Bishaaro
Dugsiga Maclim Jamac ee Gaalkacyo
Haddad
doonaysid in ay ilmahaaga helaan waxbarasho maadi, mid diimeed iyo dhaqankii
sommaliyeed lasoo xiriir dadka magacyadooda hoos ku qoran.
Dugsigaan waxaa loogu talagalay
in ay wax ku bartaan ayna sexdaan ilmaha waalidkood qurbaha jira ee raba
in ay ilmahooda helaan waxbarasho maadi oo heer sare ah, waxbarsho diimeed
iyo addab suunban.
Ardayda subaxdii waxay dhiganayaaan
dugsiga Yamayska Gaalkacyo oo leh waxbarasho ku saleysan manhajka wadanka
Kenya. Macalimiintana waa maclimiin Kenyan ah oo leh waxbarasho jaamacadeed.
Luqada waxbarashda waa Af Ingiriisi.
Galabtii ilmaha waxay dhiganayaan
Quraanka Karim oo ay barayan macalimmin qaafidinn ah. Barashada Quranka
waa taxfiid uu tajwiid la
Socdo. Waxaa kaloo la baraya ilmaha siirada, axadiithta iyo adaabta suuban
ee Islaamka.
- 1- Bilowga wiilal keliya ayaa
laqabanayaa oy da’dooda u dhexeyso 6jir ilaa 12jir.
- Kharashka waxaa ku jira qalabka
waxbarashada sida buugagta, qalmaanta, iwm; waxaa
kale oo ku jira 'Primary medical care'. Waxaan rabnaa inaan daboolno
waxa ilmaha u
baahanyihiin oo aan ka ahayn dharka ay xirtaan iyo daawaynta culus sida
qaliin, isbitaal
la jiifiyo..
- Waxaan ku dadaalaynaa inay ilmaha
helaan madadaalo, si ay u jeclaystaan mesha ay joogaan.
- Ilmaha waxaa la siinaya cunno
nafaqa leh oo isku dheeli tiran oo loogu talagay ilmo qurbaha ka yimid.
- Kharashka Cunigiiba waa $150.
bishii. Haddi ilmaha ay ka badanyihiin hal, kuwa kale waxaa loo samaynayaa
dhimis (Discount) 20%.
- Waxbarashada sanadkaan waxay
bilabanaysaa bisha Sebtembar 2007.
Haddaba qofkii doonaya faahfaahin dheeri ah waxuu kala xiriiri karayaa
maamulka dugsiga cusub masuuliyiintiisa kuwooda dibada ku sugan oo kala
ah:
Imaaraadka
Hussein Ali Dirshe
0971506548803
Email:dirshe@emirates.net.ae
London - UK
Mohamed Ali Dirshe
07951897047 (T Mobile)
02084892457 (Shaqo)
02073886421 (Guri)
Email:dirshem@yahoo.co.uk
London - UK
Sh Mukhtaar Hirsi Nur
07886657113
01753578506
Email: muktarnur@yahoo.com
Scandinavia
Mohammed Abdi Ali (Bile)
0046762198361.
Email:mohammed.abdi2@comhem.se
Minneapolis – USA
Warsame Kayton
6124834140
Email:warsamesomali@yahoo.com
Minneapolis –
USA
Dr Abdirashid Shire
Mobile: 507 271 2667
Emial: drshire@yahoo.com
Australia
Dr Ahmed Warsame
613 - 9372-1181
Email: egal4@iprimus.com.au
Sawirada Halkaan
Guji:
Mudugonline.com

Biddix iyo midig waxaad ka arkaysaan sawiro kala duwan oo muujinaya
muuqaalka ardada dhigata dugsiga Yamayska oo ardada dugsiga Macalin Jaamac
ay dhigan doonaan marka dhawaan laga hirgaliyo magaalada Gaalkacyo. Fadlan
guji sawirada Si aad iyagoo weyn u aragtid ama guji
halkaan si aad u gashid page-ka sawirada
|