Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Dowlad aan Ceeb Karin iyo Dulmigii Hotel Shaamow.
Posted to the MOL December 17, 2009, 6:32 pm

Qaraxii shaamow ee lagu halaagmay, wuxuu noqdey midka aadka loo xusuusto taariikhahan danbe ee dilka Somalida uu noqdey wax ka raqiisan cayayaanka il ma qabatada ah ee sida kama ah loogu joogsado marka la soconayo.  Wax galka Somaliyeed laga soo bilaabo kacdoonkii lagu ridey dowladdii Maxamed Siyaad waa la gumaadey oo reerahooda loogu dhacayey iyadoo hadba loo cuskanayey qodobka dilka ah ee ‘waa reer hebel’.


 Imisaa sababsadey oo naftooda ku waayey  waa Daarood, Imisaase loo diley waa Hawiye iyagoo aan waxba geysan, imisaa loo gumaadey waa Isaaq, tiro ma leeyihiin inta ku dhimatey Baydhabo kolkii ay noqotey halaq mareen awoodaha baabi’inta umadda ku hardameen, mase illoowi karnaa dadka haddeer loogu yeero dhibic shan ama nus dhibka loo geystey.Maxaa wiil Somaliyeed oo iska shaqeysanaya loo diley waa ABUUKEEY, meydkiisana lagu kor laafyoodey.


SI aad u dareenta dhibaatada mugga weyn leh, waa inaad iska saarta muraayadaha qabiilka akhriste, oo aad xirataa muraayadaha kale, sida, midka qaranimada, midka Somalinimada, midka Islaanimada saxa ah, midka bani’aadanimada, haddaad sidaa yeesho, ma arkeysid qasaaraha reerkaaga oo keliya ee, waxaad kale oo aad arki doonta midka uu reerkaaga geysanayo ama geystey-ba, sidaa darted, waxaa kuu soo baxaya in dad badani ay kaa dhinteen, ee kuwa kugu qolada keliya ah aysan kaa dhiman. Waan ogahay in dadka qaarkii ay ku adag tahay inay wax ku arkaan muraayadaha caadiga oo ay jecel yihiin kuwa qabiilka. Ma qof doortey baa jira inuu reer hebel u dhasho, waa maya jawaabto, sidaa darted ma aha in qofku ay denbi u noqoto u dhalshada qabiil oo lagu dilo, ama ceeb oo lagu caayo.


 Dulucda qoraalka


Haddaba Shaamow wuxuu kaga duwan yahay wixii horey u dhacay, awal reer baa ku duuli jirey  oo xasuuqi jirey reer kale, iyana markey fursad u helaan ayey markooda fitnada iyo baaba’a ka qeyb qaadan jireen. Shaamow-se, dad ka wada tirsan dhamaan qabiilada Somaliyeed oo weliba ah wax galka umadda ayaa mar qura la laayey, si ula kac ah, oo naxariis daran, iyadoo la ogaa oo la qorsheeyey qasaaraha ka iman karay.


 Waxay dowladdu si deg deg ah u sheegtey inay heleen qofkii ka danbeeyey qaraxaasi.  Waxay soo bandhigeen sawirka  C/raxmaan Xasan Xaaji, wiil Somaliyeed oo jirkiisu bar maqan yahay.  Dowladdu waxay u cuskatey eedeyntoodaas ah inuu wiilkaasi ka danbeeyey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:-



1-    Inuu xirnaa xijaabka dumarka.


2-    In Jirkiisu bar maqnaa.


3-    In cid garata la waayey.


 


Waxaa markiiba la beenteeyey warkii wiilka xaaskiisa ka soo yeerey ee ahaa inuusan wiilkaasi lug ku laheyn qaraxaasi, waxaa sidoo kale waxba kama jiraan laga soo qaadey wareysigii aabbaha wiilka dhalay oo ku cataabey inuu wiilkiisa la soo hadley  maalin ka hor qaraxa oo uu u sheegey inuu rabo inuu ka tago waddanka maaddaama ay fowdadii sii badatey.


Website-yada Somalida oo intooda badan lagu yaqaano iney si hubsiimo la’aan ah wax u buun buuniyaan ayaa waxay qaarkood soo geliyeen sawirkii wiilkaasi jirkiisa googo’ay, waxayna cinwaan uga dhigeen EHLU NAARKII ISKU QARXIYEY HOTEL SHAAMOW.


Waxaa sidoo kale suuqa la soo geliyey borobagaando ah inuu jiro cajal uu iska duubey wiilka intuusan is qarxin oo isku sheegayo inuu jihad u socdo, sidii lagu yaqaaney AlQaacidda iyo kooxaha raacsan fekerkooda.


Milkiilayaasha Hotel  Shaamow ayaa waxaa laga shaaciyey iney  sheegeen inuu wiilkaasi degganaa hotelkooda dhowr casho oo ka horeysey qaraxa.


Waxaa si ka baxsan Islaanimada iyo xitaa bani’aaddanimada loo diidey in la aaso meydkiisa dhowr casho.



Caddeynta dowladda iyo baarintaankooda.


Dowladda baaritaankeeda ma uusan qaadan muddo badan, waana la wada og yahay in wax qibrad u leh baaris iyo qalab wax lagu baaro midna aysan ka jirin Somalia. Iyadoo  ay sidaasi tahay, bal haddana aanu isla eegno qodobada ay eedeyntoodaasi u cuskadeen;-


·        Wuxuu xirnaa xijaabka dumarka;- Arintani waa been, waayo nasiib wanaag waxaa la heley sawir cusub oo muujinaya wiilkii laga been abuurtey oo ardadii dhex fadhiya isagoo xiran shaarkii uu ku dhintey. Maxaa loo ag dhigey xijaabka meydkiisa marka? Yaase sidaa yeeley? Waa su’aalo loo baahan yahay in la is weydiiyo?


·        In jirkiisu bar maqnaa oo uusan wada gogo’in;- Dowladdu waxay caddeyn ahaan u isticmaashey jirkii wiilka oo ay sheegtey inuu bar keliya go’ay sidaa darteedan uu isagu ka danbeeyey, maxaa yeeley bey yiraahdeen, waxaa la rabey haddii uusan is qarxiyaha aheyn jirkiisa oo dhan baa wada gogo’i lahaa. Haddii sheekadu aysan ahaan laheyn mid dad ay ku dhinteen, waaban ku qosli lahaa, waayo, waxaad mooddaa in qof maskax caadi ah leh xitaa uusan sidaa u fekereen. Waayo, is weydiiyoo qudhaada akhrsite, qofkii xirnaa bamkii intaasoo dad ah oo aan xitaa qaar u soo dhoweyn halikey, ma bar baa ka hari lahaa qofka isagu xirnaa bamkaasi? Bal ka waran ninka ku doodaya arintaasi? Aabbaha wiilka ayaa isna sidoo kale su’aashaasi dad weydiiyey, nasiib daro dhego u duleela runta ayaan jirin.


 ·        Cid garata ayaa la waayey;-  Wiilkii cid garataa la waayey, sidaa darted isagaa qarxiyey baa la yiri. Dowlad noocee ah ayaa sidaasi wax u baarta? Yaa la rabey iney gartaan wiilka? Ma wasiirada, ma Booliiska, kuwa wax baara? Ma waxaa la rabey inay aqoonsadaan reer xaafadda? Wiilku magaalada Marka ayuu ka yimide, ma reer Marko ayaa joogey halkaa? Waxaa caddaatey in wiilkii casumey wiilka oo ardey ahaaisaga laftigiisu  ku dhintey qaraxii, bal adiga nasiib daradaas ka waran.


 


Shaamow maamulkooda lagama hayo caddeyn ah iney wiilkaasu halkaa deggenaa hadal iyo qoraal midna, waa uun inta laga maqley dowladda.


Waxaa sidoo kale la waayeycajaladdii la sheegey inuu iska duubey wiilkaasi inta uusan sida ay dowladda ku eedeysan uusan is qarxin.


Akhriste, daqiiqad jooji akhrinta oo ka dhig inuu  qofka sidaa lagu sameeyey  yahay wiilkaaga, ama walaalkaaga, amaba ninkaaga. Maxaad dareentey?


 Dowladdu ceeb ma kartaa?


Addunyada waxaa ka jiran wax la yiraahdo xisaabtan mas’uuliyadeed. Qofka sheegta inuu yahay adeege bulshadeed, sida Madaxweyne, Guddoomiye Baarlamaan, Ra’isul Wasaare, Wasiiro, dhamaantood waa dad loo doortey inay bulshada u shaqeeyaan, sidaana ay biilkooda ku qaataan, micnaha guud waxaa weeye, si ay bulshada guud ahaan shaqo maalmeedkooda u qabsadaan, waxaa la kireystey rag iyo dumar mehraddoodu ay tahay inay bulshada u shaqeeyaan, waxaa dadkaasi loogu yeeraa SIYAASIYIIN iyo SHAQAALE DOWLADEED. Maaddaama ay dadkaasi yihiin dad la kireystey oo shaqaale ah waa in lala xisaab tami karaa. Micnaha dowladeed waa sidaa. Waan garan karaa inaysan caalamku wada helin fursadda noocaasi ah, Somaliyana waa u sii hooseysaa.


Laakiin, wasiiradu ma waxay doonaan inay isaga hadlaan baa? Dowladdu haddii xitaa  waajibkii dastuuriga ahaa ee saarnaa ee ogolaanayey in lala xisaabtamo aysan ku dhaqmeynin oo shacabkiina aysan aheyn kuwo wax la xisaabtami kara, sow dowladdu iney xitaa xishooto ma aha, oo ceebtu karto.


Ma dhici kartaa inuu is casilo wasiirkii warkaasi sheegey ee dhibaateeyey C/raxmaan Xasan Xaaji iyo qoyskiisa wiilkoodu laqmadey? Ilama aha, sababtuna waan kuu hayaa.


Tusaale hore ee Wasiir iska hadley


Wasiiru dowlihii Gaashaan dhigga Mr. Dagaal Ooge Indhacadde sow ma aheyn ninkii JAMAAL BAANA oo ku dhintey Mogadishu ku sheegey inuu ahaa Ajnabi, ma xasuusataa inuu weli ku adkeysanayey ka dib markii ay waalidiintiisu sheegeen inuu wiilkoodu yahay meydka dowladdu ku sheegtey Ajnabiga, Reer Xamarna yihiin Somali ah.


Dooddu kama taagna inuu wiilka Alshabaab miyuu u dagaalamayey mise maya, ee dooddu waxay tahay, Ajnabi ma ahaa wiilku, mise Somali buu ahaa? Waayo Somalinimada iyo la dagaalanka Dowladda iskuma xirna, xusuuso, kuwan hadda dowladda ahba waxay la diri jireen dowladdi C/laahi Yuusuf iyo Geeddi, Somalinimadana lagama saari Karin.


Indhacadde wuxuu yiri ma ninkan aad u jeeddaan ayaa dhiig Somaliyeed leh? Akhriste, Waxaasi ma wax la oggolaan karaa? Dhiigga Somaliyeed siduu u eg yahay? Ma in Indhacadde loo wada ekaadaa? Somalidu ma isu wada eg yihiin sidey u dhan yihiin? Reer Baraawe, Reer Xamar, Reer Marko Somali maha miyaa? Hadalkaasi hadal Wasiir ma yahay? Raali gelin ma ka bixiyey?


Middan Shaamow-na waa sidii oo kale, oo waa iska hadal intuu afkaa qoyan yahay, oo waxaad doonto sheeg, koleyba cid kuu qabsaneysa iyo cid ku xisaabineysa midna ma jirtee, la yaab ma leh, waayo waa dowlad miisaaniyaddoodu aan lagu aamini karin ee loogu dhiibo NGO, mushaharka ciidamada qarankana loogu dhiibo Amisom, waayo dad aan hadalada afkooda ka soo baxa mas’uuliyaddooda qaadi karin lacag ma lagu aamini karaa? Aniga qof baan ahaye, ilama aha, adiguse waa yeelkadaa.


Waan hubaa, inkastoo ay caddaatey in wiilkaasi Somaliyeed denbi laga galey, oo Aabihiisa iyo reerkiisa dhan denbi laga galay, haddana raali gelin lagama bixin doono, waayo waxaan jirin masu’uuliyad iyo koriimmo xagga maskaxda ah ee Wasiiradu ku gartaan in waxa ay sheegeen ay qalad yihiin oo loo baahan yahay in boog dhayid la sameeyo, sheekada halkaasi ayey ku dhiman doontaa, reerkii geerida iyo aflagaaddada la isugu dareyna way iska aamusi doonaan. Waa xaalka Dowladdeena. Waa xaalka Somalia, waa Soomaalinimada. Anaga shacabka ahna waxaa noo xiran muraayadihii qabiilka, waxaan is weydiin doonnaa qolada oo Somali ka yahay, deetana, mar haddii uusan nagu qolo aheyn, halkaas ayaan isaga tegi doonnaa. Illaa anaga markeena nalagu sameeyo, waayo Ingiriisugu wuxuu yiraahdaa “what goes around, comes around” ama balaayadu intey adiga kaa maqan tahay deriskaaga ayey joogtaa.



Waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo qoraalkeyga kooban, su’aasha ah, mar haddii uusan wiilkaasi aheyn wixii naloogu sheegey, waxaa cad inuu ka mid ahaa biri mageydada halkaasi ku dhimatey, sidaa daraaddeed, maxay dowladda u dooratey inay wiilkani ku sheegto ninka wax diley? Maxaa xijaabka loo ag dhigey meydka ka dib markii uu dhintey, illeyn waa u jeednaa xijaab ma uusan wadan intuu noolaaye? Maxaa deg degtaas loogu dhawaaqey inuu dadka laayey? Iyo su’aasha ugu weyn oo ah haddii uusan isaga wax leyn,  yaa xasuuqey dadka Borofosoradeena, Dhakhaatiirteena, iyo Ardadeena?



Fiiro Gaar Ah:- Markaan dowlad leeyahay uma jeedo cid gaar ah ama qof gaar ah ee waxaan u jeedaa institution-ka. Waa laga yaabaa iney ku jiraan dowladda dad macquul ah, laakiin waxaan ka baqayaa, in ay sii baaba’ayaan, sidii Prof Caddow, Drs Qamar iyo Waayeel, oo ay isku soo hari doonaan dadka aan adiga iyo anigaba tuhmeyno iney soo hari doonaan.


W/Q  Cabdalla A. Cali


khaalid_2005@hotmail.co.uk

Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.