
Wuxuuna sheegay in uu shirkaasi ku saabsanaa bal in dib loo eego wixii ka qabsoomay qorshihii degsanaa sidii wax looga qaban lahaa cudurka duumada mudadii u dhexaysay sanadkii hore iyo kan hadda dhamaadkiisa iyo kor u qaadida istaraatiijiyada balenka cudurkan u degsan isagoona sheegay in ay isugu yimaadeen dad faro badan oo gaaraya 100 qof kuwaasi oo ka kala socday dalalka sida Burindi Camarun Eletareya Ethopia Somalia Sudan Uganda Tanzania Ruwanda iyo Kenya iyo weliba wadamo kale oo aan ka soo qeybgalin oo lagu casuumay shirkaasi sida uu sheegay Dr C/salaan Maxamed Xirsi,
Dr C/salaan Maxamed Xirsi oo ah Maddaxa Mashruuca Duumadda Puntland Somalia ayaa waxa uu sheegay in uu shirkaasi ahaa mid si weyn loogu lafoguray sidii wax looga qaban lahaa cudurkan duumada oo faro kulul ku haya wadamo faro badan oo ay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan isagoona hoosta ka xariiqay in laysku afgartay sidii culayska loo saari lahaa sidii loo dabargoyn lahaa cudurka duumada.
Dr C/salaan Maxamed Xirsi ayaa waxaa kaloo aan wax ka weeydiiyey bal in uu tafaasiil naga siiyo cida maalgeliyey shirkani weyn oo lagaga hadlayey sidii loo dabargoyn lahaa cudurka duumada waxaana uu sheegay in shirkani ay soo qaban qaabisay hay,adda caafimaadka aduunka ee WHO iyadoona uu sheegay in ay fanka bixisay Global Fund waxaana uu xusey in ay ka soo baxeen waxyaabo faro badan oo wax ku ool ah oo wax looga qaban karo cudurka duumadda iyo weliba cuduradda kale ee la midka ah.
Dr C/salaan Maxamed Xirsi ayaa waxa aan weeydiiyey meelaha ay ka kala yimaadeen boqolkani qof ee isugu yimid shirkani waxaana uu sheegay in ay kala yimaadeen dalalkaas kor ku xusan waxaana uu sheegay in uu isaga soomaaliya wakiil uga ahaa shirkaasi lagaga hadleyey sidii wax looga qaban lahaa cudurka duumada
Ugu danbeyntii Dr C/salaan Maxamed Xirsi Madaxa Mashruuca Duumadda ee Puntland ayaa waxa uu tibaaxay in uu siminaarkaasi ahaa mid si weyn loogu farxo isagoona sheegay in uu yahay guul u soo hoyatay dalka soomaaliya oo uu duumada ku hayo dhib faro badan looona baahan yahay in wax laga qabto iyadoo loo marayo wadada ugu haboon oo wax looga qaban karo.
*
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Kampala Uganda