Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  

Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey!

Qaybta 1aad

Waxaan dhawaan ka soo laabtay safar gaaban oo aan ku tegey Puntland, gaar ahaan inta u dhaxaysa Galkao iyo Garowe. Hadaba waxaan jeclaystay in reer Puntland ila wadaagaan dareenkii aan kala kulmay safarkaa isaga ah. Waxaan jeclaystay inaan qoraalkayga u qaybiyo 3 qaybood oo kala ah; muuqaalka guud ee dalka inta aan ka maray, dareenka dadweynaha iyo xanuunka wadada dheer.

Wadadii safarka

Waxaan Dubai ka raacay diyaarad ay leedahay sharikadda diyaaradaha ee Daallo. Waxay ahayd diyaarad weyn oo aan wax badan ka duwaneyn kuwa la raaco Yurub walow ay waqtigii ay duuli lahayd in badan ka dib dhacday. Diyaaaraddaa waxay na geysay Djibouti, halkaa oo aan ka sii raacnay diyaarad yar oo na geysay Galkao. Diyaaradda khadkeedu wuxuu ahaa Djibouti-Burco-Galkao, laakiin Burco beddelkeedii waxay ku degtay Berbera oo rakaabkii Burco loogu diyaariyey basas. Sababtuna waxay ahayd Burco garoonkeeda waxaa fadhiyey biyo oo waa qoyanaa.

Galkayo

Waxaan mar keliya dareemay diyaaraddii oo hoos u hoobanaysa. Haa, waxaan safar dheer ka dib soo gaarnay Galkao. Markiiba dariishadda oo aan xigay ayaan cuskaday si aan u fiiriyo hoos iyo inta aan dhulka u jirno. Markiiba waxaan arkay xareed waran labada dhinac ee ”runway”ga, dhirta dabiigiga ah ee garoonka oo qurac gaab u badanyahayna waxaa saarnaa doog iyo midab cagaaran. Maasha Allah! Barwaaqaa dhacday oo dalku dayr wanaagsan buu helay.

Markii aan diyaaradda ka soo dagnayba waxaa nalaka uruuriyey baasabooradii waxaana nalaku guray bas taagnaa meel aan diyaaradda ka fogeyn. Baskii wuxuu na keenay ”Terminal”ka garoonka oo aan cabbaar ku sugnay baasabooradayadii iyo boorsooyinkiiba. Intaa ka dib waxaa nalaku wareejiyey baasabooradii iyo boorsooyinkii kadib markii aan iska bixinay ”fee” ah 20 dollar. Qiimeyntayda, ragga garoonka gacanta ku haya waxay ahaayeen rag si fiican isu fahansan samaystayna nidaam u dhexeeya oo ay ku kala danbeeyaan, wax isdhexyaac ahna kama muuqan. Dhaliishayduse waxay tahay inay u muuqdeen rag aan haba yaraatee waxba garoonka dib ugu celin waayo waxaa garoonka ”runway”ga iyo ”Terminal” kaba ka muuqday dayac aad u ballaaran. Intaa dabadeed waxaan gaari u soo raacay dhanka magaalada. Galkao waxaa iigu danbaysay sannadkii 1997 dii, intii aan sii socdayna waxaan isha la raacayey magaalada. Waxaan dareemay in magaaladu aad u ballaaratay baaxad ahaan iyo tayada dhismayaasha laga dhisay ama haddaba ka socda. Waxaa magaalada ku nool dad badan oo dariiqyada xoog ayaa loo marayey. Waxaan isha ku dhuftay reer koonfureed badan oo xamaalanaya iyo qoxooti badan oo reer Itoobiya ah oo tuugsanaya. Markii aan magaalada galay waxaan si deg-deg ah bariis uga boobay makhaayad kadibna waxaan ku dhacay gaari ii qaadi lahaa xaggaa iyo Garowe. Magaalada waxaa fadhiyey harooyin biyo ah oo meel ay ka baxaan waayey!! Waxaa aad u adkaa isku socodka gudeheeda baabuur iyo lugba!! Waxaa ka dillaacay duqsi farabadan oo ay adagtahay inaad afka geliso cunno uusan taaban si walba oo aad labada gacmood ugu tagaalanto!! Markay saacaddu isku taagtay kowdii iyo bar duhurnimo ayaan shaagga saarnay wadada dheer ee Galkao-Garowe.

Garowe

Waxaan magaalada soo galay abbaarihii 7da fiidnimo. Garowe, waxaa arageeda iigu danbaysay saddex sano ka hor ama 2003. Qudheedu si aan caadi ahayn ayey isu beddeshay. Waxaa si xooggan ugu soo kordhay guryaha dabaqa ah oo markii iigu danbaysay faraha lagu tirin jiray laakiin hadda tiro beelay. Halkaan waxaa indhahaagu aad ugu dhacayaan xarumaha dowladda Puntlannd, xafiisyada hay’adaha caalamiga ah iyo rag faylal lawada duuban. Maadaama maamulku halkaan degganyahay, waxaa ka jira faaqidaad siyaasadeed iyo fadhikudirir sawaxan badan oo xataa hawlwadeenada dowladda iyo baarlamaaniyiintuba ka qayb qaataaan, kaa oo aad xog badan ka heli karto! Dariiqyada iyo makhaayaduhu waa saxmad, hoteeladana waa adagtahay inaad sariir ka hesho. Dad badan ayaa filooyinkoodii u beddelay hoteelo la seexdo. Inkasta oo Nugaali raxmadda Ilaahay wax ka heshay, misana roobku wuxuu u badan yahay hadba marka la sii aado dhanka Galkao.

Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey!
Qaybta 2aad

Dareenka dadweynaha

Mudadaii yarayd ee aan joogay dalka, waxaan aad ugu dadaalay inaan wax badan ka ogaado dareenka dadka. Waxaan sameeyey waraysiyo badan iyo xog aan ka ururiyey dad kala duwan sida; kuwo ka tirsan maamulka hadda jira, aqoonyahano iyo dadka caadiga ah ee shacabka ah. Waxaan kaloo aad u dhega-dhegeeyey goobaha fadhikudirirka sida makhaayadaha iyo biibitooyinka shaaha laga cabbo.

Mowduuca ugu weyn ee dadku hadal hayeen maalmahaan ayaa wuxuu ahaa kan maxkamadaha Muqdisho. Waxaa xaqiiqo ah in dadku siyaabo kala duwan u arkaan arintaa iyada ah. Qiimeyntayda, dadku waxay ahaayeen saddex nooc marka laga hadlayo mowduucaan: koox yar oo iyadu si kal iyo laab ah ula jirta maxkamadaha (kooxda haa), koox aan iyana wax badan ka badnayn kooxda hore oo si cad u diidan maxkamadaha (kooxda maya) iyo kooxda ugu ballaaran oo aan kala jeclayn (kooxda maxaa iga galay). Kooxda koowaad iyo tan labaadba waa la fahmi karaa waxa ay ku saleeyeen mowqifkooda, laakiin waxaa runtii xiiso leh bal in la fahmo kooxda saddexaad ee ugu ballaaran. Waa maxay sababta kooxdaasi u qaadatay mawqifka ah (maxaa iga galay)?

Aragtidayda, waxaa jira niyadjab weyn oo ku aaddan maamulka Puntland. Waxaa jira rabitaan ah in isbeddel dhab ahi dhoco. Inta badan (kooxda maxaa iga galay) kama aha inay jecelyihiin maxkamadaha ama necebyihiin Puntland, laakiin waxay ka tahay maxaa wax loo sixi la’yahay? Waxa ay tabanayaan waxqabad la’aan iyo musuq-maasuq aan xad lahayn oo la degay maamulka Puntland kaa oo isu beddelay ”kansar” aan daawo lahayn! Waxa ay dareemayaan in ay ku hungoobeen dhowr ballanqaad oo ahaa toosinta maamulka Puntland. Hadaba maamulka sare ee Puntland waxaa la gudboon inuu sida ugu deg-degga badan u fahmaa khatarta ay leedahay in shacabkiisu isu wada beddelo (maxaa iga galay).

Dadweynuhu waxay kaloo qabaan cudur halis ah oo la yiraahdo ”kalsooni daro”. Maxaan hadaba ula jeedaa? Dadku qof walba waa durayaan! Qof walba cillad buu leeyahay! Qof nadiif ah ma jiro! Qof walba waa danbiile! Kaasi lacag buu dhacay! Kani guribuu Dubai ka iibsaday! Kuwaasi mashruuc bay cuneen……..iwm.

Waxaa iyana hadal haynteedu badnayd arrinta macdan-baarista. Dad badan waxay aaminsan yihiin in dhawaan faqriga laga bixi doono, in sharikado badani dalka imaan doonaan si ay badroolka u soo saaraan iyo in shaqo abuurmi doonto. Qolo kale waxay qabaan in waxaasi dhalanteed iyo ”huuwaya, huuwayada” caruurta lagu seexiyo la mid yihiin, oo ilaa la helo dawlad adag oo dalkoodhan ku fidisa haybadeeda dawladnimo aanay taasi suuroobi doonin.

Ugu danbayntii waxay dadku dareen xooggan ka qabeen cudur dilaa ah oo dayrtaan ku dhacay geela. Sida laga soo warinayo reer baadiyaha cudurku maaha mid ay yaqaaniin oo waa ku cusub yahay. Geelu isaga oo aan wax calaamado jiro ah laga dareemin ayuu hal mar soo dhacayaa oo maydayaa!! Intii aan joogay waxaan ogaa wasaaradda xannaanada xoolaha iyo beeraha oo ku dadaalaysa sidii ay dhakhaatiir ugu diri lahayd aagagga laga sheegay oo ahaa Mudug iyo Sool.

Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey!

Qaybta 3aad

Qof walba oo aqoon jiray waddadii quruxda badnayd ee Shiinuhu dhisay, ma rumaysan karo maanta marka uu indhihiisa ku arko sida ay noqotay. Waddadaa oo ah halbowlaha nolosha dadka, gebi ahaanba waa xaaqantay, inta ka noolna waa wada god iyo boholo!. Galkao-Garowe oo loo socon jiray 4 saac maanta waxaad u soconaysaa ilaa 6 saac, waxaadna safarka dhamaysanaysaa iyadoo labada kelyood bannaanka kuu soo bexeen!!. Baabuurku seed kuma socdo oo marba dhinac buu kula aadayaa! Wuxuu raadinayaa darawalku meel uu afarta shaag dhigo! Marba god ayuu ka leexanayaa mararka qaarna wadada ayuuba ka degayaa si uu markale ugu soo dhoco!

Cajiib! Dadkii gaariga ila saarnaa ayaan weydiiyey su’aal; ”madaxda Puntland miyaanay waddadaan marin? Mise magaalooyinka diyaaraday u raacaan?” Nin kursiga gadaale fadhiyey ayaa qoslay oo ii jawaabay ” walaal way maraan laakiin waxay ku maraan Laylo Calawi-Land cruiser Somalia caan ka ah”.

Cajiib! Waxaan weydiiyey waxa ay baabuurta kale uga duwan tahay. Intuu markale qoslay buu yiri ”Moolooyin-springs ayey leedahay oo nimanku saalitada ma dareemaan!”

Inta aad waddada hayso waxaad arkaysaa baabuur badan oo la banjarinayo, kuwo gaddoomay iwm. Naf ka sokow waddadu waxay khasaare dhaqaale oo ba’an ku haysaa reer Puntland. Sii socodkaygii Galkao-Garowe, waxaan la kulanay shil dhacay saacado ka hor. Baabuur ayaa gaddoomay dhaawiciina waxaa loola cararay Buurtinle oo goobta magaalo ahaan ugu dhaweyd, baabuurkana wiilal baa ilaalinayey.

Naxdintii ugu weyneyd waxaan la kulmay soo noqodkaygii Garowe-Galkao. Meel u dhaxaysa Tuulo Buuryaqab iyo Bacaadweyn ayaan ku soo baxnay shil isla waqtigaa dhacay oo aan cidina nooga soo horrayn. Hal mar ayaan baabuurkii ka daadanay si aan u bad-baadino wixii aan bad-baadin karno. Baabuur Markett 2 ah ayaa waddada ka baxay kaddib markii baabuur weyni isteerinka dhankiisa u soo gooyey!

Goobta shilka, baabuurka oo wadada ka baxay, qurac badan oo uu dhulka dhigay! Goobta shilka, baabuurkii oo laga soo saarayo haadaanta uu ku dhacay!
Goobta shilka, wiil yar oo afar bilood jira!

Baabuurka waxaa saarnaa ilaa 10 qof (6 kuraasta caadiga ah fadhiday iyo 4 ku jiray boosta kaanada!) iyo weliba ilmo yar oo dhabta lagu hayey!

Baabuurku si fiican ayuu u burburay rajadiisa danbena waa yartahay, laakiin Ilaahay mahaddii dadkii waa ka bad-baadeen. Laga bilaabo halka uu wadada ka baxay wuxuu dhulka dhigay ilaa 10 geed oo qurac ah!! Waxaa keliya oo gacanta dhaawac ka soo gaaray darawalkii oo ay usoo gashay laan qurac ah intii baabuurku is rogrogayey.

Sida kale dadku naxdin mooyee waxba ma gaarin. Way isu wada hambalyeeyeen iyagoo aaminsanaa in Ilaahay ugu gar-gaaray saqiirka 4 ta bilood jira ee baabuurka la saarnaa. Runtu waxay tahay in waddanku goor dhow kala googo’i doono haddii aan waddadaa la badbaadin.

Abdulkadir Ali Salad
abdulkadir.salad@glocalnet.net


Dagaal ugu noqon page hore e Mudugonline.com
contact: webmaster@mudugonline.com