
Xaflad aad u balaaran si baaxad lehna loo soo agaasimiye ayaa waxa lagu qabtay labada magaalo ee mataanaha ah oo ay soomaalida ku tira badan yihiin ee Minneapolis Minnesota iyo saint paul ee carigaas Mareykanka.
Xafladaan ayaa aheyd mid lagu soo dhaweynayey Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka ee dowlad Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Dr, Cabdi Xasan Jimcaale Ugu horeyn Mudane Dr, Cabdi Xasan Jimcaale ayaa u mahadceliyay dhamaan jaaliyadda Somaaliyeed Meel kastaa ay joogaan gaar ahaan kuwa ku dhaqan labada magaalo ee mataanaha ah sida sharafta leh oo ay ugu soo dhaweeyeen.Wasiirka oo ka hadlayay sabaha safarkiisa ayaa sheegay inuu socdaalkiisu ku saabsanaa siduu dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadaha uga dhaadhicin lahaa qorshaha distuurka iyo sida loogu baahan yahay in ay shacabka soomaaliyeed helaan distuur ka turjuma diintooda dhaqankooda iyo xuquuqdoodaba .mar uu ka hadlayay wasiirka distuurka iyo marxaladihii uu soo maray distuurka mudooyinkii dowladihii hore dalka uu soo maray waxa uu yidhi distuurkii u horeeyay waxaa la samaeeyay bishii june 1960kii waqtigaasoo ay ahayd xiliigii isku darka waqooyi iyo koonfur kaasoo qabyo noqday balse waxaa ku xigay tii dowladdii milatari ee Mohamed siyaad barre balse waxay ahayd buu yidhi charter ka dib buu Mohamed siyaad barre isku dayay inuu sameeyo distuur sanadkii 1979kii balse laguma guulaysan in la hirgaliyo .
Wasiirka waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay Dowladda puntland iyo isbadalada la taaban karo ay ku tilaabsatay mudadii yareyd ee ay jirtay iyada oo kuwo aad u badan ay u dhiman yihiin isla markaasna ay ka go'an tahay inay ka mira dhaliyaan balanqaadyadii uu madaxweyne Faroole kal hore sameeyey. Dr Jimcaale ayaa wuxuu kaloo ka warbixiyey dhanka distuurka DGP,iyo sida ay xukuumaddiisa wax ka qabatay burcad badeedkii jiri jirtay, wuxuu kaloo uu sheegay in ay xukumaddiisa dib u habayn ku samaysay pooliskii iyagoo dib u furay Saldhigyo booliiska ee ku yaal xaafadaha .
Dr Jimcaale wuxuu kale uu ka hadlay in Xisbiyo kale in ay soo gali karaan DGP marka sharuucdooda la dhameeyo. wasiirku waxaa uu cadeeyay in Puntland ay tahay meel ay soomaali oo idil joogaan oo nabdoon . Wasiirka mar lawaydiiyay suaal ku saabsaneyd Xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo Dowlada Fadaraalka Soomaalia wuxuu ku jawaabay xiriirku in uu fiicanyahay Balse ay jiraan qaladaad la sixi karo hadii loo helo waqti. Shirkani ayaa waxaa ka soo qeybgalay bulshada soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan iyaga oo aad u daneynayey in ay wax ka ogaadaan isbadalada ay sameysay xukuumada Madaxweyne Faroole iyo sidii ay kala qeyb qadan karaan taaba galinta kuwa hada xukuumada miiska u saaran.
Xafladaan waxaa soo qabanqabiyay oo isku soo dubariday ururka u qaabilsan jaaliyadda puntland ee labada magaalo mataanaha ah oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo (P.D.F).
Mohamed Hussein Osman
(mxuseen840@gmail.com) Somali American media Minneapolis Minnesota