|
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA
Waxaan
jeclahay inaan akhristayaasha, siiba kuwa ah reer Ottawa, la
qaybsado daraasad ay sameeysay hay’adda Social Planning Council of
Ottawa
oo baareeysa xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dadka madow oo ku nool
Ottawa, ooy jaaliyadda Soomaalidu ka mid tahay. Daraasadaan oo soo
jiidatay dareenkayga ayaan rabaa inaan in yar wax ka tusaaleeyo.
Wax badan ayaan ka hadalnaa xaaladda dalkii hooyo ee murugsan,
waana gar in laga hadlo. Waxaase sidoo kale ka-hadal mudan
xaaladda qurbajoogga oo iyana walwalkeeda leh. Maqaalkaanina
arrintaas ayuu wax ka taabanayaa.
Daraasadaan oo dheer, waxaan ka soo qaadanaya inta sida gaarka ah u
khuseeysa Soomaalida Ottawa deggan. Daraasaddu waxay ku saleeysan
tahay xogtii laga helay tirakoobkii laga sameeyey dalka Kanada
sanadkii 2001. Sida la ogsoon yahay, waxaa ka dambeeyey tirakoobkii
2006 oo aan weli la lafagurin (shantii sano oo kastaba waxaa la
sameeyaa tirakoob).
Daraasadaas waxaa ka soo baxay sawir ah in dadka madoobi ay ku
jiraan dabaqada ugu hooseeysa ee bulshada reer Ottawa, taasoo awalba
la dareensanaa. Markii, dadka madow la sii kala qaaday, waxaa soo
baxay in Soomaalidu yihiin kuwa ugu sii liita oo galay darajada ugu
hooseeysa xag dhaqale iyo xag heer-nololeedba. Maxay taasi ku
dhacday waa su'aal aan u soo bandhigayo akhristayaasha oo aan ka
filayo jawabcelin.
Bilowga,
darasaaddu waxay tilmaan guud ka bixisay dadka madaw ee Ottawa.
Tilmaamahaas waxaa ka mid ah in dadka madow ay u badan yihiin
muhaajiriin soo galay wixii ka dambeeyey 1980, inay u badan yihiin
caruur iyo dhalin yaro, inay ku yaryihiin dadka dhammeeystay
jaamacadaha iyo inay u badan yihiin shaqaale ka shaqeeya meheradaha
wax-gadidda (sales) iyo adeegyo kale oo heerkoodu hooseeyo.
Tilmaamahaaoo dhan, haddaad u fiirsatid, Soomaalidu waa u badan
yihiin, waxaaba la oran karaa ayagaa saameeyn ku yeeshay tirakoobka.
Tirada
Soomalida ku nool Ottawa
Tirakoobku
wuxuu diiwaangeliyey in sandkii 2001 ay magaalada Ottawa deggenaayeen
34,645 ruux oo madow, taasoo Ottawa ka dhigtay magaalada saddexaad
ee madawgu ugu badan yihiin, iyadoo kaalinta kowaad iyo
labaadna ay kala galeen magaalooyinka Toronto iyo Mississauga.
Xagga Soomaalida, Ottawa waa magaalada labaad ooy ugu badan yihiin
Soomaalidu, iyadoo ay Toronto tahay magaalada koowaad.
Tirakoobka
rasmiga ahi wuxuu tilmaamayaa in sanadkii 2001 ay Ottawa ku noolayeen
8,280 ruux oo Soomaali ah (fiiri shaxda koowaad), waana jaaliyadda
ugu badan markii la isku qaado dadaka madow oo idil. Haseyeeshe,
tirada aan rasmiga ahayn waxay male-awaaleeysaa in 15,000 ila
18000 oo Soomaali ah ay Ottawa ku nool yihiin. Aalaaba,
waxaa jira farqi u dhexeeya tirada rasmiga ah oo tirakoobkyada
dowladuhu soo saaraan iyo tirada aan rasmiga ahayn ee la isla
dhexmaro. Bil matal, tirakoobkii 2001 wuxuu diiwaangeliyey in
33, 725 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dalka Kanada, waxaase lagu
qiyaasaa tirada Soomaalida Kanada ilaa 120,000 oo qof. Sidoo kale,
tirakoobka rasmiga ah ee Ingiriiska (U.K.) ee sanadkii 2001 wuxuu
tilmaamayaa in 43,691 ruux oo Soomaali ah carrigaas degganyeen
taariikhdaas, waxaase la qiyaasaa 150,000 oo Soomaali ah inay
dalkaas ku nool yihiin.
Shaxda
1: Bulshooyinka madow ee ugu badan Ottawa
|
Bulshada |
Tirada |
|
Somali |
8,280 |
|
Jamaican |
5,775 |
|
Haitian |
4,610 |
|
Ethiopian |
1,625 |
|
West
Indian |
1,310 |
|
Eritrean |
890 |
Shaqo-la’aanta
haysata Soomaalida Ottawa
Heerka
shaqo-la’aantu (unemployment rate) wuxuu muujinayaa qaybta dadka
awoodi kara inay shaqeeyaan, raadinaya shaqo, haseyeeshee
shaqo-la’aan ah. Sida ka muuqata shaxda labaad, heerka shaqo-la’aanta
Soomaalida ayaa ah kan ugu sareeya, markii la barbardhigo bulshooyinka
kale oo idil. Guud-ahaan dadka midabka leh ee laga tiro badan
yahay (visible minority) siiba dadka madow ayeey shaqo la’aantu
ku badan tahay sida shaxduba muujinayso, taasoo loo aaneynayo
midab takoor. Laakiinse xaaladda shaqo-la’aaneed ee Soomalida
haysata ayaa ah tan ugu daran. Wuxuu tirakoobku ina tusaya in
21.2% Soomaalidu ay camal la’aan yihiin. Markii la sii kala qaadana
dumarku ugu daran yihiin iyadoo 25.9% shaqo la’aan yihiin. Haddaan
tusaale u soo qaadanno heerka shaqo-la’aanta ee Ottawa oo dhan
wuxuu sanadkii 2001 isku-celcelis ahaa qiyaas 5.7%.
Shaxda 2: Heerka shaq-la’aanta (unemployment
rate)
|
Bulshada |
Rag
iyo dumar |
Dumar |
Rag |
|
Somali |
21.2 |
25.9 |
17.1 |
|
Pakistani
|
16.6 |
21.5 |
14.2 |
|
Arab
(kala duwan) |
16.2 |
19.7 |
14.4 |
|
African
(kala duwan) |
13.6 |
16.7 |
11.1 |
|
Haitian |
13.6 |
15.9 |
11.4 |
Dakhliga
Shaxda saddexad waxay muujinaysaa dakhliga dhexdhexaadka ah
(median) ee soo gala bulshooyinka qaarkood. Mar kale, waxaan arkeeynaa
in dadka midabka leh ay ugu liitaan bulshada, Soomaaliduna kuwaas
ka sii liitaan. Sida ka muuqata shaxda, dakhliga dhexdhexaadka
ah ee Soomaalida Ottawa soo galay sanadkii 2001 wuxuu ahaa ($11,500),
waana kan ugu hooseeya markii loo fiiriyo dakhliga bulshooyinka
kale.
Dakhliga hooseeya waxaa sababaya shaqo-la’aanta, dadka intooda
badan oo ku shaqeeya waqti-dhimman (part-time) iyo mushaharooda
oo yar.
Shaxda
3: Dakhliga (median income)
|
Bulshada |
Dakhliga |
|
Somali |
$11,500 |
|
Arab
(kala duwan) |
$12,000 |
|
Haitian
|
$15,000 |
|
Latin
American |
$17,000 |
|
African
(kala duwan) |
$17,000 |
|
Norwegian |
$36,000 |
|
Ukrainian
|
$33,500 |
|
Welsh
|
$33,500
|
Saboolnimada
Hay’adda Tirakoobka Kanada (Statistics Canada) waxay sanad
walba soo saartaa waxa loo yaqaan “Low income Cut off” oo ah halbeegga
ama cabbirka lagu qiyaaso saboolnimada. Haddi si kale loo dhigo
waa dakhliga ugu yar oo qofku ama xaasku si mustakafi ugu noolaan
karo, hadduu hoos uga dhacana uu ku sifoobayo sabool ama faqiir.
Bil matal, sandkii 2000 xaaskii ka kooban hal qof wuxuu ugu yaraan
u baahnaa dakhli dhan $18,371, labadii qofna $22,964, saddexdii
qofna $28,560 iwm. Intaas qofkii ama qoyskii dakhligoodu ka hooseeyo
waa sabool. Haddii cabbirkaas la qaato, waxaa soo baxaya
in 64% Soomaalida Ottawa ay ka hooseeyaan heerkii dakhli ee la
rabay, sidaas daradeedna ku nool yihiin nolol faqri ah (fiiri
shaxda afraad).
Shaxda 4: Saboolnimada
|
Bulshada |
Heerka |
|
Somali |
61.4 |
|
Arab
(kala duwan) |
51.4 |
|
Haitian
|
49.7 |
|
African
(kala duwan) |
35.5 |
|
Lebanese |
31.1 |
|
Norwegian |
3.8 |
|
Austrian |
3.9 |
|
Swedish
|
4.2 |
Gabagabo
Tirakoobkaani
wuxuu ku ekaa magaalada Ottawa oo keliya. Waxase la oran karaa
sawirka uu ka bixiyey Soomaalida Ottawa waxaa la wadaaga Soomaalida
Kanada oo dhan. Bal waxaa la oran karaa waxaa la wadaaga Soomaalida
qurbajoogga ah oo idil. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Soomaalida
ku nool Great Britain. Xogwarran laga soo saaray carriga Ingiriiska
ayaa qoraya in 71% Soomaalidu ay camal la’aan yihiin ooy ku tiirsan
yihiin kaalmada dawladda. Sidoo kale, daraasad
laga soo saaray dalka Denmark ayaa iyana tilmaameysa in 45.2%
Soomaalidu shaqo la’aan yihiin, tiradaasoo ah tan ugu badan xagga
shaqo-la’aanta.
Su’aasha aan haddaba akhristayaasha u soo jeedinayo waxay tahay,
maxaa ina ka reebay jaaliyadaha intooda kale oo sababay inaan
ugu liidanno bulshooyinka markii laga fiiriyo xagga shaqada, dakhliga
iyo heerka nolosha?
W/Q:
Mohamed Dalmar
mdalmar@sympatico.ca
The Black Community of Ottawa: An
Analysis of the 2001 Census Data to Gauge Inequality.
A
Study by the Ottawa Social
Planning Council, commissioned by the Catholic Immigration
Centre and sponsored by the Community Foundation of Ottawa
Britain’s_Immigrants,
An_economic_profile.
A report for Class Films and Channel 4 Dispatches
September 2007. Institute for Public Policy Research.
Qoraaladdii hore ee Mohamed Dalmar
|