| Tacsi
Naxdin leh:
Daahir Xaaji Cismaan Oo Ka Mid ahaa asaasayaashii 13-kii Dhalinyaro
ee Ururkii SYL Oo Geeriyooday.
Daahir
Xaaji Cismaan Sharmarke oo ka mid ahaa asaasayaashii
13-kii dhalinyaro ee ururkii SYL ee u soo halgamay xoriyada Ummada
Somaliyeed ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada
Qordho. Allaha u naxariistee Marxuum Daahir Xaaji Cismaan ayaa
mudooyinkii burburka dagaalka sokeeye wuxuu ku noolaa xaafad ku
taal bariga magaalada Ottawa ee dalka Kanada.
Marxuum
Daahir DHagaweyne ayaa isagoo ku sugan magaalada Ottawa
shabakada Mudugonline nasiib u heshay inuu nooga xogwaramo
halgankii SYL. Marxuumka ayaa wuxuu noo sheegay sida
uu uga xumaaday inay dadka Somaliyeed si micno dara ah isaga burburiyeen
xoriyaddii helideeda dhiiga badan ummada Somaliyeed u daadiyeen.
Taariikh
nololeedka Daahir Xaaji Cismaan
Dahir Xaaji Cismaan wuxuu ku dhashay magaalada
Hobyo, sanadkii1925. Sanadkii 1927, Daahir wuxuu u soo wareegay
magaalada Muqdisho, isagoo la socda hooyadiis, wuxuuna dagay xaafadda
Iskuraran. Aaabihiis ayaa baray Quraanka. Sanadku markuu ahaa
1939, Daahir wuxuu dhammeyey dugsiga hoose, oo uu af Talyaani
ku dhigtay. Ka dib markuu dugsiga dhammeeyey, waxaa laga dhigay
Garaani.
Sanadku markuu ahaa 1941, dawladda Ingririska
ayaa jabisey Talyaaniga o la wareegtay maamulka Soomaaliya. Waqtigaas
Daahir wuxuu bartay af Ingiriiska, wuxuuna shaqo ka helay Maamulka
Militariga ee Ingirrika, Qaybta waxbarashada.
Sanadkuu markuu ahaa 1943, Dahir iyo 12
kale oo dhallinyaro ah ayaa asaasay Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed
(Somali Youth Club). Daahir wuxuu ahaa hawlwadeen firfircoon oo
Naadiga SYL ka jeediya khudbado isugu jira guubaabo, baraarujinta
iyo qiiro-wadaninimo.
Maalintii 5tii Oktoobar 1949, ka dib markii
xisbiga SYL uu sameeyey mudaaharaadkii la magacbaxay Dhagaxtuur,
Daahir iyo madax kale oo ka tirsanaa SYL waa la xiray, ka dibna
waxaa loo musaafuriyey magaalada Ceelbuur oo uu ku sugnaa ilaa
iyo 1950 oo ah waqtigii uu soo noqday maamulkii Talyaaniga oo
hoos imaanayey Qaramada Midoobay.
Ka dib markuu soo noqday maamulkii Talyaanigu, Daahir waxaa dib
loogu qoray shaqada dawladda, oo uu ka bilaabay qaybta Hawlaha
Guud (Gegno Civile).
Sanadkii 1952 waxaa dhacday in taageerayaasha
xisbiga SYL ee magaalada Kismaayo ka sameeyeen mudaharaad, halkaasoo
lagu dilay nin Talyaani ah. Ka dib, Daahir ayaa jeediyey khudbad
kulul oo uu Talyaaniga ku cambarreynayo, kuna faraxsan yahay dilka
loo geeystay Talyaaniga. Ka dib, mar labaad, waxaa loo musaafuriyey
magaalada EYL.
Sanadkii1953, Daahir wuxuu ku soo noqday
magaalada Muqdisho sabab la xiriirta caafimaad daraadeed. Sanadka
1954, Daahir wuxuu deeq waxbarasho u aaday dalka Talyaaniga. Ka
dib markuu dhammeeystay waxbarashadiisii wuxuu ku soo noqday dalka.
Sanadka1955, Daahir wuxuu noqday guddoomiyihii ugu horreyey oo
Soomaali ah, ee gobolka Mudug. Sanadka1957 waxaa loo beddelay
gobolka Jubada Hoose oo uu ka noqday Guddoomiye. Sanooyinkii 1960
ila 1969 wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Markii milatarigu xukunka la wareegeen 21kii Oktoobar 1969, Daahir
wuxuu noqday ganacsade gaar-ahaaneed oo ka ganacsada shidaalka,
fadhigiisuna yahay Kismaayo. Ka dib markii dawladdu la wareegtay
shidaalka, Daahir wuxuu ku wareegay Wakaaladda Batroolaka, oo
uu ka noqday Agaasime Guud sanadihii 1981 ilaa 1982. Sanadihii
1983-1985, Daahir wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Maacuunka.
Ka dib, wuxuu lahaa shirkad hawlaha soo dejinta iyo sahaysiinta
maraakiibta ilaa iyo 1990 oo aha markii dagaalka sokeeye qarxay
. Sanadkii 1991, Daahir wuxuu u soo qaxay dalka Kenya, ka dibna
wuxuu u soo gudbay dalka Kanada, magaalada Ottawa.
Sanadkii 2006, ka dib markii caafimaadkiisu
xumaaday, ayuu ku noqday Soomaaliya, degsiimana ka dhigtay magaalada
qardho, halkaasoo uu ku geeriyooday 12 Maarso 2008.
Allaha u naxariistee, Daahir wuxuu ifka
kaga tagay xaaskiisa Caasha Axmad Nuur iyo 39 qof oo isugu jira
wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.
Waxaan
illaahay uga baryaynaa marxuum Daahir Xaaji Cismaan (Dhagaweyne)
inuu illaahay janaddii ka waraabiyo, Ehelada iyo qaraabdii uu
ka tagayna iyo shacabka Somaliyeed meel ay joogaanba samir iyo
iimaan. AAAAAAAMIIIIIIIIIIN.
Waxaa soo uruuriyay Taariikh nololeedka Marxuum Daahir Xaaji Cismaan
(Dhagaweyne) Maxamed Dalmar
Mudugonline.com
|