Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


FAALO: Nabadgelyada Puntland waa muqadas, waxana u xilsaaran reer Puntland
Posted to the MOL July 24, 2010, 9:55 pm

Tan iyo intii dagaalka sokeye bilowday, Puntland waxa lagu ahaa duulaan.Marar badan ayaa lugu soo qaaday dagaal bareer ah iyo kuwo dahsoon ba. Waxa lala damacsanaa burbur iyo tafaraaruq ka dhex dhaca bulshada iyo beelaha waaweyn. Waxa la isku deyay in fidmo la dhexdhigo bulsho walaalo ah ayadoo la adeegsanayo kuwo caado qaatayaal ah oo degaanka u dhashay. Kooxahan horarka ahi waxay si kasta isugu dayeen in ay carqaladeyaan nabadgelyada magaalooyinka waaweyn, khaas ahaan Boosaso oo ah magaalo barwaaqo badan, si Puntland isha looga rido oo loo wiiqo xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xag bulshadeed ba. Imisa goor ayaa la gilgilay nabadgelyada magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo dharaar cad lagu dilay dad tiro badan oo ahaa halyeyadii iyo waxgaradkii bulshada. Waa lama ilaawaan dhibaatadi ay kooxda xagjirka ahi u geysteen degaanka Puntland, khaas ahaan Boosaso. Kuwi xoogagaas hogaaminayay weli waa soo maleegayaan shirqoolada lala damacsanyahay in lagu burburiyo nabadgelyada, kheyraadka iyo dowladda Puntland u dhisan. Tan iyo waagaas waxa lala dabajoogay degaankan dulmi iyo hagadaamo aan kala joogsi laheyn. Waxay isticmaaleen xeelado kasta oo guracan oo lala damacsanaa in dhibaato xad dhaaf ah loogu geysto bulshada Puntland. Waayo ayaa loo midiya lisanayay sidi Puntland dhuunta looga mudi lahaa oo burburka iyo halaaga ku habsaday konfurta Soomaaliya loogu soo wareejin laha degaankan nabadu ka jirto. Waayo badan ayaa argagixisada caalamiga ahi ku hamineysay in ay gacanta ku dhigto xeebaha Puntland oo ay u arkeysan degaan muhim u ah in ay danahooda ku fushadaan.


Waxa kuwa hororka ah ku geesigeliyay in ay dhibaato aan dhammaad lahey la dabajoogaan degaankan waa daldalooka iyo kala daadsanaanta ka muuqatay bulshada Puntland. Waxa lala yaabanyahay sababta ay bulshadu mar hore uga dhidhiyi waayeen uga na gaashaaman waayeen sida ugu haboon dhibaatada xad dhaafka ah ee lala dabajoogay. Waxa muuqatay in aan reer Puntland ayan sida ugu haboon ugu tabaabusheysan ka hortagga shirqoolada lala damacsanaa in lagu burburiyo jiritaankooda. Murtida soomaaliyeed waxay na bareysaa in biyo inta ayan ku soo gaarin ayaa la iska mooso. Ma ba laga fekerin in masiibada ku habsatay koonfurta soomaaliyeed ay ku soo fidi karto xag kasta. Waxa muuqatay in wada shaqeynta bulshada iyo dowaduu ayan wacneyn oo ay jirtay dabacsanaan iyo isku haleyn. Waxa guud ahaan bulshada soomaaliyeed caado u ah in ayan la shaqeyn dowladda khaas ahaan ciidamada nabadgelyada. Waxa loo baahanyahay in madaxda dowladdu u muuqdaan kuwo u adeegaya danta shacbiga si ay u soo jiitaan kalsoonida bulshada.  


Haatan talaa la gudboon reer Puntland


 Waxa soo ifbaxay oo cad in Puntland lagu soo qaaday duulaan qorsheysan oo  waayo la soo maleegayay. Muddo dheer ayaa waxgaradka ugu yeerayeen bulshada in loo diyaargaroobo difaaca dalka. Waxa lagu qiyaasay in ay magaalooyinka waaweyn ku noolyihiin ilaa hal malyan iyo bar. Inta Boosaso ku nool ayaa ku sii dhow hal malyan. Boqolaal kun ayaa ka ganacsata ama gobo xirfadeed ku leh magaalooyinka waaweyn, barwaaqo iyo nabadgelyo na ku haysata. Boqol kun in ka badan oo dhaliyaro ah ayaa wax ku barta. Inta ba waxa waajib ku ah in ay ka qayb qaataan difaaca nabdgeyada iyo jiritaanka dadkooda iyo dalkooda.  Waa lala wada socdaa halaaga iyo burburka joogtada ah ee ka dhacaya koonfurta soomaaliyeed, khaas ahaan caasimadda Muqdisho oo maalin kasta lagu xasuuqo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan. Waxa wadne xanuun iyo qushuuc nagu abuuray in dad shacbi ah oo aan wax debi ah laheyn oo sabab la’aan loo gumaadayo. Boqolaalka kun ee la barakiciyay oo ku sugan meel aan baad iyo biyo laheyn, oo hadana laga hor istaagay in heyadaha samafalku u soo gurmadaa.


Waxan hadaba reer puntland ugu yeereynaa bulsho iyo dowlad ba in meel looga soo wada jeesto difaaca dalka iyo dadka. Waxa maantay Puntland lagu difaaci karaa talo mideysan, qorshe habeysan, niyad mideysan iyo isku duubni. Cudud iyo hantiyi ma nagu yara, waase in la mideyaa.Waxa degaanka Puntland laga dhex helayaa boqolaal kun oo ah dhalinyaro hubqaad ah oo awood u leh daafaca dalkooda.


Waxan u soo jeedineyna fikradahan hoos ku qoran :


- in dhalinyarada dalka la wacyigeliyo, loogu na yeero in mustaqbilkooda iyo sharafkoodu ku xiranyahay nabdgelyada iyo jiritaanka qaranimadooda.


- In la xoojiyo midnimada iyo wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada nabadgelyada


- In naf iyo maal loo huro nabadgelyada iyo jiritaanka Puntland.


- in laga gaashaanto wax kasta ama qof kasta oo tafaraaqu dhexdhigi kara bulshada, tilaabada ku haboon na laga qaado.


- In dowladda, Isimada, cuqaashasha, ganasatada, aqoonyahanada iyo bulshada    qaybaheeda kala duwani yeeshaan talo iyo xirriir joogto ah oo mideysan, bulshada na loo soo bandhigo lagu na wacyigeliyo adkeynta nabadgelyada degaankooda.


- in loogu yeero qof kasta oo bulshad ka mid ah uu xilka ka saran badaadada qaranka u guto si daacad ah, naf iyo maal na u huro. 


Waxan soo dhoweyneynaa baaqa ay soo tebiyeen isimada Puntland oo ay ugu yeerayaan bulshada in amaanka Puntland yahay muqadas lama taabtaan ah. Aad ayuu noo taabtay baaqa qiimaha weyn ku fadhiya ee uu soo jeedshay afhayeenka isimada garaad Cabdulahi Cali Ciid.


Waxan kaloo soo dhoweyneynaa aana taageereynaa go’aamada ay madaxda dowladdu soo jeedisay ee looga hortegayo qof kasta oo horror ku ah nabgelyada iyo joritaanka degaanka Puntland. 


Reer Puntland iyo Soomalida gobolada kale


Boqolaal sano ka hor ayaa bulshada Puntland ku caanbaxday soo dhoweynta, martisoorka iyo xaqdhowrka dadka martida u ah. Dhaqan uma lahaanjirin reer Puntland in tacadi iyo dulmi loo geysto binuaadanka, khaas ahaan walaalahayaga soomaaliyeed oo na soo magangalay. Waxan ugu yeereynaa bulshada reer Puntland in ay joogteyaan dhaqanaas gobanimo oo waayo soo jireenka ah oo ku saleysan diinteena macaan. Isla markaas na waa in nadgelyadu ahaataa muqadas, lagan a hortagaa qof kasta oo carqaladeynaya.


Tan iyo 1991 gii waxa Puntland ku soo qulqulayay boqolaal kun oo ka soo cararay gobolada soomaaliyeed iyo wadamada nala deriska ah. Kuligood waxa loo soo dhoweyay si xushmad leh oo ay soomalinimo iyo muslinnimo ku dheehantahay. Waxay badankoodu ka sameysteen nolol wacan iyo shaqo, waxay na ku leeyihiin ganacsi iyo gobo xirfadeed. Waxay ku soo biiriyeen Puntland aqoontooda iyo xirfado wax weyn ku kordhiyay magaalooyinka waaweyn. Dadka intaas tiro leeg waa laga dhex heli karaa kuwo falal xun ku kaca oo si guracan loo soo adeegsado. Waa dhab in Puntland tahay dhul soomaaliyeed oo qof kasta oo soomaali ah u furan, laakiin maamulka dowliga ah waxa xil ka saaranyahay badbaadada iyo nabadgelyada dalka, waa na in ay ka hortagaan wixii loo arko in ay dhibaato wadaan. Mar haddii dagaal dhaco oo ay nabadgelyadu xumaato, waxa dhab ah in qalad dhacayo, waayo waxa xaaladaas oo kale ay ciidamada nabadsugiddu ka fekeraan oo qur ah waa sugidda amaanka iyo badbaadada qaranka. Dadka gobolada kale ka kala yimid ee ku nool Puntland waa ka badanyihiin laba boqol oo kun. Inta hadda degaankoodi loo celiyay waa ka yaryihiin kun qof, waa na dhamaantood dhaliyaro rag ah. Soomaaliu waxay ku maahmaahan: baaanki mare faraqiisa geed ma qabsado.


Sidee looga bixi karaa dhibaatada ka imaankarta dadka u soo barakacaya Puntland?


Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxay u fideen si xad dhaaf, tirade dadka ku nool na waasii laba laabmayaan. Ciidamada nabadgelyada magaalooyin ma la kordhin tiro iyo tayo ba in muddo ah. Xarumaha adeega bushadu ma fulin karaan hawshi laga sugayay, waayo waa laga tan batay. Waxa loo baahanyahay in la dhiso maamul xaafadeed oo habeysan si bulshada xaafaduhu ay u sugaan nabdgelyada naftooda iyo hantidooda, ula na socdaan dhaqdhaqaaqa dadka dega, wixi dhibaato wada na isaga qabtaan.


Ma suurtoobeyso magaalo aan laheyn qorshe nidaam magaalo in si sahal ah loo sugo amaankeeda. Magaalooyinku ma laha xafiisyo tiro koob, ma laha aqoonyahano naqshadaha magaalada iyo xaafadaheeda, ma laha ciidan sidoon oo tiro iyo tayo ku filan leh, qalab casri ah na haysta, ma laha ciidan iyo qalab looga hortago masiibooyinka dhabiiciga ah sida: dabka, duufaanta, daadka iyo dhul gariirka Eebe nagu ma keenee. Reer Puntland waxa u taala hawl aad u culus sidi ay u noqon laheyd qaran dhumuc weyn. Waxan la jecelnahay reer Puntland barwaaqo iyo guul, waxan na rajeyneynaa in dhibaatadan xal waara loo helo. Maanta waa maalintii hal ahaansho



Prof. Maxamed Xareed

Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.