|
SUUBBANEHEENNII
MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!!
Nabi Muxammad (SCW)
wuxuu guud ahaan guursaday saddex iyo toban (13) haween
ah. Saddex iyo tobankaas wuxuu la gogol galay koow iyo toban kamid
ah. Labada haweenka ahe aanu la gogol gelini waxay kala ahaayeen:
Asmaa’ bintu Nucmaan Al-Kindiya
iyo Camra bintu Yaziid Al-Kilaabiya
(Juuniya). Koow iyo tobanka
uu la gogol galay laba kamid ahi waxay dhinteen isagoo nool waana
Khadiijo iyo Zaynab
bintu Khuzayma. Tiradii ugu badnayd ee uu isku mar
qabay waxay ahayd sagaal haween ah, sagaal isagoo qaba ayuuna
geeriyooday. Rayxaana bintu Zayd
Al-Nadariya iyo Maariya
Al-Qibdhiya labadaas haween iyaga xaasaskiisa laguma
darin, maxaa yeelay xor may ahayn oo waa loo hibeeyay.
Haddaba su’aasha dad badan oo ama gaalo ah amaba muslimiinta aqoontooda
xagga diinta islaamku aanay xeel dheerayni is weydiinayaan waxa
weeye: Maxay tahay sababta annaga muslimiinta ah afar dumar ah
naloogu banneeyay, suubbaneheennii Muxammad (SCW)
ahaana sagaal isku mar u qabay?.
Si aynu su’aasha uga jawaabno bal aynu marka hore eegno waqtiyadii
uu Nabigu (SCW) dumarka
intaas le’eg guursaday iyo sidii uu mid waliba ku guursaday.
1-
KHADIIJA
Haweenkii nabi Muxammad (SCW)
waxa ugu horraysay Khadiija bintu Khuwaylid (RC), oo uu guursaday
markuu sanadku ahaa 595 Miilaadiga. Nabigu (SCW)
markuu Khadiijo (RC) guursanayay wuxuu jiray 25 sano,
iyaduna waxay ahayd afartan jir. Khadiija (RC) intaanu Nabigu
(SCW) guursan waxa hore
usoo guursaday laba nin waxayna usoo dhashay isku dar saddex carruur
ah.
Khadiija (RC) waxay Nabiga (SCW)
u dhashay carruurtiisa oo dhan, intaan Ibraahim ka ahayn,
isagase waxaa dhashay Maariya Al-Qibdhiya. Carruurtiisa ay Khadiijo
dhashay waxay kala ahaayeen: Al-Qaasim, Zaynab, Ruqiyo, Ummu Maltuum,
Faadumo iyo Cabdullaahi. Khadiijo (RC) waxay geeriyootay 620kii
Miilaadiga, keddib markuu Nabigu (SCW)
25
sano qabay. Waxay ka geeriyootay isagoo 50 jir ah, iyaduna ay
markaas 65 jir tahay, 25 kaas sano ee uu qabayna dumar kale lama
aanu guursan.
2-
SAWDA bintu ZAMCA
Sawda
bintu Zamca bin Qays (RC) waxa Nabiga
(SCW)
hortiis qabi jiray nin ina adeerkeed saxaabi aad u wanaagsan ahaa
oo la oran jiray Sakraan bin Camr lana dhashay saxaabi kale oo
aad u qiima badnaa waa Suhayl bin Camr (RC).
Sakraan wuxuu kamid ahaa Asxaabtii Nabiga (SCW)
ee dhulka Xabashida u haajirtay bishii Sabbuux (Rajab),
sanadkii shanaad ee Nabinnimada. Sakraan markuu Makka kusoo noqday
intaan Madiina loo haajirin buu dhintay, Sawdana wax carruur ah
umay dhalin.
Geeridii Sakraan keddib, waxaa Sawda guursaday Nabiga
(SCW) bishii
Soon-fur ee sanadkii tobnaad ee Nabinnimada, waana isla sanadkii
ay Khadiija (RC) geeriyootay. Sawda (RC) Nabiga
(SCW) oo
qaba bay da’ noqotay. Waxay markaas ka codsatay in habeenkeedana
ay Caa’isha (RC) ku wareejiso iyadana uu iska haysto, si ay Aakhiro
xaaskiisa u noqoto, waanu ka yeelay.
3-
CAA’ISHA
Nabigu
(SCW)
wuxuu
guurkii Sawda (RC) hal bil kaddib guursaday Caa’isha (RC). Caa’isha
waxaa dhalay Abuubakar Al-Siddiiq (Cabdullaahi ibnu abii Quxaafa)
(RC), hooyadeedna waxay ahayd Ummu Ruumaan bintu Caamir Al-Kinaaniya.
Caa’isha waxay dhalatay sanadkii siddeedaad ama kii sagaalaad
ee Hijrada kahor, kuna beegnaa 613 ama 614 Miilaadiga, ayadoo
yar bayna islaantay. Haween gabar ah oon iyada ahayn Nabigu
(SCW)
ma
guursan.
4-
XAFSA
Bishii Soon-dheere (Shacbaan), sanadkii 3aad ee Hijrada Nabigu
(SCW) wuxu guursaday
Xafsa bintu Cumar binul Khadhaab (RC) kaddib markuu ninkii qabi
jiray ka dhintay, Ciddadii ay tirsanaysayna u dhammaatay.
Xafsa waxaa qabi jiray Khunays bin Xudaafa Al-Sahmi lana dhashay
Cabdullaahi ibnu Xudaafa (RC), oo isagu ahaa ergaygii Nabigu
(SCW) uu u diray boqorkii
Faaris, Kisraa. Khunays wuxu kamid ahaa dadkii diinta ugu soo
horreeyay, dhulka Xabashidana u haajiray, Xafsana way la haajirtay.
Markuu Madiina kusoo noqday wuxuu ka qaybgalay dagaal weynihii
Badar, kaddibna dagaal weynihii Uxud, wuxuna u dhintay dhaawac
dagaalkaas kusoo gaaray.
Markuu Khunays dhintay, Xafsana ay garoob noqotay, ayuu Cumar
u bandhigay Abuubakar inuu guursado. Abuubakar uma aanu jawaabin
oo wuu ka aamusay. Markaas buu misana Cismaan bin Caffaan oo ay
ka dhimatay Ruqiyo, gabadhii Nabiga (SCW)
u bandhigay. Cismaan wuxuu Cumar ku yiri: "Ma doonayo inaan
hadda guursado".
Cumar (RC) oo cara ah baa markaas Nabiga (SCW)
u tegay. Nabigu (SCW)
wuxuu Cumar ku yiri: "Xafso
waxaa guursanaya mid Cismaan ka khayr badan, Cismaanna wuxu guursanayaa
mid Xafsa ka khayr badan". Qofka Cismaan bin Caffaan
ka khayr badan oo Xafsa guursaday waa Nabiga (SCW).
Qofka Xafsa ka khayr badan oo Cismaan guursadayna waa Ummu Kaltuum,
gabadhii Nabiga (SCW).
Nabigu (SCW) wuxuu Xafsa
guursaday sanadkii saddexaad ee Hijrada, markii laga soo noqday
dagaalkii Uxud.
5-
ZAYNAB bintu KHUZAYMA
Zaynab bintu Khuzayma binil Xaarith Al-Hilaaliya (RC), waxaa lagu
naynaasi jiray "Hooyadii Masaakiinta". Waxaa naynaastaas
loogu bixiyay ayadoo masaakiinta raashin siin jirtay, sadaqo bixintana
ku dheerayd. Nabigu “SCW”
wuxuu Zaynab guursaday sanadkii saddexaad ee Hijrada.
Nabiga (SCW) hortiisa waxaa
Zaynab qabi jiray nin Nabiga (SCW)
ina adeerkiis ahaa oo
la oran jiray Cubayda ibnul Xaarith ibnu Cabdul-Mudhalib bin
Cabdi Manaaf kuna shahiiday dagaalkii Badar. Zaynab waxay
Nabiga (SCW) u dhaxday
muddo gaaban (laba ama saddex bilood) kaddibna way dhimatay.
6-
UMMU SALAMA
Sanadkii afaraad ee Hijrada, Nabigu (SCW)
wuxuu guursaday Ummu Salama. Magaceedu wuxuu ahaa Hinda
bintu abii-Umaya bin Mughiira Al-Makhzuumiya.
Nabiga
(SCW)
kahor
Ummu
Salama waxaay u dhaxday Abuu Salama (Cabdullaahi) bin Cabdul Asad
Al-Makhzuumi. Abuu Salama waxaa dhashay Nabiga (SCW)
eeddadiis
Barra bintu Cabdul Mudhalib. Tiiyoo jirta ayuu misana Nabiga
(SCW)
iyo
Xamza ibnu Cabdul Mudhalib walaal ugu ahaa xagga nuugmada. Waxaa
saddexdaba nuujisay islaan jaariyad u ahayd Nabiga
(SCW)
adeerkiis,
cadawgii Alle Abuu-Lahab, lana oran jiray Thuwayba.
Ummu
Salama iyo ninkeedu waxay kamid ahaayeen Muhaajiriintii ugu horraysay
ee dhulka Xabashida u haajirtay, kaddibna markay Makka kusoo noqdeen,
misana Madiina u haajirtay. Abuu Salama wuxuu ka qaybgalay Badar
iyo Uxud. Dagaalkii Uxud waxaa kasoo gaaray dhaawac, dhaawacaas
buuna goor dambe bishii Boqol-Soon (Jamaadul-Aakhir), sanadkii
4aad ee Hijriga u geeriyooday.
Ummu
Salama waxay Abuu Salama u dhashay; afar carruur ah. Markuu Abuu
Salama geeriyooday, waxaa guursaday Nabiga (SCW)
bishii
Soon-fur ee isla sanadkaas.
7-
ZAYNAB bintu JAXSHI
Nabigu (SCW)
wuxuu guursaday Zaynab bintu Jaxshi bin Ria’b Al-Asadiya, bishii
Safar, sanadkii shanaad ee Hijrada, una dhigantay bishii Juun,
626kii. Zaynab hooyadeed waxay ahayd Umayma bintu Cabdil-Mudhalib,
Nabiga (SCW) eeddadiis.
Nabiga (SCW) hortiis waxaa
Zaynab qabi jiray, oo furay, Saxaabigii la oran jiray Zayd binul
Xaarith bin Shuraxbiil Al-Kalbi (RC). Zayd binul Xaarith, isagoo
8 jira bay haweentii Nabiga (SCW)
Khadiija bintu Khuwaylid (RC) oo iyadu lahayd ay Nabiga
u hibaysay. Markaas intuu xoreeyay, buu korsaday. Arrintaasi Nabinnimada
way ka horreysay. Markuu korsaday buu sida carabtii jaahiliga
oo islaamka ka horraysay dhaqan u ahayd, iminkana adduunka aan
islaamka ahayn looga dhaqmo, wuxu qaatay magaciisa, waxana loo
bixiyay Zayd ibnu Maxamed.
Zayd oo sidaas wiilkiisii u ah buu Nabigu (SCW)
wuxuu u guuriyay ina eeddadiis Zaynab bintu Jaxshi. Markuu Nabigu
(SCW) Zaynab u doonay
inay guursato way diidday. Markaas buu Eebbe Subxaanahu watacaalaa
wuxuu soo dejiyay Aayaddan:
{وَمَا كَانَ
لِمُؤْمِنٍ
وَلَا مُؤْمِنَةٍ
إِذَا قَضَى
اللَّهُ وَرَسُولُهُ
أَمْرًا أَن
يَكُونَ لَهُمُ
الْخِيَرَةُ
مِنْ أَمْرِهِمْ
وَمَن يَعْصِ
اللَّهَ وَرَسُولَهُ
فَقَدْ ضَلَّ
ضَلَالًا مُّبِينًا}
{سورة الأحزاب:
36}.
(Uma bannaana Mu'min iyo Mu'minad
toona hadday Eebbe iyo Rasuulkiisu tala go'aamiyaan inay arrinkooda
kala doortaan, Ruuxiise Eebbe iyo Rasuulkiisa ku gacan sayraa
lumid cad buu lumay) (Suurat Al-Axzaab: 36).
Zaynab waxay ahayd islaan kulul, markayse Aayaddaasi soo degtay
way isdhiibtay, Zayd baana guursaday. Zaynab hadday jirkeedii
dhiibtay, way ku adkaatay inay qalbigeeda dhiibto, mana aanay
jeclayn inay Zayd xaas u noqoto. Sidaas darteed, way qiimayn weyday,
wayna tixgelin weyday. Muddo keddib, Zayd (RC) wuu kari waayay,
wayna ku adkaatay inuu Zaynab lasii noolaado, kaddibna wuu furay.
Zayd markuu furay, ciddadeediina dhammaatay waxaa guursaday Nabiga
(SCW).
Kaddib
markuu Zayd ibnul Xaarith furay in Nabigu (SCW)
Zaynab
guursaday Xikmadda ku jirtay waxay ahayd inu Eebbe baabi’iyo dhaqankii
xumaaye waagaas jirtay, iminkana dadyowga aan muslinka ahayni
ku dhaqmaan, taas oo diidaysay in haweenayda uu guursado, kaddibna
furo wiil lasoo korsaday laga daba guursado.
Guurkaas
uu Nabigu (SCW)
Zaynab
guursaday markuu Zayd furay kaddib, ayaa lagu sharciyeeyay in
guurkaas oo kale uu xalaal yahay. Eebbe Subxaanahu watacaalaa
isagoo sii caddaynayana wuxuu Qur’aankiisa ku leeyahay:
{مَّا كَانَ
مُحَمَّدٌ
أَبَا أَحَدٍ
مِّن رِّجَالِكُمْ
وَلَكِن رَّسُولَ
اللَّهِ وَخَاتَمَ
النَّبِيِّينَ
وَكَانَ اللَّهُ
بِكُلِّ شَيْءٍ
عَلِيمًا}
{سورة الأحزاب:
40}.
(Maxamed
Aabbe uma ahayn
nin raggiinna kamid ah,
laakiin waa Rasuulkii Alle iyo Nabiyada kii u dambeeyay, Allena
wax walba waa ogyahay) (Suurat
Al-Axzaab: 40).
Arrintaan
ubad aadan dhalin wiil ama gabar ka dhigashada ah waxaa Afka Ingiriisiga
lagu yiraahdaa Adoption, Afka Carabigana Tabanni. Ilmaha caynkaas
ah oo sidaas magacaaga lagu siiyo diinta islaamku ma oggola. Eebbe
Subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay:
{ادْعُوهُمْ
لِآبَائِهِمْ
هُوَ أَقْسَطُ
عِندَ اللَّهِ}
{سورة الأحزاب:
5}.
(Ugu yeera
ilmahaas Aabbayaalkood sidaas baa Alle agtiisa ku caddaalad badane)
(Suurat
Al-Axzaab: 5).
Diinta
islaamku waxay qabtaa in dadka masaakiinta ah la gargaaro, gaar
ahaan agoonta, hase yeeshee lama siin karo magac aan ahayn aabbihii
dhalay, mana uu dhaxli karo, maxaa yeelay dhab ma aha oo ma uusan
dhalin. Markay Aayaddaasi soo degtay kaddib, waxaa Zayd loogu
yeeri jiray Zayd ibnul Xaarith. Xaarith wuxuu ahaa aabbihii runta
ahaa ee Zayd dhalay.
8-
JUWAYRIYA bintul XAARITH
Bishii Soon-dheere (Shacbaan), sanadkii lixaad ee Hijrada, una
dhigantay Diseembar 626kii, Nabigu “SCW”
wuxuu guursaday Juwayriya bintul Xaarith ibnu Abii-Diraar Al-Khuzaaciya.
Waxay kamid ahayd dadkii reer Khuzaaca ee maxaabiis ahaanta loogu
soo qabsaday dagaalkii Banii Musdhaliq. Nabiga”SCW”
hortiis waxaa qabi jiray nin la oran jiray Musaafic bin Safwaan
Al-Musdhaliqi, waxaana Musaafic lagu dilay dagaalkaas.
Markii dagaalkaas laga soo noqday oo Madiina lagu soo noqday Nabigu
“SCW” maxaabiistii asxaabta
ayuu u qaybiyay, waxaana islaantaas saami ahaan u helay Saxaabigii
Thaabit bin Qays bin Shammaas Al-Ansaari. Thaabit bay markaas
ku tiri: "Ii sheeg qiimaha aan isku furanayo". Wuxuu
u sheegay inay sagaal Wiqiyadood (dahab ah) isku furan karto.
Markaas bay Nabiga”SCW”
u tagtay, kana codasatay inuu siday madaxeeda u furan lahayd ka
caawiyo. Qiimihii lagu sheegtay ayuu ka bixiyay isagaana guursaday.
Markay asxaabtii guurkaas maqleen bay waxay dheheen: "Ma
Rasuulka Alle seediyaalkiis baa la addoonsanayaa!". Markaas
bay wax allaale wixii reer Banii Musdhaliq gacantooda ku jiray
wada xoreeyeen. Waxa madaxeeda sidaas loogu xoreeyay boqol qoys
oo xigtadeeda ah.
9-
UMMU XABIIBA bintu ABII SUFYAAN
Ummu Xabiiba magaceedu wuxuu ahaa Ramla bintu Abii Sufyaan (Sakhar)
bin Xarb bin Umaya, waxayna la dhalatay Saxaabigii weynaa Mucaawiye
ibnu Abii Sufyaan (RC). Hooyadeed waxaa la oran jiray Safiya bintu
Abil-Caas. Waxaa Ummu Xabiiba loogu bixiyay gabadheeda oo magaceedu
ahaa Xabiiba bintu Cubaydillaahi bin Jaxshi.
Ummu Xabiiba waxay kamid ahayd Muhaajirintii koowaad ee uu Nabigu
“SCW” dhulka Xabashida
u diray, kaddib markii Makka lagu dhibay. Waxay raacday ninkeedii
hore Cubaydillaahi bin Jaxshi Al-Asadi. Cubaydillaahi isagoo dulka
Xabashida jooga ayuu diinta Islaamka ka baxay wuxuna noqday Kirishtaan,
halkaas buuna ku dhintay.
Markaas keddib boqorkii Xabashida Najaashi oo isagu asxaabtii
u haajirtay si fiican usoo dhoweeyay ayuu Nabigu “SCW”
farriin u diray uu uga codsanayo inuu Ummu Xabiiba
u guuriyo. Boqor Najaashi markay farriintaasi gaartay, wuxuu Ummu
Xabiiba waydiiyay inay sheegato qofka wakiil ka noqonaya, markaas
bay wakiilatay Khaalid bin Saciid binul-Caas (RC). Boqorkii baa
markaas Nabiga”SCW” wakiil
ka noqday Ummu Xabiibana u doonay, Khaalidna wuu bixiyay, sidaas
baana loogu nikaaxay.
Abuu Sufyaan bin Xarb oo ah Ummu Xabiiba aabbeheed, markuu arooskeedii
yimid wuxuu yiri: "Ninkaan ragannimada buuxda iyo sharafta
leh lama xumayn karo". Markaas uu sidaas leeyahay waa gaal,
waana intuusan islaamin kahor. Sababta Nabigu “SCW”
Ummu Xabiiba uu u guursaday waxay ahayd, isagoo doonayay inuu
aabbeheed Abuu Sufyaan oo madaxda Quraysh kamid ahaa, usoo duwo
diinta Islaamka.
10-
SAFIYA bintu XUYAY
Safiya bintu Xuyay bin Akhdhab Al-Nadariya oo yahuudiyad ahay,
Nabiga”SCW” hortiis waxaa
qabi jiray nin yahuudi ahaa oo la oran jiray Sallaam bin Mishkam,
wuuna furay ninkaasi. Sallaam kaddib waxaa guursaday nin la oran
jiray Kinaana binul Rabiic bin Abil-Xuqayq. Labadaas ninba waxay
ahaayeen gabyaa Yahuud ah. Kinaana waxaa la dilay maalintii Khaybar
la furtay, sanadkii 7aad ee Hijrada, una dhigantay 628kii,
isagoo weli Safiyo qaba. Safiyo waxay kamid ahayd dadkii dagaalkaas
Khaybar lagu qabsaday. Nabiga”SCW”
ayaa intuu naftiisa u doortay, xoreeyay, dabeetana guursaday.
Safiyo inkastoo ay laba guur oo hore soo martay, haddana markuu
Nabigu “SCW” guursanayay
waxay jirtay 17 sano oo qura.
11-
MAYMUUNA bintul XAARITH
Bishii Sidataal (Dul-Ciqda), sanadkii 7aad ee Hijrada, una dhigantay
Febraayo 629kii, Nabigu “SCW”
wuxuu guursaday Maymuuna bintul Xaarith Al-Hilaaliya oo kasoo
jeedday reer Hilaal bin Caamir bin Sacsaca. Wuxuu guursaday kolkuu
Cimradii qallada ahayd gutay, xalaalna ka noqday.
Maymuuna Nabiga”SCW” hortiis,
waxaa waqtigii Jaahiliga guursaday Abuu Sibra Al-Caamiri, kaddib
markuu furayna waxaa guursaday Abuu Ruhum bin Cabdil Cuza. Abuu
Ruhum markuu dhintayna Nabiga”SCW”
ayaa guursaday, waxayna ahayd haweenaydii ugu dambaysay ee uu
Nabigu “SCW” la aqalgalay.
DOOD!!
Qofka noloshii Nabiga”SCW” il
quman ku eegaa wuxu ogaanayaa in guursiga uu tirada intaas le'eg
ee dumarka ah guursaday, weliba kaddib kolkuu konton jir dhaafay
aanu ahayn mid uu raaxo iyo dumar jacayl ugala jeeday. Nabigu“SCW”
wuxuu Khadiija bintu Khuwaylid (RC) guursaday isagoo 25 jir ah,
iyadoo markaas 40 jir ahoo seddax carruur ah wadata, laba ninna
ay hortiis soo furtay. Wuxuu Khadiija keligeed qabay 25 sano,
haween kalena lama aanu guursan ilaa ay ka geeriyootay. Markii
ay Khadiija (RC) geeriyootay kaddib dumarka uu guursaday gebigood
waxay ahaayeen wada Garoobbo Caa'isha bintu Abiibakar (RC) mooyaane.
Haddaba muxuu tirada intaas le’eg u guursaday?
Haddaynu si kooban uga hadalno, sababaha uu Nabigu “SCW”
tirada intaas le’eg ee dumarka ah u guursaday waxaynu u
kala qaadaynaa laba qaybood:
Qaybta koowaad:
Xariirin iyo samafal:
Nabigu “SCW” wuxuu gabdho
ka guursaday Abuubakar Al-Siddiiq iyo Cumar ibnul Khadhaab (RC)
si uu ula xidido xiriirkoodana u adkeeyo, maadaama ay Wasiirkiisii
koowaad iyo kii labaad kala ahaayeen, Diinta fidinteedana kaalin
weyn ka qaadanayeen. Waxaa kaluu gabdhihiisa u guuriyay Cismaan
ibnu Caffaan iyo Cali ibnu Abii-Dhaalib (RC) oo iyaguna Wasiirradiisii
saddexaad iyo afaraad kala ahaa.
Maadaama ay Carabtu Xididnimada aad u qiimayn jirtayna wuxuu Ummu
Salama ka guursaday reer banii Makhzuum oo Abuu-Jahal ibnu Hishaam
iyo Waliid ibnu Mughiira (Khaalid ibnu Waliid aabbihiis) jilibkooda
ahaa. Waa labadii ugu darnayd ee diinta islaamka kasoo horjeedday.
Kaddib markuu Nabigu “SCW”
Ummu Salama guursaday,
Khaalid Islaamka uma aanu dhibin siduu Uxud ugu dhibay, heshiiskii
Xudaybiya waxyar kaddibna waabu islaamay. Waxa kaloo xusid mudan
in Ummu Salama uu ka dhintay Abuu Salama (RC) oo kamid ahaa Asxaabtii
Nabiga “SCW” ayna
dhashay Nabiga”SCW” eeddadiis.
Haddaba si uu u koriyo carruurta Saxaabigaas, una xariiriyo qaraabannimadaas
ka dhaxaysa ayuu Ummu Salama u guursaday.
Sidoo kale Nabigu “SCW” wuxuu
guursaday ina Abuu Sufyaan (Ummu Xabiiba). Abuu Sufyaan oo kamid
ahaa madaxdii iyo asharaaftii Quraysh wuxuu Nabigu “SCW”
doonayay inuu usoo duwo dhanka diinta Islaamka, amaba ugu yaraan
shartiisa ka nabad galo, maadaama uu la xididay. Abuu Sufyaan
guurkii gabadhiisa kaddib ma uu dhibi jirin Nabiga”SCW”
ilaa uu goor dambe islaamay.
Dumarkii kale ee uu Nabigu “SCW”
guursaday haddaynu dib u baarno, waxaynu arkaynaa inay badankoodu
ahaayeen dumar uu u samafalayay ooy rag Asxaabtiisa kamid ahi
ka dhinteen, raggaas oo ku dhintay iyagoo diinta Alle fidinaya
ama dagaal gaalada kula jira. Bal eeg Sawda bintu Zamca (waxaa
ka dhintay Sakraan ibnu Camr oo kamid ahaa Asxaabtii ugu horraysay
ee dhulka Xabashida u haajirtay, markuu Makka kusoo noqdayna geeriyooday),
Zaynab bintu Khuzayma (waxaa ka dhintay Cabdullaahi ibnu Jaxshi
oo Nabiga “SCW” ina eeddadiis
ahaa, dagaal-weynihii Uxudna ku shahiiday) iyo Ummu Salama (waxaa
ka dhintay Abuu Salama oo Nabiga “SCW”
ina eeddadiis ahaa, una dhintay dhaawac dagaal-weynihii Uxud kasoo
gaaray).
Zaynab bintu Jaxshi (RC), ka sokoow inay Nabiga”SCW”
ina eeddadiis ahayde, waxaa kaluu Nabigu
“SCW” u guursaday inuu ku baabi'iyo dhaqankii xumaa
ee ay Carabtu islaamka kahor lahayd. Dhaqankaas oon hore uga soo
hadalnay si loo baabi'iyo, waxaa lama huraan ahayd Nabiga”SCW”
laftiisu inu fuliyo suu dadka horseed ugu noqdo, maadaama uu ahaa
dhaqan soo jireen ah, ayna adkayd in iska daaya lagu daayo.
Yuhuuddii reer banii Musdhaliq iyo reer banii Nadiir iyagana Nabigu
“SCW” wuu la xididay, wuxuna
ka kala guursaday Juwayriya iyo Safiya. Xididnimadaas kaddib labadaas
qolo way joojiyeen cadaawadii ay Nabiga”SCW”
iyo Islaamka u qabeen.
Waa taynu soo marnay in guurkaas Juwayriya uu Nabigu
“SCW” guursaday dartiis
ay Asxaabtu boqol Qoys oo xigtadeeda ah Maxaabiisna ahaa u xoreeyeen
maadaama ay Nabiga“SCW”
xididkiis noqdeen. Qoladaas badankoodii uu Juwayriya aabbeheed
ku jiraa kolkay arkeen sida wanaagsan ee loola dhaqmay way islaameen.
Qaybta labaad:
Amar Alle adeecid:
Shareecada islaamka marka laga eego, qofka muslinka ah waxa u
bannaan inuu afar haween ah isku mar qabi karo, ha yeeshee qaar
furi karo qaar kalena guursan karo. Sidaas darteed waxa laga yaabaa
in aad maqasho nin boqol dumar ah guursaday, kol haddaanu markiiba
afar ka badan qabayn. Haddaba Nabiga ”SCW”
asaga xaalkiisu kaas waa uu ka duwanaa oo markii hore waxa loo
tilmaamay inu guursado haween shuruudo gaar ah leh, loomana xaddidin
tiro go’an ee waxa u bannaanayd naag kasta oo shuruuddii Alle
u dhigay ka bixi karta. Bal ila eega Aayadda hoos ku qoran:
{يَا أَيُّهَا
النَّبِيُّ
إِنَّا أَحْلَلْنَا
لَكَ أَزْوَاجَكَ
اللَّاتِي
آتَيْتَ أُجُورَهُنَّ
وَمَا مَلَكَتْ
يَمِينُكَ
مِمَّا أَفَاء
اللَّهُ عَلَيْكَ
وَبَنَاتِ
عَمِّكَ وَبَنَاتِ
عَمَّاتِكَ
وَبَنَاتِ
خَالِكَ وَبَنَاتِ
خَالَاتِكَ
اللَّاتِي
هَاجَرْنَ
مَعَكَ وَامْرَأَةً
مُّؤْمِنَةً
إِن وَهَبَتْ
نَفْسَهَا
لِلنَّبِيِّ
إِنْ أَرَادَ
النَّبِيُّ
أَن يَسْتَنكِحَهَا
خَالِصَةً
لَّكَ مِن دُونِ
الْمُؤْمِنِينَ
قَدْ عَلِمْنَا
مَا فَرَضْنَا
عَلَيْهِمْ
فِي أَزْوَاجِهِمْ
وَمَا مَلَكَتْ
أَيْمَانُهُمْ
لِكَيْلَا
يَكُونَ عَلَيْكَ
حَرَجٌ وَكَانَ
اللَّهُ غَفُورًا
رَّحِيمًا
05}
{سورة الأحزاب:
50}.
(Nabiyahow, annaga Eebbaa waxaan
kuu bannaanaynay haweenkaaga aad siisay meherkooda iyo wixii ay
gacantaadu hanatay oo ah wixii Alle kuusoo celiyay (gaalada
aad ka furatay sida: Safiya bntu Xuyay iyo Juweyriya bintul Xaarith),
waxa kaloon kuu bannaynay: adeerkaa gabdhihiisa, eeddayaalkaa
gabdhohooda, abtigaa gabdhihiisa iyo habaryarahaa gabdhohooda
oo ah kuwii kula haajiray iyo naag kastoo mu’minad ahi hadday
nafteeda Nabiga u hibeyso, waase hadduu Nabigu doono inu guursado
waana xalaalayn adiga kuu gaar ahoo aanay mu’miniintu kula qabin
(mar haddaan weli, markhaati iyo mahar midna lagaa rabin),
waxana dhab ah in aan ognahay waxaan ku waajibinnay (mu’miniinta)
oo dumarka ay guursanayaan iyo jaariyadohooda ku saabsan (oo
ah inaysan afar haween ah ka badan guursan karin, weli iyo laba
markhaati iyo mahar la’aantoodna aanu guurkoodu ansaxaynin),
waxana arrintaas laguugu sahlay si aadan wax dhibaato ah ugala
kulmin, Eebbena waa mid dembi-dhaaf badan oo naxariis badan) (Suurat
Al-Axzaab: 50).
Eebbe wuxuu Nabiga ”SCW”
sidaas gaarka ah ugu banneeyay inu guursado dumarkii ay qaraabada
ahaayeen ee la haajiray iyo dumar kasta oo mu’minaad ahoo naftooda
u hibeeyay iyo weliba wixii gacantiisu hanatay iyadoon tiro loo
goyn.
Haddaba iyadooy sagaal dumar ahina u dhaxaan, labana ka dhimatay,
buu Eebbe hal mar amar kusoo rogay ah inuusan maanta wixii ka
dambeeya dumar dambe guursan karin ilaa uu ka dhinto. Waxa weliba
taas kasii daran isagoo la yiri xitaa ma beddeli kartid oo naag
kamid ah intaad furto booskeedii mid kale ma guursan kartid. Waa
sida isagoo la yiri: (intuu Alle kuugu talagalay Aakhirana dumarkaagii
Jannada ah waad qabtaaye dumar kale ka saar niyaddaada, wixii
addooma ahoo laguu hibeeyo mooyee).
Bal eega Aayaddan hoose:
{لَا يَحِلُّ
لَكَ النِّسَاء
مِن بَعْدُ
وَلَا أَن تَبَدَّلَ
بِهِنَّ مِنْ
أَزْوَاجٍ
وَلَوْ أَعْجَبَكَ
حُسْنُهُنَّ
إِلَّا مَا
مَلَكَتْ يَمِينُكَ
وَكَانَ اللَّهُ
عَلَى كُلِّ
شَيْءٍ رَّقِيبًا
25}
{سورة الأحزاب:
52}.
(Adiga (Nabiyoow) kuuma bannaana
hadda keddib naago oo dhami (sagaalkaas haweenka ahe nafafyaalkoodii
kuu hibeeyay eed qabto ee xaasaskaagii Jannada ah naag ka
dambeysaa kuuma bannaana cimrigaaga inta ka dhiman), inaad
naago kale ku beddeshaana kuuma bannaana xitaa haddii (kuwa
aad ku beddelaysaa) wanaaggoodu uu ku cajabiyo, wixii
gacantaadu hanato (aad yeelato oo addoomo kuu ah) mooyee,
Eebbena wax walba waa kii ilaaliya oo dusha kala socda) (Suurat
Al-Axzaab: 52).
Waxaan filayaa in aan ilaa xad ka jawaabay su’aasha dad badan
wareerisay ee ah Nabigu ”SCW”
muxuu sagaal haween ah u guursaday muslimiintana afar qura loogu
banneeyay??.
Diyaariye:
Sabriye Macallin Muuse
Minnesota – United States
sabkaxaaji@hotmail.com
|