| Puntland,
shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey!
Qaybta 1aad
Waxaan dhawaan ka soo laabtay safar gaaban oo aan ku tegey Puntland,
gaar ahaan inta u dhaxaysa Galkao iyo Garowe. Hadaba waxaan jeclaystay
in reer Puntland ila wadaagaan dareenkii aan kala kulmay safarkaa
isaga ah. Waxaan jeclaystay inaan qoraalkayga u qaybiyo 3 qaybood
oo kala ah; muuqaalka guud ee dalka inta aan ka maray, dareenka
dadweynaha iyo xanuunka wadada dheer.
Wadadii safarka
Waxaan Dubai ka raacay diyaarad ay leedahay sharikadda diyaaradaha
ee Daallo. Waxay ahayd diyaarad weyn oo aan wax badan ka duwaneyn
kuwa la raaco Yurub walow ay waqtigii ay duuli lahayd in badan
ka dib dhacday. Diyaaaraddaa waxay na geysay Djibouti, halkaa
oo aan ka sii raacnay diyaarad yar oo na geysay Galkao. Diyaaradda
khadkeedu wuxuu ahaa Djibouti-Burco-Galkao, laakiin Burco beddelkeedii
waxay ku degtay Berbera oo rakaabkii Burco loogu diyaariyey basas.
Sababtuna waxay ahayd Burco garoonkeeda waxaa fadhiyey biyo oo
waa qoyanaa.
Galkayo
Waxaan mar keliya dareemay diyaaraddii oo hoos u hoobanaysa.
Haa, waxaan safar dheer ka dib soo gaarnay Galkao. Markiiba dariishadda
oo aan xigay ayaan cuskaday si aan u fiiriyo hoos iyo inta aan
dhulka u jirno. Markiiba waxaan arkay xareed waran labada dhinac
ee ”runway”ga, dhirta dabiigiga ah ee garoonka oo
qurac gaab u badanyahayna waxaa saarnaa doog iyo midab cagaaran.
Maasha Allah! Barwaaqaa dhacday oo dalku dayr wanaagsan buu helay.
Markii aan diyaaradda ka soo dagnayba waxaa nalaka uruuriyey
baasabooradii waxaana nalaku guray bas taagnaa meel aan diyaaradda
ka fogeyn. Baskii wuxuu na keenay ”Terminal”ka garoonka
oo aan cabbaar ku sugnay baasabooradayadii iyo boorsooyinkiiba.
Intaa ka dib waxaa nalaku wareejiyey baasabooradii iyo boorsooyinkii
kadib markii aan iska bixinay ”fee” ah 20 dollar.
Qiimeyntayda, ragga garoonka gacanta ku haya waxay ahaayeen rag
si fiican isu fahansan samaystayna nidaam u dhexeeya oo ay ku
kala danbeeyaan, wax isdhexyaac ahna kama muuqan. Dhaliishayduse
waxay tahay inay u muuqdeen rag aan haba yaraatee waxba garoonka
dib ugu celin waayo waxaa garoonka ”runway”ga iyo
”Terminal” kaba ka muuqday dayac aad u ballaaran.
Intaa dabadeed waxaan gaari u soo raacay dhanka magaalada. Galkao
waxaa iigu danbaysay sannadkii 1997 dii, intii aan sii socdayna
waxaan isha la raacayey magaalada. Waxaan dareemay in magaaladu
aad u ballaaratay baaxad ahaan iyo tayada dhismayaasha laga dhisay
ama haddaba ka socda. Waxaa magaalada ku nool dad badan oo dariiqyada
xoog ayaa loo marayey. Waxaan isha ku dhuftay reer koonfureed
badan oo xamaalanaya iyo qoxooti badan oo reer Itoobiya ah oo
tuugsanaya. Markii aan magaalada galay waxaan si deg-deg ah bariis
uga boobay makhaayad kadibna waxaan ku dhacay gaari ii qaadi lahaa
xaggaa iyo Garowe. Magaalada waxaa fadhiyey harooyin biyo ah oo
meel ay ka baxaan waayey!! Waxaa aad u adkaa isku socodka gudeheeda
baabuur iyo lugba!! Waxaa ka dillaacay duqsi farabadan oo ay adagtahay
inaad afka geliso cunno uusan taaban si walba oo aad labada gacmood
ugu tagaalanto!! Markay saacaddu isku taagtay kowdii iyo bar duhurnimo
ayaan shaagga saarnay wadada dheer ee Galkao-Garowe.
Garowe
Waxaan magaalada soo galay abbaarihii 7da fiidnimo. Garowe, waxaa
arageeda iigu danbaysay saddex sano ka hor ama 2003. Qudheedu
si aan caadi ahayn ayey isu beddeshay. Waxaa si xooggan ugu soo
kordhay guryaha dabaqa ah oo markii iigu danbaysay faraha lagu
tirin jiray laakiin hadda tiro beelay. Halkaan waxaa indhahaagu
aad ugu dhacayaan xarumaha dowladda Puntlannd, xafiisyada hay’adaha
caalamiga ah iyo rag faylal lawada duuban. Maadaama maamulku halkaan
degganyahay, waxaa ka jira faaqidaad siyaasadeed iyo fadhikudirir
sawaxan badan oo xataa hawlwadeenada dowladda iyo baarlamaaniyiintuba
ka qayb qaataaan, kaa oo aad xog badan ka heli karto! Dariiqyada
iyo makhaayaduhu waa saxmad, hoteeladana waa adagtahay inaad sariir
ka hesho. Dad badan ayaa filooyinkoodii u beddelay hoteelo la
seexdo. Inkasta oo Nugaali raxmadda Ilaahay wax ka heshay, misana
roobku wuxuu u badan yahay hadba marka la sii aado dhanka Galkao.
Puntland,
shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey!
Qaybta 2aad
Dareenka dadweynaha
Mudadaii yarayd ee aan joogay dalka, waxaan aad ugu dadaalay
inaan wax badan ka ogaado dareenka dadka. Waxaan sameeyey waraysiyo
badan iyo xog aan ka ururiyey dad kala duwan sida; kuwo ka tirsan
maamulka hadda jira, aqoonyahano iyo dadka caadiga ah ee shacabka
ah. Waxaan kaloo aad u dhega-dhegeeyey goobaha fadhikudirirka
sida makhaayadaha iyo biibitooyinka shaaha laga cabbo.
Mowduuca ugu weyn ee dadku hadal hayeen maalmahaan ayaa wuxuu
ahaa kan maxkamadaha Muqdisho. Waxaa xaqiiqo ah in dadku siyaabo
kala duwan u arkaan arintaa iyada ah. Qiimeyntayda, dadku waxay
ahaayeen saddex nooc marka laga hadlayo mowduucaan: koox yar oo
iyadu si kal iyo laab ah ula jirta maxkamadaha (kooxda haa), koox
aan iyana wax badan ka badnayn kooxda hore oo si cad u diidan
maxkamadaha (kooxda maya) iyo kooxda ugu ballaaran oo aan kala
jeclayn (kooxda maxaa iga galay). Kooxda koowaad iyo tan labaadba
waa la fahmi karaa waxa ay ku saleeyeen mowqifkooda, laakiin waxaa
runtii xiiso leh bal in la fahmo kooxda saddexaad ee ugu ballaaran.
Waa maxay sababta kooxdaasi u qaadatay mawqifka ah (maxaa iga
galay)?
Aragtidayda, waxaa jira niyadjab weyn oo ku aaddan maamulka Puntland.
Waxaa jira rabitaan ah in isbeddel dhab ahi dhoco. Inta badan
(kooxda maxaa iga galay) kama aha inay jecelyihiin maxkamadaha
ama necebyihiin Puntland, laakiin waxay ka tahay maxaa wax loo
sixi la’yahay? Waxa ay tabanayaan waxqabad la’aan
iyo musuq-maasuq aan xad lahayn oo la degay maamulka Puntland
kaa oo isu beddelay ”kansar” aan daawo lahayn! Waxa
ay dareemayaan in ay ku hungoobeen dhowr ballanqaad oo ahaa toosinta
maamulka Puntland. Hadaba maamulka sare ee Puntland waxaa la gudboon
inuu sida ugu deg-degga badan u fahmaa khatarta ay leedahay in
shacabkiisu isu wada beddelo (maxaa iga galay).
Dadweynuhu waxay kaloo qabaan cudur halis ah oo la yiraahdo ”kalsooni
daro”. Maxaan hadaba ula jeedaa? Dadku qof walba waa durayaan!
Qof walba cillad buu leeyahay! Qof nadiif ah ma jiro! Qof walba
waa danbiile! Kaasi lacag buu dhacay! Kani guribuu Dubai ka iibsaday!
Kuwaasi mashruuc bay cuneen……..iwm.
Waxaa iyana hadal haynteedu badnayd arrinta macdan-baarista.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in dhawaan faqriga laga bixi doono,
in sharikado badani dalka imaan doonaan si ay badroolka u soo
saaraan iyo in shaqo abuurmi doonto. Qolo kale waxay qabaan in
waxaasi dhalanteed iyo ”huuwaya, huuwayada” caruurta
lagu seexiyo la mid yihiin, oo ilaa la helo dawlad adag oo dalkoodhan
ku fidisa haybadeeda dawladnimo aanay taasi suuroobi doonin.
Ugu danbayntii waxay dadku dareen xooggan ka qabeen cudur dilaa
ah oo dayrtaan ku dhacay geela. Sida laga soo warinayo reer baadiyaha
cudurku maaha mid ay yaqaaniin oo waa ku cusub yahay. Geelu isaga
oo aan wax calaamado jiro ah laga dareemin ayuu hal mar soo dhacayaa
oo maydayaa!! Intii aan joogay waxaan ogaa wasaaradda xannaanada
xoolaha iyo beeraha oo ku dadaalaysa sidii ay dhakhaatiir ugu
diri lahayd aagagga laga sheegay oo ahaa Mudug iyo Sool.
Puntland, shacab baarri
ah iyo maamul hanan waayey!
Qaybta 3aad
Qof walba oo aqoon jiray waddadii quruxda badnayd ee Shiinuhu
dhisay, ma rumaysan karo maanta marka uu indhihiisa ku arko sida
ay noqotay. Waddadaa oo ah halbowlaha nolosha dadka, gebi ahaanba
waa xaaqantay, inta ka noolna waa wada god iyo boholo!. Galkao-Garowe
oo loo socon jiray 4 saac maanta waxaad u soconaysaa ilaa 6 saac,
waxaadna safarka dhamaysanaysaa iyadoo labada kelyood bannaanka
kuu soo bexeen!!. Baabuurku seed kuma socdo oo marba dhinac buu
kula aadayaa! Wuxuu raadinayaa darawalku meel uu afarta shaag
dhigo! Marba god ayuu ka leexanayaa mararka qaarna wadada ayuuba
ka degayaa si uu markale ugu soo dhoco!
Cajiib! Dadkii gaariga ila saarnaa ayaan weydiiyey su’aal;
”madaxda Puntland miyaanay waddadaan marin? Mise magaalooyinka
diyaaraday u raacaan?” Nin kursiga gadaale fadhiyey ayaa
qoslay oo ii jawaabay ” walaal way maraan laakiin waxay
ku maraan Laylo Calawi-Land cruiser Somalia caan ka ah”.
Cajiib! Waxaan weydiiyey waxa ay baabuurta kale uga duwan tahay.
Intuu markale qoslay buu yiri ”Moolooyin-springs ayey leedahay
oo nimanku saalitada ma dareemaan!”
Inta aad waddada hayso waxaad arkaysaa baabuur badan oo la banjarinayo,
kuwo gaddoomay iwm. Naf ka sokow waddadu waxay khasaare dhaqaale
oo ba’an ku haysaa reer Puntland. Sii socodkaygii Galkao-Garowe,
waxaan la kulanay shil dhacay saacado ka hor. Baabuur ayaa gaddoomay
dhaawiciina waxaa loola cararay Buurtinle oo goobta magaalo ahaan
ugu dhaweyd, baabuurkana wiilal baa ilaalinayey.
Naxdintii ugu weyneyd waxaan la kulmay soo noqodkaygii Garowe-Galkao.
Meel u dhaxaysa Tuulo Buuryaqab iyo Bacaadweyn ayaan ku soo baxnay
shil isla waqtigaa dhacay oo aan cidina nooga soo horrayn. Hal
mar ayaan baabuurkii ka daadanay si aan u bad-baadino wixii aan
bad-baadin karno. Baabuur Markett 2 ah ayaa waddada ka baxay kaddib
markii baabuur weyni isteerinka dhankiisa u soo gooyey!
 |
 |
| Goobta shilka, baabuurka oo wadada ka baxay,
qurac badan oo uu dhulka dhigay! |
Goobta shilka, baabuurkii oo laga soo saarayo
haadaanta uu ku dhacay! |
 |
| Goobta shilka, wiil yar oo afar bilood jira! |
Baabuurka waxaa saarnaa ilaa 10 qof (6 kuraasta caadiga ah fadhiday
iyo 4 ku jiray boosta kaanada!) iyo weliba ilmo yar oo dhabta
lagu hayey!
Baabuurku si fiican ayuu u burburay rajadiisa danbena waa yartahay,
laakiin Ilaahay mahaddii dadkii waa ka bad-baadeen. Laga bilaabo
halka uu wadada ka baxay wuxuu dhulka dhigay ilaa 10 geed oo qurac
ah!! Waxaa keliya oo gacanta dhaawac ka soo gaaray darawalkii
oo ay usoo gashay laan qurac ah intii baabuurku is rogrogayey.
Sida kale dadku naxdin mooyee waxba ma gaarin. Way isu wada
hambalyeeyeen iyagoo aaminsanaa in Ilaahay ugu gar-gaaray saqiirka
4 ta bilood jira ee baabuurka la saarnaa. Runtu waxay tahay in
waddanku goor dhow kala googo’i doono haddii aan waddadaa
la badbaadin.
Abdulkadir Ali Salad
abdulkadir.salad@glocalnet.net
Dagaal ugu noqon page hore e Mudugonline.com |