|
Is-dhiib
—
Hilinnadii cadaabta
Ibraahin Yuusuf
Axmed “Hawd”
Waa
dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhanba in haddii degaanka lagu
nool yahay si uun u xumaaado in meel kale looga hayaamo. Waxaa
kale oo dabciga aadamiga iyo noolaha oo dhan ka mid ah in laga
qaxo aafooyinka dabiiciga iyo colaadaha, naftana lagula eerto
dhul nabad ah si loo badbaado. Garaadka iyo dhaqanka dadka ayeyse
u gaar tahay dhacdooyinkaas in dib loo qiimeeyo lana xusuunaado
oo waaya’aragnimadeeda la isu gudbiyo iyada oo loo tebinayo sheeko
ahaan, maanso ahaan, qoraal ahaan ama farshaxan ahaan.
Haddaba
buugga Is-dhiib wuxuu ka mid yahay maayad xooggan oo dhowaan
halabuurka soomaalida ku soo rogmatay. Waa nooc qoraal cusub oo
ka dhashay xaaladaha nololeed ee lagu sugan yahay labaatankii
sano ee ugu dambeeyey. Waa soo gudbinta, sii gudbinta iyo kaydinta
waayaha qofeed ee qaybta ka ah waayaha ummadeed.
Is-dhiib
marka hore waa guudmar ku saabsan barakaca laxaadka leh ee dadka
soomaalida ku dhacay laga soo bilaabo dagaalkii sokeeye ee sannadkii
1988 ilaa maanta. Qaybtan waxaa si gaar ah la inoo dul taagayaa
xeryaha qaxootiga ee Kiiniya iyo Yaman oo ka mid ah meelaha ugu
badan ee loo qaxay, goortii loo qaxay iyo sidii loogu qaxay. Noloshaas
iyo taariikhdeeda ayaa la innaga siinayaa aragti iyo aqoon guud,
iyo dhib iyo dheef wixii dhulalkaa lagala kulmay. Waa duni ay
libinta iyo liibaantu ku yar yihiin.
Marka
xigtana buuggu waa qisooyin xusuus ah oo goosgoos ah oo laakiin
wada leh dhexroor mideeya oo ay qoraagu toos uga soo warinayso
dadkii ay ku dhaceen. Mawjadda buuggani ka midka yahay waa xusuus-reebid
ku saabsan colaadda sokeeye, burburka, barakaca iyo tahriibta;
iyo haddana midabtakoorka, daltabyada, cudurrada nafsadeed iyo
guuldarrooyinka qurbaha. Hore waxaynu u soo aragnay qoraallo door
ah oo heerarkaa iyo marxaladahaa kala duwan wax ka sheegaya. Waxaa
ka mid ah buugaagta ay ka mid yihiin “Tuugo sharciyeysan” oo uu
Maxamed-Deeq Cabdi Madar wax kaga sheegay sidii dadnimada ka baxsanayd
ee ay askarta Kiiniya sannadihii sagaashannadii ula dhaqmeen soomaalida,
“Goobjooge – dagaalkii al-Itixaad iyo Cabdillaahi Yuusuf” oo uu
Maxamed Xirsi Guuleed ku soo bandhigay xusuus-taariikheed ku saabsan
dagaalladii 1992 Gobolka bari ku dhex maray wadaaddada iyo jabhaddii
SSDF, “Socdaalkii dheeraa” oo uu isagana Sayid M Yuusuf “Dhegey”
inoogu soo gudbiyey taariikh qofaysan oo ku saabsan barakicii
weynaa ee sannadkii 1988 ka dhacay dhulkii loo aqoon jiray gobollada
waqooyi maantana loo yaqaan Somaliland.
Waxaynu
kale oo aragnay sheekooyin gaaggaaban oo ku saabsan adaygga nolosha
qurbaha kuwaas oo ay ka mid yihiin “Guri ba’ay” Maxamed Baashe,
“Naf ma leh” Cabdillaahi Cawed Cige, “Nin gumoobay” Ibraahin-Hawd,
“Talo-seeg” Maxamed Daahir Afrax iyo qaar kale oo badan. Maansooyinku
iyagu tiro iyo xaddi ma leh. Waa masalo ay tahay in aad wax looga
qoro; wax ka qoristaas oo mar laga helayo fahan iyo wacyi ku saabsan
xaaladda maanta, mar kalena waxtar taariikheed u leh facan iyo
facyada dambe labadaba. Buuggan Is-dhiib halkaas ayuu ku
abtirsadaa.
Is-dhiib
ugu horrayn waa waaya’aragnimo iyo waano waxkuqaadasho leh oo
ku socota barbaarta isku miidaaminaya naftoodana ku halligaya
socdaallada halista iyo halaaggu ka buuxaan oo marar badan geeri
looga dhaco marar kale oo badanna dhaawacyo nafsadeed iyo kuwo
jidh ahaaneedba lagala kulmo. Haddii socdaalladaas lagu raadinayo
guul nololeed waxay noqon karaan, in badanna noqdaan, guuldarro
iyo wadkii oo cagaha lagu doontay.
Is-dhiib
in kasta oo sida aynu soo xusnay uu yahay dhacdooyin dhab ah oo
taariikh ahaan loo soo guuriyey, haddana wuxuu u qoran yahay hab
farshaxan macaan oo suugaanaysan. Dabadeed filin walba oo cabsi
badnaa oo aad daawatay iyo qiso faneed walba oo qar-iskatuurnimo
lahayd oo aad akhriday waxaa ka sii wada daran socdaallada isbiimaynta
ah ee ay barbaarta soomaalidu ku maqiiqan yihiin. Waa socdaallo
aad u adag kana baxsan duruufaha dadku u adkaysan karo oo ay geeri
iyo silic ku gadaaman yihiin. Ayaandarrooyin badan oo halkaa ku
jira ayey Saciida Sh Axmed oo lagu naanayso “VIP” si dhiirran
inoogu soo warinaysaa.
Buuggan
oo aan anigu u bixin lahaa “Hilinnadii cadaabta” wuxuu ina marinayaa
dhammaan waddooyinka cadaabta kuwaas oo dhex mara hayjadaha lamadegaanka,
fiidda buuraha, badaha kacsan iyo dhulalka qalaad. Hilinnadaas
waxaa ku goglan hanfiga soomalhaadka, juubaha jiilaashinka iyo
dayradhaafka, diihaasha iyo dhanqalanka, daalka iyo silica, baqdinta
iyo bahalaha dadcunka ah ee beer iyo baabbacaba ku socda. Intaa
waxaa dheer dulmiga shisheeyaha, kufsiga iyo dhaca, hiil la’aanta
iyo ciilka joogtada ah. Socotadaas ayaankadaran saaxiibka ugu
dhowi waa dhimashada, wehelkooda joogta ahina waa gaajada, harraadka
iyo cabsida. Ilayska nolosha iyo bidhaanta rajadu goor walba waa
dirqi iyo dinniiq.
Waddooyinka
cadaabtu waa ay badan yihiin, waxaase ugu caansan oo hadh iyo
habeen la qulqulayaa kuwa isaga gudba soohdimaha Soomaaliya iyo
Kiiniya, Soomaaliya iyo Itoobbiya, Soomaaliya iyo Yaman, Yaman
iyo Sacuudiga, Itoobbiya iyo Suudaan, Suudaan iyo Liibiya, Liibiya
iyo Tuunis, Tuunis iyo Marooko, Marooko iyo Isbeyn, Suuriya iyo
Turkiga, Turkiga iyo Giriigga, Liibiya iyo Talyaaniga iyo ugu
dambayn Talyaaniga iyo Yurubta Waqooyi. Intaas iyo inta u dhaxaysa
waxaa quban lafaha dhallinyaro soomaaliyeed. Dalkoodiina waxaa
xabbad la dhex taagan maangaabyo madaxnimo aanay macnaheeda fahansanayn
aad u hadalhaya.
Is-dhiib
waalid iyo ubadkiisii iyo dad isu wada qaali ah ayaa nolol iyo
geeriba ku kala dhaqaaqaya. Qofkii dadka kuugu xigay dunidana
aad ugu jeclayd ayaad maydkiisa hororrada badweyn ku sooraysaa
oo dalqada ugu ridaysaa. Gabdho soomaaliyeed ayaa rag soomaaliyeed
hortooda lagu faraxumaynayaa oo aan hiil yarna u hidin karayn.
Waa meel walba, waa goor walba waana cid walba: Afrika, Carab
iyo Yurub intaba. Sow ma aad maqli jirin “Haad iyo haanraawe kaa
dhereg!”?
Ma
maqashay Dulcad, Xarshin, Harta Sheekh iyo Kaam Abbokor? Ma maqashay
Utange, Ifo, Kaakuma, Dhadhaab, Dhagaxley iyo Xagardheer? Ma maqashay
Madiinatul-Shacab, al-Kowd, al-Jaxiim iyo al-Kharas? Mase maqashay
Beerta? Intaas iyo in kaleba waa wershadaha ay soomaalidu ku gumowday,
ku silicday kuna dhimatay ka dib markii ay sida xun iyo sida xilka
leh u jabtay. Intaas
oo cadaabood ayuu buuggani ina marinayaa.
U
fiirso soomaalida Kiiniya u qaxday in badan sida loola dhaqmay:
“Inta ay askartaasu soo qabtaan koox soomaali ah ay silsilad ku
wada xiraan ay jidka wareejiyaan si ay u helaan bal dad qof ka
mid ah garta kooxdaas oo looga bixiyo lacagta ay ku doonayaan
ee baadda ah, ilaa la helo dad lacagtaa bixiyana maalintaas oo
dhan la wareejiyo dadkaa sida xoolo oo kale.”
Iyo
waxa ka dhacay soohdinta Yaman iyo Sacuudiga:
“Waxay goobtaas noogu geysteen xadgudub weyn oo ahaa in gabdhaheennii
sharafta lahaa ee soomaaliyeed dhammaan halkaa lagu kufsaday si
xunna loola dhaqmay, raggeenniina nala garaacay ilaa aan ka ilmayno.”
Run
ahaantii seben xumaadkan xitaa waxaa la arkay dad soomaaliyeed
oo la addoomiyey oo lagu adeegtay. Maxaad samayn kartaa haddii
inta sida dameerka laguu rarto goortii lagaa dan dhammaysto ee
dhididkaaga lagu siin lahaa lagugu yidhaahdo “carar haddii kale
waa lagu dilayaa!”? Wixii la doono ayaa lagugu samayn karaa adiguse
waxba ma samayn kartid. Ka sii darane, inta badan dadka ayaankadaran
ee hilinnada cadaabta qulqulaya ee ku le’anaya ama la gumaynayaa
waa barbaar ku jirta marxaladdii noloshooda ugu qiimiga badnayd,
wiilal iyo gabdhaba.
Ummaduhu
marka ay gobta yihiin ma yeelaan waana ay ka dhintaan in ay ummad
kale u gumoobaan. Taas ayaa halganka ugu kulul loo galaa. Laakiin
isla umaddaasi marka ay gumowdo in ay halganto iska daaye iyada
qudheeda ayaa gunnimada cagaheeda ku doonata kana dhigata badbaado.
Sida hore ayey soomaalidu ahayd markii ay iska xoraynaysay gumaysiga
reer yurub, sidan dambe ayeyna noqotay markii ay ka soo daba hayaantay
reer yurubkii ay beri dhowayd iska xoraysay. ”Sarreeyoow ma
nusqaamoow/ Aan siduu yahay eegnee/ Kaana siib kanna saar!”
ayaa si dadnimo leh loogu luuqaynayey markii calanka gumaysiga
iyo gunnimada hoos loo dejinayey. Bal haddaba eeg ayaandaranayaasha
maanta socdaal dhimasho ahaa oo ay doon kharaab ah kaga soo gudbeen
Badda Dhexe ka dib waxa dhacay:
” Markaan dhammaanteen ku soo daadannay xeebtii waxaan bilawnay
in aan jejebinno doontii aan saarnayn. […] Markaan ka soo degnay
buurtii ayaa wiilal nala socday ku qayliyeen ’Waxaan joognaa Talyaaniga!
Calankii Talyaanigu waa kaa ee eega!’ Markii aan calankii eegnay
waxaa noo caddaatay in aan soo cagadhigannay jasiiradda Lampedusa
ee dalka Talyaaniga.”
Qisada
ugu dheer uguna xanuunka iyo naxdinta badan waxaa la inooga soo
tebinayaa gabadh dhallinyaro ah oo loo bixinayo Nasra. Nasra
waxaynu kala soo ambabaxaynaa magaalada Xamar, waxayna innala
maraysaa wixii ay ba iyo balanbal martay si ay u gaadho nolol
dhaanta tii Soomaaliya ee ay qawadday; Soomaaliyada ay xabbadda
iy gaajadu qaybsadeen.
Nasra,
oo ah qalanjada ama xiddigta koowaad ee buuggan, waxaa lagu naanaysi
karaa Nasra-Biimo, run ahaantiina ma aha qof caadi ah.
Waa shakhsiyad aad u dhiirran, aad u adkaysi badan, aadna u go’aan
adag. Intii aanay qaadin cudurka halista ah ee ”dhoof” waxay nolol
iska liidata qoyskooda kula joogtay Muqdisho. Dabadeed mar keliya
ayey hareeraheeda ka wayday saaxiibbadii ay isku faca ahaayeen
ee soo wada koreen oo debedaha u yaacay, waxaana meeshoodii ka
soo buuxsamay quruun kale. Mar keliya ayey magaaladeedii garan
wayday. Isla markaas ayey dalka soo galeen laba cudur (sida ay
tidhi) oo kala ahaa guur waalan iyo dhoof waalan, horena waa tii
loo yidhi ”Balaayo guur ama guurso ayey ku tidhaahdaa”. Nasra
waxaa haleelay dhoofka waalan, kaas oo aad uga khatarsanaa sidii
ay bilawgii moodaysay.
Cudurkan
halista ah runtiisa maba ay fahansanayn ilaa ay cadaabtii ifka
cagaha ku martay. Markaas ayey baraarugtay. Markaas ayey nolosha
nacday oo diyaar u noqotay in ay baabuur lalaya iska tuurto, ama
doon badweyn jibaaxaysa iska xoorto, ama dugaagga lamadegaanka
ku qatan hilibkeeda ku quudiso. Waxaa kale oo dhici karta in meel
daaddays hoggaanku ugu go’o. Nacabka kufsiga iyo xadgudubka u
muhanayaana wuxuu ugu dul weehanayaa sida ay haaddu raqda ugu
dul weehato. Iyaduna waa gabadh da’yar oo ugub, waana keligeed.
Nasra-”Biimo”
in kasta oo ay sidaa u miiggan tahay, sidaas u dhiirran tahay,
sidaana u go’aan adag tahay; in kasta oo ay dalal badan isaga
tallawday, Yurubtii ay jannada u haysatayna cagaha soo dhigtay,
marka warkeeda inooga dambeeya waxba faro kuma hayso. Cudur nafsadeed
ayaa u soo kordhay. Haddii ay telefeeshinka bad ka aragto waa
ay bukoonaysaa.
Saciida
Sh Axmed run ahaantii farriimahan xanuunka badan waxay u maamushay,
u qortay, una soo gudbisay si aad u wacan oo aan marnaba laga
xiisogoynayn. Farshaxannimada ay buugga gelisay ayaa dhacdooyinkii
dhabta ahaa u rogay suugaan dhadhankeeda iyo tayadeeduba sarreeyaan.
Qisada Nasra ee buugga ugu dheer ma jiri doono qof akhriyey
oo inta uu dunida ku nool yahay illaawi doonaa.
Dhanka
kalena, Saciida iyo buuggeedani waxay tusaale habboon iyo kudayasho
u yihiin gabdhaha soomaalida oo kaalintooda waxqorista aad loo
tebayo. Iyada oo waxa la qoraaba weli iska yar yihiin waa nasiibdarro
haweenku in ay aad ugu sii liitaan. Haddaba Is-dhiib marka
dhinacaa iyo dhinacyo kaleba laga eego si weyn ayaa loogu diirsanayaa.
Buugga
waxaa ku qoran ”maansooyin” door ah oo lagu cabbirayo dareenka
ayaandaranayaasha laga sheekaynayo, mase kala hubno cidda curisay
in ay tahay iyaga iyo in ay tahay qoraaga. Run ahaantiina ”maansooyinkaasi”
kuma dhisna dheellitir ama miisaan. Maansada in dheellitirka iyo
qaafiyaddaba laga xoreeyaa waa ay habboon tahay, waase in looga
xoreeyaa si kale oo sidii hore lagu doorsaday. Laga garaabi maayo
haddii iyada oo weli qaafiyadda iyo dheellitirka la dabajoogo
haddana iyaga qudhoodii la ilaalin waayo. Sidaas darteed buuggan
qaayaha badan cidna ugu tilmaami maayo in ay maansooyin u doonato,
waxaanse u tilmaamayaa in loo doonto ujeeddadii loo qoray.
Is-dhiib
waxaa loo qoray oo lagaga boganayaa ogaanshaha dhaqanka tahriibta
iyo hoogga dhaqankaas ku xeeran. Saciida Sh Axmed iyaduna dhambaalkan
waxay inoo soo gaadhsiisay sida ugu qurux badan, ugu sarraysa,
uguna macaan. Waxay kale oo gunaanadka innagu xusuusisay qoraalkani
in uu kow u yahay taxane ay qaybtiisa kalena soo socoto.
Akhri
oo ku dhaqan, iskuna day naftaada iyo dadka aad jeceshahayba in
aad ka badbaadiso halista iyo qudhgooyada ku jirta tahriibta.
Akhriste, adiguna, fadlan, buugga u iibso laba sababood: 1) waa
ta koowaade, in aad u baahan tahay in aad akhrido qoraal sidan
u qiimo iyo waxtar badan; 2) waa ta labaade, in ay waajib kugu
tahay in aad dhiirrigeliso qoraallada afka soomaaliga ku qoran
si aynu ummad ahaan iyo af ahaanba u badbaadno.
Sifaha buugga:
·
Cinwaanka: IS-DHIIB
·
Qoraaga: Saciida Sh Axmed ”VIP”
·
Soosaaridda koowaad:
2008, Belgium
·
Soosaaraha:
Saciida VIP
(saidavip@gmail.com
·
Sifaha: 73 bog, 6" x 9" (perfect binding, black and
white interior ink)
·
Qiimaha:
€6.99
·
Ka iibso halkan:
http://www.lulu.com/content/2003140
Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Ibraahinhawd@hotmail.com
Dagaal ugu noqon
page hore e Mudugonline.com |