axa xalay lagu qabtay xaflad si qurux badan loo soo agaasimey, magaalada Doha ee wadanka Qatar. Xafladan ayaa waxa soo abaabulay haweenka Soomaaliyeed ee degan wadankan Qadar. Ujeedada xafladan ayaa ku saabsanayd xuskii lix iyo labaatankii June iyo kowda luuliyo oo ahaa maalmihii ay dhamaan Soomaliya xornimada heshey.
Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal Soomaaliya oo degan wadanka Qatar iyo suxufiyiin ka kala yimid qurbaha iyo Soomaaliya, sidoo kale waxa xafladan goob joog ahaa Safiiro, xildhibaano, iyo madax dhaqameedyo. Intii xafladan ay socotay ayaa waxa lagu soo bandhigay gabayo, cayaaro, qudbado, iyo riwaayad gaaban oo ka turjumeysey marxalada hada Soomaaliya ku jirto.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Qatar iyo Qunsulka ayaa waxa ay ka jeediyeen hadalo gaaban oo ku dheehan tahay wadanimo iyo shucuur. Sidoo kale waxa ka hadlay masuuliyiin badan oo ku soo bandhigtay marxaladhiii Soomaaliya ay soo martay maalintii ay calanka qaateen iyo hada meesha ay marayso.
Ugudanbeyntii ayaa halakaas waxa lagu soo bandhigay calanka Soomaliya oo laga sameeyey doolsho iyo maro uu ku sawiran yahay. Marada uu calanku ku sawirnaa ayay ahayd maradii ugu weyneed ee laga tolo calan Soomali, taasoo ka turjumeysey dadka Soomaalida ah ee degan Doha in ay jecel yihiin wadankooda iyo calankooda.
Fadlan halkan ka daawo sawiradii xaflada oo dhan:
http://picasaweb.google.com/somalimedia/20100710#