|
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed |
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka noqday go'aankii uu hore u sheegay in uu xilka uga qaaday Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xukuumaddiisa.
Waxay ka dambeysay ayuu yiri in uu la tashaday sharci yaqaanno iyo mudanayaal baarlamaanka.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa khilaaf iyo go'aamo is burinaya ay ka soo baxayeen masuuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ah.
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Sharmarke, ayaa isagu horey ugu gacan seyray shaqo ceyrintiisa oo uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay maalintii Isniinta.
Madaxweyne Shariif ayaa daba joogay go'aan uu Guddoomiyihii Baarlamaanka, Shiikh Adan Maxamed Nuur, uu saxaafadda u sheegay Axaddii oo uu yiri dowladdii wey dhacday, waxaana riday baarlamaanka.
Taa waxaa ku xigtay in Adan Maxamed Nuur uu maalintii ku xigtay shir jaraa'id Madaxweynaha ay wada qabteen uu ku sheegay in isagu xilkiisii iska casilay.
Madaxweyne Shiikh Sahriif Shiikh Axmed wuxuu kolkaa sheegay in xukuumadda la kala diray oo uu soo magacaabi doono Ra'iisal Wasaare cusub.
BBC SOmali