Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 19.07.2010, lugu qabtay magaalada Arhus ee Denmark ,shir ballaaran oo ay kasoo qayb galeen qurbajoogta Puntland.
- Markii lays tusaaleeyey baahida loo qabo gole kulmiya qurbajoogta Puntland ee ku nool dalka Danemark
- Markii doodo iyo afkaar kala duwan keddib, leysla meel dhigay hadafka iyo himilooyinka Golaha.
- Markii lays tusay in lasoo gaaray waqtigii la xiriirin lahaa golayaasha Qurbajoogta puntland .
- Markii laysku wada af gartay qodobbadii shirka looga hadlayey ayaa:
Si wadajir ah loo aasaasay “Golaha qurbajoogta Puntland- Danemark – Puntland diaspora forum – Danemark”
Keddib waxaa la doortay maamulka Golaha oo ka kooban:
1- Cabdisalaam Cali Askar – Guddoomiye
2- Mohamed Jama Soyan – Gud. Ku xigeen
3- Farah Yassin Osman – Xoghayaha warfaafinta
4- Cabdiraxman Axmed Shire – Xoghayaha maamulka & maareynta
5- Ing. Cabdimaalik Mohamoud Farah – Xoghayaha xiriirka gudaha & dibedda
6- Axmed Xasan Warsame (Asbaro) – Xoghayaha borotokoolka
7- Omar Ahmed Shirwac – Xogahayaha hantidhawrka
Cabdisalaam Cali Askar
Guddoomiyaha Golaha qurbajoogta Puntland-Danemark-Puntland diaspora farum