Waxaa socdaal qaatay sadex casho ku yimid magaalada Ottawa Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta , Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Cabdixakiim Axmed Guleed. Waxaa magaalada ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socda Jaaliyadda reer Puntland , gaar ahaana madaxda *(Puntland Diaspora
Forum) Gollaha Qurbajoogta Puntland faraceeda Ottawa.
Waxaa wasiirku la kulmay madax ka kala socota Wasaarada Arimaha Dibada (DFAIT), wasaarada Deeqda caalamka (CIDA) iyo Wasaaradda amniga (Public Safety). Wuxuu wasiirku uga waramay xaaladaha guud ee uu dalka Soomaaliya maanta marayo , gaar ahaana xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Puntland.
Waxyaalihii sida qotada dheer ay wasiirka iyo masuuliyiinta sadexdaas wasaaradoo ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa khadiyada Burcad badeedka iyo khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha la halmaala iyo xiriirka Puntland iyo TFG.
Gabagabadii shirka waxaa la isla soo qaaday sida ugu haboon ee ay dowlada Kanada gacan uga gaysan karto nabadgelyo ku soo dabaalista Soomaaliya iyo fulinta mashaariic wax ku ool ah ee looga hortagi karo Burcadka iyo kooxaha kale ee khalkhalka ku haya amniga iyo xasiloonida gobolka iyo caalamkaba.
Waxaa intii uu wasiiruku joogay Caasimada Ottawa si gooni gooni ah ula kulmay waxgarad ka soo jeeda Sool, Sanaag , Cayn iyo Haylaan, iyagoo wada qaatay shirar saacado badan socday islana gorfeeyay marxaladaha deegaamadaas ka taagan. Gagabadii kulamadaasi waxaa la isla gartay in la mideeyo aragtida iyo awooda si markaasi dib loogu xoreeyo deegaamada maqan , in laga dheeraado hadalada wax u dhimi kara dareenka shacabka, meelna looga soo wada jeesto cidkasta oo abuuri karta carqaladayna karta ammiga , midnimada iyo wada jirta walaalaha iyo bahwadaagta Puntland. Waxaa indheergaradkaasi fariimo iyo talooyin xasaasi ah oo ku socda Madaxweynaha Puntland u sii dhiibeen Wasiirka.
Ugu danbaystii wuxuu wasiirku la kulmay Jaaliyadda Reer Puntland ee Ottawa, isagoo warbixin xasaasi ah siiyay jaaliyada , unaga xog waramay siyaayada iyo aratida maamulka Puntland ee ku aadan, Magaalooyinka Maqan, Burcad badeedka, sugida amniga gudaha, xiriirka Puntland iyo TFG, iyo mashaariicda horumarineed, waxbarasho, caafimaad iyo ganacsi ee ay Puntland ku talaabsatay ama damacsan tahayba.
Wasiir Abdixakiim wuxuu balan qaaday inuu dareenka jaaliyadda iyo talooyinkoodaba u gudbin doona Madaxweyne Faroole, lana wadaagi doono gollaha wasiirada, sidoo kalena ay dowladu joogtay doonto xiriirada noocaan oo kale ah, isagoo mahadgaar ah u soo jeediyay ururka Puntland Diaspora Forum isagoo uga mahadceliyay howsha muwaadinimo ee ay u hayaan shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba , gaar ahaana sida hufan ee aan kala hadhka lahayn ee ay ugu soo dhaweeyeen una abaabuleen, xidhidhiyeena safarka iyo kulamada uu wasiirku la yeeshay madaxda Kanada iyo Jaaliyadda reer Puntlandba.
Maxamed Cali
Ottawa, Canada