ku qoran isagoo aniga ii saaraya in aan ku iri. Horta hadalkaasi afkayga maba aha, haddaan u arko in usan dad ahaynna lamaba hadleen. Ha ahaatee haddaan ku lee yahay tixdii Raage Ugaas ku yiri Ina Jadeer “Baaluqo Is Mood Wiil Hadduu Buuryo Goys Yahaye/ Bisqanyaa Rag Kugu Dira oon Biidna Kuu Tarine …”.

Muxyiddiin horta waa nin Reer Gaalkacyood ah. Taas waxaa laga garan afkuu wax ku qoray waloow in ka badan 32 jeer uu qoray “KAZOO”. Sida “uu kazoo jawaabo …” ama ‘uu kazoo jeedo …”. Oon u fasirtay “ka soo jawaabo” iyo “ka soo jeedo”. Anna ka mid ahayn lahjadaha ama af guriyada Soomaalida intaan ka aqaan.

Waxaan kaloo ugu maahmaahi lahaa hadal uu yiri qoraa Ruush ahaa oo la oran jirey Anton Gogol buuggiisii “Arwaaxdii Dhimatay” (Le Anime Morte (Af Talyaaniga) ama Mortvie Dushi (Af Ruushka) uu nin ku yiri war haddii sankaagu qaloocanyahay muraayadda ha eedeyn! Aragtidaas ayaan u beddeley Af Soomaali oo geeraarkayga “Xujo Maaha La Yaab Leh” (Ka eeg hoos waxaa ku jirta iyadoo orasnaysa):

ninkii foosha xumaayoo

ku xanaaqey muraayad

calashaan xubnihiisa

may xariir ku dabooshoo

xaglihiisa qalloocan

laan xulkiiya ka yeesho.

“Xujo Maaha La Yaab Leh” waa Geeraar ku jira maansooyinkayga Cabdulqaadir Nuur Salaad Takar (Deri Gurey Jafle): “Maanyo-Olol Uur-La-Hadal” hadda dabacaadda ku jira

Horta waxaan ammaan ugu celin in uu caradii uu ka carooday maqaalkayga buugaag badan uu sheegay in uu akhriyey, walow maqaalkiisa dambe aan looga jeedin wax uu ka faa’idey.

Maahmaah kaloo munaasab ah waa Muxiddiinow “Hadal badan haan ma buuxiyo”. Halka aad ku adkaysanaysid Carabnimada Soomaalida oo weliba lee dahay “Erayada Af Soomaaliga 65% waa Carabi” iyo “DNA ayaa muujisay in Soomaalidu 75% Carab tahay oo kula tartamayso cidda ugu Carabsan oo ah Yemen”. Waxaan walaalkay/wiilkayga u sheegi lahaa ama ha yeelo ama ha diido ee Amxaaro iyo Tigree waa ka xigaan Carab oo iyagaa isla ah Semiti. Waxa labo af wadaagaanna laguma cabbiro erayada ka dhexeeya oo ama badan kara ama yaraan kara ee waa dhismaha afka. Afafka semitiga sida Carabiga, falku horay buu iska dooriyaa: sida Qaala, Yaquulu, Taquulu, Naquulu iyo kd. Halka afafka Kushitiga ay gadaal iska beddelaan: Waan baxa hayaa (ama Baxayaa), Wuu baxa hayaa (Ama Baxayaa), Wayn baxay haysaa (Baxaysaa).

Waxaa jira ilaa shan fal oo isu rogroga habka semitiga: waxaa ka mida ah AHAANSHO: Waan ahay, Wuu yahay, Way Tahay, Waa nahay.

ORAAH: Waan Iri, Wuu yiri, Way tiri, Waa niri.

Imaatin: Waan imid, Wuu yimid, Way Timid kd

Saamaynta Af Carabiga waxaaba la oran karaa waxaa ka badan tan Af Hindiga. Saaxiibkay Prof. Nuuruddiin Faarax oo Hindiya wax ku soo bartay wuxuu iiga sheekeeyey in ay jiraan erayo isa saar ah (Compound Words) sida Garba-Saar (Garab + Saar) oon Af Hindiga la wadaagno. MTan kale wuxuu maalin iiga sheekeyey wiil ay qol ku wada jireen oo iyagoo wax akhrisanay mid kale soo galay oo goortuu cabbaar taagnasa kii ku xanaaqey oo yiri “Fadhi ama Bax” oo “Inta aan la yaabay aan iri  ‘Maxaad tiri?” oo igu jawaabey “Waxaan iri ‘Have a seat or get out’”.

Magacyada qorayaasha uuba isku qaldayo oo tusaale ahaan Sir Richard Burton uu mar ugu yeerayo Richardson. Halkaan ka iri Guguuni Waday ayaan isu egnahayna Muxiddiin si’ cillad ugu helo hadalkaygaas wuxuu yiri “Marka aan ku soo laabto isku ekaanshaha Profesor Fisiko iyo Guguuyo Wadaay, ayaan hadaba xusuusin lahaa Profesorka, in hadii Rabbi asaga iyo Guguuyo Wadaay muuqaal iskugu keenay, in ayan taa macneheedu aheyn in Somaliyi wada Guguuyo Wadaay tahay amase si kale hadaan u dhigo, dadka Chad iyo Somaliye ay yar tahay shabahaadooda, qof sida Profesor Fisiko ahna la heli karo.”

Dulucdii ahayd in Chad u jiro qabiil sida Soomaaliya la yiraahdo Garre oo sida Soomaliya u kala baxa “Tuf iyo Quraanyow” waa ka hoos baxday

Wuxuu soo qaadtay Prof. B. W. Andrzejewski (Macallin Gush). Isagoo ku duraya in uu ahaa Yuhuud sidaasna wuxuu taray af Soomaaliga ku ceebinaya.

Horta Macallin u Guush waxaan bartay 1994 bishii July (Luglio) oon anigoo Mooska arday ka ah fasax u tegey London. Nin la oran jirey Cismaan Sugulle ayaa i kexeeyey oo Bush House oo i geeyey BBC London. Saan waxaan la kulmay iyadoo la dhegeysanayo cajalad Maxamed Abshir Waldo ka soo diray Xamar oo ay ku duuban tahay khudbad Ra’iisul Wasaarihii waqtigaas la magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xusseen uu Barlamaanka u jeedinayo oo kalsooni uga codsanayo. Nin caddaan ah ayaan is dhinac fariisanay. Kolkii khudbadii dhammaatay ayuu wuxuu Af Soomaali sax ah ku yiri “Nacallaa Waalidkaa ku yaal. War ninku codkarsanaa oo Af Soomaali badiye”. Halkaas ayaan isku baranay Macallin Guush. Ayaamo ka dibna waxaan iibsadey buug ay wada qoreen isaga, I. M. Lewis iyo Muusa Galaal oo la yiraahdo “Somali Poetry” oo gabayada oo muddo dheer iigu dambeysey i soo xusuusiyey.

Guud ahaanna ilaba qummana Aadanaha in wax looga sheego cidda ay u dhasheen iyo Diinta ay haystaan oo midna iyagu ayan dooran ee deegaanka ay ku dhasheen ama ku barbaareen uga yimid. Shisheeyaha baara oo wax ka qora Af iyo Dhaqan Soomaaliga sida Prof. Anrzejewski B. W., Prof. Georgi Kapjits iyo Prof.  I. M. Lewis iyo kuwo kale oo badan anigu ixtiraam weyn ayaan u hayaa waxaanna u arkaa Insaan ila mid ah illoiwse I dheer dadaal ay afkayga iyo dhaqanka dadkayga ku barteen.

Wuxuu kaloo xusay nin la oran jirey Cabdiraxmaan Al-Jabarti oo Reer Masar ahaa asal ahaanse ka tegey Zeylac. Qisadu waxay ahayd awoowgii lixaad oo isna Cabdiraxmaan la oran jirey ayaa ka tegey Zeylac. Wuxuu aadey Xajkii, wuxuuna ka aadey Al-Azhar. Kolkuu ka baxay Jaamacadda ayay is barteen ninkii Turkiga oo Cuthmaaniyiinta u xukumayey Masar kaas oy isku barteen gabar waalaashiis oo uu guursan doono. Mandiqada Bur Siciid ayaa loogu magacaabaya Guddoomiye (Waali). Wiilashii ka farcamay waxay noqdeen wada Culumo xagga Diinta iyo Addunyadaba. Maadama ay wax ku dhigi jireen Far Turki, Faarisi iyo Carabi ayaa ilaa haddeer lagu muransan yahay cidda ay u dhasheen oo intuba sheegtaan. Waxay ahaayeen Takhaatiir caan ah, Injenyeerro, Taarikhyahanno. Waxaa u caansanaa Cabdiraxmaankii u dambeeyey oo ah ilaa maanta marjaca loo raaco taariikhdii Faraacinadii Masar.

Nasiib darro buugtooda intii badnayd Qaahira ayay ku gubatey intuu noolaa Cabdiraxmaankii u dambeyey oo isaga laftigiisa waxaa la sheegaa in uu murugo u dhintay.

Horta dhowr jeer ayuu igu tilmaamayaa “Aqoonyahan”. Waxaan u sheegayaa meelna in anan anigu ku sheegan aqoonyahan.

Gabogabada qoraalkiisa wuxuu ku leeyahay: “Mida ugu danbeysa ee aan Prof. Fisiko xusuusin lahaana ayaa waxay tahay in xiliga xun oo ay Carabnimo iyo dadnimoba u muuqdaan, taasna waa tan aan kugu diidahayo marka aad leedahay “adaa dad ismoodahayee yaa kuu arka”, ogsoonowna wax aanan anigu iska dhigin cida iga dhigeysa majirto, waana ka xumahay in aan maqlo dad Soomaaliyeed oo sidaas uu dareenkoodu u lumay”. Soomaaliyi ku jidho manta, aysan aheyn micnaheedu, mid ka dhigaysa dadnimada Soomaaliyeed wax aan jirin, xusuusnowna naf walba oo ibnu aadam oo manta dunidan joogta qiime ayay ku fadhidaa, mana aaminsani aragti dadka kala fadilaysa, mar walbana waa muhiim in aad qab leedahay, xiliga xun ee inta xumaha wadaan calankoodu muuqdo, ma ahan in aad daah ku wada saartid inta qiimaha iyo wanaaga Soomaalinimo, Islaamnimo”

Tolow yaa i fasira wuxuu qoraagu u jeedo iyo wuxuu igu dhaliilayo. Ma khasab ku qaado Carabnimaa? Erayo macne samaynayaan waa ku dhex jiraan! Guud ahaanse waa hadal dheer oo tiro badan aanse duluc weyn ii samayn.

Waloow uu iila muuqdo wiil yar, haddana wixii waano oo wanaag doon ah waa kaa qaadtay. Waxaanse ku xusuusin in aan geeraarka soo socda oon qoray 1994:
Meel kale wuxuu ku lee yahay buugta uu yiri ‘Waan akhriyey’ qaar ayaa qoraya in Soomaalidu u ekaansho dhowdahay dadka Reer Yurub oo caddaanka ah.

Waxaan ku lee yahay isagu meeshuu ka yimid ma aqaane anigu halkaan Soomaliya ka imid iyo dadkaan u dhashay waxay qabaan in ay caddaanka ka qurxoon yihiin!

XUJO MAAHA LA YAAB LEH!

Boosasso, Nob. 1994

Waa geeraar qabyo ah oo aan dhammaystiri waayey. Ujeeddadu waxay ahayd in ummadda Soomaaliyeed ka faa'ideysato jabkii shucuubta kale soo martay.

Xaqiiqdiisa adduunka

kolkii Eebbe xadeeyey

xayndaabka u yeelay

koonkii xiddigeeyey

dhulka gaar u xilqaamay

u xayaato ku beeray

bad iyo xaaxi sameeyey

xaska geedo ku suubshey

xoolihiina abuuray

Xaawo Aadanna uumay

aqoonteenna xadaysan

ma xisaabin karaysoo

xeel rabbaaniya weeye.

Xogta aan hadda hayno

xilliyaal dambe weeyoo

nin xijaar ku hubaysan

xurquuntiisiyo oonta

xal ka doona ugaarsi

miriyo dhuunyada xayga

xaaxaaba dhulkiisa

god xurfaana u hooyda

xoogaayo ogaan ah

xigashaa la hayaa.

Xawaarkii socodkiisa

xaalba xaal beddelaayey

xigmaddii odaygii

xirfaddiisa aqoonta

xuurku uu ka dhaxlaayey

xigna uu ku daraayey

xogta uu gudbinaayey

xudduntii u dambeysey

xilligaan aynnu joogno

xiddigaa la tagaayiyo

taagta xoogga jareerta

makiinaad wax xisaaba

xeel dheer baa laga gaarey.

Yaa xisaabin karaaya

inta xoog is biddoo

adduun soo xukumaysey

xaalufkooda la waayey?

Baabiloon xukunkii iyo

Masartii Xabshadsuud iyo

xeryihii Boqor Ruun iyo

xikaayaadki Yunaan

waa xulkaas la yaqaanoo

xabaalo ay ka tageen iyo

xarar raadad qoraaloo

xusuustoodu ay joogto.

Xag kastoo laga eego

xigmaddii dersigoodu

waa xiriir ijtimaaci

in guntiisa xadkaa

xeeladdiisa runtaa

tahay aadmi xurmayn.

Ninkii xaaska haweenta

xilihii noloshiisa

xilkii aabbe ahaanta

xoolihiisa u diidoo

xabiibkiisa hungeeya

xaaraamiga maalin

in xanuun qaban doono

xaqii daalici doono

u xumihii gudi doono

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Guurka xaalka gobeeda

xarragaa ku habboone

kii markuu xilo doono

xiskin geel ka sokow

xayn fardaa bixinaayey

Xiin-finiin iska daaye

markuu xiitoba waayo

xeradiisu gumowdo

xilligii quruxdii

dib inuu u xusuusto

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Xarbad kii ka shaqeeya

xigtadii isku laaya

 

markii xiis ololayso

xabbad lawga la laabo

ama aay xiqda joogtoo

'Xorriyo yaa u gayaana?'

xaajadii ay timaaddo

wiilkuu xuunshada siiyey

dib inuu u xusuusto

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Nabad baa xasillooni

caano xoor leh ku siisee

xabbad kii u horseeda

beesha xiisad dhex geeya

kolkii xuurar le'daanoo

xeradii ay hungowdo

xeeraduu iska daadshey

dib inuu u xusuusto

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Ninkii xoogga lahaayoo

hal xantoobo adduunkaad

 

xakamaayn karaysaa

xisaabtiisa ku beegay

goortuu xilka meershoo

xubnihii ay dabcaanoo

maskaxdiina xis beesho

dib inuu u xusuusto

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Suldaankii xukunkiisa

dadkiisii kala xoora

xigtadiisa u eexda

markii uu xagsan waayoo

la xayuubsho awoodda

xayraanka gafkiisa

dib inuu u xusuusto

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Intaan xawlka mariidka

qofka aan laga xuubin

"Xayum baaqi Allaah"

jirkiisii la xabaalin

Inuu xoolo tabcaayoo

xarbi uu ku jiraayoo

xooggiisa cunaayoo

xirfaddii u yaqaanney

xeesheed ku adeegto

waa xalkii noloshiiye

kii xikaayo riwaayad

"Xeeradoo bisil baa

xeradaada imaannin"

xadiis mooda rumeeya

goor fandhaal iyo xeero

xiriir toosa lahayn

waqtigiisa u xooray

dib inuu u xusuusto

xaal an suura gelayn iyo

xujo maaha la yaab leh!

Sow xaqiirrada maanta

beelahaan xukumoo

an xaq-soorka cadaalad

fal xalaala aqoonoo

maatadoo la xadaayo

xiniin dhaaf ugu jeeda

kay xubeero badeenna

gacaltooyo xabiiba

ka sugaaya xilkaas

xaalkooda fal maaha

ninkii foosha xumaayoo

ku xanaaqey muraayad

calashaan xubnihiisa

may xariir ku dabooshoo

xaglihiisa qalloocan

laan xulkiiya ka yeesho.

Ciddii xoolo badnaan iyo

xubnohoo taran yeesha

Xawlohood u gargaaro

xaq mudnaan lagu siiyey

iyada loo xukumaay

ku xafiiltamaysaayoo

xadkii bay gudubtaayoo

kuwaay xoosh la wadaagto

inaay soo xakamayso

xididkii ay lahayd iyo

xigaaloy dhalyadii iyo

xurmadaay ka tagtaa.

Qolaba waa xilligeede

xadkii hoose mar baay

xididkii u dhacdaayoo

noqotaa gun xumaatoo

beelihii xaqiraanoo

xubuubkii ay abuurtay

xisaabtiisa runtaa

haddaan looba xantoobin

xig ka weyn lagu tuurin

ay u xeerinayaan!

Qabiilaadka xunoo

xeebahaan degganoo

Seylac Xiis iyo Mayd iyo

Xaafuun iyo Baayla iyo

min Garoowiyo Xaabiyo

Xarardheere dhankiisiyo

Buulo Xaawo Baraawiyo

xayddaankaas ku xerooda:

waa Daaroodka Xijiijliyo

Xaayow Hawiyaa iyo

Reer Magaadle Xabuushiyo

Reer Xawaadle Xiriir iyo

Reer Xaasaale Xubuule [1]

xantiirkii noloshaahoo

xagga diinta ka eegoo

xag dabiico ka fiiroo

xag walbeetaba daymoo

xagashii la jalleeco

xirgi ay cuskadaan iyo

xarig ay qabsadaan iyo

xukun ay ku dhaqmaan iyo

xero ay dugsadaan iyo

an xeer aqoona lahaynoo

is-xilqaan is xaq-dhawr iyo

is-xushmayn is-xurmayn iyo

xigaalooyin ilaalin

"xididkaa bal ka gaabso"

aan xishoodba lahaynoo


 

xiqdigii deriskood iyo

xaasidkoo u xabiibiyo

xabiibkooy xastayaan iyo

xumaantoo u wanaagiyo

wanaaggoo u xumaanoo

xubin noolba ku beeran,

dhammaantiin iga xeersha

xaaluf baa u dambaynoo

xigmaddood harimaysoo

xusuus yeelan mayaan.

Waxaan ku soo xirin: Muxiddiin wuxuu muujiyey in uu wax baari karo taariikhda Soomaaliyana ka jibo gaari karo hadduu qumbe caddaha uu ligligga haysto sii daayo, una gelin qur ah illoobo carabnimada ay u keentay hal nin oo waa hore Carra Carbeed ka yimid, hadduuba jirey. Uuna tixgasho in ummadda Soomaaliyeed  ka kooban tahy ummado is dhex galay oo leh: ,Kushitig,. Bantu (ama Jareer), Carab, Hindi, Faarisi, Indonesia.


     [1] Dhammaanba ma aha qabaa'il jira ee waa magacyo anigu aan hindistey.

W/Q: Cabdulqaadir Nuur Salaad Takar (Deri Gurey Jafle)
deritakar@yahoo.com


Dagaal ugu noqon page hore e Mudugonline.com
contact: webmaster@mudugonline.com