Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


DHALLINYARO CADAAB MIYAAN CIIL KA DOORANNAA W/Q: Xasan Xiirey
Posted to the MOL December 25, 2009, 7:37 am

 “Life is a comedy for those who think and a tragedy for those who feel.” Horace Walpole.

Mar allaaliyo markii lasoo qaado xal-u-helista mushkiladda Soomaaliya—waddan inta hoog iyo halaag (colaad, cudur, cabsi, dil, jirdil, kufsi, dhac, gaajo, harraad, iwm) jiri kartay ay ka jiraan, kana dhigeen cadaab dhulka oogadiisa saaran, lasoo qaado waxay dadku u kalabaxaan labo qaybood:



  1. Kuwo dooddooda sal uga dhiga qabiilka iyo qabyaaladda—waxii hallaabay oo dhan qabiilka baa halleeyey, inta uu jirana waxba hagaagi mayaan; iyo

  2. Kuwo dooddooda ku saleeya faragalin shisheeye—Itoobiya, Keenya, Jabbuuti, IGAD oo dhan, Masar, Sacuudi Careebiya, Maraykan, Yurub qaarkeed, al-Qaacida iwm. 

Iyadoo ay run yihiin aragtiyahaasi, ayay haddana jiri karaan xeelado kale oo badan, laguna eegi karo shaki la’aan. Halkaan waxaan kusoo qaadan mid ka mid ah. Waa aragti haddiiba cidi horay wax uga qortay ama uga hadashay aysan xantoobo ka badneyn use baahan in si weyn loogu baraarugo. Waxay tahay aragtidaasi qof kasta oo Soomaali ahi markuu meel iska dhigo danta tolkiisa oo uu ula simanyahay reerkaas oo dhan, meelna iska dhigo tan u dirirta diinta ee Soomaalida loo laynayo oo iyana uu ula simanyahay umadda muslimiinta ah ee adduunka oo dhan ku nooli, maxay tahay danta shaqsiga ah ee naftiisa ugu jirta dhibta socota?


Waxaan qabaa haddii uu qof kasta oo Soomaali ahi is weydiiyo su’aashaas, si fiicanna uga baaraandago jawaabteeda xalka Soomaaliya soo dhawaan doono. Aragtidaas ayaan qoraalkaan kooban ku lafo-guri doonaa haddii Alle SW ii sahlo. Waxuu qoraalkaani si aan gabbad lahayn ula hadlayaa dhallinta—si gaara wiilasha, oo u ah dagaallada hubka la rido, xaabada lagu shido iyo madiidinno maskaxeed.




CIILKA IGA BI’I OO CADAABKA IGA XIGSO


 


Labaatankii sano ee lasoo dhaafay ee xabbaddu ka wilfaysay waddanka tobonkii hore waxaa ku wadatay qabyaaladda; tobonkii dambana qabyaaladdii oo huwatay diin. Intabana waxaa ku dhimanayay ama dhaawacmayay wiilal aan curan, dambina kasban mid loo abuuray mooyee. Waxaan cidna la barayn cidda isticmaali jirtay walina isticmaasha oraahda Soomaaliyeed “Allow wax ciilka naga ba’sha cadaabkana naga xigsada ha noo waayin,” ee isu rogtay hal-ku-dhagga aan faruuryaha kasoo bixin intay joogaan meel ay ka maqli karaan wiilashu se lagu sheekaysto ama ducaysto goortay wax dilaan, dhacaan, ama burburiyaan.


Waxaa hubaal ah inuu banii aadamku bakhayl ku yahay waxii adduun ah ee Ilaah siiyay, haddii ay timaaddo nafta oo aysan maamulin macaankeedana ninna la barayn, say ugu bakhayli karaan waa wax iska cad. Waxaa markaas la isa su’aali karaa: tolow haddii bakhaylnimo sidaas aan ku ahay inaan nin isugu daro adduunka oo aan u huro naftayda iyo aakhiro oo aan ka xigsado cadaabka, ma waalli baa mise waa deeqsinnimo? Maxuuse yahay abaalka intaas le’eg ee si aan u gudo adduunka naftayda ugu hibeynayo aakhirana cadaabka uga xigsanayo? Goormuu igu yeeshay—ma intaanan dhalan mise intaan noolaa?


Haddii jawaabtu noqoto in abaal intaas le’eg lagugu leeyahay ayna tahay inaad guddo, aadse garan weydo si kalaan u gudayaa haddee waa maanyari ee maahan deeqsinnimo iyo waalli toonna. Haddii aan abaal lagugu lahayn, waxaad naftaada ugu hibeyso—sidii sabeen la shiraysanayo/qalanayo, ma naxayaashaas ma jiraan. Ma jiraan waxaad walaalahaaga kale—asxaabtaadii dugsiga quraanka, iskuulka, ciyaaraha xabbaddaadu ama bumbadaadu u disho, tooduna adiga kuu disho. Waxaa ka sahlan inaad walaalkaa disho, aakhiro cadaab ku dambeyso si aad adduunka ciil uga bi’iso raggaas inay iyagu (ma naxayaashu) gacantooda ku dilaan ninkay geeridiisa rabaan, dhaxlaanna cawaaqibka iyagu ama kuu cafiyaan, abaalkaas hadduuba jiro, hadday jacayl iyo turriin kuu hayaan waayo horaa Soomaali ugu maahmaahday “Nin ku jecel weyd kaama laqanyeysiin waayo,” oo u dhiganta malaha nin ku jeceli neef duq xayayshi/caato ah baruurtiisa kuma cunsiin waayo. Neef caato ahi baruur ma leeyahay? Ninka kuu diiday baruurtaas isaga ka warran?


 



CADAAB CIIL MA LAGA DOORTAA


 


Nin raga ciil cadaab ka dooray,” oo ka mid ah murtida Soomaalida ee malaha duugga ah—intaan cadaabta warkeedaba si fiican loo helin la hal-abuuray, wax u eg weeye waxa ka socday waddanka labaatankii sano ee la soo dhaafay, haatanna karaar hor leh qaatay. Kii ku kale u caroodaba qori/bombo buu lasii boodin oo tush/dig ku siin kuu u ciil qabay, asagoo og waxa cadaab lagu mudan karo dilka ruuxaas kale ee hadduu faraha ka qaado isaguba iska dhiman lahaa maalin un. Waxaa la oran karaa maskaxda qofkaas wax dilaya waxaa hagaysa qaybta caaddiifada (Emotionally Hijacked) ee hagi mayso qaybta caqligu (Not Rationally Minded). Haddaba waxay su’aashu tahay: ciil qaddar yar oo waqti ah joogi doona in cadaab lagu waaraya lagu doorsado ma fayoobi baa mise waa waalli? Waxaa hubaal ah in qofkaasi markuu dilka gaysanayo uusan caqiligiisu joogin markuu yimaadase shallaynayo—goor qudde iyo fandhaal kala dhaceen maxuu shallay qaban? Bal caqliga soo cesha oo isu eega ciilka iyo cadaabka walaalayaal? Xornimadiinnana dib u hela. Waxaan dhallinta saaxiibbadaya, walaalahaya, dal, dan, dub iyo dir wadaagta aan nahay ku dhaafin ereyo ka mid ah maansadii Sirta Nolosha ee Abwaan Hadraawi:


Nin ku siray ha faallaynin


Sababana ha weydiinnin


Ha u seeta dheereynin


Hana sidin culayskiisa


Siriq iyo ku qabo baydo


Hana falin siduu yeelay!


 


Ugu dambeyntiina “Waayeel waa kuma?” ayay murtida Soomaalida mid ka mid ahi weydiisaa dadka ku hadla afkaan, waxayna jawaab ugu heleen “Waa innagoon is  yeelyeeleyn.” Haatan culimadii duubi jirtay cajaladaha faraya jihaadka haddii aysan raalli ka ahayn hoogga iyo halaagga may duubaan cajalado ama qoraan qoraallo ah TUSH (UNDO) iyo laga noqay! Mise xaalku waa hadday suub tahay iyo ha u bixin?


 


Xasan Xiirey.


xiireyw@gmail.com.!

Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.