Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Puntland oo xakamaysay dagaal
Posted to the MOL June 30, 2010, 9:26 am

Maamulka Puntland ayaa ku guulaystay inuu xakameeyo colaad dhowaan ka dillaacday degaanka Rako oo hoos yimaada magaalada Qardho, halkaas oo ay si teel-teel ah ugu dagaallameen beelaha halkaas ku dhaqan qaarkood.



Baarlamaanka Puntland

Baarlamaanka Puntland


Sida ay sheegayaan dad xogogaal ah colaaddan waxaa ku dhintay 7 qof waxaana ka qaybgalay ciidamo beeleedyo hubaysan, taas oo hadda joogsatay kadib markii ciidamo ka tirsan dawladdu ay halkaas gaareen kadibna ay kala dhexgaleen malleeshiyo beeleedyo halkaas ku dagaallamay.



Colaaddani waxay markii hore ka billaabatay dhul daaqsin ah oo ay ku murmeen beelaha degaankaas qaarkood, taasoo markii dambe u gudubtay dagaallo goos goos ah oo halkaas ka dhacay sababayna dhimashada 7 qof, iyo dhaawaca dad kale oo tiradiisa lagu sheegayo inuu ka badan yahay 10 qof inkasta oo aan si dhab ah loo aqoon tirada rasmiga ah.


Dagaalladan ayaa sida la sheegayo waxay u dhaceen iska-hor-imaadyo toos ah iyo weerraro gaadma ah, waxayna ka dhaceen dhul miyi ah oo u dhexeeya tuulooyinka Dhuudo, rako iyo xiriiro oo dhammaantood ka wada tirsan ama hoos yimaada magaalada Qardho.


Waxaa jiray baaqyo ay soo jeediyeen waxgaradka iyo odayaasha gobolka Bari oo ku aaddan in la joojiyo colaaddaas, hase ahaatee ma aanay noqon kuwo dhaqangala ama ay tixgeliyaan malleeshiyda beelaha ee halkaas isku horfadiyay maalmihii la soo dhaafay.


Maamulka ayaa haatan goobahaas u diray ciidamo xoog leh oo ka tirsan kuwa daraawiishta, kuwaas oo ilaa xalay iyo shalay halkaas ku sii qulqulayay iyadoo ay jireen ciidamo kale oo goobahaas horay loogu diray laakiin ay tiradoodu yarayd.


Goobaha ay dhibtu ka dhacday waa kuwo fogfog oo aan lahayn wax isgaarsiin ah, haddana wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay waxay sheegayaan in xaalku deggan yahay isla markaasna ay kala dhaqaaqeen malleeshiyo beeleedkii halkaas isku horfadhiyay, kadib markii ciidamada dawladdu ay tageen degaankaas.


Inktasta oo ay taasi jirto haddana uma muuqato in arrintu ay sidaas ku dhmaan karto, ilaa la helo wada hadal iyo heshiis dhexmara beelaha iyo in arrinta ay soo dhexgalaan odayaasha gaar ahaan xeer beegtida, oo caadi ahaan aan looga maarmin kaalinta ay ka galaan colaadaha noocaan iyagoo maamulka kaashanaya.


Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa gobollada Bari ka soo noqnoqanaya colaado beelaha u dhexeeya, kuwaas oo salka ku haya xagga degaanka iyo daaqsinta ama dooxooyinka ay xooluhu daaqaan oo beelaha qaarkood ay damcaan inay ka hirgeliyaan dhismayaal aan sharci ahayn.


Si kastaba ha noqotee waxaa la rumaysan in colaadaha noocaan ahi, ay dhabarka ku hayaan ama ay dhinac kaga jiraan ganacsatada beelaha ay u dhaxayso oo ciidamada beelaha ku taageera hubka, gaadiidka, shidaalka iyo sahaydaba taasoo hadda ka hor uu maamulku soo qaaday in qofkii lagu helo arrimo noocaas ah tallaabo laga qaadi doono, laakiin aanay waxba suuragelin.


Dhinaca kalana maamulku wuxuu horay ugu guulaystay inuu si buuxda u soo afjaro colaadii tan ka horraysay, ee iyana ka dhacday dooxada Igdhays oo dhexmartay beelaha Bari qaarkood ayna ku dhinteen dad ka badan 30 qof dhaawacyo intaas ka badana ay jireen.


Source: BBC Somali

Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.