Jenaraal Morgan oo la filayo
inuu yimaado magaalada Boosaaso. [Mudugonline, 4 Jun 2002]
Wararka naga soo
gaaraya deegaanka Baydhabo ayaa sheegaya in la filayo maalmaha soo socda
Jenaraal Maxamedc Saciid Xirsi Moorgan inuu socdaal howled ku yimaado
magaalada Boosaaso. Lama oga sababata socdaalka Moorgan uu ku saabsan
yahay, hase ahatee Afayeen u hadlay ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaq ku
wajahan sidii mar kale loo soo celin lahaa magaalada Kismaayo oo haatan
ay haystaan Isbahaysiga Doocxadda Juba.
Jenaraal Moorgan
ayaa Bilihii ugu danbeeyey qorsheynayey sidii uu mar kale duulaan ugu
qaadi lahaa deegaanka Kismaayo isagoo kal hore bishii Agosto ay qabsadeen
Ciidamadiisa, hase ahatee 24 saac kadib dib looga saaray. Socdaalkan
uu ku imanayo Je. Mooragan magaalada Boosaaso ayaa ah sida warar madaxbanaan
ay tilmaamayaan mid la xiriira Abaabul dhinacyo badan oo ku
wajahan magaalada Kismaayo.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Idaacada
SBC oo wel wel ka muujiyey Xirnaanshaha Idaacada.
[Mudugonline, 4 Jun 2002]
Waxaa albaabada loo
laabay 25-kii bisha May Idaacda FM-ta SBC oo ka hadli jirtay magaalooyinka
Boosaaso, Qardho iyo Garoowe, kadib markii maamulka C/Laahi Yuusuf ay
ku Eedeyeen in ay dhan ka aheyd Sharciga Puntland iyo weliba inay la
shaqeyso Maamulka Carta Hadab, waxaa xalay Xarunta Yool noogu yimi Muxidiin
Hiirad Kaatun oo ka mid ahaa shaqaalaha Idaacada SBC, wuxuuna ka hadlay
xiritaanka Raadiyaha uu ka shaqeeyo, isagoo ka hadlayana waxa uu yiri
Waxaan aad uga wel welsanahay xirnaanshaha Idaacada SBC, iyadoo
maalintii 13-aad ay marayso xirnaanshaheedu waana arin xadgudub ku ah
xoriyada Saxaafada Madaxbanaan wuxuu kaloo ka hadlay waxyaabaha
lagu Edeynayo Idaacada taas isagoo ka hadlayana wuxuu mar kale yiri
Ma jiraan waxa nalgu Edeynayo, waxaan aaminsanahay inaan ka maadxbanaaneyn
dhinacyada
isku hayey Maamulka Puntland iyo weliba Maamulka Carta oo nalgu Eedeeyey
inaanu Taageeri jirnayHaddaba, wuxuu Mr. Kaatun ka codsaday Maamulka
C/Laahi Yuusuf in ay tixgeliyaan oo soo dhaweeyaan furitaanka iyo dhageysiga
Idaacada SBC oo uu sheegay inuu filayo wax badan oo faaiido ah
inay u leedahay Maamulka iyo Shacabka Puntland.
Safiirka Liibiya oo shalay u gudbiyey
C/Laahi Yuusuf Dhanbaal Martiqaad uu uga sido Madaxweyne Qadaafi.
[Mudugonline, 4 Jun 2002]
Waxaa Garoonka Diyaaradaha
ee magaalada Boosaaso shalay subax ka soo degay Safiirka Dalka Liibiya
u fadhiya Soomaaliya Ciise Al Canshuuri, Safiirka oo ay Garoonka ku
soo dhaweyeen Gudoomiyaha Gobolka Bari Ibraahin Cartan( Xaaji Bakiin
iyo Duqa Magaalada Maxamed Yuusuf Waceys (Dhedo) waxaa loo gudbiyey
Xarunta Madaxtooyada ee uu degan yahay Col. C/Laahi Yuusuf Axemd, waxayna
halkaas ku yehseen Safiirka iyo C/Laahi Yuusuf kulan Saacado qaatay.
Shir Jaraaid oo uu qabtay Safiirka Liibiya ayuu ku sheegay inuu
socdaalkiisu ku saleysan yahay Arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya uuna
uga sido Madaxweynaha Liibiya C/Laahi Yuusuf Dhanbaal Martiqaad ah oo
uu u fidiyey, wuxuuna sheegay inuu ka aqbalay C/Laahi Yuusuf Martiqaadkaas
uuna tegi doono Dalka Liibiya.
Safiirka Liibiya
oo la weydiiyey suaal aheyd Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya oo
ku Eedeeya inay Taageerto Maamulka C/qaasim waxa uu kaga jawaabay Ugu
horayntii anigu ma joogo Saldhig Booliis side aad ii weydiinaysaan Suaalaha
tooska ah, anagu waxaan mataleynaa Dowlad, weliba Dowlad nidaamkeedu
dhow yahay, waxaad I weydiisaa midnimada Afrika Wuxuu kaloo sheegay
Ciise Al Canshuuri in Dowlada Liibiya ay ka shaqeyso Jamhuuriyad Soomaaliyeed
oo si nabad ah ugu soo noqota Caalamka. Safiirka Liibiya oo horay u
yimi magaalada Boosaaso xiligii Jaamac Cali Jaamac ka talinayey ayaa
waxaa la weydiiyey mar haddii haatan uu C/Laahi Yuusuf ugu yimi magaalada
Boosaaso ciddi ay u aqoonsan yihiin Madaxweynaha Puntland isagoo taas
ka jawaabayana waxa uu yiri Anagu waxaan nahay Jamhuuriyad Liibiya
waxaan ayidaynaa, wixii maslaxad ugu jirto Soomaaliya, waxaan dadaal
xoog weyn ugu jirnaa sidii aanu uga dhaadhicin laheyn qeybaha Bulshada
Soomaaliya dadaalkan aanu wadno waxaanuna faahimnay in aanu ka shaqeyno
sidii Soomaaliya u noqon laheyd Dowlad Mideysan Safiirka Liibiya
oo Gelinkii hore joogay magaalada Booasso ayaa isla galabnimadii dib
uga dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, isagoo ku sii jeeda magaalada
Muqdisho.
Jaamac Cali Jaamac Xagee ku
sugan yahay Socdaalkiisii Liibiya Kadib? [Mudugonline,
4 Jun 2002]
Wararka naga soo
gaaraya magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa sheegaya in iminka uu
ku sugan yahay Jaamac Cali Jaamac halkaas.
Safarka Masar ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda waxa uu klu saabsan yahay
, hase ahatee warar madaxnbanaan ayaa sheegaya in kadib markii uu u
soo dhamaaday socdaal uu ku joogay Dalka Liibiya uu gaaray halkaas.
Jaamac Cali Jaamac ayaa doonaya Taageero Dibadeed ka gadaal markii maamulka
deegaanka Puntland uu la wareegay Col. C/Laahi yusuf Axmed oo ay isku
haysteen Madaxtinimada Puntland.
Safarka Jaamac Cali
Jaamac ee Dalalka Liibiya iyo Masar ayey Taageerayaashiisu ku doodayaan
inuu uga goleeyahay sidii uu uga heli lahaa taageero dhaqaale iyo mid
Milateri oo u dhiganta mida Itoobiya ugu deeqday Ninka ay is hayaan
ee C/Laahi Yuusuf.
Col C/Laahi Yuusuf oo mar kale u
sii gur-guuranaya wadadii Sagaalka Bilood.
[Mudugonline, 4 Jun 2002]
Waxaa durba soo shaac
baxaya talaabooyinka is khilaafsan ee uu ku dhaqaaqayo maamulka Col
C/Laahi Yuusuf magaalada Boosaaso. Qaar ka mid ah Sarakiisha Ciidamada
C/Laahi ayaa aaminsan inay halgan dheer u soo galeen hanashada magaalada
Boosaaso, sidaas daraadeedna ay munaasib u tahay siday doonaan inay
wax yeelaan. Shacabka Boosaaso oo ah kuwo doonaya hanaan ku dhisan deganaansho
iyo kala danbeyn ayaa soo dhaweyntoodii u muuqataa mid ay ka danbeyso
in laga shaqeynayo isku dhac iyo qalalaase buuq dhaliya oo ay abuurayaan
qaar badan oo la shaqeynaya Col C/Laahi Yuusuf.
Dareenka dad badan
ay qabaan ayaa ah mid u saansaan eg inuu ku gur-guuranayo Col. C/Laahi
Yuusuf wadadii Sagaalka Bilood ee ay ku rideen qaar badan oo maamulkiisa
horboodayey Waxaa kaloo Reer Barigu indhaha ku hayaan bal sida uu u
soo xulo Golihiisa Xukuumada oo Beelo badan oo ka tirsan Gobolka Bari
ay u hanqal taagayaan Xubnaha Wasiirada Dhanka kale Waxaa jira in qaar
ka mid ah Xildhibaanada Maamulkiisa saqada laga eryey, iyadoo lagu Eedeynayo
Danbiyo la xiriira inay ka baaqsadeen howlihii shaqo ee looga baahnaa
intii isbedelku socday, hase ahatee waxaa jira in kala sooc lagu sameyey
oo qaar si weyn ula shaqeynayey Jaamac Cali Jaamac ay haatan Golaha
fadhiyaan.