 |
|
Muxyadiin Xusseen Ciid |
Waxa
aan aad ugu faraxsanahay in Maqaalkii “Samatar(r)ada
iyo VOA-du Carabnimada Soomaaliyeed Ma Suulin Karaan?”ee
aan qoray 17-kii Febraayo 2008, uu kazoo jawaabo mid
ka mid ah aqoonyahanada Somalida, isagoo daliilo ay ula muuqatay
in ay noqonkaraan waafi lasoo shir tagay, wallow xagayga aanba
orankaro waxa ay iftiin u noqdeen waxa aan ka hadlahayay ee
marin habaabiska in isir been ah umada soomaaliyeed loogu
fargodo salka ku hayay.
Aniga oo tixraac ku sameyndoona gabi ahaanba maqaalka aqoonyahankan,”
Dirka
SOOMAALIDA, SAMATARRO
IYO
VOA”ayaan
hadana waxa aan jecleystay ka hor taas in aan sixid ugu laabto
waxa aan u arkay turjumaad khaldan oo aqoonyahankani ka bixiyay
Maqaalkaygii hore, waa marka hore’e waxa uu tilmamay in aan
ku talagalay maagida aqoonyahanada aan xusay, taasoo xageyga
aan oran lahaa ma aheyn maagid, mana aheyn sidoo kale in loo
micnaysto hadalka qoraaga sida aad rabtid, iyadoo akhristaha
laga doonahayo in uu fahmo hadalka qoruhu leeyahay, kuu soo
xiganahayo, waxa uu isweydiinahayo iyo fahamka guud ee nuxurka
qoraaga. Dirka IYO
Halkan ayaana daliil u ah waxa aan ka hadlahayo, taasoo ah in
maqaalkayga aan isku weydiiyay sababta VOA-du u keentay
mowduucan carabnimada ah manta? anoo isku jawabahaya ayaan iri
“ma waxa ay daba joogtaa warbixino Madaxweyne Cabdulahi
Yusuf uga hadlay carabnimadiisa”, hadaba hadalka aan sidaa
u dhigay ayuu aqoonyahankani ka dhigay in aan daliil u soo
qaatay Carabnimada Somalida hadalka Madaxweyne Cabdulahi.
Taasoo aan ka dhadhansanahayo in aqoonyahankani ujeedadiisu
aheyd radinta aragtida Madaxweyne Cabdulahi, asagoo iskuna
muujinahaya in uu aniga ii jawaabahayo, iyada oo aan oran
lahaa kal hore ayay kuu aheyd in markii aad maqashay
warbixinta Madaxweynaha in aad ka hadashid.
Intaas hadii aan uga gudbo turxaanbixinta maqaalkaygii hore,
ayaan waxa usoo daadageyaa maqaalkii Dirka Somalida ee uu qabo
Profeser Fiisiko, anoo jecel in aan ku laalo gabi ahaanba
taariikhda uu soo minguuriyay ama daliisheeda uu la yimid,
taasoo aan filahayo in waa cusub ay u furi doonto umada badan
oo Soomaaliyeed jahwareerna lagu ridahayo isirkooda.
Waxaan mid u kala qaadahayaa taarikhda uu soo daliishaday
Profeserku :
KUSHITIGA: waxan iftiminahayaa
taariikhdooda guud, iyadoo aan isweydiineyno:
Ø
Yaa ah Kushitiga?,
ETHIOPIANKA: taariikh kooban
ISIRKA SOMALIDA: khuburadu
maxay ka dhaheen?
SINJI SOOCA: maxaan u adeegsaneynaa
sinji sooca dadka
JABARTI WAAYO?: halkuuse ka
yimi magaca jabarti?
ARAGTIDA DAHSOON
SABABTA CARABNIMADA LOO DIIDAHAYO.
v
KUSHITIGA:
Kushitiga ayaa la sheegaa in uu dhalay HAM oo ahaa midki waynaa
labada wiil e Nabi Nuux, halka wiilka labaadna uu SAM ahaa,
Kushitiga ayaa sidoo kale la sheegaa in ay boqortooyo jidhay
ahayen, sida ay kala qoreen buugta
"African Ark", iyo "Islam in Ethiopia",
iyagoo soo xiganahaya duqaydii qabiilka BEJA, oo hada ka mid
ah qabaa’ilada Ethiopia, kuna abtirsada Kushitiga, ayay si
cad duqaydani u sheegteen in ay halkaas kazoo jeedaan.
Boqortooyadan Kushitiga ayaa waxa la aasaasay sida la wariyo,
1000BC, oo la mid ah 30 ilaa 40sanno generation ka hor Ciise,
waxana lagu qiyasaa in ay jirtay 330 A.C. dhimashadii Ciise
kadib, iyadoo jiritaankeeda lagu tilmaamay mid dhameyd
1300sanno, amase 40 ilaa 50generation,
waxana lagu tilmaamay in ayba noqonkarto xukumadihii lasoo
maray dunida tii ugu dheereyd, illlaa iyo hada lama helin
fartii boqoqrtooyadan, sidaa aawadeed ma jirto xog buuxda oo
loo heli karo dhab ahaanshaeeda taariikhdan laga warinahayo.
Illaa iyo hada waxa kaliya oo laga ogyahay Boqortooyadan ayaa
waxa ay tahay, kagadaal markii waxweyn laga bartay fartii
faraaciinta ayaa waxa yimid in laga dhex hello macluumaad
ku saabsan Boqortoyadan Kushitiga, oo markaa daris la aheyd
boqortoyadan faraaciinta, dhinaceeda koonfureed oo ah halka
hada loo yaqaaan Sudan, Magaalo madaxdede aya la oranjiray
NABATA,iyadoo dacalka ku haysay wabiga NIIL, waxa
lashegay in caasimadii loo wareejiyay dhinaca Meroë
around 600 B.C. u
soo guurida magaladan ayaa waxa lagu tilmamay in ay timid
kadib markii duulaankii ciidamada masar soo dulfuuleen, magaldan,
taso keentay in dib ugurasho lasameeyey ayna noqoto MEREO
caasimada cusub, magaladan ayaa la sheegay in ay saldhig u
aheyd soo saarid a birta, oo aheyd waxa kaliya oo kushitigu
horumar ka gaareen,iyadoo waxan aan sheegeyno aanan loo hayn
wax cadeyn ah.
200 B.C. ayaa lasheegaa in hoos u dhac uu kuyimid
boqortoyadan, sababtoo ah xoogeysigii boqortoyada Auxsum,jabkii
boqortooyadan ayaa waxa la sheegay in ay geysteen ciidamadii
xabashida tarikhdu markii ay aheyd 330ad,halkas oo lagu aasay
raadkii boqortoyadan.
Jabkii boqoqrtooyadooda Kushitiga ayaa layiraahdaa waxa ay ku
khasbanaatay in ay u haajiraan koonfurta iyo galbedka ayagoo
markaasna is guursi uu dhex maray dadkii Afrikaanka ahaa,
halka Bejaha oo ah kuwa kaliya ee Kushitiga laga hayo ay
Ethiopia hada kunool yihiin, iyadoo la tilmaamo dhalan rogadka
ku yimid dadka Kushitiga in uu kazoo jeedo is guursigaas dhex
maray afro-Negroid.
A)
Yaa ah Kushitiga,
Bejaha hada ku nool Ethiopia, ayaa ah kuwa kaliya ee
taariikhdu xustay, iyadoo inta kale ee manta lagu tilmaamo in
ay kasoo jeedaan Kushitiga, sababta loo oranahayo ay tahay
isku soo sooc xaga muuqa amase luqada, tanina waxa ay
balaarisay in dad badan la iskugu geeyay xayndaab KUSHITIGA,
si walba halagu soo soocee.
Marka aan u soo laabano in Soomaalida looga yeero Kushitig,
ayaa sida aan hoos ku bidhaamin doono, waxa ay tahay in aan
dhalasho ahaan loo laheyn ee luqad ahaan loo leeyahay, taasoo
marka aan sinji ka hadleynana aysan macquul aheyn in luqad aan
ka dhigano mid faraca aan nahay qeexeysa, iyadoo aadba
ogtihiin manta ilmaha Somaliyed ee Yurub ku dhasha in uu qaato
wadanka uu ku dhashay luqadeeda, aybana dhacdo in ay kugu
adkaato sidii aad luqadiisii Somaliga u fahamsiin laheyd.
Hadiisaba aan u eegno sida kale oo luqada aan ka dhigno mid
qeexeysa faraca aan nahay, miyaan la oran Karin luqada
soomaalidu 65% waxa aad ka heleysaa ereyo asalkoodu Carabi
yahay, sida uu qabo aqoon yahan Soomaaliyeed oo baarid buuxda
ku sameeyay arintan, isagoo ka hadlahayana laga sii daayay
telefishinka af-somaliga ku baxa ee Universal sanadkii hore,
isaga oo ku sugan Saudi Arabia.
v
ETHOIPIAN-KA TAARIIKH KOOBAN:
Boqortooyadii
Auxumites
ee la tilmaamay in ay jilbaha u dhigeen Boqortooyadii
Kushitiga, ayaa saldhigoodu ahaa magaalada Auxum oo
kutaal gobalka Tigrenya, iyadoo dadka Boqortooyadan lagu
tilmaamay in ay ahaayeen qabaa’ilada Tigreyga iyo Amxarada.
Qabaa’iladan waa Tigreyga iyo Amxarada’e ayaa sida ay
sheegteen amase lasoo wariyo waxa la tilmaamay in ay kazoo
jeedaan amase ka dhex abuurmeen dadkii Afrikaaniska ahaa ee ku
noolaa dhulka iyo dadkii reer SABA (Reer Saba ayaa Yaman
kazoo kicitimay iyagoo Somaliya soo maray) ee u yimid in
ay hantiyaan dhulkan .
Minilikhii I koowaad, ayaa waxa uu ahaa Boqorkii ugu horeeyey
ee Auxamites-ka, isagoo sheegtay in Boqoradii Reer Saba iyo
Nabi Suleymaan (caleyhi salaam) ay iska dhaleen, xiligii
Boqoradii Reer Saba ay tagtey Jurusalaam, oo saldhig u aheyd
Nabi Suleymaan (caleyhi salaam).
Sidoo kale Boqor Haile Salase, ayaa sida uu sheegtay tilmaamay
in Minilikhii Koowaad uu ka tirsado 225 ODAY, iyadoo laga
wariyay in Minilikhii Koowaad uu booqday mar kale aabihiis
Nabi Suleymaan(cs) (waa sida uu sheegtaye) asagoo nin
dhalinyaro ah markan, halka loo yaqaaan Bar Mitzvah,
markii uu kusoo laabanayay Auxum, ayaa abaahiis Nabi Suleymaan
(cs) kusoo daray ciidan waardiyeeya wiilkiisa Minilikhii
Koowaad, waardiyayaashan ayaa sida lasoo wariyo lagu tilmaamay
in ay yihiin dadka ay kazoo farcameen FALSHAHA
ETHOIPIA
daga manta.
Shegashada Haile Selasse in uu ka tirsado 225 oday Minilikhii
koowaad ayaa waxa iska hor imaanayaan, mala awaalka
taariikhyahanadu ka baxsheen inta ka soo wareegtay taariikhdii
Nabi Suleymaan, oo ay dhaheen 3600, oo sanno ayaa lagu
qiyaasaa in ay ka soo wareegtay, halka sheegashada HAILA
SALASSE, marka lagu dhufto isku celcelis ahaan da’da ay
noolaan kareen dadkii xiligaas ay aheyd 25sanno, waxa ayna
imaaneysaa sidan ( 225 x 25sanno = 5625sanno), iyadoo
sida muuqata labada aragtiyood iska hor imaanahayaan.
Sidoo kale qabiilka AGWA-HA oo ah qabiilka ay la degan
yihiin Falashaha Ethiopia, ayaa laftigooda la yiraahdaa waxa
ay ahaayen ciidankii waardiyayaasha ahaa ee u soo gardaadiyay
Minilikhii koowaad AUXUM, maadaama la sheego in ay kazoo
jeedaan HAMATIKIGA, iyagoo dhexda u fadhiya qabaa’ilada
Amxaarada iyo Tigreega.
Mida lagu sheego in ay noqon karto cadeyn jiritaanka Reer Saba
in ay saldhigteen dhulka buuraleyda sare ee Ethiopia ayaa waxa
ay tahay markii la helay qoraalo duugowbay oo (OLD monuments)
in ay ku qoran yihiin saddex luqadood oo kala ah 1: tii Reer
Saba, 2: tii Giriiga iyo tan GA’EZ-ka loogu yeero. GA’EZ ayaa
ah farta qoraalkeeda manta Ethiopia laga isticmaalo, waxana
aasaasay Boqortooyadii AUXUM-ka, kadib markii ay diiday
isticmaalka fartii Reer Saba, oo ka hor ay isticmaali jireen,
iyadoo cadeyn ah ay jidho in sadexdan far isku waqti la
isticmaalahayay.
Ø
GALLA AMASE OROMADA;
Dadkan loogu yeero Gallada, hadana ku caanka ah Oramada ayaa
manta waxa ay yihiin dadka tiro ahaan ugu badan geeska afrika,
iyadoo la xuso in ay ka mid yihiin dadka Kushitiga, ayaa
hadana waxa ka imaaanahaya aragtiyo iska hor imaanahayo halka
ay ka soo jedaan ee dhabta ah, qaar ka mid ah aragtiyadaasna
waxa ka mid ah sedexdan.
a)
Tan dadka Oramada ah
qabaan;
Dadka Oramada ayaa aaminsan sida uu kazoo wariyay Sir
Richard Burton, oo 160 sano, ka hor socdaal ku bixiyay
deegaankooda, in ay sheegtaan in asalkooda kazoo jeedo wadanka
Sacuudiga, khaasatan iyagoo tilmaamay in ay ahaayeen dad Reer
Maka asal ahaan kazoo jeeda, soona gaarey dhulkan Ethiopia
xili hore, ayagoo kazoo dagey xeebta galbeed ee halka hada loo
yaqaan OBOKH, oo ka tirsan wadanka DJabuuti, kadibna ay ku soo
fideen dhulkan baahsan ee Ethiopia, ayagoo dhinac walba u
fiday.
Sir Richard Burton, ayaa xiligaas qoray ilaa afar qabaa’il oo
dadkan Gallada amase oramada u kalabaxayeen xiligaas iyagoo
kala ahaa (Alo,
Nole, Babuli and Jarsa.),
halka manta la helayo ilaa iyo 24 qabaa’il oo dadkani ka
kooban yihiin.
b)
Tan dadka Ethiopianku ka qabaan;
Dadka Ethiopian-ka qaasatan Amxaarada ayaa ku sheega in
Oramadu ka soo jeedaan amiirad uu dhalay boqor ka mid ah
boqradoodii, iyadoo amiiradan ay ka heshay mid ka mid ah
adoontii u shaqeynaysay, dabadeedna ay isla baxsadeen iyagoo
is guursadey, degayna halka ay degan yihiin qabiilka Uraagada
ee uu maro wabiga la yiraahdo Galla,wiilkii ugu horeeyeyna uu
ugu dhashay daanta wabiga Galla, halkaas oo ah halka magaca
Galla uu kazoo raacay, iyadoo amiiradana ay u dhashay adoonkii
guursadey todoba wiil, iyagoo dabadeedna tarmay ilaa ay
gaareen in dhulkii ay dagenaayeen ayagu la wareegaan, iyagoo
dabadeedna noqday xoog kaba hor yimaada boqortooyadii Auxum
fadhigeedu ahaa, isla arinta ayaa waxa soo wariyay Sir Richard
Burton.
c)
Tan taariikhyahanadu xussaan;
Taariikhyahanada
ayaa ku tilmaama Oramadu in ay kazoo jeedaan amase ka
yimaadeen dadkii Kushitiga ahaa ee markii la jabshay
Boqortooyadii Kushitiga u hayaamay dhulka hoose ee Buuraleyda
ahaa, halkaas oo ay ku yaalaan wadamada Kenya iyo Tanzaniya,
dabadeedna ay isku guursadeen dadkii Bantuga ahaa, ayagoo
kagadaalna Somaliya dhinaca Koonfurta kazoo galay, ilaa ay soo
gaareen dhinaca Waqooyi iyo Bariba ka hor inta aan Somalidu
kasaarin, qiyaas ahaan 1500 A.D, iyadoo Sir Richard Burton,
ku tilmaamay in magaalooyinka ay ka daganaayeen dhinaca
Waqooyiga Somaliya ay kala ahaayeen, Aububah, Darbiyakole,
Long Gulad, Amadmed, Moga Medir, Harar, and Berbera.
Sida uu wariyay Weidner:
“Galladii hore ayaa lasheegay in ay ahaayeen kuwo aan diin
laheyn, waxana ay caabudi jireen wax ay ugu yeeraan “ILAAHII
BIYAHA” iyadoo afkooduna ku ahaa “Abud
Waka”,
Abud= “Biyaha”,
Waka= “ILAAHII”,
tanoo ay kala mid ahaayeen VARUN DEVTA oo ay lahaayeen
Hinduska Vedic ah. Waxa ay aaminsanaayeen in Illaahoodu
uu maamulo cirka isagoo ay ku abaal mariya biyaha, marka uu
xumeynahayona ku ciqaaba biyaha oo uu ka ceshto”.
Gallada ayaa la sheegay in ay lahaayeen ama wadaagi jireen
gole oday dhaqameed, taasoo ninka odayga u ah uu ahaan jiray
dhaxal, waxana loogu yeeri jiray “GADA”.
Hadaba sida warbixintani ku tuseyso ayaa waxa ay tahay mid uun
male uun ku dhisan halka lagu saleynkaro asalka dadkan, iyadoo
aragtiyada iska hor imaanahayana ayna tusayso in marka horeba
loo baahan yahay cadeyn dhameystirin oo ku saleysan waxa uu
KUSHITIGU ku sifoobahayo, haday ahaan laheyd shabahaad
luqad iyo haday ahaan laheyd mid isir iyo farac ku saleysan,
dadka uun iskaga hadaaqahaya Kushitigana waa in ay la
yimaadaan faham dhameystiran, taasoo aan ula jeedo marka
maanta dadka kaliya oo taariikhdu u heli karto
Kushitinimadooda lagu soo koobay BEJAHA, iyadoo tanina
cadeynayso qoraalada laga minguuriyay Faraaciintii amase
kutubtii Romanka oo sheegay in wakiili u joogi jiray Roma,
sidoo kalena khuburo Beja ahi ka caawimi jireen sidii
ciidamadoodu u adeegsan lahaayeen Maroodiyaasha iyo waxyaabo
kale oo badan.
Su’aashase aan rabay in aan weydiiyo ruuxwalba oo aqoonyahan
ah ayaa waxa ay tahay sababta afsoomaaliga oo lagu sheego
luqadaha ugu hodonsan dunidan, looga la’yahay erey loogu yeero
dadka aanan diinta muslimiinta ku jirin, kaas oo aanan ka
aheyn Gaal?
Micnaha aan taas u leeyahayna waxa ay tahay maadaama sida
taariikhdu nabareyso Gaal ay Somalidu u taqaanay ninmankan
Gallada ah (Oromada), ayba u noqotay in ay u adeegsadaan
magacii nimankan wixii aan kuba jirin diinta Islaamka, anoo
fikradeyda u fasirtay maadaama nimankan Gallada ay xiligii
Somalida Islaamka aheyd kasoo eryahayeen dhulkaas ay ahaayeen
dadka kaliya ee aan diinta laheyn, taasoo ay ka muuqato hadii
afsoomaaligu uu markaas ahaa mid mudo dheer soo jiray ay sahal
ahaanlaheyd in erey kale oo aan ku saleysnayn magaca dadka u
heli lahaayeen dadka diinta islaamka aan ku jirin. Balse
su’aashan aqoonyahanada kale ayaan u dhaafay jawaabteeda.
v
ISIRKA SOMALIDA:
khuburadu maxay ka dhaheen?
Buuga uu qoray Robert W J, laguna magacabo ‘A
HISTORY OF AFRICA PEOPLE’ boggiisa 11, waxa aad ka
heleysaa asagoo soo xiganahaya nin Anthropologist Ah
lana oranjiray Murdock, kaasoo uu taageeray
Archeologistihii caanka ahaa ee Professor Jean Hienaux
“The People of Africa”,
in uu yiri “ Ma muuqato wax cadeyn ah oo tilmaamahaya
jiritaanka Gallada(Oramada) iyo Somalida ka hor dhamaadkii
Miliniyanka kowad Dhimashadii Ciise(Caleyhi Salaam) kadib,
halka dhinaca kale Dadka BEJAHA loo yaqaan ayba ahaayeen kuwa
jiray, taasoo ay cadeysay markii ay ka muuqdeen taariikdii
faraaciinta 200sano dhalashada Ciise ka hor”
Halkaa waxa ka cad in dhulka Somaliya loo yaqaan aysan jirin
dad Somali layiraahdo oo daganaa, iskadaa Somaliyeh aanan
laheyn amase aysan daganeyn sidoo kale dadka
Galla(Oramo)looyaqaan oo dad badani rumeysan yihiin in dhulka
Soomaliya loo yaqaan ayaga laga kacshay.
Qoraa kale oo isna la oran jiray ROBIN HALLET,
buugiisii ‘AFRICA TO 1875’ wuxuu ku sheegay
asagoo isla arintan taageerahaya sidan “Qarniyaal kadib koox
kale oo cadaan ah ayaa yimid Bariga Afrika, qiyaas ahaan
1000sano, dhalashadii Ciise ka hor, kuwaasoo keenay dhaqashada
Lo’da iyo abuurka miraha, dhamaadkii miliniyamka koowaad ee
dhimashadii Ciise kadib ayaa dadka AZANIUM-ka ahi (Azanium-ka
ayaa ahaa magac qorayaashii Giriigu u yaqaaneen dadka ku
noolaa xeebta bariga Afrika) dagsiimaadkoodii gaarey
dhulka sare ee Kenya iyo xuduuda ku teedsan ee Waqooyiga dalka
Tanzaniya”.
Hadaba labadan cadaymood ee taariikhiga ah ayaa waadixinahaya
iskadaa jiritaanka dadka Somalida loo yaqaane in aysan jirin
amase daganeyn dhulka Somaliyed dadka Galla(Oramo) loogu
yeero, ka hor dhamaadkii miliniumka koowaad dhimashadii Ciise
ka dib, iyadoo taariikhyahanadani xuseen in dhulkaasi ku
noolaayeen reerbaadiye ugaarsato ah iyo xoolodhaqato ilaa iyo
waqtigaas,
iyadoo Reer Sabana la sheegay in ay soo gaareen halkaas qiyaas
ahaan 4 ama 5 miliniyamka dhalashadii Ciise ka hor.
Sida lawada xuso, qoraagan DONALD L WEIDNER uu isna ku
xusay buugiisii “A HISTORY OF AFRICA” waxa uu yiri
“Faraaciintii hore ee Masar ayaa waxa ku xusan qoraaladooda
xeebta Waqooyi Bari, iyagoo ugu yeerijiray PUNT,
LAAKIIN Reer Saba oo ka yimid Yementii ilbaxa aheyd
ayaa waxa ay yihiin dadka ugu horeeyey ee imaatinka dhulkaas
la cadeeyey, iyadoo imaanshahooda kadibna ay bilaabmatay
ganacsigii Careebiya, Hindiya iyo Afrikada bariba oo
xukunkooda hoos imaanahayay”.
Isla qoraagani waa WEIDNER asagoo sii wata waxa uu yiri
“In yar ka hor dhalashadii Ciise Ganacsatadii Reer Saba ee
Careebiya ka yimd waxa ay go’aansadeen in ay u guuraan
Buuraleyda sare ee Ethiopia”, Reer Saba-ha ayuu qoraagani ku
sheegay dad qabaa’ilo Nubiyan ahaa oo daganaan jiray
xeebaha waqooyi Bari e Somaliya,
kuwaasoo uu ku macneeyey in Ganacsatadii Xeebaha Punt, ee la
ganacsan jiray Faraaciintii Hore ee Masar ay ahaayeen Reer
Sabahii ka soo haajiray
Yaman,
iyagoo isla markaasna Yaman looga talinjiray”.
Sidoo kale ayuu xusay qoraagani in ganacsatadii Reer Gariik,
ay ugu yeeri jireen dadkii reer SABA ee Puntlanderka ahaa
BARBERI" Qarnigii koowaad, iyadoo buu yiri ay dhici karto
in magaalada BARBARA ay aasaaseen Berberiyiintii
Reer SABA.
Hadaba Galada ayuu sheegay qoraagani in qiyaas ahaan
900-800sano Ciise ka hor ay saldhigteen baadiyaha Somaliya,
iyadoo buu sheegay in Somaliya ay kasoo galeen dhinaca
koonfureed qiyas ahaan 500 ilaa 100sano dhalashadii ciise ka
hor, iyagoo si tartiib ah ugu fiday gabi ahaanba Somaliya.
Sidii taariikhyahano badani xuseen, ayaa qoraaganina tilmaamay
in imaanshaha Somalida ee ku aadan somaliya amase
jiritaankooda Somaliya in badan u dhaxeysay Oramada, iyadoo
saldhigashadooda ay ka bilaabmatay dhinaca Waqooyi qiyaas
ahaan qarnigii 2Ciise ka hor, isagoo hadalkiisa sii watana
waxa uu yiri "waxa ay u badantahay in Somalidu ay yihiin
dad ka soo jeeda ganacsatadii reer saba ee yaman kasoo
kacday”, wuxuuna hadalkiisa sii raacshay “sida dad
badan oo somaliyed xusaan in ay kasoo jeedaan dadkii Nubiank
ahaa dadkan oo laftigoodu reer saba ah, isagoo xusay in
isbalaarinta iyo isqaybinta qabaa'ilada somaliyed bilabmantay
qarnigii 7ad soo galitaanka islamka, iyadoo qabaa'iladii
somaliyed laba jibaarmeen, ayna noqdeen awood xoogbadan oo
maquunisa dadyowgi ku kagadaanaa iyagoo jabshay Galadii
dhulkiina kala wareegay”.
Sida uu ku qoray buugiisa
“Historical Aspects of Genealogies in Northern Somali Social
Structure (1)”1996,I
M LEWIS, oo ah khabiir arimaha Somaliya ku xeeldheer, hadana
wax ka dhiga Jaamacad ku taal magaalada London, waxa uu ku
leeyahay “ Waxa jiray muhaajiriin Carbeed oo dhawr ah kuwaasoo
saldhigtay Xeebta Dheer ee Bariga Afrika, iyagoo isguursadey
dadkii deegaanka dhaqankoodiina isku milmay, sidaa aawaded
muhaajiriin Carbeed oo aan tirobadneyn ayaa aasaasay amaba
kazoo jeedaan dadkan Soomaaliyeed ee manta nool mudo laga
joogo 1200A.D, xiligaas ayaa u eg mid muujinahaya in dhulkaasi
ku noolaayeen dadka Oramada la dhaho”.
Aragti waxa jirta oraneysa dadka Oramada ahi waxa ay dhaqan
jireen Lo’da, iyadoo Lo’du lawada ogyahay in ay tahay mid u
nugul abaarta iyo Biyo la’aanta, halka Carabtii Soomaaliya
saldhigatay door bideen dhaqashada Geela,Idaha iyo ariga,
kuwasoo ahaa mid kuwo ku haboon cimilada deegaankaas, mar
walba oo Oramada iyo Lo’deedu ka haajiraan dhulka oomanaha ah
xiliga abaarta, Somalida ayaa soo buuxisa dhulkii ay ka
hayaameen iyagoo la imaanahaya xoolahooda ka adkeysiga badnaa
Lo’da Oramada, gudahana u gashay Oramadii dhulka Ethiopia,
sidaas waxa qorahaya Buuga
"African Ark",
ee ay qoreen Carol Beckwith & Angela Fisher, Collins
Harvill, 1990, PP 176.
Somalida ayaa la sheegay in ay ugu da’ wayn yihiin qabaa’ilada
ay kazoo jeedaan
Ram Nag
iyo Samaron,
iyagoo kazoo degay Zaylac amase nawaaxigeeda, waxana la
sheegay in ay Carab ahaayeen,
Ram Naag
ayaa la sheegaa in ay kazoo jeedaan Soomalida badankood, halka
Samaroonkana ay kazoo jeedaan dad Gadebursay loo yaqaan,
Daaroodka
iyo Isaaqa ayaa ka danbeeyey, Daroodka lasheegay in uu
kazoo degay XIIS, halka Isaaquna kazoo Dagtay Mayr,
labadan goobood ayaa isku jira
10 miles (16 km), iyadoo wali la helahayo dhagaxyo
tilmaamahaya khabuurtoodii, sidan ayaa waxa uu ku qoran yahay
isla Buuga uu qoray Dr: I M Lewis.
Sharaxaadaas aqoonyahano badani ka bixiyeen Isirka Soomaalida
ayaa waxa aan ka iftiinsankarno tahay in aqoonyahan walba
qirahayo in dadkani xili danbe wadanka soo galeen, kanasoo
hayaameen gacanka Carabta sifo walba ha uga soo salkaceene,
tasoo aan shaki ku jirin in asalkoodu kusoo ururahayo in ay
yihiin dad Carbeed oo isguursi dhexmaray dadkii kusugnaa
geeska Afrika Xilagaas, tanoo ah waxa aqoon yahan walba kusoo
afxirahayo marka uu ka hadlahayo asalka dadkan, halka luqadan
Kushitiga lagula ordahayona aysan muhiimad muuqata oo badasha
faraca Umadanna noqon karin.
Shaxankan hoose ayaana cadeyn muuqda u noqonkara waxa
aqoonyahanadani u bixinahayaan sharaxaadan, iyagoo tusaale u
soo qaatay marka maanta ninka Somaliyeed uu soo bandhigo
abtisiiyihiisa ilaa awoowga uu aaminsanyahay in uu kasoo
uskamay oo lagu dhufto isku celceliska la qiyaasahayo in
dadkani noolaan kareen ay noqon karto sida shaxanku ku
tusahayo.
Shaxanka tilmaamahaya labada Dun ee Somalidu ka abuurantay :

v
SINJI SOOCA DADKA: Isir, Midab iyo Muuq;
Sida
uu ku tilmaamay maqaalkiisii “RACE AND ETHNICITY IN THE
HORN OF AFRIKA” DR: ORVILLE BOYD JENKINS, isaga oo
u jawaabahaya nin Somaliyeed oo soo weydiiyay su’aal ku
saabsaneyd (sababta Somalida iyo Ethiopianka la iskugu soo
sooco) waxa uu yiri “marka laga soo bilaabo xog ururintii
qarniyadii tagey iyo akhbaartii qorshaysneyd eek u saabsaneyd
ogaanshaha dadyawga dunidan, waxa la ogaaday in ayan jirin wax
xiriir muuqda ah oo ka dhaxeeya midabka jirka iyo isirka qofi
kazoo jeedi karo”.
Isla qormadan ayuu DR:ORVILLE B JETKINS, ku sheegahayaa in
qeexida waxa isirku noqonahayo siyaabo kala duwan loo dhigo,
isagoo tilmaamay in sidoo kalena aanan jirin wax xiriir ah oo
ka dhaxeyn kara muuqaalka (PHYSIOGNOMY) amase jinsiga
dadyow kala tagsan.
Arimahan ayaa daliilka uu u keenay DR:ORVILLE B JETKINS, waxa
ay kutusinayaan sidan.
Ø
MIDABKA IYO MUUQA:
Waxaa jira dad madow oo leh muuqaalka cadaanka kuna nool
koonfurta Hindiya iyo Jasiiradaha Badweynta Hindiya, guud
ahaan dadkan ayaa loogu yeeraa DRAVIDAN, tusaale ahaana luqada
dadkan waa TAMIL, TALUGU, KANNADA, IWM.
Dadka madow oo iyaguna kunool South Pacific ayaa waxa loogu
yeeraa MELANESIAN, dadkan ayaa muuqaal ahaan u eg Negroid
Africanka, waxaase cad in ay kala duwan yihiin.
Dadka kunool PAPUA NEW GUINEA iyo IRIAN JAYA ayaa ah
MELANESIAN, halka kuwa lamidka ahna loogu yeero AUSTRALIAN
ABORIGINES.
Hadaba aqoonyahankani asagoo kujira sharaxaada su’aashii ninka
Somaliyed soo weydiiyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa
“Asal ahaan waxa jira sadex unugood oo isir milanka aad I
weydiisay abuurey”, waxa uuna ku sheegay Kushitiga ,
Semitiga iyo Bantu ama (Nilo-sahara).
Dadkan ayuu yiri waxa aad isku xijinkartaa amase iskugu sooci
kartaa luqada, maadaama luqadu tahay jidka koowaad ee isirka
iyo qoleynta dadka kunool geeska Afrika lagu xiriirin karo,
wax ka badan marka lagu xiriiriyo ekaanshaha muuqda.
Isla aqoonyahankan ayaa daliilka uu u hayo taas waxa uu
kusheegay in waxa kaliya Soomaalida iyo Oramada lagu
xiriirinkaro tahay xaga luqada, isagoo Oramada ku tilmaamay
dad ka gaagaaban Somalida, walow midab madow wada leeyihiin,
balse waxa uu sheegay in Oramadu Soomaalida ka xigto Bantuga,
sabatana uu kusheegay isguursashada ka dhaxeysay Oramada iyo
Bantuga ama Negroidka.
Canfarta ayaa tusaale kale unoqotay DR:JETKINS, Isagoo
tilmaamay in muuqaal ahaan ay shabahaan Bejaha, xaga midka
maariinka ah, balse xaga luqada bahwadaag yihiin Oramada iyo
Somalida, wallow Bejaha laftigoodu Kushitig lagu sheego.
Sida ku cad maqaalkan Bantuga Soomaaliya degan ayaa lagu
sheegahayaa in ay kazoo hayaameen Bartamaha AFRIKA, qiyaas
ahaan xiligii Ciise.
Gabagabadii ayuu aqoonyahankan isaga oo wali ka jawaabahaya
su’aaashii ninka Somaliyed soo weydiiyay waxa uu leeyahay “
Macada sababta ilaa iyo hada dadka Soomaaliyeed ay sida aad ka
ah iskugu soo dhow yihiin dadka cadaanka ah (ogow lama oran
Afrikan ama Kushitiga) iyadoo ayba jidho in ay leeyihiin midab
madow oo sida Oramada Kushitiga ah, amase Bantuga (taasoo ay u
muuqato in Oramada amase Afrikan midabka un aan wadagno),
SIDAA AAWADEED WAXA MUUQATA IN AYAN JIRIN SHARAXAAD MUGWEYN,
LANA AQBALI KARO OO DADKA AQOONYAHANKA AHI U HAYAAN
AMUURTAAN”(sababta cadaanka iyo somalidu isku shabahaan,
iyadoo ay muuqato in aan la isweydiineyn afrikaankii amase
Kushitiga).
Waxa aan u maleynahayaa in aan laga fursankarin u laabashada
hadaladii awoowayashii hore ee Somalida laga soo wariyay,
DR:Jetkins, asaga oo iftiiminahaya sida looqaateenka ay u
tahay sheegashadii awoowayaasha hore laga soo xigtay, waxa uu
yiri “ Qaar ka mid ah qabaa’ilada Somaliyeed ayaa sheegta in
ay kasoojeedaan qabaa’ilada Carabta, tanoo u muuqata in ay
tahay mid ku timid Isguursi xiligii Islaamka soo gaarey, Si
kastaba ha ahaatee taasina waa macluumaad kale oo kusaabsan
muuqaalka cadaanka shabaha ee aan ka helnay Somalida, iyadoo
ay kaaga sii darantahay in jirkoodu madow yahay”.
DR: ORVILLE BOYD JENKINS
ayaa qormadiisii kusoo afxiray “ Tan cajaa’ibka ahi waxa weeye
marka aan dib ugu laabanay taariikhda faraca Ibnu aadamka,
waxa awoodnay (Anagoo isticmaaleyna cilmiga DNA) in aan helno,
in badan oo isku ekaansho ah IN DADKU KASOO FARCAMAY HAL JINSI
OO AFRIKADA DHEXE KUNOOLAA”.
v
Isku ekanshaha Guguyo Waday iyo Prof:Fisiko:

[Carleton S. Coon. The Races of Europe. MacMillan, 1939]
(Nin kazoo jeeda Beesha Maxamud Garad ee Dhulbahante)
Ma ahan markii ugu horeysay oo taariikhyahano badan wadaqireen
in dadka Soomaalidu yihiin dadka kaliya ee ugu soo dhow xaga
dhismaha muuqaalka dadka cadaanka ah, taasna dadkii
cadeyntooda raadiyay waxa ka mid ahaa CARLETON S.COON,
Buugiisii THE RACES OF EUROPE, ee uu qoray, 1939;
asagoo socdaal ku yimid halkii hore loo oran jiray BRITISH
Somaliland, helayna ninkan Somaliyed ee u dhashay Beesha
Maxamud Garaad ee Dhulbahante, asagoo kusoo muuqaal soocay
in u yahay cadeynta kaliya ee muujinaysa sida dadka Somaliyed
aan loo kala gurikarin ninka cad marka loo eego buu yiri “
isku dhawaanshaha madaxa iyo wajigiisa, sanqaroorka dheer ee
shuban iyo daamanka caanka ah”, intaas oo dhamina waxa ay ku
tusinahayan sida uu uga fog yahay Negroidka iyo dadyowga kale.
Sidoo kale Sir Richardson Burton, oo socod ku maray
afrikada Bari 160ssano kahor, ayaa laga soo xigtay asaga oo
tilmaamahaya Muuqaalka midka mid ah qabaa’ilkii Somaliyed ee
uu lakulmay waqtigaas wuxuna yiri “Ajuranka oo ka mid
ah qabaa’ilada ugu facweyn Somalidu waxa ay ahaayeen marka aad
aragtid Rag dhaadheer, qurux badan, midabkoodu furnaa, Caqli
iyo waxgaradnimo kaaga muuqaneyso marka aad aragtid, xirfadna
lahaa”.
Marka aan u soo laabto isku ekaanshaha Profesor Fisiko iyo
Guguuyo Wadaay, ayaan hadaba xasuusin lahaa Profesorka in
hadii Rabbi asaga iyo Guguuyo Wadaay muuqaal iskugu keenay, in
ayan taa micnaheedu aheyn in Somaliyi wada Guguuyo Wadaay
tahay amase si kale hadaan u dhigo, dadka Chad iyo Somaliye ay
yar tahay shabahaadooda, qof sida Profesor Fisiko ahna laheli
karo.
Inkasta oo sida aqoonyahanka manta ay isku raaceen, anniguna
an qabo ay wada tilmaamahayaan in cunsurka qofku kazoo jeedo,
muuqa amase midabku aanu xiriir ka dhaxeyn, sida aan filahayo
in aan kor ku xusay.
Waxana tusaale kuu noqonkara ciyaaryahanka hore u ahaan jiray
kabtanka qaranka Walis, hadana u cayaara kooxda Manchester
United, RYAN GIGGS, in cunsurka uu kazoo jeedo iyo
midabka amase muuqiisu ayan islaheyn, isagoo u muuqda nin cad,
balse runtu tahay in uu kazoo jeedo wadanka Afrika Galbeed ku
yaal ee SERILAONE.

Boqorada Britain iyo Ryan Giggs
v
WAAYO JABARTI?
halkuuse ka yimi magaca jabarti?
Jabarti
magac taariikh xanbaarsan
“Jabaratiina xabasha maratayn“(laba
jeer ayay i kabtay xabasha)
xadiis sharif
“Muxamad waxaa kabay
(jabar)
boqorkii xabasha “
Jabarti waa magic qadiim ah lana xiriira soo bixitaankii
risaalada Islaamka iyo hijradii xabasha la aaday, markii la
xuso magacaasna waxaa u soo degdegaya maqalka micne qiime
badan oo ah waxuu ku faani karo qof kastoo muslim ahi oo ku
nool dhulka xabasha (geeska afrika oo la oran jirey qadiim dh/xabasha)
Dr. Yasiin A.kaan,
oo ahaa khabiir u dhashay dalka Eretereya, ayaa
daraasad uu ka diyaariyey magacan aad u falanqaynaysa, in
kasta oo uusan dhamaystirin nasiib darona la diley bilowgii
1990.
Ø
Muslimiinta Xabasha iyo magaca Jabarti
In badan waxay rumaysan yihiin in magacan uu ku yimi ka
gadaal markuu qaabiley Nabigu (SCW) wafdigii Najaasi (boqorkii
Xabasha), uuna yiri” kuwani waa JABARATII” oo macnuhu yahay
“Cududaydii iyo garabkaygii I xoojiyey” ilaa maalintaa waxaa
lagu magacaabi jirey muslimiinta Xabasha “Jabar” oo ah Kabe,
xoojiye diintiisana ku adadag, taasoo loola jeedey inay
xoojiyeen Islaamka xili uu aad u taagyaraa soona dhaweeyeen
muhaajirinntii asxaabta nabiga ahayd uu horkacayey Jacfar bin
abii daalib, iyo Cusmaan bin Cafaan.
Qaar kale waxay leeyihiin mayee magacu waxuu ku yimi ka kadaal
markay qurayshi tiri” Arinkii Muxamed waxaa kabay “Jubira”
Boqorkii Xabasha” micanaha waxaa islaamka xoojiyay boqorkii
xabasha markaa Najaasi oo si wayn u soo dhaweyey muslimiintii
u tagtay markii danbaena qurayshtii ergada ugu tagtay soo
cayriyey.
Iskusoo duuboo Jabartiga Ethiopia ayaan aheyn mid dhalasho ku
yimid, ee waxa uu la mid yahay magacyada sida dadkii Reer
Madiina ee soo dhaweeyay Rasuulka(SCW) iyo asxaabtiisa (Rabi
raali hakanoqdee), loogu yeeri jiray (ANSAAR), halka qoladii
Reer Makana loogu yeeri jiray (MUHAAJURUUN), ayaa Boqor
Najashihii Xabashida markuu soo Islaamay isaga iyo dadkiisiiba
loogu yeeray (JABARATII) oo aheyd Kabayaashii Islaamka.
Ø
Asalka Jabarti
Sida uu qoray AL-MAQRISI kitaabkiisa (ilmaam biman
fii-ardil xabasha min muluuk al-Islaam) waxuu leeyahay (Qolo
ka mid ah Quraysh ayaa degtay dhulka Iifaat,qaar waxay
leeyihiin waxaan galnaa Cabdi-daar,qaarna waxay galayaan
Banii-haashim, oo faracii Caqiil bin abii Daalib, waxay ka
yimaadeen Xijaaz, waxayna degeen dhulka loo yaqaan JABARTI oo
ah Zaylac, waxay kaloo asaaseen IIfaat, siduu sheegay
Biin Saciid boqortooyadii IIfaat waxaa loo yaqaanay
(Jabraa ama Jabartaa) joqraafi ahaana waxuu ku xadiday
inay ahayd ilaa darjada 8 dherer iyo 57 balac xidigska carbeed.
Waxaa la xusaa inay boqortooyadani u ahayd dalad
boqortooyooyin ay ka mid ahaayeen Boqortooyadii
Makhzuumiya, Saldanadii Walsama, iyo saldanadii
Cadal oo ay Cafartu aaminsan tahay inay lahayd.
Sidoo kale Fadlalaah Al-camri waxuu ku xusay
kitaabkiisa (Masaalik al-absaar fi mamaalik al-amsaar)
waxaa ka jirey 7 boqortooyo dhulkaa:
1-
Boqortoyadii.IIfaat 4-
Boqortoyadii.Hadyah
2- Boqortoyadii Dawaaro
5- Boqortoyadii. Sharkha
3- Boqortoyadii.Araabiini 6-
Boqortoyadii.Baali
7-Boqortooyadii Daara.
Waxuuna ku tilmaamey boqortooyinkii qaabka islaamka lahaa oo
shabahay kuwa ka dhisnaa Masar iyo Shaam.
Ø
Jabartiga Soomaaliya
Qabaa’ilka Daarood waxay u nasab sheegtaan Shiikh Ismaaciil
Jabarti, waxuu ahaa ashraaftii Xijaaz,waxuu ka soo hijrooday
degaankiisii hijradu markay ahay 75H xili manta laga joogo
1353sano, waxaa ay doontu kaga jabtay xeebaha Soomaaliya
markaasuu iska degay dhulkaas ,isagoo ka guursaday dadkii
degaanka oo haween lagu sheegay qabiilka “Xorle” qoftii uu
guursaday una dhashay wiil markii danbe loo baxshey Daarood,
wiilkaas oo noqday dadka manta ay u nasab sheegtaan qabaa’ilka
soomaaliya ka jira ee ay ka mid yihiin Harti ,Ogaadeen,Mareexaan,Tanade,Awrtable
iyo Ciise.
Ø
Jabartiga Yemen
Waxaa can ka ah Shiikh Ismaaciil Jabarti oo wax ka weriyey
xadiis ka hadlaya suurada Yaasinn oranayana “ Yasiin waxii
loo akhriyo waa la helaa” oo qaar ku tilmaameen Xadiis
Daciif ah balse Imam Sakhaawi uu ku yiri kitaabkiisa
(Al-maqaasidul Xasana)” Asal ma leh micne ahaan laakinn Shiikh
Ismaaciil Jabarti iyo ragiisu way sugayaan”.
Waxayna aamin san yihiin muslimiinta Xabasha, soomaaliya
erateriya,iyo jabuutiba in xadiiskani yahay sax wayna ku
dhaqmaan maydkana intuusan ruux bixin hala yaasiimiyo ayaa la
dhahaa aadbaana loogu dhaqmaa.
Madrisal Jabartiya oo ku taal yaman waxaa asaasay sheikh
Ismaaciil Jabarti (722-806 Hijriga) waxuuna ahaa culimada
suufiyada xiligii Dawladii Rasuuliya.
Waxaa kaloo yemen ka jira Xerta Jabartiya oo ah xer uu asaasay
sheikh Axmed Ismaaciil Jabarti waxayna farac ka tahay
dariiqada Rufaacya.
Ø
Jabartiga Sacuudiga
Dad badan ayaa jira oo loo yaqaan (Jabarti) magaalooyinka Maka
iyo Madiina intaanan la waynayn waxaa jirey wafaq badan oo ku
magacawnaa Jabarti, waxaa kaloo Maka jira masjid loo yaqaan
masjid Jabarti, oo xili hore la dhisay.waxaa kaloo jiray
culimo wawayn oo duruus kala duwan oo diintaa ka bixin jirtay
xaramka.
Ø
Masar iyo Jabarti
Waxaa aad caan uga ahaa Masar iyo caalamaka islaamka alifihii
kitaabka (Cajaa’ibul-akhbaar fi-tarajum wal-aathaar)
Sheikh Cabduraxmaan al-jabarti,
kitaabkiisana waxaa lagu tiriyaa kutubta ugu muhiimsan ee ka
hadasha taariikhda, waxuuna ahaa qarnigii 18aad iyo bilowgii
19aadka gaar ahaan 1825 oo ahayd markuu sheikhu dhintay.
Waxuu sheegay sheikh C/maan mar uu ka hadlayey taariikhdiisa
in awawgii uu ka yimi asal ahaan dhulka jabarti oo u dhaw
Zaylac, deetana uu aaday Xajka, waxna ku bartay Madiina ka
dibna uu aaday Masar si uu wax uga barto Azhar, wax buu ka
bartay meel sarena waa ka gaaray ilaa loo doortay sheikha
qayba jabarti (jabarti corner), halkasna uu ku
guursaday kuna ilmo dhalay, mar uu ka hadlayey taariikhda
jabarti waxuu yiri
“dhulka
jabarti waxaa dega dad haysta madhabka Xanafi iyo Shaafici,
waxayna galaan nasab ahaan
Aslam
Bin Caqiil,
waana dad uu ka muuqdo zuhdi iyo wanaag waxayna ka tagaan
dhulkooda si ay u xajiyaan iyo cilmi doonasho, waxyana ku
xajiyaan lug waxay ku leeyihiin Madiina iyo Azharba meel loogu
magacdaray meeshii Jabarti (jabarti corner)”.
Ø
Azhar iyo Jabarti
Nidaamka waxbarasho ee ka jirey Azhar ayaa ahaa mid loo
qaybiyo ardada qayb iyadoo loogu magac darayo meelahay ka
yimaadeen waxaa jirey ilaa 30 Gees, oo wax lagu baran jirey
ayna ugu can sanayeen geeska Shaam,geeska Maqrib,iyo
geeska Jabarti, mid kastaan waxuu lahaa nidaamkiisa
sheikhiisa iyo maktabadiisa.
Nidaamkaa waa la bedelay ka dib markii la horemariyay Azhar
lana sameeyey Madiinatul Bucuuth-Al-Islaamiya, balse
nin oday ah oo azhar tagay 1961, waxuu ii sheekey in uu jirey
geeska jabarti, culimo badan oo Soomaliya can ka aheydna ay
meeshaa xer ka ahaayee xiligaas.
Isku soo ururiyoo marka aad eegtid muhiimada guud ee ah asalka
magacan Jabarti, ayaa waxa kuu soo baxaysa in uu yahay
magac Islaamkii kadib jiray, asalkiisana la iskuma hayo in uu
Sheikh Carab ah ahaa, iyadoo la yaab tahay kuwa manta in ay
shubahada abuuraan raba, iyaga oo aanan wax daraasaad iyo
raadraac midna la iman ku andacoonahaya aragtiyo meel ay u
socdaan iyo danaha laga leeyahay midna fahamsaneyn, kuwaasoo
marar badan la isku dayay in Ibnu’aadamka wax aan jirin laga
dhaadhiciyo, mida laga wada xasuustana ay tahay wixii loogu
yeeri jiray “Aragtidii
Charles Darwin”
ee uu aaminsanaa in dadku daanyeer kasoo jeedo.
v
Aragtida Dahsoon:
Aragatida dahsoon oo dad badani oo aduunkaan ka mid ahi
moogyihiin ayaa malahayga waxa ay tahay in aysan ogeyn dadkani
in ayagu khayaarkood u socon ama aysan wax u arag sida ay isku
heystaan in ay u fakarahayaan, ayagoo uun ku socda wado loo
jeexay qarniyaal ka hor.
Sida aqoonyahano badani wada qireen ayaa aduunkan waxa lagu
sheegaa in uu yahay mid 20% dad ahi ay u taliyaan 80% kale,
hadaba maxey noqonaysaa talada 20%kani ku fuliyaan dadka
intiisa kale, siyaabo badan ayaa loo kala qaadaa sida
maskaxyada dadyowgan loo xaday, ilaa heer lagaarsiiyay in la
yeeshay, midase khuseysa maqaalkaygan ayaan halkaan kusoo
bandhigihayaa.
Si loo hantiyo dadka, marka hore waa in aad tustid in ay habow
yihiin, umad raadraac lehna ma ahan mid si fudud lagu isir
tirikaree, waa in aad farac siibtid ilaa heer uu gaaro in uu
aqoon waayo halka uu kazoo jeedo, marka mowjado walaahow ah oo
boqol iyo laabatan magac ama isir xambaarsan midba maalin
loogu yeero, iyadoo la leeyahay halkaas iyo halkaas baad kasoo
jeedaa si loo marin habaabiyo, kii uu kazoo jeedayna laga
tirtiro, aybana dhici karto in magacyo aan jirin loo
bixinahayo, taasna waa tan lagu leeyahay dad badan manta
aduunkaan ku nool, marka la majara habaabshay, Soomaalina waa
tay ku socoto hada.
Arin daliil u ah ayaa waxa ay tahay markii aan u laabano
xiligii gumeysiga in ay soo bilaabmantay kala dagaalanka dadka
Soomaaliyeed Carabnimada, xukuumadii Britishka ayaana uga
dheereysay sida muuqata tii Talyaaniga olalahan. Sidoo kale
ayaan Faransiiskuna kaalintiisu aheyn mid daah lasaari karo,
Prof: Axmed Ashkir Bootaan (Allaha u naxariistee) oo ka mid
ahaa aqoonyahanadii Soomaaliyeed, kuwooda ugu aragtida hufanaa,
ayaa asaga oo ka hadlahaya yiri “Waxaad maqashaan oraah dadka
Reer Jabuti ku hadlaan oo oraneysa – Faransiisku Waa Ciisee
Camalkiisaa cadeeyey – hadaba oraahdaan ayaan aheyn mid
Ciise ka timid, ee waa mid Faransiisku ku yiri dadka Reer
Ciise si uu u dhexgalo, iskagana dhigo mid la walaal ah,
waxana cadeyn u ah isla oraahdaan (– Faransiisku Waa GUINEA
Camalkiisaa cadeeyey – in uu ku oranahayo wiilka Afrikada
Galbeed khaasatan GUINEA CONAKRY, kunool, waayo
labadaba waa lagu shubtay”, Faransiiskuna waxa uu uga duwanaa
Gumeystihii kale ee Reer Yurub, majirin cid u kala dhaxeyn
jirtay isaga iyo dadka uu gumeysto, waxa uuna ka dhaadhicin
jiray in ayba walaalo yihiin.
Mida kale ayaa aheyd in qorshe uu bilaabay gumeystihii
Britishka xiligii gumeysiga, kaasoo ahaa in dadka soomalida
Carabiga lagala dagaalamo, dabadeedna uu hirgashay olale ah in
farta Laatiiniga ah Afsomaliga lagu qoro, iyadoo sida marka
runta loo laabto farta Somalidu aaminsantahay in ay ayadu
qoratay maanta salka ku hayso fikradaas, in badana lagaba soo
minguuriyay aragtidii aqoonyahanadii Britishka, khaasatan
ninkii asalkiisu Yahuuda Poland kasoo jeeday, Britishkana ahaa,
afka Somaligana ku hadli Jiray ee (B. W. Andrzejewski,),
isagoo sicad u sheegtay 1993,in fartan asagu ka danbeeyay,
qoraalkeedana uu bilaabay Kontameeyadii, hadalkan oo uu
kajeediyay idaacada BBC-laanta Afsomaliga 1993, ayaa su’aashii
la weydiiyay waxa ay aheyd, “See u sheegan kartaa fartan,
oo sida muuqata Dawladii Kacaanku ku abaal marisay 13nin, oo
Soomaaliyeed, Jawaabtiisii ayaa waxa ay aheyd mid cajaa’ib ah,
isagoo sheegtay 1) In Dowladii Kacaanku rabtay libinta fartan,
2) Iyadoo rabtay in aan loo arag fartan mid aragti shisheeye
ka timid, aniguna labadaba waan dareensaa, tan 3) Biladii aan
ku lahaa qoraalka fartan waxa la isiiyay 1987, iyadoo waliba
magaca aan la xuseyn, si dadku u fahmaan arintan.” Taasi
waa mida cadeynaysa in aan nahay umad iska gudeysa, waayahana
waxba ka baran, marka layaab maleh ninka aaminsan wax uusan
isir iyo raad toona u laheyn, maxaa dhacay maskaxdiisiiba waxa
saaran dawaar uu marsaday ninkii danaha gaarka ah kalahaa.
Aduunkanina ma aha mid uun la iska noolyahay, ee mar walba
waxa jira dano iyo qorshe mugdheer oo dadka majaraha hada u
haya meel u yaal, waana tan ku khasbeysa in jiho walba u
fakaraan, si ayan u lumin kaalintooda berito, ma ahan tan
manta waxa ay daydayahayaan (ee waa adiga mida tan maanta la
jahwareersan) oo hore ayay u dhaafeen.
v
SABABTA CARABNIMADA LO DIIDAHAYO.
Layaab ma leh ninka Somaliyeed oo maanta leh waxbaan
diidanahay ha ahato Carabnimo’e, balse waxa cad maanta in aan
heleyno Somali diidan in ayba Somali yihiin, marka diidmada
Carabnimada ayaan Somalidu aheyn maanta kuwo si saraaxad leh
uga doodi kara, meelna wada dhigi kara dhinacaydoonaan haku
fariisiyeen isirkoodu halka uu ku qotome’e.
Sababta aan taas u leeyahay ayaa waxa ay tahay marka kii
aqoonyahanka ahaa uu ku oranahayo cadeyn walba oo aad
hordhigtid waxba kama jiraan, halka kii caamada ahaana lagaba
dhaadhacshay in lagadanahayo, amaba sida waadaxa ah in dadkii
carbeed maanta yihiin kuwo meeshii u hooseeyay is dhigay,
cadowna rifahayo, sida ay Somaliduba kala wadaagto Carabta
maanta, ayaa arimo dhawr u ku sifeyn lahaa aragtideyda.
Ogow mida ninwalba oo Soomaaliyeed maanta looga fadhiyo ma
ahan in uu sugo in loo sheego waxa uu yahay, balse waa asaga
midka laga rabo raadraaca faraciisa, haka helo taariikhda ama
raad muuqda halayimaadee, marka aan usoo laabtana Carabnimada
ma jirto Ruux ama Wadan orankara Carab ma tihid, mana ahan
Carabnimadu wax dad gaar ah leeyihiin, sida ay aaminsanyihiin
in badan oo dadka Soomaliyeed ka mid ah, in Sacuudiga oo kale
Carab dhalad ah yahay, masuuliyada carbeedna asagu leeyahay,
halka marka baarid dhinaca DNA-da ahna cadeysay in dadka
asalkoodu carabta kazoo jeedo Sacuudi Careebiyana ku nool lagu
sheegay in ka yar 55%, halka wadamada Ciraaq iyo
Masarna kaba sii yaryihiin 50%, iyadoo Yaman oo lagu
tilmaamo asalka Carabta, dadka faracoodu kazoo jeedo Carabta
qiyaastoodu noqotay 75%, halka Soomaaliya oo manta qaar
aqoonyahanadeeda ka mid ahina ku doodahayaan in aysanba raad
ku laheyn, ay heshay warbixintan DNA-du, in dadka Soomaaliyeed
oo asalkoodu Carabta kazoo jeeda dhan tahay qiyaas ahaan
75%, taasoo ayba Yaman iyo ayagu barbaro noqdeen,
warbixintan ayaa dadbadan oo dunida carabta kunoolna
kabayaabisay.
Hadaan u soo laabto oraahdii Prof:Fisiko, uu ku lahaa “Aniga
ayaa Madaxweyne Cabdulaahi dhalasho u xiga waxa uu sheegayna
ma aaminsani” ayaa jawaabta aan kasiinahayo aniga oo aanan
aheyn nin u doodahaya Madaxweyne Cabdulaahi, balse raba in aan
xasuusiyo Taariikhda maguurtada ah ee isha u ah aragtida in
badan oo Soomaliyeed qabaan, ha ahaato qabiilkan Daarood oo
Madaxweynaha iyo adiguba kazoo jeedaan’e, amase Soomaalida
kale oo faracoodu kasoo kala jeedo Ram Naag, Samaroon iyo
Isaaqbee, in ay kuli kasoo gaareen abkood in faracodu ku
qotomo carabnimo, ayagoo abtirsiinyahooduna meel uun madaxa
loo saarahayay, taas ayaa aqoon yahan Reer galbeed ahi in uu
sharaxaad ka bixiyo isku dayay.
Hadaba aqoonyahankan reer galbeed ah oo ka hadlahayay arrintan
waxa uu yiri “ Kala duwanaansha Yurubiyaanka iyo Soomaalidu
waxa uu yahay ninka Soomaaliyeed waxa uu yaqaan faraca
aabihiis iyo awoowayaashiis, asaga oo kuu tirinahaya
abtirsiinyaha ilaa iyo sodon oday oo uu ku abtirsanahayo,
halka uusan dan ka laheyn mida guud amase taariikhdooda
Soomaalinimo, iyadoo dhinacayaga waa Yurubiyaankee uusan ninku
aqoon magaca awoowgiisa sadexaad, halka aan badalkeeda ka
haysano Taariikh mugweyn oo muujinaysa dadkayagu waxa uu yahay,
taas oo aanan ku dhisnayn kalikali”. Waxa uuna ku daray
aqoonyahankani in aysan aheyn wax la inkiri karo marka nini
sodon oday magacyadood kuu tirsho, iyadoo uuba yiri waa wax
aan laheli Karin, haba ahaato mid kalikali ku dhisan’e.
Qiso tan la mid ah ayaa waxa la iisheegay in ayqabsatay
Muftiyada Soomaalida ee hada nool mid ka mid ah, Sheekh
Shariif Cabdi Nuur, oo caalim cilmi allaah gacanta u gashay ah
ayaa waxa la ii sheegay in Muxaadaro uu ka hadlahayay nini
su’aal ku weydiiyay, asaga oo oranahaya Shiikh Shariif waxaad
sheegataa Ashraaf in aad tahay, marka see ku cadeyn kartaa in
aad Ashraaf tahay?, Sheekha ayaa jawabta asaga oo aan meel
dheerka dayin waxa uu yiri adiga ila hadlahaya aan kugu soo
ceshee yaad tahay suu yiri “Reer Hebel” markaasuu Sheekhu ku
ceshay oo yiri yaa kuu sheegay in aad Reer hebal tahay ,
ninkii ayaa ku jawaabay aabahay ayaa ii sheegay, Sheekhii ayaa
hadana ku ceshay oo yiri yaa aabahaana u sheegay , markaas
ayaa hadana ninkii ku jawaabay aabihiis, Sheekhii ayaa markaas
yiri hebelow ana xaalkaygu waa sidaas, oo in aan Ashraaf ahay
aabahay ayay ka timid, aabaheyna awoowgiis ayuu ka dhaxlay,
marka dhalashada aan sheeganahayo dhaxalkaas ayay ku timid.
Caalamkii Muslimiinta qarnigan ee dhawaan geeeriyoon jiray
Albaani Rabi ha u naxariistee, ayaa oraah aad u qiimo badan
ka tagay, asaga oo ka hadlahaya Carabnimada, wuxuuna yiri
“CAJAM WAXA UGU QIIMO BADAN KII CARAB ISMOODA, CARABNA WAXA
UGU LIITA KII CAJAM ISMOODA” .
Hadaba utunta keeneysa in dadbadan oo Soomaaliyeed diidmo
maanta ka muujiyaan Carabnimada ayaa ku saleysan mid uun ku
dhisan naceybka guud ee maanta la rabo in dadka Carbeed
cirdigii iyo sharaftay lahaayeen laga tirtiro dunidan, taasoo
ah mid ka imaaneysa maskax ka facweyn tan ninkan Somaliyed ee
waxa uu yahay iyo asalkiisaba midna aan aqoon, taasna waxa
cadeyn u ah in Somaliyi halka carab la marsiiyo, iyaduna
mareyso sida cadaatay maanta, dadka Soomaliyed ee Reer
Galbeedka kunool ayagooba ismoodahaya amaba sheeganahaya
Yurubiyan amase Amerikan, hadana Carabnimada u arka mid wax u
dhimaysa, ayaa laftigeedu su’aal jawaab u baahn tahay.
Gabagabadii maqaalkaygan ayaa nuxurka iiga soo baxay amase aan
rabo in inbadan oo Soomaaliyeed ila wadaagto waxa ay tahay in
lawada fahmo, in umad walba isirka iyo faraceedu muhiim tahay
in ay ogaato, ilaalsatana, iyaga oo aan dhag u jalaqsiineyn
aragtiyada micnayaasha qototada dheer ku qotoma, mar walbana
dano gaar ah laga leeyahay, iyadoo maanta dadka loo
adeegsanahyo in ay fuliyaan danaha shucuubtan qarsoon leedahay
ayba noqonahayaan kuwo aan adiga kaa fogeyn, tan ugu
muhiimsana waxa ay tahay ee warbixintaydan aad ka faa’iideysan
kartid, in aysan isweydiin laheyn isirka Soomaalidu in uu ku
qotomo Carabnimo, sida in badan oo Soomaaliyeed waligood soo
warinahayeen, umadaha caalamkuna uwada aqoonsanyihiin, inyar
oo danogaar ah leh maahane.
F.G:
Waxaan maqaalkaygii hore ku xusay in aqoonyahan reer Bristol
ah iyo arday Soomaaliyeed baarid xaga DNA-da ah ku heleen in
Somalidu Carb tahay, hadaba waxa aan rabay in aan sixid ugu
laabto halkaas, iyadoo markii aan xiriir la sameeyey
aqoonyahankii Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Dr:Ali Muse, uu
ii sheegay in uu asaga ahaa ninka ku dhaqaaqay daraasadan,
ninkan kalena uu Supervisor-kiisa ahaa, wuxuu sidoo kale
Dr:Ali ii sheegay in warbixintiisii uu ku soo daabacay
Journalka UK ah, 2006-kii, hadana waxa uu ii sheegay in uu
diyaarinahayo, ayadoo afSomali ku qoran, isagoo sidoo kale ii
sheegay in daraasadan uu sameeyey mid la mid ah uu sameeyey
aqoonyahan reer mareykankan asagoo dhinaca hooyada ka
baarahaya DNA-da, waxa uu helayna ay isku mid noqdeen
warbixintayda, iyadoo labaduba cadeynahayaan in faraca
Somalidu kasoo jeedo carabta, iyagoo wadamo badan oo carab loo
yaqaanan kaba carabsan.
Hadaba waxa aan si geesinimo ku jirto jeclahay in aan halkan
hanbalyo uga diro aqoonyahankan da’da yar ee Soomaaliyeed
Dr:Ali Muse oo ku dhaqaaqay talaabadan horukaca leh, iyadoo
aan oranahyo waa mid kudayasho mudan baal u cusubna u fureysa
aqoonyahanada da’da yar ee Soomaaliyeed, iyo gabi ahaanba
faraca dhabta ah ee umada Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale idin xasuusin lahaa in aan gabi ahaanba
aanan ku xusin amase aan soo daliishan warbixintan DNA-da ku
dhisan anoo taas u qaatay maadaama aqoonyahanka aan maqaalkan
jawaabta uga dhigahayo uuba sheegay in uusan aaminsaneyn
jawaab walba oo ku qotonta DNA, iyadoo runtii taasi igu
noqotay lama filaan, in nin aqoonyahan sheeganahaya waqtigan
xaadirka ahna nool, oo waxba loo daliishanahayo DNA,da uu
isagu diido, sidoo kale ayaan u doortay in aan maqaalkayga
danbe kusoo ururiyo cilmi baarista DNA-da.
Mida ugu danbeysa ee aan Prof:Fisiko xasuusin lahaana ayaa
waxay tahay in xiliga xun oo ay Soomaaliyi ku jidho maanta,
aysan aheyn micnaheedu, mid ka dhigaysa dadnimada Soomaaliyeed
wax aan jirin, xusuusnowna naf walba oo ibnu aadam oo maanta
dunidan joogta qiime ayay ku fadhidaa, mana aaminsani aragti
dadka kala fadilaysa, mar walbana waa muhiim in aad qab
leedahay, xiliga xun ee inta xumaha wadaan calankoodu muuqdo,
ma ahan in aad daah ku wada saartid inta qiimaha iyo wanaaga
Somalinimo, Islaamnimo, Carabnimo iyo dadnimoba u muuqdaan,
taasna waa tan aan kugu diidahayo marka aad leedahay “adaa dad
ismoodahayee yaa kuu arka”, ogsoonowna wax aanan anigu iska
dhigin cid iga dhigeysa majirto, waana ka xumahay in aan maqlo
dad Soomaaliyeed oo sidaas uu dareenkoodu u lumay.
References:
July, Robert W., "A History of the African
People", p. 11.
Hiernaux, Jean, "The People of
Africa", p. 127.
Hallet, Robin, "Africa to 1875", p. 226.
Wiedner, Donald, "A History of Africa",
Sir Richard Burton, Op. Cit.1856.
"African Ark", Carol Beckwith & Angela Fisher, Collins Harvill,
London, 1990
"Islam in Ethiopia", J. S. Trimingham, London, 1952.
“Historical
Aspects of Genealogies in Northern Somali Social Structure (1)1996,
I. M. Lewis,
“RACE AND ETHNICITY IN THE HORN OF AFRIKA” DR: ORVILLE BOYD
JENKINS.
Carleton S. Coon. “The Races of
Europe”. MacMillan, 1939.
Dr. Yasiin A.kaan, Jabartiina, 1990.
AL-MAQRISI “ilmaam biman fii-ardil xabasha min muluuk al-Islaam”
Imam Sakhaawi “Al-maqaasidul Xasana”
Sheikh Cabduraxmaan al-jabarti “Cajaa’ibul-akhbaar fi-tarajum
wal-aathaar”
B. W. Andrzejewski “BBC”
Waxa isku soo ururshay: Muxyadiin Xusseen Ciid, London
Alcarab1@yahoo.co.uk