| Shirkii
Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
Shir balaaran ayaa kadhacay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota
oo ay iskugu yimaadeen jaaliyada Soomaliyeed ee wehelka u ah Jaamacada
Puntland State University taas oo dhaqaale loogu aruurinayay Jaamacada
qaybteeda caafimaadka iyo Engineeriya ee magaalada Galakacyo.
Jaamacadaas oo la aasaasay 2004 hadana arday ilaa boqol dhan ay
dhigtaan. Shirkaas waxaa kasoo qayb galay gudoomiye kuxigeenka
jaamacada, Sh. Bashiir Sh. Xasan Nuur, oo halkaas kasoo jeediyay
war bixintii Jaamacada. Waxaa kaloo kasoo qayb galay aqoon yahano
Soomaaliyeed oo kudhaqan magaalada Minneapolis. Shirkaas oo ay
soo qabanqaabiyeen ardayda, aqoon yahanada, culumu maa udiinka,
iyo haweenka ee magaalada Minneapolis.

Guud
ahaan shirkaas oo ahaa mid si fiican loo soo agaasimay waxaa uu
udhacay sidatan.
Waxaa
furay shirka C/raxman Shaacir oo ahaa xiriiriyaha shirka.
1.
Bille Sugule
Quraan kufuray
2.
Manjiino
Hadaladii furintaanka
3.
Sh. Bashiir
Tariikhdii Jaamacada
4.
Said Fahiye
Waxtarka jaaliyadaha dibada
5.
Xawa Kamaaludiin
Ka qayb qaadashada dumarka waxbarashada
6.
Maxamed Jaamac Dhigic-Dhigic
Baahida waxbarashada ee Puntland
7.
Sh. Qardaawi
Baaqii dhaqaale u aruurinta
8.
Saciid Saalax
Waxtarka waxbarashada
9.
Imaam Sh. Sacad Muuse
Waxbarashadu ma xalbaa?

Intaa
kadib waxaa xirmay shirkii. Iyadoo goobtaas lagu balan qaaday
lacag gaaraysa $60, 000 dolar, qayb kamid ahna goobta lagu dhiibay,
inta dhimana dadkii balan qaaday mudo gaaban ku bixindoonaan.
Hadii Alle Idmo.
Afhayeenka
jaamacada ee W/America C/rashiid Buubiye wuxuu u mahad celinayaa
dhamaan dadkii soo abaabulay, dadwaynihii kasoo qayb galay, iyo
saxaafada Minnesota.
Waxaa
soo diyaariyay,
Ali
Abdirahman Jama Biixi
Dagaal ugu noqon page hore e Mudugonline.com |