| DAGAALKA
DAHSOON EE SOOMAALIYA
Dr. Saadiq Enow
Dhacdooyinka
qallafsan ee ka imanaya Geeska Afrika, waa kuwo caadad ka baxsan.
Goor 16 sano laga joogo ayaa dowladdii Soomaaliyeed waxaa ku yimid
bur-bur. Soomaalidu dhamaantood waa ay ka wada qeyb-qaateen bur-burka
nadaamkii u dhisnaa. Islamarkaa ma jirin nadaam ay horey u diyaarsdaeen,
kaas oo ay ugu talagaleen in uu beddel u noqodo. Waxay noqdeen
sidii nin dumiyay aqalkii uu ku noolaa, iyada oo uusan dibadda
u saarin xaaskii iyo
caruurtii. Waxaa halkaa ka dhashey natiijooyin aanan la mahadin.
Marka laga reebo dadka u heelanaa howlaha lagu bur-buriyay Soomaaliya,
qof kasta oo kale waa uu la fajacayaa waxa ka dhacaya Geeska Afrika.
Sikastaba ha loo fasirtee, meesha ay riwaayaddu ka dheceyso waa
dhul Soomaali. Kharashka ku baxayana waa dhiig Soomaali.
Mashaqada la soo
deristey bulshada Soomaaliyeed ee maanta xalkeedii lagu jah-wareerey,
waa mid Soomaali ka qabta kharaj badan. Waa mid horey u galaafatey
geesiyaal Soomaaliyeed. Geesiguna maahan ninka tuutaha lebista
ee qoriga qaata oo keliya. Bal geesiyaal badan oo aanan qori qaadan
ayay qadiyadda Soomaaliyeed qabtaa. Qadiyaddan ay ku dhamaadeen
caruurtii Soomaaliyeed, maahan mid shaley iyo maanta bilaabatey.
Bal waa mid dhinac
socotey waayaha taariikhda. Taas oo ku hartey xasuus diiddan tir-tiran.
Waxaad ii oggolaataan
inaan caawa wax yar ka xuso geesi kamid ah halgamayaashii naftooda
u hurey qadiyadda Soomaaliyeed. Isaga oo aanan tuute lebisan,
qori qaadan ayuu ku dadaalay in uu Soomaali ka bad-baadiyo mashaqo
ku soo deg-degta oo shisheeyuhu u maleegey. Qabiilkiisu maahayn
afar iyo jabka aanu wax ku qeybsanay. Isagu maahayn Soomaali,
wuxuuse dhiiggiisii u
qubey in uu Soomaali, goor hore ka badbaadiyo shilkan ay ku dhacdey.
Intaanan Xamar lagu dilin ayuu xaaskiisii kula dar-daarmey, in
ay ilaaliso buuga xasuus-qor u ahaa. Dabadeedna ay u dhiibto nin
wariye ah oo la yiraahdo Axmad Bahaa Al-diin. Geesiga aanu caawa
xuseynaa, magaciisu waa Kamaal Al-aldiin Salaax. Ninkaas oo laga
soo magacaabey Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa, ayaa wuxuu kamid
ahaa saddex danjire oo kormeer ku hayay
nadaamkii dul-maamulka ahaa ee Talyaaniga uu ku xukumey Soomaaliya.
Waraaqahaasi waxay
yihiin marjic markhaati u ah howlihii, dhallinyaradii Leegada,
ay ku doonayeen madax-bannaanida. Geeridii Kamaal Al-diin dabadeed,
xaaskiisii oo la yiraahdo Amiina Salaax, waxay waraaqihii guriga
u yiil ay siisay ninkii uu ku yiri sii. Axmad Bahaa Al-diin oo
waraaqahaas uu dhaxley ka sheekeynaya, wuxuu yiri :
" Markaan
bilaabey in aan waraaqihii akhriyo, waxaan u muuqdey sidii nin
akhrinaya dhacdo daraama ah. Waxaa halkaas ka dhex muuqdey geesiyadii
sheekada jilayay, gumeysigii fashiistada ahaa, ganacsatadii Hindida
ahayd ee dhex-dhexaad ka ahayd qadiyadda iyo Soomaali caada-qaatayaal
ahaa oo iibinayay dalkooda. Waxaan ahaa mid akhrinaya sheekadaas
daraamada ah, illaa ay ku dhamaatey dilka danjirahaas geesiga
ah ".
Kamaal Al-diin
Salaax wuxuu u dhintey qadiyad Soomaaliyeed, sida ay geesiyaal
badan oo Soomaaliyeed ay u dhinteen qadiyaddan. Wakhtiguna wuxuu
reebey magaciisa in uu ahaado mid ku lifaaqan qadiyadda Soomaalida.
Dilkaasi wuxuu kamid ahaa dilal badan oo lagu aamusinayay qadiyadda
bulshadaas saboolka ah.
Kamaal Al-diin
ayaa markii loo magacaabey Soomaaliya, isaga oo dhoolla-caddeynaya
wuxuu xaaskiisa ku yiri : " Malaha igu xooggan wuxuu yahay,
in aan halkaas ka helayo shaqo xasilloon, waayo waa dhul xasilloon
".
Danjirahan oo u
dhashey dalka Masar, ayaa horey u soo qabtey xilal diblomaasiyadeed.
Isagu sanadkii 1936-kii, wuxuu ka soo shaqeeyay magaalada Qudus,
iyada oo markaas uu jirey kacdoon ay dadka carabta ah ku diidanaayeen
maamulkii Ingiriiska iyo Yuhuuddii lagu tallaalayay halkaa. Dabadeed
wuxuu ka soo shaqeeyay Jabaan, iyada oo ay taagneyd dagaalkii
u dhexeeyay dalkaas iyo Shiinaha. Kaddib waxaa loo beddeley Libnaan,
iayad oo dagaalkii II-aad ee dunida uu socdo. Waxaa halkaa soo
weeraray ciidamo isugu jira Ingiriis iyo Faransiis. Ciidamo carab
ah ayaa la dagaalamayay. Iyagu waxay diiddanaayeen in gumeysigu
caga-dhigto degaanka. Dagaalkii II-aad markuu dhamaadey, waxaa
loo direy San Faransisco (Mareekanka), si uu xubin uga noqdo wafdiga
caalamiga ah ee halkaas ku saxiixayay axdigii lagu asasaasey
JQ ka Dh. Isagu wuxuu markaa matalayay dowladda Masar. Dabadeed
wuxuu u soo wareegey magaalo-madaxda dalka Urdun (Camaan), si
uu goob-jooge uga ahaado dagaalkii ugu horeeyey ee dhex maray
Carab iyo Israa'iil. Wuxuu kaloo goob-jooge ka ahaa af-gembigii
ay shuuciyiintu kula wareegayeen talada dalkii la oran jirey Jikoslofakia.
Kaddib waxaa loo beddeley Suuriya. Waxay ahayd xilligii ugu qalafsanaa
taariikhda dalkaas. Kacdoon xooggan oo dowladda lagu diidanaa
ayaa jirey. Kaddib wuxuu noqdey qunsul fadhiya magaalada Marsiiliya.
Degmadu waxay xilligaas ahayd meesha ugu dhaqdhaqaaq badan oo
jabhaddii u dagaalameysay madax-bannaanida Jasaa'ir ay dibadda
ku lahayd. Faransiiska ayaa markaas wuxuu si xooggan u ilaalin
jirey dhaqdhaqaaqa qunsulka Masar.
Kaddib waxaa yimid
doorkii Soomaaliya. Haddaba wax lala yaabo maahan in Kamaal Al-diin
uu xaaskiisu ku yiraahdo : " Malaha igu xooggan wuxuu yahay,
in aan halkaas ka helayo shaqo xasilloon, waayo waa dhul xasilloon
". Maxaa yeeley dadka Xilligaas ku noolaa Soomaaliya, tiradoodu
waxay ahayd 1.300.000 oo keliya. Nadaamka ka jirayna wuxuu ahaa
dul-maamul uu Talyaanigu gacanta ku hayay.
Dhulkaas oo danjiruhu
uu maleynayay in uu ka helayo shaqo xasilloon, ayaa wuxuu noqdey
meeshii ay ku ekeyd noloshii geesigaas. Goor duhur ay tahay, isaga
oo gelaya albaabka daartii qunsuliyadda Masar, ayaa nin dhallinyar
oo Soomaali ah uu toorey, dhowr jeer dhabarka kala dhacay. Kamaal
Al-diin ayaa markaas ku dhex dhacay dhiiggii ka qubtay oo dhulka
buuxshay. Ninkii wax diley waxaa qabtey shaqaalihii qunsuliyadda,
kuwaas oo Soomaali ahaa. Kamaal
Al-diin, isaga oo dhaawac ah ayuu tooreydii iska siibey. Ramadaan
ayay ahayd oo waa uu soomanaa. Dhiiggii ka baxay awgiis ayaa waxaa
loo keeney biyo uu cabo. Waa uu diidey oo wuxuu yiri : "
Aniga oo sooman ayaan doonayaa in ay naftu i deyso ". Halkaas
ayuu kaga nastey howlihii qallafsanaa ee uu goob-joogaha ka ahaa.
Nasasho aanan soo noqod lahayn.
Majirin qof maleynayay
in nolosha Kamaal Al-diin ay ku abyooneyso ceynkaas, meeshaas,
iyo weliba sabab gacan Soomaaliyeed. Dhacdadan ayaa waxay tilmaameysaa,
waxa Soomaaliya ku dhacay in ayan ahayn wax ay Soomaalidu doorteen,
bal ay tahay wax loo doorey. Taasi waxay khasbeysaa in aanu sheekada
dib ugu noqono si loo fahmo gaba-gabada sheekada geesigan.
Xasuus-qorkiisii wuxuu ku qorey sedan :
" Markii ay
Xamar ka degatey dayuuraddii aan la socdey, magaalada ma aanan
joogin dhowr toddobaad, illaa qalbigeyga uu jecleystey shacabkaas
saboolka ah. Sidoo kale iyana waa ay i jecleysteen ".
Qunsulkan Masar,
waxaa la socdey laba qunsul oo kale, kuwaas oo laga soo direy
JQ ka Dh. Iyagu waxay ka socdeen labada dale e ah Kolombiya iyo
Filibiin. Inkasta oo muhimadda loo soo direy saddexda qunsul ay
mid ahayd, misana Kamaal Al-diin si gaar ah ayuu xil isaga saarey
in uu Soomaalida wax taro. Wuxuu noqdey shakhsiyadda ugu muhimsan
oo ay u kaashadaan halgankoodii ay ku doonayeen madax-bannaanida.
Laba toddobaad markuu joogey, wuxuu qaatey gaari jiib ah. Wuxuu
ku soo wareegey degmooyinkii iyo tuulooyinkii dalka. Xataa ceelshii
geelu ka cabayay ayuu tegey. Sida uu isaguba sheegey, dad-waynaha
ayuu kulamo la qaadanayay. Waa uu la tukadey. Waa uu u khudbeynayay.
Wuxuu u sheegayay waajibka ka saran dalkooda iyo waxa laga doonayo
in ay la yimaadaan, si ay u xaqiijiyaan madax-bannaanida dalkooda
hooyo.
Wax yar intuusan
joogin, Kamaal Al-diin waxaa u muuqatey, sida loogu hardamayo
dalkaas yar ee saboolka ah, iyo sida dadkiisa ay war-moog u yihiin.
Waxaa u muuqatey danaha dowliga ah oo laysku haysto, iyo jahliga
ay ku sugan yihiin dad-waynaha Soomaaliyeed. Waxaa u muuqatey
dowladaha markaa ku hardamayay in ay ahaayeen Ingiriis, Faransiis,
Mareekan, Talyaani, Baljam iyo Itoobiya. Xilligaas Talyaaniga
ayaa maamulayay Soomaaliya. JQ ka Dh. ayaa u dhiibtey si muddo
10 sano ah uu u gaarsiiyo madax-bannaani iyo is-maamul buuxa.
Sida uu yeeli lahaa xoog kasta oo gumeysi ah, Talyaanigu wuxuu
muddadaas ku dadaaley in uu boobo hantida dalka. Bal in uu tallaal
ku reebto dalka, kaas oo uu maslaxaddiisa ku ilaashado.
Dhacdooyinka la
xuso ee la xiriira boobka hantida dalka, waxaa tilmaamaya sheeko
dhacdey markii Jamaal Cabdi Naasir uu qarameeyay biya-mareenka
Suwees. Dagaal ay soo qaadey dowladdii lahayd shirkaddii laga
eryey kanaalka, ayaa wuxuu sababey in marinkii kanaalka xirmo.
Waxaa markaa Xamar ku hakadey maraakiib sidey moos badan. Waxay
ku jeedeen dalka Talyaaniga. Haddaba si uusan moosku ugu qurmin
maraakiibta gudahooda, ayaa waxna badda
lagu daadshey, waxna waddooyinka magaalada Xamar la dhigey. Soomaalidii,
ayaamo ayay heleen moos bilaasha oo ayan horey u heli jirin. Inkasta
oo moosku uu yahay waxa ugu badnaa oo laga abuurayay dalka, misana
dadka Soomaalida ahi, dhamaantood ma ayan lahayn awood ay ku dhadhamiyaan
hantidaas ka baxaysa dalkooda.
Ingiriisku wuxuu
markaa fadhiyay waqooyiga Soomaaliya. Wuxuu ogaa is-beddel kasta
oo ka yimaada koonfurta Soomaaliya, in uu yahay mid raad ku yeelanaya
gobolka uu gumeysto. Bal dhallinyaradii Leegada kuwoodii ugu fir-fircoonaa
waxaa kamid ahaa rag ka yimid Cadan iyo Hargeysa. Gobolkaas uu
gacanta ku hayay wuxuu yahay mid ku sii jeeda degmada Cadan oo
xilligaas ahmiyad u lahayd Ingiriiska. Islamarkaa waa gobol la
xiriira madiiqa laga galo badda
Cas ee la yiraahdo Baab Al-mandab. Si haddaba Soomaalidu aanay
ugu soo deg-degin madax-bannaanida gobolkaas, qeyb degaanka kamid
ahayd ayuu Itoobiya si kedis ah ugu daray. Dhulkaas oo ahaa dhul
uu Ingiriisku u hayay amaano ahaan, isaga oo aanan kala tashan
odeyaashii Soomaalida, ama xataa Talyaanigii joogey gobollada
koonfureed, ayuu gacanta u geliyay maamulkii Itoobiya. Taasina
wuxuu uga gollahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqdaan
laba dal oo aanan xinif ka dhamaan. Si markaas danahiisa siyaasadeed
ay baaqi ugu ahaato gobolka waqooyi ee gacanta ugu jirey.
Dhab ahaantii,
Soomaalidu waxay bilaabeen xilligaas in ay ka hadlaan Ogaadeenya.
Taasi waxay gaabis ku keentey in ay ka hadlaan gobolka uu haystey.
Kamaal Al-diin Salaax, janno iyo raxamad Allaha ka waraabshee,
goor hore ayuu dareemey shacda siyaasadeed ee lagu luggoynayay
Soomaalida. Shakhsiyaddiisa oo ahayd mid ay Soomaalidu ku kalsoonaayeen
darteed, ayaa wuxuu kula taliyay in aanan laga marin-habaabin
gobanimada ay halganka dheer
u soo galeen. Wuxuu u sheegey, markii ay madax-bannaanida qaataan,
in ay doonaan gobollada ka maqan. Laakiin xilliga la joogo ayan
isku howlin cayaarta uu Ingiriisku u bilaabey.
Mareekanka ayaa
dhankiisa ka bilaabey in uu daneeyo Soomaaliya. Waxaa xilligaas
la ogaadey, in batrool badan uu hoos ceegaago ciidda Soomaaliya.
Waxaa Soomaaliya yimid shirkad batroolka baarta oo Mareekan laga
leeyahay, taas oo la yiraahdo Singler. Nin masuul ka ah shirkadda
oo magiciisu yahay Mr. Adam, ayaa booqasho gaaban ku yimid Xamar.
Wuxuu la kulmey Kamaal Al-diin Salaax. Wuxuu ogaa, qunsulka Masar
in uu markaas noqdey furihii
dhaqdhaqaaqii Leegada. Wuxuu jecleystey in uu u sahlo sidii ay
shirkaddu u heli lahayd heshiisyo deg-deg ah, intaanan madax-bannaanida
la qaadan. Runtii xilligaas Soomaalidu kuma jirin dad leh aqoon
ay miis kula fariistaan ragga caynkaas ah. Kamaal Al-diin waa
uu ka diidey oo wuxuu doonayay in shirkadda iyo Soomaalidu ay
dhigtaan heshiisyo lamid ah midka ay dhigteen shirkadaha Mareekanka
iyo dalalka Sucuudiga iyo Kuweyt. Taasina wuxuu ku
ilaalinayay danaha dadka Soomaaliyeed oo isga aaminey. Diidmadan
waxay kamid ahayd dhacdooyinka shiddada ku keeney noloshii qunsulkaas
geesiga ah.
Talyaaniga wuxuu
baahi badan u qabey in uu qeyb ka helo mashruucii ahaa (Marshall
Plan) ee dib loogu dhisayay Yurub, dagaalkii dabadeed. Shaxaadkii
uu Mareekanka ku sasabanayay wuxuu ka bixiyay dhulka Soomaalida.
Talyaanigu wuxuu markaas oggolaadey, isaga oo aanan JQ ka Dh ogeysiin,
in shirkaddii Singler ay ka howl-gasho ciidda Soomaaliya. Mareekanka
ayaa markaas wuxuu ballan qaadey in uu sanad walba siiyo maamulka
Talyaaniga ee Xamar fadhiya
200.000 oo dollar. Wuxuu kaloo saxiixey in uu wax ka qabanyo mashaariic
ay kamid yihiin kobcinta xoolaha nool, kanaallo uu ka jeexayo
biyaha labada webi, dhismo bakhaaro lagu keydiyo miraha beeraha
ka go'a, qodid ceelal biyaha laga cabo. Mashaariicdaas midkoodna
dalka kama fulin. Waxaa keliya oo fuley wuxuu ahaa baaritaankii
Singaler ay ku baadi-goobeysey batroolka iyo lacagihii shaxaadka
ahaa oo uu qaadanayay maamulkii Talyaaniga. Kamaal
Al-diin oo ahaa nin matalayay JQ ka Dh. aad ayuu uga hor yimid
arimahaas. Dacwad badan ayuu ka geeyay golaha jamciyadda. Taasina
waxay ahayd qodob kale oo lagula colloobey qunsulkaas geesiga
ah. Qoraallada dacwadda ah ee uu u gudbiyay JQ ka Dh. waxaa kamid
mid ahaa sidan :
" ………………
Hadday run tahay arintan, waxaa la sheegay, shirkadaha batroolka
marka ay baadi-goobayaan meelaha uu ku jiro batroolka ganacsiga
ku haboon, waxaa kale oo la socda rag sir-doon ah oo ka socda
ciidamada Mareekanka. Raggaaaasi waxay qoranayaan kaartooyin la
xiriira degaanka, kuwaas oo si tifaf-tiran uga waramaya dhulka
ay shirkaddu ka howl-gashey, iyo xataa hantida maguurtada ah.
Arintaasi waxay sahleysaa in la maamusho kheyraadka
dalku leeyahay ".
Xilligaas, doorka
Itoobiya iyo damaca ay ka lahayd Soomaaliya, maahayn mid ku ekaa
gobollada ay ka qaadatey dhulkii Soomaaliyeed. Bal wuxuu ahaa
mid intaa dhaafsiisan, oo waxay dooneysay in ay la wareegto dhamaan
Soomaaliya. Waxaa jirey fadhiyo ay isugu iman jireen wasiirada
dibadda, afartii dowladood ee dagaalkii II-aad ku adkaadey. Waxay
kaga xaajoonayeen Soomaaliya. Fadhigaas waxaa lagu casumi jirey
wasiirkii dibadda ee Itoobiya.
Isagu wuxuu halkaas ka sheegi jirey in Soomaaliya ay tahay dal
Itoobiya kamid ah. Sidaa darteed, loo soo celiyo taladii dalkaas.
Kamaal Al-diin, marar badan ayay dood kulul ku dhex martey JQ
ka Dh. isaga iyo danjirihii Itoobiya u fadhiyay golaha. Waxaa
jirtey mar uu danjiraha Itoobiya ku eedeeyey Kamaal Al-diin in
uu halleynayo xiriirka Itoobiya iyo Masar, haddiiba uu sidaas
wax ku wado. Kamaal Al-diin wuxuu ugu jawaabey sidan :
" Anigu maahi
nin matalaya dalka Masar. Waxaan ahay danjire matalaya JQ ka Dh.
Waxaa la i farey in aan ka ergeeyo qadiyadda Soomaaliya. Sidaa
darteed, markaan Muqdisha u kacayo, waxaan sidaa dhambaal layga
dhiibey JQ ka Dh. Markaan New York imanayo, waxaa sidaa dhambaal
ay ii soo dhiibeen Soomaalida. Taasina waa howsha aan u xil-saarahay
".
Allaha u naxariistee
Shiikh Maxamuud Faarax Maalin-guur oo kamid ahaa horseedayaashii
ururkii SYL, wuxuu ii sheegey in Kamaal Al-diin ay kala tashan
jireen wax kasta. Xataa waraaqaha ay u dirayeen JQ ka Dh, isaga
ayaa u qori jirey. Si uusan maamulkii Talyaaniga u ogaan marka
uu la shirayo, Maalin-guur wuxuu inoo sheegey :
" Gabbalku
markuu dhaco ayaanu shuko (jilbaab) u soo gelin jirney oo dhowr
dumar ah la soo raacin jirey. Markaas ayuu wuxuu inoogu iman jirey
xaruntii Leegada. Halkaas ayuu talooyin ku siin jirey dhallinyaradii
u halgamayay madax-bannaanida. Markuu baxayona, isaga oo shukadii
qaba ayuu bixi jirey ".
Kamaal Al-diin
wuxuu ahaa nin hantey qalbiga bulshadii Soomaaliyeed ee uu la
noolaa. Markaas ayuu isna qalbigiisii siiyay. Wuxuu u hurey qaali
iyo raqiis. Xilli ay Soomaali u baahneyd kaadir aqoon leh oo danaheeda
difaaca, ayuu ka yureeyay dhurwaayo ku socdey in ay cunaan. Waa
uu diidey, in uu meel cidla ah uga dhaqaaqo dhallinyaradii Soomaaliyeed
ee gobanimo-doonka ahaa. Sida uu sheegey, qadiyaddu waxay ahayd
mid aanan laga lahayn. Markaas ayuu
wuxuu u ban-baxay colaad baaxad wayn oo uu ku xoreynayo Soomaaliya.
Xaaskiisii ayuu u sheegey in la dilayo, goor ay ahaatoba. Isna
uu arintaas diyaar u yahay.
Gacantii cadowga
ayaa gaartey dhiiggiisii sharfanaa. Marka la dilayo, ayaamo ayaa
ka dhinnaa fadhi ka dhacayay magaalada New Delhi oo looga arinsanayay
Soomaaliya. Isagu wuxuu markaa matali lahaa xubintii Soomaaliya
uga qeyb geli lahayd fadhiga. 17/ 3- 1957-kii, goor ay duhur tahay,
isaga oo gelaya xafiiskiisii qunsuliyadda, ayaa dhabarka lagala
dhacay toorey. Shirqoolkaas oo muddo laga shaqeynayay. Sida caadadu
ahayd, ilaalada qunsuliyadda maalin
walba waa la beddeli jirey. Laakiin markaa la dilayay, saddex
cisho oo xiriira ayaanan la beddelin. Waxaa kaloo jirey xaalad
deg-deg ah in magaalada Xamar la saarey, maalinta la dilayay Kamaal
Al-diin, iyada oo aanan jirin wax sabab ah. Keliya maamulkii gumeysiga
oo dilka qorsheeyay ayaa wuxuu ka baqayay kacdoon ka dhasha dilka
qunsulka. Ninka diley oo
Soomaali ahaa, nolol ayaa lagu qabtey. Markiiba waxaa lagu xirey
xabsigii dhexe ee Xamar. Maalintii gobanimada la qaatey 1/ 7-
1960-kii, subaxnimadii waxaa xabsiga laga soo daayay dhamaan dadkii
xabsiga ku xirnaa. Ninkii diley Kamaal Al-diin waxaa loo tegey
isaga oo meyd ah.
Markii
ay gobnootay
Gafanuhu ku naaxay
Godol qaadi weyday
Gaajada ku curatay
Gobanimo u oyday
Ilmo gabax ka siisay
Geesiga dhulkiisa
Guusha u horseeda
Geerida dishaay
Geedkaa haba'o
Mudugonline.com
Gadaal ugu
noqon page hore eeMudugonline.com |