Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xurunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Maxamed Axmed Caalim uu qarka u saaran yahay inuu burburo ka dib markii ay ka hoos kaceen maleeshiyo uu wato Abdi Shukri Ali oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii magaalada Muqdishu laga soo ceyriyay haatana sheegta madaxa Ahlu-sunna wajameeca ee gobolka Mudug. Arintaan ayaa waxay cirka isku shareertay markii asbuucaan horaantiisa magaalada lagu arkay maleeshiyo ku labisan dharka ciidamada watana gawaari tekniko ah oo gaafwareegaya xaafada Baraxley ee uu ka taliyo maamulka Galmudug.
Tirada Maleeshiyadaas ayaa waxaa lagu qiyaasay inay 500 oo nin ku dhowdahay taas oo ka tiro badan ciidamada maaulka Galmudug. Warar hoose ayaa sheegaya in odayaal u dhashay beesha Galmudug oo ay ka soo jeedaan Cabdi Shukri iyo Caalim ay isku dayayaan sidii ay u kala furdaamin lahaayeen labada nin oo maleeshiyadoodu ay joogaan hal deegaan oo haddana aan kala amar qaadanayn.
Cabdi Shurki oo ciidamadiisa meel fagaare xaafada Baraxley kula hadlayay ayaa sheegay inaysan cidna uga habeysanayn inay sugaan amaanka deegaanada ay ku noolyihiin dadka reer Galmudug. Wuxuu sheegay in ujeedadiisu tahay sidii Somaliya looga sifeyn lahaa waxa uu ugu yeeray argagixasada. Hadalkaas ayaa u muuqda Cabdi Shukri inuusanba aqoonsanayn maamulka Galmudud ee Mudane Caalim.
Xaafada Wadajir ayaa waxaa kaloo si ba’an u degay burcad badeeda iyo maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan kuwaas oo magaalada Gaalkacyo dhibaato weyn ku haya xiliga habeenkii. Maamulka Puntland ayaa waayadaan dambe il gooniya ku haya xaafada Baraxley oo la sheegay inay gabaad u noqotay dambiilayaal ka cararay dhinaca Puntland oo maaulka Galmudugna diiday inay soo wareejiyaan. Dabiilayaashaas oo qaarkood u dhasheen Puntland ayaa si xor ah ugu nool xaafada Baraxley waana taas mida keentay inay adkaato xiriir wanaagsan oo dhexmara Puntland iyo Galmudug.
Dadka reer Gaalkacyo ayaa iyaguna cabsi ka muujiyay suurgalnimada isku dhac lka dhaca xaafada Baraxlay iyo hubka iyo ciidamada lagu soo aruuriyay xaafada Baraxley iyadoona sida muuqata uusan maamulka Galmudug haatan lahayn awood uu ku maareeyo fowdada ka jirta xaafadaas.
Mudugonline.com