Maamulka gobolka Ceyn ee Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas taas oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Ceyn Maxamuud Sheikh Cumar Xassan oo Wareysi siiyey warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in xaaladda guud ee degmada ay saaka degantahay,wuxuuna sheegay in maxaabiis Itoobiyaan ah ay wareejiyeen oo tiradooda gaarayso 9-askari kuwaas oo ay qabteen Shacabka dagaalka galay.Askartaas ayaa dhaawac soo gaaray,waxaana qaarkood lagu hayay guryo.
Dhegayso waraysiga guddoomiye kuxigeenka gobolka Cayn
Wuxuu sheegay in maamulka degmada iyo Ciidanka Itoobiyaanka ay wada hadalo galeen si deganaansho iyo amni dib loogu celiyo magaalada isagoo carabka ku dhuftay in halkaas ay soo gaareen Ciidan hor leh oo ka yimi dhanka xuduuda isagoo xusay in ay jirto wada shaqayn ka dhaxeysa oo ay ku xasilinayaan xaalada degmada.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ay ku suganyihin fariisinkoodii ay magaalada ka samaysteen,waxaana uu gudoomiye kuxigeenka ku tilmaamay ciidanka hor leh ee soo galay aysan wax khal khal ah wadin balse ay ka shaqaynayaan deganaanshaha.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Ceyn ayaa sidoo kale sheegay in dad badan ay ka barakaceen magaalada ayna hada ku suganyihin degmada Buuhoodle dad kooban.wuxuuna xusay in
Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa isii soo taraaya,waxaana dhimashada la sheegaaya inuu kor u dhaafay 11-qof iyadoo dhaawaca ay kor u dhaaftay 35-qof oo rayid ah.
Lama yaqaano Ujeedooyinka dhabta ah Ciidamada Itoobiyaan ay halkaas u yimaadeen xilli ay halkaas ku suganyihin mudo asbuuc ah.
Horseed Media